malistar2012

Nomad
  • Content Count

    2,754
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by malistar2012

  1. Golaha Wasiirada oo manta Shiray iyo $3.6 malyuun oo dallar oo lo meel mariyay in dib logu howlgaliyo Jamacadii Ummada Somaliyeed. Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya oo uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” ayaa maanta meel mariyey qorshe lagu hawlgelinayo jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed oo ku burburtay dagaaladii sokeeye ee dalka soo maray. Kaddib soo jeedinta Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada iyo dood dheer kadib, waxaa uu Goluhu ansixiyay qorshaha dib-u-hawlgelinta Jaamacadda Ummadda , iyadoo loo qoondeeyey miisaaniyad gaaraysa $3.6 malyuun oo dallar, loona gudbiyay Wasaaradda Maaliyadda ee Dawladda Soomaaliya. Agaasinka Waxbarashada ee Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada oo dhowaan hirgelisay barnaamijka “Aada Dugsiyada”, ayaa sidoo kale ku hawlanaa dib-u-hawlgelinta Jaamacadda Ummaada Soomaaliyeed, waxana tallaabadani ka mid tahay guulaha Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Saacid, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu shirkii qaran ee waxbarashada ku balanqaaday dib-u-hawlgelinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa guul ku tilmaamay qorshaha lagu hawlgelinayo Jaamacadda Ummadda . “ waxaa maanta sharaf weyn noo ah in aan dib u hawlgelinno Jaamacaddii Ummadda, kaddib sanooyin badan oo aanay shaqaynin Jaamacadaasi, tani waxaa ay guul u tahay Xukuumadda iyo Qaranka Soomaaliya” Sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid. Jaamacadda Ummadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah waxaa jaamacad loogu aqoonsaday sannadkii 1974-tii , waxana lagu maamuli jiray xeerka lambarkiisu yahay 72 oo soo baxay 7-dii September 1977-dii, iyadoo soo saari jirtay aqoon yahano laf-dhabar u ahaa qaranka. Dhinaca kale, Golaha Xukuumaddu waxa uu maanta ansixiyey xeerka Maamulka Hey’adda Daraasaadka Badaha Soomaaliya (HDBS) , waxana kaddib dood iyo lafa-gur uu goluhu isku raacay in ay muhiim tahay in la sameeyo hay’addan, si loo waajaho dhibaatooyinka ka taagan badaha Soomaaliya. Dhismaha hay’addan oo samayn doonta cilmi-baaris waxa uu qayb ka yahay qorshah xasilinta qaranka iyo sidoo kale dadaalka ay Soomaaliya ku dooneyso in ay ku hanato dhamaan dhulka, badaha iyo hawada Soomaaliya. Dhinaca kale, Golaha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka dooday ammaanka guud ee qaranka iyo xaaladda amniga oo meel fiican maraysa, waxana uu soo dhoweeyey go’aankii uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ku kordhiyey ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM . Golaha ayaa sidoo kale ugu baaqay beelaha ku dagaalamaya gobolka Shabeelaha Dhexe in ay dirirta joojiyaan , islamarkaasina khilaafaadkooda ku xalliyaan tubta nabadda iyo wada noolaanshaha, waxana goluhu ku amray ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan in ay kala dhex galaan beelaha dirirtu ka dhaxayso. “ Waxaan ugu baaqayaa walaalaha ku dagaalamaya gobolka Shabeelaha Dhexe in ay joojiyaan colaada oo ay khilaafkooda ku dhameeyaan wadahadal , waxaan ku amraynaa ciidamadda dowladda ee halkaasi ku sugan in ay kala dhex galaan labada dhinac. Maanta waxaa la joogaa xilligii nabadda iyo horumarka. Sidaasi ayuu yiri Ra’iisul wasaare Saacid. —DHAMAAD—
  2. Sidoo kale, Sheekhu wuxuu sheegay in khilaafkan uu sabab u noqnayo inuu dalku horumar gaaro, sidoo kalena wuxuu ragaadinayaan dib u dhiska dalka iyo horumar lagu tallaabosado. “Khilaaf sidiisaba ma wanaagsan, waxaana madaxda leennahay dib u dhac yaan dalka iyo dadka loo horseedin, waana inaad khilaafkiinna si nabad ah ku xallisaan,” ayuu Sheekhu mar kale yiri. President Hassan needs chill out with the resignation demand let the Pm Shirdon select his Minister . SFG are making tremendous progress this is not the time for khilaaf. word is they will reconcile share the Minister picks back to the Honeymoon
  3. Culummaa’udiinka Soomaaliyeed oo Madaxda dowladda ugu baaqay inay si hoose u Xalliyaan Khilaafka soo dhex-galay Arbaco, November 13, 2013 (HOL) — Culummaa’uddiinka Soomaaliyeed oo ka hadlay khilaafka soo dhexgalay madaxda dowladda Soomaaliya ayaa ka dalbaday inay si hoose u xalliyaan, iyagoo sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan xilligan qaadi karin khilaaf. Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha hay’adda culummada Soomaaliyeed ayaa sheegay in khilaafkan uu xudun u noqon karo dib u dhac ku yimaada dalka, wuxuuna dalbaday in madaxdu ay iyaga xalliyaan khilaafkooda. “Waxaan maqlaynaa in khilaaf uu soo dhexglaay madaxda dowladda, taasi waa mid aad looga naxo, waayo shacabka Soomaaliyeed ma qaadi karaan wixii hadda ka dambeeya khilaaf iyo muran siyaasadeed oo madaxda soo dhexgala, sidaa daraadeed madaxda dowladdu waa inay khilaafkooda iyagu xalliyaan,” ayuu yiri Sheekh Bashiir. Sidoo kale, Sheekhu wuxuu sheegay in khilaafkan uu sabab u noqnayo inuu dalku horumar gaaro, sidoo kalena wuxuu ragaadinayaan dib u dhiska dalka iyo horumar lagu tallaabosado. “Khilaaf sidiisaba ma wanaagsan, waxaana madaxda leennahay dib u dhac yaan dalka iyo dadka loo horseedin, waana inaad khilaafkiinna si nabad ah ku xallisaan,” ayuu Sheekhu mar kale yiri. Dhanka kale, waxaa isla arrintan ka hadlay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ah guddoomiye ku xigeenka hay’adda culummada Soomaaliyeed, isagoo ku tilmaamay khilaafkan dhaqan laga soo gudbay oo dib u soo laabtay. “Waxaan filaynay in dhaqankaan laga soo gudbay, balse waan aragnaa inuu dib u soo laabtay. Waxaan u sheegaynaa madaxda dowladda in dadku aysan u dulqaadan doonin khliaafyo soo dhexgala madaxda dowladda, waa inay si hoose u xalliyaan khilaafkooda,” ayuu si ay caro ku jirto u yiri Sheekh Nuur Baaruud. Sheekha oo sii hadlay ayaa sheegay in madaxda Soomaalida laga doonayo in khilaafkooda ay si hoose u dhaqaan, maadaama la yiri gacmo-geel-jire hoos ayaa loo dhaqaan. Taasoo uu ula jeeday in madaxda Soomaalida ay sida ugu dhaqiyaha badan go’aan uga gaaraan. Khilaafka soo dhexgalay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa wuxuu gaaray heer uu ra’iisul wasaare Saacid ka sheego warbahinta inuu jiro khliaaf dastuuri ah oo soo dhexgalay isaga iyo madaxweynaha Somalia. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  4. Oodweyne;985829 wrote: Malistar, I know you are not the sharpest tools in the shed, but if I were youbi would give a rest in dreaming up all manner of nonsense about Somaliland I would do that specifically so that you can concentrate on delicious going on of your government. And by that I mean right here of SOL we have stories about presidential corruption that stinks to high heaven. We also have the latest political skulduggery in regards to the fall out between the prime minister and the president. And yet, you have the audacity to talk ahout Somaliland and whatnot. Again, as I have said your forte was always geared towards the "copy-and-paste", but still there are times one should be careful of what he thinks others may want to read from him, particularly as empty vassal that only delivers the copy-and-paste stuff the "looters incorporated" thinks are fit enough to be considered to be "news"; and that still will be the case, even if we are dealing with your kind of "low intelligence" creature or not the "sharpest-tool-in-the-shed". Oodweyne News is news whether it is about SFG Scandal or Somaliland Admin abusing Humane rights and arresting killing torturing who ever is against the secessionist agenda . are we to hide Hargesa admin Aggression towards those who believe in Somaliweyn ? listen to the audio the poor Doctor is screaming his lungs out from a prison cell in Hargesa while other doctors from Burco and Hargesa walk free ? ... Free the Doctors let people live free stop the aggression and abuse of power let the people have a choice .............................
  5. Dhakhaatiir Kawada Yimiday Gobolada Somaliland Ah Oo Muqadishu Kasoo Noqday Oo Lakala Saaray Kuwii Awdal Oo Xabsiga Lagu Guray " frameborder="0" allowfullscreen> Sadex dhakhtar oo ka socada Awdal oo maanta lagu xidhay Madaarka Harqeysa Kadib marki hawlo shaqo oo Jamacada camuud kaga soo noqdeen Muqadishu Dhaqaatiirta la xidhay oo ah Dr Muumin , Dr Abdirashiid iyo Dr Jibriir . After 2o years the SNM regime in Hargeysa are still forcing secessionist agenda on rer Awdal and SCC regions why ? We demand freedom of the three Dr's Muumin , Abdirashiid iyo Jibriir .
  6. magicbird;985679 wrote: Helping Non-Muslims against your Muslim brother, even if he's a wrongdoer is a grievous sin. I ask Allah to unite the Somalis against its real enenemy, the gaalo(of all colours) and not each other. This is the end of alshabaab terrorist they are not Muslim brothers their nothing but criminals send to destroy Somalia :mad:
  7. Arming and Training the Somali Arm Force is best solution to secure country from alshabaab , SFG trained thousand of troops inside and out side country . For UN to give time table for AU pullout by 2015 is a good news and positive step . The surge is meant to provide a short-term enhancement to the force known as AMISOM. After 18 to 24 months, the U.N. wants to hand over the fighting to the Somali army and send a U.N. peacekeeping mission to replace the AU force.
  8. UNITED NATIONS (AP) — The U.N. Security Council has approved a surge of African Union troops to fight al-Shabab militants in Somalia. The council voted unanimously Tuesday to authorize almost 4,400 more African Union troops and massive U.N. assistance to break the stalemate in Somalia, where top U.N. officials say the war against Islamic militants has ‘‘ground to a halt.’’ The council authorized an African Union force of 22,126 troops, up from 17,731. The surge is meant to provide a short-term enhancement to the force known as AMISOM. After 18 to 24 months, the U.N. wants to hand over the fighting to the Somali army and send a U.N. peacekeeping mission to replace the AU force. The resolution also approves 12 new military helicopters from troop-contributing countries. Same day Turkey Armed the SAF with navy ships Dowlada Turkiga oo doomo dagaal ugu deeqday Somalia Doonyahaan oo kale ayaan qabi jirnay oo ciidanka lagu qaadi jiray iyo hub culus, laakiin maanta doonyahaan wax weyn ayay nooyihiin maadaama aan xiligan haysanin doonyo dheereeya oo aan kula dagaalami karno burcad badeedda” ayuu taliyuhu hadalkiisa ku daray. Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal C/risaaq Qaliif Cilmi ayaa sheegey in ciidamada badda ay awood u yeelan doonaan difaaca xeebaha Soomaaliya ayna ka hortagaan qataraha dhinaca ammaanka ah. “Doonyahaan waxaa rajeyneynaa in lagu xiro qalab iyo hub casri ah si ay u adkeeyaan ilaalinta xeebaha dalka, waxaan ka rejeyneynaa in ay ku filnaan doonaan howsha loo igmaday ciidamada ilaalada xeebaha dalka” ayuu Abaanduulaha hadalkiisa raaciyay.
  9. Doohyahaan oo gaaraya ilaa 4 doonyood oo ay soo dhiibtay Dowladda Turkiga ayaa maanta lagu wareejiyeey Wasaarada gaashaandhigga Soomaaliya, kuwaasi oo loogu talagalay in ay ku howlgalaan ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya, ayadoo munaasabadda lagu wareejiyey oo ka dhacday Dekeda Muqdisho ay ka soo qeyb galeen Wasiirku xigeenka gaashaandhigga iyo qaar ka tirsan saraakiisha ciidanka xoogda dalka. Ugu horeyntii waxaa goobta ka hadlayaay Cabdul Axad oo kamid ah mas’uuliyiinta hay’ada Tika oo wakikiil ka ahayd dowladda Tuirkiga waxaana uu sheegey in doonyahaasi loogu talagalay ciidanka ilalada xeebaha Soomaaliya, ay u yaraato falalka burcad badeedda ay ku qafaalanayaan mariibka isticmaala badweynta India. Admiraal Faarax Axmed Cumar “Faarax Qare” oo ah Taliayah ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya ayaa ka sheekeyeey ahmiyada doonyahaan ay u leedahay howlgallada ciidanka badda, isagoo soo hadalqaaday nidaamkii hore ee ciidanka badda Soomaaliya. “Doonyahaan oo kale ayaan qabi jirnay oo ciidanka lagu qaadi jiray iyo hub culus, laakiin maanta doonyahaan wax weyn ayay nooyihiin maadaama aan xiligan haysanin doonyo dheereeya oo aan kula dagaalami karno burcad badeedda” ayuu taliyuhu hadalkiisa ku daray. Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal C/risaaq Qaliif Cilmi ayaa sheegey in ciidamada badda ay awood u yeelan doonaan difaaca xeebaha Soomaaliya ayna ka hortagaan qataraha dhinaca ammaanka ah. “Doonyahaan waxaa rajeyneynaa in lagu xiro qalab iyo hub casri ah si ay u adkeeyaan ilaalinta xeebaha dalka, waxaan ka rejeyneynaa in ay ku filnaan doonaan howsha loo igmaday ciidamada ilaalada xeebaha dalka” ayuu Abaanduulaha hadalkiisa raaciyay. Ugu dambeyntii Wasiir kuxigeenka gaashandhigga ee Xukumadda Soomaaliya Axmed Maxamed Carab ayaa uga mahad celiyeey dowlada Turkiga dowrka ay ka qadanayso qalabeynta ciidamada xoogda dalka. Axmed Maxamed Carab ayaa yiri “ waxaa farxad weyn ah in aan maanta la wareegno afar doonyood oo aan doonayno in aan hub saarano, si loogu xoojiyo ilaalinta xeebaha dalka, waxaana hubaa in tani ay wax weyn ka tari doonto ilaalinta iyo difaaca xeebaha Soomaaliya” Arintani ayaa dhiiro gelin karta dardar gelinta howlaha lagu difaacayo xeebaha dalka oo sanadihii ugu dambeyeey ay ku soo badanayeen dhibaatooyinka ay ugu weyn yihiin falalka burcad badeednimada iyo xaalufinta ay maraakiibta shisheeye ku hayaan kheyraadka badda Soomaaliya Twitt Share Kismaayo 24 News Agency Kala Xariir Email ka ah Kismaayo24@yahoo.com
  10. xiinfaniin;985606 wrote: Flights to Boosaaso and Garoowe are halted, road between Garoowe and Boosaaso is closed. Many are dead, many more are missing. Live stocks lost to the storm. This is a great day for Xaaji Xunjuf and Malistar2012. Seriously, how come there is no coverage on this tragedy in Somaliaonline? subhanallah don't mix politics and humane suffering especially our fellow Somalis in Puntland . Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Shaaciyay In Gudi Heer Qaran Ah Loo Saaray Duufaantii Ku Dhufatay Puntland Published on November 12, 2013 by Mohamed White-ka · No Comments · 467 views Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay Duufaannadii dhawaan ku dhuftay deegaanno ka tirsan Puntland, waxa uuna faah faahin ka bixiyey, xaaladda deegaannadaasi, tirada dadka ay saameysay iyo dadka gurmadka hadda u baahan. C/kariin Xuseen Guuleed ayaa hey’adaha gargaarka Qaramada Midoobay iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in si deg deg ah ugu gurmadaan dadka ay duufaannada waxyeeleeysay, isagoo intaa ku daray in Xukuumadda ay arrintaasi u saareyso Guddi heer Qaran ah oo musiibadaasi soo qiimeyneysa, waxa uuna u mahadceliyey Maamulka Puntland dadaalka ay arrimahaasi ka geysteen. Duufaannadanada oo si ba’an u sameeyey deegaanno badan ayaa watay Roobab iyo Dabeylo xooggan, waxaana sidoo kale dadka qaabilsan saadaasha Hawada ay sheegeen in duufaannadani ay sii socon karaan ilaa maalinta Arbaca ah, hase yeeshee waxaa laga war dhowrayaa sida dadka dhibaateysan gurmadka ay u baahan yihiin loo gaarsiiyo, iyadoo dowladda Soomaaliya ay Guddi u saareyso si wax looga qabto musiibadaasi.
  11. Hawdian;985594 wrote: @Malistar , YOu say one must go. I think we all know which one :cool: Its back to the good old days of the TFG,TNG, and Pre Gov. old game new players. I would prefer they solve issue move the Nation forward , President Hassan should stop interfering with PM job at same time PM Saciid needs to step up be more visible. Pm Saciid needs to build reasonable cabinet based on intellectual and impressive resumed not loyalty and alliance. President Hassan and Pm Shirdon both are to come out strong or leave office the stakes are high for two individuals delay the Progress Somalia is making.
  12. This is unacceptable and embarrassment President Hassan and PM SAACID the situation should be solved asap or one of guys must go .
  13. RA’IISUL WASAARE SAACID: “Khilaafka naga dhexeeya Aniga iyo Madaxweynaha waa mid Dastuuri ah ee ma ahan mid Siyaasadeed alaado, November 12, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya soo dhexgalay ayaa sheegay in khilaafkani uu yahay mid dastuuri ah, balse uusan ahayn mid siyaasadeed. Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in xukuumaddu ay jirto muddo hal sano ah, ayna soo martay marxalado kala duwan oo adag iyo caqabado badan, hadana muddada kooban ee halka sano ahayd ay gaartay guulo waaweyn iyo waxqabad muuqda gaar ahaan dhinaca amniga, dib-u heshiisiinta, maamulka iyo kobcinta dakhliga, waxbarashada, xoojinta siyaasadda arrimaha dibada, dhismaha haykalka dawladda iwm. “Inkastoo waxqabadka iyo hormarka aan kor ku xusay iyo wada-shaqeynta waanaagsan ay ku dhammaatay sanad-guuradii koowaad, anoo ka xun waxaan ku war-galinayaa ummadda Soomaaliyeed inuu dhab yahay is-maan-dhaafka la maqlay oo ka dhaxeeya aniga iyo madaxweynaha. Is-maandhaafkaas ma’ahan mid siyaasi ah ee waa mid dastuuri ah, xalkiisuna waa fahamka iyo ku dhaqanka dastuurka Qaranka,” ayuu ra’iisul wasaaruhu ku yiri qoraalka uu soo saaray. Mudane Saacid oo sii hadlaya ayaa wuxuu yiri: “Waxaan ka codsanayaa gabi ahaan ummadda Soomaliyeed inay ku kal-soonaadaan madaxdooda iyo xildhibaannada golaha shacabka oo iyagu leh mas’uuliyadda koowaad ee xal u helidda is-maandhaafkan.” Ugu dambeyn, maadaama ay horyaallaan dalka marxalado adag gaar ahaan dhanka amniga, waxaan farayaa ayuu ku yiri warsaxaafadeedkiisa hay’adaha dowladda oo dhan inay wataan howshooda Qaran, siina laba jibbaaraan sidii ay ku adkeyn lahaayeen ammaanka iyo habsami u fulinta howlaha kale ee dowladda. Sidoo kale, waxaan ka codsanayaa buu yiri shacabka Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddanaa wadaninimada, nabadda iyo hormarka dalka. Madaxweynaha Soomaaliya aya isagu weli ka hadlin khliaafka soo dhexgalay isaga iyo ra’iisul wasaarihiisa, waxayna tani caddeynaysaa in inksatoo ay ka baxday Soomaaliya xiligii KMG ahaa haddana aysan weli ka bixin khilaafyadii u dhexeeyay madaxda dowladda. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  14. Xaaji Xunjuf;985449 wrote: What ever happened forming a central command with puntland i believe saacid was in Puntland 6 months ago and they agreed on that what happened did faroole back down.i think it will be very difficult to move to Mudug Puntland controlled area with out the approval of Puntland. eventually every state will hand over their militias to be trained and incorporated with SAF , other regions remaining are ximen iyo xeeb and Raskamboni troops south will have chain of command structure for the first time in 25 years . Soon to come Saalax Looters Inc Freed you from rip Siyad Barre regime you should be Thankful
  15. Daawo Sawirada Ciidamada Ahlusuna oo lagu biiriyay ciidamada dowladda iyo Xerada 21aad la furay Munaasabad ballaaran oo dib loogu furayay Xerada Ciidamada Xoogga dalka ee 21-aad ee Magaalada dhuusa-mareeb ayaa Gelinkii dambe ee Maanta lagu qabtay Dhismaha xaruntaas oo ku taalla magaalada dhuusa-mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud iyadoo si rasmi ah xarigga uu uga jaray dib u furitaanka Xerada Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen.C/Risaaq Khaliif Cilmi ,waxaana munaasabaddaasi goobjoog ka ahaa,Saraakiisha Taliska Xoogga dalka ee 21-aad,Saraakiisha sarsare ee Ahlusunna Waljamaaca ,Odayaasha Dhaqanka,siyaasiyiin iyo martisharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda. The SFG are slowly getting control of the Country and holding alshabaab in a small towns .
  16. Saraakiil Ka Socota W/Gaashaandhigga Oo Gaaray Degmada Bacaadweyne Ee Gobolka Mudug Published on November 11, 2013 by Mowliid · 1 Comment · 565 views Saraakiil ka socota wasaarada Gaashaandhigga xukuumada Soomaaliya oo socdaal ku jooga deegaanno ka tirsan gobalka Mudug ayaa wada qorshayaal ay ugu kuurgalayaan xaalada ciidamada halkaasi ku sugan. Saraakiishan ka socotay wasaarada Gaashaandhigga oo ay wehliyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gulmudug ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray degmada Bacaadweyne ee gobolka Mudug, waxeyna ujeedada socdaalkooda ku tilmaameen u kuurgelida xaalada ciidamada iyo sidii ay uga mid noqon lahaayeen ciidamada Qalabka sida. Sidoo kale saraakiishiisha oo si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Bacaadweyne ayaa sheegay iney diiwaan gelinayaan ciidamadii hore islamarkaana ay qorayaan ciidamo cusub oo ka mid noqda ciidamada qalabka sida, waxeyna halkaasi ku diiwaan geliyeen boqolaal ciidamo ah oo ka mid noqonaya kuwa Qaranka. Saraakiishan ka socota wasaarada gaashaandhiga ayaa la filayaa iney booqdaan deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Mudug si ay usoo diiwaan geliyaan ciidamo cusub oo ka mid noqondoona ciidamada qalabka sida, waxeyna hore usoo booqdeen xerooyinkii ciidamada ku lahaayeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
  17. Xaaji Xunjuf;985328 wrote: Nothing is as worse as whats happening in Somalia a suicide bomber in Somalia killing more than four a former Bank CEO resigned due to forced corruption back door deals she refused to put her stamp on it. Clan tensions brewing in the central regions. Alshabaab still remains a major threat to the government not that long ago they even carried out an attack in the most secured place of Somalia Hiiraan region. No one cancelled the talks the SFG just needed more time because of all these problems. Intay guda kala ku mashquulsanayd bay teedi qudhuntay allow alleh. Terrorist attacks are happening in most secure countries , Somalia is no different but alshabaab are being contained at the moment and they will be finished of . SFG controls vast land From Galkacyo kenya border . Ali Khalif political career and credibility will resurrect if he manages to turn Khatuum into another Jubba fiasco , sell the project to SFG and IC Hold reconciliation conference in the Nation Capital . SFG has just send fresh trained troops strength Galgalduud regions it to can strength Khatuum admin in Talex:). Khatuum or SSC
  18. Somaliland in Panic mode First oil Companies evacuated due security issue Now Ethiopia has just banned issuing Visa , then you have cold war between the ruling party and the opposition several assassination attempt. Khatuum state will be nail in the coffin . It was a wise choice by SFG to cancel Talks.
  19. Qaraxyo Dhowr ah oo Caawa ka Dhacay Magaalada Boosaaso iyo Xabsiga Dhexe ee Gaal-shiraha oo la weeraray Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Iska-hor-imaad aad u xooggan oo muddo hal saac ku dhow socdey ayaa caawa ka dhacay xabsiga dhexe ee Gaal-shire oo ku yaal waqooyiga magaalada Boosaaso. Taliyaha xabsiga la weeraray Shire Siciid Maxamed oo Hiiraan Online khadka telefoonka ugu warramay, ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo tiradooda uu ku sheegay inta u dhexeysa 60-70 qof. " waxaa nasoo weeraray Al-shabaab, rag aan ku qiyaasay inta u dhexeysa 60-70, afarta gees ayey rasaastu naga qabsatay...ku-xigeenkaygii iyo askari kale oo isbatoore ahaa waa dhinteen, aniga iyo askari kalena dhaawac baa nasoo gaaray...aniga firir baa i gaarey, dhaawacaygu waa fudud yahay..." Taliye Shire oo HOL u warramayey ayaa sidaas yiri Kooxda weerarkaas geysatey ayuu Taliye Shire sidoo kale sheegay in ay lugeynayeen, islamarkaana ay aad u hubeysnayeen, isagoo intaas raaciyey in xabsiga ay afarta dhinac rasaas kaga fureen, haseyeeshee ay ilaalada xabsigu si xooggan isaga caabiyeen. Taliyaha xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso Shire Siciid Maxamed ayaa ugu dambeyntii sheegay in lagu guuleystey in dib loo riixo kooxdii weerarka soo qaaday, kaddib markii ilaalada xabsigu ay gurmad ka heleen qaybaha kala duwan ee ciidamada amniga. Mar aan wax ka weydiiyey khasaaraha dagaalkaas ka dhashay, wuxuu sheegay in dhankooda ay labo askari ka dhinteen, labo kale oo isagu uu ku jirana ay dhaawac yihiin. Labada askari ee geeriyoodey ayaa kala ahaa taliye ku-xigeenkii xabsiga oo lagu magacaabi jirey C/raxmaan Abshir iyo askari kale oo isna magaciisu ahaa Maxamed Colow. Dhinaca kale saddex qarax ayaa caawa laga maqlay magaalada Boosaaso. Mid kamid ah qarxyadaas ayaa ka dhacay meel u dhow xarunta dowladda hoose ee degmada. Wixii warar ah oo kasoo kordha arrintan iyaga oo faah faahsan dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa... Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online xaajidirir@hiiraan.com Puntland, Soomaaliya
  20. Madaxweynaha Soomaaliya oo Galabta Soo Xiray Shirweynihii Caafimaadka ee ka Socday Muqdisho “Sawirro” Shirweynihii caafimaadka dalka oo mudada sedaxda maalin ka socday magaalada muqdisho ayna ka qeyb galayeen quburo iyo xirfadlayaasha caafimaadka ayaa waxaa laga soo saaray shan qodob oo saldhig u noqonaya horumarinta caafimaadka dalka Soomaaliya,kaddib aragtiyo iyo doodo kala duwan oo ay isku geeyeen xirfadlayaasha,quburada caafimaadka iyo wasaarada horumarinta adeega bulshada,waxaana gunaanadkii maanta ka soo qeyb galay madaxweynaha jamhuuriyada federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wasiirka wasaarada horumarinta adeega bulshada Drs Maryam Qaasim Axmed, wasiir ku-xigeenka wasaarada horumarinta adeega bulshada Maxamuud Macalin Yaxye, mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya,ergadii shirka ka qeyb galeysay iyo marti sharaf kale. Dr khaliif Bille Maxamuud oo kamid ah quburada caafimaadka ee ka qeyb gashay shirweynaha caafimaadka ayaa ugu horeyn goobta ka aqriyay shanta qodob ee ku aadan horumarinta caafimaadka dalka,kuwaa oo kasoo baxay doodihii iyo aragtiyadii ay is-dhaafsadeen ergadii shirka ka qeyb gashay. Qodobada ka soo baxay shirka ayaa waxaa ka mid ah:- 1: In la sameeyo maamulka caafimaadka iyo maareeyntiisa 2: In la sameeyo siyaasad iyo istiraatiijiyad caafimaad 3: In dib loo habeeyo nidaamka iyo sharciyada caafimaadka 4: In la xoojiyo hogaanka iyo maareeynta guud ee caafimaadka 5: In la xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga ay wasaaradda caafimaadku la leedahay hay’adaha si loo helo wada shaqeyn fiican,taasi oo horseed u noqoneeysa ka faa’ideysiga dhaqaalaha kooban ee soo gala dalka xaga caafimaadka. Drs Maryam Qaasim Axmed wasiirka wasaarada horumarinta adeega bulshada xukuumadda soomaaliya oo ka hadashay xiritaanka shirweynaha ayaa ku cel celisay in dowladda ay muhiimada weyn siineyso caafimaadka,iyadoo horumar ku tilmaantay qodobada shirkan ka soo baxay. Drs Maryan Qaasim Axmed ayaa madaxweynaha ka codsatay in muhiimad gaar ah la siiyo caafimaadka dalka. Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka ah ee soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray shirweynaha caafimaadka ee mudada sedaxda maalin ah socday ayaa jeediyay khudbad uu dhowr arrimood kaga hadlayo isagoo balan qaaday in ay muhiimad weyn dowladiisu siin doonto sidii adeeg caafimad oo tayo leh ay dadka soomaaliyeed u heli lahaayeen iyo dhaqan galinta shanta qodob ee saldhiga ah horumarinta caafimaadka dalka oo laga soo saaray shirweynaha caafimaadka. “Waxaan balan qaadeenaa wixii karaankeena ah in aan ku kabno hooyada,canuga iyo waayeelka soomaaliyeed in uu caafimaad helo hadii alle idmo,iyo in qof waliba oo soomaali ah uu meesha uu joogo uu ka helo meel uu daawo u doonto marka uu xanuunsado”Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Dhakhaatiirta iyo quburada caafimaadka ee ka qeyb galay shirweynaha looga hadlayay caafimaadka dalka ee maanta la soo gabagabeeyay ayaa si wadijir ah u qeexay in hadii ay dhaqan galaan shanta qodob ee saldhiga u noqonaya horumarinta caafimaadka dalka Soomaaliya ee ka soo baxay shirka ay wax badan ka badali doonaan xaaladaha caafimaad xumo ee ka jira Soomaaliya.
  21. ay’adaha Ammaanka Qaranka oo Faahfaahin ka Bixiyay Dhagar qabe la Qabtay iyo Qaraxii Caawa ka Dhacay Hoteelka Makka Al-Mukarama “Dhageyso” Published on November 8, 2013 by Cilmi Waare · No Comments · 2,510 views Hay’adaha ammanka dalka oo faahfaahin ka bixiyay qaraxii ka dhacay hoteelka Makka Al-mukarama iyo dhagar qabe ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab oo ay ciidamadu ku qabteen isla hoteelkaasi. Afhayeenka hay’adaha ammaanka dalka Jeneraal Maxamed Yuusuf Cumar Madaale oo la hadlay radio muqdisho iyo telefishinka qaranka ayaa sheegay in galabta markii ay caacadu ahayd 5:30 daqiiqo uu dhagar qabe ka tirsan kooxda baadiyoday ee xalaaleeysatay dhiiga shacabka soomaaliyeed uu soo galay hoteelka Makka Al-mukarama isaga oo wata Lap-top ka dibna waxa uu galay goobta lagu shaaxeeyo ee hoteelka,isagoo isku dayay in uu garabka ka soo siibto Lap topkii uu watay oo uu miiska saarto laakiin waxaa ka dhacay qarax kaaso oo u muuqday in wixii uu soo diyaarsaday oo uu doonayay in uu ku halaago shacabka aysan ugu suura galin sidii uu u rabay. Jeceraal Madaale ayaa sheegay in dadkii shacabka ahaa ee goobta ku sugnaa ay gacanta ku dhigeen dhagar qabahaasi,ka dibna ciidamada ammaanka ay goobta gaareen,iyadoo lagu guuleeystay in la aqoonsado waxyabihii ka dhex dhacay Lap-topka oo ahaa qarax dhab oo uu ugu tala galay in uu ku laayo dad aan waxbo galabsan oo maqaayada hoteelka fadhiyay. Afhayeenka hay’adaha ammaanka qaranka Jeneraal Maxamed Yuusuf Cumar Madaale ayaa intaasi ku daray in intii la baarayay waxyaabaha uu ka koobnaa qaraxaasi,su,aalana la weydinayay dhagar qabihii la qabtay ayuu sheegay Madaale in qarax kale oo baabuur loo adeegsaday uu ka dhacay banaanka hoteelka. Jeneraal Madaale ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen ilaa 5 qof,isagoo sheegay in 26 qof ay ku dhaawacmeen. Jeneraal Madaale ayaa sheegay in kooxaha dhagar qabayaasha aysan weeraradaasi ka gaarin ujeedadii ay ka lahaayeen. Jeneraal Madaale ayaa shacabka ugu baaqay in ay mar kasta gacan siiyaan ciidamada ammaanka. Hoos ka Dhageyso Codka Afhayeenka hay’adaha ammaanka qaranka Jeneraal Maxamed Yuusuf Cumar Madaale SFG has foiled many attacks recent month and days , alshabaab suicide bombers are almost impossible to stop nevertheless Mogadishu police force have been successful . The Terrorist cowards are targeting Civilians soft spots public gatherings . The People of Mogadishu will overcome the coward attacks and will only strength the unity to fight terrorist.
  22. Hawdian;985069 wrote: @ Malistar- The Republic of Somaliland Has Nothing do with your Country or What kind of Passports you release. However if you decide to Harass Somaliland Students Abroad because of Politics, Then All Options are on Table I Know There is Many Koonfuur people who live in our country they study, work, and do Business freely, As I said All Options are on Table. what evidence do you have that Somali ambassador is harassing Somali students from Hargesa , other then accusation PR Propaganda to cover up for the failure of Somaliland Passport. " frameborder="0" allowfullscreen> Listen to the Somaliland Opposition SL failed , Ethiopia our beloved friends no longer accept SL Passport ? Its time to change the Mission
  23. Wiil Cusub;985072 wrote: We will see who win dirty game If Culusow interfere Somaliland internal issue, we will play back in shabeelada hoose and in Marka. Let us play and stop useless dialog in Istanbul The Road to SHabeeleda hoos and Marka is a long Road You have to pass through Raag Culus , If you are counting on Terrorirst Godane he will be killed or captured soon .
  24. If you don't have it sorry mate , This is part of new security policy for the SFG and it will also improve the travel restriction placed on the old green Passport . The new e-passport for Somalia is the only valid travel document in the country and this was issued by the SFG. Somaliland's allegations are baseless and irrational. That's the end of it .
  25. spartacus;985054 wrote: tell me who is going to support khaatumo. SL and PT are competing to hunt down the debris of khalif galaydh. after that somaliland will reclaim it's actual borders. end up khaatumo just entertain yourself with such delusion ideas Ali khalif galaydh is in ***** he should make peace with SFG leadership seek support for Khaatuum Project and end the secessionist dream Good to see the blue flag raised high , SFG are ought to support the Khatuum people .