malistar2012
Nomad-
Content Count
2,754 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by malistar2012
-
Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Xafiiskiisa kusoo dhaweeyay gudiga Akadamiga Daryeelka Af Soomaaliga (SAWIRRO Khamiis, August 22, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley guddiga akadeemiga daryeelka Afka Soomaaliga oo dhawaan booqasho ku yimid magaalada Hargeysa. Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay guddida Daryeelka Af soomaaliga waxa ku wehelinayey madaxweyne ku xigeenka Md;C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelinta C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse). Madaxweyne Siillaanyo ayaa soo dhoweeyey guddidan waxaanu ku dhiirigaliyey inay hawsha baaxadda weyn ah ee ay hayaan ilaahay u fududeeyo,isla markaana uu ku faraxsan yahay kulankan uu la yeeshay aqoonyahanadda soomaaliyeed ee afka iyo dhaqankaba isku xil saaray ilaalintoodda. Sidoo kale, guddigan Daryeelka Af soomaaliga oo ka koobnaa shan qof ayaa kala ahaaa Gudoomiyaha Guddida Academy-ga Daryeelka Af-soomaaliga Dr. Maxamed Daahir Afrax, gudoomiye ku xigeenka C/rashiid Maxamed Ismaaciil , Macalinka weyn ee Siciid Saalax Axmed oo Maraykanka ka yimid sanadkastana ka soo qaybgalla bandhiga carwadda buugaagta ee Hargeysa, Macalin Axmed Shiraac iyo Abwaanka weyn ee Maxamed Warsame Hadraawi, waxaanay madaxweynaha uga mahad celiyeen sida qiimaha leh ee uu xafiiskiisa ugu soo dhoweeyey. Waxa magaaladda Hargeysa xalay lagu soo gabogabeeyey carwadii Buugaagta ee Hargeysa, kaas oo ay ka soo qaybgaleen aqoonyahan soomaali iyo ajanabi iskug jirta, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey ku soo bandhigayey khudbaddo iyo buugaag ay qoraan. Dhalinyaradda magaaladda Hargeysa ayaa mudadii lixda cisho ahayd ee carwaddu socotay si weyn uga soo qaybgalay, kuwaas oo dhagaysanayey khudbadihii kala duwanaa ee aqoonyahanadu ku soo bandhigeen carwadda. Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa tacsi u diray Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Golayaasha Qaranka, Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsi-yadaynaaya geerida ku timid SULDAAN BARRE WARSAME SHIRE oo Xalay ku geeriyooday Shil-baabuur oo daad ku qaaday Dacar-budhuq isagoo Marxuumka ka mid ahaa wefti balaadhan oo u kicitimay xalinta shaqaaqo Degmadda Oog ku dhexmartay laba beelood oo walaalo ah. Madaxweynuhu waxa uu MARXUUMKA ku tilmaamay oday Dhaqameed qaran oo hormood u ah xalinta iyo khilaafaadka kana soo qayb qaatay Nabadayntii beelaha Somaliland, Hubka dhigistii ciidamada iyo wada noolaashaha beelaha Somaliland. Silaayo ayaa tilmaamay in marxuumku yahay tiir ka mid ah tiirarka madax-dhaqamka oo ka baxay bulshada reer Somaliland, ILLAAHAY-NA waxa uu MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Golaha guurtida, Golaha Wakiilada, Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. Ugu dambeyn, wuxuu tacsi u diraya wasiirka Arrimaha gudaha Cali Warancade oo uu marxuumku la socday, waxaanay isaga iyo weftigii la socday ee ka badbaaday Daadkaasi guure xalay ku tageen magaaladda Burco, isagoo saakana u dhaafay deegaankii dagaalku ka dhacay ee Oog. Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online barkhadladiif@hiiraan.com Hargeysa, Somaliland
-
Khamiis, August 22, 2013 (HOL) — Mas’uulka bisha cas ee dalka Turkiga u jooga Soomaaliya oo horkacaya kolanyo gaadiid ah oo ay saaran yihiin raashin ayaa soo gaaray magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool. Raashinkan ayaa sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Sool, Maxamed Faarax Aadan dhamaan 500 oo tan ama 10,000 oo loor kaasoo loogu tala-galay gobolka Sool ayna u qaybiyeen sida uu sheegay sidii hay’adda bisha cas ee Turkigu ugu talagashay. Madaxa bisha Cas ee Turkiga, Mujahit Duran ayaa sheegay in Soomaaliya oo dhan ay isugu mid tahay oo ay gaarsiinayaan gargaarka, kaddib markii uu si gaar ah ula kulmay odayaal dhaqameedyo kasoo jeeda deegaanno aysan ka talin Somaliland. Sheekh Aadan Weli Cabdi Xuseen oo madax u ahaa odayaal la sheegay inay gaadhsiin doonaan 250 tan degmada Taleex iyo Boocame ayaa si aad ah ugu mahad-celiyey dowladda Turkiga iyo ururka bisha case e dalkaas. Raashinkan ayaa qayb ka ahaa raashin uu maamulka Puntland horay uga celiyay dekedda magaalada Boosaaso, kaasoo degmada Taleex, Isku-shuban iyo Galdogob loo waday, waxaana dadka badakiisu isha ku hayaan sida laga yeelo raashinka loo gudbinayo degaanada maamulka Khaatumo ka taliyo oo fari ku godan tahay, isla markaana aanay la socon mas’uuliyiintii bisha cas.
-
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa waxa uu si aad ah u dhaliilay Cabdi Raxmaan Faroole, madaxweynaha maamulka Puntiland, oo uu sheegay in uu yahay nin iska sheega wax uusan ka fiirsan. “Dastuurka Soomaaliya cid wax ka bedeshay ma jirto. Mana laga bedeli karo iyada oo aan cidina la socan. Ma aha in saxaafada laga qeyliyo, wixii uu tabanaayo Cabdi Raxmaan Faroole waa in uu soo bandhigaa si dastuurka waafaqsan. Waxa aan leeyahay Faroolow idaacadaha in aan arinta uga dhigto issue waxaa ka wanaagsan in aad baarlamaanka u soo bandhigto wixii aad u fahamto qalad”, Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cusmaan Jawaari, ayaa sidaa ku yiri wareysi uu siiyay TV af-soomaali ku hadla. Waxa uu intaa raaciyay in dastuurku uu yahay mid qabya ah oo la doonayo ugu danbeyn in la dhameestiro maadaama markii horaba aysan sameyn dowlada Soomaaalidu Digniinta Jawaari ayaa waxa ay imaaneysaa iyada oo waayihii danbe Cabdi Raxmaan Faroole uu aad ugu cel-celinayay in dastuurka dalka ee qabyada ah wax badan si qarsoodi ah ay wax uga bedeshay. Horay dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay u cadeysay in aan dastuurka wax laga bedelin inkasta oo maamulka Faroole ay soo ban-dhigeen qodoba dhowr ah oo uu sheegay in ay yihiin kuwa laga bedelay dastuurkii qabyada ahaa. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com Muqdisho-Somalia Allbanaadir@live.com
-
Hassan Sheekh in Adis Ababa for Jubbaland Talks with President Madoobe
malistar2012 replied to xiinfaniin's topic in Politics
Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo la filayo in caawa isugu yimaadaan kulan casho sharaf ah President Hassan is not part of the Negotiation team..... SFG demands are the same nothing change . demands are , Blacky will be intern leader for sometime 6 month to years ? The African Union are pressuring both side to Negotiate , The AU wants to maintain The Peace keeping mandate . The IC wants to bring in UNSOM . Time is running out for blacky , inside source are stating blacky will accept SFG demands only if he be Intern leader for 2 years . A stable Kismayo and jubba will benefit the SFG -
Galkacyo, 20, Augst, 2013…..Shir looga hadlaayo Barnaamijka Higsashada Cusub (New Deal) ayaa ka furmay magaaladda Galkacyo, barnaamijkan oo ah wada-tashi ayaa socon donaa labo maalmood , waxaana shirka furay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Maaliyadda Qorsheynta mudane Abukar Sheikh Cabdi Ibrahim oo hormuud u ahaa waftigii dowladdu u xilsaartay New Deal-ka iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xassan Cawaale (Qeybdiid). Waxaa sidoo kale shirka ka soo qeyb galay dhamaan ururada bulshada rayidka ah sida dumarka, odayaasha, dhalinyarada, iyo ardayda Jamaacadaha, waxeyna ka doodeen doorka kaga aadan shirka Brussels ee dhici doona bartamaha bisha sebteembar si ay ugu biiriyaan talooyin ayna dhagaystaan dowladda federaalka Soomaaliya oo beryahaan waday la tashiyo ku aadan shirkaas si looga wada qeyb-qaato fekirka ay dowlada ku tageyso. Wasiirka Maaliyadda DFS ayaa ka warbixiey argtida fog ee ay dowladdu ka leedahay qorsha Higsiga Cusub (New Deal) ee ku wajahan mustaqbalka Soomaaliya “Shirkaas ayaa lagu soo bandhigi doonaa qorshaha dowalddu diyaarisay ee New Deal-ka oo ka turjumaya baahiyaha kala duwan ee ka jira dalka Soomaaliya, waana qorshe soconaya mudo sadex sano ah, nidaamkaan waa hab dhaqan cusb oo ka dhaqan galay wadamo ka soo kabanaya colaado sida Soomaaliya. Waxaana laga hirgaliyey markii ugu horaysay todoba wadan, iyadoo iminka ay ka fa’idaysanayaan sagaal iyo toban wadan oo Soomaaliya ku jirto” Ayuuyiri Wasiirku. Madaxweynaha Maamulka Galmud ayaa sheegay inaysan suurta gal ahayn in la hirgaliyo Higsiga Cusub ( New Deal) hadii caalamku aysan qaadan kaalintooda kaga aadan dib-u-dhiska iyo nabad ku soo dabaalida dalka. “Waxaa fure u ah hirgalinta Higsiga Cusub (New Deal) xoojinta amniga iyo walaaleynta shacabka Soomaaliyeed waana arrin u baahan in had iyo jeer lagu baraarugsanaado, waxayna masuuuliyadeedu saarantahay ummadda Soomaaliyeed. Waxaa taas xiga in la helo dhaqaale lagu sugo amaanka laguna taageero maamulada gobolada, xoojinta amniga iyo dib-u-heshiisiinta ummada wada dagta gobollada” ayuu yiri Cabdi Qaybdiid. Caalamka ayaa looga fadhiyaa in ay dowladda iyo shacabkeeda ku taageeraan baahiyahooda sida ay u kala mudan yihiin, waxaana hubaal ah in maanta Soomaaliya leedahay dowlad rasmi waana taas sababta loo sameeyey qorshaha “News Deal”. —DHAMAAD—
-
Apparently the man states he has the evidence the names who was receiving large sum of Money from Puntland Admin? Now comes the Question why are these Mps receiving large sum money from Puntland Admin? how are they spending money and to what cause ? SFG must investigate these serious matter see evidence hold the man accountable ..... "Puntland oo danteedu tahay in aysan magaalada Muqdisho xasillin, waxey qeyb weyn ku leedahay dilalka & qaska ka soconaya Muqdisho, waxaana dhaqaalaha lagu furdaaminayo si joogta ah uga qaata xawaaladaha xildhibaanno ka soo jeeda Puntland" ayuu yiri Cabdullaahi Suudi wuxuuna intaa ku daray in dhowaan uu soo bandhigi doono magacyada & dhaqaalaha sida joogtada ah ay madaxda Puntland Muqdisho ugu soo diraan cidda soo dirta & kuwa loo soo diro. Cabdullaahi Suudi oo arrintaasi maanta saxaafadda kaga hadlay wuxuu u soo jeediyey dowladda Soomaaliya in iyada oo adeegsaneysa laamaheeda sirdoonka ah in arrintaasi ay dabagal ku sameyso, ayna tillaabo degdeg ah ka qaado. Its a Dirty Game , Its not a secret That Farole and Puntland admin are not happy with Mogadishu Progress
-
Cabdullaahi Suudi Faarax oo ka howgala mid ka mid ah shirkadaha xawaaladaha ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyey in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, kana soo jeeda Puntland in lacago aad u fara badan looga soo xawilo Puntland lagu bixiyo sidii qalqal loo geli lahaa ammaanka, wuxuuna Cabdullaahi ugu baaqay laamaha sirdoonka ee dowladda Soomaaliya in ay baaritaan ku sameeyey raadka ay maamulka Puntland ku leeyihin dilalka & qaska magaalada Muqdisho & in caasimadu aysan dagin. "Puntland oo danteedu tahay in aysan magaalada Muqdisho xasillin, waxey qeyb weyn ku leedahay dilalka & qaska ka soconaya Muqdisho, waxaana dhaqaalaha lagu furdaaminayo si joogta ah uga qaata xawaaladaha xildhibaanno ka soo jeeda Puntland" ayuu yiri Cabdullaahi Suudi wuxuuna intaa ku daray in dhowaan uu soo bandhigi doono magacyada & dhaqaalaha sida joogtada ah ay madaxda Puntland Muqdisho ugu soo diraan cidda soo dirta & kuwa loo soo diro. Cabdullaahi Suudi oo arrintaasi maanta saxaafadda kaga hadlay wuxuu u soo jeediyey dowladda Soomaaliya in iyada oo adeegsaneysa laamaheeda sirdoonka ah in arrintaasi ay dabagal ku sameyso, ayna tillaabo degdeg ah ka qaado. "Dowladdu & Maamulka Gobolka Banaadir waa in ay ka qabtaan gobolka Banaadir qaska & fowdada ay ka wadaan reer Puntland, kuwa uu Faroole soo guneeyeyna la soo bandhigo" ayuu yiri Cabdullaahi. Xafiiska Warqabadka Dayniile.com Webmaster@dayniile.com Tafatiraha Wabka Dayniile.com Deyniilecom@hotmail.com Webmaster@dayniile.com
-
Dr. Cali Khaliif ayaa hadii uu keeni waayo cadeymo dhab ah waxaa uu weynayaa xubinimada baarlamaanka, balse waxaa ka horeysa in Gudiga anshaxa uu soo gudbiyo, lana horkeeno baarlamaanka, si cod loogu qaado, kadibna waxaa si toos u meel marinaya Maxkamada sare ee dalka. Early retirement this old timer needs it ........
-
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa warqad u qoray Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr, kaasoo ku saabsan eedeyntii uu u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa inuu xiriir la leeyahay Al-Shabaab. Warar ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in warqada looga dalbaday Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr inuu keeno cadeymaha ku aadan eedeymaha uu u jeediyay Madaxweynaha, isla markaana uu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo gudbiyo Gudiga anshaxa iyo xasaanada baarlamaanka. Warqada ayaa la qoray maalin ka hor kadib markii uu soo baxay warka eedeynta ee uu Cali Khaliif Galeyr u jeediyay madaxweynaha, mas'uuliyiin ka tirsan dowladdana ay xiriir taleefan dhex maray Shabaab, waxaana marka loo eego xasaanada xildhibaanka ku leeyahay baarlamaankana ay ku tahay arin culus. Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa warqadan qoray intii uu ku sugnaa magaalada Kampala oo booqasho todobaad ah uu ku joogay, iyadoo natiijada ka soo baxda warqada iyo cadeymaha laga sugayo inuu keeno Cali Khaliif ay ka arinsan doonaan Gudiga anshaxa iyo xasaanada baarlamaanka. Dr. Cali Khaliif ayaa hadii uu keeni waayo cadeymo dhab ah waxaa uu weynayaa xubinimada baarlamaanka, balse waxaa ka horeysa in Gudiga anshaxa uu soo gudbiyo, lana horkeeno baarlamaanka, si cod loogu qaado, kadibna waxaa si toos u meel marinaya Maxkamada sare ee dalka. Afhayeen u hadlay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay Dr. Cali Khaliif Galeyr inuu raali gelin ka bixiyo warkaas ama uu keeno cadeymo, iyadoo nasiib daro lagu tilmaamay wararka ka soo yeeraya siyaasiyiinta ee wax duminaya. Siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay dalka ayaa mucaarado ku ah dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana mudooyinkii u dambeeyay shirar siyaasadeedyo ka dhan ah dowladda uu ka dhacay magaalada Nairobi. Somali news leader www.jowhar.com jowharcom@hotmail.com golfyare@gmail.com
-
Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo sheegta inuu yahay Madaxweynaha Maamulka Jubaland ayaa maanta gaaray Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya. ilo ku dhaw Axmed Madoobe waxaa ay sheegayaan in Adis Ababa uu u tagay sidii uu wada hadal ugula yeelan Lahaa Masuliyiin ka Socota Dowlada Soomaaliya si loo soo afgaro is fahmi waayga u Dhaxeeya Dowlada Soomaaliya iyo Axmed Madoobe. Ka hor shirka Dowlada ayaa la soo sheegayaa in Axmed madoobe uu kulan la qaadanayo Masuuliyiin ka tirsan Ururka Goboleedka IGAD si looga wada hadlo Arimaha Jubooyinka. Horay Magaalada Adis Ababa waxaa ku ugu sunaa Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Axmed madoobe. What will Axmed Madoobe compromise ? ............................... VP Fartag - The Port and airport - Raskomboni Militias being integrated with Somali Army ?
-
Salaad Cali Jeele oo Faroole si kulul u Weeraray Dowlada ku Dhaliilay Arimaha Jubooyinka MAQAL Salaad Cali Jeele oo Horay u ahaa Xildhibaanada Baarkamaankii KMG isla markaana Mar Soo noqday Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga ayaa Dowlada Soomaaliya ku dhaliilay qaabkii ay u wajahday Arimaha Jubooyinka. Salaad Cali Jeele wuxuu sheegay in Arimaha Jubooyinka lagu Wajaho Siyaasad Dagan isagoo Xusay in Dowlada Soomaaliya qaab qaldan ay ku wajahdan Arimaha Kismaayo. Dowlada waxaa ay aheyd in ay Dhax fariisato Odiyaasha Jubooyinka isla markaana ay siyaasad Dagan kula hadasho Axmed madoobe. Salaad Wuxuu sheegay in Dowlada aysan Laheyn Awood ay kula Xisaabtanto AXmed Madoobe sidaasi Daraadeed Dowlada looga baahnaa in Wada hadal ay ku dhameyso Arimaha Jubooyinka. Dhanka kale Salaad Cali Jeele wuxuu si kulul u Weeraray Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole isagoo sheegay in aysan Mudneyn in Faroole uu Xariirka u jaro Dowlada Soomaaliya wuxuu xusay in Faroole uu ku andacoonaya tastuurka oo la badalay hadii ay dhacdo in la badalo barlamaanka ayaa masuul ka ah. Salaad Cali Jeele wuxuu sheegay in wax aysan uga furneeyn Faroole Tastuurka Soomaaliya go’aanka ugu danbeeya ay leeyihiin Baarlamaanka Soomaaliya. http://balcad.com/wp-content/uploads/2013/08/Waraysi-Salaad-Cali-Jeelle-.mp3" frameborder="0" allowfullscreen>
-
After every other coup failed . Now the story is President Of SFG is working with alshabaab President Culusow is on a campaign to Pacify South Somalia from alshabaab it has started . Mogadishu security is improving , more progress to come . Cali Khaliif Galeyr should worry about SSC and Khatuum and the sanction placed by Puntland admin on regions he hails from ?90 % of his people are waving the Somaliland flag which he help create .
-
Looser Galeydh is part of the Government he should quite his job if his boss is working with terrorist ? The Man is spiting his gut from foreign Capital . The Man is a failure a criminal who robed the country in the 70&80s . Galeydh Failed in Somaliland - Puntland - Khatuum- Mogadishu . Someone tell him to go retire in Nursing Home .
-
Cali Khaliif Galeyr should go retire in nursing home , this old timer never did nothing positive for Somalia , Now days his busy with Jubbaland after he failed in all other regions in Somalia . The man Should worry about aid not reaching his people . Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr waa inuu keenaa caddeymaha haddalada uu ku hadlay ama uu ka bixiyaa raalli-gelin, Waa eedeyn weyn oo uu u gafayo mas'uuliyiinta Soomaaliyeed"ayuu yiri Eng. Yariisow.
-
La taliyaha Madaxweynaha ahna Afhayeenka Madaxtooyada Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr, kaasoo ahaa in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Al-Shabaab ay leeyihiin gacan saar ku aadan xaalada Jubooyinka. War uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Eng. Yariisow waxaa uu ugu baaqay Dr. Cali Khaliif Galeyr inuu keeno cadeymaha hadalada uu ku hadlo ama uu raali gelin ka bixiyo. "Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr waa inuu keenaa caddeymaha haddalada uu ku hadlay ama uu ka bixiyaa raalli-gelin, Waa eedeyn weyn oo uu u gafayo mas'uuliyiinta Soomaaliyeed"ayuu yiri Eng. Yariisow. Eng. Yariisow ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta qaarkood ee dowladda mucaaradsan inay rabaan fowdo, kala dambeyn iyo dowlad la'aan. "Waa nasiib darro in siyaasiyiinta qaarkood ay rabaan fowdo, kala danbeyn la'aan iyo dowlad la'aan, Siyaasiga dhabta ah ee Soomaaliga ah waa kan ka shaqeeya horumarka, waa kan oggollaada in doorashooyinka looga adkaaday ee ka howlgala sidii dalkan loo gaarsiin lahaa horumar oo ay iyagaba dan ugu jirto"ayuu yiri Eng. Yariisow. "Shacabka iyo Dowladduba waxey sugayaan in si dhab ah loo wada xisaabtamo, dhaliilahana ay noqdaan kuwo wax toosinaya oo abaaraya horumarka"ayuu ku yiri Afhayeenka Madaxtooyada barta qoraalka uu soo dhigay barta Facebook. Warbaahinta maxaliga ee Muqdisho ayaa wararkoodii maanta ee ka baxay ahaa hadal ka soo yeeray Cali Khaliif Galeyr oo isagoo ku sugan Mareykanka wareysi muuqaal uu bixiyay ku sheegay in Madaxweynaha iyo Al-Shabaab ay xiriir ka leeyihiin arrimaha ka jira Jubooyinka, ayna jiraan mas'uuliyiin dowladda ka tirsan oo Shabaab taleefano kula hadlay. Somali news leader www.jowhar.com jowharcom@hotmail.com golfyare@gmail.com
-
Mogadishu security improves as SFG cracks down on Alshabaab cells
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
“Haddii dalka aan loo sameyn sharci adag, Lagama adkaan karo Al-shabaab iyo kuwa dhibka geysanay” C/kaafi Hilowle Sabti, August 17, 2013 (HOL) — Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir, C/kaafi Hilowle Cismaan ayaa maanta sheegay in dadka loo qabto inay ka tirsan yihiin Al-shabaab la iibsado, inkastoo uusan sheegin cidda falkas ku lugta leh. C/kaafi ayaa ka dalbaday madaxda sare ee dalka inay sameeyaan sharci adag oo arrintaan looga hortegi karo, haddii kale aan waxba laga qaban karin falalka ammaan-darro ee habeen iyo maalin ka dhaca Muqdish oo ah xarunta Soomaaliya. “Dadka Al-shabaab ka tirsan ee lagu soo qabto Muqdisho waa la iibsadaa, arrintaas waa mid cad, waayo kuwo inta lasoo qabtay la xiray ayaa lasii daayay, kuwaasoo Muqdisho ku dilay askartii soo qabatay,” ayuu Hilowle ku sheegay hadalkiisan. Xoghayaha oo si caro leh u hadlayay ayaa sheegay in haddii madaxda ugu sarreysa dalka ay wax ka qaban waayaan iibsiga xubnaha Al-shabaab ka tirsan ee lasoo qabtay ay imaan doonto in ammaanka caasimadda uu ka baxo faraha. “Madaxda dalka waxaan u sheegaynaa in dal aanu sharcigiisu adkeyn uusan hagaajin, sharci adagna laga soo saaro arrinta iibsiga dadka Al-shabaab ka tirsan ee Muqdisho lagu qabto, haddii taas aan waxba laga qabanna ma heil doonaan shacabka Soomaaliyeed nabad,” ayuu xoghayuhu hadalkiisa ku daray. Sidoo kale, xoghayaha gobolka Banaadir ayaa ka sheekeeyay dhiabatooyin dhowr ah oo ay geysteen dad uu sheegay in lasoo xiray oo laga sii daayay xabsiga, kuwaasoo uu ku jiray sida uu sheegay ruux dhawaan dilay askari ku sugnaa isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho. “Waxaan ka codsanaynaa saraakiisha ciidamada in ruuxii ay soo qabtaan oo ka tirsan Al-shabaab goobtiisa lagu toogto,” ayuu hadalkiisa ku daray C/kaafi Hilowle Cismaan, oo madaxda dowladda si aad ah ugu boorriyay in sharciga dalka la xoojiyo si ammaanka loo sugo. Ma ahan markii ugu horreysay oo xoghayaha maamulka gobolka Banaadir uu ka hadlo arrimo ku saabsan in la iibsado dadka loosoo qabtay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya -
First Lady of Puntland visits Hargeysa welcomed by Somaliland Ministers
malistar2012 replied to Carafaat's topic in Politics
Puntland returned the food aid to the South because that is where it is needed the most. Qoslaaye and his gang do not care even if the poor refugees in Xamar die of starvation but all they care about is vanity, publicity, useless propaganda, so Faroole had to act and help the Mogadishu refugees. Aid was ongoing request from leaders of Khatuum region and other drought hit areas in North east of Somalia . Now I understand why the people of Lasacanood , Khatuum and Makhir broke of from Puntland , its a shame . -
First Lady of Puntland visits Hargeysa welcomed by Somaliland Ministers
malistar2012 replied to Carafaat's topic in Politics
Marwada koowaad ee Puntland iyo masuuliyiinta safarkeeda ku wehelinaayey ayaa sida tibaaxo Qarannews heshay sheegayaan u socotay laba arimood oo mid hore tahay in Somaliland kala hadasho,kuna dhiirigeliso inay dib u celiso Markab siday Raahsin deeqa oo ka yimi Muqdisho,loona wado Degaano ka tirsan Puntland iyo khaatumo oo hore dawlada Puntland u diiday in laga dejiyo Dekeda Boosaaso . Deeqdan oo Hayada laanqeyrta cas ee Turkigu bixisay ayaa dowlada Somaliya u qoondeeysay degaano ka tirsan ismaamul goboleedka Puntland oo baahi cunto ka jirto, hase yeeshee ismaamul goboleedka puntland ayaa siyaasadeeyay Raashinkaa, dibna u celiyey. what a hate Puntland admin has for the people of Khatuum state , why are they refusing Aid that is intended for the poor and needy . To the extend that they send Farole wife who hails from SNM clans to disturb aid intended for the drought hit areas in North East of Somalia. -
Mogadishu security improves as SFG cracks down on Alshabaab cells
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
Gacan Ku Dhiiglihii Dilay Weriye Xasan Absuge Oo Maanta La Toogtay “SAWIRRO” Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xakun dil ah ku fulisay gacan ku dhiiglihii dilka u geystey weriye Xasan Yusuf Absuge dabayaaqadii sannadkii hore. Taarkkihdu markay ahayd 21-09-2012 abaaro 11:00 barqanimo edeeysane Shabaab Aadam Shiikh Cabdi Shiikh Xuseen ina saruuro ibraahim 24 jir ah ku dhashay xamar degan warta nabdda,wuxuu si bareer ah oo ula kac ah u dilay marxuum la oran jiray wariye Xasan Yuusuf Absuge. Maalintii ay taariikhdu ahayd 17-03-2013 waxay maxkamada darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida u fariisatay dacwad ciqaabeedkii oo haysatay gacan ku dhiigle shabaab Aadan Shiikh Cabdi Xuseen waxayna ku xukuntay dil toogasho ah. maalintii ay taariikhdu ahayd 25-03-2013 wuxuu ka qaatay xukunka racfaan. maalintii ay taariikhdu ahayd 27-07-2013 waxay maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida ay mar kale u fariisatay dacwad ciqaabeedkii loo haystay gacan ku dhiigle shabaab Aadan Shiikh Cabdi Shiikh Xuseen waxayna ku xukuntay dil toogasho ah. Maanta oo ay taariikhdu tahay 17-08-2013 waxay maxkamadu fulisay xukunkii dilka ahaa Gacan ku dhiiglahan la dilay ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee lagu helo falalka dilka ah ee lagula kacayo weriyayaasha ka howlgalla dalka. -
Mogadishu security improves as SFG cracks down on Alshabaab cells
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
Ciidamada Amniga Oo Degmada Hodan Ka Soo Qabtay dad lala xiriirinayo kooxda Al shabaab Howlgallo ammaanka caasimada lagu xaqiijinayo ayaa maanta ciidamada amnigu waxa ay ka sameeyeen Iskuul in kabdan 500 arday ay wax ku bartaan oo ku yaala xaafadda KPP ee degmada Hodan ee gobolka banaadir, halkaasi oo laga soo qabtay tiro arday ah oo laga shakiyay.kadib markii laamaha amniga ee dalka ay ka warheleen xog ku saabsan in ay iskuulkaasi ay ku jiraan dad gacan saar la leh kooxaha nabad diidka ah ee Al shabaab. Saraakiisha booliska, nabad sugida iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka banaadir oo goobta gaaray ayaa gudaha u galay iskuulkaasi, waxaana xog waresyi iyo baaritaanno ay ku sameeyeen dhammaan ardaydii iskuulkaasi dhiganeysay oo gabdho iyo wiilal isugu jiray. Ugu dambeyn saraakiishii goobta soo gaartay ayaa sheegay in 13 ka mid ah ardaydaasi oo shan ka mid ah ay ahaayeen wiilal halka sideedda kalena ay ahaayeen gabdho ay dhamaantood madaxa ka wada xiirnaayeen, loogana shakiyay in ay ka tirsanyihiin kooxaha nabad diidka ah ayna u gudbinayaan xarunta dembi baarista CID si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo ardaydaasi madaxa ka wada xiiran. Guddoomiye kuxigeenka dhinaca ammaanka ee gobolka banaadir Warsame Maxamed Xasan “Warsame Joodax” oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in howlgalkaan uu ka dambeeyay kadib markii ay heleen warbixinno muujinaya in goobta ay ku jiraan dad lala xiriirinayo Al shabaab. “Dadka aan maanta gacanta ku dhignay ee 13-ka arday oo ahaa dad madaxa u wada xiiran, waxa ay naga abuurtay shaki weyn waayo dumar madaxa ka xiiran iyo wiil inta, waxaana go’aaminay in aan marsiino xarunta dambi barista ee CID, teeda kale waxaan meesha ku aragnay iskuulka dadka muxaadarada ka jeedinaya in aysan heysanin diinwaan gelin ii dhanka Degmada ahna iyo dhanka Maamulka intaba” ayuu Yiri Warsame Joodax. Guddoomiyaha degmada Hodan Cabdi Maxamed Warsame “Dhabaneey” ayaa ugu baaqay shacabka In ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka ee degmada si looga hortago waxyaabaha amniga lidiga ku ah, taasi oo uu ku tilmaamay in ay sahlayso sugidda amniga. Mudooyinkii dambe ayaa waxaa si xowli ah ku socday howlgallada amniga lagu sugayo oo ay waadeen ciidmada ammaanka dalka kuwaasi oo laga sameynayay degmooyinka gobolka banaadir. -
Mogadishu security improves as SFG cracks down on Alshabaab cells
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
Abuukar Cumar Cadaan and Walaalkiis Xasan Cumar Cadaan are bigges anarchist in Mogadishu they made millions $ running ceel Macan Port Mogadishu for decade . They supported and financed Nabadiids in Xamar . The man is a obstacle to the SFG and Tarzan admin. Abuukar Cumar Cadaan has most of the elders in the Tolka in his pocket . In several meeting in Shabeellaha Dhexe Abuukar Cumar Cadaan was against tolka fighting / liberating their regions from alshabaab. Ciidankan ayaa Ganacsadahaan Xabsiga dhigay waxaana ay u eedeeyeen in uu la shaqeeyo ama xiriir uu la leeyahay kooxda Al Shabaab,waxaana uu doonayay in uu damiinto rag Al Shabaab ah oo ciidanka dowladda ay soo qabteen. Raggan uu Ganacsadahaan u doodayay ayaa waxaa laga soo qabtay degmada Yaakhshiid ee Gobalka Banaadir,waxaana hadda uu yahay Maxbuus . -
in other news we are about see new state very soon Cabdi Xasan Cawaale Mar Uu ka Hadlayay Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe ee Bartamaha Soomaaliya Ayaa waxa Sheegay In Guul Laga Gaaray Shirkii Dhismaha maamul Ee Ka Socday magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya luguna Dhameystiri Doono Magaalada Cadaado ee Xarunta Dowlada Goboleedka Ximan iyo Xeeb. Hadalkaan ayaa wuxuu Cabdi qeybdiid ka jeediyay xaflad lagu maamuusaye 7-sanoguuradii
-
Madaxweynaha Maamulka G/Mudug oo Sheegay In uu Ka Qeyb Qaadanyo Xalinta Khilafaadka Dowlada Iyo Maamulka putland 5-08-2013-Galkacyo-Xili Khilafaadka U Dhexeeya Dowlada Feraalka Ee Soomaaliya Iyo Maamu Goboleedka Putland uu Cirka Isku Shii Shareerayo Ayaa Arintaasi waxaa ka hadlay Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid Isagoona Sheegay In Maamulkiisu uu ka Qeyb qaadanayo Xalinta Khilaafaadka Maamulka Putland iyo Dowlada Soomaaliya. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid Madaxweynaha Galmudug Ayaa waxa uu sheegay in danta ay ku jirto in la isugu yimaado gogal nabadeed si loo xaliyo khilaafka jira balse aysan dani ku jirin in lasii kala fogaado. Cabdi Xasan Cawaale Mar Uu ka Hadlayay Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe ee Bartamaha Soomaaliya Ayaa waxa Sheegay In Guul Laga Gaaray Shirkii Dhismaha maamul Ee Ka Socday magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya luguna Dhameystiri Doono Magaalada Cadaado ee Xarunta Dowlada Goboleedka Ximan iyo Xeeb. Hadalkaan ayaa wuxuu Cabdi qeybdiid ka jeediyay xaflad lagu maamuusaye 7-sanoguuradii
-
Popular Contributors