malistar2012
Nomad-
Content Count
2,754 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by malistar2012
-
Taliska Ciidanka Booliiska Oo Mamnuucay In Hub Sharci Darro Ah Lagu Dhex Wato Muqdisho Published on December 17, 2013 by Mowliid · No Comments · 181 views Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo in hub sharci darro ah lagu dhex wato magaalada Muqdisho. Shir Jaraa’id oo ay si wada jir ah maanta saxaafadda ugu qabteen magaalada Muqdisho Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ee dhinaca amniga ayeey ku soo bandhigeen go’aan sida ay sheegeen ka soo baxay guddiga amniga ee gobolka Banaadir. Afhayeenka ciidamada booliiska Sarreeye Guuto Maxamed Yuusuf Cumar (Madaale) ayaa sheegay in 24 saac ee soo socda degmada Xamarweyne laga bilaabi doono howlgallo lagu ururinayo hubka sharcidarrada ah si loo adkeeyo Amaanka. “Guddiga nabadgelyada gobolka Banaadir ayaa go’aamiyay in 24-ka saac ee soo socoto la bilaabo olole lagu mamnuucayo hubka sharcidarrada ah ee lagu wato degmada Xamar weyne’’ ayuu yiri Afhayeenka ciidanka Booliiska. Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ee dhinaca Amniga Warsame Joodax oo hadlay ayaa sheegay in go’aankani yahay mid lagu adkeynayo Amaanka degmada Xmaweyne, isagoo xusay in aan la ogoleyn wax hub ah oon ka aheyn kan ciidamada, wuxuuna ku gooddiyay in talaabo adag laga qaadi doono ciddii lagu qabto hub sharcidarro ah. Go’ankan ayaa loo arkaa in uu qeyb ka yahay dadaallada ay hey’adaha ammaanku ugu jiraan adkeynta ammaanka guud ee gobolka Banaadir.
-
Nabadoon Axmed Diiriye” Waa in dagaalka Sh/Hoose si deg deg ah loo joojiyaa Xilli wali deegaanada gobolka Shabeelaha Hoose ay ka soconayaan dagaal u dhexeeya maleeshiyo beeled halkaasi wada dega ayaa odayaasha iyo wax garadke beelaha ****** waxay ku baaqeen in dagaalkan si deg deg ah loo joojiyo. Afhayeenka dhaqanka beelaha ****** Nabadoon Axmed Diiriye Cali Wuxuu sheegay Sheegay in dadka dagaalamaya ay yihiin dad walaalo ah, xilligana aysan habooneyn inay daadiyaan dhiigooda sida uu sheegay “War dadkiina deriska ahoow xabada joojiya markaad dad iska leysaan oo hantida ay idinka baab’ado ayaa la arki doonaa idinka nabad kuwada nool”Ayuu yiri Axmed Diiriye. Nabadoon Axmed Diiriye ayaa ugu baaqay Odayaasha Gobalkaasi inay u istaagaan ka shaqeynta nabadda iyo xasilooni ku noolaanshaha Gobalka Shabeelaha hoose iyo in wax waliba wadahadal lagu dhameeyo. Deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose oo ay ku jirto Janaale,Ceelwareegoow, Busleey, Awdheegle iyo Num-50 maalmahan waxaa ka dhacaye dagaalo beeleedyo khasaaro kala duwan geystay.
-
Sidoo kale, madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa yiri: “Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in si deg-deg ah ay u joojiso dagaallada kasoo cusboonaaday gobollada dalka qaarkood. Cid allaale iyo cidii is-hortaagta nabadeyntana waxaa laga qaadi doonaa tallaabo cad oo sharciga waafaqsan. Siyaasadda dowladda ayaa ah in khilaaf kasta lagu xaliyo wadahadal.” Sadly alshabaab are initiating tribal war by arming one clan against the other to create chaos . The water boys and the boys from Galgaduud must united and fight the real enemy alshaydans. .
-
Talaado, December 17, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay colaadaha iyo dagaallada kasoo cusboonaaday deegaannada qaarkood, isagoo tacsi u diray dhammaan shacabkii ay waxyeelladu kasoo gaartay dagaallada. “Waxaa nasiib-darro ah in deegaannada qaarkood ay dagaallo sokeeyo ka dhacaan, gaar ahaan deegananada gobollada Shabeelaha Hoose, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waana in si deg-deg ah loo joojiyaa dagaaladaas, lana qaataa nabadda ay dowladdu hormuudka ka tahay. Waxaa jira kooxo ka faa’iideysanaya colaadaha oo sii horinayo, ujeedaddooduna ay tahay in la wiiqo horumarka nabadeynta iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuuxnuuxsaday sida dowladdu uga xun tahay dagaallada soo noq-noqda oo dhiig ku daata, waxuuna isagoo arrintaas mar kale ka hadlaya uu yiri: “Dagaalka shacabka dhexdiisa ah waa arrin aan loo dulqaadin karin, waana mid fursad siinaysa dhammaan inta diiddan nabadda iyo horumarka. Qas-wadayaashana tallaabo adag ayaa laga qaadayaa. Waa inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeynaa oo aan khilaafkeenna ku xallinaa si nabad, wadahadal iyo dib u heshiisiin ah.” Sidoo kale, madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa yiri: “Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in si deg-deg ah ay u joojiso dagaallada kasoo cusboonaaday gobollada dalka qaarkood. Cid allaale iyo cidii is-hortaagta nabadeyntana waxaa laga qaadi doonaa tallaabo cad oo sharciga waafaqsan. Siyaasadda dowladda ayaa ah in khilaaf kasta lagu xaliyo wadahadal.” Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii baaq u diray odayaasha dhaqanka, aqoonyahannada, ururrada bulshada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaallada iyo colaadaha oo ay dowladda kala shaqeeyaan nabadeynta, fududeynta wadahadalka iyo dib-u-heshiisinta ka socota deegaannada dagaalladu ka dhaceen. Sidoo kale shacabka waxaan ka codsanaynaa inay dowladda la shaqeeyaan oo qas-wadyaasha aan meel uga soo wadajeesano, bacdamaa ay diidan yihiin in dalka ay ka hirgasho dowladnimo, kala danbeyn iyo sharci. Hadalkan madaxweynaha oo u muuqday mid adag ayaa wuxuu imaanayaa xilli saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ay gobolka Shabeellada Hoose ka dhaceen dagaallo ay ku lug lahaayeen ciidamada dowladda Soomaailya oo la safan beelo uu dagaal u dhexeeyo. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
IsseRiyole;991105 wrote: Dream on that wish ! Perhaps Somaliland might be in jeopardy then Puntland. Somali Military are forming chain of command and are moving up for about year now , SFG arm forced have so far passed Hiiraan - Gedo- Gobolka Galgaduu - Bay and Bakool and Now SAF are recruiting training and opening up camps in Galkacyo well done significant improvement from Previous Governments . Merchandise and Goods are freely and safely moving From Bossaso to Mogadishu . Saraakiishan ka socotay wasaarada Gaashaandhigga oo ay wehliyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gulmudug ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray degmada Bacaadweyne ee gobolka Mudug, waxeyna ujeedada socdaalkooda ku tilmaameen u kuurgelida xaalada ciidamada iyo sidii ay uga mid noqon lahaayeen ciidamada Qalabka sida. Sidoo kale saraakiishiisha oo si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Bacaadweyne ayaa sheegay iney diiwaan gelinayaan ciidamadii hore islamarkaana ay qorayaan ciidamo cusub oo ka mid noqda ciidamada qalabka sida, waxeyna halkaasi ku diiwaan geliyeen boqolaal ciidamo ah oo ka mid noqonaya kuwa Qaranka. Saraakiishan ka socota wasaarada gaashaandhiga ayaa la filayaa iney booqdaan deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Mudug si ay usoo diiwaan geliyaan ciidamo cusub oo ka mid noqondoona ciidamada qalabka sida, waxeyna hore usoo booqdeen xerooyinkii ciidamada ku lahaayeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Daawo Sawirada Ciidamada Ahlusuna oo lagu biiriyay ciidamada dowladda iyo Xerada 21aad la furay Munaasabad ballaaran oo dib loogu furayay Xerada Ciidamada Xoogga dalka ee 21-aad ee Magaalada dhuusa-mareeb ayaa Gelinkii dambe ee Maanta lagu qabtay Dhismaha xaruntaas oo ku taalla magaalada dhuusa-mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud iyadoo si rasmi ah xarigga uu uga jaray dib u furitaanka Xerada Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen.C/Risaaq Khaliif Cilmi ,waxaana munaasabaddaasi goobjoog ka ahaa,Saraakiisha Taliska Xoogga dalka ee 21-aad,Saraakiisha sarsare ee Ahlusunna Waljamaaca ,Odayaasha Dhaqanka,siyaasiyiin iyo martisharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda. The Arms embargo will be fully lifted and SAF will be getting more moderate up to date weapons Somali Arm force are slowely gaining control of the Country in peaceful matters should be welcomed ..........Somalia needs one chain of command a sustainable peace and stability will be achieved .
-
MADAXWEYNAHA SOMALIA: “Xiriirka Annaga iyo Mareykanka waa mid adag booqashadan ayaana ka Tarjumaysa” (SAWIRRO) Sabti, December 14, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta kula kulmay Muqdisho kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Africa, Linda Thomas-Green field oo booqasho ku timid maanta magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya. Xasan Sheekh iyo Linda Thomas ayaa waxay kulankooda uga hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Soomaaliya, iyadoo la xusuusto in dowladda Mareykanka ay ahayd dowladdii ugu horreysay ee si rasmi ah u aqoonsata dowladda Soomaaliya kaddib markii KMG-nimadii ay ka baxday Soomaaliya. "Booqashadaada maanta waa calaamad muujinaysa hormarka uu dalku ka sameeya dhinaca nabadgalyada," ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo intaa ku daray. "Imaanshaha Linda ee Muqdisho muhiimaddeeda waa mid aan sinna lagu qiyaasi karin. Laba sano ka hor waxay ahayd magaalada dagaal, balse maanta waa mid soo kabanaysa maalinta maalinta xigta.” Kulanka dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya iyo darnjire Linda Thomas ayay diiradda ku saareen amniga, arrimaha siyaasadda sida magcaabidda ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, caqabadaha bani'aadamnimo ee jira, xuquuqda aadanaha, dib u heshiisiinta siyaasadeed, barnaamijka waxbarashada Qaranka, dib u habaynta maareynta maaliyadda dowladda iyo kasoo kabashada dhaqaalaha. Madaxweynaha ayaa sidoo kale muujiyeen horumarka ay Soomaaliya ay ku tallaabsatay intii lagu jiray sannadkii ay dowladdu shaqeynaysay iyo aragtida marxaladda labaad ee uu dalku higsanayo sannadha soo socda ee dib u soo kabashada Qaranka sida sameynta dastuur cusub iyo doorashooyinka dalka ka dhaca marka la gaaro sannadka 2016-da. Madaxweynaha ayaa sheegay in dad badan ay la yaabeen sida ay Somalia ku gaartay horumarkan muddada yar. Isagoo sheegay in in ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay uu hadal qiimo leh ka yiri shirkii golaha amniga ee Qaramada Midoobay ay yeesheen 10-kii bishan, kaasoo ahaa: "Waxaa la soo gudboonaaday Soomaaliya saddexdii bilood ee lasoo dhaafay caqabado aad u badan, balse waxay ku guuleysatay inay ka tallaabsato.” "Maanta waxaan u jeedinayaa mahadcelin danjire Thomas- iyo dawladda Maraykanka sida ay uga go’an tahay inay u taageeraan Somalia iyo sida ay uga go’an tahay inay sii wadaan taageeradaas si dalkan uu uga soo kabto colaadihii uu soo maray. Ciidamada qalabka sida waxaa ku tiirsan yihiin dhaqaalaha laga helo dibadda. Doorka ciidamadeennuna waa mid u ah aasaas sidi lagu cirib-tiri lahaa Al-shabaab oo ah koox argagaxiso ah sidoo kale burcadbadeedda. AMISOM oo guulo la taaban karo gaaray ayaa iyaguna ku tiirsan kaalmooyinka dibadda laga helo, waayo innaga oo keliya dagaalka innaga oo keliya kula guuleysan karno," ayuu yiri madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud. "Raga iyo dumarka yar-yar waxay u baahan yihiin inay waxbartaan intii ay raaci lahaayeen Al Shabaab," ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo ku daray hadalkiisa. "Fatwo ka dhan ah Al-shabaab ayaa dhawaan waxaa laga soo saaray kulan ay hoggaamiyeyasha diintu ku yeesheen Muqdisho, kaas oo looga hadlay sidii bulshada looga wacyigelin lahaa xagjirnimada. Waa in aan sii wadnaa inaanu wax barno dhallinyarada si mustaqbalka looga gudbo caqabadaha na hortaagan. Ololaha dawladda ee AADA ISKUULLADA oo ay taageerayaan hay’adaha Qaramada Midoobay wuxuu leeyahay ujeeddo iyo himilo fog oo hal milyan oo caruur ah loogu dirayo iskuullada si ay wax u bhartaan muddo saddex sano gudahood ah." Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan ayaa hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay in Soomaaliya ay si tartiib ah uga baxayso colaadihii soo daashaday sannadaha badan, isagoo xusay in dalalka saaxiibbada ay yihiin sida Mareykanka ay ka siinayaan gacan sidii ay u dhisi lahaayeen Qaran cusub oo Soomaaliyeed. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Abdiweli conquers Sanaag. Huge crowds everywhere he goes.
malistar2012 replied to Mooge's topic in Politics
BADHAN:Badhasaabka Somaliland U Magacowday Gobolkaasi Oo Si Mug Leh Uga Qayb Qaatay Soo Dhawayntii Cabdi Wali Gaas Iyo Calanka Somaliya Oo Markaliya Qabsaday Magaalada Badhasaabka gobolka Badhan Cabdixakiim Wahaabi ayaa la sheegay inuu shalay magaalada Badhan ee Somaliland si badheedh ah ugu soo dhaweeyay Raysal Wasaarihii hore ee dawlada Xamar ee Somalia Cabdiwali Cali Gaas oo ka mid ah shakhsiyaadka isku soo sharaxay jagada madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, kaas oo isaga iyo weftiuu hogaaminayaa ay shalay soo gaadheen magaalada Badhan ee Somaliland. Sida ay Wargeyska Haatuf u xaqiijiyeen waxgarad ku sugan magaalada Badhan ayaa sheegay in Badhasaabka gobolka Badhan Cabdixakiin Wahaabi markii uu shalay soo gaadhay deegaankaasi Cabdiwali Cali Gaas uu ku soo dhaweeyay duleedka magaaladaasi, waxaanay ilo wareedyadu intaa ku dareen in Badhasaabka Badhan Mr Wahaabi oo wata gaadhiga GT-ga ee dawlada Somaliland leedahay uu soo dhawayn ugu sameeyay Cabdiwali Gaas, kaas oo la sheegay in dad badan oo ka mid ah waxgaradka deegaankaasi ay si weyn uga yaabeen falka uu ku kacay Badhasaabku oo ah masuulka ugu sareeya ee dawlada Somaliland uga wakiilka ah gobolka Badhan, waxaanay wararku intaa raaciyeen in Badhasaabka Badhan walaalkii uu ka mid yahay xubnaha ololaha ugu jira jagada gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland. Dhinaca kale xukuumada Somaliland ayaan ilaa hada wax talaabo ah ka qaadin murashaxiinta Puntland ee sida badheedhka ah deegaanada bariga Sanaag uga dhigtay goobo ay ku ololeeyaan, isla markaana ay ku sheegtaan in bariga Sanaag uu ka tirsan yahay maamul goboleedka Puntland. Xukuumada Somaliland ayaa iyadu kaga mashquulsan dhaqdhaqaaqyada iyo shirarka xisbiyada mucaaridku ay ku yeelanayaan xarumahooda sidii ay isha ugu hayn lahayd,. Gas reaching far beyond enemy line to be elected Good to see the blue white flag raised San -
http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=hAl0wE60FFU" frameborder="0" allowfullscreen> listen to the people how their living condition has improved dramatically and how happy they are for the SFG and Banadir admin. Xamar Caadey will soon inshallah surplus Nairobi in terms of development and businesses . Mogadishu The only African capital where natives own 99 % of business in the city . Bilicdii Suuqa Bacadlaha ayaa dib u soo noqday kadib 22 sano, waxaana uu ka kooban yahay dhismaha suuqaani in ka badan 1050 qol oo ganacsi kala duwan lagu bilaabay. BACADLAHA SUUQA XAMAR WEYNE Mogadishu admin are providing free rooms to the needy once getting them of the street leaving the station wagon and into a safe environment building to do business . Great progress and achievement for the Banadir admin this type of development will win the hearts and mind of resident of the capital.
-
Xaaji Xunjuf;990656 wrote: Actually simon was spot on somalis want confederate states we'll atleast in the case of puntland.. Lol @ malistar putting his hopes on the UN.the somali civil war is not won in the UN it won inside the former somali republic. Unless malistar wants blue helmets on the ground to protect his clan from amiir godane Xajji Amir Godane is being haunted down as we speak his days are numbered Diyaarado dagaal dul wareegaye Barrawe iyo Hogaamiyaha Al Shabaab Ahmed Godane oo caawa si Dirqi Ah ugu Baxsaday degmade Barawe Wararka laga helaayo degmada Baraawe ee gobalka Shabeelada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in wali halkaas ay ka taagan tahay xaalad cabsi ah oo aad iyo aad u daran iyadoo dadka ay cabsanayaan. Ilaa iyo hada waxaa magaalada laga weysan yahay Saraakiisha ugu sarsareysa ururka Shabaab kuwaas oo Maalintii Shalay eheydgabi ahaan ka cararay Magaalada ka dib lagu arkay diyaarado jawi hoose ku duulaaya. Si kastaba Xaalada ayaa wali kacsan waxaana laga cabsi qabaa in ay dib u soo laabtaan diyaaradahaas iyada oo la sheegay in ay bartilmaameedsanayaan saraakiisha ugu sarsareysa ururka Shabaab. Dhanka kale dadka ku dhaqan Baraawe ayaa inta badan aan isticmaaleenin moobeelada iyaga oo ka cabsi qabo in lagu tuhmo in ay yihiin dad basaas u ah diyaaradaha magaalada dul heehaabaya. Xaalada magaalada ayaa wali kacsan iyadoo Saraakiisha Shabaab ay cimaamdihii iyo qoryaha iska dhigeen si aan loo duqeyn iyaga oo matalaya in ay yihiin dad shacab ah.
-
Wednesday, December 11th, 2013 Nicholas Kay : “Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxay doonayaan in Al-Shabaab ka xoreeyaan ..” Wakiilka Q,M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Nicholas Kay oo asagoo Soomaaliya jooga ka qeyb galay kulankii xalay golaha amaanka ee Q,M ku yeesheen magaalada New York ayaa sheegay in wado qorshe duulaan loogu qaadayo gobolada Soomaaliya ee ay Al-Shabab maamuulaan taasoo qeyb ka ah dadaalka amaanka lagu soo celinayo. Nikolas Danjire Nicholas Kay oo ka sheekeeyay hormar dhinaacyo kala duwan leh oo ay gaartay dawlada Soomaaliya ayaa haddana dhanka waxaa uu sheegay inuu socdo qorshe kale oo loogu talo galay in Al-Shabab looga faro maroojiyo gobolada ay gacanta ku hayaan sida uu yiri kaasoo dhawaan bilaaban doona. “Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa midawga Africa waxaa ay doonayaan inay ka howgalaan Soomaaliya gaar ahaan goobaha Shabab ka taliyo ayay duulaan ku yihiin waana ay ka xoraynayaan” ayuu yiri Nicholas Kay oo shirka golaha amaanka uga qeyb galay muuqaal toos ah. Kay waxaa uu hadalkiisa ku daray inuu ka digayo haddii Soomaaliya ay noqoto hoyga waxa uu ugu yeeray argagixisada inuu qal qal gali doono amaankalaga bilaabo magaalada Bomako oo ah caasimada wadanka Mali illaaBanguu oo ah caasimada wadanka Jamhuuriyadda Africada dhexe taasoo oo ay xubnaha golaha amaanku ku macneeyeen in qaaradda Africa oo dhan ay Shabab ku fidi doonaan. Q,M ayuu weydiistay inay dawlada Soomaaliya ka taageeraan dib u dhiska hay’adda dawliga ah iyo xoojinta taageerada dawladu hesho. Xarakadda Al-Shabab ayaa willi ka talisa gobolo fara badan oo ku yaala wadanka Soomaaliya waxaana ay dagaal kula jiraan dawlada iyo ciidamada AMISOM. end of alshabaab Wararka laga helaayo degmada Baraawe ee gobalka Shabeelada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in wali halkaas ay ka taagan tahay xaalad cabsi ah oo aad iyo aad u daran iyadoo dadka ay cabsanayaan. Ilaa iyo hada waxaa magaalada laga weysan yahay Saraakiisha ugu sarsareysa ururka Shabaab kuwaas oo Maalintii Shalay eheydgabi ahaan ka cararay Magaalada ka dib lagu arkay diyaarado jawi hoose ku duulaaya. Si kastaba Xaalada ayaa wali kacsan waxaana laga cabsi qabaa in ay dib u soo laabtaan diyaaradahaas iyada oo la sheegay in ay bartilmaameedsanayaan saraakiisha ugu sarsareysa ururka Shabaab. Dhanka kale dadka ku dhaqan Baraawe ayaa inta badan aan isticmaaleenin moobeelada iyaga oo ka cabsi qabo in lagu tuhmo in ay yihiin dad basaas u ah diyaaradaha magaalada dul heehaabaya. Xaalada magaalada ayaa wali kacsan iyadoo Saraakiisha Shabaab ay cimaamdihii iyo qoryaha iska dhigeen si aan loo duqeyn iyaga oo matalaya in ay yihiin dad shacab ah.
-
burahadeer;990633 wrote: we heard that before under every pseudo gov,t , from ali Mahdi , abdikasim,a Yusuf to sharif!!!!! All those President Mention above where transnationals none of them was a Permit administration , In conclusion no Threat of Balkanisation any time soon First, the need for wide-ranging national and local reconciliation. Secondly, a redrawing of Somalia’s political map of 18 regions into a lesser number of federal member states. Thirdly, the finalising of a new and permanent constitution. And fourthly, democratic elections in all Somalia in 2016, the first for nearly 50 years,” said the senior UN official. Mr. Kay added that on each of those tasks, the UN is actively and increasingly engaged in support of the Federal Government and in close collaboration with Member States. Is not looking good for the Secessionist Xajii Xunuf ............. The Lobbyist Simon Allison has failed No threat
-
This news is today latest security council meeting on Somalia . “First, the need for wide-ranging national and local reconciliation. Secondly, a redrawing of Somalia’s political map of 18 regions into a lesser number of federal member states. Thirdly, the finalizing of a new and permanent constitution. And fourthly, democratic elections in all Somalia in 2016, the first for nearly 50 years,” said the senior UN official. Mr. Kay added that on each of those tasks, the UN is actively and increasingly engaged in support of the Federal Government and in close collaboration with Member States. While noting Somalia’s “chequered progress” on human rights, transparency, good public financial management and the rule of law, Special Representative of the Secretary-General Nicholas Kay told the Council via videoconference that: “[The] fact that Somalia’s institutions have weathered several storms in the last months gives me confidence that our hopes are not misplaced.”
-
Somalia: crisis-response shows State institutions strengthening, UN official tells Security Council 10 December 2013 – The top United Nations official in Somalia today, briefing the Security Council from Mogadishu, said that a comprehensive political, military and development approach is needed to tackle terrorism in the country, where despite challenges, the dawn of a new era is abundantly evident. While noting Somalia’s “chequered progress” on human rights, transparency, good public financial management and the rule of law, Special Representative of the Secretary-General Nicholas Kay told the Council via videoconference that: “[The] fact that Somalia’s institutions have weathered several storms in the last months gives me confidence that our hopes are not misplaced.” “Somalia will be a stable partner in the region and the world when it has strong state institutions, including accountable and professional national security forces and the firm consensus among Somalis about how they wish to manage their affairs and resources.” He said the Parliament’s decision on 2 December to vote out Prime Minister Abdi Farah Shirdon in a no-confidence motion tested parliamentary institutions and found them to be strong. The priority now is to establish a new Government quickly, one which brings Somalis together and which has the skills and integrity to deliver what people need – peace, jobs and public services, Mr. Kay said. Meanwhile, the resignation of the Central Bank Governor Yussur Abrar was a blow to international donor confidence but should lead to tighter financial oversight. Presenting Secretary-General Ban Ki-moon’s latest report on the situation in the country, Mr. Kay detailed several upcoming “peaks to be climbed” in the political process to review and complete the constitutional process, and prepare for credible, free and fair elections in 2016. “First, the need for wide-ranging national and local reconciliation. Secondly, a redrawing of Somalia’s political map of 18 regions into a lesser number of federal member states. Thirdly, the finalising of a new and permanent constitution. And fourthly, democratic elections in all Somalia in 2016, the first for nearly 50 years,” said the senior UN official. Mr. Kay added that on each of those tasks, the UN is actively and increasingly engaged in support of the Federal Government and in close collaboration with Member States. Since his last briefing, Mr. Kay noted that the Somalia New Deal Conference, co-hosted by the European Union and the Somali Government, has been held in Belgium where the international community and Somalia endorsed the Somali Compact, pledged support to enable its implementation and re-commit to the Somali political process. “I urge partners to honour the pledges made in Brussels and to alight their activities with the priorities of Somalia,” Mr. Ban wrote in his report, stressing that the Compact provides a comprehensive and innovative framework for international efforts in support of Somali-owned and Somali-led efforts. On the humanitarian front, Mr. Kay reported that UN humanitarian agencies and partners have focused on responding to a tropical storm that made landfall on the Somali coast on 10 November, prompting the Puntland State authorities to declare natural disaster emergency, and on season rains that led to flooding starting the end of September. Turning to the aftermath of the attack on the UN Common Compound on 19 June, Mr. Kay, who is also the head of UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM), said that extensive security reviews and additional measures have been put in place. “Mogadishu remains a risky place to work and Al Shabaab has shown a consistent intent to target international partners, including the UN. That intent still exists,” he told the 15-member Council. “I welcome the request by the Council in resolution 2124 (2013) to be presented with detailed proposals for an additional UN Guard Unit to be deployed to protect UNSOM in Mogadishu.” He added that UNSOM would become an integrated mission on 1 January – which he called an important milestone. News Tracker: past stories on this issue
-
Mogadishu resident rally for Dr Farmaajo as next Pm of Somalia
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
Source are saying Farmajo has arrived will he conquer Mogadishu again with Protest and etc ................. -
Maamulka Gobolka Banaadir howlaha uu ka wado Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ama 17 degmo ee uu ka kooban yahay ayaa ah kuwo aad loo amaano, iyadoo mashruucaasi ay ku baxayaan malaayiin dollar. Gudoomiyaha Gobolka ayaa ka hadlaya waxyaabo badan oo qarsoon isagoo sharxayo howlaha ka socda Magaalada iyo qaabka ay ku hirgashay Bilicdeeda. Wuxuu sheegay Tarsan in Taalooyinkii caanka ahaa ee Taariikhda Soomaaliya caanka ku aheyd ay wadaan qorshihii dib loogu soo celin lahaa, isagoo xusay in tallaabadani ay tahay mid ay ku hormarinayaan Muqdisho. Hadaba Barnaamijkaan gaarka ah ee ka hadlaya Wax badan iyo Mataaneynta Muqdisho iyo Turkiga. " frameborder="0" allowfullscreen> Must watch Interview it will give you on hit that Somalia is heading right direction through development and reconstruction achievement . Thanks to Mudane Tarsane who will be remembered as man who cleaned and reconstructed Xamar Caadey . Mujahiid Tarsane confirms in the interview that the Taalooyinkii are on there way and are being build in Istanbul , Also It cost the Banadir admin more then million dollar to manufacture it and bring it home. $ 600 000 thousand for the 17 district of Mogadishu for reconstruction and development well done Mudane Tarsan . Tarsane should be awarded as the Governor of Mogadishu for indefinite terms
-
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa manta ka aqbalay warqadaha aqoonsiga Ambassador Andreas Peschke oo noqonayo Safiirka cusub ee u qaabilsan dowladda Jarmalka dalka Soomaaliya, iyo Ambassador Mahmoud M. Auf oo ah Safiirka u fadhin doono dowladda Masar dalka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Safiiradan si kala gaar ah maanta ugu qaabilay Xarunta Madaxtooyada, isagoo Madaxweynuhu soo dhoweeyay Safiiradan dalalka Jarmalka iyo Masar oo uu sheegay inay taageeraan dowladda Soomaaliya. "Soomaaliya waxey ka faa’ideysatay mashaariic ay dowladda Jarmalka ka her gelisay Soomaaliya.Jarmalka wuxuu taageraa tababarka ciidamadda Soomaaliya ayaga oo usoo mariyo EUTM. Ciidamadda amnigana waxey helaan tababar heer-sare ah"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa sheegay in xiriir wanaagsan oo qoto dheer uu ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Jarmalka. “Waa la arkaa in uu amniga fiican yahay madaama uu ganacsiga kor u kacay, Mar dhaw waxaan jecel nahay in aan ku tartano suuqyadda Yurub anaga oo suuq geyn doono wax yaabo kala duwan oo ka mid yahay Muuska"ayuu yiri Madaxweynaha. Sidoo kale Madaxweynaha oo la kulmay Safiirka Masar ay u soo magacawday Soomaaliya ayaa sheegay in xiriir taariikhi ah uu ka dhaxeeyo labada dal. "Labadeena dal Soomaaliya iyo Masar waxey fursad u yeesheen in ay lahadaan xiriir dheer oo qarniyo so jiray, Dowladda Soomaaliya wey soo dhaweyneysaa waxaana daneynaaa in aan ka wada shaqeeyno xiriirka amniga iyo kan diblomaasiyeed"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Ugu danbeyn, madaama aminga Soomaaliya u sii hagaagayo iyo Soomaaliya oo ku soo noqotay beesha caalamka, dalal badan ayaa bilaabay in ay xiriirkii ay la lahaayeen Soomaaliya in ay dib usoo "Soomaaliya waxey ka faa’ideysatay mashaariic ay dowladda Jarmalka ka her gelisay Soomaaliya.Jarmalka wuxuu taageraa tababarka ciidamadda Soomaaliya ayaga oo usoo mariyo EUTM. Ciidamadda amnigana waxey helaan tababar heer-sare ah"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Ugu danbeyn, madaama aminga Soomaaliya u sii hagaagayo iyo Soomaaliya oo ku soo noqotay beesha caalamka, dalal badan ayaa bilaabay in ay xiriirkii ay la lahaayeen Soomaaliya in ay dib usoo celiyaan. "Labadeena dal Soomaaliya iyo Masar waxey fursad u yeesheen in ay lahadaan xiriir dheer oo qarniyo so jiray, Dowladda Soomaaliya wey soo dhaweyneysaa waxaana daneynaaa in aan ka wada shaqeeyno xiriirka amniga iyo kan diblomaasiyeed"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
-
Picture of the Month meet the Somali Governors
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
Xaji Unlike Modaba and Faarole jr politicians and Islamist, Mudan Siilaanyo is a veteran Politician iconic leader more then 40 years deep in the game it is shame he is ending his career as Puppet with nothing to gain .Prime Minister of Ethiopia Hailemariam Desalegn downgraded and showed Sillanyo he is nothing but a Governor and was told to hide his pride sit in line next to Sh Modaba . Prime Minister of Ethiopia Hailemariam Desalegn is more clever and dangerous then Meles Zenawi, the next couple of years will be interesting .Rumors are Hailemariam Desalegn believes in keeping Somalia together in a stable condition free of terrorist is the best interest of Ethiopia. -
Picture of the Month meet the Somali Governors
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
Mooge;990106 wrote: malistar boy is becoming more desperate. Illeey is more credible, more somali and more capable than uncle qoslaye who will do anything to kill or assassinate minority clans, bully and threaten bank chiefs and humiliate his HAG waterboys like Saacid in order to achieve his grand plan of stealing more money. niyoow keep crying. looool. you have nothing credible to say anymore. qoslaye has really been a disappointment for the looter empire. you guys should have brought more capable guys to steal better for you because the doormat you brought to villa somalia is not a good job hiding all his thievery. madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud is having his best time in Villa Somalia the man will conquer Somalia in the next three years . God bless madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud times has never been better for the resident of Mogadishu in 25 years Moog don't kill your self Mogadishu Way dushay Guul Somali -
Picture of the Month meet the Somali Governors
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
Mahiigaan;990092 wrote: What about AMISOM that is in villa Somalia, at the airports, at the sea ports and in every village in Somalia. Is that OK?. Somalis don't have any authority over their destiny. what about AMISOM ? our African brothers are here to assist the SFG to fight international Terrorist is there a problem with that or are you Al Qaeda supporter ? Amisom mandate ends 2015 Amsiom and SNA have done great job pacifying the south from Ina Gadona militias and his Al Qaeda terrorist network. Amison has done more good for Mogadishu foks and south then Hargeysa and bossaso everdone for South Somalia in fact Gadone the devil hails from Hargeysa :mad: -
Picture of the Month meet the Somali Governors
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
galbeedi;990068 wrote: These could be a silver lining, this Ato Hailemarium could unite all of us. Maybe build a new Somalia. just wondering Well done by Ethiopian pm hailemariam desalegn ........ if Federalism can work in Ethiopia it also can work in Somalia . -
Faroole , Sillanyo iyo Axmed Madoobe all in one line no huffing and puffin in front the Tigreyn masters - Would Somalia be better under the Tigreyn regime since our leaders behave the best in the Present of the mighty Tigreyn regime
-
Maamulka G/Banaadir Oo Qorsheynaya Dhismaha Suuqyo Si Gaar Ah Loogu Iibiyo Hilibka Iyo Qudaarta Published on December 7, 2013 by Mowliid · No Comments · 325 views Maamulka gobolka Banaadir ayaa wada qorshayaal lagu dhaqan gelinayo sidi nimaad wanaagsan oo bilic soo celin ah looga sameyn lahaa suuqyada ganacsiga ee ku yaala qaar ka mid ah degmooyinka gobolka. Qaar ka mid ah Ganacsatada Hilibka iyo Qudaarta ee suuqyada dagmada C/casiis ayaa si weyn usoo dhaweeyay talabooyinka uu maamulka gobalka ku dayactiray suqyada dagmooyinka gobalka banaadir, ayago talaab horumar leh ku tilmaamay suqyada loo dhisayo hilibka iyo qudaarta ee dagmooyinka gobalka banaadir Ganacsatada Hilabka iyo qudaarta ee ku dhaqan dagmada C/casiis ayaa sheegay iney dhaqan gilinayaan amarka ka soo baxay maamulka dagmada iyo kan gobalka kaas oo la xiriira in hilibka iyo qudaarta aan lagu iibin Karin dariiqyada. Gudooyimaha dagmada C/casiis ayaa dhankiisa ka hadlay arinta la xiriirta nidaam u sameeysta ganacsatada hilabka iyo qudaarta isago balan qaaday in dhamaan waaxyaha dagmada ay ka hirgilin donaan suqyadaan loogu tala galay ganacsatada hilabka iyo qudaarta. “Suuqyadii Hilibka ayaan rabnaa inaan ka dhigno Muraayad xiran oo birihii hilibku ka raaracay uusan duqsi soo geleyn suuq kastana sidaas ayaan u sameyneynaa mana ogaan doonno in jid dambe lagu iibiyo Hilibka” ayuu yiri gudoomiye Tarsan Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max’ud Axmed Nuur Tarsan oo wareeysi gaar ah siyay Radio Muqdisho ayaa sheegay iney qorsheynayaan suuqyo gaar ah oo lagu iibiyo Hilibka iyo Qudaarta isagoo intaasi ku daray in taasi ay sare u qaadidoonto bilicda iyo nadaafada magaalada Muqdisho. Mujahid Max’ud Axmed Nuur Tarsan will be remembered as man who cleaned up Mogadishu after decades of civil war
-
Soon to be the Pm of Somalia Fawzia Yusuf H. Adam, Deputy Prime Minister and Foreign Minister Her Excellency Fawzia Yusuf H. Adam, Deputy Prime Minister and Foreign Minister, today paid tribute to the late Nelson Mandela, hailing his example of reconciliation, national unity and peace-building as a critical lesson for Somalia. "Today in Paris, accompanied by so many African leaders, we are all in mourning for the loss of Africa’s greatest son. We celebrate him as a freedom fighter and tireless campaigner for justice, a shining example of what the human spirit can achieve against all odds.” "For me as a Somali he is also the greatest symbol of national unity, a lesson in what a country can achieve when it sets aside its divisions and works together for a greater good. What society in Africa was ever more divided than apartheid South Africa? And yet look at it now, the rainbow nation, a country at ease with itself and its neighbours, an economic powerhouse admired across the world. How appropriate that we are here to discuss peace and security in Africa, perhaps the greatest legacy Mandela gave to South Africa and the world.” The Foreign Minister said Somalis needed to take a hard look at themselves and reflect on what Mandela had achieved for his country. "Surely if we learn one thing from Mandela it is this: that conflict and political fighting lead us nowhere and national unity is the only way forward. We have put the world’s longest running civil war behind us, which is already a major achievement. We must now come together as a nation and make sure we build a Somalia that is completely free from conflict for our children and grandchildren." "I am confident that this summit will enhance relations between France and Africa and strengthen bilateral relations with Somalia and thereby boost security and economic prosperity in our country.” The Foreign Minister was speaking after meeting President François Hollande, who is hosting the two-day Élysée Summit for Peace and Security in Africa. The gathering brings together heads of state and leaders of 53 countries, together with UN Secretary-General Ban Ki-moon, African Union Commission Chairperson Nkosazana Dlaimini Zuma, President of the European Commission José Manuel Barroso, President Herman van Rompuy, President of the European Council, and senior representatives from the World Bank, IMF and African Development Bank. ENDS
-
Somalia gets first fiber optic link to the world (Reuters) - African fiber optic company Liquid Telecom has delivered a broadband Internet cable to Somalia's doorstep, the first terrestrial connection to the Horn of Africa country that because of conflict has had rely on expensive satellite links. Liquid Telecom has agreed a deal with one of Somalia's largest mobile operators, Hormuud, to connect it to its 17,000 km (10,500 mile) network of terrestrial cables that crosses 11 African countries. Liquid already provides Somalia with international Internet links via satellite, but will now deliver more capacity faster. "If there is a place that is not connected, that is the place that attracts us," Nic Rudnick, chief executive of Mauritius-based Liquid Telecom, told Reuters on the sidelines of an African telecoms conference in Cape Town. Although it has one of the longest shorelines on the continent, Somalia does not benefit from the three undersea cables that run alongside it. All of them land further south in Kenya, from where Liquid Telecom will be linking to it. The company has access to capacity on all three cables and is a shareholder in one, the East African Marine System. Liquid provides bandwidth connectivity to clients in 16 countries such as the Democratic Republic of Congo, Rwanda and Zimbabwe, through both satellite and cable connections. Rudnick said the company would spend $250 million over the next two years to extend its network to more African cities including major centers in west Africa. (Reporting by Helen Nyambura-Mwaura; Editing by Ed Stoddard and David Evans)
-
Mahiigaan The honeymoon in Mogadishu is over, no big construction is underway except the Turkish projects and few refurbishing of older houses around the where the government is. The rest of the city which is not less than 80% looks like Hiroshima of the WW 2. Billions of dollars worth of project have started in Mogadishu , Mogadishu admin are building new district as the city became to small for its population. Shirka Jazeera Estate ayaa maanta soo bandhigtay Shirkado ay heshiis kula gashay inay biyo iyo koronto geliyaan dhulka laga dhisi doono deegaanka Jazeera ee loogu magac daray Real Estate. Munaasabad lagu soo bandhigayay heshiiskan oo ka dhacday maata Hotelka Jazeera ayaa waxaa hadalo ka jeediyay Mas'uuliyiinta Shirkadaha deegaanka ka dhisaya dhulka Jazeera iyo shirkada korontada iyo biyaha gelinaya. Gudoomiyaha Shirkada Jazeera Estate Iimaan Maxamed Cali ayaa ka hadlay halka ay mareyso dhismaha casriga ee laga hirgelinayo deegaanka Jazeera, kaasoo noqonaya deegaan dhan oo u dhisan qaababka guryaha caalamiga, waxaana uu lahaan doonaan dhamaan adeegyada aas aasiga u ah bulshada, sida Koronto, Biyo, Taleefan, Internet iyo iwm. Iimaan Maxamed Cali ayaa sheegay in dhagax dhiga rasmiga ee dhismahan uu bilaaban doono 1-4-2014, waxaana uu noqon doonaa deegaankii ugu horeeyay qaab casri u dhisan sida dalalka horumaray oo kale oo laga dhiso deegaanka Jazeera. Sidoo kale waxaa ka hadlay munaasabada Mohamud Omar Aadan oo ah milkiilaha shirkada la siiyay biyo gelinta dhulka, waxaana uu sheegay in dhamaan deegaankaas ay gelin doono biyo nadiif ah. Deegaanka Casriga ee Real Estate ayaa waxaa uu yeelan doonaan dhismayaal isugu jira Hotelo, Guryo Villa ah, Masaajid, Saldhig Boolis, Xarun Caafimaad iyo goobo lagu nasto oo Jardiino ah, Barkado lagu dabaasho, waxaana guryahaas loo qalabeyn doonaa sida guryaha casriga ee caalamka, iyadoo dhowaan la soo bandhigay naqshadaha deegaankan laga dhisayo Jazeera . One year of stability imagine what future holds for Mogadishu
-
Popular Contributors