malistar2012
Nomad-
Content Count
2,754 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by malistar2012
-
Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo warbaahinta kula hadlay isgoyska Al Barako ee degmada Hodon ayaa sheegay in kormeerkiisan uu ahaa mid uu ugu kuurgalayay xaaladdaha ammaanka caasimadda, isla markaana uu ku faraxsan yahay inuu arko habeen Saq-dhexe in dhalinyaradu ay kubadd ku ciyaaraan xaafadahooda, wuxuuna tilmaamay inay tahay dadaalka ciidanka ammaanka, isaga oo kula dardaarmay inay sii laban laabaan.
-
Who said Mogadishu is not safe , You have the entire cabinet of SFG walking in the streets in midnight . Internet cafe open midnight............. ntii uu ku guda jiray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Cabdi Faarax Shirdoon kormeerkiisan waxaa kaloo uu ku hakaday xaafada Laba-dhagax waxana uu halkaasi kula kulmay mid ka mid ah ganacsatada Internet-ka kireysa oo xilligaasi ku sugnaa goobtiisa ganacsiga iyadoo Ra’iisul Wasaaruhuna gudaha u galay goobtaasi oo muddo kooban uu kula sheekeystay, xilligaasina waxaa ku sugnaa goobta dhalinyaro adeegsaneysay aaladdaha bulshadu ku wada xiriirto sida Facebook. Boys are playing soccer Late nights ........ Congrats to the PM saacid .
-
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa xalay Saq-dii dhexe ee 12:00am saacadda geeska Afrika, waxaa uu socod lug ah ku maray degmooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaana Isgoys-yada Beexaani, Sanca, Fagax, Cali-kamiin, Laba-dhagax, Baar-ubax, Black sea, Al Barako, iyo isgoyska Banaadir, waxaana socdaalkani uu ahaa mid uu ugu kuurgalayay xaaladda amniga iyo howlaha ciidamada amnigu ay ka wadaan magaalada. Kormeerkan Waxaa Ra’isul Wasaaraha ku wehliyay Wasiirka Cadaaladda Mudane Cabdullaahi Ebyan Nuur, Warfaafinta Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi, Wasiiru dawlaha Arrimaha Gudah Mudane Mahdi Maxamuud Cali, taliyeyaasha Boliiska Jen. Cabdixakiin Daahir “Saacid”, Ciidanka Xoogga S/guuto Daahir Aadan Cilmi “Indhaqarsho” iyo Nabadsugida Qaranka Jen. Bashiir Maxamed Jaamac. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeerkan ka hor kulan ballaaran kula qaatay xarunta Nabadsugida Qaranka dhamaan saraakiisha ammaanka, isaga oo kala hadlay xoojinta sugidda amniga dalka, gaar ahaana magaalada Muqdisho, waxaana uu kula dardaarmay in looga fadhiyo inay ka hortagaan falalka lidiga ku ah amaanka shacabka. Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha ku weheliya kormeerkiisa ayaa ugu horeyntii ku hakaday isgoyska Cali-kamiin ee wadada Soddonka halkaasoo ay kula kulmeen dhalinyaro kubadda cagta ku ciyaareysay kuwaas oo ka faa’iideysanayay leyrarka cadceeda ku shaqeeya ee wadadaasi ku xiran, waxayna sacab iyo mashxarad ku soo dhoweeyeen madaxda, iyaga oo oranayay soo dhowaada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u degay dhalinyarada lana sheekeystay isaga oo weydiiyay kooxaha ay u kala cayaarayaan, “Waxaan u kala baxnay labo xaafadood oo kala ah kooxda Furayaasha iyo kooxda Cali-kamiin, waxaana ku gaarnaa halkan illaa suxuurta” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyaradii goobta ku ciyaareysay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale weydiiyay inay jirto wal wal amniga, waxayna ku jawaabeen “Maya amniga xaafada wuu wanaagsan yahay mana jiro wax wal wal ah”. Intii uu ku guda jiray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Cabdi Faarax Shirdoon kormeerkiisan waxaa kaloo uu ku hakaday xaafada Laba-dhagax waxana uu halkaasi kula kulmay mid ka mid ah ganacsatada Internet-ka kireysa oo xilligaasi ku sugnaa goobtiisa ganacsiga iyadoo Ra’iisul Wasaaruhuna gudaha u galay goobtaasi oo muddo kooban uu kula sheekeystay, xilligaasina waxaa ku sugnaa goobta dhalinyaro adeegsaneysay aaladdaha bulshadu ku wada xiriirto sida Facebook. Mudadii uu Ra’isul Wasaaruhu ku jiray booqashadiisa waxaa la arkayay dhalinyaro raxan raxan u fadhisa goobaha maqaaxiyaha, kuwaasi oo aysan ka muuqan wax wal wal amni ah, waxaana qaarkood ay naga salaamayeen dusha. Taliyaha Boliiska Jen. Cabdixakiin Daahir “Saacid” ayaa intii lagu guda jiray kormeerkan waxa uu warbixino siinayay Ra’iisul Wasaaraha isaga oo xusay in ciidanka amniga ay 24-ka saac ku jiraan heegan, ayna ka hortagaan saacad kasta falal amniga shacabka lidi ku ah, inkastoo ay jiraan falal qaraxyo ah oo kooxaha nabadiidku ay la beegsadaan mararka qaar goobaha dadweynaha sida suuqyada iyo goobaha ganacsiga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ku hakaday goob ganacsi oo lagu tolo dharka, waxaana xilligaasi shaqaalaha goobtaasi ay ku howlanaayeen tolista dharka. Ra’isul Wasaraha ayaa weydiiyay qiimaha ay ku tolaan dharka iyo qaababka ay u tolaan iyadoo sidoo kalana uu wax ka waydiiyay xaalamadaha Amni ee goobahaas. Ganacsatadu waxay ku ammaaneen ciidanka amnigu inay sugaan ammaankooda inta ay ku jiraan shaqadooda. Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo warbaahinta kula hadlay isgoyska Al Barako ee degmada Hodon ayaa sheegay in kormeerkiisan uu ahaa mid uu ugu kuurgalayay xaaladdaha ammaanka caasimadda, isla markaana uu ku faraxsan yahay inuu arko habeen Saq-dhexe in dhalinyaradu ay kubadd ku ciyaaraan xaafadahooda, wuxuuna tilmaamay inay tahay dadaalka ciidanka ammaanka, isaga oo kula dardaarmay inay sii laban laabaan.
-
"Soomaalidu waxa ay dhahdaa fuley xantiisa ma mooga, waxaan maleenayaa in dad badan ay maskaxda kaga jirto su'aalo badan oo ay damacsan yihiin in ay i weydiiyaan, intiina badan waxaad is leedihiin talloow Axmed ayaa maalmahaan warkiisa la maqlayee, Cabdina xaalkiisa waa sidee, balse waxaan idin cadeenayaa in aan wali ka mid ah Xisbiga Hii-Qaran, aysanna jirin wax iga weecinaya mab'da-eega Hiil-Qaran, waadna ogtihiin mabaa'diida u dagsan Xisbiga in uu tahay Muslinimo iyo Soomaalinimo" ayuu yiri Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo sheegay in uu yahay qof aaminsan wada jirka Soomaaliya. Welcome back lol
-
Xoghayaha Guud ee Xisbiga siyaasada ee Hiil-Qaran Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, ayaa kulan Afur ah Magaalada Den-Haag ee Wadanka Holland kula qaatay Xubnaha Xisbiga Hiil-Qaran Fariciisa Holland, kadib Safar uu kaga soolaantay Magaalada Muqdisho, isagoona ka warbixiyay dhaq-dhaqaaqyadii ugu danbeeyay ee Xisbiga, Shirar ay dhawaan isugu imaan doonaan, iyo Xaalada Guud ee Siyaasada, Amaan iyo dhaqaale ee dalka Soomaaliya. Prof Looks frustrated why is that ? One day he supports Unity next day he supports dismantling the Somali Nation . I think the Prof got old timer disease cant remember what he said or did when he visited SNM admin . Kulankan ayaa waxaa kasoo qeyb galay xubno sare sare oo ka tirsan Xisbiga, oo ay ka mid ahaayeen, Guddoomiyaha Guud ee Xisbiga Hiil-Qaran, Dr. Ibraahim Xaaji Mursal, Guddoomiyaha Xisbiga Hiil-Qaran Faraca Holland, Dr. Cali Cabdi Waare, iyo Xubin ka tirsan Guddiga sare ee Xisbiga, Avv. Muuse Axmed Xersi, iyadoo sidoo kale ay goob joog ka ahaayeen dhamaan xubnaha Xisbiga faraciisa Holland. Ugu horeyn waxaa kulanka ka hadlay Guddoomiyaha Guud ee Xisbiga Hiil-Qaran, Dr. Ibraahim Xaaji Mursal, oo ugu mahadceliyay Xubnaha Xisbiga Faraciisa Holland, soo dhaweynta iyo Afurka ay u sameeyeen Hogaanka Xisbiga, waxaa uuna sidoo kale Xubnaha Xisbiga ugu warbixiyay, howlaha u yaalla Xisbiga, isagoo sheegay in kulan 25-Augusto ka dhici doono dalka Holland loogu hadli doono, isbadalo iyo dib u habeyn lagu sameeyn doono Xisbiga, iyo sidii kore loogu qaadi lahaa howlaha Xisbiga Hiil-Qaran uu ka wado gudaha dalka Soomaaliya iyo Dibadda. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay kulanka, ayaa waxaa uu ugu horeyn ka hadlay howlaha Xisbiga Hiil-Qaran, iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadan gudaha dalka Soomaaliya, waxaa uuna sheegay in Xafiiska Hiil-Qaran Muqdisho uu weli yahay mid shaqeenaya, isla markaana uu yahay Xafiis aan siyaasad kaliya u furan balse u shaqeeya Bulshada ku heeraarsan Nawaaxiga Xafiiskaasi. "Inkastoo aynu dowlad aheyn oo gacanta xisbiguna meelo badan aysan gaarin, hadana waxaa aynu ka fursan weynay sidii aan bulshada ku hareereesan Nawaaxiga Xafiiska ee jaarkeena ah, aynu wax ula qaban laheyn, gaar ahaan sidii aan ugu caawin laheyn waalidiinta iyo caruurta dhinaca Tacliinta, taasina weynu wadnaa"ayuu yiri Prof. Samatar. "Soomaalidu waxa ay dhahdaa fuley xantiisa ma mooga, waxaan maleenayaa in dad badan ay maskaxda kaga jirto su'aalo badan oo ay damacsan yihiin in ay i weydiiyaan, intiina badan waxaad is leedihiin talloow Axmed ayaa maalmahaan warkiisa la maqlayee, Cabdina xaalkiisa waa sidee, balse waxaan idin cadeenayaa in aan wali ka mid ah Xisbiga Hii-Qaran, aysanna jirin wax iga weecinaya mab'da-eega Hiil-Qaran, waadna ogtihiin mabaa'diida u dagsan Xisbiga in uu tahay Muslinimo iyo Soomaalinimo" ayuu yiri Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo sheegay in uu yahay qof aaminsan wada jirka Soomaaliya. Arrimaha Siyaasadda. "Waxaa is bar-bar socda, Rajo iyo Rajo-beyl, waxaad arkeysaa in dowladii aad moodo in howsheedii loo igmay ayba tahay safaro dibadda, oo aan siyaasaddii gudaha, iyo jiheyntii shacabka ku baraarugsaneen, taasina waxa ay kuu keeneysaa niyad jab iyo rajo-xumo, waayo wax weliba oo dalka ka dhaqaaqaya waxaa faraha kula jira ajnabi, taasi oo ka dhigan in dalka aanu weli xor aheyn" ayuu yiri Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo Dowlada Federalka Soomaaliya ku dhaliilay in Siyaasada gudaha aysan weli wax ka qaban oo ayba dalka ka tahay marti. "Dowlada waxa ay heshiisyo la soo gashay dowlado fara badan iyo hay'addo caalami ah, ma jirto cid ku mashquulsan sidii daba-gal loogu sameyn lahaa waxyaabihii lagu soo heshiiyay, waxaad arkeysaa madaxdii dowlada ugu sareesay oo weli Airporka ku qaabilaya Safiira iyo niman aysan isku mansab aheyn, taasina waxa ay ku tusineysaa baratakool xumadda Heysata Dowlada" Ayuu hadalkiisa raaciyay Prof. Cabdi oo sheegay in Dowlada Federalka Soomaaliya ay si weyn ugu liidato dhinaca baratakoolka. Professor-ku waxa uu sheegay in dowlada aysan u madaxbananeen talaabo kasta oo ay qaadayaan oo dibadda looga yeeriyo waxa ay sameenayaan, taasina ay tahay buu yiri siyaasad iyo karti xumo haysata madaxda dowlada. Amniga dalka. Mar uu soo hadal qaaday dhinaca amaanka, ayaa waxa uu sheegay in caasimada Muqdisho ay la mid tahay caasimado badan oo ka mid ah dalalka caalamka, kalana siman tahay dhinaca qaraxyada, balse dhibta kaliya ee heysata ay tahay in aysan jirin ciidamo Soomaaliyeed oo la isku haleyn karo, kuwaasi oo ka qeyb qaadan kara sugida amaanka, taasina ay sabab u tahay dowlada oo ka gaabisay sidii loo tayeen lahaa ciidamada, ayna xuquuqdooda u heli lahaayeen. "Askari dagaal ku jira, qoraxdaas iyo roobka dul taagan, haddana aan heleynin xuquuqdiisa ciidan, haddii ay noqoto mushaarkiisa iyo qalabkiisa, waa ay adag tahay in wax badan laga sugo" ayuu yiri. Dhaqaalaha iyo dib-u-dhiska dalka. "Dalka waxaa ka socda dhismooyin, waxaa dib ugu laabanaya Hey'addo Caalami ah, waxaa tagaya qurba-joog fara badan, haddana ma jirto dhaqaale isa-soo kabaya oo dalka ka jira, waayo wax waliba waxa ay gacanta ugu jiraan dad ajnabi ah, dadkii magaalada ku sugnaa 90% waa dad aan shaqo heysan, waayo wax waliba waxaa gacanta loo geliyay ajnabi, balse xaqiiqda marka laga hadlo dadkeena waxa ay u baahan yihin in la jiheeyo oo jiho loo furo, taasina waxaa la heli karaa marka ay timaado Siyaasad dhuux leh oo fog" "Dadka dib ugu laabanaya dalka 80% waa dad aan tayo laheyn, dalkiina aan wax kusoo kordhin karin, 20% waa dadka ku dadaalaya in ay wax ku soo kordhiyaan dalka, lama joogo xilligii inta saraawiil gaa-gaaban la qaato xeebaha la tagi lahaa, waxaa loo damaashaad tagaa wadan dadkiisu qani yihiin, balse dalkeena diifta iyo gaajada ka jirta weynu ognahay, waa ceeb in dalkeena oo sidaasi ah, aynu ku mashquulno in aan xeebo tagno, dalka waxa uu inoogu baahan yahay, sidii aynu wax badan ugu qaban laheyn" ayuu yiri Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar. Ugu danbeyntii waxa uu xoghayaha guud ee xisbiga Hiil-Qaran Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ku baaqay in loo baahan yahay sidii loogu fikiri lahaa marxalada iyo Mustaqbalka soo socda ee dalka Soomaaliya, isagoona sheegay in dowlada Soomaaliya dhaliil kaliya aan loo jeedin balse ay sidoo kale u baahan tahay in loo duceeyo, waa sida uu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay. Kulanka uu Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar uu la qaatay xubnaha Xisbiga Hiil-Qaran Faraciisa Holland, ayaa ku soo beegmaya xilli musharixii hore ee Xisbiga ugu tartamay jagada madaxweyne-nimada Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, Muddooyinkii ugu danbeeyay ay kasoo yeerayeen hadalo u muuqda in uu u janjeeray dhinaca Siyaasada Soomaaliland oo uu markii hore si weyn u diidanaa, inkastoo weli illaa iyo haatan aan si cad loo cadeyn in Prof. Axmed Ismaaciil Samatar uu ka baxay xisbiga Hiil-Qaran iyo In kale.
-
Tarzan: PL SL odey dhaqameedyadoodii baa nabad ka dhigay.
malistar2012 replied to MoonLight1's topic in Politics
The semi-autonomous Somalia state of Puntland has by firing squad executed 13 Al-Shabaab militants convicted on terrorism and assassination charges. Reports say that it is the largest single execution ever carried out in Puntland. Hear we have Puntland implementing the Law Tarzan Needs follow suite if he wants to be taken serious A Puntland soldier also died after he was hit by stray bullets during the execution at Bossaso, the main port and commercial town, some 1,500km northeast of Mogadishu. The 13 militants, one a woman, were sentenced in February by a military court after they were found guilty of carrying out terror acts including assassinations and explosions in Puntland. -
Tarzan: PL SL odey dhaqameedyadoodii baa nabad ka dhigay.
malistar2012 replied to MoonLight1's topic in Politics
16 out of the 17 districts have HAG governors Mogadishu is runned by SFG and Amisom district governors are weak. The Point is Puntland And Somaliland implement their policy by force Tarzan needs to follow suite ..................Tarzan needs to unite his people and get the blessing to rule the city with Iron Fist . -
Tarzan: PL SL odey dhaqameedyadoodii baa nabad ka dhigay.
malistar2012 replied to MoonLight1's topic in Politics
Forget about the elders in Mogadishu they are useless .... Tarsan needs to hire a strong man like Salad Cali Jeele the Man will clean the city .... If Tarzan was serious he can clean the city from alshabaab the man scared and reduced to hold protest everyday, Alshaabab and Nabadiids only solution is to kill them Point blank. Somaliland its Clan entity and its run by Habro clans anyone dares to challenge their power will be crushed , Puntland is run by the pirates and they secure it with force . Tarzan needs to rally his people and take charge secure his region . -
Tarzan: PL SL odey dhaqameedyadoodii baa nabad ka dhigay.
malistar2012 replied to MoonLight1's topic in Politics
Xaad & Diiriye only care about Hassan Dahir aweys and al shaabaab Tarzan needs to come out strong , build loyal security force to hunt down Alshaabaab cells and Nabadiid elements . -
Tarzan: PL SL odey dhaqameedyadoodii baa nabad ka dhigay.
malistar2012 replied to MoonLight1's topic in Politics
Maxamuud Axmed Nuur Tarzan, Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu maanta si layaab leh u weeraray odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Muqdisho isaga oo ku tilmaamay caada qaatayaal Shabaab xariir dhaw la leh. “Odayaasha Somaliland iyaga ayaa waxa ay saldhig u yihiin amaanka deegaanadaasi. Kuwa Puntiland sidoo kale nabada iyaga ayaa hor seed u ah. Deegaanadaasi oo dhan Shabaab habeen kuma hoyan karo. Deegaanadaasi laguma nabadeyn ciidan tira badan oo la geeyay. ciidan tira badana waxba tarimaayaan. Maxaa ku dhacay odayaasha dhaqanka Muqdisho. Ma waxa ay noqdeen calooshood u shaqeestayaal caada qaatayaal ah oo dhiiga shacabkooda iibsanaya?”, Maxamuud Axmed Nuur Tarzan ayaa cod dheer ku yiri. Maxamuud Axmed Nuur Tarzan ma keenin cadeyn uu ku muujinaayo xariirka uu sheegay in uu ka dhexeeyo odayaasha Soomaaliyeed ee shacabku ay aad ugu kalsoonyihiin kuna tilmaamaan marjaca loo laabto hadii wax qaldamaan. Weerarkaan Tarzan uu ku qaaday odayaasha dhaqanka Muqdisho ayaa waxaa laga cabsi qabaa in ay jawaab adag ka bixiyaan dhaqanka muqdisho oo ah saldhigga dowlada hada jirta kuwaas oo aysan suura gal ka aheyn in ya Shabaab xariir la yeeshaan. -
Tarsan "Ha la ogaado waxa lagu mataanoobay ee Shabaab iyo Siyaasad isu keeney waa Muqdisho maxay u dhismeysaa" Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ku tilmaamay weerarada ka dhacaya magaalada Muqdisho inay siyaasad daba socoto, kadib hadal kulul oo uu maanta ka jeediyay banaan bax ka dhacay Muqdisho. Tarsan ayaa sheegay in siyaasad ay salka ku heyso weerarkii lagu qaaday Turkiga, isla markaana ay aheyd siyaasad mataanoowday ee ka dhaxeeyay Shabaab iyo dad uu ku tilmaamay siyaasiyiin sida uu yiri. "Ha la ogaado waxa lagu mataanoobay ee Shabaab iyo Siyaasad isu keeney waa Muqdisho maxay u dhismeysaa, halkee ka timid colaada Turkiga loo haayo, arrintaas waa siyaasad"ayuu si kulul u yiri Gudoomiye Tarsan. Waxaa uu sheegay in dadka Muqdisho loo heysto sababta ay u nool yihiin, isla markaana la doonayo in dhibaatadii ay soo martay magaalada dib loogu celiyo. "Aarrinta laga mataanoobay ee Cali Dheere iyo Godane iyo siyaasiyiinta ku jirta arrinta ee fanka kula jirta, hubka soo dhiibeysa ee jidadka soo marsiineysa, ee guryahooda dhigeysa ee qarineysa, ilaa meeshii laga qarxinayay u ilaalineysa waxay ka mideysan yihiin magaalada muqdisho maxaa looga shaqeynaya, maxay shacabka Muqdisho u nool yihiin"ayuu yiri Maxamuud Axmed Nuur Tarsan. Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku soo beegmaya, iyadoo magaalada Muqdisho ammaankeeda sii xumaaneyso, isla markaana qaraxyo iyo weeraro xiriir ah ay ka dhacayeen tan iyo markii ay bilatay bisha Ramadaan.
-
Its time to show Unity , The Turks have done lot for Somalia . Who said Xamar is not Safe , denouncing alshabaab daylight with Music and dancing congrats . 1 & 2 car bombing and suicide attacks are not going scare anyone in Xamar and will Not stop the Progress dadkii waa bislaadeen enough is enough time to clean alshabaab out of Xamar
-
Tarsan wuxuu sheegay in Ururka Al-Shabaab iyo Siyaasiiin diidan ay jiraan joogitaanka Shaqaalaha Turkiga ee Muqdisho, arintaasina loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay iska kashadaan sidii ay uga hortagi lahaayeen. The Government needs to take action against spoilers in Mogadishu who are assisting Al shabaab , Arrest them Kill them or deportation . The Goverment needs to bring back Infamous salaad cali jeele . The Gov needs to bring back salaad cali jeele as head of the security of Xamar , The man will clean the city instead of hiring ex alshaabab snakes
-
Tarsan ”Siyaasiyiin iyo Shabaab ayaa diidan Jooji taanka Turkiga mana aqbali karno Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan isagoo ka hadlayay dibadbax looga soo horjeeday Weerarkii Turkiga oo Muqdisho ka dhacay ayaa sheegay in Magaalada ay joogaan dad diidan joogitaanka Turkiga ee Soomaaliya. Tarsan wuxuu sheegay in Ururka Al-Shabaab iyo Siyaasiiin diidan ay jiraan joogitaanka Shaqaalaha Turkiga ee Muqdisho, arintaasina loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay iska kashadaan sidii ay uga hortagi lahaayeen. Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo hadalkisa wata ayaa sheegay in Ururka Al-Shabaaba y diidan yihiin Nolosha Shacabka Soomaaliyeed iyo Hormarka Caasimada. Tarsan wuxuu sheegay in Qaraxyada Turkiga lala beegsaday kaliyah aysan fulinin Urrurka Al-Shabaan wuxuu sheegay in ay jiraan rag siyaasiyin ah oo ku howlan fulinta Falal lagu cabsi gelinayo shaqaalaha Turkiga. HALKAAN KA DHAGEYSO HADALKA gUDOOMIYE TARSAN hadalka Gudoomiye Tarsan ayaa ku soo beegmaya xili Maalmo ka hor gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxo Ururka Al-Shabaab ay ku weerareen hoy Muqdhso ay ka daganaayeen Shaqaalaha Turkiga.
-
Dibadbaxani ee uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir islamarkaana ka dhacay barxada weyn ee Taaladda Daljirka Daahson ee Degmada Boondheere ayaa waxaa lagu taageerayay mashaariicda horumarineed ee dowladda Turkiga ay ka wado Caasimadda dalka, iyadoo lagu cambaareyay falkii argagaxisanimo ee kooxda dhagarta badan ee Al Shabaab ay ku weerareen xarun ay deganaayeesha shaqaalo Turki ah. Shacabka ka kala socday 17-ka degmo ee gobolka Banaadir ayaa waxay ku dhawaaqayeen erayo lagu taageerayo dowladda Turkiga, loogana soo horjeedo weerarada maleeshiyaadka Shabaab ay ku qaadaan shaqaalaha Turkiga, waxaana dadkii banaanbaxa ka qeyb galay ay gacanta ku wateen boorar ay ku qornaayeen erayo ka dhan kooxda argagaxisada ee Al Shabaab. Sidoo kale Inta dibadbaxa uu socday waxaa goobta Heeso Wadani ah oo soo jiitay dareenka shacabka banaanbaxa kasoo qeyb galay ka qaaday fanaaniinta kooxda Hobolladda Waaberi oo goobta ku sugnaa kuwaas oo maanta dadka reer Muqdisho la qeybsanayay taageerada loo fidinayay dowladda Turkiga ee u soo gurmatay shacabka Soomaaliyeed. Guddoomiye kuxigeenka dhinaca maamulka iyo maaliyadda ee gobolka Banaadir Iimaan Nuur Iikar ayaa u sheegay shacabka ku dhaqan gobolka in ujeedka Al Shabaab uusan eheyn shaqaalaha Turkiga balse uu yahay daminta muuqaalka soo wanaagsanaanaya ee magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Maxamud Axmed Nuur “Tarsan” oo banaanbaxa soo xiray ayaa sheegay in ujeedda Al Shabaab ay tahay burburinta rajada shacabka Soomaaliyeed iyo Caasimadooda ku talaabsaday dhanka horumarka, sidaasi daraadeed loo baahanyahay in Umadda Soomaaliyeed ay meel uga wada soo jeestaan kooxdaasi Qarandiidka ah. Banaanbaxan maanta ka dhacay barxadda taaladda Daljirka Dahsoon degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa ahaa kii ugu balaarnaa oo lagu taageero howlaha gurmadka ah ee dowladda Turkiga ay ka wado dalkeena Soomaaliya gaar ahaan magaaladda Muqdisho.
-
Al shabaab getting stronger and stronger in Mogadishu
malistar2012 replied to Cambuulo iyo bun's topic in Politics
Alshabaab will be defeated soon , 1 & 2 car bombing will not stop the progress ..... President hassan will soon deploy discipline and loyal security force to the SFG , Mogadishu security will get better inshallah there are plans to defeat Nabadiids and alshabaab . SFG will soon attack Alshabaab strong holds in south things will change dramatically soon be patient . -
Al shabaab getting stronger and stronger in Mogadishu
malistar2012 replied to Cambuulo iyo bun's topic in Politics
Ciidamo cusub oo lagu arkaayo guud ahaan Isgoysyada magaalada Muqdisho. Isgoysyada magaalada Muqdisho waxaa lagu arkaayaa ciidamo aad u badan islamarkaana ay dowladda ugu tala gashay iay sugaan amaanka guud ee magaalada. Ciidamadaan ayaa waxay yihiin kuwo qaba darees Cagaaran, waxaana ay wataa qoryaha AK-47, iyadoona Isgoys walba loo dhigay sandaqad yar oo qoraxda ay ka galaan. Ciidamada ayaa kala hagaaya shacabka iyo gaadiidka, waxaana ay yihiin kuwo si gaar ah amaanka magaalada oo dhan la doonaayo inay u hantaan. Ciidamadaan ayaa in banaanka loo soo bixiyo waxa ay ka dambeysay ka dib markii magaalada oo dhan ay kusoo bateen falal amaanka liddi ku ah. -
“Waan fahansannahay inaan qolo kale lugaha kaga joogsanay, sababtoo ah Turkigu waxay saamayn muuqata ku sii yeelanayaan gobolkaas maalinba maalinta ka sii dambaysa. Turkigu waxay isku dayayaan inay kor u soo qoodaan heerka nololeed ee dadka, annagoo isticmaalayna mashaariicda bini'aadannimo iyo siyaabo kaleba" ayuu yiri Gudoomiyaha baarlamaanka dalka Turkiga oo muujiyay inay tuhunsanyihiin awoodo kale oo tartan iyaga kula jira. Waxaana uu gudoomiyaha baarlamaanku carrabka ku dhuftay in kooxda Alshabaab oo weerarkan fulisay in la isticmaalay ee ay jiraan quwado ka dambeeya. Everyone knows alshabaab are being funded by foreigners to destabilize Somalia ,
-
Gudoomiya baarlamaanka dalka Turkiga oo ku eedeeyay weerarkii Muqdisho quwado aan ku faraxsanayn hawlaha Turkigu ka wado Soomaaliya Talaado, July 30, 2013 (HOL) - Gudoomiyaha baarlamaanka dalka Turkiga Cemil Çiçek ayaa cambaareeyay weerarkii lagu qaaday safaaradooda magaalada Muqdisho isagoo booqday qaar kamid ah dhaawacyadii laga keenay magaalada Muqdisho oo lagu daawaynayo isbitaal ku yaalla magaalada caasimada ah ee Ankara. Çiçek ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday safaarada uu muujinayo in hawlaha bini'aadanimo ee Turkigu ka wado Soomaaliya inay khalkhal galisay awoodo uusan magacaabin. “Waan fahansannahay inaan qolo kale lugaha kaga joogsanay, sababtoo ah Turkigu waxay saamayn muuqata ku sii yeelanayaan gobolkaas maalinba maalinta ka sii dambaysa. Turkigu waxay isku dayayaan inay kor u soo qoodaan heerka nololeed ee dadka, annagoo isticmaalayna mashaariicda bini'aadannimo iyo siyaabo kaleba" ayuu yiri Gudoomiyaha baarlamaanka dalka Turkiga oo muujiyay inay tuhunsanyihiin awoodo kale oo tartan iyaga kula jira. Waxaana uu gudoomiyaha baarlamaanku carrabka ku dhuftay in kooxda Alshabaab oo weerarkan fulisay in la isticmaalay ee ay jiraan quwado ka dambeeya. “Turkigu waxay sameeyeen wixii looga baahnaa waddan saaxiib la ah Soomaaliya, waxaanan ognahay inay jiraan quwado aan ku faraxsanayn xarumaha iyo dadaallada aan ka wadno gobolka.Nasiib darrase waxay noo soo isticmaaleen ururada argagixisada markale si ay u hor-istaagaan mashaariicda uu Turkigu ka furay Afrika" ayuu sii raaciyay gudoomiyaha baarlamaanka ee dalka Turkiga. Hadalka gudoomiyaha baarlamaanka ayaa muujinaya inay dawlada Turkigu ay tuhunsatahay quwado tartan kula jira inay ka dambeeyeen weerarkii labo maalmood ka hor lagu qaaday safaaradooda oo looga dilay hal askari saddex kalana looga dhaawacay, inkastoo weerarkaasi ay sheegatayt Alshabaab oo iyadu xubin ka ah urur waynaha Al-qaacida. Axmed C/samad, Hiiraan Online asamad@hiiraan.com Nairobi , Kenya
-
Munaasabadan oo lagu qabtay magaaladda Muqdisho, islamarkaana ay kasoo qeyb galeen Siyaasiyiin, Waxgarad, Aqooonyahano iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda ayaa waxa ay aheyd mid loogu dhawaaqayay gole magaciisa la yiraahdo Golaha Midnimada Qaranka iyo xoojinta Dowladnimada Soomaaliyeed. Siyaasiyiinta munaasabdan kasoo qeyb galay ayaa waxaa ka mid ah Maxamed Maxamuud Guleed Gacmadheere iyo Ismaaciil Hurre Buubaa oo labaduba ay xilal kala duwan ka soo qabteen dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray Golahan ayaa waxaa uu yahay gole lagu taageerayo dowladda Soomaaliyeed iyo Qaranimadda Soomaaliya sida ay sheegeen dadkii kasoo qeyb galay. Siyaasiyiintii munaasbada kasoo qeyb gashay ayaa waxa ay aragtidooda ka dhibteen sida uu u shaqeyn doono golahan, waxayna tilmaameen in golahan uu yahay mid lagu taageerayo dowladnimadda soomaaliya. Guddoomiyaha Golahan lagu magacaabo Golaha Midnimada Qaranka iyo xoojinta Dowladnimada Soomaaliyeed Ismaaciil Hurre Buubaa oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay soo saareen qodobo ka kooban 13 oo qayb ka ah sharuucda u degsan golaha ee lagu taageerayo midnimada Soomaaliya. “Goluhu u jeedadiisu waxa ay tahay sidii loo tayeyn lahaa, loona taageeri lahaa dowladda Federaalka Soomaaliya, maadaama indhaha caalamka ay haatan ku soo jeedaan Soomaaliya” ayuu hadalkiisa ku daray. Golahan Midnimada Qaranka iyo xoojinta Dowladnimada Soomaaliyeed ayaa aas-aaskiisa waxaa uu kusoo beegmayaa xili dalka ay ka jirto dowlad rasmi ah oo aan KMG aheyn.
-
Wow amazing ,
-
Gar_maqaate Thanks for the history lesson , aaji you are funny dude. According your statistics a quarter of the menacing Ethiopian soldiers which your forefathers needed protection from were completely unarmed. But then again you want to have us believe that the illiterate nomads who thumb signed the "treaties" with British had the foresight and political shrewdness to preempt the Ethiopian claims by clever signing a treaty with British.
-
Iyadoo muddo toban maalmood ay naga xigto Ciidul Fadriga, bisha Ramadaan maanta tahay 19-aad ayaa waxaa suuqyada magaalada Muqdisho ka socda diyaar garowga ciida, waxaana suuqyada ay durba noqdeen mid aad u mashquul ah. Xilliyadan oo kale ee dhamaadka bisha Ramadaan ayaa suuqyada waxay yihiin kuwo aad u camiran, iyadoo dadweynuhu ay ka iibsadaan alaabaha ay is leeyihiin hadba waa u muhiim. Suuqa Xamar weyne oo ay booqatay Jowhar.com ayaa ka mid ah suuqyada ugu waa weyn magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka socday ganacsi xoog leh, iyadoo dadka ay ka dukaameysanayeen carwooyinka dharka lagu iibiyo. Dadka oo isugu jiray caruur iyo ciroole ayaa dharka kala duwan ka iibsanayay carwooyinka, waxaana ku arkeysa caruur ay la socdaan waalidiintooda oo dharka Ciida u iibinaya. Waxaa mashquul ah dhamaan carwooyinka dharka laga iibsado ee ay caanka ku tahay Xamar weyne, iyadoo dadka ay kala xulanayeen dharka, sidoo kale goobaha harqaanka ee dharka toliinka ayaa iyana ahaa kuwo diyaar garowga ka muuqdo, waxaana jiray dhar naqshado kala duwan loo tolayay. Goobaha Foornooyinka ee lagu dubo Buskutka ayaa ahaa kuwo mashquul ahaa, haween badan ayaa lagu arkayay oo nuucyada kala duwan ee Buskutka ka dubanayay, si ay maalinta Ciida ugu sooraan dadka u imaanaya. Meelaha lagu kariyo Xalwada oo ah waxyaabaha Soomaalida aadka u jeceshahay ayaa dadka ka iibsanayay, qaarkood ayaa u gadanayay kiilo kiilo, halka qaarna ay qaadanayeen baaf xalwo ah.
-
“Ma illaawi doonnno kaalmooyinka ay dowladda iyo shacabka Turkiga ay mar walba la garab-taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo waqtigii adkaa ee ay garab-istaageen ummadda Soomaaliyeed,” ayuu saacid ku daray hadalka uu warbaahinta siiyay isagoo xusay in dawladda Soomaaliyeed ay xoojinayso amniga dalka si qaab nabadeed ay ugu fulaan howlaha isugu jira gargaarka iyo dib u dhiska ay Turkigu ka wadaan Soomaaliya Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Kamaludin Kani Torum ayaa isna sheegay in dowladda Turkiga ay sii wadi doonto taageerada ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayna sii ballaarin doonaan mashaariicda ay Somalia ka wadaan. “Weerarkii argagaxiso ee shalay lala beegsaday xarunteennan isma hortaagi doono howlaha gargaar ee aan Soomaaliya kawado, waxaana caddeynayaa in howlahaas ay sii socon doonaan lana ballaarin doono,” ayuu yiri Torum.
-
Popular Contributors