malistar2012
Nomad-
Content Count
2,754 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by malistar2012
-
Saado Cali sides with Puntland over Khatumo.
malistar2012 replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Xaaji Xunjuf;984949 wrote: Seems Abdisamad ali shireh is overwhelming the Khatumites but i think its the election season which will fade away after the elections are over, it seems that many in eastern sool are still allied to Puntland. Where does this leave Somaliland ? the border issue . what country has no border ?:confused: shit just gets more complicated for Hargesa admin claim . -
Saado Cali sides with Puntland over Khatumo.
malistar2012 replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
War Deg Deg ah :- Madaxweyne ku Xigeena Puntland oo Gaaray Degmada Tukaraq ee Gobolka sool Waxaa Goor Dhweyd Gaaray degmada Tukaraq ee Gobolka sool wafdi culus uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Gen:c/semed cali shire. Wafdiga Madaxweynaha ayaan walli la xaaqijin sabaabta ay uu gaadhen degmadaas balse warar Xoogagal ah oo ay Saadaal Media Ka heleyso Wafdiga madaxweynaha ayaa sheegaya In uu u tagey arrimihii Kormeerida deeganada Hoostaga Gobolka sool ee uu dhawaan ku maraayey deeganadaas. Waxaana la rajaynayaa in Madaxweynaha oo lasoo laabto halkaas waxaana inta uu joogo kulamo la qaadan Doona Odayaasha iyo Waxgaradka Tukaraq wuxuna kala hadli doona arimo badan oo ku saabsan xaalada Degaanka iyo Arimo kale. Wixii kuso Kordha lasoco Madaxweyne ku Xigeena Puntland Gen:c/semed cali shire will he reach LA ? -
SHIRKA DIB-U HESHIISIINTA JUBBOOYINKA MOGADISHU-SOMALIA 3 - 6 November 2013 War Murtiyeedka Well done by SFG congrats The Future looks Bright Horudhac Iyadoo laga anbaqaadayo fulinta iyo hergelinta heshiiskii Addis Ababa ee bishii August 2013, Dowladda Federaalka Jamhuuriyada Soomaaliyeed waxay qabanqaabisey shir weyne dib u heshiisiineed ee shacabka jubbooyinka. Shirweynaha oo socday mudadii u dhexeesay 3 - 6 November 2013 waxaa ka soo qayb galay 200 xubnood oo ah ergo ka kala timid degaanada kala duwan ee Jubooyinka. Ergada shirku waxay si hufan uga falanqeeyeen sidii heshiis buuxa loo dhex dhigi lahaa bulshada degan Jubooyinka iyadoo laga anba qaadayo heshiiskii Adis Ababa. Qodaba dooda oo ahaa kuwo muhiim u ah dib u heshiisiinta iyo nabadeenta Jubooyinka waxay ahaayeen: Horumarinta nabadeynta iyo dib u heshiisiinta. Kordhinta amniga iyo Isdhexgelinta Ciidamada iyo la dagaalanka Argagixisada. Kor u qaadida adeega bulshada iyo dhaqaalaha. Dood dheer ka dib shirweynuhu waxay soo jeediyeen talooyinka soo socda: Dhinaca Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta 1. In si buuxda la iskula qaato heshiiskii Addi Ababa ee bishii August 2013. 2. In bulshada jubbooyinku isku tanaasusho, iscafiso, islamarkaana la isku celiyo wixii hanti ah lana joojiyo wixii colaad hurin kara iyadoo loo dirayo fariin nabadeed dhammaan deegaanadda jubbooyinka. 3. In maamulka ku meelgaar ah la wada taageero lana dhameystiro si loo wada dhan yahay oo ay ka dhaxmuuqdaan dhammaan beelaha dagan jubbooyinka, iyadoo la tixgelinayo xuquuqda beelaha laga tirada badan yahay, dawladda federaalka in ay gacan ka geysato fududeynta arrintaas. 4. In loo wareejiyo qaybta dambe ee dib u heshiisiinta magaaladda Kismaayo. 5. In la xoojiyo kaalinta bulshada rayidka ee Jubbooyinka. Arrimaha Amniga 1. In la dhiso hay’addaha amniga qeybahooda kala duwan sida Booliiska, Xooga Dalka iyo Ciidanka Asluubta. Kuwa ciidan aan noqon karina shaqo abuur loo sameeyo. 2. In si nabad ah dib loogu soo celiyo ciidamada jubbooyinka ee degan duleedka magaaladda Kismaayo. lana mideeyo ciidama oo dhan. 3. In ciidamada loo dhameystiro waxyaabaha ay u baahan yihiin; tababarka,qalabka iyo inla dhiso maxkamad ciidamada.. 4. In deegaanada Al-Shabaab haystaan xoreyntooda ay si wadajir ah iskaga kaashadaan maamulka KMG, Dawladda Federaalka Soomaaliyeed iyo AMISOM. 5. In la furo xarumo lagu dhaqan celiyo dhalinyarada la marin habaabiyay. Arrimah Bulshadda 1. In la horumariyo kheyraadka goboladda jubbooyinka sida xoolaha, beeraha, kaluunka iyo qeyraadka dabiiicaga; lana dhiiri geliyo ganacsiga iyo warshadaha gaarka loo leeyahay. 2. In lasoo celiyo goobihii waxbarashada, lana furo dugsiyo xirfadeed . 3. In la sameeyo daryeel caafimaad oo tayaysan lana gaarsiiyo ilaa heer degmo iyo tuulo. 4. Dowladda federal iyo bulshada caalamka in ay ka kaalmeeyaan gobboladda jubbooyinka sidii dib loogu soo celin lahaa adeegii bulshada. Mahadnaq 1. Ergadda shirweynu waxay mahadnaq u soojeediyeen dawladda federaalka ee Soomaaliyeed sida weyn ee isaga xilsaareen soo qaban qaabinta iyo higelinta shirweynaha dib u heshiisiinta. 2. Ergaddu waxay sidoo kale u mahadnaqayaan gacanta ay ka geesatay beesha caalamka nabadeynta iyo dib u heshiisiinta goboladda jubbooyinka si gaar ahna waxay ugu mahad naqayaan dawladda itoobiya oo dadaal dheeraad ah u gashay ka qeyb qaadashada dib u heshiisiinta goboladda jubbooyinka. .......DHAMAAD... Somali news leader www.jowhar.com jowharcom@hotmail.com golfyare@gmail.com
-
Heshiis lagu gaaray shirkii Jubooyinka 5 Nov 5, 2013 - 5:30:13 AM Shirka Gobolada Jubbooyinka ee ka socda Muqdisho ayaa lagu gaaray heshiis dhameystiran, iyadoo qodobadii looga dooday sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay looga dooday arimo badan uu amnigu ku jiro. Ergooyinka shirk aka qaybgalaya ayaa waxay maalmihii uu shirku socday ka doodayeen qodobo ay ka mid yihiin muuqaalka uu yeelanayo Maamulka KMG ah ee Jubba iyo sidii nabad loogu wada-noolaan lahaa. “Qodobadii shirka looga dooday waa lagu heshiiyay, maanta waxaa looga hadlay Amniga iyo sidii Ciidamada ku sugan Gobolada loo Qarameyn lahaa” ayay yiraahdeen xubno ka mid ah Ergooyinka shirka ka qaybgalaya. “Waxyaabaha aadka loogu farxo ee lagu heshiiyay waxaa ka mid ah in dadkii ka barakacay Kismaayo xiliyadii dagaaladu socdeen ay dib ugu soo laabtaan lagana wada-shaqeeyo Amniga” ayuu yiri Mid ka mid ah Ergada ka socota Jubooyinka. Sidoo kale Shirka ayaa Waxaa lagu Go’aamiyay in Shir Labaad oo Awooda lagu qaybsanayo lagu qabto Kismaayo, inkastoo aan la sheegin waqtiga uu furmi doono, kaasoo ay ka qaybgeli doonaan dhamaan dhinacyadii horay ugu dagaalamay siyaasada. Gelinka dambe ee Maanta oo Salaaso ah ayaa lagu wadaa in lasoo gaba-gabeeyo Shirka, iyadoo la qaban doono Xaflad weyn oo ay kazoo qayb-geli doonaan Wufuud ka socda Beesha Calaamka, dalalka Ethiopia iyo Kenya iyo Ururo uu ka mid yahay IGAD. Hogaamiyaha Maamulka Jubba Sh. Axmed Madoobe ayaa horay u sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in shirka uu noqon doono mid Jubooyinka u horseedi doona Horumar iyo Baraare.
-
Anigu qof walba oo wax iga sheegay waan cafiyay, aniguna waxaan doonayaa in la I cafiyo, waayo wax badan baa iga dhacay,” ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe oo xusay inay dib ugu laaban doonaan Kismaayo iyagoo gacmaha is-haysta. Hoggaamiyaha Jubba ayaa sidoo kale sheegay inuu rajeynayo inay isugu keenaan Kismaayo gabi ahaan maamullada gobollada dalka oo dhan si uu u dhexmaro wadahadal iyo is-afgarad. Guddoomiyaha Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo isaguna hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in Muqdisho ay ergooyinka ka yimid gobollada Jubbooyinka soo dhaweynayso. “Muqdisho iyo Kismaayo way isku xirmeen. Gobol wax noqon karana ma jiro iyagoo aan ku xirnayn Muqdisho, sidoo kalena Muqdisho waxba ma noqon karto iyadoo aan ku xirnayn gobollada dalka,” ayuu yiri Tarsan. Congrats to the SFG and the Banadir Admin for holding such wonderful event that will cement peace stability in south Somalia . We are witnessing the benefit of having Government .
-
Shirka Dib U Heshiisiinta Shacabka Jubbooyinka Oo Maalintii Labaad Ka Socda Muqdisho Maalintii Labaad ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya shirweynaha dib u heshiisiinta shacabka Jubbooyinka, iyadoo ajandaha looga hadlayo maantana uu yahay turxaan bixinta hishiiskii Adis’ababa iyo doodo loo qabanayo ergooyinka. Shirweynaha nabadeynta shacabka Jubbooyinka oo shalay ka furmay Muqdisho ayaa maalintii Labaad ka soconaya Muqdisho waxaana ajandaha shirka ee maanta uu yahay in ergada shirka ka qeybgaleysa loo turxaan bixiyo loona faahfaahiyo heshiiskii Adis’ababa ay ku kala saxiixdeen dowlada iyo maamulka KMG ah ee Jubba. Shirka ayaa waxa shir gudoominaya wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ahna gudoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka C/kariin Xuseen Guuleed wuxuuna sheegay in qeybta hore ee shirka ergada loogu faahfaahin doono heshiiskii Adis’ababa Ajandaha labaad ee shirkana uu noqon doono doodo loo qabanayo ergada ka qeybgeleysa shirka. Shirka ayaa waxaa shalay furay R/wasaaraha Federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon waxaana ka qeybgalaya boqolaal ergo ah oo ka kala socota deegaannada Jubbooyinka, waxaana ay dad badani quud dareynaynayaan iney ka soo baxaan go’aanno wax ku ool ah oo shacanka Jubbooyinka u herseeda nabad iyo horumar.
-
The Man of season as a Interior Minister its his job to reconcile the citizens and provide them stability so far his doing excellent work . He did a great work solving the Shabeellaha Hoose now jubba issue is being handled well by him . Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Guddoomiye u ah gudiga qaban qaabada shirka ayaa sheegay in shirkaan uu gogol xaar u yahay shirweynaha ka dhici doono magaalada Kismaayo kaas oo lagu gaari doono xal kama danabys ah. “Waxaa aad ugu faraxsanahay inuu si habsami leh looga soo wada qayb galay shirkaan, wuxuuna shirkaan daba socdaa shirkii Addis-Ababa, wxuuna qayb yahay talaabooyinka la rabo in lagu dhameeyo mad-madowga ku dhexjira dadka Jubooyinka dega, waana muhiim in shirka uu ku bilowdo qalbi furnaan iyo in qof walba doonayo in xal la gaaro, arintaas kaliya ayaa ah mida ay ku imaan karto xal waara oo laga gaaro dhibaatooyinka soo noq noqday ee Jubooyinka” ayuu yiri wasiir Cabdikariin.
-
well done by the SFG and Jubba Admin this should be lesson to come Opening speeches where touching and strong commitment for sustainable peace and stability " frameborder="0" allowfullscreen> Waxa ay dad badan is weeydiinayeen in uu shirka qabsoomayo iyo in kale xili maamulka Jubba uu diidmo xooggan kala horyimid shirka Xamar. Maanta ayuu ugu dambeyn qabsoomey kadib gorgortan siyaasadeed oo gacmaha hoos la’isaga dusiyey, waxaana arrimaha sii fududeeyey xaqiiqda ah in dadka ay ka daaleen xarig-jiidka faraha badnaa. Markii uu maanta furmey shirka, waxaa dhacay buuq yar oo sabab u ahaa ninkii shirka xiriirinayay oo ka tagay magaca hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe markii uu sheegayay madaxda soo xaadirtey. Balse markiiba raaligalin ayaa durba laga bixiyey. Mid ka mid ah beelaha caasimadda ayaa sheegey in ay shirka qaadaceen, inkasta oo aananba lagu casuumin, dowladana aysan u arkin in ay ka midyihiin dadka degga Jubbooyinka. Shirka ayaa laga soo saari doonaa qodobo, islamarkaasina wadada loogu sii xaari doonaa shirka xiga ee Kismaayo ee maamulka lagu dhamaystirayo. KismaayoNews.com
-
STOIC;984081 wrote: This Malistar dude has no Xishoood? He first attempted to put up a picture of some random lady to justify that the honorable didn't resign. We gave him benefit of doubt till the news is widely confirmed. Now he comes back with Professor Samatar conspiracy. The saint-like quality you want to paint for us is NOT there buddy. Try harder next scandal, but this one makes you look like a fool if you keep going on in defending the indefensible! For every story there are two side to it , if Yusur Abrar is against government of Somalia relocating frozen assets when in fact SFG are in need of money to fund security force and civil servant. One my ask whats her intention and why did she take the job ? knowing full well that SFG had contracts with foreign law firms . All in all story sounds fishy why did only her cousins press report it ? before she made a statement ?
-
Madaxweynaha Maamulka Jubba iyo wafddigiisa oo galabta lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho digg icon delicious icon Madaxweynaha Maamulka Jubba iyo wafddigiisa oo galabta lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho November 2, 2013 // user2 // Media News, News Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafddi uu hogaaminaayo oo maanta magaalada Muqdisho u yimid ka qeyb galka shirka looga hadlaayyo arrimaha Jubbooyinka ee la filayo inuu berri ka furmo Muqdisho ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay masuulyiin ka tirsan DFS. Masuulyiin isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan dowladda ayaa wafddiga Madaxweynaha Jubbaland ku soo dhaweeyay garoonka Muqdisho, waxaana masuulyiintaasi laga xusi karaa, Wasiirka Gaashaandhiga XFS iyo xubno kale. Madaxweynaha Jubbaland iyo wafddigiisa ayaa la dejiyay hoteelka Jaziira oo ah goobta uu ka dhici doono shirka looga hadlayo arrimaha Jubbooyinka. History is being made in Mogadishu as the city regains its respect hosting many successful National conferences. Congrats to the SFG for facilitating a reconciliation conference for the inhabits of the jubboyink and Gedo . No longer do Somalis need to travel to foreign Nations to reconcile.
-
In her letter, Ms Yussur also said she “vehemently refused to sanction the contract” with Shulman Rogers, a US law firm contracted to recover overseas assets frozen since before the civil war started in 1991. The same company was also hired to discredit the UN allegations of financial mismanagement ahead of a Brussels aid conference at which donors ultimately pledged $2.4bn, in what UN experts said was a conflict of interest. The law firm has previously denied any conflict of interest and said the UN experts made unfounded allegations. Shulman Rogers the US law firm was giving contract long before Yussur Abrar was nominated . Yussur Abrar has no power to refuse Shulman Rogers nor where she asked to give contract after all she was in office less then month . Well orchestrate hit by Somaliland admin and the sore looser Samater which is said to be close relative of Yussur Abrar where behind this type of propaganda . The Story was first published none other then SNM websites propaganda machines. Nothing will drill the SFG Progress
-
Sabti, November 02, 2013 (HOL) — Shirweynaha dib u heshiisiinta gobollada Jubbooyinka ayaa lagu wadaa inuu maanta gellinka dambe ka furmo xarunta Soomaaliya ee Muqdisho, kaasoo la sheegay in looga hadlayo sidii dhismaha maamulka KMG ah ee Jubba loo dhameystiri lahaa. Furitaanka shirweynahan ayaa waxaa kasoo qaybgalay ergooyin caalamka ka kala imaanaya, iyadoo uu furi doono madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Iyadoo la sheegay in shirkan uu qayb ka yahay heshiis ay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya bishii Ogoosto ee sannadkan. Ergooyinka shirkan ka qaybgalaya ayaa la filayaa in intooda badan maanta laga keeno gobollada Jubbooyinka, iyadoo qodobbada shirkan looga hadlayo ay ka mid yihiin sidii loo dajin lahaa qariidad ku saleysan howsha uu qaban doono maamulka KMG ah ee Jubba labada sano ee soo socota. “Qodobbada shirkan diiradda lagu saari doono waxaa ka mid ah horumarinta iyo nabadeynta gobollada Jubbooyinka,” ayuu yiri Inj. C/raxmaan Yariisow oo ah afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya. Shirkan oo dhowr jeer dib u dhacay ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilligan kaddib markii uu madaxweynuhu tagay magaalada Kismaayo, halkaasoo uu kula soo kulmay hoggaamiyaha maamulka Jubba, Sheekh Axmed Madoobe oo horay u diidanaa ka qaybgalka shirkan. Bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay ayaa lagu waday inuu shirkan furmo, balse mad-madow soo dhexgalay dowladda iyo maamulka Jubba ayaa dib u dhaca ku keenay, taasoo uu madaxweynuhu sheegay in xal waara laga gaaray. Shirkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo loo qabto shacabka ku nool Jubbooyinka, iyadoo laga doonayo ergooyinka inay ka hadlaan sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen horumarka iyo nabadeynta gobolladooda. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Xasan Abshir " Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka danbeeyay in jubbooyinka dib u heshiisiin ka dhacdo it was the good leadership of the President Sheekh Maxamuud that ended drama jubba drama http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/11/Xildhibaan-Xasan-Abshir.mp3" frameborder="0" allowfullscreen>
-
Madaxweyanaha soomaliya oo Booqday Jaamacada Kismaayo kana jeediyeey khudbad madaxweyne Xassan Sheekh oo Kismaayo dhaanto ku ciyaaraya. President is having to much fun in Kismaayo Madaxweyanaha dowlada Federaalka soomaliya Xasan sheekh oo wali booqosho ku jooga magaalada kismaayo ayaa maanta odayaasha dhaqanaka Jubbooyinka kula kulmay jaamacada kismaayo sido kale madaxweynaha ayaa khudbad dheer kajediyeey jamacada gudaheeda. Xasan sheekh ayaa odayaasha dhaqanaka jubbooyinka ku amaanay Doorka ay ka qaaten dhismaha maamulka iyo nabadaynta Jubba waxana uu dardaaran u jeediyeey bulshada iyo odayaasha dhaqanka ee jubboyinka. dhinaca kale odayaasha dhaqanka Jubbooyinka oo hadalka madaxweynaha kadib ka hadlay gudaha jaamacada kismaayo ayaa shegay in aad uga mahadcelinayaan madaxweynaha Dowlada Federaalka soomaliya imaatinka magaalada kismaayo,odayaasha ayaa shacabka somaliyeed meel walba ay jogaan ugu baqay in ay gacmaha is qabsadaan midnimadana ay ka shaqeyaan. Sidaas la socotaa waxaa Addis Ababa heshiis uu ku dhexmaray DF iyo sidoo kale Maamulka Jubba ee uu Madaxda ka yahay Sh. Axmed Madoobe, Runtii heshiiskaas idinka ayaa kaalin ka qaatay, waana idin kaga mahadcelinayaa” ayuu mar kale yiri Xasan Sh. Maxamuud. Sidoo kale, Madaxweynuhu uu kulamo la qaatay Maanta Bulshada rayidka ah ee Kismaayo ku nool, isagoo ka dalbaday inay gacan ka geystaan sidii ay u muujin lahaayeen kaalintooda ku aadan nabadeynta Gobolka iyo in dadku ay ku noolaadaan si walaalnimo ah. “Waan ku faraxsanahay inaan Kismaayo Imaado oo aan idinka iyo Odayada Dhaqanka aan la kulmo, aad ayaana ugu riyaaqay sida aad ugu diyaarsan tihiin nabadeynta deegaanadiisa, waana tan ay DF doonayso” ayuu Xasan
-
Waa markii ugu horeysay ee madaxweyne Soomaaliyeed uu booqdo Kismaayo 22 sano kadib wixii ka dambeeyay markii ay meesha ka baxday xukuumadii Meleteriga aheyd. Arrimaha aan u nimid waxaa ka mid ah nabadeynta Jubbooyinka iyo sidii loo dhameystiri lahaa heshiisyadii la gaaray. Qodobbadii lagu heshiiyay intoodii badan waa la isku af-gartay kuwa harsanna waa la dhameystiri doonnaa,” ayuu yiri madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in meel la iska dhigo khilaafaadka iyo dhaliilaha jira,isagoo sheegay in ay midnimo muujiyaan dadka walaalaha ee wada dega gobollada jubbooyinka,islamarkaana ay taageeraan maamulka KMG ah ee Jubba. Great day for all Somalis congrats to President Hassan " frameborder="0" allowfullscreen>
-
Madaxweynaha Oo Ku Sii Wajahan Kismaayo Iyo Qaban Qaabada Soo Dhaweyntiisa Oo Halkaasi Ka Socota Published on October 31, 2013 by Mowliid · 3 Comments · 759 views Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka la filayaa iney gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay si weyn uga socoto qabanqaabada soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha. Magaalada Kismaayo ayaa saaka waxaa ka socota qaban qaabada soo dhaweeynta madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la filayo inuu maanta gaaro magaaladaasi. Waa markii ugu horeysay ee madaxweyne Soomaaliyeed uu booqdo Kismaayo 22 sano kadib wixii ka dambeeyay markii ay meesha ka baxday xukuumadii Meleteriga aheyd.
-
Daawo khudbadii kuxigeenka xoghayaha guud ee qaramada Midoobay maanta ka jeediyay kulankii ku saabsanaa kordhinta ciidamada AMISOM ee Somalia . United Nation and IC are pleased and are happy with SFG achievement in one year , SAF will receive better and moderate weapons including tanks and aircraft's. kuxigeenka xoghayaha guud ee qaramada Midoobay also mentions Puntland and Somaliland and refers Somaliland as Hargesa admin they too must reconcile with SFG . http://www.dhanaan.com/dhanaan/daawo-khudbadii-kuxigeenka-xoghayaha-guud-ee-qaramada-midoobay-maanta-ka-jeediyay-kulankii-ku-saabsanaa-kordhinta-ciidamada-amisom-ee-somalia/ Ra’iisulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam oo la hadashay idaacadda VOA laanteeda Afka Soomaaliga ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay shirka iyo khudbada ay ka jeedisay, iyadoo sheegtay in shirkaasi la isku raacay in la tayeeyo ciidamada dowlada Soomaaliya oo laga taageero waxyaabaha muhiimka u ah, islamarkaana lagu kordhiyo Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya 600 oo askari,si dalka looga saaro caqabadaha dhinaca ammaanka ku saleysan. “ imaanshiyaheyga New York waxay tahay in aan kala doodo xubnaha golaha ammaanka taageerada Soomaaliya, anigoo la kulmay inta badan xubnahaasi oo aan kala sheekeystay xaaladda dalka uu ku sugan yahay iyo sida loogu baahanyahay taageero siinta Soomaaliya, sidoo kale waxaan kala hadlay in Ciidamada Soomaaliyeed ay helaan marka ay dhaawacmaan diyaarado suura galiya in si fufud dhaawacyadooda loo qaado, waxaana rajo wanaagsan ay ka muujisay in waxyaabaha halkaasi ay u tagtay ay ku guuleysan doonto” ayay tiri Fowsiya.
-
Governor Yussur Abrar is in Mogadishu this is today Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyntii kormeerkiisan ku tegay xarunta Bankiga dhexe ee Soomaaliyeed, halkaasoo uu kula kulmay madaxda Bankiga, isaga oo ka dhegeystay warbixin Maaliyadeedka dawladda iyo horumarka ay hiigsanayaan.
-
xiinfaniin;983528 wrote: Malistar2012, if I were you I would leave Oodweyne and his SNM gang to defend the SFG for they seem to be articulating it in a way that is credible, at least intellectually. The only problem with thier argument is that they are so desperate to see the defeat of one group that they discount fact rather aggressively But you are akin to the proverbial fool who rode two donkeys at the same time --the scares on his sorry behind were quite the ever apparent Duburka ilaasho waryaa Xiin you and odweyn are the same dawladiid remittance off SSDF and SNM at least odweyn does not hide behind Somali Flag at same wish for the destruction of Somalia. There are no enemy clans sxb SFG represent all the clans in Somalia
-
xiinfaniin;983502 wrote: Dalmar1, it is odd that you have only three posts and joined Jun 2013, yet you speak about xiinfaniin history in this fora Hassan is a big disappointment in many ways. This Kismayo visit is forced upon him. Xiinfaniin knows what he is talking about. The q is do you? xin are you disappointed that for once Somalia is progressing and heading the right direction . President Hassan will visit Kismayo Somali third Capital city part of the President schedule visiting major cities . Facts are after one year of President Hassan in office SFG is in control from Galkacyo to Kenyan border all the administrations are under the SFG Authority. Ahlu sunna has disarmed and joined the SAF Now will be Raskombani Faction time to integrated with SAF the game is over. Mogadishu the Capital city of Somalia is going through significant progress in all aspect of development . As of Today President Of Somalia and the Somali Flag are flying high in Kismaayo Somali third Capital Godbless SFG No more Farole and dawladiid Propaganda's
-
Waaxda Baarista dembiyada ee CID ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal lagu soo qabtay Taliyihii hore ee ciidamada Asluubta oo Maxkamada ciidamada qalabka sida hore ugu xukunta xabsi daa'in. yiEx-Sareeye Guuto Cabdi Maxamed Ismaacil oo ahaa taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed islamarkaana Maxakamada ciidamada qalabka sida ku xukuntay xabsi daa’in kadib markii lagu helay dembi ah in uu sii daayay maleeshiyaad ka tirsanaa Al shabaab ayaa ciidamadu ku soo qabteen howlgal ay ka sameeyeen degmada Wadajir oo uu ku dhuumaaleysanayay. Sareeye guuto Siciid Axmed Kadiye oo ah taliyaha waaxda baarista dembiyada ee ciidaanka booliiska oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in waaxda baarista dembiyadu ay gacanta ku soo dhigtay Taliyiihi hore ee ciidamada Asluubta oo Maxkamada ciidamada qalabka sida ay hore ugu xukuntay xabsi daa’in kadib markii lagu helay inuu xiriir la leeyahay dhaqar qabayaasha Shabaab. "Dambiile Cabdi Maxamed Ismaaciil Ex- S/guuto oo maxkamada ciidamada qalabka sida ku xikuntay xabsi daa’in kadib markii uu gacan saar la yeeshay Shabaab markii la ogaadayna uu ka baxsaday dalka, isagii oo caawa saacadu markey aheyd Laba saac iyo bar ku dhuumaaleysanaya xaafada Madiina ayaa ciidamada amniga oo hore ugu raad joogay ku guuleysteen iney gacanta ku soo dhigaan’’ Sidaasi waxaa yiri Siciid Axmed Kadiye Taliyaha waaxda Baarista dembiyada ee CID. Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa tibaaxay in qalabka lagu soo qabtay dambiilaha ay ka mid ahaayeen Computer iyo Laba Taleefoon oo sida uu sheegay taliyuhu la baarayo, sidoo kale taliyaha ayaa ku goodiyay in cid kasta oo dambi gasha la daba joogo loona soo qaban doono sida loo soo qabtay Cabdi Maxamed Ismaaciil.
-
Popular Contributors