malistar2012

Nomad
  • Content Count

    2,754
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by malistar2012

  1. XILDHIBAANAD SAADO CALI: "Waa Been Wararka Sheegaya in aan doonayo inaan iska casilo Xubinnimadayda Baarlamaanka" Sabti, September 07, 2013 (HOL) — Iyadoo dhowaan qaar kamid ah shabakadaha wararka ee Soomaalidu ay Internetka ku baahiyeen, warar sheegaya in Saado Cali Warsame oo kamid ah xildhibaannada baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ay xilkaas iska casili doonto, ayaa waxaa arintaas ka jawaabey xildhibaanadda oo la hadashay qaar kamid ah war-baahitna maxalliga ah ee Puntalnd. Xildhibaan Saado Cali ayaa sheegtay in warkaasi uu yahay mid been abuur ah oo aysan waxba ka jirin, islamarkaana ay baahiyeen dad ay ku tilmaantay warxumo tashiil jecel in ay mas'uuliyiinta dowladda ku been abuurtaan. Dad aysan magacaabin oo ay sheegtay in ay xilalkooda gudan waayeen, kana xun yihiin firfircoonida iyo shaqada qaar ay iyadu kamid tahay ayey ku eedaysay in ay warkaas faafiyeen. "Soomaalidu waxaas ayaa la yiri uun bay taqaan, waxa halkaas ina dhigeyna waa iyada. Xamar baan joogaa waajibgeyga qaran ayaanna gudanayaa. Qofka warkaas yiri waa mid shaqadiisii gabay oo dadka kale ee waajibkooda gudanaya kasoo horjeeda" xildhibaan Saado ayaa tiri iyadoo hadalkeeda raacisay: "qof wax uusan hubin ku hadlay anigana wax ima yeelin shacabkana wax yeelin, isag uun baa isyeelay". Ugu dambeyntii waxay Saado Cali Warsame ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay gacamaha is qabsadaan, oo ay ka tanaasulaan qabyaaladda, meelna uga soow wada jeestaan cid kasta oo qarannimada iyo midnimadooda liddi ku ah. Dadka reer Puntland oo ay xustay in ay yihiin kuwo mar walba u heellan sidii ay Soomaaliya mar kale ugu noqon lahay qaran jira, dadaal badanna ku bixiyey sidii dowladda xilligan jirta loo dhisi lahaa, ayey u dirtay baaq ah in howsha ay halkaas kasii wadaan, dadaalkoodana ay sii laba jibbaaraan. Saado Cali Warsame oo kamid ah hobolladda ugu magaca dheer kuwa Soomaalida, waxay muddooyinkii u dambeeyey ka dhex muuqatey saaxada siyaasadda ee dalka, kaddib markii ay xubin ka noqotay baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ee la dhaariyey bishii August ee sanadkii 2012. Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online xaajidirir@hiiraan.com Boosaaso, Puntland
  2. alshabaab will be defeated these are coward acts , suicide bombing in a crowded Restaurant shows how desperate they are and weak. There are big events taking places in Xamar like the National Conference and other huge events . alshabaab decide to target a busy restaurant its a shame . SNA force will defeat alshabaab cant wait till the arm Embargo gets totally lifted ..............
  3. All Smiles Blacky welcome to the Nation Capital Who better to welcome him then his counter partner Governor Tarzan Axmed Maxamed Islaam received very warm welcome in Xamar Will Farol fallow suite or will he wait for Ethiopia to break deal
  4. Wafdigan uu horkacayay Hogaamiyaha maamulka KMG ah ee maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta soo gaaray magaalada muqdisho ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka soomaaliya oo ay ka mid yihiin wasiirkaarrimaha gudaha iyo amniga qaranka soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed,wasiirka warfaaafinta,isgaarsiinta iyo gaadiidka C/llahi Ciilmooge Xirsi madax kale iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda oo lulayay calanka jamhuuriyadda soomaaliya . Hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo qeybta nasashadda ee garoonka Aadan Cadde Saxaafadda kula hadlay ayaa u mahad celiyay mas’uuliyiintii iyo dadweynihii soo dhaweeyay waxana uu faah-faahin ka bixiyay safarka isaga iyo wafdigiisa ay ku yimaadeen Magaaladda Muqdisho dhameystirka heshiiskii ka dhacay Adis Ababa. Axmed Madoobe ayaa sheegay in socdaalkiisa uu yahay dhameystirka iyo xiritaanka wixii lagu heshiiyay. “Waxaan rajeeynayo in talaabadan ay noqoto mid wax tar u keento guud ahaan dalka soomaaliya,in ay noqoto mid soomaaliya midnimadeeda ilaaliso,in ay noqoto mid soomaaliya gaarsiiso horumar dhinac kasta leh”ayuu yiri Axmed Madoobe. Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka soomaaliya mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in ay soo dhweynayaan wafdiga uu horkacayo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ee maanta soo gaaray magaaladda muqdisho.isagoo sheegay in ujeedada imaatinkoodu yahay sii amba qaadkiisa,hirgalintiisa iyo sidii loo fulin lahaa heshiiskii magaalada Adis-Ababa lagu soo gaaray. Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa intaasi ku daray in Axmed Madoobe iyo wafdigiisa ay xukuumada soomaaliya iyo dadka ka soo jeeda gobollada jubbooyinka ee ku nool magaalada muqdisho ay wada tashi kala yeelan doonaan arrimaha jubbooyinka. Dhinaca kale wafdiga uu hogaaminayo Axmed Madoobe ayaa waxaa qado sharaf loogu sameeyey magaaladda muqdisho waxaana ka qeyb galay xubno ka tirsan golaha wasiiradda iyo maamulka gobolka Banaadir Dhawaan ayaa magaaladda Adis-Ababa ee dalka itoobiya ay heshiis ku wada gaareen wafdi ka socday dowlada soomaaliyeed iyo maamulka KMG ah ee Jubba,iyadoona taasi ay qeyb ka aheyd qorshaha dowlada soomaaliya ay ku dooneyso in hanaanka dowladnimada lagu gaarsiiyo guud ahaanba gobollada dalka.
  5. This absolute bogus conference has no effect beyond mogadishu and is wishful thinking at best. Puntland didn't participate and there any agreements made here are null and void by default. I hope this culusow damul jadiiid character even understand what federalism is because he doesn't. His trying to centralise the federalism because he knows he has no cambuulo chance of having a centre based government. I completely support the Puntland govt for not participating in this sham conference that is just going to create more anonymosities between this damul jadiid mamul and the state governments. On a last note puntanders in Addis Ababa say adios; Isku xishood Puntland lost 50 % of its land to Somaliland because of ignorance and stubborn , Somaliaweyn will not Waite for Farole and his cousins .
  6. Well done congrats to SFG and the People that Participated , the Conference was success . 2. Models of Federalism and Resource Sharing The Conference agrees: • That a federal system shall bring government closer to the people. The Conference therefore recommends: • That the government shall establish the Boundaries and Federations Commission as directed by the Provisional Constitution within 60 days. • That Federal units shall be based on economic viability, demographic diversity, and geographic integrity in line with the framework of the Provisional Constitution. • That the Somali Federal Government should take leadership of the process and launch a civic education campaign. 3. The Electoral Process and Party Politics The Conference agrees: • That the government shall create an enabling environment for multi-party politics. The Conference therefore recommends: • That the government should establish the Independent Electoral Commission within 6 months. • That the Political Party Law shall be passed within one year. • That the government shall launch civic education on the electoral process. A new dawn for Somalia , The beginning of hope and optimistic
  7. Qodobo laga soo saaray shirweynaha qaran ee geedi socodka siyaasada soomaaliya,iyo hiigsiga sanadka 2016ka War murtiyeedka waxaa soo saaray gudiyadii loo xilsaaray in ay aruuriyaan afkaaraha ka soo baxday shirweynaha qaran ee geedi socodka siyaasada iyo hiigsiga sanadka 2016ka, islamarkaana ay u soo bandhigeen ka soo qeyb galayaasha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxa la isku raacay,oo soo baxay warmurtiyeed loogu magac daray mabaadii’da iyo talooyinka shirweynaha qaran ee Siyaasada Soomaaliya iyo hiigsiga sanadka 2016-ka. Warmurtiyeedku waxa uu ku bilaabanayaa horudhac oo ah in qabashada shirkaan uu lahaa fikradeeda Madaxweynaha Jambuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku dhawaaqay in shirkaan uu noqon doono kii koowaad oo qeyb ka ah shirar badan oo wadatashi ah, si dalka loo gaarsiiyo hanaan dimoquraadi ah oo ay dadku leeyihiin in qof waliba uu codkiisa xisaab galo oo ah macnaha in lagu tashado. Ergadu waxa ay shirkaan oo lagu qabtay Muqdisho 2-ilaa 6-dii bishan ka doodeen shan Mowduuc oo kala ah, horumarinta dastuurka, dib-u-eegistiisa, dhameystirkiisa iyo hirgelintiisa oo ah mowduuca koowaad, kan labaad waxa uu ahaa noocyada iyo hanaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ku haboon iyo habka loo qeybsanayo awoodda dalka iyo kheyraadka dalka. Mowduuca sedexaad waxa uu ahaa dib-u-habeynta dowladda, dowlad wanaagga iyo dhismaha hay’ado dowli ah oo ka soo bixi kara howsha ay dadku u hayaan. Mowduuca afaraad waxa uu ahaa hanaan dooorasho iyo axsaab siyaasadeed habkii loo dhisi lahaa oo laga dooday, iyadoo mowduuca shanaad uu ahaa ka qeyb galka siyaasadda , la xiriirka dadweynaha. Dib-u-heshiisiinta iyo cadaaladda xilliga kala guurka ah marka la gaaro, iyadoo ujeedada shirka ay ahayd in la horimariyo lana meel mariyo habkii lagu gaari lahaa hanaan dimoqraadi ah oo ay ka qayb qaataan keenista fikirada iyo talooyinka bulshada rayidka ah, quburada, aqoonyahanka, Culumada, qurbo joogta, xildhibaannada baarlamaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Shirka waxaa daah furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo dhaweeyay ka qeyb galayaasha shirka, ugana mahadceliyay sida ay uga soo jawaabeen baaqiisii ahaa in laga soo wada qeyb galo shirkan, si ay uga qeyb qaataan howshan, waxaana uu ku dhawaaqay in loo baahanyahay in la qabto doorasho qaran marka la gaaro sanadka 2016-ka, loogana fadhiyo xubnaha shirka ka qeyb galay curinta tallooyin gacan ka geysan kara sidii ay dowladdu u hirgelin lahayd nidaamkaasi sanadka 2016-ka. Waxaa shirka intii uu socday la is tusiyay in talaabooyinka ku qoran dastuurka ay tilmaamayaan inay jiraan talaabooyin lagu gaari karo ujeedada la leeyahay oo ah in doorasho la gaaro. Shirka intii lagu gudo jiray waxaa la soo xasuustay in hiigsiga cusub ee Soomaaliya qoraalooyinka iyo talooyinkii ku jiray oo ay ka mid ahaayeen in siyaasadda xiriirkeeda la gaarsiiyo dadka, in dastuurka la dhameystiro inta aan la gaarin bisha December ee sanadka 2015-ka iyo in la qabto doorashooyin xor ah marka la gaaro sanadka 2016-ka. Shirka waxa uu wal wal ka muujiyay in dowladdu ay ka yara gaabisay hirgelinta talaabooyin siyaasadeed oo muhiim ah. Shirku waxa uu isla gartay in dastuurka ay ku jiraan meelo ama qodobo isku murugsan oo u baahan in dib loo eego oo la saxo. Shirku waxa uu isla qaatay mabaadii’guud, Mabda’a koowaad ee uu shirku isla qaatay waxa uu yahay In loo baahanyahay hanaan ay Soomaalidu leedahay , Soomaalidu keentay oo siyaasadeed oo u hogaansan,dastuurka federaalka ah ee Soomaaliya oo lagu gaaro dhameystirka barnaamijka Federaalka ah. In la sameeyo dib-u-habeeyn Dastuur, si loo helo afti dadweyne si dastuurku u noqdo mid xalaal ah In la helo hanaan Federaal ah oo dadka gaarsiiya dowladnimada, kaas oo midnimada iyo xasiloonida dalka xaqiijiya. In la helo Doorashooyin xaq ah oo cadaalad ah oo qof waliba uu codkiisa, isagu leeyahay In dhexda loo xirto dowladnimo wanaag iyo dhismaha Hay’ado dowladeed oo hagaagsan In la sameeyo barnaamij dib-u-heshiisiineed oo baahsan kaas oo keena isu soo dhawaansho iyo is dhex gal bulsho. Shanta qaybood ee dastuurku looga doodayay ayaa waxaa laga soo saaray talooyin ay bixiyeen gudiga kuwaasi oo ay ka midyihiin:- In la sameeyo dhamaan hay’adaha dhameystirka dastuurka qaabilsan muddo 60 maalmood gudaheed . In la sameeyo maxkamadda dastuuriga ah ee dastuurka ku qoran muddo 90 maalmood gudaheed. In la sameeyo dhamaan hay’adaha muhiimka u ah dib-u-eegista iyo hiirgelinta dastuurka muddo 90 maalmood gudaheed. In dowladdu ay xaqiijiso in gudiyada la magacaabay ay noqdaan kuwa madax banaan sida uu dastuurku tilmaamay oo howshooda u madax banaan. In la sameeyo hanaan dadweynaha lagu wacyigeliyo, loogana qayb geliyo dib u eegista dastuurka, lana baro barnaamijka federaalk ah. In dowladdu ay xaqiijiso in dhamaan qaybaha bulshada , sida bulshada rayidka ah iyo maamulada ay ka qayb qaataan howsha dib u eegista dastuurka si uu u noqdo mid dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin. Qaybta labaad ee shirka oo ku saabsaneyd federaalka iyo wadaaga kheyraadka dalka Waxaa la isku waafaqay, In hanaanka Federaalka ah uu yahay midka dadka Soomaaliyeed u soo dhaweyn kara dowladnimada, waxaana la soo saaray qodobadaan:- In dowladdu ay dhisto gudiga xuduudaha iyo arrimaha Federaalka ah ee uu farayo dastuurka Soomaaliya ee ah in lagu dhiso muddo 60 maalmood gudaheed. In unugyada federaalka ah ay ku saleysnaadaan isku filnaansho dhaqaale, ayna noqdaan dad lagu saleeyay habka Juquraafiga ah oo ay ahaadaan dad kala duwan. In dowladda Soomaaliya ay hogaamiso, ayna bilawdo barnaamij dadweynaha lagu wacyigelinayo Qodobka Sedexaad ee shirka looga dooday waxa uu ahaa, Habkii loo meel marin lahaa Hanaan siyaasadeed oo leh doorashooyin iyo axsaab siyaasi ah, waxaana la isku afgartay, In Dowladdu ay abuurto Bey’o ama deegaan u diyaar ah in ay ka dhashaan axsaab siyaasadeed oo badan oo ay ku tartamaan talada dalka, waxayna kala ahaayeen sida:- In dowladdu ay dhisto gudiga doorashooyinka ee madaxa banaan muddo 6-bilood gudaheeda ah In Xeerka ama sharciga la meelmariyo muddo hal sano ah gudaheed In dowladda ay hirgeliso barnaamij shacabka lagu barayo arrimaha doorashooyinka oo baahsan In axsaabta siyaasadeed ay ahaadaan kuwa heer qaran oo aysan ku saleysnaanin qabiil, naceyb ama afkaar xagjirnimo ah iyo IWM. In golaha shacabka uu meelmariyo sharuuc qeexaysa habka loo maalgelinayo ololayaasha siyaasadeed, islamarkaana loola xisaabtamayo axsaabta. In beesha caalamku ay dowladda Soomaaliya ku taageerto wixii farsamo dhaqaale ah ama siyaasadeed oo lagu dabaqayo sidii lagu meel marin lahaa hanaankaasi siyaasadeed. In la isla meel dhigo ama la sii diyaariyo hanaan ka duwan, haddii wax deg deg ah ay yimaadaan oo ay dhici wayso in qof waliba uu codkiisa dhiibto in lagu talagalo oo aysan noqon mid si deg deg ah ku yimaada. Qaybta afaraad oo looga hadlayay dib-u-habeynta dowladda, waxaa la isku waafaqay In Dowladdu ay ku dadaasho hanaan cad oo dadka u muuqda waxaa ka mid ahaa:- In la sameeyo gudiga la dagaalanka musuqa sida ku cad dastuurka federaalka ah ee Soomaaliya muddo 90 maalmood gudaheed. In la sameeyo xafiiska ilaalinta hantida qaranka sida ku cad dastuurka qaranka muddo 90 maalmood gudaheed. In la sameeyo gudiga xaquuqul insaanka Soomaaliya ama xaquuqda Aadanaha Soomaaliya muddo 90 maalmood gudaheeda. In la sameeyo gudiga shaqaalaha dowladda sida dastuurka ku cad muddo 6-bilood gudaheed. In la sameeyo keydka qaranka ama keydka dukumintiyada qaranka si uu dib u keydiyo wixii war ah ama macluumaad ah wixii ku saabsan warqadaha dowladda hal sano gudaheed. Qayta Shanaad waxa ay ka doodeen Siyaasadda in dadka la gaarsiiyo, in shacabka lala hadlo, dib-u-heshiisiin in la sameeyo, lagana shaqeeyo cadaaladda xiliga kala kuurka lagu gudo jiro, waxaana la isku waafaqay in dowladdu ay bilawdo barjaamij dib-u-heshiisiineed oo baahsan kaas oo dalku isu keena, isla markaana dadka isdhexgalkooda ka shaqeeya, waxaana lagu taliyay In dowladdu ay wada hadal la furto dhamaan cidda ka soo horjeedda In dowladdu ay raadiso oo ay wada hadal la furto maamul goboleedyada In dowladdu ay sii waddo wadahadalka ay kula jirto Somaliland In dowladdu ay ka shaqeyso awoodsiinta odoy dhaqameedyada oo ay kobciso doorkooda nabadeynta xagga bulshada. In laga mid dhigo hanaanka dowliga lab iyo dhidig, oo ay u sinaadaan hanaanka shaqada ee dowliga ah, kana qayb qaataan dadka laga tirada badan yahay dhamaan hanaanka dowliga ah heer walbo uu yahay. In dowladdu ay dhisto gudiga runta iyo dib-u-heshiisiinta sida ku cad dastuurka 6-bilood gudaheed. In dowladdu ay dhisto gudiga dhulka iyo hantada muddo 6 bilood gudaheed. Ugu dambeyntii waxaa la isku waafaqay in dowladdu ay soo saarto barnaamij howleed baahsan oo xaqiiqda ka turjumaya si loo hirgeliyo talooyinka halkaan ku qoran muddo 30 maalmood gudaheed. Dhamaad
  8. Baaritaan Caalami ah kadib Waxaan Beenineynaa Eedaymihii aan Raadka lahayn ee Warbixintii QM:-War-saxaafadeed H.E. Fawziya Yusuf Haji Adam Kusimaha Ra’iisal Wasaaraha, ahna Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga Aad iyo aad baad ugu mahadsantihiin ka soo qeybgalkiina shirkan jaraa’id. Shirkan Jaraa’id waxaan u qabaneynaa inaan ka hadalno warbixintii Kooxda Dabagalka ee Qarmada Midoobey ay ka soo saartay Soomaaliya. Wallow warbixinta ay wax badan ka hadleysay haddana waxaan diiradda saari doonaa qeybta Annexe 5.2 oo ka hadlaya arrimaha musuqmaasuqa maaliyadda. Eedeymahoodu waxey ahaayeen kuwo calculus oo Dowladdu ay ku qasbanaatay inay baaritaan ku sameyso Amarkii Madaxweynaha ayaa Dowladdu waxey la xiriirtay Hay’ad Caalami ah ee oo aad ugu xeel dheer Xisaabaadka iyo Garyaqaanno leh takhasuska baaritaanka arrimaha maaliyadda. Hay’adan Caalamiga ah oo leh xirfad, aqoon iyo waayo aragnimo la xiriirta musuqmaasuqa iyo arrimaha maaliyadda. Hay’addan Caalamiga ah ayaa waxey baaritaankooda ku caddeeyeen in warbixintii QM ay aheyd mid aan sax aheyn oo weliba aan wax caddeymo ah waddan. Tusaale ahaan; • Dhammaan lacagihii $16.9 million oo dollar ee laga soo wareejiyey xisaabta Price WatersHouse Coopers May 2011 ilaa iyo April 2012 waxey ahaayeen kuwo xisaaban oo leh dokumentigii loo baahnaa, tanoo aad uga duwan warbixintii QM ay soo gudbiyeen oo aheyd inay 12 Million maqan yihiin. • Lacagihii laga bixiyey Bankiga Dhexe looma isticmaalin si shakhsi private ah. Hay’addan Caalamiga ah waxey soo oggaatay Lacagihii xilligii dowladdan laga saaray bankiga ay ka saareen xisaabiyeyaashii Dowladda oo lacagihii ay wasaaradaha u qaadeena ay leeyihiin dokumentiyadii loo baahnaa. Waxaan aaminsanahay inay nasiib darro tahay in Kooxdkii dabagalka ee QM aysan raacin nidaamkii u degsanaa QM ee arrimaha baaritaanka xisaabaadka iyo weliba nidaamka caalamiga ah. Warbixintii QM waxey aheyd mid aan si profession ah loo sameynin oo ay ka muuqatay dano siyaasadeed oo dowladda Soomaaliya meel ka dhac loogu sameynayey. Kooxdan dabagalka QM warbixintooda waxey u janjeertey hal dhinac waxaana ka mid ahaa: • Markii ay Bankiga baarayeen xisaabtiisa, lama aysan xiriirin shaqaalaha Bankiga iyo kuwa maaliyadda. Sidoo kale lama aysan xiriirin Xisaabiyaha Guud oo isaga mas’uul ka ah inuu hubiyo in lacagaha lagu bixiyey nidaamkii saxda ahaa. • Markii ay eedeynta indhola’aanta ah u soo jeedinayeen Guddoomiyaha Bankiga Dr Abdisalam Omer ma aysan wareysan inta xisaabtu socotay. Waxey kaliya oo ay wareysteen markii warbixinta loo gudbiyey guddiga ciqaabaha ee QM, markaasna ma aysan weydiinin eedeymaha loo soo jeediyey. • Kooxdan dabagalka QM waxey warbixintooda ku saleeyeen macluumaad ay ka ururiyeen dad la ogyahay inay dowladda ka soo horjeedaan. Shaqsiyaadkii baaritaanka dhanka musuqmaasuqa sameynayeyna ma heysan tababar ama xirfadii loo baahnaa. Somalia muddo 22 sano ah waxey ku jirtay collaado. September 2012 waxii ka danbeeyey Dowladdu horumar ballaaran bey ka sameysey sidii loo hagaajin lahaa hay’adaha dowliga ah. Waxaan la dagaalnay musuqmaasuqa oo aan dib u habeyn ku sameynay hay’adaha maaliyadda. Dowladdu waxey mudnaan weyn siisay hagaajinta maamulka maareynta maaliyadda, oo si hufan oo cad cad loo maamulayo maaliyadda dalka iyadoo aan caalamka kala shaqeyneyno arrinkan. Waxaana ku guuleysannay inaan dib-u-habeynta hay’adaha maaliyadda sameyno iyadoo ay na saacideyso Bankiga Adduunka (World Bank). Bankiga Dhexe si kastoo QM warbixintooda ay ku tilmaantay meel lacagaha si khaldan loo bixiyo, haddana waxaa noo suurto gashay inaan Bankiga casriyeyo oo u sameyno nidaam kharash bixinta ah, oo aan sameynay arrimahan: • In la daabacay warbixin sanadeedkii bankiga iyo kii 3 biloodka ah oo ah markii ugu horreysey muddo 22 sano ah; • Waxaa la keenay habka casriga ah ee mushaaraadka lagu bixiyo oo electroonik ah; • Waxaan la sameeyey Qorshaha iyo Istraatejiyadda 5ta sano 2013 – 2018; • Bankiga waxaa loo sameeyey swift code oo ah nidaamka casriga lacagaha la isagu gudbiyo. Bacdamaa aan horumar ballaaran sameyneyno, haddana wax badan baa nooga baahan inaan sii sameyno. Waxaan sugeynaa Caalamka oo nagala shaqeeya sidii aan u joogteyn laheyn horumarkaas, bacdamaa uu waddanku ka soo kabanayo 22sano oo collaado iyo dagaallo ah. Warbixin dhameystiran baan ka diyaarinay eedeymihi musuqmaasuqa ee ka imanayey kooxaha dabagalka QM oo aan idinla wadaageyno. Waxii su’aalo ah diyaar baan idinla ahay, waxaana ila jooga Jeremy Schulman oo hoggaaminayey kooxdii khubarada aheyd ee noo soo diyaarisay baaritaanka dhabta ah oo xaqiiqada ku dhisan. Waxii su’aalo ahna isagaa nooga jawaabaya. Mahadsanidiin DHAMAAD FG: Hayada Caalamigaa ee warbxinta soo saaray waxaa hormuud u haa khubarooyin ka socda shirkada dhanka sharciga ee Mareykankaa ee Shulman Rogers iyo FTI Colsulting oo iyana maaliyada qaabilsan. Readers Comments (0) Name (required)
  9. MOGADISHU, Somalia, Sept. 6, 2013 /PRNewswire/ -- After a thorough investigation, a top international forensic accounting and legal team released a report today clearing the Somali government of corruption alleged by the United Nations Monitoring Group on Somalia and Eritrea. Responding to the July 12, 2013, Monitoring Group Report—specifically Annex 5.2 —forensic accountants from FTI Consulting, Inc., and a legal team from the US firm Shulman, Rogers, Gandal, Pordy & Ecker, P.A., found that the methodology and conclusions reflected in Annex 5.2 were "deeply flawed and entirely unreliable." Moreover, many of the allegations predate President Hassan Sheikh Mohamud's administration. President Mohamud welcomed the report's conclusions while acknowledging that Somalia is still developing a sound financial architecture after two decades of war. "As President, it was my responsibility to take seriously the allegations and to direct a thorough assessment of them," he said. "I am pleased that the investigative team concluded that these allegations were unfounded. "The international community can be assured that, although there is much yet to be done, Somalia has made considerable progress toward establishing and maintaining the sound fiscal practices appropriate to a modern state." The forensic accounting and legal investigators followed the United Nations' own published fact-finding guidelines and adhered to international norms and professional forensic practices for discovery, investigation and interviews. The report includes a number of recommendations. For Somalia, the investigators suggest a series of steps to upgrade internal controls and financial reporting systems and to further strengthen the public financial management systems. For the UN Security Council, the report outlines steps to revise the July 13 Monitoring Group Report — including the excising of Annex 5.2 — and to put controls into place for the supervision of monitoring groups. President Mohamud has accepted and endorsed the investigative team's report and recommendations. "Somalia has come a long way after two decades of conflict," he said. "There is still work to be done, and my administration will do everything it can to continue to move forward and eradicate corruption. I encourage the international community — especially the United Nations — to continue to engage with us in a positive, productive way." The full report can be found here. MEDIA CONTACT: Abdurahman Omar Osman Spokesman, Government of Somalia media@presidency.gov.so
  10. Quote Originally Posted by peasant View Post shouldnt this sort of work befitting for a prime minster or even a minster? these people are joke Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud is working hard none stop to restore the Somali Nation back ........ There is no time to waist President has taken it upon himself to capitalize on the Opportunity that IC has offered His Government . Safarrada ay dublumaasiyiinta shisheeye ku imanayaan Muqdisho ayaa waxay tusaale u yihiin horumarka uu dalku ku tallaabsaday iyo sida ay dowladda federaalka Soomaaliya u adkeysay islamarkaana u horumarisay xiriirka kala dhexeeya caalamka intiisa kale. Mas’uuliyiintan oo iyaguna hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashadooda Soomaaliya iyo inay warbixino ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya ay ka dhageystaan madaxda dalka oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud. Bartamaha bishan September ayaa lagu wadaa in magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium uu ka dhaco shir looga hadlayo dib u dhiska dalka Soomaaliya, kaasoo ay kasoo qaybgeli doonaan madax ka socota dalalka caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya.
  11. Madaxweynaha Soomaaliya oo Dublamaasiyiin iyo Mas’uuliyiin kale Maanta kula kulmay Madaxtooyada Soomaaliya Khamiis, September 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha Machadka Nabadda ee Mareykanka (US Institute for Peace), ergeyga gaarka ah ee geeska Afrika ee dalka Norway iyo danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Britain. Xasan Sheekh ayaa kulankii uu la qaatay guddoomiyaha Machadka Nabadda Mareykanka, Jim Marshall waxay kaga wadahaleen sida machadkaasi uu Soomaaliya ugala shaqeyn karo arrimaha ammaanka iyo nabadgalyada. Madaxweynaha ayaa guddoomiyaha uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid Soomaaliya iyo sida ay Soomaaliya ugu baahan tahay amni iyo nabad. Sidoo kale, madaxweynaha ayaa kulankii uu la qaatay ergeyga gaarka ah ee geeska Afrika ee dalka Norway, Jens **uagedal waxay kaga wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin horumarka dalka Soomaaliya, xiriirka Norway iyo Soomaaliya, shirka Brussels iyo kaalmada uu dalka Norway siiyo Soomaaliya. Madaxweynuhu waxuu sidoo kale maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Ingiriiska, Neil Wiggan kaasoo ay kawada hadleen xiriirka labada dal, daba-galka howlaha muhiimka ah ee UK ay kawaddo Soomaaliya oo ay ku saacidayso shacabka, shirka Brussels iyo arrimo kale. Safarrada ay dublumaasiyiinta shisheeye ku imanayaan Muqdisho ayaa waxay tusaale u yihiin horumarka uu dalku ku tallaabsaday iyo sida ay dowladda federaalka Soomaaliya u adkeysay islamarkaana u horumarisay xiriirka kala dhexeeya caalamka intiisa kale. Mas’uuliyiintan oo iyaguna hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashadooda Soomaaliya iyo inay warbixino ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya ay ka dhageystaan madaxda dalka oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud. Bartamaha bishan September ayaa lagu wadaa in magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium uu ka dhaco shir looga hadlayo dib u dhiska dalka Soomaaliya, kaasoo ay kasoo qaybgeli doonaan madax ka socota dalalka caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya
  12. Thursday, September 05, 2013 The European Union and Somalia join hands in maritime security partnership On 4 September 2013, off the coast of Mogadishu, the EU Naval Force (EU NAVFOR) Atalanta hosted the President of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud, on board the Dutch EU NAVFOR flagship, HNLMS Johan de Witt. The President, his Ministers and security commanders met with EU Special Envoy to Somalia, Michele Cervone d'Urso, the EU Naval Force Operation Commander, Rear Admiral Bob Tarrant and Head of Mission of EU Capacity Building Mission (EUCAP) Nestor, Etienne de Poncins. It was discussed how the different EU instruments can support the development of a comprehensive Somali Maritime Strategy. The event built on the first meeting held on June 24 on a EU Naval Force flagship and aimed to further foster the partnership between Somalia and the European Union and constitutes a stepping stone towards the third international counter-piracy conference in Dubai on 11-12 September 2013 and the “New Deal for Somalia” Conference in Brussels on 16 September 2013. The New Deal Conference will endorse a 'Compact' between Somalia and the international community that identifies the key political, security and socio-economic priorities for the coming years. President Hassan Sheikh Mohamud: "Somalia welcomes cooperation with the EU to improve maritime security as part of the broader engagement of the EU in Somalia. Maritime cooperation will have important effect on the stabilization and development of coastal areas in my country. I intend to present the outline of a comprehensive maritime strategy during the Brussels Conference". EU Special Envoy to Somalia, Michele Cervone d'Urso said: "This event was yet another occasion to reiterate the EU's strong commitment to help Somalia on its path towards stability and security. During the upcoming "New deal for Somalia" Conference in Brussels, support to the Somali security sector will be high on the agenda, including maritime security". In order to support the Somali authorities to increase their capabilities to fight piracy and other illegal activities off their coastline, the EU NAVFOR Dutch flagship also provided the platform for a EUCAP Nestor maritime crime seminar, including a practical exercise with delegates from Somalia. The delegates, comprising Somali prosecutors, judges and maritime police officers, observed a demonstration of how a suspect pirate vessel is intercepted, including boarding the vessel, detaining suspects, seizing evidence and investigation. Speaking about the seminar Etienne de Poncins, Head of Mission of EUCAP Nestor, said “events which include practical exercises such as the one organised on board the Dutch flagship are an important means to demonstrate the broad engagement required from the Somali judiciary and police in order to effectively tackle counter piracy and other illegal activities as to improve maritime security in the Horn of Africa.”
  13. President Hassan working hard to revive Somali Naval force Kulankan ayaa waxaa looga wada hadlay sida noocyada kala duwan ee isugu jira qalabka iyo farsamada ay leeyihiin dalalka Yurub loogu taageeri lahaa horumarinta ciidmada badda Soomaaliya Etienne de Poncins oo ahaa madaxa wafdiga EUCAP nestor oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa isaguna yiri:”Dhacdadan ay ku jirto dhoolla tuskeeda ee uu markabku soo bandhigay waxay muhiim u tahay macnana u sameynaysaa sidii nidaamka maxkamadaha ee dalka Soomaaliya iyo booliiskuba ay uga hortagi lahaayeen burcad-badeednimada iyo qaababka kale ee sharci darrada ah si loo hormariyo amniga badaha Soomaaliya iyo kuwa Geeska Afrika.”
  14. Khamiis, September 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay meel ka baxsan xeebta Muqdisho wuxuu markab dagaal oo ay leedahay dowlada Nederland kana mid ah kuwa howlgalka la-dagaalanka burcad-badeedda u jooga Soomaaliya kula kulmay ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u jooga Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso, taliyaha sare ee ciidmada badda Midowga Yurub, Admiral Bob Tarrant, madaxa hawlgalka dhismaha iyo tayeynta Midowga Yurub (EUCAP), Nestor, Etienne de Poncins iyo xubno kale. Kulankan ayaa waxaa looga wada hadlay sida noocyada kala duwan ee isugu jira qalabka iyo farsamada ay leeyihiin dalalka Yurub loogu taageeri lahaa horumarinta ciidmada badda Soomaaliya. Arrintan oo lagu asaasay fadhigii u horreeyay oo la qabtay 24-kii bishii Juun ee sannadkan, fadhigaasoo ka dhacay markab fadhiisin u ahaa ciidammada badda ee Midowga Yurub EU NAVAL FORCE. Ujeeddada shirkan ayaa ahayd abuurista xiriir wax wada-qabsi oo dhexmara Soomaaliya iyo Midowga Yurub, waxaa kaloo fadhiga gacan buuxda siinayay shirka caalamiga ah ee salka ku haya ka-hortagga burcad-badeedda oo lagu qabanayo Dubai inta u dhexeysa 11-ka illaa 12-ka bishan Sebtember iyo waliba shir kale oo loogu magac daray (Heshiiska cusub ee Soomaaliya) oo ka dhici doona Brussels. Kaas oo furmi doona 16 Sebtember 2013. Shirkan wuxuu meel marinayaa heshiis dhexmara Soomaaliya iyo beesha caalamka kaasoo qeexaya siyaasadda hoggaanka, habka mudnaanshaha la siinayo ee la xiriira amniga iyo habka dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya ay higsanayso sannadaha soo socda. “Soomaaliya aad bay u soo dhaweyneysaa wax wada-qabsi dhex mara isbahaysiga Yurub iyo Soomaaliya si loo hagaajiyo amniga badaha Soomaaliya, taasoo qayb ka ah hawlgalka ballaaran ee is-bahaysiga Midowga Yurub uu ka wado Soomaaliya. Wax wada qabsi dhinaca ammaanka baduhu wuxuu saameyn xooggan ku yeelanayaa horumarinta deegaannada xeebaha dalkeenna. Waxaa iga go’an inaan soo bandhigo hoostana ka xariiqo qorshe dhamaystiran oo dhinaca badaha ah inta uu socdo shirka ka dhacaya Brussels,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay kulanka ka dhacay markabka dushiisa. Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso oo isaguna hadlay ayaa yiri: “Arrintani waxay mar labaad caddeyn u tahay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub inay garab istaagaan Soomaaliya sidii ay u gaari lahayd deggenaasho iyo nabadgelyo buuxda. Inta uu socdo shirka bishan loo ballansan yahay ee (Heshiiska cusub ee Soomaaliya) ee magaalada Brussels. Taageeridda hay’adaha ammaanka ee Soomaaliya oo ammaanka baduhu ku jiraan waxay xagga sare ka galaysaa ajandaha shirka.” Sidoo kale markabkan laga leeyahay Nederland ee wuxuu marti geliyay siminnaarka ay bixinaysay EUCAP Nestor oo ah falal dambiyeedka dhinaca badaha, waxaa kaloo qayb ka ahaa dhoola-tus ay goob joog ka ahaayeen wafdiga Soomaalida. Wafdigan wuxuu ka koobnaa garyaaqanada dowladda, xaakimmo iyo saraakiil ka tirsan ciidanka badda, iyagoo daawaday dhoola-tus la xiriira sida looga hortago doomaha loo adeegsado burcad-badeednimada, qaabka ciidamadu u fuulaan doonta looga shakiyay inay wataan burcad-badeed iyo habka burcadda loo xir-xiro, qaabka caddeymaha loola wareego iyo baarista la xirrirta dambigooda. Etienne de Poncins oo ahaa madaxa wafdiga EUCAP nestor oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa isaguna yiri:”Dhacdadan ay ku jirto dhoolla tuskeeda ee uu markabku soo bandhigay waxay muhiim u tahay macnana u sameynaysaa sidii nidaamka maxkamadaha ee dalka Soomaaliya iyo booliiskuba ay uga hortagi lahaayeen burcad-badeednimada iyo qaababka kale ee sharci darrada ah si loo hormariyo amniga badaha Soomaaliya iyo kuwa Geeska Afrika.” Waa markii ugu horreysay oo madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi la socda ay kulan kaga qayb galaan markab dagaal oo Midowga Yurub laga leeyahay korkiis, iyadoo tani ay macno weyn u sameynayso dowladda Soomaaliya sida kulanka lagu qabtay markabka dushiisa laga sheegay.
  15. Khamiis, September 05, 2013 (HOL) — Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa lagu wadaa inuu markii ugu horreysay Muqdisho yimaado maalmaha soo socda, kaddib markii uu dhawaan heshiis kula soo saxiixday dowladda Soomaaliya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Axmed Madoobe iyo xubno maamulkiisa ka tirsan ay maalinta berri ka qeyb galayaan xiritaanka Shir-weynaha Qaran ee looga hadlayo geeddi-socodka siyaasadda Soomaaliya iyo sidii sannadka 2016-ka dalka loogu qaban lahaa doorasho. Sheekh Axmed Madoobe ayaa shalay ka sheegay magaalada Kismaayo inuu booqasho ku tagi doono Muqdisho, islamarkaana Madaxweynaha Somalia uu isna tegi doono Kismaayo, isagoo ku kaftamay in hadii Madaxweynuhu mashquulsan yahay ay Kismaayo iyagu u geyn doonaan. Qodobbadii heshiiskii Addis ababa ayaa waxaa ka mid ahaa in Sheekh Axmed Madoobe uu hoggamiye u noqon doono maamulka KMG ah ee Jubba muddo laba sano ah, sidoo kalena uu maamulkaas sii maamulo dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Kismaayo muddo lix bilood ah. Heshiiskan ayaa qaybo ka mid ah dalka laga soo dhaweeyay iyadoo qaybo kalena laga diiday, waxaana meelaha laga diiday ka mid ahaa gobollada Bay iyo Bakool oo sheegay inay maamul gaar ah sameysanayaan. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, ayaa shegay in heshiiskani uu u yahay saldhig dib u heshiisiinta dalka, isagoo xusay inuu yahay mid hordhac ah oo lagu dhameystiri doono shirar ka kala dhacaya Muqdisho iyo Kismaayo. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  16. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi culus oo uu hogaaminaayay ayaa gaaray magaalada Marka ee xarunta gobalka Sh/hoose, iyaga oo dhulka maray. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud xubnaha la socda ayaa waxaa ka mid ah wasiirada Gaashaandhiga iyo sidoo kale Arimaha gudaha, waxaana safarkaan uu ahaa mid lama filaan ah. Amaanka guud ee magaalada Marka ayaa la sheegayaa inuu yahay mid aad iyo aad loo adkeeyay, waxaana magaalada oo dhan gaaf wareegaaya ciidamo badan oo dowladda ka mid ah. Gudoomiyaha magaalada Marka ee dowladda Soomaaliya Maxamd Cismaan Yariisoow ayaa u sheegay saxaafadda in madaxweynaha ay aad usoo dhaweeyeen shacab badan oo reer Marko ah, amaanka aad loo sugaayo. Dhanka kale mid ka mid ah gaadiidkii galbinaayay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in uu rogmaday, waxaana halkaasi ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta. Shilkaasi faah faahin dheeraad ah lagama haayo, hase ahaatee gaariga rogmaday ayaa ahaa sida la sheegay mid dagaal oo u gaar ahaa taliyaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliya. Wixii soo kordha la soco. Muqdisho, Somalia
  17. Aynu Joojino Land-ta Faraha Badan Leh “Daawo Muuqaalka” Siyaasiga Cismaan Jaamac oo xilligii dawladii Siyaad Barre noqday wasiirka kalluumaysiga dhalasho ahaana ka soo jeeda beelaha dega Waqooyi Galbeed aaminsan mabda1a Somaliweyn ayaa hadal uu ka jeediyey shirweynaha qaranka Somaliaya oo manta ka furmay Magaalada muqdishu ayaa hadal u uhalkaasi ka jeediyay hadal uu ku taageerayo Midnimada soomaaliya isaga oo xusay in loo baahanyahay in ay Soomaaliya dib u midawday Halkaan ka daawo Madaxweynaha ayaa sheegay in beesha caalamku ay maanta u soo jeedo Soomaaliya, dhammaanteenna nalooga baahanyahay sidii aan fursadaas uga faa’iideysan laheyn. Shacabka Soomaaliyeedna waxaa laga rabaa inay ku midoobaan midnimadooda iyo inay la shaqeeyaan dowladda si hadafka aan wada hiigsaneyno aan u wada gaarno. Macno ma sameyneyso inaan kala shakino, kala foggaano oo aan danaha yar-yarka ah ku mashquulno. Danteenna guud baa na wada kaafineysa oo sahleysa inay danaheenna gaarka ah hirgalaan. Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii yiri “Dowladda waxaa ka go’an in shirkan uu nqdo mid najaxa, oo fikir xor ah oo soomaaliyeed, oo si Soomaalinimo ah ugu shiraya dalkooda aad soo saartaan. Dowladduna waxey ballanqaadeysaa in tallooyinkiinna la dhageysto, isla markaana ay saldhig u noqdaan istiraatejiyadda iyo qorshaha dowladda. Waxaan markale idinkaga mahadcelinayaa, isla markaana idiin rajeynayaa shir guul ah, oo aad si dhab ah oo taxadar ah u gudagashaan howshiina idinkoo u madax-bannaan.” Shirkan oo ay soo qabanqaabisay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ujeedadiisu tahay in shacabka laga qeybgaliyo talada dalka, si dowladdu ay u dhaqangeliso fikir Soomaaliyeed oo saliim ah oo Soomaali ka yimid. Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalaya 200 qofood oo ka kala yimid dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada oo isagu jira qurbojoog, aqoonyahanno, gobollada dalka, bulshada rayidka qeybahooda kala duwan sida dumarka iyo dhalinyarada.
  18. “Waxaan rajeynaynaa in sannadka soo socda uu noqdo mid ka wax-qabad wanaagsan sannadkii ay jirtay dowlada Soomaaliya. shacabkuna ay xor u yihiin fikirkooda, loona baahan yahay in loo madax-bannaaneeyo oo aan la caburin,” ayuu madaxweynuhu ku yiri hadalkiisa. Guddoomiyaha gobolka ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur oo isna ka hadlay ayaa ergada kusoo dhaweeyay Muqdisho isagoo ku boorriyay inay gacan ka geystaan dib u hanashada qaranimada Soomaaliya, wuxuuna madaxweynaha iyo xukuumadda Soomaaliya ugu hambalyeeyay fikirka ay keeneen oo ah sidii siyaasadda dalka lagu hagaajin lahaaa. Qurbo-joogta Soomaalida ayuu ugu baaqay inay dalkooda dib ugu soo laabtaan oo ay ka qayb-qaataan dib u dhiska dalka iyo horumarkiisa, isagoo sheegay in Soomaaliya ay hadda ku taagan tahay jidkii horumar ay ku sameyn lahayd ayna dib ugu dhismi lahayd. Good Day in The Nation Capital
  19. Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho ka furay Shir-weynaha Qaranka ee Geeddi Socodka Siyaasadda Dalka (SAWIRRO) Isniin, September 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka furay Muqdisho shirweynaha Qaran ee geeddi socodka siyaasada dalka iyo higsiga sanadka 2016-ka, waxaana ka qeyb galaya ergo ka kala timid gudaha dalka iyo dibadiisa. Furitaanka shirweynaha oo socon doona muddo illaa lixda bishan September ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaano, wasiirro, ergooyinka isaga kala yimid gudaha dalka iyo dibaddiisa, wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, dublamaasiyiin iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay. Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirweynaha Qaran ayaa u mahad-celiyay ergooyinka Soomaaliyeed ee meelaha fog-fog uga yimid ka qayb-galka shir-weynaha Qaran ee looga hadlayo geeddi socodka siyaasadda Soomaaliya. “Waxaan rajeynaynaa in sannadka soo socda uu noqdo mid ka wax-qabad wanaagsan sannadkii ay jirtay dowlada Soomaaliya. shacabkuna ay xor u yihiin fikirkooda, loona baahan yahay in loo madax-bannaaneeyo oo aan la caburin,” ayuu madaxweynuhu ku yiri hadalkiisa. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalka uu soo maray marxalado kala duwan, meesha maanta la joogana ay tahay mid laga sii socon karo, lagana soo gudbay marxaladii adkaa oo uu dalka soo maray. Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay horay shirar kala duwan ugu soo qabatay magaalada Muqdisho , kuwaasoo ay ka mid yihiin shirki garsoorka iyo dib u habeynta waxbarashada, shirar kalana ay qaban doonto. Isagoo xusay in shir-weynahan uu yahay mid muhiim ah oo looga hadlayo mustaqbalka siyaasadda dalka. Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in talooyin ay uga baahan yihiin dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Soomaaliya ay dib u soo kaban karto, loona baahan yahay in laga wada-shaqeeyno sidii uu dalka horey ugu sii socon lahaa oo aanan dib loo eegin waxyaabihii la soo maray. Isagoo ka hadlay arrimaha federaalka ayuu sheegay in la doonayo in la isku af-garto sida dalka federaal looga dhigi lahaa - si loo dhaqan-galiyo, maadaama horey loogu heshiiyay, wuxuuna ku baaqay in aanan lagu kala qaybsamin arrimaha federaalka. Dhanka kale, wuxuu caddeeyay in dowladda ay go’aan tahay in marka ay u dhammaato afarta sano ee ay shaqeynayso aysan dalban muddo kordhin kale iyo inaan odoyaasha Soomaaliyeed mar kale laga dhibin inay soo xulaan baarlamaan uu dalku yeesho, balse ay dalka ka dhici doonto doorasho marka la gaaro 2016-ka. Madaxweynaha ayaa sheegay inuu aad ugu kalsoon yahay in ergada ka qayb-galeysa shir-weynaha Qaran ee geedi socodka siyaasada Soomaaliya iyo hiigsiga sanadka 2016-da ay sameeyaan aasaas wax laga billaabi karo iyo inay soo saraan natiijooyin wax ku ool ah. Guddoomiyaha gobolka ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur oo isna ka hadlay ayaa ergada kusoo dhaweeyay Muqdisho isagoo ku boorriyay inay gacan ka geystaan dib u hanashada qaranimada Soomaaliya, wuxuuna madaxweynaha iyo xukuumadda Soomaaliya ugu hambalyeeyay fikirka ay keeneen oo ah sidii siyaasadda dalka lagu hagaajin lahaaa. Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia, Nicholas Kay ayaa sheegay in beesha caalamka aysan danayn jirin Somalia, laakiin labadii sano ee la soo dhaafay ay u soo jeesatay, taasna ay marqaati u yihiin shirarkii lagu qabtay dalalka Turkiga, Ingiriiska, Mareykanka iyo Japan. Qurbo-joogta Soomaalida ayuu ugu baaqay inay dalkooda dib ugu soo laabtaan oo ay ka qayb-qaataan dib u dhiska dalka iyo horumarkiisa, isagoo sheegay in Soomaaliya ay hadda ku taagan tahay jidkii horumar ay ku sameyn lahayd ayna dib ugu dhismi lahayd. Sidoo kale, wuxuu sheegay in UNSOM ay dhawaan xafiisyo ka furan doonto qaar ka mid ah gobollada dalka. Isagoo intaasku daray in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin waddaniyiin loogana baahan yaha inay dalkooda dib u dhisaan si uu uga baxo dhibaatadii uu ku soo jiray muddada dheer. Ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna wasiiradda arrimaha dibada Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam ayaa u mahad-celisay ergada shirkan kasoo qayb-gashay. Iyadoo hadalkeeda ku dartay in ujeedada shir-weynaha Qaran ay tahay dhameystirka habka siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo tilmaantay in loo baahan yahay in si wanaagsan dastuurka looga baaraan dago.
  20. “Heshiiska Addis Ababa ka dhacay waxa uu qayb ka yahay dadaalka ay waddo Xukuumadda Soomaaliya oo ah in guud ahaan la isu keeno shacabka Soomaaliyeed, anaguna waan soo dhaweyneynaa, waana taageersanahay dadaallada lagu xalinayo arrimaha nuucaasi oo kale” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka arrimaha gudaha Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa sheegay in dhowaan magaalada Muqdisho lagu qaban doono shirar looga hadlayo masiirka iyo jiritaanka ubada lagu bad baadinayo. “Anagu waxaan nahay umad isku af ah waxaan aaminsanay in aan is xalin karno, Shirka lagu wado in uu ka furmo Muqdisho waa mid looga hadlayo aayaha Soomaaliya, Shacabka ku dhaqan gobolka banaadir waxaa laga doonayaa inay soo dhaweeyaan shirkaasi, maadaama uu yahay mid sidoo kale la doonayo in lagu dhameystiro heshiiskii Addis Ababa, Xukuumaddana waxaa ka go’an inay soo dhaweyso fikradaha wax dhisaya” ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Cabdikariin Xuseen Guuleed. Who said Xamar is not safe , Imagine doing this two years ago
  21. Dibad bax ballaaran oo lagu taageerayay heshiiskii Addis Ababa ay ku kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubooyinka ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galeen boqolaal ruux ka kala socday degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Mas'uuliyiin. Banaan baxan oo uu soo qaan qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay Taalada Daljirka Dahsoon, halkaasoo ay isugu soo uruureen dadweyne watay calanka Soomaaliya, boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo iyo dharka hidaha iyo dhaqanka. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlay banaan baxa ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan heshiiska, isla markaana ay tahay guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed. "Waa Guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyed, Muqdisho waa maskaxdii umada, waa soo dhoweynaynaa, in heshiis lagu gaaro Addis Ababa oo umada Soomaaliyed ay heshiiso"ayuu yiri Gudoomiye Tarsan. Mr Tarsan ayaa sheegay in isu soo baxan uu muhiimad weyn ugu fadhido shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir, isla markaana ay muujinayaan in reer Muqdisho ay taageersan yihiin. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed oo dibad baxa ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumada Soomaaliya ay dadaal u gashay sidii shacabka isu keeni lahaa, isla markaana dib u heshiisiin dhab ah la gaaro. “Heshiiska Addis Ababa ka dhacay waxa uu qayb ka yahay dadaalka ay waddo Xukuumadda Soomaaliya oo ah in guud ahaan la isu keeno shacabka Soomaaliyeed, anaguna waan soo dhaweyneynaa, waana taageersanahay dadaallada lagu xalinayo arrimaha nuucaasi oo kale” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka arrimaha gudaha Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa sheegay in dhowaan magaalada Muqdisho lagu qaban doono shirar looga hadlayo masiirka iyo jiritaanka ubada lagu bad baadinayo. “Anagu waxaan nahay umad isku af ah waxaan aaminsanay in aan is xalin karno, Shirka lagu wado in uu ka furmo Muqdisho waa mid looga hadlayo aayaha Soomaaliya, Shacabka ku dhaqan gobolka banaadir waxaa laga doonayaa inay soo dhaweeyaan shirkaasi, maadaama uu yahay mid sidoo kale la doonayo in lagu dhameystiro heshiiskii Addis Ababa, Xukuumaddana waxaa ka go’an inay soo dhaweyso fikradaha wax dhisaya” ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Cabdikariin Xuseen Guuleed. Banaan baxan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee lagu taageerayay heshiiskii Addis Ababa ayaa jawaab u ah banaan bax shalay ka dhacay magaalada Baydhabo, kaasoo looga soo horjeeday dowladda Soomaaliya iyo Heshiiska Addis Ababa.
  22. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo wefdi uu horkacayo oo maalintii lixaad ku sugan degmada Taleex Axad, Sebtember 1, 2013 (HOL)- Maalintii lixaad waxaa degmada Taleex ee gobolka Sool ku sugan wefdi uu horkacayo madaxweyne ku-xigeenka Puntland, islamarkaana ay qayb ka yihiin xubno ka tirsan goleyaasha wasiirrada iyo baarlamaanka ee Puntland. Wefdiga Jen. C/samed Cali Shire ayaa maalmihii lasoo dhaafay degmada Taleex kulammo kula lahaa qaybaha kala duwan ee bulshada Taleex iyo guud ahaan gobolka Sool. Kulammadan oo waxyaabo badan la iskula soo qaaday, waxaa arrimaha diiradda lagu saaray Hiiraan Online uga warbixiyey xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo kamid ah wefdiga Puntland ee Taleex jooga. Xildhibaanka ayaa sheegay in meel fiican uu marayo dadaal lagu dhex-dhexaadinayo beelo walaalo ah oo ay xurgufi ka dhexeysey, islamarkaana dhowaan uu halkaas ka qabsoomi doono shir-weyne ballaaran oo ay kasoo qayb geli doonaan dhamaan madaxda dhaqanka ee beelaha gobolka, Dhinaca kale xildhibaanka ayaa mar uu ka jawaabayey su’aal ahayd in booqashada siyaasiyiitna uu isagu ku jiro ee reer Sool ay Taleex ku tageen ay tahay mid la xiriirta doorashada soo socota ee Puntland, wuxuu sheegay in warkaasi uu yahay mid borobagaando ah oo ay suuqa geliyeen dad uu ku tilmaamay kuwo kasoo horjeeda horumarka gobolka. Ugu dambeyntii wuxuu ugu baaqay bulshada gobolka inay ilaaliyaan midnimada, islamarkaana ay meel uga soo wada jeestaan cid walba oo nabadda iyo xasilloonida deegaanka wax u dhimi karta. Wefdiga madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa intii ay Taleex joogeen furay dhowr mashruuc oo uu kamid yahay ceel riig ah oo muddo qarni kudhowaad ah markii ugu horreysey degmadaas laga hirgelinayo.
  23. Shirweyne qaran that's only confined to Xamar.....great. Somali Intellectual from across the world will be attending , also Puntland - Bay and Bakol - gobolada dhexe- jubba-Khatuum- all will have delegates attending . Support your government ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,
  24. Ergada ka qeyb galeysa Shirka Wadatashiga Mustaqbalka Siyaasadda Dalka oo Muqdisho ku Soo Qul Qulaya Published on September 1, 2013 by Mustaf · No Comments · 377 views Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo qul-qulaya wafuuda ka qeyb galeysa shirka Wadatashiga Mustaqbalka Siyaasadda dalka oo ay dowladda Soomaaliya ku baaqday, kaasi oo lagu wado in maalinta barita ah uu ka furmo magaalad Muqdisho. Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka jira mashquul fara badan iyadoo ay ka soo dagayaan ergada ka qeyb galeysa shir weynaha looga wadatashanayo Mustaqbalka siyaasadda ee la doonayo in dalka laga hirgaliyo. Mar aan maanta booqanay garoonka diyaaradaha ee Muqdsiho ayaa waxa halkaasi ka jiray mashquul aad u badan, iyadoo garoonka lagu arkayay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dalka ka maqnaa mudadii bur-burka uu jiray dalka, kuwaa oo koox koox uga soo dagayay diyaaradaha rakaabka ah ee ka shaqeeya dalka kuwaa oo doonaya inay ka qeyb galaan shirka lagu wado inuu ka furmo Muqdisho maalinnimada berito ah. Qaarka mid ah muwadiniintaasi dalka mudada ka maqnaa islamarkaana doonaya iney ka qeyb galaan shirweynaha Qaran ayaa waxa ay dareenkooda ku aaddan ku soo laabashada dalkooda iyo aragtida shirka ugu waramay warbaahin Qaranka Soomaaliyeed iyagoo sheegay in ay ku faraxsanyihiin in dalka ay ku soo laabtaan oo ay ka qeyb galaan shir looga hadlayo aayaha dalka. Malinta barito ah oo ay Taariikhdu ku beegantahey 2 sebtenber ayaa lagu wada in magalada Muqdisho uu ka furmo shirweyne oo ay ka soo qeyb galayaan dhamaan maamulada dalka ka jira iyo qeybaha bulshada Soomaalida waxaana uu socon doonaa muddo 5 maalmood kaa oo la filayo in wax wanaagsan uu uga soo baxo dadka iyo dalka.