malistar2012

Nomad
  • Content Count

    2,754
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by malistar2012

  1. Galkacyo, 20, Augst, 2013…..Shir looga hadlaayo Barnaamijka Higsashada Cusub (New Deal) ayaa ka furmay magaaladda Galkacyo, barnaamijkan oo ah wada-tashi ayaa socon donaa labo maalmood , waxaana shirka furay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Maaliyadda Qorsheynta mudane Abukar Sheikh Cabdi Ibrahim oo hormuud u ahaa waftigii dowladdu u xilsaartay New Deal-ka iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xassan Cawaale (Qeybdiid). Waxaa sidoo kale shirka ka soo qeyb galay dhamaan ururada bulshada rayidka ah sida dumarka, odayaasha, dhalinyarada, iyo ardayda Jamaacadaha, waxeyna ka doodeen doorka kaga aadan shirka Brussels ee dhici doona bartamaha bisha sebteembar si ay ugu biiriyaan talooyin ayna dhagaystaan dowladda federaalka Soomaaliya oo beryahaan waday la tashiyo ku aadan shirkaas si looga wada qeyb-qaato fekirka ay dowlada ku tageyso. Wasiirka Maaliyadda DFS ayaa ka warbixiey argtida fog ee ay dowladdu ka leedahay qorsha Higsiga Cusub (New Deal) ee ku wajahan mustaqbalka Soomaaliya “Shirkaas ayaa lagu soo bandhigi doonaa qorshaha dowalddu diyaarisay ee New Deal-ka oo ka turjumaya baahiyaha kala duwan ee ka jira dalka Soomaaliya, waana qorshe soconaya mudo sadex sano ah, nidaamkaan waa hab dhaqan cusb oo ka dhaqan galay wadamo ka soo kabanaya colaado sida Soomaaliya. Waxaana laga hirgaliyey markii ugu horaysay todoba wadan, iyadoo iminka ay ka fa’idaysanayaan sagaal iyo toban wadan oo Soomaaliya ku jirto” Ayuuyiri Wasiirku. Madaxweynaha Maamulka Galmud ayaa sheegay inaysan suurta gal ahayn in la hirgaliyo Higsiga Cusub ( New Deal) hadii caalamku aysan qaadan kaalintooda kaga aadan dib-u-dhiska iyo nabad ku soo dabaalida dalka. “Waxaa fure u ah hirgalinta Higsiga Cusub (New Deal) xoojinta amniga iyo walaaleynta shacabka Soomaaliyeed waana arrin u baahan in had iyo jeer lagu baraarugsanaado, waxayna masuuuliyadeedu saarantahay ummadda Soomaaliyeed. Waxaa taas xiga in la helo dhaqaale lagu sugo amaanka laguna taageero maamulada gobolada, xoojinta amniga iyo dib-u-heshiisiinta ummada wada dagta gobollada” ayuu yiri Cabdi Qaybdiid. Caalamka ayaa looga fadhiyaa in ay dowladda iyo shacabkeeda ku taageeraan baahiyahooda sida ay u kala mudan yihiin, waxaana hubaal ah in maanta Soomaaliya leedahay dowlad rasmi waana taas sababta loo sameeyey qorshaha “News Deal”. —DHAMAAD— A joint workshop was held in Galkacyo between Puntland - Galmudug- And SFG Barnaamijka Higsashada Cusub (New Deal) Puntland was always invited to Brussel Nothing new other administration are also invited Galmudug - jubba admin- Hiiraan and so on .
  2. its ironic who ever does not get position in SFG or somewhat influence accuses the Government of Tribalism . SFG power sharing is Perfectly divided between clan lines of Somalia . Ali Khalif - Maxmed Yasin- Geedi- so called Prof Samater are all opportunistic and should not blame the SFG but there own failure . They the spoilers want President Shiekh Maxmuud to grant them a Position in SFG or else they will wave the Tribal card let them keep crying from Nairobi .
  3. Does this mean no more protest outside in the cold in Brusell ?
  4. Sagootinti Hibaaq & soo Dhaweynti Hibo Nuura Sponsored by Marwada Madaxweynaha Dalk https://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=ac-nhjr1Gf0" frameborder="0" allowfullscreen> The Party looks life cant Waite to visit Xamar caadey the Future looks Good :cool:
  5. IsseRiyole;977183 wrote: The thing Culusow/USC and HAG can't get rid off D-Block no matter what is in their sick heart. Walaahi guys i was never like this, someone who was raised in Xamar Cadey and never knew his best friends Tribe, now all of sudden Culusow made me wake up and realize you can no longer ignore your Ppl and my ppl are D-Block. no hatred toward those of you who have never committed any Rabe or attrocity but i do beleive Culusow has a blood in his hand ,he can't run somalia and he need to be removed. He is unfit and trouble maker. I belive Dr.Khalif after all he did more for somalia then Culusow. stop crying , who are you lying to , you were born to warship qabil waa laas yaaqana . Stop the caacal support Your Government . Go Read President Hassan Resumed and tell me who did more for Somalia , A Thieve who robed Somali nation Fund called Ali Khalif or president hasan sheikh mohamud In a professional capacity, Mohamud accepted a position as an instructor and trainer at the Lafole Technical Secondary School.[8] He later joined the Somali National University-affiliated Technical Teachers' Training College in 1984.[8][9] In 1986, he became the department's head.[8] When the civil war broke out in the early 1990s, Mohamud remained in Somalia and acted as a consultant with various NGOs, UN bureaus, and peace and development projects.[9] He worked as an education officer for UNICEF in the central and southern parts of the country from 1993 to 1995. In 1999, he also co-established the Somali Institute of Management and Administration (SIMAD) in the capital. The institution subsequently grew into the SIMAD University, with Mohamud acting as dean until 2010.[7] Mohamud entered Somali politics the following year, when he established the independent Peace and Development Party (PDP).[7] PDP members unanimously elected him as the party's chairman in April 2011, with a mandate to serve as leader for the next three years.[10] In August 2012, Mohamud was selected as a Member of Parliament (MP) in the newly formed Federal Parliament of Somalia.[9] Besides academic and civic work, he is also a successful entrepreneur.[11] Ali Khalif era is over D blck vs H blck card is done with ,,,, Ali Khalif wants to take us back to Civil war He belongs to failed era of corruption and civil war . Its Shame his career ended like this ceeb what do you expect from Tuug and Munafiq :confused:
  6. Mad_Mullah;977088 wrote: I'm not blinded - my eyes got opened. Did the majority of Ulema declare Jihad on AY? Yes or No? Did that same Jihad end abruptly when Sheikh Sharif became president? Yes or No? e Where did you get figure majority ? Or You consider Indhacad and Godane Team majority of Ulema :confused: The Majority of Ulema declared Fatwa today and denounced Alshabaab and their terrorist friends ........ support Your Ulema and Your Government end of story .
  7. Mad_Mullah;977071 wrote: I stopped trusting the ulema when they declared Jihad on Abdullahi Yusuf but then all of a sudden the Jihad stopped when their uncle SHarif took over. That's when I for the first time in my life saw the Qabeelism of Somalia. madd mulla Your blinded by tribalism , the Same jihaadist that were fight Rip Abdulahi Yusuf are still fighting or dead - Mainly Indhacad switch over for whatever reason. This is the beginning of the end of alshabaab , The people are united the number one enemy of Somalia is Alshabaab , well done by SFG .
  8. These politically motivated Fatwas are always BS. Tell the Culima to stick to salah, zakah, dacwah etc. How is the Fatwas Political motive , Alshabab are blowing people in too pieces in the name of religion , alshabaab are misguiding the youth and turning them into terrorist . its time for culuma and the people to unite safe our Nation and religion. Well done by the SFG for holding this Conference in much needed Time congrats “Muddo ayaan ku wareersanayn mushkiladda xagjirnimada iyo la dagaalanka Al-shabab, waan ku faraxsannahay jawaabaha waafiga ah ee aad u keenyteen mixnaddan.Dowladdu ma diideyso in fikradaha lagu kala duwanaado ee waxa ay diidan tahay is qarxinta iyo khalkhal galinta nabdgalyada. Waxa ka soo baxay shirkan waan soo dhoweyneynaa, waxaan balan qaadayaa in aan ku dhaqmi doono bayaanka aad soo saarteen, berri ayaan uga hadlaynaa shirka golaha wasiirradda.Xagjirnimadu waxa ay xagal-daacinaysaa hiigsigeena ,laakiin nassib wanaag taladiinu waxa ay timi xilligii loo baahnaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.
  9. Culimada Soomaaliyeed ee ka qeybgalay Shirweynaha waxa ay fatwo ku bixinayaan:- 1- Kooxda Alshabaab waa koox baadiyaysan una taagan inay bulshada Soomaaliyeed baadiyayso, manhajka ay faafinayaanna waa mid khatar ku ah, diinta Islaamka iyo jiritaanka bulshada muslimka ah. 2- Dawladda Soomaaliyeed waa dawlad muslim ah oo aysan banaanayn in la gaalaysiiyo ama lala dagaalamo. 3- Kooxda xag-jirka ah ee Alshabaab waxaa ku waajib ah in ay Allaah uga tawbad keenaan fekerkooda qalloocan iyo falal-dembiyeedyadooda foosha xun 4- Ma bannaana in lagu biiro kooxda Alshabab ama loo fidiyo taageero nooceey doonto ha ahaatee. Waxaa xaaraan ah in la qariyo xubnaha Alshabaab, waana waajib diini ah in xubnaha Alshabab loo gacan geliyo hay’adaha ammaanka ee dawladda Soomaaliyeed ee ku shaqada leh. 6- Waxaa xaaraan ah in laga ergeeyo ama laga shaqeeyo sii deynta eedeysanayaasha Alshabaab ee ku jira gacanta hay’adaha ammaanka ee dawladda. 7- Waxaa waajib ku ah madaxda dawladda inay shacabka Soomaaliyeed ka badbaadiyaan dhibaatada kooxda Alshabaab, muwaadiniinta Soomaaliyeedna waxaa waajib ku ah in ay dawladda ku gacan siiyaan hawlgalada ka dhanka ah kooxda Alshabaab
  10. imaad ka dhex dhaca dawaladda iyo bulshada. - Dhaqaalaha 1- In la xaddido ilaha ay dhaqaalaha ka soo galaan kooxda Alshabab lana sameeyo shuruuc maaliyadeed (financial legislations) oo mamnuucaysa maal-gelinta kooxda Alshabaab. 2- In la abuuro jawi kalsooni iyo kala dabayn leh oo ay ku wada shaqeyn karaan dawladda iyo ganacsatada, lana dhiso xiriir wanaagsan oo u dhexeeya hay’adaha amniga iyo ganacsatada. 3- in la abuuro hay’ad maal galisa dhaqan-celinta iyo tababaridda dhalinyarada ka soo noqota fikirkan xag-jirka ah. 4- In la sameeyo guddi maamula arrimaha la xiriira daryeelka iyo dhaqan celinta dhalinyarada ka soo laabata xag-jirnimada. - Bulshada 1- In la xoojiyo cadaaladda bulshada dhexdeeda ah taasoo horseed u ah midnimada, wadajirka iyo difaaca qarannimada iyo karaamada dalka iyo dadka Soomaaliyeed. 2- In xal loo helo mushkiladaha faqriga iyo shaqo la’aanta; dib u dejin, daryeel iyo ilo dhaqaalana loo abuuro qoysaska soo bara-kacay iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee duruufta adag ku nool. In lagu dedaalo midnimada qoyska Soomaaliyeed iyo wadajirkiisa, taas oo sal u ah barbaarinta dhalinyaro ka caafimaad qabta cudurrada bulshada ee ay xag-jirnimadu ugu horeyso. 4- Daryeelka dhalinyarada iyo u diyaarintooda goobo ay ku gutaan waqtigooda xilliga firaaqada, iyo in dhalinyarada guud ahaan loo abuuro fursado waxbarasho iyo mid shaqo oo u fududaysa in ay ku noolaadaan nolol sharaf leh oo ku dhiirigelisa ka qeybqaadashada dhismaha dalkooda. 5- In manhajka waxbarashada ee heerarka kala duwan lagu biiriyo maadooyin diini ah iyo kuwa cilmi ah oo ka badbaadiya da’ yarta inay gacanta u galaan kooxaha xag-jirka ah. 6- In la kobciyo aqoonta, xirfadda iyo heerka nololeed ee macalimiinta quraanka, ducaadda, khudabadda, iyo culumada duruusta ka bixisa masaajidda si ay u hor istaagaan faafitaanka fekerka xag-jirka ah. 7- In la hagaajiyo lana xoojiyo hay’adaha garsoorka, muwaadinkuna helo garsoor caadil ah oo uu isku halayn karo taasoo horseedaysa in bulshadu iska kaashato kana hortagto xag-jirnimada, ilaalinta nabadda, xasilloonida, iyo horumarka dalka. 8- In haweenka Soomaaliyeed oo ah lafdhabarka qoyska, macallinka koowaad, iyo waardiyaha guriga la siiyo xog ku filan iyo dawr muhiim ah oo ay uga qayb qaataan ka hortagga iyo la dagaallanka xag-jirnimada. 9- Waxaan ugu baaqaynaa dawladda soomaaliya, hay’adaha samo-falka iyo kheyr-doonka Soomaaliyeed iyo kuwa adduunkaba inay taakuleeyaan dhibanayaasha waxyeeladu ka soo gaartay falalka argagixiso ee kooxda Alshabab ka waday gudaha Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay. - Warbaahinta 1- In la bilaabo olole heer qaran ah oo wacyi gelineed oo ka dhan ah xag-jirnimada iyo si xun u adeegsiga diinta Islaamka, ololahaas oo yeelanaya magac, maamul iyo meel uu ku shaqeeyo. 2- In culimmada Soomaaliyeed ay warbaahinta ku yeeshaan barnaamijyo joogto ah oo ku wajahan dhallinyarada, kuna aaddan sixitaanka fahamka qalloocan ee kooxaha xag-jirka ah ay ka qabaan diinta Islaamka. 3- In dawladda iyo culumadu ka wada shaqeeyaan sidii loo sameyn lahaa bogag barta internetka ah oo lagu wajaho xag-jirnimada iyo qallooca diineed ee ay faafiyaan warbaahinta internetka ee kooxda Alshabaab. 4- In loo adeegsado qalabka warbaahinta ee kala duwan si qorshaysan oo cilmiyeysan oo ay ku dheehantahay farsamo sare oo tayaysan si looga hortago qalabka warbaahinta ee ay adeesadaan xag-jirku. Waa in la dejiyo xeerar xakameynaya warbaahinta fursadda u siinaysa inay baahaan fekradaha xagjirka ah, ama buunbuuninaya dicaayadahooda si ay cabsi gelin iyo argaggax ugu abuuraan bulshada. 6- In dowladda Soomaaliya abuurto hay’ad heer qaran ah oo ka hawlgasha la dagaallanka fikradaha xagjirka ah, taasoo xarumo ku yeelanaysa gobolada kala duwan ee dalka. 7- In la horumariyo qaababka ay culumadu u bixiyaan duruusta diiniga ah iyo muxaadaraadka, iyo in mawduucyada ay ka hadlayaan ay diiradda saaraan khatarta xag-jirnimadu ku leedahay dhinacyada kala duwan ee nolosha bulshada. 8- In dib u eegis lagu sameeyo farriimaha dhanka dacwada ee bulshada loo gudbinayo, lagana fogaado waxyaabaha sii kordhin kara afkaarta khaldan. 9- In la xoojiyo adegsiga Suugaanta noocyadeeda kala duwan taasoo lagula dagaalamayo fikradaha xag-jirka ah. - Talooyin Guud 1- In la dhiso guddi ka kooban ka qeybgalayaasha shirka oo kala matalaya dawladda, culumada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kaasoo dabogal ku samaynaya fulinta talooyinka shirweynaha. 2- In muddo 30 cisho gudaheed lagu soo dhiso hay’ad qaran oo ay iska kaashadaan dawladda, culumada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada taasoo ka hawlgalaysa la dagaalanka fekradaha xagjirka ah. 3- In muddo 90 maalmood gudahood lagu qabto shirweyne ay ka soo qeybgalayaan culimada Soomaaliyeed iyo culimada dunida Islaamka kaasoo ay gacan ka gaysanayso dawladda Soomaaliya.
  11. Shirweynaha looga hadlayay xal u helidda mushkiladda xagjirnimada ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho, iyadoo shirkan uu ahaa kii u horeeyay noociisa oo Culimada Soomaaliyeed ku yeeshaan magaalada Muqdisho. Shirweynaha oo socday shan maalmood ayaa waxaa furau Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo dhoweeyay culimadii iyo aqoonyahankii ka qeyb galayay shirweynaha, warbixinna ka siiyay xaaladda dalku marayo, kana codsaday inay Shirweynaha ka soo saaraan talooyin gundhig u noqon kara la tacaalidda xag-jirnimada guud iyo in si gaar ah ummadda soomaaliyeed looga bedbaadiyo dhibaatada ba’an ee uu ku hayo fekerka qalloocan ee kooxda xagjirka ah ee Alshabaab. Maanta oo shirka la soo xiray ayaa waxaa khudbadihii xiritaanka ka jeediyay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, Wasiirka Cadaalada, diinta iyo awqaafta C/llaahi Abyan Nuur iyo Mas'uuliyiin kale. Hadaba Shirkan ayaa laga soo saaray war murtiyeed qodobo badan ka kooban sida ayuu u qornaa: Intii uu hadalka ku jirey, Madaxweynaha Jamhuuriyaddu wuxuu ballan qaaday in ay dawladdu intii karaankeeda ah hirgelin doonto go’aamada Shirweynaha. - Ujeeddooyinka Shirweynaha:- 1- In la caddeeyo waxa ay tahay kooxda Alshabaab, ayada oo la adeegsanayo xog wadata tira-koobyo iyo muqaallo marag-ma-doonto ah oo muujinaya dhibaatooyinka ay kooxdu u geysatay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. 2- In la caddeeyo mawqifka shareecada Islaamka ee fekerka, manhajka iyo dhaqanka gurracan ee kooxda Alshabaab. 3- In si hufan loo cadddeeyo marin habawsanaanta tiirarka fekradeed ee ay kooxda Alshabaab sheeganayso in ay ku dhisan tahay haddii ay ahaan lahayd diin, siyaasad,…iwm 4- Diyaarinta qorshe guud oo lagula tacaalayo xag-jirnimada looguna helayo xal waara, waaqici ah, xaaladdana ku habboon. 5- In dhalinta Soomaaliyeed ee ku biiray Alshabaab laga soo badbaadiyo, bulshada Soomaaliyeedna laga badbaadiyo hagardaamooyinka Alshabaab. Shirweynaha intii uu socday waxaa looga dooday mawaadiic cilmi ah oo la xiriira sababaha keenay xag-jirnimada iyo sida loo daaweyn karo, mawaadiicdaas oo taabanaysay dhinacyada shareecada, amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada iyo warbaahinta noocyadeeda kala duwan. Sidoo kale waxa shirweynaha laga soo jeediyay muxaadarooyin cilmi ah oo la xiriira:- - Taariikhda xag-jirnimada guud ahaan, iyo gaar ahaan midda ku habsatay dalkeena. - Taariikhda kooxda Alshabaab iyo dhibaatooyinka baaxadda leh ee ay ku hayso ummadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisaba. - Masa’alooyinka diimeed ee ay kooxda Alshabaab daliilka kaga dhigtaan kuna bannaystaan dhiigga ummadda iyo burburinta dalka, qallooca ku jira mas’alooyinkaas iyo sidii loo daaweyn lahaa. Mawqifka Shareecada Islaamka ee ku aaddan xiriirka dadka muslimiinta ah iyo kuwa aan muslimiinta ahayn. - Mawqifka Shareecadu ka qabto xag-jirnimada iyo dhibaatooyinka ay kooxda Alshabaab ku hayso ummadda Soomaaliyeed. - Diraasado la xiriira qaababka ay adeegsadeen dalalka muslimiinta ah ee ku guulaystay inay xal u helaan mushkiladda xag-jirnimada. Shirweynuhu waxa uu isla gartay:- 1- In culimada Soomaaliyeed ay ku midoobeen la dagaalanka fikirka xag-jirka ah. 2- In dawladdu ay taabo geliso go’aankii uu gaaray barlamaanka Soomaaliya 2009, ee ku aadanaa hirgelinta shaceerada Islaamka. 3- In aanaan sinnaba loogu dulqaadan karin xasuuqa ba’an ee kooxda Alshabaab ay ku hayso ummadda Soomaaliyeed kaasoo uu ugu dambeeyay falkii ka dhacay magaalada Muqdisho 7dii Sebtemabar 2013 oo ku beegnayd maalintii uu Shirweynuhu furmay. 4- In fekerka kooxda Alshabaab uu yahay mid aan wax xiriir ah la lahayn fahamka caafimaadka qaba ee diinta Islaamka, balse uu yahay mid ku salaysan damac gurracan oo looga gol leeyahay in lagu gaaro awood maroorsi, keli talisnimo iyo boobka hantida dadweynaha, taasoo ah midda keentay in markii hoggaamiyayaasha Alshabaab uu ku filnaan waayay xasuuqii ay ku hayeen dadweynaha ay iyaga dhexdooda xasuuq isku bilaabeen. 5- In falalka cadawtinnimada ah ee kooxda Alshabaab ay ujeeddadeedu tahay mid la doonayo in lagu dabar- gooyo ummadda, laguna baab’iyo diintooda iyo dhaqankooda suubban, laguna tirtiro jiritaanka iyo qarannimada Soomaaliya. 6- In kooxda Alshabaab ay halis ku tahay in nabad, xasillooni, horumar iyo dawladnimo ay ka hana-qaaddo dalkeena. 7- In kobcinta iyo horumarinta nidaamka dawladnimo uu yahay waddada ugu dhaw oo looga badbaadi karo hagardaamooyinka baaxadda leh ee kooxda Alshabaab ay ku hayso dadka iyo dalka Soomaaliyeed, sidaa darteedna ay waajib tahay in JFS, maamullada kala duwan ee ka jira dalka, iyo ummadda Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwanba ay u midoobaan xoojinta hannaanka dawladnimo. Fatwada Culimada. Culimada Soomaaliyeed ee ka qeybgalay Shirweynaha waxa ay fatwo ku bixinayaan:- 1- Kooxda Alshabaab waa koox baadiyaysan una taagan inay bulshada Soomaaliyeed baadiyayso, manhajka ay faafinayaanna waa mid khatar ku ah, diinta Islaamka iyo jiritaanka bulshada muslimka ah. 2- Dawladda Soomaaliyeed waa dawlad muslim ah oo aysan banaanayn in la gaalaysiiyo ama lala dagaalamo. 3- Kooxda xag-jirka ah ee Alshabaab waxaa ku waajib ah in ay Allaah uga tawbad keenaan fekerkooda qalloocan iyo falal-dembiyeedyadooda foosha xun 4- Ma bannaana in lagu biiro kooxda Alshabab ama loo fidiyo taageero nooceey doonto ha ahaatee. Waxaa xaaraan ah in la qariyo xubnaha Alshabaab, waana waajib diini ah in xubnaha Alshabab loo gacan geliyo hay’adaha ammaanka ee dawladda Soomaaliyeed ee ku shaqada leh. 6- Waxaa xaaraan ah in laga ergeeyo ama laga shaqeeyo sii deynta eedeysanayaasha Alshabaab ee ku jira gacanta hay’adaha ammaanka ee dawladda. 7- Waxaa waajib ku ah madaxda dawladda inay shacabka Soomaaliyeed ka badbaadiyaan dhibaatada kooxda Alshabaab, muwaadiniinta Soomaaliyeedna waxaa waajib ku ah in ay dawladda ku gacan siiyaan hawlgalada ka dhanka ah kooxda Alshabaab Talooyinka Shirweynaha Shirweynuhu waxa uu soo jeedinayaa talooyinka hoos ku xusan:- - Amaanka 1- In la kobciyo aqoonta, xirfadda, akhlaaqda, qaab-dhismeedka, agabka iyo heerka nolosha ee xoogaga dawladda ee ka hawlgala ammaanka. 2- In la xoojiyo wada shaqeynta xoogagga amaanka iyo dadweynaha, lana hormariyo guddiyada amni ee heer xaafadeed iyo degmo, hay’adaha garsoorka ee eegaya dambiyada la xiriira falal dambiyeedka kooxda Alshabaabna ay noqdaan kuwa u diyaarsan una tabo baran dacwooyinka noocaan ah. 3- In baadiggoobka beesha caalamku ugu jirto gacan ku dhigista xubnaha xag-jirka ah ee dembiga ka galay bulshada, dawladda Soomaaliyeed iyo caalamkaba aysan caqabad ku noqon dib u soo laabashada dhalinyarada Soomaaliyeed ee uu galaaftay fakarka kooxda Alshabaab. 4- In la Xoojiyo iskaashiga hay’adaha amniga iyo bulashada guud ahaan iyo culumada gaar ahaan si guul looga gaaro daaweynta iyo dabargoynta fekerkan. 5- In la turxaan bixiyo tabaha, xeeladaha iyo dhaqanka amni sugidda ee dawladda iyo qaabka hay’adaha amnigu u maareeyaan dadka loo soo qabtay dambiyada xag-jirnimada iyo falalka la xiriira. 6- In dambiilayaasha u xiran falalka xag-jirnimo aanan lagu sii dhex deynin maxaabiista kale, isku meelna aanan lagu hayn si aanay ugu sahlanaanin inay fekradahooda gurracan ay ku dhex faafiyaan maxaabiista kale. - Siyaasadda 1- In JFS ay jeexdo waddo siyaasadeed ee cad oo looga soo kabanayo raadadkii ka dhashay burburkii qarannimada Soomaaliya iyo dagaalladii sokeeye ee abuuray siyaasad marin habawsan oo u goglol xaartay dhalashada iyo baahitaanka cudurro badan oo ay xag-jirnimadu kamid tahay. 2- In si joogto ah ay dawladda, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo culumadu uga wada shaqeeyaan sidii nabadda loo baahin lahaa dib u heshiisiintana loo xoojin lahaa, cadaaladduna ay markaa u saldhigi lahayd. In dawladda iyo bulshadu iska kaashaadaan xoojinta nabadaynta iyo iskaashiga qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed ee ku nool deegaamada kala duwan ee dalka iyo dibeddaba. 4- In la kala saaro fekerka xagjirka ah ee kooxda Alshabaab iyo dadka uu aafeeyay fekerkan: Fekerka waa in lala dagaallamo, dadka uu aafeeyeyna la daweeyaa. Waa in iyadoo dhinac lagala dagaallamayo kuwa aaan rajada lahayn, albaabka wada-hadallada loo furaa kuwooda la marin habaabiyay ama dano gaar ah u galay kooxda Alshabaab, waana in loo sameeyo waddo ay kaga soo noqdaan mushkiladda ay ku dhex jiraan. 5- Dawladda iyo bulshada qeybaheeda kala duwan waa inay u abuuraan dhalinyarada uu fekerkan galaaftay jawi ay dib ugu soo laaban karaan. 6- In dawladda Soomaaliyeed, bulshada qeybaheeda kala duwan iyo beesha caalamku ay ka wada shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa dib u dhiska dalka iyo ka hortagga faraggelinta qalloocan ee ka imanaysa dibedda taas oo dhaawacaysa damiirka muwaadinka isla markaana fursad u abuuraysa kooxaha xagjirka ah in ay helaan taageerayaal u adeega fekerkooda. 7- In laga hortago ku takri falka iyo si xun u adeegsiga awoodda dawladda si looga badbaado iskaashi la’aan ama iska-hor-
  12. " frameborder="0" allowfullscreen> I Believe Ali Galeyd has a personal grudge against President Hassan ? The man is complaining about not seeing the President or getting chance to hold meeting , President sh Maxmuud Culuso has not time for this old Gypysi
  13. Axmed Madoobe oo madaxweynaha iyo Ra’iisalwasaaraha kala hadlay sii deynta Xasan Daahir Aweys Gudoomiyaha Maamulka Km ee juba ahmed Maxamed islaam axmed madoobe oo maalintii sabtida ahayd soo gaaray Magalada Muqdisho ayaa waxa uu utagay Shiikh xasan daahir aways oo ku xiran Xarunta nabad sugida ee magalada Muqdisho. Booqashada ka dib ayaa warar soo baxay waxay sheegayaan in madaxda dalka uu kala hadlay arinta sheikh xasan daahir aways oo mudooyonkaan u xirnaa dawlada Somalia. Axmed Madoobe iyo xasandaahir ayaa waxa ay horay uga wada tirsanaa ururkii xisbul islaam ayadoo la aamin san yahay in ay ahaayeen labo sarkaal oo si aad ah iskugu dhawaa. Arinta xusida mudan ayaa ah in masuuliyiin ka tirsan Dawlada in ahmed madoobe ay ku soo dhaweeyeen magalada muqdisho ayadoo wili xasan daahir uu max buus u yahay Dawlada Somalia. Dad badan ayaa waxa ay is waydiinayaa sida laga yeelayo arinta sheikh Xasan daahir aways oo haatan gacanta Dawlada Somalia ku jira.
  14. Madaxweynaha J.F.S. Oo Shalay Booqday G/Sh/Dhexe Ayaa Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho Published on September 10, 2013 by Mowliid · No Comments · 283 views Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo oo shalay gaaray magaalada Jowhar ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, kadib kulamo halkaasi ay kula qaateen qeybaha kaladuwan ee bulshada iyo mas’uuliyiinta maamulka Gobolkaasi. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ay si dhammeystiran u shaqeyn doonaan dhawaan ciidammada amniga ee degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxa uuna intaa raaciyay in dowladda Federaalka ay ku howlan tahay sidii loo fududeyn lahaa howshaasi. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in loo gudbayo xoreynta degmooyinka gobolka Shabeellada Dhexe oo dhan, isla markaana dowladdu aysan aqbali karin in kooxda Al-Shabaab ay ku sii sugnaato deegaan ka mid ah gobolka, “Shabaab waan ka adkaanay, waa in laga suuliyaa guud ahaan degmooyinka gobolka Shaleeda Dhexe” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa hadalladan ka jeediyey degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe oo uu madaxweynahu kormeer shaqo ku tegay. Dowladda ayaa gaartay guulo waa weyn oo dhinac kala duwan leh, mudadi sanadka aheyd ee ay jirtay, iyadoo maalintii la doortay madaxweynaha uu ka dhawaajiyey Lix Tiir oo ay dowladda Soomaaliya ka shaqeyn doonto oo ay ugu horreyso xasilinta ammaanka dalka, waxaana qeyb ka mid ah la oran karaa dowladda Soomaaliya waa ay ku guuleysatay . Congrats to the President Xasan Sheekh Maxmuud for one year anniversary job well done . This years inshallah we will start year without alshabaab ameen........
  15. Madaxweynaha Jamuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Maalmihii ugu danbeeyay Safaro ku tagayay Gobalada Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladiisa ay Wado Qorshe Ururka Al-Shabaab looga saarayo Degmooyinka ay ku harsan yihiin. Xasan Sheekh wuxuu sheegay in Dhawaan Shacabka Soomaaliyeed ay maqli doonaan Ururka Al-Shabaab oo Degmooyinka ay ku sugan yihiin oo dhan laga saray. Xasan Sheekh wuxuu sheegay in Mudo kooban gudohaad ay qorsheynayaan in Gobalada Dalka Soomaaliya ay gaarsiiyaan Heer Shacabka ay Doortaan Gudoomiyaha Gobalka ee Dowlada aysan marwalba soo magacaabin. Hadalkaan ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka sheegay Hadal uu jeedinayay Shacabka Degmada Jowhar oo uu shalay booqo gaaban uu ku tagay. President Xasan Sheekh ready to liberate alshabaab Territories
  16. Then the SFG should be less focused on tribal stuff. So secure Xamar so that Bantu troops aren't needed instead of talking about Jubbaland 24/7. Mad mull where have you been the Juba fiasco is over , Sh Modoba and Fartag are doing what President was advising them before , sit down with opposition , Clan elders and etc and form viable all inclusive admin . sh Modaba is holding all types of meeting in the Nation Capital with elders of inhabits of Jubba positive steps. SNA needs better training better weapons like Tanks etc , takes time to build Professional army in a war torn country.
  17. You have to understand that the only reason there's corruption is because of people like malistar that will protect their uncle's reputation no matter what. If this was Abdullahi Yusuf they would be checking how much his shoes cost and where he got the money from. Hassan Sheikh Mohamud Resumed is impressive i don't need to protect his reputation . Support Your Government Somalia is on the Road to recovery it wont stop for No One . Being a critic of SFG is fine but to try to delegitimize the SFG because of tribe reasons i can't support .
  18. what a humiliation. soon qoslaye's govemrent will also be told the NGOs will clean their rooms and cook food because they are not trusted. giving bags of khaki envelopes to Unuka clansmen was the last straw for the international communty. we have seen the highest corruption in a generation in this goverment, so i am not surprised qoslaye will not be trusted with money in the future. Mooge are you still around no money in Nairobi corruption days are over the SFG will get aid directly , IC is behind President Sheikh Maxmuud 100 % . You Have seen the amount of IC delegates from EU - USA- and etc landing in Adan cade airport everyday re opening their embassies . The Brussels Conference will be success . The Dual track Policy will end . Finally Somalia will get its first representative Governments in decades . SFG will also soon be getting access to Somali Frozen assets around the world .
  19. Great job by FM it was her Trip to China that brought Chines to Mogadishu congrats !!!!!! “Waxaan halkan ku saxiixnay labadii heshiis ee ugu horreeyay oo daba socda wadahadalladii iyo heshiisyadii aan soo galnay dalkooda bishii lasoo dhaafay, waxayna sidoo kale u yimaadeen inay arkaan dhulkii la siiyay si ay safaarad uga sameystaan, waxaa kale oo intaan daba socda mashaariic waaweyn oo ay dowladda Shiinuhu ka fulin doonto dhammaan gobollada Soomaaliya,” ayay tiri Marwo Fowziyo. Thanks to Governor Tarzan Mogadishu will be getting speedy recover from years of destruction Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa guddoonsiiyay dhul ku yaalla xeebta Liido wafdiga Shiinaha ka socday, halkaasoo ay dhawaan ka billaabi doonaan dhismaha safaaraddooda si xiriirka labad dalka uu noqodo mid joogta ah. “Soomaaliya iyo Shiinaha waxaa ka dhaxeeya xariir qota dheer oo 50 sano ka hor soo billowday, waana waddankii ugu horreeyey kuwa Bariga Afrika ku yaalla oo Shiinuhu la yeesho xariir siyaasadeed, waxaan rabnaa inaan bog cusub u furno xariirka u dhaxeeya labada dal, waxaan halkan u nimid inaan fiirino baahiyaha ka jira dalka, annagoo aad ugu rajo weyn inaan Soomaaliya dib uga bilowno dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee ku bur-buray dagaallada sokeeye,” ayuu yiri safiika Shiinaha isagoo dhanka kalana xusay inay ku dhiirri-gelinayaan shirkadaha Shiinaha inay maalgashtaan Somalia oo ay hadda ka jiraan fursado badan oo ganacs
  20. Soomaaliya iyo Shiinaha oo Maanta Magaalada Muqdisho ku kala Saxiixday Heshiis Iskaashi oo laba geesood ah (SAWIRRO) Isniin, September 09, 2013 (HOL) — Ku-simaha ra’iisul wasaaraha Somalia ahna wasiirka arrimaha dibadda Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda dalka Shiinaha oo uu horkacayo danjiraha u fadhiya Kenya, Liu Guangyoun. Wafdigan ayaa ahaa khubaro indha-indhayn ku samaynayay xarumihii hore ee dowladda Shiinaha ay ka dhistay Soomaaliya, kuwaasoo bur-bur xooggan ay kasoo gaareen dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay, waxaana ka mid ah goobahaas, Tiyaatarka Qaranka, Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho, Isbitaal Banaadir iyo dhul ay siisay dowlada Soomaaliya dalka Shiinaha si ay uga dhistaan safaaradooda Soomaaliya. Safiirka Shiinaha oo waftiga hoggaaminaya ayaa uga horreyntii ka hadlay ujeedka booqashadooda Muqdisho iyo waxyaalaha ay damacsan yhiin inay Soomaaliya ka fuliyaan mustaqbalka dhow. “Soomaaliya iyo Shiinaha waxaa ka dhaxeeya xariir qota dheer oo 50 sano ka hor soo billowday, waana waddankii ugu horreeyey kuwa Bariga Afrika ku yaalla oo Shiinuhu la yeesho xariir siyaasadeed, waxaan rabnaa inaan bog cusub u furno xariirka u dhaxeeya labada dal, waxaan halkan u nimid inaan fiirino baahiyaha ka jira dalka, annagoo aad ugu rajo weyn inaan Soomaaliya dib uga bilowno dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee ku bur-buray dagaallada sokeeye,” ayuu yiri safiika Shiinaha isagoo dhanka kalana xusay inay ku dhiirri-gelinayaan shirkadaha Shiinaha inay maalgashtaan Somalia oo ay hadda ka jiraan fursado badan oo ganacsi. Dhanka kale, ku simaha ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dhankeeda uga mahadcelisay dalka Shiinaha sida hagar la’aanta ah ee ay uga jawaabeen baahiyaha dowladdu qabto una ballan-qadeen inay si dhaqso ah u billaabi doonaan dhaqan-galintooda. “Waxaan halkan ku saxiixnay labadii heshiis ee ugu horreeyay oo daba socda wadahadalladii iyo heshiisyadii aan soo galnay dalkooda bishii lasoo dhaafay, waxayna sidoo kale u yimaadeen inay arkaan dhulkii la siiyay si ay safaarad uga sameystaan, waxaa kale oo intaan daba socda mashaariic waaweyn oo ay dowladda Shiinuhu ka fulin doonto dhammaan gobollada Soomaaliya,” ayay tiri Marwo Fowziyo. Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa guddoonsiiyay dhul ku yaalla xeebta Liido wafdiga Shiinaha ka socday, halkaasoo ay dhawaan ka billaabi doonaan dhismaha safaaraddooda si xiriirka labad dalka uu noqodo mid joogta ah.
  21. Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray Jowhar :-War-saxaafadeed Muqdisho, 09 September 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo beryahan waday booqashooyin uu booqanayey gobollada dalka ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar oo si diiran loogu soo dhoweeyey. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ku sii hakaday degmada Balcad oo uu halkaas kula hadlay shacabka degmada Balcad oo waddooyinka la taagnaa caleen qoyan. Madaxweynaha ayaa magaalada Jowhar si heer sare ah loogu soo dhoweeyey, ka dibna uu kulammo gaar gaar ah la qaatay Maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe iyo degmooyinkiisa, madax dhaqameedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Madaxweynaha ayaa ujeedada safarkiisa uu ahaa inuu u soo kuurgalo xaaladda shacabka deegaanada uu booqday, isla markaana uu warbixn kooban ka siiyo xaaladda dalka iyo aragtida fog ee dowladdu, iyo inuu la tashiyo kala sameeyo aragtida dadka deegaanka ee ku wajahda ka qeybgalinta dadka arrimaha dowladdu ay waddo. Dowladda Soomaaliya ayaa qorshaha ka qeybgalinta shacabka inay tallooyin ka dhiibtaan qorshaha dowladda ayaa u aragta habka ugu habboon ee shacabka looga qeybgalin karo go’aanada dowladda. Shirkii Siyaasadda, kan Xagjirka iyo kuwii ka horreeyey waxey ahaayeen fursad ay dowladdu siineysey qeybaha kala duwan ee bulshada inay tallooyinkooda ka dhiibtaan masiirka dalka. - –DHAMAAD —
  22. Well done by president Shiekh Maxmuud consolidating with elders in Marka -Baladweyn - Balcad- Jowhar its time to gather enough support to defeat Alshabaab . The President is showing bravery by traveling land with a huge entourage .
  23. Isniin, September 09, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar dhulka ah ku gaaray degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaas. Wafdiga madaxweynaha oo ka koobnaa wasiir ku xigeenno, xidhibaanno iyo taliyeyaasha ciidamada ayaa waxay kulammo la yeelan doonaan waxgaradka iyo bulshada gobolkaas, sidoo kalena waxay la kulmi doonaan maamulka ka jira gobolkaas. Ma jiro wax caqabad ah oo uu madaxweynuhu kala kulmay safarkiisa dhulka ah ee uu ku gaaray degmada Jowhar oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya. “Socdaalka madaxweynaha uu ku tagay Jowhar wuxuu qayb ka yahay kuwo uu ku tagayo gobollada dalka uuna kula tashanayo shacabka ku nool si loo helo fikirrada bulshada ee ku aaddan sidii ay maamullo u sameyn lahaayeen,” ayuu yiri mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa toddobaadkii hore safar noocan oo kale ah ku tagay degmada Marko oo 90-km dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, inkastoo uu weerar la kulmay intii uusan gaarin Marko. Ammaanka degmada Jowhar iyo waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar ayaa si aad ah loo adkeeyay iyadoo ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana xiran ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka degmada Jowhar. Madaxweynaha Soomaliya ayaa shalay safar noocan oo kale ah ku tagay degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo uu ku sugnaa tan iyo xalay, isagoo xalay kulammo la yeeshay waxgaradka gobolka Hiiraan, markii uu saakay kasoo baxayayna wuxuu tababar u soo xiray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Safarrada madaxweynaha Somalia uu ku tagayo gobollada iyo degmooyinka dalka ayaa waxay kusoo beegmayaan xilli 16-ka bishan lagu wado in dalka Belgium uu ka furmo shir looga hadlayo dib u dhiska Soomaaliya. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  24. Axad, September 08, 2013 (HOL) — Iyadoo toddobaadyadii ugu dambeeyay ay jireen hoos u dhac ku yimid xiriirka u dhexeeya dawladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayuu ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) wuxuu kulan casho ah ugu sameeyay magaalada Jabuuti wafdi uu hoggaaminayay madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole. Kulankan cashada ah oo ay goob-joog ka ahaayeen labada wafdi ee ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha Puntland ayaa inta badan waxaa looga hadlay go’aankii Puntland ay ku sheegtay inay hakad ku gelisay wada-shaqeyntii kala dhexeysay dowladda dhexe ee Soomaaliya. Kulankan waxaa dhanka wafdiga ra’iisul wasaaraha ka mid ahaa wasiirka gaashaandhiga, wasiir-u-dowlaha arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah, wasiir ku-xigeenadda ganacsiga iyo kheyraad dalka, halka Puntland ay goob-joog ka ahaayeen wasiirrada arrimaha gudaha iyo caafimaadka. Markii ay cashadu soo dhamaatay ayuu ra’iisul wasaaraha soomaaliya kulan gaar ah oo saacado qaatay la yeeshay madaxweynaha Puntland, iyadoo aan la sheegin qodobbadii ay isku afgarteen iyo kuwii ay isku diideen. Kulankan ayaa la sheegay inuu u xuub-siiban doono wada-hadallo rasmi ah oo dib loogu xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqaynta ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda federlaka Soomaaliya. Will Faroole follow suite and listen Pm Saacid advice Can Faroole do what Madoba did does he have the courage ?
  25. Amiin Amiir waa nin Culus Cadi maaha