malistar2012
Nomad-
Content Count
2,754 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by malistar2012
-
Shir deg deg ah oo ay maanta isugu yimaadeen Gollaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa looga dhagaystay warbixino gudiyo wasiiro oo loo kala diray gobolada shabellooyinka iyo Hiiraan, Miisaaniyada sanadka 2014. Waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha XF ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” Ugu horayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku aamany gudiyadii wasiirada ahaa ee goluhu magacaabay todobaadkii hore, shaqada wanaagsan oo ay ka soo qabteen gobolada Gobolka Hiraan. “Waa shaqo fiican oo bilow ah howsha ay soo qabteen gudiyadii kala aaday shabeelooyinka iyo Beladweyn, waxayna dowaldu ka shaqyn doontaa in colaadhaan oo kale lagu xaliyo qaab wada hadal ah, lana xoojiyo kalsoonida shacabka, si wada shaqayn buuxda loola yeesha shacabka, ciidamadana kaalintoodu noqoto sugida amniga muwaadiiinta” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu. Dhanka kale wasiirka maaliyaada iyo qorshaynta mudane Maxamud Xasan Suleiman ayaa ka warbixiyey miisaaniyada ay qorshaysay wasaaradiisu sanadka 2014, taas oo ay ka muuqatay koror siyaado ah marka loo fiiriyo miisaaniyadii sanadkan 2013. “Miisaaniyada sanada 2014 aan qorshaynay ayaa gaaraysa 219.Malyan oo doolar, , miisaaniyadan ayaa ah mid ka badan tii sanadkii hore, 128 malyan oo ka mid ah waxay ka imaanaysaa dakhliga gudaha dalka, halka 91 milyan ay ka imaanayso kaalmada caalamiga ah, waxaa miisaaniyada cusub qayb ka ah 137 maylan oo loogu tala galay dhank horumarinta oo aan dowlada soo maraynin” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta . Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka mudane Cabdikarin Xusein Guleed oo hogaaminayey gudigii aaday magaalada Beladweyn ayaa ka warbixiyey kulamadii ay la qaateen bulshada qaybaheeda kala duwan. “ Kulankii aan la yeelanay dadka reer Beladweyne waxay noo muujiyeen sida ay u jecel yihiin dowladnimada, waxayna noo balan qaadeen in ay xoojinayaan isku xirka dadka iyo dowlada, dhankayaga waxaan soo dhaweeynay kuna taageernay shacabka reer Hiiraan dadaalkooda ay ku doonayaan inay ku samaysataan Maamul ay shacabku soo doorteen, taas oo ka turjumaysa siyaasada dowlada, si meesha looga saaro maamuladii la soo magacaabi jiray” ayuu yiri wasiirku oo dhanka kalana xusay in qaraxii ka dhacay Beladweyn ay ku dhinteen ciidamo boolis ah oo isu diyaarinayey inay tukadaan salaadan duhur, taas oo muujinaysa in kooxda nabad diidka ah aysan xurmaynayn salaada iyo diinteena suuban. Ugu danbayntii golaha ayaa sheegay inay sii wadi doonan ka doodi miisaaniyada, taas oo sii socon doonta usbuucayada fooda nagu soo haya, si loo turxaan bixiyo loona helo miisaaniyad la jaan qaadi karta dhibaatoyinka dhaqaale ee horyaal dalka. ----DHAMAAD---- Somali news leader www.jowhar.com jowharcom@hotmail.com golfyare@gmail.com
-
Alshabaab are now hiding among small tribes in rural areas , taken advantaged from clan animosities that exist in Somalia especially in the south . SFG Troops so far in the last couple month defeated ashabaab in Mahaday district of Gobolka Sh/ Dhex and now Sh /dhex is complete clean of alshabaab, Jalalaqsi iyo Buula Burte ee Gobolka Hiiraan are the last remaining districts held by Alshabaab in Hiiraan this will end this week inshallah. Congrats to the SFG and Hiiraan admin its time to Pacify Alshabaab terrorist from the rural area of Somalia
-
BREAKING NEWS..... WARARKII UGU DAMBEEYAY EE LAGA HELAAYO GOBOL WEYNAHA HIIRAAN AYAA SHEEGAYAA IN MAANTA CIIDAMADA MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN OO TIRO AHAAN GAARAYAY ILAA 6 KUN OO UU HOGAAMINAAYAY MADAXWEYNAHA MAAMUL GOBOLEEDKA HIIRAAN COL. LAQANYO. INEEY U DHAQAAQEEN DHANKA DEGMADA BUULABARDE . WARARKII UGU DAMBEEYAY AYAA SHEEGAYA IN CIIDAMADA MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN AAY DHAAFEEN DEEGAANKA GARAS YAANI OO AH DHUL BUURALEEY AH OO KEYN AH. IYAGOO CIIDAMADA AAY LUGEEYNAYAAN AYAY MAREEN JIINKA WABIGA MADAXA MAAMUL GOBOLEEDKA HIIRAAN COL. CABDI FAARAX LAQANYO AYAA ISAGOO TUUTAHA CIIDANKA QARANKA WATO WAXAA UU SHIR JARAAID KU QABTAY DEEGAANKA LUUQ JEELOOW OO KA TIRSAN GOBOLKA HIIRAAN. WAXAA UUNA COL. LAQANYO SHEEGAY SAACADAHA NAGU SOO AADAN IN GUUD AHAAN GOBOLKA HIIRAAN LAGA CIRIB TIRAAYO CANAASIIRTA ALQAACIDA ALSHABAAB EE KUSOO GAR ******AY GOBOL WEYNAHA HIIRAAN IYO GUUD AHAAN DAL WEYNAHA SOMALIA.
-
Axad, November 24, 2013 (HOL) — Taliyaha ciidamada Jabuuti Col. Cismaan Dubad ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal saacadihii hore ee maanta ay ka bilaabeen ciidamada dowladda, AMISOM iyo kuwa Itoobiya saldhigyada Al-shabaab ee gobolka Hiiraan. Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada saakay ku baxeen labo jiho oo kala ah sida uu hadalka u dhigay Bariga iyo Galbeedka magaalada Beledweyne, iyaga oo gaaray ayuu yiri saldhiyo ay lahaayeen Al-shabaab. ‘’Ciidamada saakay waxaa ay u dhaqaaqeen labo jiho iyaga oo ujeedadoodu tahay in ay ku beegsadaan Al-shabaab saldhigyada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan, xiligan ciidamada waxaa ay ku sugan yihiin dhinaca Galbeedka deegaannka lagu magacaabo Raan-gaabo oo ka mid ahaa saldhigyada Al-shabaab, dhinaca Bari ciidamada waxaa ay sii dhaafeen deegaannka Baar-dheere,’’ ayuu yiri taliyaha ciidamada Jabuuti ee howlgalka AMISOM. Col. Cismaan Dubad ayaa sheegay in howlgalkan uu noqon doono mid bilow ah u ah qorshe la doonayo in guud ahaanba gobolka looga saaro Al-shabaab, isaga oo intaa ku darray in ilaa iyo hadda aysan jirin wax iska cabin ah oo ay la kulmeen ciidamada. ‘’Intii uu howlgalku socday saacadihii aynu soo dhaafnay wax iska caabin ah lama aysan kulmin ciidamada, meel kasta oo ay tagaan waa ay ka sii firxannayeen koooxaha nabad-diidka [Al-shabaab] ayuu intaa raaciyay taliyaha ciidamada Jabuuti. Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa saakay waabarigii hore ku Idha-qaaday ciidamo ku hubeysan gadiidka dagaalka kuwoodii ugu badnaa oo u ruqaansaday saldhigyada Al-shabaab kadib Labo weerar Ismiidaamin ah oo bil gudaheed ka dhacay magaalada Beledweyne. Taliyaha ma uusan sheegin in ciidamada saakay ka dhaq-dhaqaaqay magaalada Beledweyne ku wajahan yihiin degmada Buula-burte, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in uu bilow u yahay howlgalkan qorshe la doonayo in lagu gaaro dhamaan deegaannada ku jira gacanta Al-shabaab. Ilaa iyo hadda ma jiro faah faahin dheeraad ah oo ay warbaahinta siiyeen saraakiisha ciidamada dowladda ee maamulka gobolka Hiiraan ee qeybta ka ah howlgalka ka dhan-ka ah saldhigyada Al-shabaab ee gobolka Hiiraan.
-
burahadeer;987374 wrote: Somali police...SFG???? where do they control?!,,,,Beletweyne,Jowhar,Afgoye,Merca,Brava,Baidabo,Kismayo??? what a joke.! all under African forces. Shame on you. I would rather hide my neck if were you. Cidima uma fadhideen kuwan oo istaagi kara. Yes why don't you go to beletweyne,Jowhar,Afgoye,Merca, Baidabo,Kismayo see for yourself ................. Also you missed Gal-Mudug and Galgaglduud gobolada dhexe ee soomaaliya newly trained Police I guess SFG and IC are serious about beefing up Security in Somalia Newly Trained Gal- Mudug Newly Trained Galgaduud police Ciidamadan booliska ah oo tababarku uu u socday in ka badan laba bilood ayaa maanta loo soo xiray xarunta gobolka Galgduud iyo deegaanadad hoos yimaada. burahadeer SFG are are moving fast and quietly taking over the country , President Sh Maxmuud Has Three more years to put the finishing touch its all about matter of time .
-
The Turks want to open a consulate in Somaliland.
malistar2012 replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
1 -
SFG are quietly pushing Hargeysa admin to adopt federalism doing this while the Aging Silaanyo admin are at sleep . Hargeysa Admin resisting Federalism complaining about several issue ............... Somali airspace solely run by SFG Somali New E- Passport the only Passport accepted In Somali Peninsula Khatuum - SFG will soon get their hands in SSC Interesting development Read on Talaado, November 19, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyey inay faro-galin ku hayso arrimaha Somaliland. Wasiirka oo shirjaraa’id ku qabtay xafiskiisa ayaa sheegay in khilaafka ka jira madaxda Soomaaliya ay sabab u tahay arrimaha Somaliland oo la isku hayo, isla markaana kharash badan ku bixinayaan khalkhalgalinta Somaliland. “Dowladda Soomaaliya waxay wadaa faydo siyaasadeed inay dalkan (Somaliland) laga abuuro, sida awgeed waxay ku talo jiraan in la abuuro in dad Somaliland khilaaf ka dhasho oo si macno daro ah loo duufsado dad inaga mid ah, isla markaana loo eekaysiiyo Soomaaliyadda khalkhalsan”ayuu yidhi wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancadde oo eedeen culus dusha ka saaray madaxda sarsare ee Soomaaliya. Muqdisho, November 10, 2013 (Haatuf) – Madaxweynaha dawlada Xamar Xasan Sheekh Maxamuud ayaa siyaasiga Cali Khaliif Galaydh kula taliyey inuu u kicitimo dhinaca Somaliland oo uu halkaas ka dhiso maamul goboleed ay xaruntiisu tahay Taleex. Shir saacado dheer qaatay oo todobaadkan labada nin ku dhex maray Madaxtooyada Muqdisho ayaa Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Cali Khaliif ku qanciyey inuu boodhka ka tumo mashruucii Khaatumo ee hore uga fashilmay, sida ugu dhakhsaha badana uga amba baxo magaalada Xamar, isagoo gacanta ka saaray sahay hal milyan oo dollar ah isla markaana u balanqaaday inuu ka soo daba diri doono taageero dhaqaale oo intaas ka badan iyo taakulayn dhinaca Milatariga ahba Taliyaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Jen. Cabdullaahi Gaafow Maxamuud oo shir jaraa’id maanta ku qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa hadalkan sheegay, wuxuuna soo bandhigay baasaboorada 5 qof oo laga soo celiyey garoomada dalka Kenya, kuwaasoo watay E Passport la been abuuray. Taliyaha ayaa sheegay in dadkan laga soo celiyey Kenya ee loo soo gacan geliyey baasaboorrada ay wateen ay yihiin dad ka tegay deegaanada Somaliland, wuxuun Jen. Gaafow xusay iney heleen warar sheegaya in meelo ka mid ah Somaliland lagu sameeyo E Passport-ga Soomaaliya oo la been abuuray si loogu ciyaaro baasaboorka Soomaaliya. C/Kariin Xuseen Guuleed wuxuu sheegay dowladda Soomaaliya inay waajib ku tahay sii hor marinta nabad galyada kajirta maamulada hana qaaday wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Wuxuuna cadeeyay dowladdu inaysan caqabad ku ahayn nabada Soomaaliland. Ugu dambayn wuxuu Soomaaliland ugu baaqay inay ka waantoobaan hadalo caynkaan. Hadalka Wasiirka arimaha Soomaaliya ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli dhawaan Soomaaliland ay ku eedeysay dowladda federalka Soomaaliya inay carqalad ku hayso nabada Soomaaliland ayna damacsan tahay kala fur furka midnimadeeda.
-
Somali Airlines' much awaited rebirth close as first B737 sighted
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
Shirkadda diyaaradaha Somali Airlines oo toddobaadyada soo socda billaabi doonto Duulimaadyadeedii 23-sano Kaddib Arbaco, November 20, 2013 (HOL) — Shirkadda diyaaradaha Somali Airlines ayaa lagu wadaa inay toddobaadyada soo socda dib u billowdo howlaheedii duulimaadyada kaddib 23-sano oo aysan shaqeyn, sida lagu sheegay barta Skyliner Aviation. Diyaaradaha ay howsha ku billaabaysho shirkadda oo ah laba diyaaradood oo waaweyn ayaa waxaa astaantii lagu aqoon jiray diyaaradda Soomaaliya lagu saaray magaalada Budapest ee xarunta dalka Hungary, iyadoo la filayo inay soo gaaraan toddobaadyada soo socda Muqdisho. Noocyada diyaaradaha ay howlgelinayso shirkadda Somali Airlines ayaa kala ah: SAMair (9C, Bratislava) B737-400 iyo OM-SDA (msn 24438), iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo diyaarad ay Soomaaliya leeyahay 23-sano kaddib ay kasoo dagto garoonka diyaaradaha Muqdisho. Somali Airlines ayaan shaqeyn tan iyo markii uu dalku burburka galay 1991 oo laga joogo 23-sano, waxaana xilligaas howlgalayay saddex diyaaradood oo noocoodu ahaa B720Bs, B707-300s iyo A310-300s, kuwaasoo ku tegi jiray duulimaadyo dalalka gobolka iyo kuwa kale ee caalamka, sida bariga dhexe iyo Yurub. Tallaabadan ayaa waxay soo celinaysaa howlihii shirkadda Somali Airlines ay u haysay shacabka Soomaaliyeed, iyadoo haatan ay dalka ka shaqeeyaan diyaarado laga leeyahay dalal kala duwan oo caalamka, kuwaasoo u kireysan ganacsato Soomaaliyeed. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya -
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta booqday dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii shalay Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga degmada Beledweyne kuwaasoo isla shalay dawladdu u dirtay diyaarado lagu soo daabulo si ay u helaan daweyn deg deg ah. Dhaawacyadan oo ay tiradoodu gaareyso 13 una badan dad rayid ah, ciidamada Jabuuti iyo Booliska Soomaaliya ayuu Ra’iisul wasaaruhu ku booqday Isbitaalka qolalkooda, wuxuuna alle uga baryay inuu caafimaad deg deg ah siiyo. “Runtii dadkan waxaa dhibaateeyey gacan ka xaq daran, mana jirto wax dembi ah oo ay galeen, dawladduna waxay ku howlan tahay sidii dalka looga sifeyn lahaa argagixisada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo xusay in kooxahan nabad diidku ay marayaan marxaladdihii ugu dambeeyey ee dhamaadkooda. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasoo uu kula kulmay saraakiisha sar sare ee ciidanka xooga dalka, waxaana ku wehlinayay xubno ka tirsan golihiisa wasiirada. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xafiisyada wasaaradda oo ay xilligaasi ka soconayeen howlo baaxad leh oo ku aadan maamulka ciidanka. “Mudnaanta dawladda waa amniga iyo xasilinta dalka, dawladda Soomaaliyana waxaa ka go’an xoojinta tababarada ciidamada, kor u qaadidad adeega caafimaadka ee ciidanka, qalabeynta iyo mushaaraadkooda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay saraakiisha ciidanka. Kormeeradan uu maanta sameeyay Ra'iisul Wasaaraha ayaa u muuqata mid uu wali howshiisa ku sii wadanayo, xilli ay jirto khilaaf xoogan oo isaga iyo Madaxweynaha u dhaxeeya, kadib markii todobaad ka hor uu Madaxweynaha ka dalbaday inuu is casilo, hase yeeshee uu diiday. “Mudnaanta dawladda waa amniga iyo xasilinta dalka, dawladda Soomaaliyana waxaa ka go’an xoojinta tababarada ciidamada, kor u qaadidad adeega caafimaadka ee ciidanka, qalabeynta iyo mushaaraadkooda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay saraakiisha ciidanka.
-
Somali Airlines' much awaited rebirth close as first B737 sighted Somali Airlines (Mogadishu) could resume operations in the coming weeks. According to Skyliner Aviation, a SAMair(9C, Bratislava) B737-400, OM-SDA (msn 24438), has been painted into the Somali national carrier's distinctive colours in Budapest ahead of its delivery to Mogadishu. Prior to the collapse of the Siad-Barre regime in 1991, Somali Airlines had operated B720Bs, B707-300s and A310-300s on a respectable domestic network along with regional and international connections to the Middle East and Europe. Goal for the Somali people and SFG congrats to a great progress and hard work . Somalia is heading the right direction.
-
To bad your Foks couldn't produce such Leaders :confused: These where the leaders that guarded Somali nation dignity and respect , Made Somalia the lions of Africa at same time the pearl of Indian ocean . SNM /USC/SDF / Siad barre rip regime are all collectively responsible for the sad stage we are in ............:mad:
-
Senator Kithure Kindiki oo goobtaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in golaha ammaanka ay geeyeen qaraal lagu baajinayay maxkamada maadaama Kenya ay haatan ku mashquulsantahay xasilinta Soomaaliya iyo Congo ayna iska indhatireen golaha ammaanku, isagoo sheegay in Soomaaliya ay kala soo baxayaan ciidankooda loogana baahanyahay qaramada midoobay inay xal u hesho xasilooni darrada ka taagan Soomaaliya. Hogaamiyayaashan ayaa sidoo kale sheegay in xeryaha qaxootiga irridaha la isugu laabo iyagoo ku tilmaamay xerada Dhadhaab inay noqotay godka ay ku dhuuntaan argagixisada Kenya ka gaysata weerarada. Kikiyu bantus addressing the Somali Nation like shit sad day , all tho the news is welcoming take your HIV infected troops out of Somalia , When will the Somali people restore the dignity of the Somali Nation ? they must be rolling over in their grave with anger seeing what state the Somali People are in :mad:
-
Isbahaysiga Jubilee ee xukuma dalka Kenya oo doonaya inay ciidamadooda kala soo baxaan wadanka Soomaaliya Talaado, November 19, 2013 (HOL) - Isbahaysiga haysta aqlabiyada xukunka wadanka Kenya ee Jubilee ayaa qaadaya tallaabooyin looga jawaabayo go’aankii ay golaha ammaanka ee qaramada midoobay ku diideen in la baajiyo maxkamada la saarayo madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto. Qaar kamid ah hogaamiyayaasha isbahaysiga ayaa shaaciyay in tallaabooyinkan ay kamid tahay kala soo bixitaanka ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya iyo waliba xiritaanka xerada qaxootiga ee Dhadhaab. Senator-ka laga soo doorto Tharaka Nithi Mr. Kithure Kindiki iyo gudoomiyaha xisbiga TNA Mr. Johnson Sakaja oo labaduba ka tirsan isbahaysiga Jubilee ayaa ka dalbaday madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka in ay tallaabooyin adag ka qaadaan qaramada midoobay iyagoo u qabtay 6 asbuuc gudahood in tallaabooyinkaas lagu dhammaystiro. Khudbad ay ka jeediyeen magaalada Kiambu ee ay awooda ku leeyihiin qabiilka Kikuyu ee uu kasoo jeedo madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa hogaamiyayaashani ay muujiyeen sida ay uga xunyihiin go’aankii uu qaatay golaha ammaanka ee qaramada midoobay kaasoo wadamada reer galbeedku ay ku diideen inay u codeeyaan qaraar lagu baajin lahaa maxkamada la saarayo labada hogaamiye ee ugu sarraysa dalka Kenya. Senator Kithure Kindiki oo goobtaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in golaha ammaanka ay geeyeen qaraal lagu baajinayay maxkamada maadaama Kenya ay haatan ku mashquulsantahay xasilinta Soomaaliya iyo Congo ayna iska indhatireen golaha ammaanku, isagoo sheegay in Soomaaliya ay kala soo baxayaan ciidankooda loogana baahanyahay qaramada midoobay inay xal u hesho xasilooni darrada ka taagan Soomaaliya. Hogaamiyayaashan ayaa sidoo kale sheegay in xeryaha qaxootiga irridaha la isugu laabo iyagoo ku tilmaamay xerada Dhadhaab inay noqotay godka ay ku dhuuntaan argagixisada Kenya ka gaysata weerarada. Isbahaysiga Jubilee ayaa waxaa kaloo ay sheegeen inay wadanka ka saarayaan ciidamada qaramada midoobay loogu tababaro goobaha qaar sida magaalooyinka Nanyuki iyo Laikipia. “Ma doonayno inay sii joogaan, ciidamadayada ayaa waayay meelo ay ku tababartaan ha gaystaan wadamo kale” ayuu yiri Sakaja. Inkastoo aysan cadayn tallaabada rasmiga ah ee dawlada Kenya ay qaadi doonto ayaa hadana hadallada kasoo yeeray hogaamiyayaashan oo awood ku leh isbahaysiga Jubilee ay walaac ku abuuri karaan qaramada midoobay oo taageerta hawlgalka nabad ilaalinta ee midowga Afrika uu ka wado Soomaaliya. Dawlada Kenya ayaa si wayn uga carootay todobaadkii lasoo dhaafay markii golaha ammaanku ay diideen in la baajiyo maxkamada ku socota Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto taasoo u muuqata inay saamayn ku yeelanayso kaalintii Kenya ay ka ciyaari jirtay hawlaha nabadaynta ee Soomaaliya iyo sidoo kale xiriirkii ay la lahayd qaramada midoobay iyo wadamada reer galbeedka.
-
Saacid oo Xasan Sheekh ka dalbaday in 3 bilood dib loo dhigo arrintooda+Akhriso Xog Hoose 1 × 2 Published on November 17, 2013 by News24 · No Comments Ra’isal Wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud, ka dalbaday in muddo seddex bilood ah, dib loo dhigo waxa ay isku hayaan. Saacid ayaa la sheegay in Mudadii xilka uu hayay xukuumadiisu inay wax badan qabatay iminkana ay sugayaan howlo badan sidaasi darteedna uu doonayo in dib loo dhigo khilaafka wada shaqeyntuna ay halkeedi kasii socoto. Wararku waxay sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, dhankiisa uu sheegay in ay adag tahay, in 3 bilood oo kale ay sii wada shaqeeyana sidaasi darteedna ay lagama maarmaan ay tahay in xilka uu isaga dego Ra’isul wasaare Saacid. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu tilmaamay inay , inay ka go’an tahay in isbedel lagu sameeyo Xukuumada, taasina ay ku imaan kareyso iyadoo uu shaqada isaga tago Saacid. Sidoo kale warka ayaa intaasi kusii daraya in Madaxweyne Xasan uu mar kale ka dalbaday Ra’isul wasaare Saacid in xilka uu iska casilo , inkastoo Saacid mar kale uu ka biyo diiday arintaasi . Golaha sharci deginta oo arintan qudhoodu isku khilaafsan ayaa laga sugayaa go’aanka ugu dambeeya ay arintaan ka gaaraan sida qorshuhu uu yahay, waxaana codiga ra’isul wasaaraha uu yimid kadib kulan ay shalay galab wada qaateen isaga iyo Madaxweynaha. Readers Comments (0)
-
Xaaji Xunjuf;986317 wrote: They were never denied citizenship they were persecuted by the government because of the alleged shifta wars there, they were mistreated abused this is all true but they are still Kenyan they dont have another identity. Somali Kenyans are an integral part of the Kenyan society even addows father believes he is one he speaks their language. The issue here is having rights with in the country thats what they were struggling with. Xaaji Xanuf they don't have another identity are you serious ? waa maxaa waaye ****** isku ixishood
-
Xaraare, Askar and Boocame Editor discuss Faroole and Qoslaaye
malistar2012 replied to Mooge's topic in Politics
Punch of dawladiid qabilist they are , why do they hype up clan states but down play or discard SFG progress and achievement.......... As days go by SFG are getting stronger and reaching as far as Galkacyo , Economic in south is booming surplussing both Puntland and Somaliland . Mogadishu the Somali Nation Capital is once again regaining its beauty and will soon be the Commercial hub of East Africa . Miltary wise Mogadishu Port and Airport is busy everyday new moderate weapons are reaching The Somali Arm Force , Once the President Hassan Gives Green light Thousands of Troops are ready. a lot of people are going to be in for a surprise what President Hassan Shiekh Maxmuud Co are Cooking For Somalia , And how events are folding President Hassan is Succeeding in achieving his Plan. Jubba admin was the hardest political obstacle facing SFG they achieved solving the issue . No other entity or Administration From Galkacyo to Kenya border are obstacle to SFG in fact they are either hand picked by SFG or a strong alliance of the SFG . Saraakiishan ka socota wasaarada gaashaandhiga ayaa la filayaa iney booqdaan deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Mudug si ay usoo diiwaan geliyaan ciidamo cusub oo ka mid noqondoona ciidamada qalabka sida, waxeyna hore usoo booqdeen xerooyinkii ciidamada ku lahaayeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Daawo Sawirada Ciidamada Ahlusuna oo lagu biiriyay ciidamada dowladda iyo Xerada 21aad la furay Munaasabad ballaaran oo dib loogu furayay Xerada Ciidamada Xoogga dalka ee 21-aad ee Magaalada dhuusa-mareeb ayaa Gelinkii dambe ee Maanta lagu qabtay Dhismaha xaruntaas oo ku taalla magaalada dhuusa-mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud iyadoo si rasmi ah xarigga uu uga jaray dib u furitaanka Xerada Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen.C/Risaaq Khaliif Cilmi ,waxaana munaasabaddaasi goobjoog ka ahaa,Saraakiisha Taliska Xoogga dalka ee 21-aad,Saraakiisha sarsare ee Ahlusunna Waljamaaca ,Odayaasha Dhaqanka,siyaasiyiin iyo martisharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda. One Chain of Command the Game is over only one year kkkkkk God-bless President Shiekh Maxamuud -
Dowladda Oo La Wareegtay Deeq Isugu Jirta Gawaari Ciidan iyo Darees Oo Imaaraadka Carabta Ka timid “Sawirro” Published on November 16, 2013 by Mohamed White-ka · No Comments · 1,980 views 10 gaari oo kuwa ciidamada ah 4 gaari oo ah kuwa madaxda ay kusocdaan oo aan xabaduhu kareyn, 2 dab damis 1 ambalaas iyo 5 kun ooo dareeska ciidamada ah ayey dowlada imaaraadka ugu deeqday dowlada Soomaaliya, waxa ayna usoo wakiilatay inuu deeqdaasi gaarsiiyo safiirka u fadhiya dalka Soomaaliya Maxamed Cismaan, iyadoo uu kala wareegay Wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka mudane C/kariim Xuseen Guuleed. munaasabado agabkaasi lagula kala wareegayay ayaa waxa ay kakala dhaceen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, Dekada Muqdisho iyo xarunta safaarada Imaaraadka ee Soomaaliya ay ku leedahay, waxaana goob joog ka ahaa munaasabadahaasi uu Wasiirka Arrimaha gudaha ugala wareegayay safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya, Agaasimaha guud ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac iyo saraakii ka tirsan ciidamada booliska iyo kuwa nabad sugida, Mudane C/kariim Xuseen Guuleed ayaa dowladda Imaaraadka Carabta uga mahadceliyay deeqdan isugu jirta gaadiidka iyo dareeska Ciidamada, waxa uuna tilmaamay inay wax badan ku soo kordhin doonaan sugidda ammaanka dalka. “Deeqdaan waxa tahay mid sare u qaadayso sugidda amniga, aad iyo aad ayaan uga mahadcelinaya sida madaxda Imaaraadka ay u daneyneyso nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya” ayuu hadalkiisa ku daray. Danjiraha Dowlada Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya u fadhiya Maxamed Cusmaan ayaa ka hadlay isna deeqda ay dowladiisu ugu talagashay Dowladda Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadanayaan horumarinta amniga dalka, isagoo xusay in ay sii wadayaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya. Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa 10 gaari ee tiknakada ah labada dabdamis halka ambalaas iyo dareeska ciidamadaa ku kala wareejiayay agaasimaha hay’ada sirdoonka iyo nabad sugida Qaranka iyo saraakiisha ciidamada booliska ee goob joog ka ka ahaa munaasabada ay dowlada imaaraadka ugu wareejineysay dowlad soomaaliya deeqda ay ugu tala gashay, iyadoo 4ta gawaari ee kuwa madaxda ahna ay Wasaaraddu la wareegtay. Dowlada imaaraadka waxa ay kamid tahay dowladaha cilaaqaadka wanaagsan ee saaxiibtinimo uu kala dhaxeeyo Soomaaliya gaadiidka iyo qalabka ciidan ay dowladdu gudoonsiisayna waxa ay qeyb katahay talaabooyinka kor u qaadayo xiriirka labada dal oo ay imaaraadku ku dooneyso inay ku caawiso Soomaaliya.
-
Deg-Deg: Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo kulamo gaar gaar ah leh ururada bulshada iyo xildhibaanada Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha dowlada federalka Soomaaliya ayaa kulamo gaar gaar ah la leh xubnaha baarlamaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Wararka ugu dambeeya ee ka imanaya madaxtoyada ayaa sheegaya in ra’iisula wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon uu kulan la leeyahay xubno ka socda baarlamaanka ee ka soo jeeda beelaha *******, sidoo kale madaxweye Xasan Sheekh ayaa waxa uu kulamo la leeyahay siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Labada mas’uul ayaa waxa ay wadaan dadaalo kala gaar gaar iyadoo wararku ay sheegayaan in madaxweyne Xasan Sheekh uu kala hadlayo xildhibaanada baarlamaanka in arrinkan uusan ahayn in la geeyo baarlamaan balse uu yahay mid ku salaysan arrimo siyaasadeed, halka uu ra’iisul wasaare Saacid uu doonayo in arrinka lagu kala baxo baarlamaanka, iyadoo guuxa Muqdisho la isla dhex marayo in ra’iisul wasaare Saacid uu haysto xubno badan oo baarlamaanka ka tirsan oo taageeraya marka loo eego madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo galay toddobaadkii labaad ayaa u muuqda mid si xowli ah ku socda iyadoo labada mas’uul uu mid walba uu aad ugu dadaalayo in uu helo taageero badan. . Somali news leader www.jowhar.com jowharcom@hotmail.com golfyare@gmail.com
-
Xaaji Xunjuf;986232 wrote: The west views things collectively they dont conduct relations solely with individuals they see groups, and long term interests, even if it backfires so be it they will find other ways. Col Abdilahi Yusuf was initially supported, he was part of the larger scheme at the height in the war against terrorism.But the western countries than started supporting the modern wing of the islamic courts union Addow, sharif ars and there you have it TFG part 2 and they told Yey that his time was up Edo Dhukuro flew from Washington and forced him to leave office. The Europeans and the Americans want to diminish the radicalization of southern Somalia and as they completely understand the tribal dynamics of Somalia, their initial plan was Sh sharif a reborn islamist to fight the other extremist groups knowing that the bulk of the Alshabaab militia are also sons and daughters from those regions, so they decided to give the tribes from those regions a significant voice in the UN backed Somali government And for that reason the Americans and the Europeans decided to continue the process with an indigenous Mogadishu community worker Mr Hassan Mahamud. Wax Fahan adeer Malistar doorasho iyo cali lahayn eh do you know Qatars hand in the so called elections of 2012? If you believe fair elections took place with no Foreign hand in 2012 than you are truly a gullible boy. Xaji what happened from 1960 to 93 Somali Presidential Race did not start in 2010 Never did a leader from SNM clans held the top Position ? Your lot the SNM's where happy to be second in command to Ali Mahadi or Aideed rip . Come out of the Triangle Hiding hole sxb don't be scared to Compete in Somaliweyn :cool:
-
Oodweyne when did the west start favoring particular clans in Somalia ? How did Abdulahi Yusuf rip win the election and entered Vila Somalia with help of the West ? Why would the west favor H clans to defeat alshabaab when they don't have influence in alshabaab other then being foot soldiers low level rankings ? when in fact the Leaders are from Hargeysa and Waqooyi Galbeed who are in charge . Stop trying to mislead the people Hassan Sheikh Mohamud won the election fair and square his election campaign and the Promises he made where better and more realistic then the rest of the candidates. ps your lot where always to afraid to lead Nation Called Somaliweyn
-
Gudoomiyaha Baarlamaanka “Shacabku Ha Is Dejiyaan,Hana Ku Kalsoonaadaan Golahooda Shacabka” “DAAWO+Dhageyso” Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho Shirjaraa’id oo uu uga hadlayo marxaladda uu marayo Dalka gaar ahaanna dhanka siyaasadda isagoo fariin gaar ahna ukala diray Xildhibaannada Golaha Shacabka,Shacabka Soomaaliyeed iyo Saxaafadda “ugu horeyn waxaan rabaa inaan u jeediyo Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka inaan ku adkeeyo ama uga digo in arimaha khilaafaadka siyaasiga ee laanta fulinta ka jira aysan u ololeyn ama Warbaahinta uga hadlin taasi oo aan ula jeedo hadii khilaafaad siyaasi ah ay yimaadaan oo Madaxda dalka dhexdeeda uu khilaafaad siyaasi ah soo kala dhexgalo hor iyo horaan waxa weeye odayaal baa la yahay oo walaga fariisanayaa,waa laga wada hadlayaa,waana la xalinayaa,hadii ay taasi dhici weyso waxey usoo biyo shubaneysaa in Golaha Shacabka ay timaado maadaama ay taasi tahay mas’uuliyadda Baarlamaanka loo sameeyey in arimahan oo kale go’aan uu ka gaaro”ayuu hadalkiisa ku bilaabay Gudoomiyaha Golaha Shacabka. Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in Xildhibaanku ka joogo arintan halka Qaadiga ama garsooraha uu ka joogo xukunka mana haboona ayuu yiri in Qaadiga ayada oo xukunka uu xafiiskiisa dhexyaalo aanay habooneyn inuu banaanka ugasii hor dhaco arinta uu xukumayo ama go’aanka ka gaarayo waxaana uu ku baraarujiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka iney dhowrtaan mas’uuliyadooda Xildhibaannimo iyo awoodda ay leeyihiin oo aanay dhicin in warbaahinta laga ololeeyo maadaama aanay hada lagu jirin ololle oo lagu jiro xalin ama maslaxad. “arinta Labaad ee aan doonayo inaan ka hadlo waxey tahay Xukuumaddu weey noo shaqeyneysaa, adeegga shacbiga loo hayana wuu socdaa,wax xumaanaya haba yaraatee ma jirto sidaas darteed waxaan shacbiga Soomaaliyeed ka codsanayaa iney kalsoonidooda qabaan,mahad Alle ayaa leh maanta waxaan leenahay Gole Shacbi oo shaqeynaya oo u duuban hogaaminta siyaasadda dalka iyo maareynta dhibaato kasta oo timaada,qof ahaan aadbaan ugu kalsoonahay in Golahan Shacabka ay aqoon iyo karti buuxda u leeyihiin iney xaliyaan mushkilad kasta oo timaada,shacabkana waxaan ka codsanayaa iney ku kalsoonaadaan”ayuu hadalkiisa raaciyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in mahad kale oo Alle looga mahad celinayo ay tahay in dalku leeyahay shuruuc iyo Dastuur oo arimahan oo kale lagu kala maareeynayo sidaas darteedna aysan jirin wax xumaanaya oo ay tahay in la is dejiyo oo aan loo baahneyn in wax la buun buuniyo oo qof kasta uu ogaado iney dalkan mas’uuliyad ka saarantahay oo uu ku fekero sida xal loo gaari karo oo wax loo xasilin karo. “arinta ugu dambeysa waxaan u jeedinayaa Warbaahinta iyo Saxafiyiinta,dadka saxafiyiinta ee warbaahinta ku shaqeynaya dhammaan waxaan xusuusinayaa in qalinka iyo qalabka aad ku shaqeyneysaan uu idiinku yahay Allena idinkula xisaabtamayo,arin fiican ma ahan inaad buun buunisaan waxaanan jirin ama kuturukuteen ah oo aan loo baahneyn aad umadda ku jahwareerisaan, mas’uuliyad ayaa ku saaran,muwaadinbaad tahay oo dalkan mas’uuliyad ayaa ka saaran fadlan ha noqonina kuwo qasaaro ku shoob ah oo noqda kuwo hormarka ku faana,Mahadsandiin” ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka. Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Shirka Jaraa’id ee Gudoomiyaha Baarlamaanka Maanta 14-November-2013
-
Oodweyne;986032 wrote: Ghelle , That PM Saacid and his "dwindling supporters" of ministers, are going to be out of office any day now. The rest of Malistar's stuff, is as usual a terrible PR guff intended to polish an ugly "political picture" of seeing a sitting PM being told to "collect" his stuff from the office (for he is so fired!); and he in turn (at this late hour) decided to start wondering as to when did he "lost" the support of his president and why he never saw this "plot" coming to him, by at least a mile. Oodweyne I guess you are not tired of the ten shake spear essay you wrote about the SFG President and PM differences ... perhaps you should write essay on how to safe the Dying SNM Regime in Hargesay where they are in business of scaring the opposition party with assassinations attempts and jail . tells us why Hargeyasa admin are panicking Tells us why Ethiopian Gov are refusing the SNM passport and refusing to give Triangle clans visa entrance ? Tells us why are the Snm Regime torturing Doctors who attended Somali National Health Conference in Mogadishu SFG are making tremendous progress in the reconstructing of the Nation rebuilding the Somali National University will be significant symbolic that peace and stability is returning to Somalia ............... Agaasinka Waxbarashada ee Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada oo dhowaan hirgelisay barnaamijka “Aada Dugsiyada”, ayaa sidoo kale ku hawlanaa dib-u-hawlgelinta Jaamacadda Ummaada Soomaaliyeed, waxana tallaabadani ka mid tahay guulaha Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Saacid, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu shirkii qaran ee waxbarashada ku balanqaaday dib-u-hawlgelinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa guul ku tilmaamay qorshaha lagu hawlgelinayo Jaamacadda Ummadda .
-
xiinfaniin;986025 wrote: Malistar2012 is in a deep sleep. The irony is Saacid is no longer asleep Good to see Pm Saacid shirdon awake and doing his job the Progress must continue that's all that matters ..... This increased support and manpower will help to bring about a final end to the fighting, allowing Somalia to get on with reconstructing our country and rebuilding our economy,” said His Excellency Prime Minister Abdi Farah Shirdon. More good news today Khamiis, November 14, 2013 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdixakiin Maxmuud Xaaji Fiqi oo ay wehliyeen agaasimaha guud ee wasaaradda difaaca, Muuse C/lle Maxamuud iyo saraakiil ku howlan hir-gelinta mashruuca dib loogu dhisayo xeradan casriga ah ee lagu tababarayo saraakiisha ciidamada XDS ayaa waxay ugu horreyn kormeereen dhismaha xeradii hore ee agoonta ciidamada xoogga dalka iyo xero lagu tababarayo ciidamada saraakiisha ciidamada xoogga dalka. Mudane Faqi oo ka hadlay ujeeddada kormeerkiisa ayaa xusay in dhismaha xeradan casriga ah lagu tababari doono saraakiisha ciidamada XDS taasoo mashruuca lagu hirgelinayo ay maalgelintiisa wasaaradda Difaaca Somalia oo kaashanaysa dowlado saaxiibo dhaw la ah Soomaaliya. “Xeradan cusub waxay wax badan kusoo kordhin doontaa tayada iyo dib u dhiska ciidamada xoogga dalka; isla amarkaana waxay soo saari doontaa saraakiil tababar xirfadeysan ku qaatay gudaha dalkooda,” ayuu yiri Fiqi oo si kooban ula hadlay warbaahinta. SFG are on the right direction reviving the Nation back from decades of civil war Congrats
-
His Excellency Prime Minister Abdi Farah Shirdon and Cabinet were today briefed government plans to rebuild and reopen Somali National University at the weekly Cabinet meeting. The plans were unanimously supported by the Cabinet. Somali National University was established in 1974, consisting of 13 faculties, 700 staff and educating over 15,000 students. The physical structure of the National University campus has been heavily damaged, it is estimated it will cost $3.6m to refurbish the university. "Education must be at the heart of every civilised country's agenda and Somalia is no different. Through education we fight poverty, illiteracy and ignorance and we promote social development,” the Prime Minister said. "Now that peace is returning to Somalia, we urgently need to re-establish our education system, which has been devastated by two decades of fighting. The Ministry for Human Development and Public Services has already launched the ambitious Go 2 School campaign, which will see $117 million invested over three years, with the aim of getting one million more children into schools. "We must now focus on reviving our state higher education system. Reopening Somali National University will allow our brightest and most talented pupils to once again aspire to attend university in Somalia. "A generation has already lost its education through war. Without education we will not build a new Somalia. ” The Cabinet also discussed and welcomed the United Nations Security Council backing for the package of non-lethal support to be provided to the SNA through a UN trust fund and the increase in number of AMISOM personnel. "This increased support and manpower will help to bring about a final end to the fighting, allowing Somalia to get on with reconstructing our country and rebuilding our economy,” said His Excellency Prime Minister Abdi Farah Shirdon. ENDS
-
Popular Contributors