malistar2012

Nomad
  • Content Count

    2,754
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by malistar2012

  1. Somalia trains its first commandos after the collapse of the central government The federal government of Somalia today concluded a 6 month-long training course for its first Commandos who will be operating in the country for the first time in nearly 25 years. According to Defense Minister, Mohamed Sheik Hassan Hamud, the training was conducted by Somali military experts and some foreign trainers. Somali Army Chief of Staff Brigadier, General Dahir Aden Elmi, said that the new Commandos were collected from regions across the country. “We are very hopeful that the new Commandos will be able to restore the Special Operations Force to its former glory and I am very grateful to the United States government for helping with the implementation of this training course,” the Somali Army Chief of Staff told the closing ceremony. The Defense Minister, who concluded the training course for the Somali Commandos on Saturday, said that he was very happy with the revival of Somalia’s Commandos once known as ‘Danab’, but unfortunately collapsed after the fall of Somalia in 1991. “The Commandos will be based at the Balli Dogle military camp and they will have complete military equipment,” the Defense Minister said adding that the Commandos will get their rights from the Somali government. This will be the first time in nearly 25 years that Somalia’s Commandos return into the platform. Once upon a time, the Somali military were one of the strongest army in Africa.
  2. The Gov of Japan are heavily investing direct aid to Somali Police force , Every thing from training and supplying Moderate Equipment such as Police Vehicles - Computers - Radio Frequency - Bullet Proofs and etc .
  3. Waxaa maanta soo gaaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho wafdi ka socda dowladda Japan kuwaas oo deeq u badan qalab xafiiseed iyo agabka kale ee booliska ku wareejiyay taliska booliska soomaalityeed. Wefdigan uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal C/xakiin Daahir Saciid Saacid ayaa waxaa hogaaminaayay safiirka Dowladda Japan u fadhiya Soomaaliya Tasushi Taradi, iyadoo wafdigaasi uu kamid ahaa ku-xigeenka Wakiilka Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Yunazawi Atsushi, saraakiil kale oo ka socotay Dowladaha Taageerada siiya Soomaaliya oo ay kamid yihiin Midowga Afrika iyo Dowladda Turkiga. Newly renovated state of the art Police Head Quarter Ugu horeyn Taliyaha Ciidanka Booliska iyo wefdiga waxaa ay salaan sharaf ka qaateen Cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya, intaas kadib waxa uu Taliyaha iyo safiirka ay kormeereen qalab xafiiseed Dowladda Japan ay siisay Ciidanka Booliska Soomaaliya, iyada oo Taliyaha uu wefdiga ay ku soo wareegeen qeybaha ay ka kooban tahay xarunta ciidanka Booliska Soomaaliya oo dhowaan dib u dayactir balaaran lagu sameeyay, iyadoo markii dambe ay wafdiga iyo Taliyuhu kulan gaar ah ku qaateen xafiiskiisa. Markii uu kulanka soo dhamaaday ayaa waxaa si wadajir ah saxaafadda ula hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal C/xakiin Daahir Saciid Saacid, Safiirka Japan Tasushi Taradi iyo ku-xigeenka Wakiilka xoghaya guud ee Qaramada Midooday u qaabilsan Soomaaliya Yunazawa Atsushi. Safiirka Dowlada Japan u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in Dowlada Japan ay siiwadi doonto taageerada ay siinayso Soomaaliya, isagoo xusay in qalabkaan ay Taliska ku wareejiyeen uu yahay qalab xafiiseed. Sidoo kale ku-xigeenka Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr Yunazawa oo isna goobta ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Ciidanka Booliska Soomaaliya ay shaqo wanaagsan oo dhanka ammaanka ah ay qabteen, islamarkaana Qaramada Midoobay ay gacan weyn ka qaadan doonto xoojinta Nabadda Soomaaliya. Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal C/xakiim Daahir Saciid ayaa u mahad celiyay Dowladda Japan taageerada ay siinayso ciidanka Booliska Soomaaliya, isaga oo tilmaamay ahmiyadda qalab xafiiseedkan uu u leeyahay qalabeynta xarumaha ciidanka Booliska Soomaaliya. Qalab xafiiseedkan oo 5 Konteenar ah ayaa waxaa uu wax weyn ka bedeli doonaa qalabayenta xafiisyada iyo xarumaha kala duwan ee Ciidanka Booliska Soomaaliya, iyada oo Dowlada Japan ay kamid tahay Dowladaha taageerada siisa Soomaaliya.
  4. <cite> @Mooge said:</cite> where is the run sheeg? I don't see any run being told. The Blind don't see try listening to the speeches - Only Nabadiids would down play significant of today's State funeral . Unity is the only way forward - Mooge Masaajidka Isbaheysiga baa salaadii Janaasida lagu dukaday, oo ka dib meydka lagu aasay Ceel Cirfiid oo lagu ag aasay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Adan Cabdulle Cismaan.
  5. Muqdisho (Kalshaale.com) Magaalada Muqdisho waxaa habeenkii xaley ka dhacday xaflad loogu duceenayay ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Cabdirsaaq Xaaji Xuseen oo lagu wado in maanta oo Jimco ah lagu aaso magaalada Muqdisho. Xafladda oo ka dhacday xarunta Villa Somalia ayaa waxaa ka qaybalay madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Ra’iisul Wasaare ku xigeen, Madaxweynaha Puntland, Hoggaamiyaha Jubba, Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed,Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi, Madaxweynihii hore ee Puntland, wasiirro, Madax dhaqameed Soomaaliyeed ayaa loogu duceeyey Ra’iisul Wasaarihii hore ee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay siddii looga shaqeyn lahaa midnimada Soomaaliya, isagoonta tusaale u soo qaatay aaska qaran ee marxuum Cabdirisaaq in uu mideeyay madax badan. http://kalshaaleonline.com/dhegayso-kulanka-madaxda/ HALKAN DHEGAYSO MADAXWAYNAHA SOOMALIYA XASAN SHEEKH Madaxweynaha ayaa tilmaamay in uu Cabdirsaaq kula kulmay dalka Maraykanka sannadkii horre isagoona u sheegay in uu ka qayb qaato shirarka nabadeenta ee Soomaalida loo qabanaayo “Wuu iga aqbalay ayuu yiri http://kalshaaleonline.com/dhegayso-rw-cwali-iyo-kulanka/ Ra’iisal wasaaraha ayaa isna ka codsaday madaxda ka socota Puntland iyo Kismaayo in ay labo maalmood oo kale ay sii joogaan magaalada Muqdisho si ay uga qayb galaan shirweyne looga hadlaayo midnimada Soomaaliya HALKAN DHEGAYSO C/WALI GAAS & HADALKUU GOOBTA KA YIDHI http://kalshaaleonline.com/dhegayso-cabdi-wali-gaas-kulanka/ Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isna sheegay in Puntland ay u taagan tahay siddii loo soo celin lahaa midnimada Soomaaliya. Hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba ayaa isna ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya in aysan isku mashquulin arrimaha gobalada isagoona intaas ku daray in qof kasta looga baahan yahay in lagu aaso goobta uu ku dhashay” Mahan in ufurow lala aado” ayuu yiri. http://kalshaaleonline.com/dhegayso-axmed-madoobe-hadalka/ Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa madaxda iyo shacabka ugu baaqay in ay ku daydaan marxuum Cabdirisaaq. Jawaari ayaa ku dar daarmay in dhalinyarada Soomaaliyeed wax badan laga fahamsiiyo qiimaha dalkooda iyo dadkooda iyo waliba halgamayaashii dalka soo maray, Waxa uu ka digay in qabyaaladda lagu dhaqmo, waxaana uu sheegay in cid walba oo qaranka wax u qabata sidaan oo kale loo xusuusan doono
  6. SSC region is in the hands of Hargeysa admin done deal sealed off , Good luck Puntland Xaglo Toosiye:- Xuduuda Somaliland 5km ayey u jirtaa Garoowe, Boosaaso-na 15-km marka waa u caqli xumo qolada cusub puntland inay… Wasiirka caafimaadka maamulka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa waxa uu digniin u diray madaxwaynaha cusub ee maamulka Puntland oo uu uga digay inuu wax faro-galin ah ku sameeyo deegaano ka mid ah Somaliland, kaas oo ugu hanjabay inuu isagu masuul ka noqon doono khasaaraha iyo dhibaatada ka dhalata dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah Somaliland ee uu wado sida uu yiri Dr Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye oo wax laga waydiiyey sida uu u arko hadalo doraad ka soo yeedhay Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland C/wali Gaas oo isagu sheegay inay ka go’an tahay inuu dib u sooceliyo deeganada maqan ee puntland ayaa waxa uu ku jawaabay oo uu yiri “Run ahaantii hadalkaasi waxaan u arkaa mid hurinaya colaad iyo dhibaato, C/wali Gaas waa nin dhalinyaro ah oo aqoonyahan ah hadana waxaan uga digayaa inuu isku dayo talaabo kasta oo keeni karta colaad, waxaanan mar kale uga digayaa inuu haba-yaraatee uu faro-galin ku sameeyo deegaano ka mid ah Somaliland”. “Waa laga soo gudbay wakhtigii qabiilka iyo isirka ee laga dhaxlay dagaaladii sokeeye. Somaliland xuduudeeda way taqaanaa oo 5KM ayey xuduuda Somaliland u jirtaa magaaladda Garoowe, sida runta ahna colaadu nina dan uguma jirto. C/wali Gaas-na waxaan u sheegayaa oo aan xasuusinayaa in Puntland tahay saddex gobol oo waliba saddexdaba ay dhibaatooyin ka jiraan oo amni daro iyo horumar la’aani ka jirto’e aqoontiisa goboladiisaasi ha galiyo oo wax ha u qabto, wixii faro-galin ah ee uu Somaliland ku soo sameeyo-na caano ka maali-maayo, Somaliland waxay xaq u leedahay inay is difaacdo oo xuduudaheedana sugto oo ilaaliso markaa Sool, Sanaag iyo Buuhoodle waxay ka tirsan yihiin Somaliland, waxaananu diyaar u nahay in cidkasta oo xuduudahaasi soo faro-galisa inaanu ka difaacno dadkayaga” ayuu yiri mar kale wasiir xagl-toosiye oo intaasi kudaray “waa u caqli xumo hanjabaadda uu ku celcelinayo nin 5KM xuduuda ay Somaliland la leeyihiin u jirto caasimaddiisa garoowe oo Boosaaso-na 15KM aanu u jirno, mana filayo inay dani ugu jirto Puntland in colaadi meel 5KM u jirta Garoowe inay ka bilaabanto mar walba waan ka digayaa arintaasi”. Ugu danbayntiina Dr Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye waxaa uu baaq u diray beesha caalamka isagoo yiri “Beesha caalamka waxaanu ugu baaqaynaa inay la socdaan oo ay la taliyaan qolyaha meesha ku cusub ee digniinaha iyo hadalada colaada abuurayaa ka soo yeerayaan, waxaananu dunida u sheegaynaa wixii ka yimaada dhaqdhaqaaqyadaasi waxa masuul ka ah maamulka cusub ee Puntland ee Garoowe ka dhisan. Wariyaha aarannew.com Caaqil Dalmar
  7. Dhagayso:- Madaxweyne Axmed Madoobe oo Maanta u Duulay Muqdisho Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba sheekh Axmed Maxamed Islaan Axmed madoobe ayaa maanta ka duulay magaalada kismaayo ee xarunta jubbada hoose . Madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qayb galaya Aaska qaran ee berito lagu samaynayo muqdisho Ra”iisul Wasaarihii hore ee soomaliya Marxuum C/Risaaq Xaaji xuseen oo ku geeriyooday dalka maraykanka. Hilowle aadan Maxamuud oo kamid ah madaxda Maamulka Jubba oo la hadlay Warbaahinta caalamiga ah ee Saadaal Media ayaa xaqijiyeey safarka Madaxweynaha,isagoo shegay in ay sagootiyeen wafdiga Madaxweynaha. Magaalada muqdisho ee caasimada soomaliya ayaa waxaa ku qol qulaya madax farabadan kuwaas oo ka qayb galaya Aaska qaran ee Magaalada Muqdisho berito logu samayn doono Marxuum C/Risaaq Xaaji xuseen.
  8. Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Maamul gobolleedka Puntland Mudane C/weli Maxamed cali Gaas ayaa waxay soo gaareen magaalada Muqdisho iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Muqdisho. Madaxweynaha Puntland ayaa socdaalkiisa uu Muqdisho kusoo gaaray waxaa ku wehliya Madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Muuse iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamul Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya. C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland iyo xubnaha la socda ayaa caawa waxa ay ku hooyan doonaan Magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale maalinta berito ah ay ka qeybgali doonaan aaska qaran ee loo sameyn doono Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya. Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay goobta lagu aasayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen, iyadoo xubnaha aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ka qeybgalaya ay Muqdisho kusoo qul-qulayaan. Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas receives huge welcome in the Nation Capital , supporters came out in huge numbers .
  9. Dhagayso:- Afhayeenka Xukumada Ridwaan xaaji Cabdiweli oo shegay in bareto Aas Qaran loo samaynayo Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen Waxaa Maalinta berito ah Magaalada Muqdisho lagu aasayaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo todobaadkaan gudihiisa ku geeriyooday dalka Mareykanka. Afhayeenka xukumada Soomaliya Ridwaan xaaji Cabdiweli ayaa sheegay in maalinta berito oo Jimco ah aas qaran Muqdisho loogu sameynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka. Wuxuu sheegay in madaxda dalka Soomaaliya ay ka qeybgali doonaan aaska berito loo sameynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya. Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Xasan Ra’iisul Wasaarihii hoire Soomaaliya ayaa todobaadkan bilowgiisii ku geeriyooday isbitaal ku yaala magalada Minneapolis halkaasoo mudo ku xanuun sanaa, wuxuna Ra’iisul wasare Somalia kasoo noqday intii u dhaxaysay 1964 -ilaa 1967-dii. Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo deegaan ahaan kasoo jeeda Puntland ayaa ku dhashay deegaanka la yiraahdo Ceelwacayseed gobolka Nugaal, wuxuuna Baarlamanka Somalia kasoo galay degmada Eyl sanadku markuu ahaa 1959-kii halkaasoo uu markii danbe dadaal ugu jiray sidii dalka hormarkiisa iyo midnimadiisa looga shaqayn
  10. <cite> @CidanSultan said:</cite> Saxib landers: control their territory from las canod to Djibouti border. We tax it, we control it. It is weeeeeeee. Not African Malawi Christiens who have come to rape: human rights watch says sex violence is endemic and even though your president needs a Burundian captain to tell him when it's safe to use the toilet you in your absolute genious talk of regions. Villa Somalia was bombarded with mortar fire regularly. Hahaha.... Arbaco, Feberaayo 05, 2014 (HOL) — Ciidamada amniga maamulka Somaliland oo ay taageerayaan cutubyo ka tirsan sirdoonka Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabay sarkaale sare oo horay uga tirsanaan jiray kooxda Al-shabaab oo ka dagaalanta qaybo kamid ah dalka Soomaaliya what happened to the mighty Hargeysa security force - why are the Ethiopian force in Togdheer ? Somaliland existent depends on Tigreyn force Past and present .
  11. <cite> @CidanSultan said:</cite> Very Misleading opening Commentary. The Women of Mugdusho are getting raped in broad daylight by african union troops, The entire "federal government" can not control a single street of Mugdisho without the au. A block in a city: not even a city. haha... Landers are fascinated about fake rape stories at same time there is a rape epidemic in Hargeysa the highest in East Africa . Cidansuldan and boys on a mission An upsurge of gang rapes has hit the breakaway region of Somaliland – a normally peaceful enclave considered by many to be a sanctuary from Somalia’s decades of violence. Knife-wielding young men follow women along the dusty streets of Hargeisa, the capital of the region, dragging them inside buildings to rape and rob them. Children are among the victims. At least 84 women have been raped since the beginning of this year, according to rights activists and medical officials. “This year is more terrifying than last year when we were barely receiving two or three in each month. This year we are seeing a new victim for every day,” said a nurse at a hospital in Hargeisa. She insisted on anonymity because she is not authorized to release the details. “It’s rampant and victims are being attacked at homes, streets or anywhere now,” she said. Ma Dhaqan baa? even in their private comfortable Homes are not safe for Women's
  12. Kulankan maamul u samaynta labada gobol ee Shabeelooyinka ayaa ahaa mid jawi wanaagsan ku dhacay isla markaana uusan ka muuqan khilaaf iyo kala fikrad duwanaansho ku aadan dhismaha maamul u samaynta labada Shabelle. Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee ka soo jeeda labada gobol ayaa taageeray maamul u samaynta labada gobol iyagoo ku tilmaamay mid dastuurka dalka waafaqsan isla markaana horumar u keeni kara bulshada labada gobol ku nool. Labada gobol ee Sh/dhexe iyo Sh/hoose ayaa haddii uu hirgelo maamul goboleedkan noqonaya midka ugu dhaqaale badan maadaama labada gobol ay caan ku yihiin dhul beereed isla markaana ay leeyihiin xeeb iyo xoolo nool. Well done and Congrats to the guddoomiyaasha Sh/dhexe iyo Sh/hoose and Banaadir for uniting to form a Great Prosperous state without violent and corruption.
  13. Mooge Somaliland Army are station Far beyond Laas-caanood AND IN the door steps of Garowe , it will take more then defection to regain Laas-caanood . Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabhad Beeleedka Somaliland (SNM) oo lagu magacaabo Warancade ayaa Laascaanood yimi isaga oo hubaysan sidoo kalana xidhan Dirays ciidan.
  14. Abdiweli Gass honoring the Campaign Promises to put SSC regions under Puntland leaders ship .
  15. Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland ee gobolka Sool, kuwaas -oo sida ay sheegeen- soo goostay, ayaa maanta si diirran duleedka magaalada Garoowe loogu soo dhoweeyey. Mas'uuliyiintan oo ay tiradoodu labo tahay, laguna kala magacaabo Mukhtaar Mahad Cawad iyo Cabdalle Digaale Cali, waxay ka tirsanaayeen golaha deegaanka ee degmada Laas-caanood. Madax ka tirsan maamulka Puntland oo ay kamid yihiin: wasiirka ganacsiga Maxamed Xasan (Soo-cadde) iyo wasiirka kalluumaysiga C/nuur Cilmi Maxamuud (Biindhe) ayaa soo dhoweynta ka qayb qaatay. Labada mas'uul ee dhinaca Puntland usoo goostay oo warbaahinta si kooban ula hadlay, ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin in sannado kaddib ay Garoowe dib ugu soo laabteen. Caddaalad darro iyo musuq maasuq ay sheegeen inuu ka jiro dhanka Somaliland ayey ku micneeyeen inay tahay sababta ugu weyn ee ku kalliftay inay kasoo tagaan xilalkii ay hayeen. Ugu dameyntiina waxay sheegeen, inay ka go'an tahay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarka Puntland iyo weliba sidii loo soo celin lahaa deegaanada Puntland ka maqan ee xilligan uu maamulka Somaliland ka arrimiyo. Sanadkan 2014, waa markii ugu horreysey oo mas'uuliyiin horay uga tirsanaa maamulka Somaliland ay Puntland isu soo dhibaan. Siyaasiyiin badan oo xilal ka heyn jirey dowladihii hore ee Puntland iyo qaar ka qayb galay doorashadii madaxtinimada Puntland ee sanadkii 2009, ayaa horay ugu biiray maamulka Somaliland. Sawirrada: Imaan Maxamed, Hiiraan Online Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online xaajidirir@hiiraan.com Puntland, Soomaaliya
  16. Akhristayaal waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Sawirrada kulan ka dhacay magaalada Muqdisho oo ujeedkiisu ahaa sida ay isku cafin lahaayeen beelaha h***** oo ay ka qeyb galeen Wasiiro,Xildhibaano,Odayaal,Culumo’udiin, siyaasiin,iyo marti sharaf kale. Congrats to The new Federal states of Somalia
  17. Waxgaradka Beelaha H**** oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa waxay go’aamiyeen iney samaystaan 2 maamul Goboleed, kuwaasoo laga dhisi doono deegaanada ay dagaan H*****. Kullan maalmihi u danbeeyay ka dhacayay Muqdisho, ayaa inta la xaqiijiyay waxaa kazoo qeyb galay ilaa 400 oo ergo, kuwaasoo isugu jira, waxgarad, aqoonyahano iyo Ururada Haweenka. Dhismaha maamul Goboleedyadaan, ayaa waxay kasoo bilaaban doonaan Magaalada Gaalkacyo ilaa iyo Marka, iyo magaalada Marka ilaa Kismaayo oo 80% ay dagaan beelaha H ******** 4 Muqdisho (Bnn) Kulan ay waxgaradka iyo odayaasha beelaha Hawiye ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ku dhawaaqayn dhismaha Maamul goboleed ay ka sameeyaan laba Maamul Goboleed. Sidoo kale waxay ka hadleen Deeganada Kale Ee Beesha Hawiye degto Qorshaha Maamul Goboleedyada Ay Doonayaan Haatan Inay Hir Gelinayaan. Odayaashan ayaa waxaa ay sheegayn in maamul goboleedyada ay hoos iman doonan dowladda Federaalka soomaaliya, Dasutuurkuna Arintaasi U Ogol yahay. Xildhibaan hore Cabdi Abshir dhowre ayaa sheegay in beelaha Hawiye ay go’aan buuxa ku gaarayn dhismaha maamulkaa Wuxuuna Faah faahiyey Qorshaha.
  18. Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Arbaco 22ka Janaayo 2014 Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Guddoomiye Ku xigeennada Baarlamaanka, Madaxda Guddiyada Baarlamaanka iyo Dhamaan Xildhibaanada sharafta leh, A-Salaamu Caleykum Waraxmatullah, Sharaf weyn bey ii tahay inaan maanta idin kala soo qeybgalo xiritaanka Kalfadhiga 3aad ee baarlamaanka isla markaana aan idiin ku bogaadiyo doorkii wanaagsanaa ahaa ee aad sida wadaninimada leh aad u gudateen waajibaadkiinna Dastuuriga ahaa. Kalfadhigan 3aad waxuu ahaa mid muhiim ah oo aad ku kasbateen kalsoonida shacabka Soomaaliyeed iyo tan beesha caalamka ah. Waxaa idiin qabsoomay howlo fara badan oo aad 58 kulan oo caadi ah aad yeelateen oo kulankan maanta ku yahay kulankii 59aad iyo weliba kulamo aan caadi aheyn. Waxaa intaas sii dheer oo aan idiin kaga mahadcelinayaa inaad fasaxyadiina aad dib u dhigteen dhowr jeer si aad howlaha qaranka u meelmarisaan. Waxaan mar-naba la illoobi karin sidii sharafta laheyd ee aad u maareyseen isla markaana aad si dimoqraadiyad ah aad go’aanadii ku habboonaa uga qaadateen, xilliyadii xasaasiga ahaa oo la tijaabinayey awooda baarlamaanka, ha noqoto isbedelkii xukuumadii hore, kalsooni siintii Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo kulankii shalay oo aad si aqlabiyad leh u ansixiseen barnaamijka Xukuumadda iyo xubnaha golaha wasiirada. Waxaad muujiseen biseylka hay’ada baarlamaanka iyo aasaaskii dowlad rasmi ah, waadna ku mahadsantihiin oo aan idinku bogaadinayaa. . Waa taariikh hor leh oo isbedeladii dhacay ay ahaayeen kuwo si soomaalinimo ah oo waafaqsan dastuurka dalka loo wada maareeyey, isla markaana aad ku kasbateen kalsoonida shacabka iyo tan beesha caalamka ah, iyadoo aysan dhicin faragelin shisheeye. Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxaa kaloo xusid mudan in waqtigii kalfadhiga 3aad aad ku guuleysateen inaad xiriirkii caalamka ee baarlamaanada adduunka aad soo celisaan oo ay ka mid tahay xubinimada Inter Parliamentary Union (IPU) iyo kuwo kale. Waxaad kaloo ku guuleysateen in guddiyada baarlamaanka ay si joogta ah u shaqeynayeen isla markaana ula xisaabtamayeen Xukuumadda iyo in aad hindise sharciyeedyo fara badan aad si dimoqraadiyad ah uga doodeen una waafaqsan dastuurka. Waxaan kaloo idinkaga mahadcelinayaa dadaaladii xubnaha baarlamaanka ay gobolada shabeelooyinka iyo Hiiraan ay ku heshiisiiyeen beelaha isla markaana ku guuleystay wadahadalada iyo dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed. Una bareerteen khatar fara badan. Bacdamaa baarlamaanka uu yahay hooyada hay’adaha dowliga ah ee dalka waxaan hubaa inaan cagta wada saarnay dariiqii dib u dhiska hay’adaha dowliga ah, oo ay marqaati ka tahay in baarlamaanku uu maanta leeyahay xarun xafiisyo ah oo guddoonka iyo guddiyada baarlamaanku ay ku howlgalaan. Xukuumaddan cusub ee aad shalay ansixiseen waxaa horyaalla howlo muhiim ah oo loo baahanyahay inaad gacan ku siisaan, oo aad yeelataan wadatashiyo, talo wadaagid, iyo wadashaqeyn joogta ah. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay muhiimada wada shaqeynta hay’adaha dastuuriga ah markii aad codka kalsoonida aad siineyseen Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, sidaas daraadeed, waxaan idinku sii adkeynayaa muhiimada ay leedahay wadashaqeynta baarlamaanka iyo xukuumadda oo marar badan u baahan dulqaad in la muujiyo oo noo wada sahleysa inaan si wada jir ah u wada gaarno ujeedooyinka aan wada hiigsaneyno. Si isla xisaabtanka u noqdo mid miro dhala waxaa muhiim ah in xiriirka iyo wadashaqeyntu ay ahaato mid joogto ah. Mudanayaal iyo Marwooyin, Sanadkan 2014ka waxaa na horyaalla howlo muhiim ah oo mucayin ah, noogana wada baahan inaan si wadajir ah uga wada shaqeyno hirgelintooda. Ha noqoto nabadeynta iyo xasilinta dalka, maareynta maaliyadda, adeegyada bulshada, dib-u-habeynta garsoorka, dib-u-eegista dastuurka, dhaqangelinta federaalka, sameynta guddiyada uu nafarayo dastuurka, diyaarinta xisbiyada siyaasadeed iyo howlo kale oo muhiim ah oo noo sahlaya u diyaar garowga doorashooyinka 2016. Waxaan shaki ku jirin inay jiraan caqabado fara badan, hase ahaatee, waxaa mas’uuliyadi naga wada saaran tahay sidii aan caqabadahaas ugu bedeli laheyn fursado oo aan uga faa’iideysan laheyn. Mudanayaal iyo Marwooyin, Xildhibaanada Sharafta leh, Sidaad la socotaan wadahadaladii Dowladda Federaalka iyo Somaliland wey socdaan oo lagu ballamay in la sii joogteeyo kulamada oo 3dii biloodba mar la kulmo. Dowladda Federaalka wey ka go’antahay in la sii joogteeyo wadahadalada oo si nabad ah aan ku gaarno mideynta iyo midnimada umadda Soomaaliyeed. Wadahadladan waxaa ka dhalanaya kalsooni badan iyo isu soo dhowaasho. Waxaan u mahadcelinayaa Dowladda Turkiga iyo shacabkooda oo si joogta ah noo garab taagan. Waxaan jeclahay inaan fursadan ka faa’iideysto oo aan u hambalyeeyo Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, isla markaana u wada duceyno inuu EEBBE u fududeeyo xilka culus. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an inay si hagar la’aan ah ula shaqeyso Madaxweynaha iyo maamulkiisa, si aan u wada gaarno himilada aan hiigsaneyno ee ah Soomaaliya oo mid ah, isla markaana leh dowlad rasmi ah lehna xasilooni dhanka amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda. Puntland waxey hormuud ka tahay Federaalka iyo midnimada Soomaaliya, sidaas daraadeed, waxaa muhiim ah inaan ka wada shaqeyno dib u eegista dastuurka, dhaqan gelinta federaalka iyo sidii aan ku gaari laheyn doorashooyin ka dhaca dalka Soomaaliya. Sidoo kale waxaan jeclaan lahaa inaan u hambalyeeyo Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Mudane Ahmed Maxamed Islaan (Ahmed Madoobe) oo dhowaan soo dhameystiray hay’adii fulinta ee maamulkaas, tanoo qeyb ka aheyd heshiiskii Addis Ababa. Waxaana u rajeynayaa in maamulka KMG ah ee Jubba uu ku guuleysto howlaha muhiimka ah ee horyaalla oo ay dowladda Federaalka kala shaqeeyaan xoreynta deegaanada maamulkaas, nabadeynta, xasilinta, adeegyada bulshada iyo xiriirka iyo wadashaqeynta maamulka Jubba iyo Dowladda Federaalka ah oo muhiim u ah midnimada iyo xasilinta dalka. Sidoo kale waxaad la socotaan in Baydhabo ay ka socdaan shirar wadatashi ah. Dowladda Federaalku waxey soo dhoweyneysaa dhiirigelineysaana in dadka Soomaaliyeed isu yimaadaan oo wadahadlaan oo dib-u-heshiisiinta waa astaan fiican oo shacabku ay aayahooda uga tashanayaan. Waxaan rajeynayaa inay ka soo baxdo talo iyo go’aanno maslaxad u ah xasilinta dalka. Dowladduna waxey kula talineysaa inay muhiim tahay in Dowladda ay kala shaqeeyaan sidii maamul loogu sameyn lahaa degaanada aan maamulka ka jirin, si ay noogu horseedo in dalka oo dhan ay ka hirgalaan maamulo shacabku ay horseed ka yihiin. Sidoo kale dhammaan gobolada dalka waxaan ugu baaqayaa inay u diyaar garoobaan dadaalada maamul u sameynta iyo dhaqangelinta federaalka. Mudanayaal iyo Marwooyin, Xildhibaanada Sharafta leh, Ugu danbeyntii, waxaan idinku hambalyeynayaa sidii quruxda badneyd ee aad waajibaadkiina dastuuriga ah u gudateen, isla markaana aad dib u soo nooleyseen hay’adii sharci dajinta oo aad kasbateen kalsoonida shacabka iyo tan beesha caalamka. Waxaan idiin rajeynayaa fasax wanaagsan oo aan hubo qaarkiin inaad gaareysaan deegaanadii oo aad u soo kuur galeysaan xaalada dadka ee deegaanadaas, haddana waxaan idinkula dar-daarmayaa inaad ku soo wada laabataan caafimaad qab si kalfadhiga 4aad uu u noqdo mid aad la timaadaan dar-dar cusub oo keeni karta inaan 2014ka wada qabano howlaha mihiimka ah ee na wada horyaalla. Waxaan kaloo idinkaga mahadcelinayaa inaad igu sharafteen ka soo qeybgalka xiritaanka kalfadhigan, sidaas daraadeed, waxaan ku dhawaaqayaa in uu Kalfadhigii 3aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya uu si rasmi ah noogu xiran yahay.
  19. Disrespectful Rambo entered LA Waran Cade sending strong message to Puntland and Khatuum he is not playing games . Hargeya has strong commitment to keep its border for recognition. How will In Gaas Puntland president respond ?
  20. aleex(Kalshaale.com): Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabhad Beeleedka Somaliland (SNM) oo lagu magacaabo Warancade ayaa Laascaanood yimi isaga oo hubaysan sidoo kalana xidhan Dirays ciidan. Waran Cade oo aan hore loo shaacin Asbaabta uu u yimi aya au muuqata in ay Socodkisia huwan yahay Hanjabaad iyo Cabsi galin uu rabo inuu ku sameeyo Shacabka Magaalada Laascaanood. Sidoo kale Wuxuu Hadal uu halkaasi Ka jeediyey Uga hadlay Arimo Dhowr Ah Wuxuuna Ka Hadlay Maamulka Khatumo Iyadoona Jawaab Adag Lagu Dhuftay. Socodka Warancade ee uu ku yimi isaga oo hubaysana yaa soo dadajin doona Khadhaadh oo dhex mara Jabhad Beeleedka Beesha I**** iyo Maamulka Khaatumo state, Dagaalkan oo ay iclaamiyeen Beesha Warancade iyo Siilaanyo ayaa dhibatada ka timaada ay dusha ku qaadna doonaan Beeshaasi. Dhinaca kale Wasiirka Madaxtooyada Maamulka Khaatumo Mukhtaar Ibraahim Xabashi oo Ku Sugan Magaalada Taleex Ayaa ka hadlay Hadalka Waran Cade Kasoo yeedhay Iyo Arimo badan oo Haatan u Qorshaysan Maamulka Khaatumo.
  21. Finally, the Somali president Hassan Sheikh Mahmoud praised the parliament for accomplishing the huge national tasks carried out in the country so far of which the latest was the approval of the new cabinet on Tuesday. “The Somali parliament has really come of age and without such hardworking, we couldn’t have achieved such tangible results” said the president adding that the Somali parliament was the cornerstone of the existence of the Federal Republic of Somalia.
  22. Members of the new Somali cabinet have taken the oath of office today during a colourful occasion held at the Somali Parliamemt in the presence of Somali president Hassan Sheikh Mahmoud, the speaker Mohamed Osman Jawari and the Prime minister Abdiweli Sheik Ahmed. The cabinet members were sworn in by the chairman of the country’s Supreme Court Aideed Abdullahi Ilkahanaf. “I swear in the name of Allah, that I will serve for the people and the country and will respect the laws and principles of the country” every member of the cabinet said holding his/her hand on the Holly Quran. Somali Prime Minister Abdiweli Sheikh Ahmed who first addressed at the swearing in ceremony thanked the Somali parliament for first accepting him and then endorsing his new cabinet. “As a government we will develop major co-operations with the federal parliament” said the prime minister who delivered a short speech at Wednesday’s swearing in ceremony of the new government. For his part, the speaker of the parliament Mohamed Sheik Osman Jawari said that Somali parliament accomplished too many tasks during the 3rd session whose 59th meeting ended today, adding that the conclusion ceremony of the session will be held tonight at the recently-rebuilt Vila Hargeisa. thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail “During the 3rd session of the parliament, we lost 8 beloved parliamentarians, whilst 9 others resigned from the parliament memberships and we had replaced them in accordance with the federal constitution of Somalia” the speaker told the swearing in ceremony on Wednesday. Finally, the Somali president Hassan Sheikh Mahmoud praised the parliament for accomplishing the huge national tasks carried out in the country so far of which the latest was the approval of the new cabinet on Tuesday. “The Somali parliament has really come of age and without such hardworking, we couldn’t have achieved such tangible results” said the president adding that the Somali parliament was the cornerstone of the existence of the Federal Republic of Somalia. Email: islow@hiiraan.com
  23. Ali Khalif Galaydh ? is not serious about Khatuum and SSC he is busy being the number one opposition to Xasan Shiikh who support SSC self determination. why is he not pushing Khatum Agenda in the Parliament ?
  24. Daawo Sawiro+Xog Culus Madaxweynaha Xasan Shiikh Oo Horay Uga Qayb Galay Sanagd Guuradii SSC Ee Imaaraadk a January 22, 2014 - Written by - Edited by Share Jaaliyada Soomaliyeed ee Imaraadka ayaa guud ahaan waxa ay soo qaban qaabisay xaflad aad u qiimabadan, aadna u xamaasad saraysay taas oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulashada Soomaaliyeed ee ku dhan Imaraadka , hadii ay tahay siyaasiyiin, Madax dhaqameed, Ganacsato, qabaha kale ee dhamaanba bulshada haween dhalin yaro IWM…. Xafaladan oo lagu qabtay Hoteelka wayn ee ku yaal Dubai lana yiraahdo ALL SEASONS, waxaa yimi dad kor u dhaafay boqolaal oo doonay in ay m muujiyaan taagerda ay u hayaan. Intaa ka dib waxaa hadalki lagu soo dhoweyey Prof Xasan Sheekh ,oo runtii halkaa ka jeediyay khudbad aad nadiif au hadaan soo koobo waxa uu yiri” 3 SSC waxa ay leeyihiin taariikh dheer , weliba waxay hore dhib ugu soo gaadhay raadinta midnimada soomaliyeed , haderna raadiya soomali wayn waxaadna ogaataan in dhibtu idin soo gadhayso….Somaali waxay soo martay marxalado badan ,, jabhada, hogaamiyo kooxeedyo,, hogaamiya diimeedyo,, hada waxad moodaa in loo batay hadalhayna raadinta soomaliwayn in xal loo wada arko, waan idinku taageray hadaa tahiin Reer SSC inaad Soomaliwayn ka digataan hadafkiina sidii loo heli lahaa….WAXA NA MIDAYNAYAA KA BADAN WAXA NA KALA GAYNAYA <<midnimadu waa lama taabtaan>> Hadaan ka hadalo waxa na midyanayaa saacado badan iyo maalmo ka badan buu qadanayaa, lakin waxa na kala kaxaynayaa waa wax yar…waa la wada og yahay midnimada dhib ayaa idiin soo gaashay ,, xalku waa soomali wayn wax ka yarna kuligeen inooma cuntanto…. Madaxweynaha Xasan Shiikh did his home work well great campaign
  25. <cite> @Mooge said:</cite> malistar, worry about the Uganda and Brundi shelling because that is happening on a daily basis right now. This how Mogadishu Resident are enjoying their life with Peace stability Thanks to President Xasan Sheekh Maxamud , No more Bullet Sounds sxb just sound of Hammer and Neil . The Night Life can wait for Summer Vacation Mooge don't Kill yourself with hate Anger Mogadishu Has moved on No more shelling , A City wide weapon ban campaign has started , Xamar will never look Back sleep on that