malistar2012

Nomad
  • Content Count

    2,754
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by malistar2012

  1. the arrival of Kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna mas’uulka ugu sarreeya ee Qaramada Midoobay ee arrimaha siyaasadda, Jeffrey Feltman after a terrorist attack targeting UN Workers shows how serious UN is supporting SFG. "Qaramada Midoobay waxay halkan u joogtaa inay dalka kaalmeyso ayna u fidiso taageer muhim ah, isagoo hadda maraya xilligii ugu fiicnaa ee soo mara 20kii sanno ee la soo dhaafay"ayuu sii raaciyay hadalkiisa Mr Feltman. Congrats to the SFG
  2. Kuxigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Jeffrey Feltman ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, si uu u muujiyo taageeradiisa, kadib markii dhowaan la weeraray xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kuxigeenka Ban Ki-moon ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada, iyadoo wada hadalo kadib ay shir jaraa'id u qabteen warbaahinta. Mr Feltman ayaa sheegay inay sii wadayaa taageerada Soomaaliya, isagoo xusay in aysan marnaba ilaabi doonin shaqaalihii ku dhintay Xarunta UNDP, isla markaana aanu weerarkaas hakin doonin go'aankooda ku aadan sii wadida howsha ay ka hayaan Soomaaliya. "Waxaan weligeena laabta iyo maanka ku hayn doonaa xusuusta shaqaalaheena ee lagu dilay weerarkan naxariis darrada ah, waxayna xusuustan xoojin doontaa go’aankeena anagoo sii wadayna hawsha muhimka ah ee aan ka hayno Soomaaliya Qaramada Midoobay lama cabsin doono, waxaana naga go’an inaan joogno oo aan la wada shaqeyno dadka Soomaaliyeed si ay u gaaraan mustaqbal ifaya oo wacan ee ka dhasha dalkooda" ayuu yiri Kaaliyaha Xoghayaha Guud Feltman. Kuxigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee dhinaca Siyaasada ayaa sidoo kale u mahadcveliyay shaqaalaha Qaramada Midoobey oo uu sheegay inay si geesinimo ugu howl galayaan Soomaaliya sida uu yiri "Qaramada Midoobay waxay halkan u joogtaa inay dalka kaalmeyso ayna u fidiso taageer muhim ah, isagoo hadda maraya xilligii ugu fiicnaa ee soo mara 20kii sanno ee la soo dhaafay"ayuu sii raaciyay hadalkiisa Mr Feltman. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay soo dhoweyneyso booqashada Mr Feltman, isagoo xusay inay muujineyso garab istaaga Qaramada Midoobey. "Dowladdu aad bey u soo dhoweyneysaa booqashadan Mr Feltman oo macno weyn ku fadhisa, tani waxay na tusineysana is-garab istaaga QM ay garab taagan yihiin ka dib ficilkii 19ka Juun ka dhacay xafiiska QM ee Muqdisho. Ujeedada Al-Shabaab ayaa ahaa inay argagax geliyaan shacabka Soomaaliyeed iyo shaqaalaha QM oo u yimid Soomaaliya inay shacabka saacidaan. Hase ahaatee, booqashadan maanta ee mas’uulka ugu sareeya siyaasadda QM ee Jeffrey Feltman waa calaamad xoogan oo tusaysa taageerada shacabka iyo inay tusto in kooxaha Al-Shabaab aysan marnaba gaari karin ujeedooyinkooda ah inay argagaxiyaan shacabka Soomaaliyeed"ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Mr Feltham booqashiisa gaarka ah ee uu ku yimid Muqdisho, oo ah tii labaad sanadkan gudihiisa iyo taageerada aan kala go’a leheyn ee QM u fidiso shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa warbixin kooban ka siiyey Mr Feltman horumarka Dowladda ee dhanka siyaasadda, amniga, hay’adda cusub ee UNSOM iyo dib-u-dhiska dalka Soomaaliya. Madaxweynaha oo ka hadlayey weerarkii usbuucii hore lagu qaaday xarunta QM ayaa yiri “Qaraxii iyo weerarkii loo geystay xarunta QM 19kii June 2013 waxuu na tusayaa sida ay Al-Shabaab uga go’antahay inay shacabka iyo dadka aan waxgalabsanba u laayaan, hase ahaatee waan ku sii xoogoobeynaa waana ku midoobeynaa inaan sii wadno la dagaalanka kooxaha argagaxisada. Ciidanka Dowladda oo taageero ka helaya ayaa si deg-deg ah oo profeshan ah u soo gurmaday badbaadiyeyna nolol badan. Hase ahaatee waxaan weli u baahannahay kaalmada caalamiga ah si aan dib-ugu dhisno hay’adaha amniga oo aan
  3. Time is running out , Sh Modaba better take the offer as days go by he is becoming irrelevant. he Had a opportunity to become intern leader i don't thing that's on the table anymore lol ............. soon he will be history if he does not wise up . ....
  4. xiiin SFG are not going discredit this dude and make him history it will be ceeb , since the man Militias took significant part in liberating Kismayo ... sh Modabo knows himself this is his last chance you will see Xiin . The Man has no power to secure Kismayo even with help of KDF . The was mislead by the pirates he will come to sense . The Man is happy today to meet low level minister he will be history if he does not take the offer ...........
  5. alshaabaab on the run what a good news indeed they are feeling the Pressure ............. right after the Gov announced the battle against alshaabab will start , alshaabaab leaders started panicking The Lions of Africa are ready to secure the country
  6. Wararka aynu haatan helayno ayaa sheegayaa in la waysan yahay Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur isaga iyo ciidamo badan oo la socday, waxaana jira tuhumo aad u badan. Laba xarun oo uu ku lahaa gobalada Bay iyo Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in ciidamadiisa uu ka watay, isagoona meel uu galay ilaa hadda aan la sheegi karin. Waxaa durba soo baxay tuhun ah isna in uu baxsaday, laakiise warkaasi weli meel cad laguma sheego, in kastoo ehladiisa maalmahaan ay wadeen dadaalo badan oo ay dowaldda kagala hadlaayeen Abuu Mansuur inuu dhankooda usoo wareego. Hadii Xasan Daahir Aweys uu kasoo cararay ciidamada Al-shabaab, waxaana isna tuhun soo galay Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo saaxiibo dhaw ay ahaayeen Labadooda. Al-shabaab ayaa markaan waxaa soo wajahaaya kala fur furnaansho aan caado ahayn, iyadoona ay kala qeyb sameen dhamaan saraakiishooda.
  7. last chance for the leader to re-conciliate with SFG or become history .............. Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in wafdiga dowladda ay ku sugan yihiin Addis Ababa, isagoo ku tilmaamay wada hadalada halkaas ka dhici doono horu dhac u noqonayaan shirka dib u heshiisiinta Muqdisho ka dhici doona ee loo qabanayo beelaha Jubooyinka. Yesterday he was meeting The President , Today low level Gov officals that tells you all ........... The man lost influence and power in the recent fightings.
  8. Dowladda Soomaaliya ayaa wafdi kooban oo uu hogaaminayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Faarax Sheekh C/qaadir u dirtay magaalada Addis Ababa, iyadoo lagu wado in caawa uu gaaro Axmed Madoobe oo ah Hogaamiyaha Raaskambooni oo ka mid ah shanta madaxweyne ee ku muransan maamulka Jubooyinka. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Faarax C/qaadir uu hogaaminayo wada hadalo horu dhac ah oo ay dowladda Soomaaliya la yeelaneyso Axmed Madoobe, kaasoo ku saabsan sidii looga hadli lahaa ajandaha shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka ee lagu qabanayo magaalada Muqdisho. Lama oga in wada hadalkan ay dhex dhexaadineyso Itoobiya, hase ahaatee go'aankii ka soo baxay IGAD bishii hore ayaa ahaa in dowladda Soomaaliya ay lahaato hogaanka maamul u sameynta Jubooyinka iyo in shir dib u heshiisiin loo qabto dadka deegaanka Jubooyinka. Laakiin Axmed Madoobe ayaa ka soo horjeestay shirkaas, waxaana dowladaha gobolka cadaadis ku saarayaan inuu aqbalo shirkaas. Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa la filayaa in caawa uu gaaro Addis Ababa, inkastoo la filayay in shalay uu tago, oo wada hadalada ahaayeen inay isla shalay bilowdeen, balse lama oga sababaha dib u dhaca keenay. Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in wafdiga dowladda ay ku sugan yihiin Addis Ababa, isagoo ku tilmaamay wada hadalada halkaas ka dhici doono horu dhac u noqonayaan shirka dib u heshiisiinta Muqdisho ka dhici doona ee loo qabanayo beelaha Jubooyinka. Faarax C/qaadir ayaa lagu tiiriya tiirarka ugu muhiimsan ee dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, waa nin af gaaban, waxaana uu galaan gal weyn ku leeyahay dalalka Carabta, isagoo iminka saaxib dhow la ah mid ka mid ah dalalka deriska ee saameynta ku leh siyaasada Soomaaliya.
  9. Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay qabashada Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ku sugan degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, iyadoo ay socdaan wada hadalo ku aadan mustaqbalkiisa sida laga yeeli lahaa. Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay in qabashada Xasan Dahir uu bilow u yahay soo afjarida dagaalka kooxaha nabad diidka ka wadaan Soomaaliya. "Arrintaas mid bilow u noqonaya soo afjarida dagaalka kooxaha nagala soo horjeeda, dowladda mowqifkeeda wuxuu ahaa si xal, nabadeyn iyo dib u heshiisiin lagu dhameeyo, dhowr jeer oo hore ayaa kooxaha nabad diidka nabad loogu baaqay"ayuu yiri Eng.Yariisow. Eng. Yariisow oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa sheegay in arrinta Xasan Dahir warbixin dheeraad ah ka bixin karin, isagoo xusay in dowladda wax walba ay ku dooneyso inay ku dhameyso wada hadal sida uu yiri. Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya markii hore ay qabtay in wixii Soomaali ah dhexdeeda wada hadal iyo nabadeyn lagu dhameeyo, taasna uu wali yahay mowqifka dowladda sida uu yiri. Xasan Dahir Aweys ayaa saaka la gaarsiiyay degmada Cadaado, iyadoo mas'uuliyiin u hadashay Ximin iyo Xeeb ay sheegeen inay gacanta ku hayaan, isla markaana lagu haayo guri si gaar ah ammaankiisa lagu sugayo. Somali news leader www.jowhar.com jowharcom@hotmail.com master on June 26 2013 0 Comments · 4658 Reads · ·
  10. Congrats Mr President Hassan for reaching out SH Dahir Aweys it is welcoming , Remember it took the United State 12 years to realize they have to sit down with Talibans who commited more crimes to humanity then xisbul islam let by Sh Dahir aweys this would put on end to Alshabaab activities in South .
  11. look likes Sh Modaba is loosing influence he is not the man anymore , Amisom is consulting with Barre and Iftine Basto how to improve security in Kismayo ... what was all the hype about Raskombani troops.... its time for reconciliation
  12. DHAGAYSO: Iftin Xasan Baasto oo goordhow kahadlay waxyaabihii kasoo baxay kulankii Published on June 26, 2013 by jerryuk · No Comments Iftiin Xasan Baasto oo ka mid ah raga sheegtay inay madaxweynayaal ka yihiin Jubaland oo la soo xariiray warbaahinta ayaa wuxuu sheegay inay kulan la qaateen saraakiisha ugu saraysa AMISOM gaar ahaan kenya. Wuxuu sheegay kulankaan inuu qayb ka ahaa bare hiiraale isla markaana looga hadlay arimo badan oo ay ka mitahay xaalada magaalada iyo xiisadaha jira. http://www.warkii.com/dhagayso-iftin-xasan-baasto-oo-goordhow-kahadlay-waxyaabihii-kasoo-baxay-kulankii/
  13. Ciidankaan waxaa tababarka loo furay markii xukuumadda la ansixiyey, waana wax lagu farxo in mudo 23 sano kadib markii ugu horaysay ay ciidanka qaranka ay tababaraan saraakiil Soomaaliyeed, taba-barkaan waa wajigii koobaad, waxaana sii socon doona tababrada la siinayo ciidamada kale, waxaa xukuumadda ka go’an in dhamaan ciidanka qalabka sida ay si joogta ah u helaan xuquuqdooda” Xaaji everthing is going well acoording to the trainning of SAF we need the Big Tools , Central command is functioning well , they are sending troops to variouse regions in Somalia latest was gobollada Dhexe. Ciidamadan maanta loo diray gobollada Dhexe ee dalka ayaa ahaa ciidan loo dhameystiray qalabkooda waxaana qorsha ciidamadan ay yihiin kuwo bilaaw u ah sidii ay dowladda ula wareegi laheyd guud ahaan dalka.
  14. “Waa ciidankii ugu horeeyey ee dalka gudihiisa ay ku tababaraan saraakiil Soomaaliyeed, waxaana makhraati ma doonta ah hadii aan isku tashano inaan wax qabsan karno, ciidankaan waxay doorteen inay dalkooda iyo diintooda ka difaacaan cadowga, waana lagu abaal marin doona” ayuu yiri wasiirku Good Job indeed , Now we need the Tools Tanks Helicopters and etc ......................................... soon SAF will be sufficient no more Amisom
  15. http://www.jowhar.com/images/news/sacid_milateri_13.jpg The Proud and the brave SAF
  16. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Farax Shirdoon (Saacid) oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, Wasiirka Wasarada kheyraadka C/risaq Cumar Maxamed iyo Wasiirka Warfaafinta C/laahi Cilmooge Xirsi ayaa maanta xero ku taala deegaanka Jaziira taba-bar ugu soo xiray ciidamo gaaraya ilaa 880 Askari, ciidankaan ayaa goobta kusoo bandhigay gaado ka ciyaar kala duwan. Taliyaha ciidanka qalabka sida Jen: Daahir Cilmi Aadan (Indha Qarsho) ayaa ka hadlay ahmiyada uu ciidankaan u leeyahay wax ka qabashada amaanka dalka. “Ciidanka maanta taba-barka aan u soo xirnay waa ciidan markii aan xaraynaynay aad laysu weydiinayey halka aan ka helayno dhaqaalaha ku baxaya, waxaana sharaf u ah dowladda Soomaaliya iyadoo beesha caalamka aan wax taageero ah ka helin inay u soo dhamaystirto tababarkaan oo soconayey mudo lix bilood ah, waxaana kalsooni buuxda ku qabnaa in ciidankaan ay noqon doono kuwo ka xoreeya meelaha ay uga harsan yihiin kooxaha nabad diidka ah dalka” ayuu yiri Jeneraalku. Wasiirka gaashaandhiga Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa ku bogaadiyey sida mutawacnimada ah ee ay ciidankaan u dalbadeen inay dalkooda difaacaan, wuxuuna tilmamay in ciidankaan saldhiga u yahay asaaska ciidanka Qaranka Soomaaliyeed. “Waa ciidankii ugu horeeyey ee dalka gudihiisa ay ku tababaraan saraakiil Soomaaliyeed, waxaana makhraati ma doonta ah hadii aan isku tashano inaan wax qabsan karno, ciidankaan waxay doorteen inay dalkooda iyo diintooda ka difaacaan cadowga, waana lagu abaal marin doona” ayuu yiri wasiirku Ra’iisul wasaaraha ayaa dhankiisa sheegay in ciidankaan sida ugu dhaqsaha badan loogu dhamaystirayo agabyadii ay ku howl gali lahaa yeen,si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo. “ Ciidankaan waxaa tababarka loo furay markii xukuumadda la ansixiyey, waana wax lagu farxo in mudo 23 sano kadib markii ugu horaysay ay ciidanka qaranka ay tababaraan saraakiil Soomaaliyeed, taba-barkaan waa wajigii koobaad, waxaana sii socon doona tababrada la siinayo ciidamada kale, waxaa xukuumadda ka go’an in dhamaan ciidanka qalabka sida ay si joogta ah u helaan xuquuqdooda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kale xusay in siyaasadda dowladda ay mudnaanta koobaad siinayso daryeelka ciidanka, waxayna golaha wasiirradu khamiistii la soo dhaafay magacabeen guddi ka shaqayn doona sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha kala duwan ee haysta ciidanka qalabka sida Ugu danbayntii Ra’iisal Wasaaraha ayaa ciidanka la qadeeyey, isagoona kala sheekaystay duruufaha ay ku tababarteen, waxaana arinkaas qayb ka yahay dadaalka uu Ra’iisul Wasaaruhu ugu jiro sidii kor loogu qaadi lahaa moraalka ciidanka. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa u balan qaaday kooxda horseed oo duruufo dhanka nolosha ah ay ka muuqdeen in la siinayo lacag gaaraysa 30,000 doolar, isagoona ku tilmaamay in kooxdaani ay laf dhabar u tahay guubaabinta iyo geesinimo galinta ciidanka, kooxda horseed ayaa maanta soo bandhigtay heeso ay ku cabirayeen sida ciidanka qaranku ugu heelan yihiin inay difaacaan dalkooda. ---DHAMAAD---
  17. Sidoo kale, wararkan ayaa sheegaya in la doonayo in Sheekh Xasan Daahir loo dhoofiyo dalka Qatar, iyadoo la xusuusto in afhayeenkii hore ee ururka Xisbul Islaam, Sheekh Maxamed Macallin uu laba sano ka hor ka sheegay degmada Xarardheere oo ka tirsan gobolka Mudug inay wadahadallo la furayaan dowladda Soomaaliya ayna ka goosteen Al-shabaab. Its about time this old Warrior needs to Join his community , rebuilding the country ..............
  18. Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sannadihii ugu dambeeyay ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab ayaa warar maanta soo baxay waxay sheegayaan inuu si qarsoodi ah uga baxsaday degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose oo muddooyinkii ugu dambeeyay uu deggenaa. Shabakad taageerta Al-shabaab oo lagu magcaabo Somalimemo ayaa war ay maanta baahisay ku sheegtay in ilo wareedyo ka tirsan Al-shabaab ay u xaqiijiyeen in Sheekh Xasan Daahir iyo xubno ka tirsanaa Xisbul Islaam ay laba habeen ka hor si dhuumaaleysi ah uga baxeen Baraawe, iyagoo maray dhinca badda, lamana oga halka uu aaday. Ilaha Al-shabaab ka tirsan ayaa sheegay in bixitaankiisa aan laga warhayn uuna si qarsoodi ah ay isaga iyo xubnaha wehliyay kaga baxeen degmada Baraawe oo Khamiistii lasoo dhaafay uu ka dhacay dagaal u dhexeeya koox isaga taageerta iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab. Wararka ayaa sheegaya inay jireen wadahadallo qarsoodi ah oo u dhexeeyay Sheekh Xasan Daahir iyo xukuumadda Qatar, kuwaasoo qorshahoodu ah in wadahadal loo furo dowladda Soomaaliya iyo hoggaamiyihii hore ee Xisbul Islaam. Sidoo kale, wararkan ayaa sheegaya in la doonayo in Sheekh Xasan Daahir loo dhoofiyo dalka Qatar, iyadoo la xusuusto in afhayeenkii hore ee ururka Xisbul Islaam, Sheekh Maxamed Macallin uu laba sano ka hor ka sheegay degmada Xarardheere oo ka tirsan gobolka Mudug inay wadahadallo la furayaan dowladda Soomaaliya ayna ka goosteen Al-shabaab. Inkastoo mas’uuliyiinta sarsare ee Al-shabaab aysan ka haldin ka bixitaanka Sheekh Xasan Daahir iyo xubnaha la socda degmada Baraawe ayaa waxay haddana horay u sheegeen inay jiraan xubno ururkooda ka tirsan oo kasoo horjeeda dagaallada ay kula jiraan dowladda iyo ciidamada ay taageerada ka helaan oo ay AMISOM ka mid tahay. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Daahir iyo xubnaha uu hoggaaminayo ay aadeen deegaanno ka tirsan gobollada dhexe ee Somalia, balse warkaas ma ahan mid si dhab ah loo xaqiijiyay. Sheekh Xasan Daahir oo horay u ahaa hoggaamiyaha ururkii Xisbul Islaam ee burburay oo ugu dambeyna ka mid noqday Al-shabaab ayaa lagu xusuustaa inuu dhowr jeer oo hore ka hadlay dilalka ay Al-shabaab u geystaan shacabka iyo mowqifyadooda adag, kuwaasoo uu ku sheegay inay yihiin kuwo aan wanaagsanayn. Arrintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo toddobaadkii hore uu dagaal u dhexeeya xubno uu ka mid yahay Sheekh Xasan Daahir ay Baraawe kula dirireen xoogag ka amar-qaata hoggaamiyaha Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaana Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  19. Salax those folks are not HAG nice try , they might travel from Mogadishu but don't belong to the HAG community sxb , they dont even have HAG accent . They could be other Somalis in Xamar that fled Mogadishu. why travel 16 days and cross all those Peace HAG regions? even in the civil war era we never run to Hargesa .....
  20. Waxaa magaalada Muqdisho ku soo batay dadka gadanaya baabuurta. Waxaa kale oo soo badanaya shirkadah Waxaa magaalada Muqdisho ku soo batay dadka gadanaya baabuurta. Waxaa kale oo soo badanaya shirkadaha keena baabuurta. Arintan waxaa sabab looga dhigay amaanka magaalada Muqdisho oo sii wanaagsanaanaya. Maadaama ay jiraan dad badan oo raba in ay gataan baabuurta, waxaa qaaliyoobay baabuurtii. Weli waa yar yihiin dadka gata baabuurta qaaliga ah. Baabuurta la gato waxay u badan yihiin baabuur yar yar oo la soo isticmaalay. Intooda badan waxaa laga keenaa Dubai. This is Xamar Today sxb Mad_Mullah leave it like that , its better for you before you get a heart attack
  21. Dhismaha laga hirgelinayo deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho oo u jira garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho 3-km, wuxuu ku fadhiyaa dhul dhan 730,000 Mitir oo laba jibaaran (73 hektar), deegaankan ayaa loo dhameystiri doonaa adeegyada guud ee nolosha sida biyo nadiif ah, koronto joogta ah, taleefoon, Internet IWM. Haddii mashruucan la hirgeliyo wuxuu noqonayaa xaafaddii ugu horreysay oo leh nidaam iyo maamul u gaar ah oo si joogta ah uga shaqeeya sugidda amniga, maareynta goobaha danta guud, sida masaajidda, jidadka, goobaha caruurtu ku ciyaarto, beeraha lagu raaxeysto iyo nadaafadda. With this scale of investment sure their will plenty of jobs for the folks of Xamar , Unemployed will be 0 % wages will be best in Somalia ...... Stop hating ...............waa la kala tagaa sxb
  22. The people investing are Turks because they want their influence in Muslim countries to increase and UN to make sure people don't join Shabab and HAG diaspora that build hotels etc. So they can come back every summer. The economic situation for the locals hasn't changed that much. You need lesson in economic 101............... with millions of investment in South Somalia sure average person living condition will change .. There are high demands for skilled labor , Technicians . truck drivers and etc ... The economic boom brings better wages and salary.
  23. Yacni they're too good to be refugees in Somaliland but not Puntland/Kenya? in times of war HAG community are known to migrate to cities close to Xamar like celesh biyah , Afgoy ,Cellbuur , celldheer those are the needy poor once ....why go to Puntland or Somaliland ? I can understand kenya they are seeking sponsorship . The HAG Community that travel to Hargesa are the wealthy once who are seeking business and school for their kids .
  24. Mad_Mullah We want peace sxb its new era ......................... Show me the money that's how we are talking , .. We support FG no matter who the leader might be . its money time something you lack sxb . There are millions of investment going on in South Somalia . Highwy that link Galkacyo to Mogadishu is going through reconstruction . our goods will soon reach North smoothly . Mad_Mullah There will be job for you in Xamar caddey too soon stop the Hate