malistar2012
Nomad-
Content Count
2,754 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by malistar2012
-
Axad, July 28, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada ayaa saaka booqday xarun ay deggenaayeen shaqaale Turki ah oo shalay ay Al-shabaab la beegsaday weerar ismiidaamin ah oo geystay khasaarooyin dhimasho iyo mid dhaawac. Booqashadan qayb ka ahaa danjiraha Turkiga u jooga Soomaaliya oo ay la socdeen ciidammo Turki ah iyagoo u kuurgalay sida uu qaraxu u saameynta ugu yeeshay xaruntaas, waxayna warbixin ay ka dhegeysteen shaqaalihii ku sugnaa goobtaas markii uu weerarku dhacayay. Booqashada kaddib ayaa waxaa shir jaraa’id ku wada-qabtay dhismaha la weeraray, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo danjire Kamaludin Kani Torun oo sheegay in weerarkan uu ahaa mid fulaynimo. “Waxaan ka tacsiyeynayaa dhibaatadii halkan ka dhacday, si adag ayaana u cambaareynayaa, weerarkanna wuxuu ahaa mid fulaynimo oo ay Al-shabaab geysatay,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid oo tacsi u diray ehelladii waayay dadkoodii ay jeclaayeen iyo qoyska ardaygii Soomaaliyeed ee qaraxa naftiisa ku waayay. Ma illaawi doonnno kaalmooyinka ay dowladda iyo shacabka Turkiga ay mar walba la garab-taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo waqtigii adkaa ee ay garab-istaageen ummadda Soomaaliyeed,” ayuu saacid ku daray hadalka uu warbaahinta siiyay isagoo xusay in dawladda Soomaaliyeed ay xoojinayso amniga dalka si qaab nabadeed ay ugu fulaan howlaha isugu jira gargaarka iyo dib u dhiska ay Turkigu ka wadaan Soomaaliya. Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Kamaludin Kani Torum ayaa isna sheegay in dowladda Turkiga ay sii wadi doonto taageerada ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayna sii ballaarin doonaan mashaariicda ay Somalia ka wadaan. “Weerarkii argagaxiso ee shalay lala beegsaday xarunteennan isma hortaagi doono howlaha gargaar ee aan Soomaaliya kawado, waxaana caddeynayaa in howlahaas ay sii socon doonaan lana ballaarin doono,” ayuu yiri Torum. Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaakormeeray dayactir ay shaqaalaha Turkigu kawadaan waddada isku xirta garoonka Aadan-cadde iyo isgoyska KM-4, waxaana ra’iisul wasaaruhu uuxusay in dawladda Turkigu ay uga mahad-celinayaan kaalinta horumarineed ee ay ka wadaan dalka.
-
Kulankan ayaa diirada lagu saaray xaaladdaha amniga dalka, gaar ahaana caasimadda, waxaana kulankan Ra’iisul Wasaaruhu uu warbixino ka dhegeystay taliyeyaasha Booliska, Millateriga, iyo Nabadsugida Qaranka, waxayna warbixin faah faahsan ka siiyeen qorsheyaasha sugida ammaanka iyo xasilinta dalka, iyaga oo tilmaamay inay jiraan falal amniga lidiga ku ah oo dhacay intii lagu guda jiray bishan Ramadaanka, balse ay ka hortageen falal aad u tiro badan oo la doonayay in shacabka lagu dhibaateeyo, waxayna xuseen in caddowgu aad u taagdaran yahay uuna ku jiro maalmihii ugu dambeeyey. Kulankan ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta la hadlay Afhayeenka Xukuumada Mudane Ridwaan Xaaji Cabdiweli, waxa uuna sheegay in kulankani uu ka duwanaa kulamadii hore isla markaana Ra’iisul Wasaare Saacid uu si qotadheer u xog-wareystay taliyeyaasha ciidanka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo dhamaamba howlwadeenada ammaanka, isaga oo ka dalbaday in looga fadhiyo isbedel deg deg ah oo dhanka sugida amniga iyo ka hortaga falalka ka dhanka ah shacabka. Mogadishu security is top priority , Many attacks were prevented unfortunately there was also attacks that happen but with less casualty.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa caawa kulan ballaaran oo afur ah la yeeshay taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida, taliye xigeenada, guddoomiye-yaasha 17-ka degmo ee gobolka Banaadir, waxaana sidoo kale kulanka ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdikariin Guuleed, Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Cabdixakiin Faqi iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan. Kulankan ayaa diirada lagu saaray xaaladdaha amniga dalka, gaar ahaana caasimadda, waxaana kulankan Ra’iisul Wasaaruhu uu warbixino ka dhegeystay taliyeyaasha Booliska, Millateriga, iyo Nabadsugida Qaranka, waxayna warbixin faah faahsan ka siiyeen qorsheyaasha sugida ammaanka iyo xasilinta dalka, iyaga oo tilmaamay inay jiraan falal amniga lidiga ku ah oo dhacay intii lagu guda jiray bishan Ramadaanka, balse ay ka hortageen falal aad u tiro badan oo la doonayay in shacabka lagu dhibaateeyo, waxayna xuseen in caddowgu aad u taagdaran yahay uuna ku jiro maalmihii ugu dambeeyey. Kulankan ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta la hadlay Afhayeenka Xukuumada Mudane Ridwaan Xaaji Cabdiweli, waxa uuna sheegay in kulankani uu ka duwanaa kulamadii hore isla markaana Ra’iisul Wasaare Saacid uu si qotadheer u xog-wareystay taliyeyaasha ciidanka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo dhamaamba howlwadeenada ammaanka, isaga oo ka dalbaday in looga fadhiyo isbedel deg deg ah oo dhanka sugida amniga iyo ka hortaga falalka ka dhanka ah shacabka. Kulanka ayaa sidoo kale, diirada lagu saaray qaabka dariseynta iyo iskaashiga dhanka amniga ee degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana halkaasi loogu bandhigay qorshaha cusub ee amniga ee uu horay ugu dhawaaqay Ra’iisul Wasaaruhu, kaasoo qeyb weyn ka qaadan doona sugida amniga iyo xasilinta dalka. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa fal fuleynimo ku tilmaamay weerarkii galabta lala beegsaday goob caafimaad oo ay maamulaan dhaqaatiir Turki ah, halkaasoo ay adeegyo caafimaad ugu fidiyaan shacabka xanuunsan ee Soomaaliyeed, wuxuuna alle uga baryay intii dhimatay inuu Janada ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna bogsiiyo, “Waan la xanuunsaneynaa walaalaheena Turkiga ee iyaga oo shacabkeena gargaaraya la dhibaateeyay, waana la murugooneynaa shacabka iyo dawladda Turkiga” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon. Kulankan looga hadlayay amniga ayaa daba socda, kulamo horay uu ula qaatay Ra’iisul Wasaaraha qeybaha kala duwan ee bulshada, taasoo uu kala hadlayay qorshaha xukuumada ee xasilinta iyo dalka.
-
Yet Another Explosion- this time Turks are the target
malistar2012 replied to Odey's topic in Politics
Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya qaraxa Ismiidaaminta lagu qaaday Xarunta Shaqaalaha Turkiga Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo galabta lala beegsaday xarun Shaqaalaha Turkiga degan yihiin oo ku taal degmada Hodan, markii gaari waxyaabaa qarxa laga soo buuxiyay uu galay. Qaraxa ayaa bur buriyay gidaarka hore ee xarunta, iyadoo labada ruux ee la arkay geeridooda uu mid ka mid ah ahaa askari labisnaa dareyska milateriga oo loo maleynayo inuu ka mid ahaa ilaalada Guriga iyo qof kale oo goobta marayay. Wararka ayaa sheegaya in qasaaraha qaraxa ismiidaaminta ka dhashay uu intaa ka badan yahay, iyadoo ay adag tahay in xog dheeraad ah la helo, maadaama goobta wax ka dhaceen ay ku hareereysan yihiin ciidamo ka tirsan dowladda. Gurigan oo ka soo horjeeda Dugsigii sare ee Banaadir ayaa waxaa maalmo ka hor soo degay shaqaalaha Turkiga ee Safaarada Muqdisho, waxaana si gaar ahaan loogu diyaarinayay Safiirka Turkiga ee Muqdisho u fadhiya. Gawaarida Ambalaaska ee Turkiga leeyahay ayaa goobta dhaawacyo ka daabulayay, waxaana ka mid ah shaqaale Turki ah oo ku sugnaa xarunta weerarka ismiidaaminta lagu qaaday. Qaraxan oo ahaa mid aad u xooganaa ayaa ahaa kii labaad oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana qaraxii hore uu ahaa gaari walxaha qarxa loogu xiray mas'uuliyiin ka tirsan wasaarada howlaha guud iyo guriyeynta, kaasoo ku qarxay Isgoyska Sanca. Turkiga ayaa Muqdisho howlo sama fal oo aad u balaaran, waxaana uu hirgeliyay goobo waxbarasho iyo Caafimaad, iyadoo dhowaan dib u dayactir lagu sameeyay Isbitaalkii Digfeer oo loo muuqaal ekeysiiyay sida Isbitaalada casriga ah. -
Yet Another Explosion- this time Turks are the target
malistar2012 replied to Odey's topic in Politics
Amaanka magaalada Muqdisho oo aad loo sugaayo iyo ciidamo badan oo magaalada lagu arkaayo. Amaanka magaalada Muqdisho ayaa haatan waxaa loo sugaayaa si aan caadi ahayn, iyadoona guud ahaan magaalada Muqdisho lagu arkaayo ciidamo aad u badan. Ka dib markii dowladda Soomaaliya ay habeenkii xalay ahaa ka baqeen in Al-shabaab ay weerar kala kulmaan ayaa taasi waxay keentay in dhamaan wadooyinka lasoo daadiyo Booliis aad u badan. Ciidamadaan ayaa fariisimo ka sameestay dhamaan Isgoysyada magaalada Muqdisho, waana kuwo doonaaya inay sugaan amaanka. Amaanka Muqdisho waa mid eber ah iyadoona xalay ciidamadaan magaalada ay ka howlgalaayee ayaa hadana waxaa dhacay dialal iyo qaraxyo. In ciidamadaan lasoo daadiyo ayaa keentay maadaama xalay ay ahayd 17-ka Ramadaan xilligii dagaalka Badar uu dhacay, iyadoona Al-shabab xilliyadaasi looga bartay weeraro aan caadi ahayn. Muqdisho, Somalia The Government has dispatch so many security force , How can you stop suicide bomber , alshaabab are using the same strategy as AL Qeada in Iraq and Taliban's in Afghanistan . -
Yet Another Explosion- this time Turks are the target
malistar2012 replied to Odey's topic in Politics
Useless government mortar attacks in huriwaa xaley, car explosion in sanca, Clan fightings all over the country and this attack to hell With hassan and saacid alshabaab and dawladiids are attacking civilians cowards they are , they want to create instability scare of the Residents of Xamar. The Government has dispatch security force all over the city , Many attacks were prevented . -
Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in ay jiraan dad ay dhibeyso nabada gelyada ka jirta dalka, isagoo intaa ku daray in ay gacan bir ah ku qaban doonaan dadka ku shaqada leh argagixinta bulshada. SFG stepping up security , Making sure the resident of Xamar have Safe Ramadan , Good Job
-
Howlgallo Amni sugid Ah Oo Xalay Laga Fuliyay Isgoysyada Gobolka Banaadir “Sawirro” Published on July 26, 2013 by Mohamed White-ka · 1 Comment · 2,160 views Howlgaladan xalay saqdii dhexe Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay ka sameeyeen magaaladda Muqdisho ayaa waxa ay ahaayeen kuwo la xiriiray xaqiijinta amniga caasimadda iyo ka hor taga falalka ka dhanka ah amniga oo ay wadaan haraadiga maleeshiyaadka Al shabaab, oo ay ku doonayaan in ay ku carqaladeeyaan amniga Gobolka Howlgaladan xalay laga sameeyeeyey isgoysyada magaaladda Muqdisho iyo qaar ka mid ah xaafadaha degmooyinka gobolka banaadir ayaa waxaa ka qeyb qaadanayay ciidamada booliska iyo kuwa nabad Sugida Qaranka, iyadoo uu horkacayay Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guud Cabdixakiin Daahir Saacid iyo saraakiil kale oo hay’adda nabad sugida katirsan. Isgoysyada ay xalay ciidanku tageen waxaa ka mid ah KM4, KM5, Banaadir, Ex-Control Afgooye, Baar Ubax iyo Isgoyska Towfiiq oo dhamaanba ay ku suganyihiin ciidamo amniga u xilsaaran. iyadoo saraakiisha xalay howlgalkan waday isgoys walba marka ay gaaraan ay warbixino ka dhagaysanayeen saraakiisha u xilsaaran hadba isgoyska ay tagaan. Inkastoo dhamaan isgoysyada xalay si isku mid ah ay howlgalada uga socdeen hadana waxaa si caadi ah u socday howlaha isgoysyadaasi oo waxaa wadooyinka waaweyn ku damaashaadayay dhalinyaro Soomaaliyeed oo la dhacsanaa howlaha amniga sugidda oo ay umadda u hayaan ciidanka. Mid ka mid ah dhalinyarada ku nool magaaladda Muqdisho oo u waramay Warbaahinta Qaranka ayaa tibaaxay in ay soo dhaweynayaan kormeerka ay sameynayaan saraakiisha ciidanka booliska iyo kuwa nabad sugidda oo u jeedkoodu yahay xaqiijinta sida ay u socdaan howlaha amni sugidda. Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeya Guud Cabdixakiin Daahir Saacid oo howlka kadib saxaafadda la hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in howlgalladu ay yihiin kuwa looga hortagayo falalka ay maleegayaan dhagar qabayaasha Al shabaab, isagoo xusay in la sii wadi doono howlgallada nuucaasi oo kale ah. Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in ay jiraan dad ay dhibeyso nabada gelyada ka jirta dalka, isagoo intaa ku daray in ay gacan bir ah ku qaban doonaan dadka ku shaqada leh argagixinta bulshada.
-
Ciidamo ka tirsan dowladda iyo AMISOM oo loo diray deegaanada lagu dagaalamay ee Sh/Hoose Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa maanta gaaray deegaano ka tirsan Shabellaha Hoose, si ay u kala dhex galaan dhinacyada ku dagaalamaya deegaanada u dhaxeeya Afgooye iyo Marka. Sida ay sheegayaan wararka dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadan u dirtay aagaga ay ku dagaalamayaan ciidamada qaab beeleedka u dagaalamaya, si ay u qaboojiso xiisadaha sii xoogeysanayay. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan uu horkacayay Taliyaha Ciidamada xooga dalka iyo saraakiil kale, iyagoo gaaray deegaanka Nambar 50 iyo Nambar 60-dan, halkaasoo ay isku hor fadhiyeen maleeshiyo beeleed ka tirsan dowladda Soomaaliya. Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Siidii ayaa sheegay in aanay maamulkooda awood u laheyn inuu dhex galo dhinacyada dagaalamaya, hase ahaatee taa bedelkeed ay dowladda ka codsadeen in ciidan loo soo diro. Dad goob joogayaal ayaa sheegaya in ciidamada oo watay gawaarida dagaalka ay ka gudbeen deegaanka Muuri, iyadoo ciidamadan lagu daadiyay wadada dheer ee isku xirta Marka iyo Afgooye. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa xoogeystay dagaalo u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowladda oo ka soo kala jeeday Beelaha Biyamaal iyo H/gidir, iyadoo baaqyo dhowr ah oo ka soo baxay odayaasha dhaqanka ay ku dalbadeen in xiisada la qaboojiyo. Somali news leader www.jowhar.com golfyare@gmail.com jowharcom@hotmail.com
-
Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi, Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha diinta C/llaahi Abyan Nuur, Xildhibaano iyo Saraakiil ayaa maanta gaaray deegaano ka tirsan Shabellaha Hoose. Sida ay sheegayaan wararka wafdigan ayaa ujeedkooda yahay sidii ay u kala dhex geli lahaayeen beelaha ku dagaalamaya deegaano ka tirsan Shabellaha Hoose, waxaana wafdiga ay goor dhoweyd ay ka degeen deegaanka Nambar 50. Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah Xildhibaano ka soo kala jeeda dhinacyada ku dagaalamaya deegaanada Shabellaha Hoose, iyadoo haatan ay soconayaan kulamo looga hadlayo sidii dagaalka loo qaboojin lahaa. Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in wafdiga Wasiirada iyo Xildhibaanada ay u gudbi doonaan deegaanada lagu dagaalamay oo ay isku hor fadhiyaan labada dhinac, sida deegaanka Ceel Wareegow, Nambar Lixdan iyo deegaano kale oo u dhaxeeya Marka iyo Afgooye. Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Siidi ayaa sheegay in wafdiga ay ku soo dhoweeyeen deegaanka Nambar 50, waxaana uu tilmaamay inay socdaan kulamo la xiriira sidii labada dhinac loo kala dhex geli lahaa. "Meesha waxa ku dagaalamay waa ciidamo ka tirsan dowladda, maxaa yeelay anaga waa awoodi weynay inaan kala dhex galno, ciidamada dagaalamaya waa labo beelood, waxaana rajeyneynaa in xal laga gaaro colaada"ayuu yiri C/qaadir Siidii. Odayaasha deegaanka ayaa labada beelood ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan, iyadoo warar dhiilo xambaarsan ay warbaahinta ka sii daayeen labada dhinac ee dagaalka u dhaxeeyay. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa xoogeystay dagaalo u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowladda oo ka soo kala jeeday Beelaha Biyamaal iyo H/gidir, iyadoo baaqyo dhowr ah oo ka soo baxay odayaasha dhaqanka ay ku dalbadeen in xiisada la qaboojiyo. Somali news leader www.jowhar.com golfyare@gmail.com jowharcom@hotmail.com
-
Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale sheegay in dowladdu ay u iibisay askarta gaadiidkii ay u baahnaayeen, ayna markii loo hub howlgeli doonaan, isagoo sheegay in sidoo kale ay dowladdu isku diyaarinayso wax ka qabashada amniga guud ee dalka. Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka jawaabay su’aalo dhowr ah oo ay weydiiyeen odayaashii uu la kulmay, kuwaasoo ay ku jireen dhismaha maamul goboleedyada, isagoo sheegay in dhismaha maamul goboleed ay yihiin kuwo shuruuc kala duwan maraya. madaxweyne Xasan Sheekh is on the move
-
Arbaco, July 24, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdiisu ay muddadii ay jirtay ay diyaarisay ciidammo gaaraya 5,000 oo askari oo loogu talogalay sugidda ammaanka dalka. Xasan Sheekh wuxuu sheegay in dowladdiisu ay qabatay wixii ay kari kartay tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay, ayna qabanayso wax walba oo ay haaban karto, isagoo xusay inay ku dhaqmi doonaan shuruucda dalka u taalla. “Dowladda Soomaaliya intii ay jirtay waxay diyaarisay 5,000 oo askari oo saraakiil Soomaali ah ay tababarro siiyeen, dowladda ayaana ku biisha xeryo ay ku jiraan, waayo ma haystaan hub ay ku howlgalaan,” ayuu Xasan Shiikh ku sheegay hadal uu odayaashii uu xalay la kulay. Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale sheegay in dowladdu ay u iibisay askarta gaadiidkii ay u baahnaayeen, ayna markii loo hub howlgeli doonaan, isagoo sheegay in sidoo kale ay dowladdu isku diyaarinayso wax ka qabashada amniga guud ee dalka. Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka jawaabay su’aalo dhowr ah oo ay weydiiyeen odayaashii uu la kulmay, kuwaasoo ay ku jireen dhismaha maamul goboleedyada, isagoo sheegay in dhismaha maamul goboleed ay yihiin kuwo shuruuc kala duwan maraya. “Dhismaha maamul goboleedyada waa kuwo maraya shuruuc kala duwan, mana ahan kuwo ku imaanaya mid aan anigu jeclahay ama qof kale uu jecel, yahay, balse waa kuwo ku imaanaya sharciyo, waxaana dhawaan la ansixiyay sharciga dhismaha maamul-goboleedyada dalka, waxanaa keliya ee ka dhimanna waa saxiixa madaxweynaha,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Isagoo dhismaha maamul-goboleedyada ka hadlayay ayuu sheegay inay ka shaqeynayaan sidii maamul goboleedyada dalka ay u noqon lahaayeen kuwo awood leh, halka dowaldihii hore ee dalka ka jiray ay awoodda inteeda badan lahayd dowladda dhexe. Waxgaradkii iyo odayaashii kulanka la qaatay madaxweynaha ayaa waxay weydiiyeen su’aalo kala duwan oo ku saabsan habka ay dowladdu u shaqeyso, waxaana qaarkood ay dhaliil u jeediyeen dowladda, kuwaasoo uu ka jawaabay madaxweynaha. “Ma ahan idinka oo keliya inaad wax nooga baahan tihiin, laakiin waxaan idin kaga baahannahay ayaa ka weyn, waxaana ku talinayaa in la sameeyo gole odayaal ah oo isku xira dowladda iyo odayaasha si loo kala warqaato,” ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa. Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyay noociisa oo dhexmara madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka Somaaliyeed ayaa waxaa soo qabanqaabiyay maamulka gobolka Banaadir, wuxuuna ahaa mid afur ah. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
This is a new initiative as’uuliyiin ka Socday Gobolka Banaadir iyo Booliiska Soomaaliya oo xalay kormeeray Degmooyin ka Tirsan Muqdisho Talaado, July 23, 2013 (HOL) — Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo taliska booliiska Soomaaliy ayaa xalay kormeer ku sameeyay degmooyin dhowr ah oo ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoo kormeerkan uu ahaa mid lagu ogaanayo sida ay ciidamada ammaanku u shaqeeyaan. Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammanka ee gobolka Banaadir, Warsame Maxamed Xasan (Joodax) oo hoggaaminayay xubnaha kormeerka sameeyay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kormeerkooda habeenimo ay ku eegayaan sida ammaanka caasimadda uu yahay. “Kormeerkeennan waxaa ku eegaynaa sida ay tahay xaaladda ammaan ee gobolka Banaadir, degmooyinkii aan booqannayna waxay ahaayeen kuwo ay ka socotay howlo lagu sugayo ammaanka, waana ka mahadcelinaynaa,” ayuu yiri Warsame Joodax. Degmooyinka kormeerka lagu sameeyay ayaa kala ahaa, C/caasiis, Xamar-weyne, Shingaani iyo Xamar-jajab, waxaana intii ay mas’uuiyiintan ku jireen kormeerkooda ay la kulmeen mas’uuliyiinta degmooyinka iyo qaar ka mid ah kuwa xaafadaha degmooyinkaas, iyagoo ka dhageystay warbixinno amniga ku saabsan. Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir, C/kaafi Hilowle Cismaan oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta kormeerka sameynayay xalay ayaa sheegay in howshan ay tahay mid lagu xoojinayo ammaanka Muqdisho, degmadii guul ka gaarta sugidda amniga ay heli doono abaalmarin lacageed. “Howshan kormeerka ah waa mid socon doonta, waxaana si aan la ogeyn ku tegi doonnaa degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood habeen walba, si aan u kormeerno sida ay howluhu u socdaan, runtiina kormeerkeennii xalay guul ayuu ku dhammaaday,” ayuu yiri Hilowle oo la hadlay warbaahinta. Guddoomiyeyaasha degmooyinka la booqday iyo taliyayaasha saldhigyada oo iyaguna hadlay ayaa sheegay inay habeenkii oo dhan soo jeedaan si ay u xoojiyaan ammaanka degmooyinkooda si aysan u dhicin falal ammaanka ka soo horjeeda. Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli baqdin weyn laga qabo in Al-shabaab ay weerarro ka geysato magaalada Muqdisho, maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo kooxdan looga bartay inay weerarro xooggan ka fuliso Muqdisho. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Governor Tarsane and Mogadishu admin are feeling the Heat their Jobs and career are on the line , They must act now and change security situation.I thing they are serious today enough is enough its time to close Alshabaab cells in Xamar . Mogadishu admin are starting to steps to make the the city safe ,
-
Howshan kormeerka ah waa mid socon doonta, waxaana si aan la ogeyn ku tegi doonnaa degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood habeen walba, si aan u kormeerno sida ay howluhu u socdaan, runtiina kormeerkeennii xalay guul ayuu ku dhammaaday,” ayuu yiri Hilowle oo la hadlay warbaahinta. Guddoomiyeyaasha degmooyinka la booqday iyo taliyayaasha saldhigyada oo iyaguna hadlay ayaa sheegay inay habeenkii oo dhan soo jeedaan si ay u xoojiyaan ammaanka degmooyinkooda si aysan u dhicin falal ammaanka ka soo horjeeda. Good Job very well done congrats to the Mogadishu admin for taking steps to Make the City safe and stable .
-
Mas’uuliyiin ka Socday Gobolka Banaadir iyo Booliiska Soomaaliya oo xalay kormeeray Degmooyin ka Tirsan Muqdisho Talaado, July 23, 2013 (HOL) — Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo taliska booliiska Soomaaliy ayaa xalay kormeer ku sameeyay degmooyin dhowr ah oo ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoo kormeerkan uu ahaa mid lagu ogaanayo sida ay ciidamada ammaanku u shaqeeyaan. Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammanka ee gobolka Banaadir, Warsame Maxamed Xasan (Joodax) oo hoggaaminayay xubnaha kormeerka sameeyay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kormeerkooda habeenimo ay ku eegayaan sida ammaanka caasimadda uu yahay. “Kormeerkeennan waxaa ku eegaynaa sida ay tahay xaaladda ammaan ee gobolka Banaadir, degmooyinkii aan booqannayna waxay ahaayeen kuwo ay ka socotay howlo lagu sugayo ammaanka, waana ka mahadcelinaynaa,” ayuu yiri Warsame Joodax. Degmooyinka kormeerka lagu sameeyay ayaa kala ahaa, C/caasiis, Xamar-weyne, Shingaani iyo Xamar-jajab, waxaana intii ay mas’uuiyiintan ku jireen kormeerkooda ay la kulmeen mas’uuliyiinta degmooyinka iyo qaar ka mid ah kuwa xaafadaha degmooyinkaas, iyagoo ka dhageystay warbixinno amniga ku saabsan. Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir, C/kaafi Hilowle Cismaan oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta kormeerka sameynayay xalay ayaa sheegay in howshan ay tahay mid lagu xoojinayo ammaanka Muqdisho, degmadii guul ka gaarta sugidda amniga ay heli doono abaalmarin lacageed. “Howshan kormeerka ah waa mid socon doonta, waxaana si aan la ogeyn ku tegi doonnaa degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood habeen walba, si aan u kormeerno sida ay howluhu u socdaan, runtiina kormeerkeennii xalay guul ayuu ku dhammaaday,” ayuu yiri Hilowle oo la hadlay warbaahinta. Guddoomiyeyaasha degmooyinka la booqday iyo taliyayaasha saldhigyada oo iyaguna hadlay ayaa sheegay inay habeenkii oo dhan soo jeedaan si ay u xoojiyaan ammaanka degmooyinkooda si aysan u dhicin falal ammaanka ka soo horjeeda. Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli baqdin weyn laga qabo in Al-shabaab ay weerarro ka geysato magaalada Muqdisho, maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo kooxdan looga bartay inay weerarro xooggan ka fuliso Muqdisho. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in maanta iyo wixii ka dambeeya ay iclaaminayaan dagaal bulshada Muqdisho iyo Shabaab, isagoo ku baaqay in god kasta iyo guri kasta loogu galo Shabaab. "Maanta waxaa iclaamineynaa Shabaab guri kasta uu ku jiro waa ugu galeynaa, god kasta ay ku jiraan, inaad is abaabushiin dagaal naga dhaxeeya hadaan nahay bulsha weynta muqdisho haween iyo rag inaan dagaal la galeyno, degmooyinka inaa is abaabushiin in aad ka warqabtiin waxa socda waxaa leenahay waa inoo dagaal Shabaabow gododka iyo meelaha ay ku jiraan waa ifineynaa ka ilaalsada baalooyinka in la jibiyo, sagaal wado ayaa gelineynaa nalalka"ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Gudoomiye Tarsan. Finally Tarsan is getting it right , Its time to secure Mogadishu and make alshabaab history . Gudoomiye Tarsan number one priority should be security ,
-
Kulan ballaaran oo looga hadlayay Ammaanka oo ay ka qeyb galeen Wasiiro, Maamulka Gobolka Banaadir, Dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir. Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Hey'adda wada hadalka Bulshada ee CCD ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Jaamac Axmed Maxamed (Jaamac Oday), Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan, Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga Maamulka Galmudug, Xildhibaanad Caasho Koos, Gudoomiyaha Hey'adda Wada hadalka bulshada ee CCD Mudane Ciise Axmed Cumar iyo Ururada Haweenka. Ugu horeyn waxaa kulanka ka hadlay Afhayeenka Dhalinyarada Gobolka Banaadir Xasan Coday oo ka hadlay ujeedada kulankan iyo kaalinta Hey'adda CCD ka qaadatay horumarinta iyo wacyi gelinta dhalinyarada sidii ay uga shaqeyn lahaayeen ammaanka, isla markaana ay horay 6-degmo ugu soo qabatay kulamo iyo Siminaaro. Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Jaamac Axmed Maxamed (Jaamac Oday) oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay isu imaatinka kulankan ay ka qeyb galayaan in ka badan labo boqol dhalinyaro oo ka kala socday 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir. "Runtii waxaa ammaan u soo jeedinayaa dhalinayarada 17-ka degmo ee halkaan fadhisa waxaa ku amaanaya inay xil badan iska saareen ammaanka iyo is dhex galka bulshada, Maamulka Gobolka Banaadir iyo hey'adda soo qaban qaabisay ee CCD waa ku amaanayaa"ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Jaamac Oday. Wasiir kuxigeenka ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyarada looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan nabada, isla markaana ay ka maarmaan qabiilka, isagoo ku baaqay inay la yimaadaan wadaniyad. "Waxaa naga maqan umadnimo iyo wadaniyad inaan noqono wadaniyiin dal dadkiisa, waa inaad ku xisaabtantaan, wadaniyada iskama timaado cayaar cayara ma ahan, marka qofka fahmo danta guud dalkiisa difaacaa, waxa dalka baabi'iyay waa qabyaalada iyo daneysiga waa inaan labadaas meesha ka saarno"ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Arrimaha gudaha. Sidoo kale wasiir kuxigeenka ayaa sheegay in dhalinyarada 17-ka degmo looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan amniga, isagoo xusay in ka wasaarad ahaan ay soo dhoweynayaan shirkan ballaaran loo qabtay dhalinyarada. "Degmo walba dhalinyaradeeda hadii la helo waayeelkeeda waa la helayaa, in wax weyn laga qabto amniga, anaga u baahan dhalinyarada u baahan, qaranka u baahan, gobonimada ku jirta, midnimada soo laabaneyna, CCD aad iyo aad u soo dhoweyneynaa yoolka aad gaarteen waa idinku hambalyeynayaa, Wasaarad ahaan waa soo dhoweynaynaa inaan shir u qaban doono dhalinyarada oo madaxda wasaarada ka soo qeyb geli doonaan"ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka. Xildhibaanad Caasho Koos oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in dhalinayarada looga baahan yahay inay isku xirnaadaan nabadana ka shaqeeyaan, iyadoo xustay in dhalinyarada ay yihiin mustaqbalka dalka. "Waxaa halkan uga mahadcelinayaa Hey'adda CCD oo aan aheyn markii u horeysay oo ay kulamada soo qaban qaabiso, aniga waxaa ka tirsanaa Ururka Haweenka Qaranka, waxaa ahaa dadkii ay soo bar baarisay Hey'adda CCD, waa hey'ad u taagan inay dadka hadlaan oo codkooda dhiibtaan oo ay iska dulqaadaan cadawga"ayuu yiri Xildhibaanad Caasho Koos. Sidoo kale Xildhibaanad Caasho Koos ayaa tilmaamtay in dhalinayarada looga baahan yahay in kuwa falalka amni daro ka dambeeya ka soos aaraan guryahooda, isla markaana aanay u fiirin hadii ay hooyadood dhashay, ayna Ciidamada ammaanka u soo gacan geliyaan. "Mustaqbalka dalka waa idinka kuwa uurka lagu sido iyo kuwa dhabarkiina jiifa, waxaa la idinka rabaa gacan ku dhiiglaha hadii hooyadaa dhashay in aadan qarin kuwa guryaha aad ku heysatiin in aadan qarin dumiyaha dalka, haween dilaha, dhalinyar dilaha in aadan qarin oo aad soo saartaan"ayay tiri Xildhibaanad Caasho Koos. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo kulanka ka jeediyay khudbad aad xasaasi aheyd oo dhinacyo badan taabaneysay ayaa sheegay in dhalinyarada ay maanta garteen doorkooda amniga magaalada, isagoo ku baaqay in degmo walba ay sameyso isku xirnaansho, si looga hortago falalka amni daro. "Waxaa farxad weyn noo ah maanta in dhalinyarada kacday oo ay garteen doorka ay ku leeyihiin amniga magaalada iyo is dhex galka bulshada, waxaa aad ugu mahdineynaa hey'adda ccd abaabulkan ay sameysay horay waa u ogeyn inay abaabulo badan sameyso bulshada qeybaheeda kala duwan ay abaabusho"ayuu yiri Gudoomiye Tarsan. Mr Tarsan ayaa sheegay in dhalinyarada ay yihiin dadka wax bedelo, isla markaana ay qeyb weyn ku lahaayeen kacaanadii dalalka carabta ka dhashay, taasoo uu xusay in dhalinyarada ay horseed u ahaayeen isla markaana dhalinyarada aanay jirin awood celin karta xataa hadii uu yahay Taangi. "Dadka wax bedela waa dhalinyaro, kacaanadii dalalkii carabta ka dhashay dhalinyaraa horseed ka ahaa, sababtoo ah mustaqbalkooda ayaga horseed ka ah, dhalinyarada awood la celin karo ma ahan, xataa hadii Taangi yahay, laakiin magacan dhalinyaro maanta waa la xumeeyay, waxaa laga dhigay kuwo dabka lagu shiday, dhalinyaradana waa mustaqbalka dalka"ayuu yiri Tarsan. Gudoomiye Tarsan ayaa ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab inay bilaabeen inay haweenka ugaarsadaan, isagoo cambaareeyay dilkii Gudoomiye kuxigeenkii degmada Yaaqshiid Raxmo Dahir oo uu tilmaamay in gurigeeda ay ku dileen kuwo diin sheeganaya. "Maanta Haweenka inay ugaarsadaan ayay bilaabeen wax ilaalinaya ma jirto, waxay ku tala galeen inay haweenka dilaan in la ogaado rabaan inay joogaan oo argagixiso yihiin, kuma aadan guuleysan ayaa leenahay, haweenka waa soo jeesteen in umada isku xiraan"ayuu yiri Tarsan. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in maanta iyo wixii ka dambeeya ay iclaaminayaan dagaal bulshada Muqdisho iyo Shabaab, isagoo ku baaqay in god kasta iyo guri kasta loogu galo Shabaab. "Maanta waxaa iclaamineynaa Shabaab guri kasta uu ku jiro waa ugu galeynaa, god kasta ay ku jiraan, inaad is abaabushiin dagaal naga dhaxeeya hadaan nahay bulsha weynta muqdisho haween iyo rag inaan dagaal la galeyno, degmooyinka inaa is abaabushiin in aad ka warqabtiin waxa socda waxaa leenahay waa inoo dagaal Shabaabow gododka iyo meelaha ay ku jiraan waa ifineynaa ka ilaalsada baalooyinka in la jibiyo, sagaal wado ayaa gelineynaa nalalka"ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Gudoomiye Tarsan. Waxaa kaloo ka hadlay kulanka Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Ammaanka Warsame Maxamed Xasan Joodax, Gudoomiye kuxigeenak ururka Haweenka Qaranka Canab Xasan Cilmi, Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab, kuwaasoo sheegay in loo baahan yahay inay bulshada is abaabusho, ammaankana ka shaqeyso, isla markaana la soo sheego dadka falalka amni darada ka dambeeya. Ugu dambeyn boqolaalkii dhalinyaro ee kulanka ka qeyb galay ayaa is weydaarsaday talooyin iyo fikrado la xiriiray sida lagama maar-maanka u ah inay isku xirnaadaan, ayna laamaha ammaanka kala shaqeeyaan cid kasta oo amniga caqabad ku ah ay soo sheegaan.
-
Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Col. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), isagoo bedelaya Taliyihii hore Nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo xilkaas hayay mudadii ugu dheereyd. Inkastoo wali aanay si rasmi ah dowladda Soomaaliya u shaacin magacaabista Taliyaha ayaa hadana warar ay heshay Jowhar.com oo ka soo xigatay ilo muhiim ah ay ku ogaatay in xilka Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir loogu magacaabay Col. Maxamed Aadan Koofi. Waa nin dhalinyaro ah isla markaana xirfadiisa ciidanimo ku soo qaatay dalalka Soomaaliya, Sudan iyo Jabuuti, waxaana lagu yaqaanaa karti, firfircooni iyo daacadnimo sida dad ku dhow dhow ay sheegeen. Koofi ayaa horay uga mid ahaa Maxkamadihii islaamiga, waxaa uu shantii sano ee u dambeeyay ka shaqeeyay Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ahaa Kuxigeenka Ilaalada gaarka ahaa Madaxtooyada, gaar ahaan Ilaaladii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. Col. Koofi ayaa waxaa uu bare ka ahaa Jaamacado kala duwan oo dalka gudihiisa oo uu wax ku bartay, sidoo kale waxaa uu Shahaadada Master ku soo qaatay jaamacad ku taal Uganda oo uu ka diyaariyay Maamulka iyo Maareynta.
-
Waddooyinka Waaweyn ee Muqdisho oo Qaarkood la xiray iyo Xukuumadda oo sheegtay inay Howlgelinayso Ciidammo cusub Isniin, July 22, 2013 (HOL) — Waddooyinka waaweyn ee Muqdisho qaar ka mid ah ayaa maanta la xiray, iyadoo dowladduna ay sheegtay inay dhawaan howlgelin doono ciidammo cusub oo aan horay loo arag, kuwaasoo sugaya ammaanka guud ee caasimadda Soomaaliya. Jidadka xiran ayaa waxaa ka mid ah midka isku xira isgoysyada Banaadir iyo Zope ee Muqdisho oo ay ku taallo wasaaradda arrimaha dibadda ee Somalia iyo waddada KM-4 ee tagta safaaradda Turkiga ee Muqdisho. Inkastoo saraakiisha dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha ammaanka aysan ka hadlin sababa keenay in la xiro waddooyinkan ayaa waxaa haddana ay ciidamada halkaas ilaalada ka haya kuu sheegayaan in loo xiray sababo la xiriira dhinaca ammaanka. Xiridda waddooyinkan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo Al-shabaab ay maalin ka hor kusoo bandhigtay degmada Baraawe ciidamo cusub oo wata gaadiid kuwa dagaalka ah, kuwaasoo ay sheegtay inay kula dagaalamayso dowlada Soomaaliya iyo AMISOM. Dhanka kale, wasiirka warfaafinta dowladda Soomaaliya, C/laahi Ciil-mooge Xirsi ayaa sheegay in dhawaan Muqdisho ay ka howlgeli doonaan ciidammo cusub oo aan horay loo arag si ay u sugaan ammaanka caasimadda. “Ciidammo cusub ayaa dhawaan ka howlgeli doona Muqdisho, kuwaasoo ka hortegi doona falalka ammaan-darrada ah, waxaana rajeynayaa inay taasi wax badan ka bedeli doonta ammaanka,” ayuu yiri Ciil-mooge oo intaas ku daray in dowladdu ay waddo qorshe cusub oo amniga lagu sugayo. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaanahan ka dhacayay falal ammaan-xumo oo isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay geysanayaan kooxo hubeysan oo aan la garanayn. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Feysal cali waraabe oo eedeyn kulul u jeediyay maamulka soomaaliland
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
^ Waryaa no need to threaten a man under African union protection Hargessa was under the Protection Of tigreyn regime for two decade sxb ,It was just few month ago President of Ethopia vow to protect Somaliland safe us the bullshit............. Somaliland is no threat as Kaatuum milities are giving you guys hard time , in order to win you guys paying tremendous amount of Money all while the people are jobless and are migrating to Mogadishu. You should be glad we are giving you piece of the cake we have to baby sit you guys sxb -
The Process of Nation Building is not easy , When you have spoiler and alshabaab undermining Gov Progress Nation building then becomes slow and difficult process . President Hassan should Fire the DF Minister Fiqi Asap , Also Tarzan the Governor needs to step up and secure the City build loyal police force .
-
Popular Contributors