malistar2012
Nomad-
Content Count
2,754 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by malistar2012
-
The life of AMISOM soldiers - The guardians of Mogadishu
malistar2012 replied to Saalax's topic in Politics
let them hate on the great city of xamar cadeey within year of stability and some sort of peace Mogadishu has surpassed the entire region now we are competing with neighboring Capitals such as Nairobi inshallah ............. the Next year or so Mogadishu will be the economic power house of east Africa ................... soon wealth will divide the country into classes and HAG community you hate will dominate Somalia .............................. Mad_Mullah your cousins will soon pick our garbage in Xamar :cool: -
Mogadishu will never go back to Anarchy and chaos inshallah with all this investment by the locals , Diasporas and International donors Dhismaha laga hirgelinayo deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho oo u jira garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho 3-km, wuxuu ku fadhiyaa dhul dhan 730,000 Mitir oo laba jibaaran (73 hektar), deegaankan ayaa loo dhameystiri doonaa adeegyada guud ee nolosha sida biyo nadiif ah, koronto joogta ah, taleefoon, Internet IWM. Haddii mashruucan la hirgeliyo wuxuu noqonayaa xaafaddii ugu horreysay oo leh nidaam iyo maamul u gaar ah oo si joogta ah uga shaqeeya sugidda amniga, maareynta goobaha danta guud, sida masaajidda, jidadka, goobaha caruurtu ku ciyaarto, beeraha lagu raaxeysto iyo nadaafadda.
-
Mashruuc dhismayaal cusub looga hirgelinayo deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa lasoo bandhigay maanta, iyadoo la sheegay in dhismayaashan ay yihiin xaafad cusub oo ka mid noqonaya xaafadaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana mashruucan uu ka kooban yahay in ka badan 1,200 oo guri. “Dadka dibaddiisa kasoo laabanay waxay u baahan yihiin wax ka duwan wixii hore, waana wax lagu farxo dhismayaasha lasoo bandhigay ee Jaziira laga hir-gelinayo, waana kuwo la mid ah sida hoteelka Kempesky ee dalka Jabuuti ku yaalla,” ayuu yiri Tarsan. Waxaa kaloo goobta ka hadlay, guddoomiyaha degmada Wadajir, Axmed Xasan Cadoow (Daaci) iyo guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo labaduba soo dhaweeyay mashruucan kuna tilmaamay mid wax tar weyn u leh shacabka Soomaaliyeed. Dhismaha laga hirgelinayo deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho oo u jira garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho 3-km, wuxuu ku fadhiyaa dhul dhan 730,000 Mitir oo laba jibaaran (73 hektar), deegaankan ayaa loo dhameystiri doonaa adeegyada guud ee nolosha sida biyo nadiif ah, koronto joogta ah, taleefoon, Internet IWM. Haddii mashruucan la hirgeliyo wuxuu noqonayaa xaafaddii ugu horreysay oo leh nidaam iyo maamul u gaar ah oo si joogta ah uga shaqeeya sugidda amniga, maareynta goobaha danta guud, sida masaajidda, jidadka, goobaha caruurtu ku ciyaarto, beeraha lagu raaxeysto iyo nadaafadda.
-
Axad, Juun 23, 2013 (HOL) — Mashruuc dhismayaal cusub looga hirgelinayo deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa lasoo bandhigay maanta, iyadoo la sheegay in dhismayaashan ay yihiin xaafad cusub oo ka mid noqonaya xaafadaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana mashruucan uu ka kooban yahay in ka badan 1,200 oo guri. Xaafadda looga dhawaaqay hirgelinta mashruucan cusub ayaa laga sheegay in dhismayaaashan ay isugu jiraa deegaan, ganacsi, masaajidyo, kuwo lagu nasto oo bilic iyo tayo heer sare ah ayaa waxaa maal-gelinayay ganacsato Soomaaliyeed. Bandhigan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas'uuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Tarsan, guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Gabeyre, dad ajaaniib ah, maal-gashatayaal iyo ganacsato Soomaaliyeed. Maamulka shirkadda dhul iyo guri Real Estate Ltd, Maxamed Cabdi Marteello oo ugu horreyn ka hadlay xafladda ayaa sheegay in dhismaha Jazeera Estate uu yahay mashruuc cusub oo ka faa'iideysan doonaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in dadka Soomaaliyeed ay maal-gashan karaan, isla markaana mashruucan uu u furan yahay cid kasta. “Waa arrin u furan cid walba inay iska diiwaangeliso inay dhismayaasha ku sameysato maal-gashi,” ayuu yiri Marteello oo sheegay in qof walba uu ka heli doono wuxuu uu daneynayo. Sidoo kale, Mateello wuxuu sheegay in mashruucan uu billaaban doono labo bil gudahood, isagoo xusay in dhismayaasha ay ka mid noqon doonaan kuwo hoteello ah, isla markaana dadka Soomaaliyeed ay iibsan karaan ayna kiro ku degi karaan. Mas'uul u hadlay shirka Jazeera Estate ee fulin doonta mashruucan ayaa isna sheegay in dad badan ay shaqo ka heli doonaan, isla markaana uu qorshuhu yahay in la sameeyo dhismayaal laga hirgeliyo magaalada duleedkeeda lana furo si aan loogu ekaan magaalada gudaheeda, sida KM4 illaa Bakaaraha oo kale, wuxuuna intaas ku daray in magaaladu ay noqoto mid afar geesood ah. David Park oo ah wakiilka shirkada African Skies oo ka qeyb-qaadanaysa dhismaha mashruucan ayaa sheegay in xaafadda Jazeera Estate ay tahay xaafad amnigeedu sugnaan doono lehna dhammaan adeegyada kale ee loo baahan yahay, isagoo intaas ku daray in xaafaddan ay tahay mid casri ah. Sidoo kale, David wuxuu sheegay in dadka dibadaha ka yimaada ay iloobi doonaan meelaha ay ka yimaadeen haddii ay arkaan dhismayaasha laga hirgelinayo xaafadda cusub, wuxuuna tilmaamay inay dowladda ka heli doonto wixii xuquuq ah, hadii ay tahay wax canshuuro ah wuxuuna ugu baaqay in laga faa'iideysato mashruucan taariikhiga ah. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo isaguna ka hadlay madasha ayaa sheegay in mashruucan uu yahay arrin shacabku u baahan yahay, fursado badan oo furanna ay jiraan, gaar ahaan maal-gashiga iyo dhismaha dalka laga sameeynayo, isagoo ugu baaqay qurba-joogta inay ku soo laabtaan dalkooda oo ay maal gashadaan. “Dadka dibaddiisa kasoo laabanay waxay u baahan yihiin wax ka duwan wixii hore, waana wax lagu farxo dhismayaasha lasoo bandhigay ee Jaziira laga hir-gelinayo, waana kuwo la mid ah sida hoteelka Kempesky ee dalka Jabuuti ku yaalla,” ayuu yiri Tarsan. Waxaa kaloo goobta ka hadlay, guddoomiyaha degmada Wadajir, Axmed Xasan Cadoow (Daaci) iyo guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo labaduba soo dhaweeyay mashruucan kuna tilmaamay mid wax tar weyn u leh shacabka Soomaaliyeed. Dhismaha laga hirgelinayo deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho oo u jira garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho 3-km, wuxuu ku fadhiyaa dhul dhan 730,000 Mitir oo laba jibaaran (73 hektar), deegaankan ayaa loo dhameystiri doonaa adeegyada guud ee nolosha sida biyo nadiif ah, koronto joogta ah, taleefoon, Internet IWM. Haddii mashruucan la hirgeliyo wuxuu noqonayaa xaafaddii ugu horreysay oo leh nidaam iyo maamul u gaar ah oo si joogta ah uga shaqeeya sugidda amniga, maareynta goobaha danta guud, sida masaajidda, jidadka, goobaha caruurtu ku ciyaarto, beeraha lagu raaxeysto iyo nadaafadda.
-
Waxaa magaalada Muqdisho ku soo batay dadka gadanaya baabuurta. Waxaa kale oo soo badanaya shirkadaha keena baabuurta. Arintan waxaa sabab looga dhigay amaanka magaalada Muqdisho oo sii wanaagsanaanaya. Maadaama ay jiraan dad badan oo raba in ay gataan baabuurta, waxaa qaaliyoobay baabuurtii. Weli waa yar yihiin dadka gata baabuurta qaaliga ah. Baabuurta la gato waxay u badan yihiin baabuur yar yar oo la soo isticmaalay. Intooda badan waxaa laga keenaa Dubai. The City of Dream Mogadishu , No matter what happens city could be in a civil war for 100 years and will strive in One year of peace and stability . You gota love the hard working business minded Community
-
The life of AMISOM soldiers - The guardians of Mogadishu
malistar2012 replied to Saalax's topic in Politics
The Nation Capital has more police officers and better equipment then Somaliland ......... we are dealing with international Terrorist and Dawladiid elements ............ After 24 years of civil war , we will need all the help we can get to improve security situation in Xamar , A City that has greater Population then the entire Somaliland . ... Somaliland dusty Police cannot be compared to Mogadishu watch this video ................ http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=EuLPkcw57Q8" frameborder="0" allowfullscreen> -
The life of AMISOM soldiers - The guardians of Mogadishu
malistar2012 replied to Saalax's topic in Politics
salax No matter how you bash the Nation Capital Xamar caadeey it will always be the Somali speaking people Capital as it was for hundred years ..... amisom is hear to Fight International Terrorist we welcome them ......................... what about the xabash soldiers that guarantee Somaliland Safety lol ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,, -
Salax DHAGEEYSO:- Wasiirka Arimaha dibadda Somaliland oo ka hadlay siyaasiin dhankooda kasoo jeeda oo xilal ka helay dowladda Soomaaliya. it all comes down to this sxb ......................... Your People our people from the North Politicians and citizen are migrating to the Nation Capital Xamaer caadey for Work and better living are you gonna stop them . Your metal scrap looting ministers and president of Somalia can't even visit Somaliland and yet you're dreaming of this One region at time sxb we have all the time to reach Hargesa via Talex :cool:
-
DHAGEYSO:-Wararkii Ugu Dambeeyay Xalaada Kismaayo oo Dagaalo ka Dhaceen Wararka Saaka Ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in xaalada Magaaladaasi ay tahay mid degan, kadib dagaalo qaraar oo halkaa ku dhexmaray ciidamo ka kala tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa ururka Raaskaanbooni. Magaalada Kismaayo ayaa sakaa waxaa dib u soo noqday adeegyadiii muhiimka ahaa ee uu sameeynta ku yeeshay dagaaladii halkaa ka dhacay, waxaana dib saaka u furan goobihii ganacsi iyo waxbarashada, caafimaadka. Magaalada Kismaayo ayaa waayihii ugu dambeeysay waxaa ka dhacayey dagaalo siyaasadeeysan oo u dhaxeeya ciidamada Raaskaanbooni iyo dhinacyo dhowr ah oo aragti ahaan Kismaayo xukunkeeda kuka aaraa duwan. Gabaldhicii shalay ayaa waxaa ka dhacay Magaalada Kismaayo dagaal geeystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay. Manajirto wax wada hadal ah oo la kala dhexdhigay ciidamadii shalay ku dagaalamay Kismaayo marka laga reebo si iskood ah oo ay u joojiyeen risaastii ay is weeydaarsanayeen. Labada dhinac ee kismaayo ku dagaalamay ayaa midba dhanka kale waxaa uu dusha kaga tuuraya masuuliyada dagaalada Kismaayo oo ah kuwa soo noqnoqda.
-
DHAGEYSO:-Wararkii Ugu Dambeeyay Xalaada Kismaayo oo Dagaalo ka Dhaceen Wararka Saaka Ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in xaalada Magaaladaasi ay tahay mid degan, kadib dagaalo qaraar oo halkaa ku dhexmaray ciidamo ka kala tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa ururka Raaskaanbooni. Magaalada Kismaayo ayaa sakaa waxaa dib u soo noqday adeegyadiii muhiimka ahaa ee uu sameeynta ku yeeshay dagaaladii halkaa ka dhacay, waxaana dib saaka u furan goobihii ganacsi iyo waxbarashada, caafimaadka. Magaalada Kismaayo ayaa waayihii ugu dambeeysay waxaa ka dhacayey dagaalo siyaasadeeysan oo u dhaxeeya ciidamada Raaskaanbooni iyo dhinacyo dhowr ah oo aragti ahaan Kismaayo xukunkeeda kuka aaraa duwan. Gabaldhicii shalay ayaa waxaa ka dhacay Magaalada Kismaayo dagaal geeystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay. Manajirto wax wada hadal ah oo la kala dhexdhigay ciidamadii shalay ku dagaalamay Kismaayo marka laga reebo si iskood ah oo ay u joojiyeen risaastii ay is weeydaarsanayeen. Labada dhinac ee kismaayo ku dagaalamay ayaa midba dhanka kale waxaa uu dusha kaga tuuraya masuuliyada dagaalada Kismaayo oo ah kuwa soo noqnoqda.
-
Saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa eedeen usoo jeediyay ciidamada Kenya ee halkaasi ku sugan. Korneel Maxamed Axmed oo ka mid ah saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya ee halkaasi jooga ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay si gaar ah ula safan yihiin kuwa Raaskambooni. Waxa uu sheegay sidoo kale in ciidamada Kenya ay ka eecdeen hanaankii AMISOM loogui tala galay, islamarkaana ay ismoodeen in raaskambooni ay dalka maamusho waa sida ay hadalka u dhigeene. Ciidamada Kenya ayaa lagu xantaa inay saaxiib gaar ah la yihiin ciidamada Raaskamooni ee hadda gacanta ku haaya magaalada Kismaayo.
-
Good news , its time to rehabilitated Snm Family , erase all the hate in the their heart towards Somali Nation and people . This is the reality no matter what Silaanyo and the Gang say Somali Sovereignty is not negotiable .
-
Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ka taagan magaalada Muqdisho iyo qaraxyadii dhawaan ka dhacay caasimada Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya hadda laga doonaayo wax badan inay ka bedasho hanaanka ay ku sugayso amaanka guud ee magaalada Muqdisho iyo sidoo kale xarumaha dowladda Soomaaliya. Raysal wasaarihii hore ayaa baaq u diray dowlada wuxuuna ugu baaqay inay wax ka badasho qaabka hada looga shaqeeyo amaanka, iyo waliba sida looga hortago Al-Shabaab. Dhawaan ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka dhacay weeraro xooga oo lagu qaaday Xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo dad badan ay ku dhinteen.
-
Somaliland: Recent Attacks On UN In Somalia Spur Secession Talks
malistar2012 replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Despite reports of skirmishes between Somaliland forces and Al Shabaab in the state's easternmost reaches, and that Al Shabaab leader Ahmed Godane hails from the capital city, Hargeisa, Omar feels that Somaliland is containing the threat of terrorism. Thank God our youth are not turning to Al Shabaab. We are not at war. If recognition was based on security we would have recognition. However we must remain vigilant, always looking out. Las'anod — Close sources tell GO that Somaliland's UCID political party chairman, Faisal Ali Warabe's son, and a woman were arrested in Las'anod on terrorism charges following an investigation, Garowe Online reports. Somaliland's UCID political party chairman"Faisal Ali Warabe." Government sources in Hargeisa say that the operation was assisted by foreign security forces. The sources tell GO that the two were affiliated with Al Shabaab and that the two had a connection in recent terrorist attacks in Puntland. Chairman Warabe's son and the woman fled Hargeisa and were attempting to flee Las'anod before they were caught. "The man arrested is my son; I and the Minister of Interior are following the arrest of the two people. I don't know where they were headed but I want a full investigation so we can find out," said Chairman Warabe who spoke to Somali media on Sunday Who will be heading to Mogadishu next Sillanyo Son , Godan has Failed you guys soon he will be chased out of south Somalia -
ukuumada Soomaaliya ayaa mar kale qalqal Gelisay madaxda ugu sareysa maamulka Soomaaliland ka dib markii Safiiradii Dhawaan la magacabaay uu ku jiro Gudoomiyaha Urur siyaasasdeedka Gurmad ee Soomaaliland. Nuur Faarax Xirsi Gudoomiyihii Urur Siyaasadeedka Gurmad ayaa Xukuumada Soomaaliya waxaa ay u magcaawday safiirka Malezia u fadhin doona Dowlada Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dareen hor leh ku Abuurtay Madaxda ugu sareeysa maamulka Soomaaliland oo ka war walsan Siyaasada madaxdooda ee ku wajahan Soomaaliya. Madaxda Soomaaliland oo hore uga walwalsanaa Guddooomiyahii Urur Siyaasadeedka NDB, Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo Dowlada Soomaaliya ay u Magaan Wasirka Arimaha Dibada Soomaaliya tiiyo jirtay ayaa hadane Xukuumada Safiir u Magacoowday Gudoomiyihii Urur Siyaasadeedka Gurmad. War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Raysal-wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid). ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Gurmad, Nuur Faarax Xirsi loo magacaabay Safiirka cusub ee Malaysia, u fadhi doona Soomaaliya.
-
Khamiis, Juun 20, 2013 (HOL) — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somalia oo maanta yeeshay kulan uu shir-guddoominayay ra’iisul wasaare Cabdi faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ayaa lagu ansixiyay magcaabista shan safiir oo cusub. Danjirayaasha la ansxiyay ayaa waxay kala yihiin: Jen. Muuse Xasan Cabdulle oo loo magacaabay daniraha Soomaaliya ee dalka Talyaaniga, Axmed Cabdisalaam Xaaji Aadan oo loo magacaabay danjiraha Soomaaliya ee dalka Itoobiya, Cali Saciid Faqi oo loo magacaabay danjiraha Soomaaliya ee dalka Belgium iyo Midowga Yurub, Nuur Faarah Xirsi oo loo magacaabay danjiraha Soomaaliya ee dalka Malaysia iyo Saciid Nuur Yuusuf oo horay u ahaa danjirihii Soomaaliya ee Itoobiya oo loo wareejiyay dalka Tansaaniya. Ra’iisul wasaaraha ayaa magcaabista safiirrada ku tilmaamay inay ka mid tahay qorshaha xukuumaddiisa ee xoojinta xiriirka dublamaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay caalamka. “Tallaabadan waxay ka mid tahay qorshaha xukuumadda ee lagu adkaynayo xiriirka dublamaasiyadeed ee aynu la leenahay caalamka iyo dar-dar-gelinta shaqada ergada dublamaasiyadeed ee Soomaaliya u jooga caalamka,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu Saacid. Intaas kaddib golaha wasiirrada ayaa ka dooday ammaanka dalka, waxyana warbixin laga dhegeystay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Cabdikariim Xuseen Guuleed, iyadoo wasiirku sharraxaad ka bixiyay weerar ay shalay A-shabaab ku qaadday dhismihii hay’adda UNDP ee Muqdisho, iyadoo markaas kaddib goluhu si buuxda ayuu u dhaleeceeyay falkaas. Sidoo kale, golaha wasiirradu waxay dood ka yeesheen sidii kor logu qaadi lahaa heerka nolosha ee ciidamada Qaranka, wuxuuna goluhu boogaadiyay kaalinta ciidamada qalabka sida ee ku aaddan suggidda ammaanka dalka iyo la-dagaalanka cadawga lidka ku ah Qaranka Soomaaliya. Goluhu wuxuu garawsaday in loo baahan yahay in sare loo qaado heerka nololeed ee ciidamada iyo qoysaskooda, iyadoo arrintaasi loo xilsaaray inay Khamiista soo socota talo ka keenan wasaaradaha kala ah arrimaha gudaha, gaashaandhiga, maaliyadda iyo horumarinta addeega bulshada. Ugu dameyntiina, golaha ayaa ansixiyey heshiishka “Coutonu” oo ay Somalia dhawaan saxiixday, waxaana qorshuhu yahay in xukuumaddu ay dhawaan heshiishkan u gudbiso baarlamanka federaalka Soomaaliya si uu u ansixiyo. Heshiishka Coutonu ayaa fursad u siiya dalalka saboolka ah ee dunida oo ay ka mid tahay Soomaaliya inay helaan deeqo toos ah iyo in laga dhaafo gabi ahaan lacagaha casnhuuraha ah ee ku waajibay. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
President Hassan's National Security Should be Sacked
malistar2012 replied to xiinfaniin's topic in Politics
The Mayor of Mogadishu Tarzan needs to resign ASAP ...................................... Replaced them with strong Figure who is known in city and has influence.... President Hassan Needs To Run Mogadishu How former PM Geedi run Xamar .............No sympathy for those that aid Terrorist . Tarzan Made Mogadishu NGO city ......... Where is the local police and security force .......... -
Breaking News: Big explosions going on right now in Xamar
malistar2012 replied to Cambuulo iyo bun's topic in Politics
what happened to alshabaab attacking Amisom and SAF why are they resulting to coward attacks .................... President Hassan needs to defeat these terrorist or Negotiate ............... 1. Alshabaab held regions should be liberated ASAP in South ........... Alshabaab leader should be on the run , no time to plan terrorist attack -
Breaking News: Big explosions going on right now in Xamar
malistar2012 replied to Cambuulo iyo bun's topic in Politics
Its Time For the Somali Gov to engage in Peace talks with Alshaabaab , we cannot wait a decade and realize what the Afghans realized decade later which is dialogue..... , President Hassan should reach out Dahir Aweys and HAG Alshabaab First ..................... -
Jubaland the new khatumo here today gone tomorrow
malistar2012 replied to GAROODI's topic in Politics
This is the Jubbaland they wanted , a chaos state , checkpoints , Alshbaaba, Dawladiid ........... what is the outcome Sida uu sheegayo wariyaheena Kismaayo ku sugan, waxa ay u egtahay in magaaladda ay labo u qeybsantahay oo ay jiraan labbo aag oo lagu kala jiro. Kismayo Today is divided into Factions various clan militias are running corners of the city ......... Malayshiyaadkii dhawaca u geystey Yaasiin Raadaar ayaa weerarkoodu ahaa mid qorsheysan oo lagasoo abaabuley meelo Magaalada ka baxsan, Yaasiin Radaar ayaa maanta isku dayay inuu ciidan dhowra oo jidgooyo sameyey ayna isaga isku hayb yihiin uu lasoo hadlo, markuu u tagay wax yar ka dib waxaa dhinaca gadaale uga yimid laba nin óo isla maleeshiyaadka ahaa oo meel ku gabanayay waxayna rasaas ooda uga qaadeen Yaasiin Radaar iyo ilaaladiisii ka dibna way kala yaaceen, waxaana halkaas ku dhawacmey Yaasiin radaar oo laba xabo Madaxa uga dhaceen. -
Jubaland the new khatumo here today gone tomorrow
malistar2012 replied to GAROODI's topic in Politics
amaanka Kismaayo oo ay diiradda saarantahay -------------------------------------------------------------------------------- Published: June 18, 2013 Kn: Wararkii ugu dambeeyey ee Kismaayo ka imanaya waxa ay sheegayaan in xaaladda nololeed ee Col. Yaasiin Raadaar ay tahay mid la naf dhowrayo, islamarkaasina ku jiro isbitaalka AMISOM ee garoonka, kadibna magaaladda Nairobi sida ay sheegayaan warar aanan la xaqiijini. Raadaar ayaa waxaa maanta dhaawacay maleeshiyo la sheegey in ay isbaaro dhigteen waddada gasha dekadda Kismaayo, halkaasi oo uu isku dayay in uu la hadlo maleeshiyadda oo si nabdoon meesha oga waddo. Laakiin rasaas ayaa la dhaceen, xalaadiisana haatan waxa ay u dhaxaysaa nolol iyo geeri. Dhacdadaasi kadib waxaa jirey rasaas dhowr jeer magaalada ka dhacday, iyada la arkayay ciidamo aagag kala galayay. Sida uu sheegayo wariyaheena Kismaayo ku sugan, waxa ay u egtahay in magaaladda ay labo u qeybsantahay oo ay jiraan labbo aag oo lagu kala jiro. Dhaawaca loo geystey mas’uulkani darajadiisu sarayso, isbiraada la dhigtey mid ka mid ah dariiqyadda ugu muhiimsan magaaladda, iyo waliba qarixii lagu dhaawacay askarta AMISOM ee maanta dhacay, ayaa waxa ay dhamaantood wax ka sheegayaan amaanka magaalada Kismaayo oo sidoo kale uu dhawaan ka dhacay dagaal labbo maalmood. Waxay u egtahay in markii waji laga gudbaba waji kale uu furmayo,balse saraakiil ka tirsan maamulka cusub ee Jubbaland ayaa sheegay in markani xeeladaysigii uu dhamaaday. KismaayoNews.com
-
Popular Contributors