malistar2012
Nomad-
Content Count
2,754 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by malistar2012
-
Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa wakaalada Wararka Reuters qadka Taleefanka ugu sheegay in Shacabka ku nool Puntland caawinaad kaga baahan yihiin Ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya si ay u xaqiijiyaan amaanka xuduudahooda. Arintaan ayuu u sababeeyay C/wali Gaas in Qatar kaga soo wajahan tahay dagaalyahanada Al-shabaab uu sheegay inay ka dhamaanayaan deegaanada iyo degmooyinka Koonfurta Soomaaliya,ka dib markii culeys ka soo wajahay Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Kuwa Midowga Africa oo iyagu wada dhaq dhaqaaq Ciidan. “Shacabka Puntland,waxay u baahan yihiin taageero kaga yimaada Ciidamada AMISOM si ay u xaqiijiyaan amaanka xuduudaha xiga dhanka Gobolada Koonfurta,”ayuu yiri madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas. Sidoo kale,madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in laga yaabo Al-shabaab inay ka soo baxaan deegaanada Koonfurta Soomaaliya,xilli Ciidamada Ethiopia ay ku biireen AMISOM sanadkii tagay,laakiin wuxuu tilmamaay in arintaasi wali dhicin. “Waxaa cad in qaar ka mid ah dagaalada Al-shabaab ganbaad ka raasanayaan qeybo ka mid ah Puntland gaar ahaan buuraha Gal-gala,”ayuu yiri Mr Gaas,isagoona wacad ku maray inay cagta marin doonaan. Dagaalyahano ka tirsan ayaa Al-shabaab ayaa ka dhaq dhaqaqaaqa qeybo ka mid ah deegaanada Puntland,waxaana hada Puntland cabsi ka soo wajahday howlgalka ay sida wada jirka ah ugu dhawaaqeen Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM ee ka dhanka ah Al-shabaab,taasi oo ay sheegeen inay suurta gal tahay inay Al-shabaab ay isku xoojiyaan Buuraha Galgala oo hada ay ka howgalaan. Maamulka Puntland ayaa Ururka Al-shabaab ku eedeeyay weeraro ka dhacay deegaanada Puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso.
-
Baraawe (Kalshaale.com) Wararka naga soo gaaraya magaalada Baraawe ee gobalka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in meel fagaaro ah galabta Al-Shabaab ay ku toogatay seddax nin oo ay ku sheegtay in ay ahaayeen basaas. Ragga la toogtay waxaa ku jirra nin uu adeer u yahay madaxweynihii horre ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole. Xeer-Beegti qaadaysay dacwada lagu soo eedeeyay raggan ayaa goobta dilka ka hadlay, wuxuuna goobta ka sheegay seddax nin magacyadooda iyo eedeemaha loo heesto. Ragga magacyadooda goobta laga sheegay waxaa ka mid ah Axmed Cabdulaahi Maxamed Faroole, oo ah 47-jir uu u adeer u yahay madaxweynihii horre ee Puntland Faroole. Ninkan ayaa la sheegay in laga soo qabtay dagaal ka dhacay buuraha Galgala ee gobalka Barri isagoo basaas u ahaa maamulka Puntland sidda uu sheegay sarkaalka Al-Shabaab u hadlay. Waxaa kaloo ragga la toogtay ka mid ahaa Maxamed Geelle Cabdulle oo 29-jir Basaas u ahaa dowladda Faransiiska gacanna ka geestay weerarro badan oo ka dhacay Shabeellaha Hoose sidda uu sheegay sarkaalka u hadlay Shabaab. Waxaa ninka seddaxaad uu ahaa Cabdiraxmaan Cabdikadiif Axmed oo 23-jir,la sheegay in uu la shaqeen jiray dowladda Soomaaliya, isagoona xoggagaha uga qaadi jiray goobaha Shabaabka ay ku sugan yihiin. Dacwad qaadaha maxkamadda ayaa goobta ka sheegay in dhammaan seddaxda nin ay qirteen dambiga lagu soo eedeeyay siddaas darteedna uu xukunkooda yahay dil,sidda uu yiri.
-
<cite> @Homunculus said:</cite> Interesting... What about Juba"land"? Do they claim that they have the support of the people there? I find it strange that Malistar is against the formation of Juba"land" or a state that is comprised of Bay+ Bakool+Lower Shabelle , but is all for a mega state. I'm against the Gov who are not respecting the Fair and transparent election- Candidates competed for Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya a fair election took place their was a winner , Clearly that did not take place in Kismaayo no election or vote .
-
Maxamuud Sayid Aadan oo loo Doortay Madaxweyne ku xigeen Maamulka Koonfur Galbeed Doorashada Madaxweyne ku Xigeenka ayaa u dhacday si gacan taag ah, waxaana jirin cid kula tartantay Maxamuud Sayid Aadan Xilkaan Madaxweyne ku xigeen ee Koonfur Galbeed. Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada, iyagoo shaaciyey in si aqlabiyad ah codka ku helay Maxamuud Sayid Aadan. Taariikh noloeedka madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Koonfur Galbeed oo kooban dib ayaan idinka soo gudbin doonaa Insha’allah.
-
Madoobe Nuunow oo loo doortay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Isniin, Maarso 03, 2014 (HOL) — Madoobe Nuunow Maxamed ayaa Isniinta maanta ah loo doortay madaxweynaha maamulka gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya, kaddib doorasho ka dhacday xarunta ADC-da Baydhabo, xilli dowladdu ay sheegtay inay taageersan tahay maamul u sameynta saddex gobol oo keliya. Shirkan oo muddo ka socday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa isna bar-bar socday shir kale oo la doonayo in lagu dhiso maamul sadex gobol ka kooban, kaasoo ay dowladda Soomaaliya soo dhaweysay. Murashaxiinta u tartamayay xilkan oo tiradoodu ahayd toddoba ayaa waxaa ku haray wareeggii koowaad afar murashax, waxaana wareegii labaad u soo gudbeen saddex murashax oo kala ahaa, Madoobe Nuunow, C/fitaax Geeseey iyo Maxamed Aadan Fargeeti. Intii uusan billaaban wareeggii labaad ee doorashada ayaa waxaa ku dhawaaqay in uu tanaasulay C/fitaax Ibraahim Geeseey iyadoo wareegga labaad ay ku tartameen Madoobe Nuunow iyo Aadan Fargeeti, waxaana Madoobe Nuunow uu helay 44-cod oo ka mid ahaa 73-kii xubnood ee codeynayay, halka Fargeeti uu helay 23-cod, waxaana xumaaday toddoba cod. Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur-galbeed loo doortay ayaa horay uga soo noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaankii dowladdii KMG ahayd ee Somalia, waxaana maamulka uu hoggaaminayo uu maamuli doonaa gobollada, Bay, Gedo, Jubbooyinka, Shabeellada Hoose iyo Bakool. Gobollada Jubbooyinka oo la sheegay in maamulkan ay hoos-imaanayaan ayaa waxaa ka jira maamul KMG ah oo lagu magacaabo Jubba, kaasoo ay dowladda Soomaaliya raalli ka tahay, lama oga jawaabta ay dowladda Soomaaliya ay ka bixin doonto maamulka madaxweynihiisa lagu doortay Baydhabo. Inkastoo dowladda Soomaaliya ay maanta ku dhawaaqday inay taageersan tahay in maamul ka kooban saddex gobol laga sameeyo Baydhabo ayaa haddan doorashada waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo uu ku jiro Sheekh Aadan Madoobe. Lama go’aanka ay dowladda Somalia ka qaadan doonto doorashada maanta loogu doortay madaxweynaha Madoobe Nuunoow Maxamed, iyadoo lagu wado in berri oo Talaado ah la doorto iyagana madaxweyne ku xigeennada maamulka lixda gobol ay ku mideysan yihiin. Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Muungaab is the new mayor/governor of Banadir
malistar2012 replied to SomaliaRising's topic in Politics
Nin culus baa shaqaada loo dhiibay Libaaxi alshabaab laayay ayaa so baxay markale The District of Heliwaa has become safe heaven for the terrorist , Most of the resident have fled to other Neighborhood for safety , all that will change the new Governor and Mayor plans to move Mogadishu Admin Head Quarter to the trouble area to show support and strength. -
Muungaab is the new mayor/governor of Banadir
malistar2012 replied to SomaliaRising's topic in Politics
Muqdisho (Caasimada Online) - Waxaa soconaaya qaban qaabo loogu diyaar garoobaayo, in siku meel gaar ah Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, loogu wareejiyo Degmada Heliwaa, iyadoolaga duulaayo xoojinta ammaanka. Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxay iminka ku taallaa Degmada Xamar Weyne, gaarahaan Wadada Via Moscow ee horumarta Isbitaal Martiina, waana Xarunta ebid looga arrimin jiray Degmooyinka Gobolka Banaadir. Saraakiil ka tirsan Dowladda, ayaa Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho General Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ku dhaliyay fikirka ah in Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir loo wareejiyo Degmada Heliwaa Ilo muhiim ah, ayaa sheegay in General Muungaab uu qorsheynaayo, in Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir laga dhigo Warshaddii Baastada, oo ku taala Degmada Heliwaa. Haddii Warshaddii Baastada loo wareejiyo Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxay shakhsi walba oo dani ay kaga xiran tahay Maamulka Gobolka Banaadir, uu ku khasbanaan doonaa in uu taggo Xarunta, oo markaasi ku taala Degmada laga cararaayo ee Heliwaa, oo Shabaabku ku xooggan yihiin. Kahor inta aan Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir loo wareejin Degmada Heliwaa, ayaa waxaa la xoojin doonaa Ciidamada Dowladda ee ka hawlgala, iyadoo sidoo kalana ay jiri doonaan hawlgalo lagu baacsanaayo ragga baxsadka ah ee Shabaabka ka tirsan. Tani, ayaa waxay noqon doontaa tallaabo wanaagsan oo ay horey u qaaday Dowladda Federalka ee Soomaaliya, laguna xaqiijinaayo ammaanka Degmada Waqooyi Bari ee Gobolka Banaadir dhacda.</strong> -
Muungaab is the new mayor/governor of Banadir
malistar2012 replied to SomaliaRising's topic in Politics
Madaxweynaha oo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Khamiis, Feberaayo 27, 2014 (HOL) — Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud maanta oo Khamiis ah ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho loo magacaabay Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo horay u ahaa guddoomiyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida ee dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sheegay in magacaabiddan ay ku timid kaddib markii uu dhageystay talooyinka ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo wasiirka arrimaha gudaha & federaalka, C/llaahi Goodax Barre. “Markii uu ogaaday inay jirto baahida loo qabo in guddoomiye cusub loo magacaabo gobolka Banaadir. Kaddib markii uu tixgeliyay soo jeedinta iyo waayo-aragnimada uu Jen. Muun-gaab u leeyahay maamulka, garsoorka iyo nabad-galyada ayuu xilkan magacaabay,” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweyanha Soomaaliya. Sidoo kale, wareegtada ayaa lagu sheegay in magacaabista guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho loo magacaabay Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab). “Waxaa xilkii guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho laga qaaday, guddoomiyihii hore Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan),” ayaa sidoo kale wareegtada lagu sheegay. Dhanka kale, wareegtada ayaa lagu faray in hay’adaha ciidanka booliiska, qaybta gobolka Banaadir iyo hay’adda nabad-sugidda qaybteeda gobolka Banaadir inay si toos ah ula shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee gobolka loo magacaabay. Ugu dambeyn, waxaa lagu sheegay wareegtada in xeerkan uu dhaqan-galiyo marka uu saxiixo madaxweynaha Soomaaliya si rasmi ahna loogu faafiyo warbaahinta dalka. Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa xilkan hayay sannadihii lasoo dhaafay, waxaana uu horay u diiday inuu qabto xil wasiir ku xigeen ah oo loo magacaabay. Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya -
Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhiga Ethiopia.
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
From the looks of it the discussion looks intensive and hardball - How will the Ethiopian Regime handle SSC issue Puntland President Gass is dead serious bringing back SSC regions under Puntland Authority . Next week or so you will see high level Somaliland admin delegates flying out to Ethiopia -. -
niin 24 February, Addis Ababa:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa maanta xarunta wasaaradda Gaashaandhiga kulan kula qaatay wasiirka gaashaandhiga Ethiopia Siraj Fagessa. Taliyaha guud ee ciidanka Difaaca Puntland ayaa ku wehelinay kulanka Madaxweynaha, waxana soo dhoweeyay Taliyaha ciidanka Qalabka sida ee Ethiopia Gen. Maxamed Yonis Samora iyo sarakiisha ciidamada. Madaxweynaha ayaa kala hadlay masuuliyinta gaashaandhiga Ethiopia xoojinta xiriirka nabadgelyo ee u dhaxeeya labada dhinac iyo sidii ay taageero uga heli lahaayeen Ethiopia ku aadan la-dagaalanka kooxda Al-shabaab oo fariisin ka dhigatay buuraleyda Galgala. Dr. Cabdiweli Gaas ayaa u gudbiyay saraakiisha Ethiopia baahida Puntland u qabto in ciidanka loo qalabeeyo islamarkaasina tababaro dheeraad ah loo fidiyo, waxana uu uga mahadceshay taageeradda iyo dadaalada ay ku baxshaan nabad waarta oo ka dhalata Somalia. Ethiopia waxay u balanqaaday Puntland taageero Militeri iyo wada-shaqeyn dhow inay yeeshaan labada dhinac si wadajir dagaal loogu qaado kooxda Al-shabaab oo qaybo badan oo ka mida Koonfurta dalka laga soo saaray. Gelinka danbe ee maanta ayaa madaxweynaha Puntland uu kulan balaaran la qaadan doonaa Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn.
-
Ra’iisul wasaare Abdiweli Shiikh Oo ciidankii ilaalada AMISOM
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
<cite> @CidanSultan said:</cite> ^^^ the port is AU gaurded, the airport is AU gaurded, "villa Somalia" is AU gaurded, "president" is au gaurded. malister what happened to the army...the thousands upon thousands that were ready to take control of mugdisho. did i not tell you, you were dreaming. "the somali prime minister" walked out with somali body gaurds... We are winning our independence from third world african states. The newly trained security forced have done outstanding job defending and stopping high level well orchestrated attack by alshabaab . Soon the Army will take responsible of defeating alshabaab . Amisom does not attack or guard anywhere alone they are surrounded and aided by the Somali Arm Force. Thousands of troops who have received high level training are station in their camps and facilities and have yet seen any fighting . Madaxweynaha Xasan Sh. Maxamuud is building large scale army with skills and discipline to maintain security and defend the Nation. Cidinsuldan Stay tune we will update this thread in due time you will be surprised how strong and well Trained Somali Army force are , Mind you the Gov in Somalia are building Security force from scratch in a war torn country . -
Ra’iisul wasaare Abdiweli Shiikh Oo ciidankii ilaalada AMISOM iska reebay kadibna sameystay ciidan Soomaliyeeed Muqdisho (Kalshaale.com) Tan iyo markii uu dhacay qaraxyadii iyo weerarkii kooxda Al-Shabaab ku eegteen madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa soo baxayey dulduleelo ay leeyihiin ciidankii AMISOM ee ilaalinayey madaxtooyada iyo madaxda dalka Soomaaliyaba. Dagaal qaraar oo dhexmaray kooxda xagjirka ah ee soo weerartay Madaxtooyada iyo ciidanka ilaalinayey madaxtooyada ayaa waxaa muuqatay inuu u dhexeeyey oo kaliya ciidamada Soomaalida oo aysan ka qeybgelin AMISOM. Waxaana taasi ay noqotay caalamad su’aal la saaray heerka ay joogto kalsooni lagu qabo ciidanka AMISOM. Ra’iisul wasaare Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed oo xilliga uu weerarkaasi dhacayey safar dibada ah ku maqnaa ayaa soo gaabiyey socdaalkaasi. Waxaana uu degdeg ugu soo noqday magaalada Muqdisho xilli ay geeriyi ku timid xubnihii ugu muhiimsanaa xafiiskiisa Ra’iisul wasaare oo ay ku jireen Maxamuud Cabdulle “Indhacase” iyo darawalkiisii Yantaar. Waxaana xogta Ra’iisul wasaaraha la siiyey ay noqotay inaysan ciidanka AMISOM dagaal adeg la gelin ciidankii Al-Shabaab ee awooda kusoo jiiray ammaankii lagu jiifay ee madaxtooyada ilaa ay gaareen Masjidka madaxda ay ku tukan jirtay oo ahaa mid aan sahal lagu gaari karin. Ilo ku dhaw xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegaya inuu Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed isla shalayba iska reebay ciidankii AMISOM ee ammaankiisa ilaalin jiray islamarkaana uu sameystay ciidamo Soomaaliyeed oo si gaar ah uga difaaca wixii qatar ah ee kasoo wajaha kooxaha nabaddiidka ah. Maadaama waxa dagaalka adeg Al-Shabaab madaxtooyada kula galay ay ahaayeen ciidanka Soomaaliyeed. ” Abdiweli Shiikh waxaa uu garowsaday in geesinimada iyo ammaanka ay ku jirto gacanta wiilasha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed kuwaasi oo jilibka u dhigi kara wixii qalqalgelinaya amaanka shacabka iyo madaxdaba” ayuu yiri howl-wadeen ka tirsan xafiiska Ra’iisulwasaaraha oo magaciisa codsaday in aan la shaacin. Shalay mar uu ka qeybgalayey aaska allaha u naxariistee Maxamuud Indhacase ayuu Ra’iisulwasaare Abdiweli soo ka xeystay ciidanka Soomaaliyeed oo kaliya, isagoona magaalada dhowr meel kasoo maray. Waxaana marna lagu arkin ciidankii iyo baabuurta qafilan oo ay isticmaalaan AMISOM. Sidoo kale Maanta Markii uu ka Qayb Galay Bananaanbixii Ka dhacay Magaalada Muqdisho Ayaa wuxuu Watay Ciidamo Soomaaliyeed.
-
<cite> @Cadale said:</cite> Malistar don't be too enthusiastic. Geedi fanaxle is upto something and what i see in these pics is that he's simply keeping his enemies close. Cadaale and Shabakada Alldhacdo oo aad uga barateen inay banaanka soo dhigto siraha qarsoon ayaa soo heshay xog culus misane ku saabsan sababta uu Muqdisho ku jooga Cali Geedi. Waxa uu doonayaa Laba qorshe culus, waxaana qorsheyaashaasi ay yihiin kuwa hadda ku kalifay in magaalada uu yimaado. 1 waxa uu doonayaa inuu wax ka furo shir balaaran oo la doonaayo in maamul gobaleed loogu sameeyo gobalada Shabeelooyinka, waxaana uu doonayaa in kaalin xoogan uu ka qaato arinkaasi. 2 Waxa uu rabaa in dowladda uu ka dhaadhiciyo inaysan aqbalin maamulka Lixda gobal ah ee dhismahiisa ka socdo magaalada Baydhaba. 3 Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe ayuu doonayaa in hadda uu si aad ah isugu sii dhaweeyo ilaa ay gaaraan dowlad gobaleed. Muqdisho inta uu joogo waxa uu la kulmi doonaa siyaasiin iyo sidoo kale madax ka mid ah dowladda Soomaaliya oo arimo badan uu kala sheekeesan doono.
-
Garoowe Oo Lagu Qabtay Kulan looga Dooday Hindise Sharciyeedka Lagu Dhisayo Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Dalka “Sawirro” Published on February 16, 2014 by Mustaf · No Comments · 531 views kulanka oo ciwaan looga dhigay yagleelidda Hindise Sharciyeedka dhismaha guddiga xuquuqul insaanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay wasaaradda cadaalada iyo Garsoorka Soomaaliya iyo hay’adda Inter news. dadka ka soo qeyb galay kulanka ayaa la weydiinayay su’aallo kale duwan, iyadoo aysan meesha ka marnayn afkaartooda iyo talo soo jeedinta ku aadan hindise sharciyeedkaasi, waxaana ka qeyb galayaasha kulanka su’aallo ka weydiiyeen arrimahani wakiilada ka socda dawladda federaalka ee Soomaaliya. Ugu danbeyntii ayaa kulankaas waxaa ka soo baxay afkaar iyo talooyin muhiim u ah sharciga dhisida guddiga xuquuqul insaanka, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay oo Soomaaliya laga sameeyo guddi qaabilsan daba galka iyo xaqiijinta xuquuqul insaanka. Xajii Xanuf SFG and Puntland admin are working together fine - Relationship has healed the trouble maker Somaliland agent Faroole is gone with Wind new dawn for SFG and regional administration.
-
Cali Maxamed Geedi is campaigning hard to be the The President of the Labada gobol ee Sh/dhexe iyo Sh/hoose . Kulan loogaga hadlayay sidii ay u samaysan lahaayeen maamul goboleed labada gobol ee Sh/dhexe iyo Sh/hoose ayaa shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho. Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay inkabadan labo boqol oo ruux oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaasha labada gobol ee Sh/dhexe iyo Sh/hoose Cabdi Jiinow Calasow iyo C/qaadir Nuur Siidi, oday dhaqameedyo, salaadiin, culumaa’udiin, waxgarad,haween,siyaasiyiin, aqoonyahano iyo xildhibaano ka soo jeeda labada gobol. Ra’izul Wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo xubno Siyaasiyiin ah oo saldhig u ah Mgaaalada Nairobi ? Saldhiga has moved From Nairobi to Mogadishu the Capital city welcome back Geedi its about time you came back to your sense .
-
Ra'izul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi kana mid ahaa siyaasiyiinta sida weyn u mucaaradsan Dowlada Soomaaliya ayaa maanta waxa uu kasoo dhax muuqday soo dhaweyntii loo sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho kusoo laabtay. Cali Geedi ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa uu kusugnaa Magaalada Muqdisho waxa uuna kulamo hoose la qaatay Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya , inkastoo aan la ogeyn waxa ay kawada hadleen. Ra'izul Wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo xubno Siyaasiyiin ah oo saldhig u ah Mgaaalada Nairobi ayaa mudooyinkii dambe waxa ay si weyn uga soo horjedeen Siyaasada ay ku shaqeyso Dowlada Soomaaliya iyagoona cambareyn iyo dhaliil markasta usoo jeedin jiray Madaxda Dowlada. Cali Geedi oo Marar badan la hadlay Warbaahinta ayaa weerar afka ah waxa uu ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud , lamana oga in Siyaasadii Cali Geedi wax iska badashay maadaama maanta la arkayay isaga oo farxad kusoo dhaweenaya Madaxweynaha Soomaaliya. Sawirada laga soo qaaday soo dhaweynta Madaxweynaha Maanta Muqdisho loogu sameeyay ayaa muujineysa Cali Geedi oo dhinac socda Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya . Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com Muqdisho Somalia Allbanaadir@live.com
-
Where are these skateboarders clowns - Abdi wali Gass Has pissed off the Hargeysa admin Now the Man is about loose Garowe - ciidammo ka tirsan Somaliland ay madaxweyne xigeenka Puntland, C/xakiim Cabdulaahi (Camey) ka hor-istaageen safar uu ku tagi laha degmada Buuhoodle oo deegaan ahaan uu kasoo jeedo waar ninmanka SNM Caadi Maha -
-
<cite> @Mooge said:</cite> cadale and malistar, let us be honest. the trainees are all HAG from your clan. that is where qoslaye is spending nations resources. he is arming, training and giving help to his own people. for me, these pictures show a clan militia. Mooge You are wrong listen to the General speak in front of the crowed he repeats it several times - These Soldiers who are disciplined are mixed and recruited from Galgacyo - Hiiraan- Gedo - Baydhawa - Galguduud - Xamar its Huge step forward .
-
H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh will definitely make significant difference in this Gov , Somalia is moving in the right direction we are far from the days where warlords hold key position all the way to President seat . We are witnessing more intellectuals honest and experience mans coming forward to lead the Nation.
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa maanta waxa ay booqdeen qeybaha kala duwan ee dhismayaasha burbursan ee ka tirsan Wasaaradda , kuwaasoo kala ah Waaxda Warbaahinta,Machadka daraasaadka diblomaasiyadda iyo Maktabadda . Dhismayaashaasi burbursan oo qaar ka mid ah ay degan yihiin dad barakacayaal ah oo ka dhistay guryo jiinkado ah ayaa Wasaaraddu ay qorsheyneysaa inay dib u dhis iyo qalabeyn ku sameyso Machadka daraasaadka diblomaasiyadda iyo dhismayaasha kale ee ku lamaansan , si wasaaraddu ay ugu suura-gasho soo saaridda jiil cusub oo diblomaasiyiin ah . Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa intii uu kormeerka ku jiray salaamayay qoysaska halkaasi deegaansaday, isagoo balan-qaaday inuu dadaal dheeraad ah ku bixin doono dib u dhisidda machadka,maktabadda iyo dhismayaasha kale ee Wasaaradda , waxa uuna xusay inuu hormuud u noqon doono aas’aasidda naadi ay leeyihiin diblomaasiyiinta Soomaaliya. Socdaalka Wasiirka iyo Wasiir kuxigeenka ay ku booqanayeen dhismayaasha Machadka diblomaasiyadda iyo kuwa kale ayaa waxaa ku wehlinayay saraakiisha amniga Wasaaradda.
-
Culusoow recovers however Xamar is burning
malistar2012 replied to SomaliaRising's topic in Politics
Alshabaab are increasing their attacks desperately shelling the civilians at night with mortar easy to carry to cause panic and set back , SFG troops and Amisom are ready to pacify Alshabaab from Somalia , Dangerous times as Terrorist are losing the plot and are desperate. well trained Gov Troops are on the move . -
Ciidamo ka tirsan xooga dalka Soomaaliya ayaa Tababar milateri uga socda Xerada Jazeera ee duleedka Muqdisho, halkaasoo ay tababar gaar ah ku siinayaan Saraakiil ka tirsan Ciidamada Midowga Yurub. Tababarkan oo soconaya muddo lix bilood ayaa la siinayaa ciidamo si gaar ah loo soo xulay, oo qeyb ka noqonaya milateriga Soomaaliya, kuwaasoo qaadanaya tababaro isugu jira jimicsi, sida wax loo liishaamo iyo xirfado kale. Howl galka Midowga Yurub ee dhinaca tababarka oo dhowaan loo soo wareejiyay Soomaaliya, kadib markii laga soo raray dalka Uganda oo Ciidamada Soomaalida dhowrkii sano ee u dambeeyay lagu tababarayay ayaa la filayaa in ciidamadan cusub ee hada tababarka uga socda inay noqdaan cutubyadii u horeeyay ee lagu tababaro gudaha dalka. Ciidamadan ayaa lagu tababaray dhul ballaaran oo xeebta ah, iyagoo ka qeyb qaadanayay howl gal banaan bax oo dab la shiday, sidoo kale waxaa loo tababarayay qaabka wax loo shiisho, iyadoo kuraas lagu dhejiyay sawir gacmeed lagu barayay qaabka shiishka. Awood Cidan oo lagu fano \ SFG troops are going through intensive training well done by the SFG - we will see Professional and more discipline Soldiers deployed . all whats needed now are the Tanks and heavy artillery's moderate weapons the Troops are ready .
-
<cite> @CidanSultan said:</cite> ^^^ commando's hahaha..... malister lets see if they can control a street block in mugdisho on their own..hahaha.... we will return to this later...you have been mentioning similar developments for the past 3 years and amisom still pushes you around. It takes more then 3 Years to train Arm force consistent of dozen of division capable of taking over Somalia . SFG are fighting alshabaab and Nabadiids while recruiting and training soldiers at same time . Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomalaiyeed Sareeyo Guuto Daahir Aaden Cilm This man is shaping and reforming Somali Arm Force by recruiting young discipline and strong man - women while providing them with excellent training and shelter . xarunta tababarka ee Jaziira Cidansultan Times are changing in fast paced Waite and see Tanks and Heavy artillery's weapons are arriving as Gov purchased them. Inshallah Alshabaab and Nabadiids are going to be wiped out this year.
-
Somali Arm Force is reviving the Army are signing up the young Discipline and strong and are going through intensive training . This Year Inshallah will be the Year of Somali Arm force - Intensive training are going on in Several camps within Somalia and also out side of the country , Thousand of young Mans are joining the Arm force and are receiving Great training and hospitality .
-
Popular Contributors