malistar2012
Nomad-
Content Count
2,754 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by malistar2012
-
Baarlamaanka oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xukuumadda cusub
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
Congrats to PM Dr C/weli Sheekh Axmed and the new Cabinet my Allah bless you guys with success and achievement . 2014 will be Promising year we have full confident on Dr Dr C/weli Sheekh Axmed a technocrat with well experience in governance . Madaxweynaha Somalia oo soo dhoweeyey ansixinta Golaha Wasiirada cusub Muqdisho, 21 Janaayo, 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa soo dhoweeyey ansixintii Golaha Wasiirada cusub. Baarlamaanka ayaa maanta u codeeyey oo si aqlabiyad leh ku ansaxiyey Xukuumada cusub ee uu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed soo dhisay. Madaxweynaha ayaa yiri: “Waxaan soo dhoweynayaa isla markaana ammaanayaa sida mas’uuliyadda ku jirto ee demoqraadiyada ah ee baarlamaanku u ansixiyeen golaha wasiirada. Tani waa tallaabo dhanka horumarka loo qaaday oo ay tahay shaqsi walba inuu soo dhoweeyo. Ansixintan golaha wasiirada oo matala dhammaan shacabka Soomaaliyeed ahna danta shacabka ayaa waxey shacabka iyo caalamka tuseysaa in hay’adaheena dowliga ah ay yihiin kuwo mas’uuliyada ballaaran ee saaran u gudan kara si muhiim ah.” “Waxaa hadda lama huraan ah in xukuumada cusub ay bilowdo howlaha muhiimka ah ee horyaalla. Waxaana horyaalla caqabado badan, hase ahaatee Soomaalidu waxey ka sugayaan in horumar laga sameeyo dhan walba. Waa inaan goobaha haray ka saarnaa Al-Shabaab oo aan waddanka nabadeynaa, si aan u joojiyo khatarta argagaxisada. Goobaha cusub ee gacanta dowladda soo galana waa in shacabka la gaarsiiyaa adeegyada bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada. Canshuurahana waa in la bilaabaa oo gundhig u ah dib-u-habeynta iyo maareynta maaliyadda, si aan dalka ugu horseedno soo kabasho dhanka dhaqaalaha ah iyo horumarka guud. Sidoo kale baarlamaanka waxaa horyaalla inay ka doodaan, dib u eegis ku sameeyaan isla markaana ay soo saaraan shuruucda muhiimka u ah dowladnimada iyo dalka.” -
Baarlamaanka oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xukuumadda cusub Talaado, Janaayo 21, 2014 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xukuumadda cusub ee uu soo dhisay dhawaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo ay ogolaadeen inta badan xildhibaanadii kulanka ku sugnaa. Codeynta oo ahayd mid gacan-taag ah ayaa waxaa codeeyay 233 xildhibaan iyadoo 186 ka mid ah ay ku codeeyeen HAA, halka 46 mudane ay iyaguna ku codeeyeen MYA, waxaana ka aamusay hal mudane oo keliya. Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo kulanka shir-guddoominayay ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta, iyagoo markaas kaddib uu hoolka baarlamaanka ka billowday sawaxan ay sameynayaan xubnaha golaha wasiirrada oo intooda badan ku sugnaa hoolka uu kulanku ka socday si ay u muujiyaan farxaddood. Xildhibaanno ka badan sideetan ayaa hadallo ka jeediyay hoolka shirarka baarlamaanka Soomaaliya ka hor intii aan loo codeyn xukuumadda, kuwaasoo ahaa kuwo aragtiyo kala duwan ka bixiyay xukuumadda cusub ee Soomaaliya. Wasiir ku xigeenka gaashandhigga Soomaaliya, xildhibaan C/lla Xuseen Cali oo codeynta kaddib la hadlay warbaahinta qaarkeed ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin sida kalsoonida loo siiyay. Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka oo hadlay ayaa sheegay in berri oo Arbaco ah la dhaarin doono golaha wasiirrada xukuumadda Somalia, mana jirin hadal uu jeediyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed codeynta kaddib. Balse ra'iisul wasaaraha ayaa hadal uu furitaankii kulanka baarlamaanka ka jeediyay aad ugu sharraxay inay xukuumaddiisu qaban doonto howlo fara badan oo horyaalla haddii ay codka kalsoonida hesho, kuwaasoo ay ka mid yihiin adkeynta nabadda, la dagaalanka Al-shabaab iyo dhismaha ciidamada dalka oo uu sheegay inay tiradoodu noqonayso 28,000 oo isugu jira kuwa dhulka, cirka iyo badda. Golaha cusub ee wasiirrada xukuumadda Somalia oo ka kooban 55-xubnood ayaa intooda badan waxay yihiin xildhibaanno, waxaana xubno horay uga tirsanaa xukuumaddii kalsoonida lagala laabtay ee Saacid. Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Qorshaha xukuumadda cusub oo loo qaybiyey Baarlamaanka (SAWIRRO)
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
<cite> @Mooge said:</cite> malistar, Niyoow, there is no Somali parliament. this Jawaari person is a tool and the country is in the hands of damjadiid. he is busy drinking. when will you realize this goverment is just dead. no Somali wants to have anything to do with it except clan supporters. Speak for yourself and dawladiid elements you supported rip Abdulahi Yusuf shelling of Xamar , lets say the damjadiid controls the Parliament well they out played every other party and Group to get control that is part of Politics , The Party that has majority are ought to rule ? stop the whining and crying tell your lot reform them self and organize a party instead of whining and crying about other people success and determination. -
Cadal President Hassan Sheikh Mohamud chose the right Pm to lead Nation Man who has the Education and Experience to lead Somalia, A man who was popular received and welcomed through out Somalia Abdiweli Sheikh Ahmed, ... . Our new for FM A/rahman Bayle is an executive from African Development Bank Has a significant experience and Education who also is a strong Nationalist . The Rest is politics Goodax interior minister, gulleed as the security minister, dhuxuloow
-
Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) —Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta loo qaybiyey qorshaha xukuumadda cusub -ee uu maalmo kahor soo magacaabay- Ra'iisul Wasaare C/weli Sheekh Axmed. Xildhibaannada ayaa fursad loo siiyey muddo 24saac ah oo ay qorshaha xukuumadda kusoo eegayaan iyagoo maalinta xigtana ka doodi doona. Fadhiga Golaha Baarlamaanka ee maanta oo ahaa fadhiga 57-aad ee kal-fadhiga sadexaad waxaa shir guddoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari. Mudane Jawaari ayaa ugu horreyn isaga oo ku hadlaya afka baarlamaanka wuxuu ka tacsiyeeyey geerida -AHN- Qareen Xasan Sheekh Ibraahim oo shalay dalka Maraykanka ku geeriyoodey. Guddoomiyaha ayaa intaas kaddib amray in xildhibaannada loo qaybiyo dukumiintiga uu ku qoran yahay qorsaha xukuumadda, isagoo sheegay in ay muddo hal maalin ah haystaan si ay ugu soo indho-indheeyaan iyagoo maalin kaddibna ka doodi doona. Mudane Jawaari ayaa soo jeediyey in xildhibaannadu ay qorshaha xukuumadda koox koox isula soo akhriyaan, haseyeeshee xildhibaannada ayaa iyaguna dhankooda soo jeediyey in ay mid mid usoo akhristaan, ra'yigaas oo Afhayeenka Goluhu uu aqbalay si weynna usoo dhoweeyey. Dhanka kale, waxaa intii uu maanta socdey kulanka 57-aad ee kal-fadhiga saddexaad ee Baarlamaanka Soomaaliya la dhaariyey xildhibaan cusub oo kusoo biiray Golaha, xildhibaankaas oo lagu magacaabo Dr Maxamed Aadan Waaberi. Berri oo Talaado ah ayey xildhibaannada baarlamaanku ka doodi doonaan qorshaha xukuumadda cusub ee Ra'iisul Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed uu soo dhisay 17-kii bishan aynu ku jirno ee Janaayo, iyagoo maalinta xigta ee Arbacadana codka kalsoonida u qaadi doona xukuumadda cusub. Kal-fadhiga saddexaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo xirmi doona marka codka kalsoonida loo qaado xukuumadda. Dadka siyaasadda Soomaaliya ka faallooda ayaa saadaalinaya in Baarlamaanku uu codka kalsoonida siin doono golaha wasiirrada ee Ra'iisul Wasaare C/weli Sheekh Axmed. Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online xaajidirir@hiiraan.com Puntland, Soomaaliya
-
2014 we are expecting the UN Arms embargo lifted strong army with chain of command will be build , we will also see new federal states A great year is ahead for Somalia . Caadale Your are protesting to much lately tell us the real reason why you are over exaggerating . is it the Mogadishu Governor and Mayor position or Minister jobs - support your Government think Big . Hassan Sheikh Mohamud is one clever very intelligent shrewd politician don't hate the player , The man has the Parliament and IC under him . President Hassan Sheikh Mohamud is building strong army and security force capable of defeating alshabaab .
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kadib wada hadalo muddo saddexdii maalmood ee u dambeeyay ku dhex marayay Istanbul, kaasoo ay garwadeen ka aheyd dowladda Turkiga. Ergooyinka labada dhinac ka kala socday ayaa kala saxiixday qodobo dhowr ah, waxaana ay isla garwaaqsadeen Road Map ama qariirad loo jeexay in wada hadalada sii socdaan, iyagoo ku heshiiyay in muddo sagaashan maalmood gudahood la isku soo laabto dalka Turkiga. Sidoo kale qodobada heshiiska ayaa waxaa ka mid ahaa in 45 maalmood gudahood lagu magacaabo Gudi labada dhinac ah oo mideysan, kuwaasii si xogheyn ah u shaqeynaya, isla markaana saldhig ka dhiganaya dalka Turkiga. Gudigan mideysan ayaa waxay isla eegi doonaan si ambaqaadida wada hadalada iyo inay la socdaan waxyaabihii ka soo baxay shirarka labada dhinac u socda. Waxaa kaloo qodobada lagu heshiiyay ka mid ahaa in labada dhinac ay si wada jir u cambaareeyaan tacadiyadii dowladdii Milateriga u geysatay Somaliland, iyadoo labada dhinac ay ahaayeen kuwo xalay ku kala tagay fadhiga, markii Ergadii ka socday Somaliland ay dalbadeen in tacadigii dowladii Milateriga ay geysatay loo aqoonsado xasuuq, balse ergada dowladda ay ka biya diideen. Labada dhinac ayaa isla gartay in loo arko tacadiyadaas mid ay geysatay dowladdii Milaterigii, isla markaana labada dhinac ka xun yihiin. Heshiiskan oo lagu qoray afafka Ingiriiska iyo Soomaaliga ayaa waxaa kala saxiixday Madaxdii wafdiga labada dhinac Wasiirka Amniga Qaranka dowladda Federaalka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed iyo Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis. Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo la hadlay Raadiyaha afka dowladda ku hadla ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in aan wali laga hadlin qodobkii ku saabsanaa Midnimada Soomaaliya, hase ahaatee ay ka hormariyeen qodobo kale oo lagu xoojinayo wada hadalada labada dhinac. "Waxaan kala saxiixanay heshiis ku saabsan in saddexdii bil aan mar ku kulano dalka Turkiga, in la abuuro kalsooni, teeda kale hadafka iyo wadahallada waa mid iska cad, oo ah sidii aan dib u soo celin lahayn midnimadii iyo wada jirkii Soomaaliya iyo in Walaalaheen ay ku soo laabtaan xeen daabka guud ee dowladda"ayuu yiri Wasiirka Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed. Wada hadaladan dhex maraya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa ah kii shanaad, iyadoo horay labo kulan oo is arag ah ku soo dhex maray magaalada London iyo Dubai, halka Turkiga lagu shiray saddex jeer, waxaana la filayaa in markii afaraad uu Turkigu marti geliyo wada hadaladaas sagaashan cisho kadib.
-
full confidence on Mudane C/weli Sheekh will revive the Somali National Army and defeat Alshabaab . Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay inay Wadayaan dagaalka Al-shabaab Maxamed ayaa sheegay maanta inay xukuumaddiisu sii wadi doonto dagaalka lagula jiro Al-shabaab, isagoo ku eedeeyay Al-shabaab inay kasoo horjeeddo nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya. Mudane C/weli Sheekh ayaa hadalkiisan kusoo beegay xilli uu xalay gellinkii dambe ku dhawaaqay gole wasaaradeed oo ka kooban 55-xubnood, kuwaas oo aad uga tiro badan wasiirradii xukuumaddii ka horreysay. “Dagaalka aan kula jirno Al-shabaab waan sii wadaynaa tan iyo inta dalka oo dhan laga saarayo, taasna waa mid naga go’an” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha oo dhawaan sheegay in sannadkan uu noqonayo sannadkii cirib-tirka kooxda Al-shabaab iyo dhisidda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa war uu xafiiskiisa kaasoo saaray ku sheegay in xukuumaddiisa cusub ay ku dadaali doonto horumarinta gabi ahaan hay’adaha dowladda, maaliyadda iyo nidaamka federaalka ah. Ra’iisul wasaare C/weli ayaa xusay inay xukuumaddiisu si hagar la’aan ah ugu shaqeyn doonto dhammeystirka horumarrada la gaaray sannadkii hore, si ay Soomaaliya u gaarto meesha ugu wanaagsan ee uu ku haminayo qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah. Dhanka kale, wuxuu sheegay inay Soomaaliya hadda heysato fursad cusub oo ku hagi karta gaarista heer lagu faani karo, inkastoo uusan fursadahaas si cad carrabka ugu dhufan. Mudane C/weli Sheekh ayaa waxaa la magacaabay 12-kii bishii December ee sannadkii hore, kaddib markii ay kalsoonida wayday xukuumaddii Saacid uu horkacayay, waxaana uu xilka la wareegay 26-kii isla bishii December. Xukuumadda uu ra’iisul wasaaruhu xalay magacaabay ayaa waxay isugu jiraan xubno horay ula soo shaqeeyay xukuumadihii KMG ahaa, kuwo ka tirsanaa xukuumaddii Saacid iyo xubno ku cusub siyaasadda dalka. Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Two new faces from the North Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ? From Awdal region in Somalia who has info on the new FM pls provide. Ninkii Siilaanyo watay Mr Jamac Oday oo Wasiir laga dhigay Mudane Jaamac Axmed Maxamed (Oday) Wasiirka Tamarta iyo Biyaha
-
Shirkii u socday DF Somalia iyo Somaliland oo Maalintii labaad galay Wararka laga helaayo Magaalada Stanbul ee dalka Turkiga ayaa waxa ay sheegayaan in maanta uu halkaas maalintii labaad ka bilaawday shirka wadatashiga DF Somalia iyo maamulka Somaliland. Wadahadaladaan u socda Somalia iyo Somaliland ayaa waxa ay shalay labada dhinac isla afgarteen in ay soo qortaan ajandihii ay kaga hadli lahaayeen wadahadaldooda . Wufuuda ka kala socota labada dhinac ayaa mid kasta waxa uu doonayaa in ay ka dhaadhiciyaan dhinaca kale habka ay u doonayaan in ay ku heshiiyaan DF Somalia iyo maamulka Somaliland . Wufuuda ka socota DF Somalia ayaa iyaga isku dayaya in maamulka Somaliland ay ku qanciyaan in ay ka tanaasulaan in Somalia ay ka go’aan sidaas darteed ay halmeel ay ka wada tashtaan. Dhanka kale Maamulka Somaliland ayaa waxa ay wadahadalkaan ka rajeenayaan in ay noqdaan maamul ka ooni ah DF Somalia isla markaana ay noqdan Dowlada gaar ah oo ka jirta Geeska Afrika. Si kastaba Wadahadalada labada dhinac ayaa waxaa garwadeyn ka ah dowlada dalka Turkiga taas oo laba dhnac ka codsaneysa in ay gaaraan heshiis ay dadka Somaliyeed ku qancaan. Wixii ku soo kordha Shirkaas waxaad ku aqrisan doontaan warkeena soo socda haduu alle idmo. The two side came on prepared with no agenda or a frame work writing down , I guess they both came for a free get away vacation.
-
Kulan socon doona mudo 7 maalmood ah oo looga hadlayo sida ay haweenka Soomaaliyeed qeyb uga noqonkaraan hogaaminta Siyaasadda dalka ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa isugu yimid Ururrada Haweenka Soomaaliyeed ee gobollada dalka ku dhaqan, waxaana looga hadlayaa xal u helidda Hoggaanka Siyaasadda dalka iyo caqabada ka hor taagan sidii meesha looga saari, iyadoo wadatashi ay yeelan doonaan maalmaha kulammada. Daahfurka kulankii ugu horreeyey ee maanta waxaa ka soo qeyb galay Haweenka Soomaaliyeed oo qaarkooda ka yimid gobollada Puntland, Agaasimaha guud ee horumarinta Haweenka iyo Qoyska ee Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada, Maxamed Cumar, mas’uuliyiin ka socotay Ururrada Bulshada Rayidka iyo saraakiil Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ka socotay Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yare” oo ah Guddoomiyaha isbaheysiga Ururrada Bulshada ayaa sharraxaad ka bixisay u jeeddada kulammadan wadatashi ah ee haweenku ay uga arrinsanayaan ka qeyb-galka hoggaanka siyaasadda, iyadoo sheegtay in arrimaha ugu muhiimsan ay yihiin in Haweenka Puntland iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee la dhisi doona doorka ay Haweenka ku lahaan doonaan la muujiyo. Kulanka ayaa waxaa khubado ka jeediyey xubno kale oo ku sugnaa oo ay ka mid tahay Drs Caasho oo cudurrada haweenka qaabilsan, sidoo kale kulanka inta uu socday waxaa Qadka Telfoonka uga qeyb-galay qaar ka mid ah Ururrada Haweenka Puntland oo aysan u suurtagelin maanta in Muqdisho ay soo gaaraan, waxeyna soo dhaweeyeen wada tashiyada Haweenka ee ka qeyb-galka hoggaanka siyaasadda dalka. C/laahi Shirwac oo ah Guddoomiyaha talladda Jaliyeyaasha aan dowliga aheyn, ayaa sheegay in xalka uu yahay in wadatashiyada ay Haweenku xoojiyaan, islamarkaana ay hirgalinayaan. Ugu dambeyntii Agaasimaha guud ee horumarinta Haweenka iyo Qoyska ee Wasaaradda horumarinta Adeegga Bulshada Maxamed Cumar ayaa sheegay in ay jiraan Haween aqoonyahanno ah, loona baahan yahay in midnimada la xoojiyo, si xal ugu noqoto doorka ay siyaasadda dalka ku leeyihiin. Kulammada oo soconaya Lixda maalmood ee soo socota ayaa ahaan doona kuwa furan, iyadoo qeybtii dambe ee kulanka ay Fanaanadda Hiba Nuura ku soo bandhigtay Heeso boggaadin ah, doodaha ay sameyn doonaan haweenka kulammada ka qeyb-galaya ayaa ka hadli doona qodobbo ay ka mid yihiin sidii Haweenka Puntland ay u heli lahaayeen kaalintooda siyaasadeed, maadaama ay socoto ololihii doorashada madaxtinimada maamulkaasi iyo arrimo kale
-
YoniZ;992239 wrote: Saxiib waxa fiicnaan lahey in aad ku gaabsatid Xidigta October's kind of the reporting you have been up to lately. a lot of my Hargeysa friends use South Sudan and Eritrea as on example and hope for secessionist dream , we now know that statues of both country today . Breaking Somalia into two is not the answer for a better future .
-
in Hiiraan "Ciidamadani la geeyay Kabxanleey, oo 28 Km u jirta Beledweyne, ayaa waxa ay ka danbeyeen markii dhawaan Wafdi ka socda DFS uu Heshiis hor dhac ah kala dhaxdhigay Beelihii halkaasi ku dagaalamay. Taliska Ciidamada Booliska AMISOM ee Gobolka Hiiraan,ayaa sheegay in Tallaabadan ay qayb ka tahay Dadaalka loogu jiro Dejinta Xiisadaha Colaadeed ee ka jira Gobolka Hiiraan oo u dhaxeeya Labo Beelood oo wada dega Deegaanka Kabxanleey. Wadahadallo ay Dowladda Soomaaliya garwadeen ka tahay, ayaa ka socda Magaalada Beledweyne,iyadoo halkaasi ay ku suganyihiin Odayaal matalaya Beelaha uu Dagaalka u dhaxeeyo. Colaadda Deegaanka Kabxanleey oo Salka ku hayso Muran dhanka Lahaanshaha Dhulka ah, ayaa noqotay mid Xalkeeda uu dab dheeraaday kadib markii Heshiisyo badan oo horay loo gaaray ay dhaqangeli waayeen, waxaana ay taasi keentay in markale uu Dhiig daato." Congrats to the SFG and SNA for stopping the inter clan bloodshed in Parts of Hiiraan - Shabeelaha Hoose and Shabeelaha dhex created by alshabaab and Nabadiids . The Next Phase for The SFG should be disarming all clan militias Inshallah .
-
Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo hogaaminayay wafdi ka koobnaa Xildhibaano iyo odayaal dhaqameedyo oo howlo dhex dhexaadin u tagay deegaanada Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay qaadaan dhamaan jidgooyooyinkii yaalay gobolkaas. C/xakiin Fiqi ayaa sheegay in dhamaan maleeshiyaadkii dagaalamay ay kala qaadeen, isla markaana ay dhigeen deegaanada lagu dagaalamay Ciidamo isugu jira Milateri iyo AMISOM, si ay ammaanka u xaqiijiyaan. "Dhamaan Jidgooyooyinkii yiil Shabeelaha Hoose waa qaadnay, maleeshiyaadkii is hor fadhiyay waxaa ku xareynay xerooyin ciidamada milateriga ku leeyihiin Shabeelaha Hoose si loo qarameeyo"ayuu yiri C/xakiin Fiqi. Wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka Gaashaandhiga oo kormeero ku tagay deegaanka Nambar 50 iyo degmada Janaale oo ahaa deegaanadii lagu dagaalamay ayaa sheegay in safarkooda uu guul ku soo dhamaaday. Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa soo dhoweeyay guulaha uu gaaray wafdiga dowladda u dirtay xalinta dagaal beeleedyadii ka dhacay Shabeelaha Hoose, isagoo si gaar ah Madaxweynaha ugu amaanay inuu isku xil saaray joojinta dhiiga daadanayay. Xildhibaan Cumar Finish oo ka mid ahaa Xildhibaanada xubnaha ka ahaa wafdiga ayaa sheegay in safarkooda uu ahaa mid xal nabadeed, isla markaana dhinacyadii dagaalamay ay kala dhex dhigeen heshiis xabad joojin iyo in si nabad lagu wada noolaado. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirtay xalinta dagaal beeleedyada mudooyinkii u dambeeyay ka dhacayay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, kaasoo ay ku dhinteen dad fara badan.
-
Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose Oo u mahadceliayay Madaxweynaha Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa waxa uu kaga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida uu ugu jawaabay Colaadda ka soo cusboonaatay deegaano ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose islamarkaana wafdi heer Qaran ah uu u diray gobolka si xaal looga gaaro Colaadda. Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa ka warbixiyay halka ay mareyso howlihii nabadeynta ahaa ee lagu dhex dhex dhexaadinayay beelihii dhawaan dirirtu ay ku dhex martay qeybo ka mid ah gobolka Sh/hoose in xal weyn laga gaaray colaadaasi. guddoomiyaha gobolka Sh/hoose C/qaadir Siidii ayaa xusay wafdigii Gobolka howlaha nabadeynta ahaa u tagay ee isugu jiray wasiiro, xildhibaano, iyo odayaasha dhaqanka ayaa kormeeray dhamaan goobihii ay colaada ku dhexmartay beelihii halkaasi ku diriray islamarkana ay ku guleysteen in waa waan ay kala dhex dhigaan beelahaasi, isagoo raja wanaagsan ka muujiyay in hishiis iyo is afgarad ay wada gaaraan dadkii halkaasi colaada ku dhexmartay. sidoo kale guddoomiyaha gobolka Sh/ hoose C/qaadir Nuur Siidii oo hadalkiisa sii wata ayaa *****lka ka qaaday in xaaladda gobolka dhanka amaanka uu yahay mid aad u wanaagsan, waxaana uu carabka ku dhuftay in wada hadalka la gaaray ay horseeday in go,aan lagu gaaray in dhamaan jid gooyooyinkii yiilay qeybo ka mid ah gobolka Sh/ hoose gabi ahaanba la qaado dhawaana ay ay guda gali donaan bur-burinta gobahaasi. Wafdi isugu jira wasiiro xildhibaano, iyo odayaal dhaqmeed oo baryahaan ku sugnaa qeybo ka mid ah gobolka Sh/ hoose ayaa ku guleystay in hishiis ay kala dhex dhigaan beelihii dhawaan halkaasi ku diriray iyagoo guul ka gaaray joojinta colaadii baryahaan halkaasi ka taagneed iyadoo haatan qorshuhu uu yahay sidii ciidamo loo geyn lahaa goobihii rabshaduhu ay ka dhaceen.
-
NAIROBI, Kenya -- Amid the eruption of violence along ethnic lines in South Sudan, U.N. investigators discovered a mass grave in a rebel-held city, the United Nations said Tuesday as a possible opening occurred for negotiations to avert civil war in the world's newest country. The bodies were found in Bentiu: one grave with 14 bodies and a site nearby with 20 bodies, said U.N. human rights office spokeswoman Ravina Shamdasani. The government minister of information Michael Makuei Lueth said Bentiu is under the control of rebels loyal to the country's former vice-president, Riek Machar, indicating they were responsible for the killings. The dead reportedly were ethnic Dinka who belonged to the Sudan People's Liberation Army, said Shamdasani, referring to government military forces. South Sudan President Salva Kiir is Dinka while Machar is Nuer. U.S. Secretary of State John Kerry spoke on the phone Tuesday with Machar, who said he told Kerry he is ready for talks with Kiir, likely to take place in Ethiopia. "I will form a high-level delegation, to which I will give full power to negotiate an accord," Machar told Radio France Internationale. "We want Salva Kiir to quit power. We want a democratic nation and free and fair elections." Violence began spreading across South Sudan after a fight among Kiir's presidential guards late Dec. 15, pitting Nuer against Dinka. Some 20,000 people seeking safety have crowded round the U.N. base in Juba, the capital, where at least two other mass graves are reported to have been found, U.N. human rights chief Navi Pillay said. The U.N. Security Council is expected to vote later Tuesday on a resolution to increase the number of U.N. troops in South Sudan from 7,000 to 12,500 following a call by Secretary-General Ban Ki-moon for more U.N. force. U.N. staff visited the mass grave in Bentiu on Monday. Originally the U.N. said 75 bodies had been seen but later corrected that statement to 34 bodies seen and 75 people missing and feared dead. The United States, Norway and Ethiopia are leading efforts to open peace talks on the 10-day-old crisis. Officials say Kiir and Machar have agreed to meet but specifics including the status of Machar's imprisoned compatriots are holding up talks. South Sudanese troops, meanwhile, are advancing on Bor in order to take it back from troops loyal to Machar, said military spokesman Col. Philip Aguer. The military said armed elements have entered a U.N. refugee camp in Bor, a frightening situation for the 17,000 civilians seeking refuge there. Government troops will also soon advance on Bentiu, in oil-rich Unity state, he said. The U.N. has staff in the country investigating mass killings, said Pillay. It is unclear who is responsible for the deaths, she said. Two other mass graves were reportedly found in Jebel-Kujur and Newside, near Eden, she said. The country's top U.N. humanitarian official said Monday that he believes the death toll from 10 days of violence has surpassed 1,000 but added that there are no firm counts. The official, Toby Lanzer, estimated that there are more than 100,000 internal refugees across the country seeking shelter from the violence. A top European Union official, Catherine Ashton, said political dialogue must include all groups, including those whose leaders are currently imprisoned. The use of force, she said, will achieve nothing. "I am extremely concerned that South Sudan risks spiraling into a disaster for both its own people and the region. Such a situation can, and must, be avoided," Ashton said, adding: "The people of South Sudan have suffered war for too long to be plunged once more into an avoidable conflict." South Sudan, the world's newest country, peacefully broke away from Sudan in 2011 following a 2005 peace deal. Before that, the south fought decades of war with Sudan. The country, one of the world's least developed, still has pockets of rebel resistance and sees cyclical, tribal clashes that result in hundreds of deaths.
-
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo hogaaminaya wafdi ballaaran oo isugu jira xildhibaano iyo odayaal dhaqameedyo ayaa degmada Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose kula kulmay Saraakiisha ciidamada xooga dalka iyo kuwa AMISOM, iyagoo kala hadlay sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka. C/xakiin Fiqi ayaa sheegay in kulamada ay la qaateen saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka soo baxeen go'aano ku aadan sidii loo suura gelin lahaa adkeynta xaalada amniga iyo mida bulshada ee ka jirta deegaanada Shabeelaha Hoose. "Ciidamada halkaan jooga waxa ay yihiin kuwa u taagan gudashada waajibaadkooda, anagana si aad ah ayaan u qiimeynay hab dhaqankooda, runtii waxaan isleeyahay waa ciidan u taagan in ay dalka ka xureeyaan maleeshiyaadka Al shabaab ee ku dhuumaaleysanaya qaybo yar oo gobolka ka tirsan" ayuu C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi Sidoo kale waxaa uu sheegay in meel wanaagsan ay mareyso dadaalada iyo waan waanta laga dhex wado dhinacyadii ku dagaalamay gobolka, isagoo xusay inay kala qaadeen maleeshiyo beeleedydii ku dagaalamay deegaano ka tirsan Shabellaha Hoose. "Labadii maleeshiyo beeleedyo waan kala qaadnay, si KMG ah ayaan meelo u kala dejinay, waxaa noo qorsheysan in aan tababar u fidino maleeshiyaadka, si ay qeyb uga noqdaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya"ayuu yiri C/xakiin Fiqi. Wafdiga uu hogaaminayo C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa la filayaa inay sii wadaan howlaha kormeer ay ku sameynayaan deegaano hoostaga gobolka Shabeelaha hoose, halkaasi oo ay ugu kuurgalayaan xaaladaha amni iyo tan bulsho ee halkaasi ka jirta. Somali news leader www.jowhar.com jowharcom@hotmail.com golfyare@gmail.com
-
War saxaafadeed ka soo baxay Shikada Favori ee gacanta ku heysa garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa looga hadlay waxqabadkeeda u horeeyay mudadii saddexda bilood ee ugu horeysay ee ay gacanta ku hayeen howlaha maamulka garoonka. Favori LLC ayaa sheegtay in si weyn u kordhay dakhliga ka soo xarooda garoonka diyaaradaha Muqdisho, isla markaana dowladda Soomaaliya ay ka heshay in ka badan $1.1 Milyan doolar oo ah dakhli toos ah oo garoonka ku soo xarooday tan iyo markii Shirkada Favori a wareegtay maamulka Garoonka 15-kii September. Madaxa Shirkada Favori Axmed Cetin yaa sheegay in uu ku faraxsa yahay dakhliga ka soo xarooday garoonka diyaaradaha ee Caalamiga Muqdisho uu si weyn u kordhay. "Kororkani wuxuu ka dhigan yahay in ka badan 50% dakhligii dowlada soo gali jiray, xilliga ugu dhow ee lagu cabbiri karo"” ayuu yiri Axmed Cetin, madaxa shirkadda Favori LLC oo intaa hadalkiisa ku daray "Waxaa naga go’an inaan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda ka taageerno sidii loo sii kordhin lahaa dakhligaas, iyadoo aan dib u dhisi doono terminaalka weyn”. Heshiiska ay Favori la saxiixatay Dowladda Soomaaliya ayaa qeexaya in Favori ay dhisto terminaalka weyn ee gegida dayuuradaha Muqdisho, iyo inay balaariso goobaha ay dayuuraduhu istaagi karaan, iyo waliba dhabbe cusub oo ay dayuuraduhu ku socdaan, si loo kordhiyo adeegga gegida Muqdisho. Diyaar garowga mashruucani wuu bilowday, waxaana la filayaa in terminaalka cusub la dhammeystiro bartamaha sanadka 2014-ka. “Terminaalka cusub wuxuu sii kordhinayaa dakhliga usoo xarooda dowladda 40% dheeraad ah, Shirkadda Favori waxaa ka go’an inay maal-gashi dheeraad ah sameyso, isla markaana ganacsiga Soomaaliya xoojintiisa gacan ka geysato"ayuu yiri Axmed Cetin. Gegida caalamiga ah ee Muqdihso waxay hadda u adeegtaa illaa iyo 42 shirkad duulimaad. Tan iyo markii ay shirkada Favori la wareegtay masuuliyadiisa, waxaa kordhay shirkadaha duullimaadka ee is-diiwaan galinaya. Celcelis ahaan todobaadkiiba hal shirkad oo cusub ayaa kusoo biirta. "Hadafka shirkadda Favori waa inay hagaajiso, oo isku dubba-riddo adeegyada gegida dayuuradha ee caalamiga ah ee Muqdisho, isla markaana soo gaarsiiso heerarka caalamiga ah si ay u xiriir adag ugu sameeyaan bulshada caalamka iyo muqdisho. Tani waxeey keeneysaa fursad lagu qurxiyo lugana taageero dib-u-habeeynta bulshada iyo dhaqaalaha wadanka aan Walaalaha nahay.” Shirkadda Favori LLC waa mid gaar loo leeyahay oo saldhiggeedu Muqdisho yahay. Adeegyada ay qabato waxaa ugu waaweyn adeegga dhulka ee dayuuradaha, iyo maamulka iyo maareynta gegiyada dayuuradaha. Waxaa shirkadan maal-gashaday laba shirkadood oo Turkey ah, oo kala ah Cetin Group iyo Kozuva Group, waxaana u shaqeeya illaa 7,000 oo qof, illaa $170 million oo dollar ayayna shirkaddu sanadkii ku howl-gashaaa. CETIN wuxuu ku gabagabeeyay hadalkiisa. Somali news leader www.jowhar.com jowharcom@hotmail.com golfyare@gmail.com
-
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta kormeer howleed ku tagey xarunta Wasaaradda gaashandhiga ee Soomaaliya, islamarkaana soo indha indheeyay qeybaha ay ka koobantahay Wasaaradaasi isagoo kulaman la la qaatay saraakiisha sar sare ee Mileteriga Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeerkiisan ugu kuurgalayay xaaladda ciidanka xoogga dalka iyo qaabka ay u shaqeeyaan talisyadooda ayaa hadal u jeediyay saraakiisha iyo ciidamada uu la kulmay isagoo kula dardaarmay ciidamada mileteriga iney ku ka dhabeyaan waajibaadka ay Dabka u qaateen iyo hab la dhaqanka bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna halkaasi salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka. Madaxweynaha ayaa u sheegay dhinaca kale saraakiisha xoogga dalka inay Ciidanka ku hogaamiyaan waddada saxda ah, si meesha looga saaro heeryada argagaxisada weli ku harsan goobo cayiman, isagoo tilmaamay in dowladdu ay dadaal dheer u geli doonto sidii ay ciidamadu u heli lahaayeen xuquuqdooda. Mudane Xasan Sheekh ayaa kulankiisa kadib waxa uu soo kormeeray qaybaha ay ka koobtantahay, wasaaradda Gaashaandhigga isagoo halkaasi warbixinno uga dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka, waxeyna saraakiishu soo bandhigeen gaadiid dagaal oo dowladda loogu deeqay, kuwaasi oo ay ku howlgeli doonaan ciidamada XDS.
-
Madaxweynaha oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Denmark+Sawiro Muqdisho (Sh M Network)–17 December 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa manta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee dalka Denmark, H.E. Geert Aagaard Andersen. Munaasabaddan oo ka dhacday xafiiska Madaxweynaha ee Villa Somalia ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam iyo mas’uuliyiin kale. Safiirka Denmark ayaa farriin uu uga waday madaxda Denmark u gudbiyey madaxweynaha isla markaana sheegay in dowladda Denmark ay ka go’antahay inay Soomaaliya kala shaqeeyo xoojinta xiriirka labada dal iyo taageeridda barnaamijka Dowladda Soomaaliya iyo aragtida dheer ee Madaxweynaha Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Safiirka iyo dowladda Denmark, sheegeyna in ka guddoomista waraaqaha aqoonsiga ay tahay astaanta koowaad ee xiriirka labada dal, Soomaaliyana ay ku dadaaleyso sidii loo sii dar-dargelin lahaa xiriirkaas. Ugu danbeyntii Safiirka Denmark iyo Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ayaa shir jaraa’id ay si wadajir ah u wada qabteen ayey uga hadleen muhiimadda xiriirka labada dal.
-
Taliyaha booliiska saldhigga degmada Hodan ee gobolka Banaadir Col. Maxamed Daahir ayaa sheegay in howlgal ay xalay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmadaas ay kusoo qabqabteen tiro dhallinyaro ah oo qaarkood hubeysan iyo kuwo aan hubeysnayn. Col. Maxamed Daahir ayaa intaa ku daray in dhalinyaradaas ay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayna heleen howlgalka ka hor xog ku saabsan goobaha ay joogeen iyo waxyaabaha ay damacsan yihiin. “Waxaa inoo suuro-gashay xalay inaan gacanta ku soo dhigno dhallinyaro ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo ku dhuumaanayay xaafado ka tirsan degmada Hodan, Alle mahaddii iyaba iyo hubkoodaba waan heynaa” ayuu yiri taliyaha booliiska degmada Hodan. Taliyaha ayaa xusay in dhalinyarada ay qabqabteen ay qaarkood wateen hub kala duwan, sida bastoolado, bambooyin iyo waxyaabo kale, qaar kalena ay qorsheynayeen howlgallo degmada ay ka fuliyaan. “Dhallinyarada aan soo qab-qabannay qaarkood hub ayay wateen kuwa kalena waxay isku diyaariyeen inay falal ammaan-darro degmada, dhammaantood waxay ahaayeen unugyo ka tirsan Al-shabaab oo degmada ku dhuumaaleysanayay,” ayuu yiri taliyaha saldhigga booliiska Hodan. Taliyaha ayaa hadalkiisa ku daray in dhallinyaradan ay maxkamad soo taagi doonaan si loogu qaado dembiga ay galeen ee ah iney ka mid ahaayeen koox argagixiso ah isla markaana doonayeen iney geystaan falal amanka lagu carqaldeynayo. Inkastoo Al-Shabaab laga saaray Muqdisho dhowr sano ka hor aya haddana waxaa magaalada jooga dagaalyahano ka tirsan kooxdaas oo si dhuumaaleysi ah u fuliya weeraro kala duwan oo iskugu jira qaraxyo kala gedisan, dilal qorsheysan iyo noocyo kale.
-
Popular Contributors