malistar2012
Nomad-
Content Count
2,754 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by malistar2012
-
Madaxweynaha Soomaaliya oo Magaalada Roma ee Dalka Talyaaniga kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga (SAWIRRO) Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga ballaaran ee la socda ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga ra’iisul wasaaraha dalkaas, Enrico Letta. Ra’iisul wasaaraha Talyaanig ayaa kulanka ka hor wuxuu kulan ay iriduhu u xiran yihiin la qaatay madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo markii dambena si wadajir ah salaan sharaf uga qaatay ciidamada dalka Talyaaniga, iyadoo ay u tumeen ciidamada bambeydu muusikada astaanta labada calan ee Somalia iyo Talyaaniga. Kulanka labada mas’uul dhexmaray ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda dowladda Somalia, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka gaashaandhigga Somalia, C/xakiin Maxamuud X. Faqi, wasiirka maaliyada, Maxamuud Xasan Suleymaan, wasiir-u-dowlaha madaxtooyada Faarax C/qaadir, safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga Muuse Xasan iyo xubno kale. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Enrico Letta ayaa kulankoodan kaga hadlay doorka Talyaaniga ee arrimaha Soomaaliya iyo sidii xiriirka ee labada dal loo sii adkeyn lahaa. Shir jaraa’id oo labada mas’uul ay qabteen kulankooda kaddib ayaa wuxuu ra’iisul wasaaraha Talyaanigu sheegay inay farxad weyn oo taariikhi ah u tahay inuu dalkiisa ku casuumo madaxweynaha Soomaaliya, isagoo xusay inay kawada hadleen qodobbo dhowr ah, isagoo carrabka ku dhajiyay inay dowladdiisu door muuqda ka qaadan doonto dib u dhiska Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa isagana sheegay inuu ku faraxsan yahay sida qiimaha badan leh ee uu ra’iisul wasaaraha Talyaaniga ugu muujiyay taageero shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in Talyaaniga iyo Soomaaliya uu ka dhaxeyso xiriir taariikhi ah oo aad u fog, isagoo intaas ku daray in iskaashiga iyo taageerada dowladda Talyaaniga ay siiso Somalia uu ka duwan yahay taageerada dowladaha kale ay siiyaan Soomaaliya. Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo shalay gaaray dalka Talyaaniga waxay la kulmeen guddoomiyaha baarlamaanka dalkaas, isagoo sidoo kalena booqday jaamacadda Roma halkaaso uu ka jeediyay khudbad qiimo badan lahayd. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Brussels - HAG Cut President Farole Speech. Deseperation In The Air
malistar2012 replied to Dr_Osman's topic in Politics
Faroole and his cousin are trying to create issue a scapegoat , blck are Happy with Sh. Maxmud as their President " frameborder="0" allowfullscreen> Faroole ragaan baa sugoiyo Come January he is out , No Scapegoat , HAG the Boogyman is not Gonna work Osman -
Brussels - HAG Cut President Farole Speech. Deseperation In The Air
malistar2012 replied to Dr_Osman's topic in Politics
Second attempt was to not publish farole speech live to the extent they cut the video in brussels but that was defeated and it was still recorded and is available on youtube. The third jab was they bribed somalii channel not to publish farole speech. Heerakas oo kala duwan oo jabka gaaray hag hadadan uu jeedin adaa cirka roob ku og. are you mentaly insane or what ? talk about Hag obsession , Faroole just any other Governor gave a speech off the camera the reason why is that it was not part of the Program . Tarzan is the Governor of The Capital and its surrounding , Tarzan also governors more citizen then Faroole sxb . with 2.8 billion Tarzan is about to Transform Mogadishu into New York -
Brussels - HAG Cut President Farole Speech. Deseperation In The Air
malistar2012 replied to Dr_Osman's topic in Politics
What on embarrassment Whats wrong with this danyeer looking creature called Faarole . Faroole reputation is going down ceeb , Vote for abdi wali Gas kkkkk T WAR TIME FAROLE AND MADOOBE HAKU DHAWAQAN GO'IITAN SI DEG DEG AH AMA IN CASIMADA SOMALIA LA SOO WAREEJIYO LABADAS ARIMOOD MOOYE WAX KALE YAAN LA YEELIN Wake-up dude Faarole is a Governor that's about loose election give us break , Faroole and Bay - Baakool Governor are equal today . -
Prof. Jawaari oo sheegay in malaaqyada Bay & bakool aysan jirin kalsooni ay kala laaban karaan dowlada Somalia Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxaa maanta lagu qabtay kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen wafdi uu horkacayo gudoomiyaha baarlamanka oo maalintii 2aad halkaas ku sugan iyo waxgaradka gobolada Bay iyo Bakool. Gudoomiye Jawaari oo kulankaas ka dib saxaafada la hadlay ayaa sheegay inay kala hadleen waxgaradkii iyo qaybihii bulshada ee ay la klumeen, sidii maamul loo dhan yahay ay u soo dooran lahaayeen dadka ku nool gobolladan iyo sidii federaalka loo hirgelin lahaa. “Arrimo badan ayaan ka wada hadalnay waxyaabo badan oo aan ku qaldanayna waa naga saxeen, inaguna waxyaabo badan oo ay ku qaldan yihiin ayaanu ka saxnay waana isku afgaranay, kulammada waa sii socdaan weli” ayuu yiri Prof. Jawaari. Mar wax laga weydiiyey iney malaaqyada Bay iyo Bakool kala hadleen go’aan ay dhowaan ku sheegeen iney kalsoonidii kala laabteen dowlada Somalia ayaa Mr. Jawaari waxaa uu sheegay ineysan jirin cid dowlada kalsooni kala laabatay. "Dowlada Somalia Baarlamaanka ayaa kalsoonida siiyay mana jirto cid kalsooni siin karta ama kala laaban karta marka laga reebo baarlamaanka, wax arrintaas ku saabsan oo aan kawada hadalnay xubnihii aan kulanka la yeellanay ma jiraan,” ayuu Prof. Jawaari. Waxgaradka gobolada Bay iyo Bakool ayaa dhowaan magaalada Baydhabo ka sheegay iney kalsoonida kala laabteen dowlada Somalia iyagoo ka careysan heshiiskii dowlada iyo maamulka Kismaayo ku dhexmaray magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.
-
GAROODI;978083 wrote: ^^^ I have nothing against hag. Name me one building hag owns in Hargaisa haha. Hargaisa is one town: Burco, borama, Berbera, shieck. And many more. You have a few resorts good for you. We built an entire nation from scratch, control from Djibouti to the Somalia border au free and held multiple democratic elections. While 80% of mugdisho is still in ruins, you can't even control mugdisho on your own, your militia and politicians are slapped around by africans let alone anyone else. And the best you have is mugdisho by night and some kid on a hotel. Get outa here. Your president goes to the toilet acompannied by au forces and you have the guts to come out here and say you are developing. Don't catch me hear you ever utter the words SOMALILAND from your mouth your the joke of the entire world. Out of fear you say...haha...for who you...haha... Bakar Market alone surpluses what the SNM achieved 20 years of peace sxb This is Km 4 A district in Xamar who by the way has seen more blood and destruction then the entire somaliland civil war looks more Development then Hargesa and Burco kkkkkk Egal Airport is not safe for Air Ethiopia to land waxba ma isku hees siin The Habros are Lucky they live among peace loving clans
-
" frameborder="0" allowfullscreen> sxb waxba ma isku hees siin the entire snm clans are displaying cheap technicals ceeb , In South Somalia daadka rer mIyiga are able to display bigger Arsenals. Waaxan ma noqon karto wax fan ah " frameborder="0" allowfullscreen> 23 Years and handful of building you can count them with one hand ceeb some of these building belong Hag Business Mans too , One Year of peace in Mogadishu surpluses 23 years of SNM achievement , we are building resorts , A entire new district . we are enjoying the Nation Capital hospitality . The only achievement for the last 23 years that are see-able is that Habro's tribes decided to live in Peace among them self and barricade them self from rest of Somalia out of fear kkk.
-
GAROODI;978021 wrote: We don't want Monopoly money keep it all. My comment was about promoting self reliance. The e.u pays to keep you as a trusteeship territory paying for African mercenaries that's all they pay for and talking shop you call a parliament that has not done one thing. After 22 years and Hargesa airport is not developed unemployment is high no Jobs for average citizen . to the point that SNM descends are migrating to Mogadishu for better work and wages . waxba ma isku hees siin other then some sort of stability.
-
GAROODI;977896 wrote: Saxib in all seriousness these intergovernmental bodies have allocated aid budgets: and in most cases they give the money through secondary partners i.e NGO's who then spend the bulk of it on administrative costs. What ever the e.u pays will go back to their NGO staff and if thy can add any nominal benefit for themselves they will. There is nothing such thing as a free lunch. Somalia should be focusing on creating effective methods of tax collecting, spending it on security and promote private enterprise to further develop. The west don't give a sh)t about Somalis or Somalia. Yet these *** boast about seeing "officials" having their picture taken with Catherine ashdown or whatever her name is... Walahi Somalis deserve to be in the state they are in. This is absurd. Somaliland Will also benefit from the New deal Package , It was agreed in Ankara That SFG will share with Hargesa Admin any International aid and development provided to Somalia.
-
all the regional Governors are sitting behind Government well done by SFG
-
Dowladda Soomaaliya oo Qorsheynaysa inay Maxkamad soo taagto Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Muqdisho ku xiran Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Madaxii warfaafinta ee ururkii Xisbul Islaam, Sheekh Maxamed Macallin Cali ayaa maanta sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso inay dhawaan maxkamad soo taagto Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muddo bilooyin ah u xiran dowladda federaalka Soomaaliya. Sheekh Maxamed Macallin oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xarigga Sheekh Xasan Daahir iyo maxkamadda ay dowalddu doonayso inay soo taagto dhawaan. “Dowladda waxaan ugu baaqayaa inay sii dayso Sheekh Xasan Daahir ayna eegto masxlamadda shacabka Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa ku daray Sh. Maxamed Macallin. Madaxii warfaafinta ee Xisbul Islaam wuxuu hadalkiisa ku daray in xaalad aad u liidata oo dhinaca nolosha ah ay xabsiga ku haysato Sheekh Xasan Daahir Aweys wax daryeel caafimaad ahna uusan helin. Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dhowr bilood ka hor kasoo goostay Xarakada Al-shabaab ayaa ku xirnaa tan iyo markii uu Muqdisho soo gaaray xabsi ay Muqdisho ku leeyihiin ciidamada nabad-sugidda. Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay Sheekh Xasan Daahir u wareejinayso xabsiga dhexe ee Muqdisho, iyadoo horay ay dhowr jeer madaxda dowladdu u sheegeen in xalaaddiisa caafimaad ay aad u wanaagsan tahay. Lama oga go’aanka ugu dambeeya ee Sheekh Xasan Daahir ay ka qaadan doonto dowladda Soomaaliya, balse horay ayaa loogu soo bandhigay dhowr qodob oo ay ka mid yihiin inuu ka tanaasulo Al-shabaab iyo fikirkooda iyo in uusan dib ugu laaban howlihii uu ku jiray. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Midowga Yurub oo ugu Yaboohay Qorshaha dib loogu dhisayo dalka Somalia lacag gaaraysa 862 Milyan oo Doollar Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha guddiga reer Yurub, Jose Manuel Barroso ayaa sheegay in Midowga Yurub uu dib u dhiska Soomaaliya ugu yahoobay 862-milyan oo doollarka Mareyanka ah, isagoo sheegay in shirka Brussels uu yahay mid lagu xoojinayo horumarka ay ku tallaabsatay Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya iyo deeq-bixiyayaasha caalamka ayaa ka qayb-galaya shirka oo lagu sameynayo qorshe lagu dhisayo ammaanka Soomaaliya iyo nidaam siyaasadeed oo loo dhan yahay. Lacagtan ayaa waxay qayb ka noqonaysaa dib u dhiska Soomaaliya iyo dib u habeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda saddexda sano ee soo socota, iyadoo sidoo kale la filayo in dalal badan oo shirka ka qaybgalaya ay lacago ku yaboohaan. “Waxaan ku faraxsannahay inaan ku yaboohno 650-milyan oo Euro ($862) oo lacag dheeraad ah oo lagu taageerayo wejiga cusub ee dib u dhiska dalka Soomaaliya,” ayuu Barroso warfidiyeenka ugu sheegay halka uu ka socdo shirka lagu caawinayo Soomaaliya, isagoo xusay in lacagtan dheeraadka ah ay tahay 1.2 bilyan oo Euro oo Midowga Yurub uu ku bixinayay arrimaha Soomaaliya tan iyo 2008. Dowladda Britian ayaa si gooni ugu dhawaaqday yabooh lacageed dhan 79 milyan, taasoo qayb ka noqonaysa yahoobaha dhaqaale ee loo ururinayo dib u dhiska Soomaaliya. Madaxda Reer Yurub ayaa ku rajo weyn in deeq-bixiyayaasha caalamiga ah ee ku sugan shirka ay ku yaboohi doonaan lacag ka badan hal bilyan oo Euro oo lagu taageerayo qorshaha dib u dhiska Soomaaliya. Case closed Time to Rebuild the Nation Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
he European Union has pledged 650m euro ($860m; £540m) at a conference in Brussels to help Somalia end more than two decades of conflict. The money is part of a "New Deal" for what is widely regarded as a failed state, officials said. Al-Qaeda-linked al-Shabab dismissed the meeting as "Belgian waffle". Al-Shabab is fighting to oust Somali President Hassan Sheikh Mohamud's government, the first to be recognised by the US in more than 20 years. The group controls most of southern Somalia, but it has been driven out of the main cities and towns, including the capital Mogadishu, by an African Union (AU) force backing the government. BBC Somalia analyst Somalia is a good test case for the New Deal. It certainly fits the criteria for a fragile state, given that for six years in a row it has come top of the list of the world's most failed states. The New Deal focuses on peace and state-building. Without these, goes the argument, there can be no meaningful development, and aid money simply goes to waste. This has certainly been the case in Somalia, where billions of dollars have been thrown at a problem that refuses to go away. The EU and Somalia argue that now is a good time to adopt the New Deal. They say the country has entered a new era, with a more legitimate government and progress on the security front. But it is possible that the Brussels meeting will simply be the latest in the long list of expensive conferences on Somalia that end with ambitious communiques but have little or no impact on the development of the country. BBC Somalia analyst Mary Harper says the New Deal will see the Somali government spearheading initiatives to promote peace and state-building. The EU and Somali government believe now is a good time to adopt the programme as the country has entered a new era, with a more legitimate government and progress on the security front, our correspondent says. Mr Mohamud told the BBC Somali service he welcomed the New Deal. "It's a standard deal throughout the world in the post-conflict environment. This is a deal that is based on Somalia-led initiatives," he said. EU Commission President Jose Manuel Barroso said the extra money would support a "new phase in the life of Somalia". It would be in addition to the $1.6bn the EU gave Somalia from 2008 to 2013, he said. Most of this money was used to finance the AU force of some 18,000 troops, AFP news agency reports reports. Separately, the UK said it would contribute £50m ($80m) to the New Deal. The money would go towards improving health and water services and rebuilding infrastructure destroyed by war, it said. The UK's ambassador to Somalia, Neil Wigan, said the conference was "a major milestone", AFP reports. Diplomats were hoping to see more than $1bn in pledges to help rebuild Somalia, it reports. "Our combined efforts will maintain momentum and deliver the change that the people of Somalia desperately need," Mr Wigan is quoted as saying. Al-Shabab said it expected donor pledges would remain mostly unfulfilled or the money would be lost in corruption. 'Slush fund' "It's a bit like Belgian Waffles: sweet on the outside but really has not much substance to it," it said on its Twitter account. Mr Mohamud said at a news conference that aid money had been used to save lives, and provide basic services to Somalis. The New Deal would take Somalia from an "emergency to recovery" over the next three years, he said. "This is a new chapter. Today we are ending a journey and starting a new one," Mr Mohamud added. There have been several international conferences to help Somalia rebuild itself, including one hosted by UK Prime Minister David Cameron in May. The UK and other donors pledged some $130m in aid for Somalia at the time. Earlier this month, Somalia's government said international investigators it had appointed had cleared it of corruption allegations made by United Nations monitors.
-
Madaxweynaha jamhuuriyada federalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud iyo wafdiga balaaran ee uu hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Brussles ee Dalka Biljamka. Magaalada Brussles waxaa sidoo kale ku soo qulqulayo wfuduud kala duwan, waxaana illaaa caawa soo gaaray Madaxda maamulada Puntland, Galmudug, Ximan iyo xeeb, maamulka KMG ag ee Jubba, iyo madaxda Gobalada kale ee dalka. Well done by President Sh Maxamuud for bringing all the Madaxda maamulada on board , SFG Worked hard to prepare for this Conference New deal workshop was held across the Nation. Wariye Abdirahman Hudeyfi Photo By Farah Yassin Osman Big Party in Brussels From The Jungle to Belgium Modaba has out done a lot players What will be the outcome ?
-
with peace and stability Mogadishu will be the biggest economic hub in East Africa . With Peace and stability Somali businessman are going to dominate African market ..
-
"Tani waa markii ugu horreysay oo culimada Soomaaliyeed ay go’aan ay ku mideysan yihiin oo Al-shabaab looga hortagayo soo saaraan, waxaana loo baahan yahay inay shacabku maqlaan codkaas, dowladda iyo culumada iyo qaybaha bulshada ay wadashaqeyn yeeshaan, waana muhiim in mowqif adag laga qaato Al-shabaab," ayuu yiri Sheekh Axmed Shuqul. These are significant steps to eradicated alshaabab from Somalia , some of these Ulma are sympathizer of alshabaab and some where too afraid speak up. Today people are speaking about alshabaab loud and clear in the open , Next step every Mosque in Mogadishu should denounce alshabaab. The end of alshabaab is near Inshallah
-
Sabti, September 14, 2013 (HOL) — Kulan lagu taageerayay fatwadii laga soo saaray shirkii culumaa'uddiinka Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu dalbaday in la dhaqan geliyo qodobbadii kasoo baxay shirkii culimada ee shanta maalmood ka socday Muqdisho. Kulankan oo ay soo qaban qaabisay hay'adda wadahadalka bulshada ee CCD ayaa waxaa ka qayb galay mashaa’ikh kala duwan, iyagoo sheegay inay u dhaqan gelin doonaan qodobbadaas sida waafaqsan shareecada Islaamka. Sheekh C/qaadir Soomow oo ugu horreyn ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay ayidayaan fatwada laga soo saaray shirkii culimada Soomaaliyeed ay ku yeesheen Muqdisho, isagoo xusay inay rajeynayaan inay noqdan kuwo dhaxal-gal ah. "Waxaan taageersannahay soona dhaweynaynaa fatwadii kasoo baxday shirkii culimada, waxaanna rajeynayaa in miraha shirkaas ay Soomaalidu guran doonto dhawaan. Aragtiyaha shirkaas qayb ayay ka ahayd Ahlusunna, go'aannadii laga qaatay Al-shabaab waa taageereynaa, culummadu waxay isku raaceen in Al-shabaab ay yihiin cadawga dadka, diinta iyo dalka, hadday fiiriyeen Qur’aanka iyo in dhaqankooda uusan mid Islaam ahayn,” ayuu yiri Sheekh Soomow. Sidoo kale, waxaa kulanka ka hadlay Sheekh Muuse Macallin Axmed oo isna codkiisa ku biiriyay inay taageerayaan fatwada culimada, isla markaana ay ahayd markii ugu horreysay oo mashaa’ikh isaga timid gudaha dalka iyo dibadda ay shir noocan oo kale ah ku yeeshaan Muqdisho. "Fatwadii ugu horreysay waxaa kasoo saaray Cali Bin Abii Daalib oo gartay dhibka nimankii khawaarijta ahaa aadna ula dagaalamay, fatwadani ma cusba, balse waa wanaagsan tahay in culimadu ay shiraan oo fatwo soo saaraan, runtiina mowiqf muhiim oo la qaatay ayuu ahaa," ayuu yiri Sheekh Muuse Cagaweyne. Sheekh Axmed Shuqul oo isna hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in la dhaqan geliyo fatwada, isagoo xusay inay marka hore tahay in shacabka, culumada iyo dowladduba ay meel uga soo wada jeestaan Al-shabaab, arrintaasoo uu tilmaamay inay tahay ah midda looga adkaan karo. "Tani waa markii ugu horreysay oo culimada Soomaaliyeed ay go’aan ay ku mideysan yihiin oo Al-shabaab looga hortagayo soo saaraan, waxaana loo baahan yahay inay shacabku maqlaan codkaas, dowladda iyo culumada iyo qaybaha bulshada ay wadashaqeyn yeeshaan, waana muhiim in mowqif adag laga qaato Al-shabaab," ayuu yiri Sheekh Axmed Shuqul. Ugu dambeyn, waxaa kulanka ka hadlay culumaa'uddiin dhowr ah kuwaasoo muujinayay sida ay raalliga uga yihiin fatwada lasoo saaray, waxayna ku baaqayeen in la dhaqan geliyo, shacabka Soomaaliyeedna ay midoobaan. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Axmed Madoobe oo u duulay Brussels iyo Nabadoon lagu diley Kismaayo 14-09-2013 Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) hogaamiyaha maamulka Jubba ayaa u baqoolay dalka Belgium isagoo ka qeybgalaya kulanka loogaga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya. Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya madax badan oo ka kala socota qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya. Shirkan oo lagu wado in maalinimada Isniinta uu ka furmo magaalada Brussels ayaa waxaa loogu yaboohayaa dhaqaale loogu talogalay in dib u dhis loogu sameeyo dalka Soomaaliya. Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay ku dileen nabadoon caan ah gudaha magaalada Kismaayo. Raga gaystay dilkan ayaa waxaa la sheegay in ay ka baxsadeen goobtii uu dilka ka dhacay.Nabadoonka la dilay ayaa waxaa magaciisa la oran jiray Gamadiid Nuur wuxuuna kamid ahaa odayaasha sida weyn looga yaqaano Magaalada Kismaayo.
-
Xarunta Midowga Yurub ee Magaalada Bressuls waxaa maalinta isniinta bishuna ay tahay 16 Septembar ka furmo shir looga hadlayo arrimaha Soomaalida,waxana shirka ka qeyb galaya Qeybaha bulshada iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud. Shirka ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa waxyaabaha sida aadka looga hadli doono waxaa kamid ah arimaha dhanka ammaanka dalka dagaalada ay ka taagnaayeen tan iyo waxii ka dambeeyay 1991 markii la riday Xukuumadda Jen Maxamed Siyaad Barre wixii markaas ka dambeeyay dalkii oo noqday mid jaanta rogan. Maalinka Isniinta ayaa lugu wada shirkaan inuu dah-furmo kasoo loogu magacdarey shirka New Deal,waxana xiligaan diyaar gorow loogu jira dhinacyada Soomaalida oo maalmaha ugu soo horeya gaarayBressuls . Waxaa hal aqal oo ku yaala Bressuls loogu talagalay inay wada dagaan dhamanba dhinacyada ka iman doonta Soomaaliya oo uu shirkaan quseeyo,Hotelka ay dagi doonan waftiyada ka iman doona Soomaaliya ee isugujira maamulada dalka iyo DFS ayaa lugu magacaaba The Hotel kaaso horay loo oran jiray Hilton Hotel. Goobjoogayaasha shirka waxaa ka mid ah Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole laakiin magaca Soomaaliya waxaa ku hadli doona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud. Waxaa isna sida la sheegay shirkaan kasoo qeyb galaya madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle. Shirka higsiga cusub ee New Deal ayaa ah mid lugu doonayo in dalalka iyo hay’addaha caalamiga ah ee kasoo qeyb galo looga dalbanayo inay gacan qabtaan Soomaalida ayna ka taageeran horumarka dalka iyo dib usoonolayntiisa. Si kastaba shirkaan waxaa la iclamaiyey inuu ka dhici doona aqalka loo yaqaano Edmont Palace,waxana inta uu socda madaxda Soomaalida ay soo godbin doonan warbixino ay uga hadlaya xaaladda goobaha ay ka yimaaden.
-
Qoraal ay si wadajir ah u soo wada saareen Catherine Ashton iyo Madaxweyne Xasan Sheikh ee Heshiiska Cusub ee Soomaaliya Published on September 13, 2013 by Cilmi Waare · No Comments · 917 views Cidna ma dafiri karto in Soomaaliya meel fog ka timid. Isbedelladi waaweynaa ee dalku soo maray bilihi dhawaa waxay muujinayaan awooda balan-gal ee ah in dalka laga saaro dagaalada sokeeye iyo saboolnimada, balan-gal ay hogaamiyayaasha Soomaaliyeed ku doonayaa in ay uga jawaabaan hiigsiga dadkooda ee mustabal wanaagsan iyadoo Midowga Yurub iyo shurakada caalamiga ahna ku taagyeerayaan tubtooda dib-u-dhiska iyo xasilinta. Olola ciidan ee ay horsedka ka yihiin AMISOM, Ergada Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxay ka saareen Al-shabaab qaybo badan oo ka mid ah dalka. Weerarada burcad-badeedka waxay hoos ugu dhaceen 93% labadi sanoo la soo dhaafay, mana aysan jrin 2013 hal dhacdo ay ku guuleysateen. Weerarada argagixisa ayaa welitood dhulka ka dhacaya iyadoo halista ku aadan nafta, nabadgelyada iyo xasiloonida ay tahay mid dhab ah. Laakin Soomaalidu dibada way ka soo noqonayaan waxayna gacan ka geysanayaa maalgashiga iyo dhisidda dowladda cusub. Midowga Yurub iyo kuwa kaleba waa in ay ku taagyeeraan howshan dib-u-dhiska si ay Haya’daha cusub ee Federalka ay u sameeyaan dowlada federal ah oo shaqayneysa qabtaan doorashooyin sida la qorsheeyey 2016. Si loo astaameeyo horumarka la gaaray loona taagyeero dadaalka dib-u-dhiska waxaannu ku martigelinaynaa shir Brussels 16/9/2013 si loogu daah-furo “Heshiiska cusub ee Soomaaliya”. Dhacdadan waxay ansixin doontaa heshiis balan-gal ka dhexeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka si loogu socdo si dhaqsi leh tubta nabadda iyo barwaaqada- taasoo ku sar-go’an hanaanka “Heshiiska Cusub” ee lagu taagyeero dalalka nugul iyo kuwa ku sugan xaaladaha colaadaha ka dib. Dhacdadu waxay soo bandhigi doontaa aragti siyaasadeed oo cad kuna aadan mustaqbalka Soomaaliya, kala mudnaasiinya horumarka leysku af-gartay iyo in la sameeyo farsamooyin lagu maalgeliyo iyo tabihi lagu hubsan lahaa in deeqaha lagu keeno si wax gal lehna is-xisaabin. Waa habkan midka lagu taagyeeri karo hanaan siyaasadeed ee Soomaalida dhexdeeda ah ee ku soo af-jaraan dastuurkooda kuna qeexaan nooca dowlada federal ee ay doonayaan. Iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo reer yurub wuxuu gacan ka geystay sal u dhigidda horumarkan. Waqtiyadi dhibka badanaa ee ay Soomaaliya soo martay 20ki sannoo la soo dhaafay Midowga yurub marna ma hakin kaalmo. Marki macluushu ku habsatay dalka gar-gaarka bani’adannimo ee reer yurub waa la jira. Marki argagixisanimadu ku halis gelisay qas, Midowga Yurub iyo shurakadiisa waxay taagyeereen ololaha AMISOM in ay dib uga saarto waxayna keentay Ergada Midowga Yurub ee Tababaridda oo ka taagyeereysa Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed in ay soo ceshadaan wax galnimadooda. Marki burca-badeeddu halis gelisay marinada badda ee badweynta Hindiya, Ciidamada Badda Midowga Yurub waxay hakameeyeen burcaddi iyadoo Ergada EUCAP NESTOR loo abuuray in ay xoojiso nabadgelyada badda. Mar walboo ay suurta gal tahay fursad shaqo horumarineed ee waqtiga fog, Sanduuqa horumarinta ee Midowga Yurub waa maalgeliyaa. Weli, lama joogo meel lagu qanco. Waxaannu u baahannahay in aan sii wadno dadaalka is-bedelka. Halganka looga soo horjeedo Al-shabaab waa in la dhammaystiraa. Hiigsiga siyaasdeed waa in loo rogaa xaqiiga sugan. Dalku wuxuu u baahan yahay hay’ado shaqeeya oo ay dadku aaminsan yihiin. Ku-xukantanka sharciga, nabadgelyada iyo maamul maaliyadeed oo hufan waa in la dhisaa. Wadamada deriska la ah dalka waa in ay helaan dammaanad in Somaaliya ay ahaan doonto xoog gacan ka qayb qaata xasiloonida gobolka ee aysan qayb ka noqon xasilooni darada. Laakin waa in aan wax qabanaa hadda waana in aan wax ku qabanaa wadajir. Guushu waxay ku jirtaa iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka- iskaashi dhab ah oo ay Soomaalidu ku qaadeyso xuquuda iyo waajibaadka dowlad madax-banaan, kuna hananayaan lahaanshaha iyo masuuliyadda mustaqbalkooda. “Shirka Heshiiska Cusub ee Soomaaliya” wuxuu siinayaa fursadan lagu hananaayo barnaamijka lagu siin lahaa Soomaaliya taagyeerada ay baahan tahay laguna siin lahaa Soomaaliyada mustaqbalka ay mudan yihii. Qorayaashu waa: Katharine Ashton, Wakiiladda Sare Midowga Yurub ee Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Nabadgelyada ahna Ku-Xigeenka Mahaxweynaha Guddiga Reer Yurub, iyo Mudane Xasan Shiekh Maxamud, Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) Senior Advisor & Spokesperson Office of the President
-
Popular Contributors