malistar2012
Nomad-
Content Count
2,754 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by malistar2012
-
Recently build oil reserve in Mogadishu Port Great investment by the Mogadishu Business community . Building our economy creating jobs are significant part of the fight against Terrorist ,
-
Magaalada Muqdisho ee Casimaada wadanka Somalia ayaa markii ugu horaysay mudo 23 sano ah marti galinaysa Bandhig Ganacsiyeed caalamiga. Mogadisho International Trade Show (MITS) wa bandhig ama carwo ganacsiyeed Caalami ah oo ay ka soo qayb galayaan in ka badan 70 Shirkadod oo iskugu jira Shirkado Somali ah iyo kuwa Caalami ah. Ujeedada Bandhig ganacsiyeedkan caalamiga ah ee lagu qabanayo magaalada muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in u yahay mid kor logu qadaayo Ganacsiga Somalia maadama wadanka Somalia uu hada ka soo baxayo burbur dhan walba leh oo 23 ki sano ee ugu danbeyay u ku jira. Sido kale Bandhig Ganacsiyeedkan ayaa waxaa isku baranaya Shirkadaha Somalida ah ee ka shaqeeya Wadanka iyo waliba Shirkado ajaanib ah oo aad u danaynaya ganacsiga Somalia. Bandhigaan ayaa sida ay Sheegeen Masuliyiinta Shirkado Ganacsi qaybtiisa hore noqon doona Khudbado iyo doodo ku adan sida ganacsiga Somalia la garsin karo heer caalami iyo sida ay xiriir jogta ah u yeelan karaan Company yada caalamiga ah iyo kuwa local ka ah. Halka qaybta danbe ee Bandhigaaan Calamaiga ah ay Shirkad kasta soo bandhigi doonto alabaha ay soo saarto oo qimahoodu aad u hooseyo waxaana alabahaasi ka faidaysan doona Shacabka Somaliyeed ee ku dhaqan Caasimada Somalia ee Muqdisho. Qabsoomida Mogadisho International Trade Show (MITS) ayaa waxaay guud ahaan guul u tahay Shacabka Somaliyeed gaar ahaan waxaay guul u tahay Dowlada Somalia ee hada jirta....... Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com Muqdisho Somalia Allbanaadir@live.com
-
<cite> @Hawdian said:</cite> So sad to see certain people think that the ugandians, burudians kenyans or ethiopians collatively know as African forces in Somalia are there to bring peace, these countries armies are in Somaliya to profit from the misery of the somali people and continue their presence until thre millions of dollar dry up. No sane soldier wants to sacrife his life for a fight he has no gain from. The entire war is funded not to bring peace but to contain somalia war inside the country. Makistar i can assure that Ethiopians are the same people slaugthering innocent children in schools and doing criminals activities as under A. Yusuf and ghedi , please understand that this entire mashruuc is a show and the only people paying the price are the innocent somali civilians. Alshabab would not have exsist if the war on islam was not the first priority of the west. Looking at the bigger picture instead of thinking that ur clan is in power , afterall under colonization one has zero independence. International terrorist and Grave diggers have no place in Somalia - No Mater how much you sugar coat it alshaaydans are threat to the existing of Somalia . Shaykh Hasan Dahir Aweys at a gathering where AMISOM casualties, a Burundian prisoner, and captured AMISOM equipment were displayed If Mogadishu was under African Amisom occupation Mans like Dahir Aweys , Indhaacad and countless other mans who fought and killed African Soldiers dragging their bodies on the ground , if it was up to the African force they would not be able to walk free in Mogadishu- . The African mercenaries have done great job assisting Somali Arm force defeating alshabaab.
-
<cite> @CidanSultan said:</cite> Malister is a man living on hope. Like the haji said and I said the so called somali army could not protect a single school from Alshabab if not for the au and if you agree otherwise ask for the au to leave and see what happens. Hahah... Dreamer IF the North loves Alshabaab and Gadona the cross dress take him to Hargeysa and crown him show your true color - Xaalka AL-SHABAAB oo allow sahal ah, arinta sidii hore ma ahan! The Boys from North are feeling sad For Gadone the cross dresser Terrorist the bastard will be killed if he continues to stay in South his Warrant had expired . Well trained and armed Gov Forces are are liberating the few district still held by the Terrorist by the end of spring the South will be free of alshabaab .
-
Xaalka AL-SHABAAB oo allow sahal ah, arinta sidii hore ma ahan! Ciidamada Qaranka Soomaaliya (SNA) iyo kuwa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa qabsday dhowr magaalo oo istaraatiiji ah oo ku yaal koonfur-galbeed Soomalilya kadib weerar millatari oo baaxad weyn oo lagu qaaday al-Shabaab. “Labadii maalmood ee ugu dambeeyay, ciidamada SNA iyo AMISOM waxa ay dib u qabsadeen magaalooyinka Rabdhuure, Ted iyo Xuddur kadib howlgal si wadajir ah loo fuliyay kaasoo argagixisada lagu jabiyay loogana saaray magaalooyinkaas,” ayay AMISOM ku tiri hadal ay soo saartay. “[sabtidiina], ciidamada SNA iyo AMISOM waxay sii wadeen guulahoodii waxayna qabteen magaalooyinka Waajid iyo Buurdhuubo ee gobolka Gedo.” Axaddii, ayay SNA iyo AMISOM waxay sidoo kale qabteen magaalada Weel Dheyn ee gobolka Bakool. Howlgalka millatari ee wadajirka loo fuliyay ayaa ah biloowga dadaallo la soo cusbooneeysiiyay oo ay wadaan ciidamada huwanta si al-Shabaab looga saaro meelo badan oo ay Soomaaliya ka joogto ee ku yaal daafaha dalka. “Guuleheenna millatari waa ay sii socon doonaan illaa iyo inta aan cadowga ka xoreeynayno inta ka harsan dalka,” ayuu Guddoomiyaha Waajid Cabdullaahi Yariisoow u sheegay AFP. Dad deegaanka ah oo ay la xiriirtay AFP ayaa xaqiijay in Waajid iyo Xuddur ay dib u qabsatay AMISOM. “Magaaladu waa eber. Al-Shabaab ayaa dadka ku amartay in ay isaga baxaan magaalada ka hor inta ayan [soo galin] ciidmada Itoobiya iyo Soomaaliya, laakiin xaaladdu waa ay deggan tahay hadda,” ayuu yiri Cabdi Xasan oo ka mida dadka deegaanka. Ra’iisul-wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ku ammaanay barnaamijka wadajirka ah ee lagu saarayo al-Shabaab hadal uu Sabtidii ka jeediyay munaasabadd lagu weyneeynayo Maalinta Haweenka Adduunka. “Howlgallada millatari ee socda ujeedkoodu waa in xididdada loogu siibo al-Shabaab sababtoo ah waxa ay khatar weyn ku hayaan Soomaalida ku nool aagagga ay gacanta ku hayaan,” ayuu yiri Axmed sida ay sheegtay Garowe Online. Hoggaamiyaha al-Shabaab Axmed Cabdi Godane waxa uu Axaddii soo saaray farriin maqal ah oo uu Soomaalida ugu yeerayo in ay jihaad ku qaadaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM
-
Pure propaganda.... why ?You sound bitter and down that alshabaab are loosing to the SFG troops with help of Amisom - Mind you alshabaab has thousands foreign fighters with them . Well Trained and armed with Armored Personnel Carriers and superior weapon power SFG troops are on the Move to liberate areas held by alshabaab .
-
waa wax lagu farxo in gudoomiyaasha ay caasimadooda ku xirnaadaan DFS Guddoomiyeyaasha uu Madaxweynuhu la shiray ayaa kala ahaa: Guddoomiyaha Galguduud Xuseen Cali Weheliye (Cirfo), Guddoomiyaha Bay Cabdi Aadan Hoosow, Guddoomiyaha Sh. Dhexe Cadi Jiinow Calasow, Guddoomiyaha Banadir Xasan Maxamed Xuseen Mungab, Guddoomiyaha Shabeelaha Hoose Cabdulqadir Maxamed Nuur (Siidii). Madaxweyne Xasan ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee dalka, si gaar ah wuxuu faah faahin uga bixiyey hawlgallada ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka wadaan gobollada qaar, isagoo sheegay in howgallada ammaanka lagu xaqiijinayo lasii wadi doono. "Waxaa socda Holwgal kooxaha nabad-diidka ah looga saarayo goobaha ay joogaan, si dadka deegaanka loo siiyo fursad loogu adeego oo ay kaalin mug leh ka qaataan dib u dhiska dalka, isla markaana maamulada gobolada looga baahanyahay inay la yimaadaan maamul wanaag, si dalka looga hirgeliyo doorashooyin xor ah" Madaxweynaha ayaa yiri.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah guddoomiyeyaasha gobollada dalka. Kulanka oo arrimo dhowr ah oo ammaanku uu ugu muhiimsanaa looga hadlay, waxaa ka qayb galay mas'uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan, waxaana kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdullahi Godax Barre. Guddoomiyeyaasha uu Madaxweynuhu la shiray ayaa kala ahaa: Guddoomiyaha Galguduud Xuseen Cali Weheliye (Cirfo), Guddoomiyaha Bay Cabdi Aadan Hoosow, Guddoomiyaha Sh. Dhexe Cadi Jiinow Calasow, Guddoomiyaha Banadir Xasan Maxamed Xuseen Mungab, Guddoomiyaha Shabeelaha Hoose Cabdulqadir Maxamed Nuur (Siidii). Madaxweyne Xasan ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee dalka, si gaar ah wuxuu faah faahin uga bixiyey hawlgallada ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka wadaan gobollada qaar, isagoo sheegay in howgallada ammaanka lagu xaqiijinayo lasii wadi doono. "Waxaa socda Holwgal kooxaha nabad-diidka ah looga saarayo goobaha ay joogaan, si dadka deegaanka loo siiyo fursad loogu adeego oo ay kaalin mug leh ka qaataan dib u dhiska dalka, isla markaana maamulada gobolada looga baahanyahay inay la yimaadaan maamul wanaag, si dalka looga hirgeliyo doorashooyin xor ah" Madaxweynaha ayaa yiri. Mar uu ka hadlayey qorshaha dowladda ee mustaqbalka dhow ee ku wajahan hirgelinta nidaamka federaalka iyo dimuqraadiyeynta wuxuu yiri: "Qorsheyaasha dowladda ayaa ah in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka, la dhaqangeliyo nidaamka Federaalka iyo in dalka laga hirgaliyo nidaamka dimoqraadiyada oo dadka deegaanka ay aayahooda ka tashadaan. Si taas loo gaaro waa in maamulada Gobolada iyo Degmooyinka ay noqdaan kuwo u adeega bulshada, la yimaada maamul wanaag.” Kulankan ayaa imaanaya xilli maalmihii u dambeeyey ay ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM ay Al-shabaab kala wareegeen deegaanno dhowr ah oo ka kala tirsan gobollada Bakool iyo Gedo. Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online xaajidirir@hiiraan.com
-
Ciidamada Dowladda Federalka ee Soomaaliya oo ay kaabayaan Ciidanka Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay maanta dagaal culus ay la galeen Xoogaga Ururka Al Shabaab. Waxayna kala wareegeen dhul muhiim ah. Labada Ciidan, ayaa 3-dii aroornimo ee saakay ka dhaqaaqay Wadada Danow, waxayna u jiheysteen Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ay dagaal culus la galeen Ciidan ku sugnaa daafaca hore, ee Shabaabku ka difaacanayeen Qoryooley. Dagaalka, ayaa waxa uu ku fiday dhul beeraley oo ay lee yihiin dad shacab ah, iyadoo la soo sheegaayo in Taangiyada Amisom ay ku dul socdeen beero asandooyin ah. Ciidamadaan, ayaa galabta si buuxdo ugu sugan Deegaanka Buulo Shiikh, oo wadada ka baxdo ay si toos ah u gasho Degmada Qoryooley, oo ay si buuxdo gacanta ugu heyso Al Shabaab. Ciidan kale oo ka kooban Ciidanka Xoogga Dalka iyo Amisom, oo sidoo kale ka dhaqaaqay Deegaanka Shalambood ee duleedka Magaalada Marka, ayaa waxay cagta saareen wadada tagta Degmada Baraawe. Labada Ciidan, ayaa waxaa u suurta gashay in sidoo kale ay la wareegaan Deegaanka Jeebeey, oo ay daafacyo adag kaga jireen Xoogaga Shabaab, sidoo kalana ah daafaca 1-aad ee Shabaabku ka difaacanayeen Degmada Baraawe. Ciidan kale oo ka tirsan Dowladda iyo Amisom oo weli ku sugan Deegaanka Danow, oo ah halka kulmisa Wadooyinka ka kala yimaada Buulo Mareer iyo Qoryooley, ayaa waxaa la hadalhayaa in ay iyana ku dhaqaaqi doonaan Buulo Mareer. Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ayaa si saf mareen ah culeys baaxad leh u saaraaya Degmooyinka Baraawe, Buulo Mareer iyo Qoryooley. Sidoo kale waxaa la filaaya in Ciidan kale, oo ka socda Dowladda Itoobiya ay ka qayb qaataan qorshaha lagu qabanaayo Degmooyinka Baraawe iyo Sablaale. Ciidanka Itoobiya, ayaa la sheegay in ay soo jeexayaan dhulka hawdka ah, iyadoo la sheegay in ay kaabiga ku hayaan Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, isla-markaana dhaq dhaqaaqyo Ciidan, ayaa laga dareemayaa Degmadaasi. Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur “Siidii”, ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay ka soo hadli doonaan Degmada Baraawe, markii uu sheegay in Shabaabku ay dhibaato daran ku hayaan dadka reer Baraawe, ayna ka dulqaadayaan. Gudoomiyaha oo la hadlay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa ku waramaaya in si qorsheysan ay ku soconayaan hawlgalada lagula dagaalamaayo Shabaabka, loogana saaraayo inta ay kaga harsan yihiin Shabeellaha Hoose. Dhanka kale dagaalka maanta ka dhacay Shabeellaha Hoose, ayaa waxa uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo aan si rasmi ah loo aqoon inta uu le’eg yahay khasaaraha labada dhinac ka soo kala gaaray dagaalka. C/qaadir Siidii, ayaa sheegay in dagaalkaan ay jab lixaad leh ku gaarsiiyeen Shabaabka, dhinacooduna uu ka dhaawacmay afar askari, oo laba ka mid ah ay yihiin Ciidanka Dowladda, halka labada kalana uu ku sheegay Amisom. Sidoo kalana waxa uu xusay in ay ogyihiin dhimashada hal ruux oo rayid ah, oo ay haleeshay sida uu yiri rasaas wiifto.
-
Well done and congrats to the Somali business Man and woman who invested their money on this particular project Keydka Shidaalka Dekedda Muqdisho . http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=7tMH-ak5ulw Muqdisho (Sh M Network)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud oo la hadlay Warfidiyeenada kadib markii uu maanta si rasmi ah Xarigga uga jaray Mashruuc lagu hirgelinayo Keydka Shidaalka Dekedda Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay faa’iido weyn ugu jirto Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed islamarkaana ay Muhiim u tahay in Dekedda Muqdisho ay yeelato Keyd Shidaal. Xasan Sheekh Max’ud Madaxweynaha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi kudaray in Mashruucaani lagu hirgalinayo Dekedda oo yeelato Keyd Shidaal in ay Calaamad u tahay Horumarka ay ku tillaabsaneyso dowladda Soomaaliya , wuxuuna u Mahad Celiyay Ganacsatada Soomaaliyeed ee gacanta ka geysatay Hirgelinta Mashruucani isagoo dhanka kale ugu baaqay Ganacsatada kale ee qurbo Joogta ah in ay dalka dib ugu soo celiyaan dhaqaalahooda si dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay kaga faa’ideystaan iyagoo ku dayanayo ganacsatada kale ee gudaha dalka ku sugan ee ka shaqeynaya Horumarka dalka. Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu Xusay in ay Muwaadiniin fara badan ay ka faa’idayaan Mashruucaan lagu hir geliyay Keydka Shidaalka ay yeelatay dekedda Magaalada Muqdisho islamarkaana looga gudbayo caqabado kale oo dhanka Shidaalka la xiriira oo ka taagnaa Badroolka Dekedda laga Isticmaalo. Mashruucaan Maanta Madaxweynuhu xariga ka jaray ee lagu hir geliyay Keydka Shidaalka ee Dekedda Magaalada Muqdisho waxa uu soo socday Muddo Labo sano ah.
-
Mayor Maangaab Attacks Sahal and SNM.Tribal Scum
malistar2012 replied to Dr_Osman's topic in Politics
geesi waaye muungaaab waxaan u rajaynaa guul iyo hormar inuu caasimada u so horseedo libaax yada Xamar hada ayeey shaqo culus galayaan . Muun-gaab “Bur iyo Biyo ayaa loo kala baxayaa Banaadir” -
Feysal Cali Waraabe: Booqashadii Gaas eeJig-Jiga waa durbaan qabill Waraabe ayaa weerar ku qaaday madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo dhawaan booqasho ku tagay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida Ethiopia. Wuxuu sheegay booqashada uu ku tagay Jigjiga in ay la xiriirto durbaan qabiil oo uu doonayo in uu ka hirgaliyo laga billaabi Garoowe, Wardheer ilaa iyo Kismaayo. “Ninkaa madaxweynaha ka ah Puntland waxaan is lahayn markii la doortay waxbuu ka badali lahaa balse wuxuu wataa durbaan qabiil oo uu doonaayo in uu ku tumo Garoowe, Laasacaanood,Kismaayo iyo ilaa kilanka shannaad” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe. Feysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay madaxweynaha Puntland in isbadal ku sameeyo dhaqanka uu la soo baxay ee ah in uu qabiilkiisa ku baahiyo deeganno ay ku jirto dhulka Ethiopia”Taasna waxa ay dhibaato ku noqon doontaa” ayuu yiri xukuumada Addis Ababa. Wuxuu kaloo sheegay Feysal Cali Waraabe in Sool iyo Sanaag aaney cid gaar u leh, oo qabiil kasta ayaa deggan ayuu yiri. Ugu dambeyn wuxuuu sheegay intii uu joogay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya in uu kulamo la qaatay diplomaasiyiin caalami ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliy
-
Amazing state of the art High school , Turks are doing outstanding job helping Somalia build moderate state of the art Hospitals and Schools.
-
Shir lagu ansixinayo dastuurka uu yeelan doono maamulka labada shabelle oo berito lagu qaban doono Magaalada Afgooye Odayaal ka tirsan beelaha dega Gobolada Shabeelaha dhexe iyo Shabeelaha hoose ayaa maanta shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho waxaana ay ka soo saareen warsaxaafadeed lagu iclaamiyay shir berito ka dhici doono afgooye kaasoo lagu ansixin doono dastuurka uu yeelan doono maamulka labada shabelle. Shirka waxaa ka hadlay odayaasha kala ah:- Suldaan saleebaan Iikow Nabadoon Axmed Jowhar Ugaas Abroone Maxamed Nabadoon Cumar Ibraahin Cosobow Sidoo kale waxaa ka hadlay siyaasiga C/laahi Geedi Shadoor kaasoo ka mid ahaa xildhibaanadii hore. Odayaasha iyo siyaasiyiinta ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxay ku iclaamiyeen in berito degmada Afgooye lagu qaban doobo shir lagu ansixinayo dastuurka uu yeelan doono maamulka labada shabelle ee la doonayo in lagu dhawaaqo. Gudoomiyaha bulshada rayidka Ex banadir kana mid ah gudiga qaban qaabada shirweynaha labada shabelle Xaaji Muxudiin Xasan Afrax ayaa saxaafada u aqriya warsaxaafadeed lagu iclaaminayo shir berito ka dhacaya Afgooye. Warsaxaafadeedka ayaa sidan u qornaa:- Gudiga qabab qaabada shirweynaha maamul u sameynta gobolada shabeelaha hoose iyo shabeelaha dhexe waxay si xushmad leh idinkugu casuumayaan inaad ka soo qeybgasho shir weynaha golaha guud ee shacabka labada shabelle. shir weynahaan ayaa dhacaya Axada 09 march 2014 oo uu ka dhacayo degmada Afgooye. Iyadoo la tixraacayo shirarkii isdaba joog ahaa ee socday 8-dii bilood ee la soo dhaafay oo ka soo bilaabaneysa 6-dii June 2013 oo ay isugu yimaadeen madax dhaqameedka, siyaasiyiinta, bulshada rayidka iyo dhamana qeybaha kala duwan ee bulshada sida dhalinyarada rag iyo dumar oo ay ujeedadeedu ahayd sidii maamul goboleed waafaqsan dastuurka looga hirgelin lahaa shabeelaha hoose iyo shabelaha dhexe. Iyadoo ay gudigii diyaarinta dastuurka soo gabagabeeyeen diyaarna ay u yihiin inay hor dhigaan 800 ee argada mataleysa shacabka labada shabelle si loo ansixiyo. Sidaas daraadeed waxaan ugu yeereynaa dhamaan eragada 800 inay ka soo qeybgalaan shir weyne guud oo lagu ansixinayo dastuurka uu yeelanayo maamul goboleedka labada shabelle. Sidoo kale waxaan si xushmad leh u casuumeynaa kana codsanenaa inay nagala soo qeyb galaan. 1-Dowlada faderaalka oo muhiim ah inay doorkeeda hogaamineed u qaadato inay arkaan rabitaanka shacabka labada shabelle. 2-maamulgoboleedada dalka ka jira oo maamulka aan sameyneyno uu yahay mid kaalin muhiim ah ka qaadanaya dib u dhiska dalka oo ay dani noogu wada jirto islamarkaana xoojineysa midnimada iyo xornimada dalka soomaaliya. 3-beesha caalamka gaar ahaan IGAD, AMISOM,UNSOM,EU,ARAB LEAGUE,UK, US iyo dhamaan wadamada deriska nala ah. Waxaa la farayaa dhamaan wasiirada, xildhibaanada iyo siyaasiyiinta kale ee ka soo jooda labada shabelle inay ku yimaadaan xarunta shirka oo ah degmada Afgooye mudo 24 saac gudahooda. Waxaan rajeynayaa inaad ka soo wada qebgeli doontaan oo aan maalinta sabtida ah 09 march aad imaad doontaan degmada Afgooye uu ka dhacayo shirkaan muhiim u ah Soomaaliya.
-
Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya oo wata gaadiidka gaashaamaan ee Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa markii ugu horeesay lagu arkay Deegaano katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose. Wariye katirsan Shabakada Allbanaadir.com oo howlo shaqo u tagay Deegaano u dhaxeeya Degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye ayaa halkaasi kusoo arkay labo kamid ah Gaadiidka gaashaaman ee CiidamadaAMISOM oo ay wataan Askar katirsan Milatariga Soomaaliya. Sargaalka Taliyaha u ah Ciidanka Milatariga ee kusugn Deegaano u dhaxeeya Afgooye iyo Wanlaweyn ayaa wariyaha katitsan Allbanaadir.com u sheegay in labadan gaari iyagu wataan ayna kaheleen Ciidamada AMISOM ee gobolkaasi kusugan. Waa gaadiidkii ugu horeeyayay ee lahayaeen Ciidamada AMISOM oo lagu arko Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo isticmaalaya gaadiidkaasi . Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com Nairobi-Kenya Allbanaadir@live.com Congrats to the SAF for Pacifying Deegaano u dhaxeeya Afgooye iyo Wanlaweyn from Nabadiids and illegal check Points . Arming the SAF is the only solution to defeat alshabaab and Nabadiids - The Army must have superior weapon power then the enemy .
-
Alshabab loosing ground to SFG and Amisom Force the game ends Here
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee dhawaan ku biiray AMISOM ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta degmada Waajid ee gobolka Bakool. Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa wax iska caabin ah la kulmin kahor inta aysan gudaha u gelin degmada Waajib oo Al-Shabaab ay si nabad ah ugu baxeen. Ciidamadan oo ku hubeysan taangiyo ayaa waxaa ay fariisimo ka dhigteen gelinkii dambe ee maanta duleedka magaalada Waajid. Sidoo kale qaar ka mid ah ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa fariisimo ka samaystay garoonka dayuuradaha ee magaalada Waajid iyo xarumo kale. Waa go'an xiriirka isgaarsiinta degmada Waajid iyadoo inta badan dadkii ku noolaa magaalada ay isaga carareen kahor inta aysan ka bixin ciidamada ururka Alshabaab. Waa degmadii Labaad ee Al-Shabaab lagala wareego 24-kii saac ee lasoo dhaafay, iyadoo ay jiraan xiisado colaadeed oo ka taagan gobolada Bakool iyo Gedo. -
Fikirka Wasiirrada Xukuumadda amniga uga shaqeynayaan oo sii baahaya Qorshaha cusub ee Xukuumadda Federaaliga Soomaaliya ay ka waddo caasimadda dalka ee Muqdisho ee ah, guddiyada wasiirrada iyo xildhibaannada ah oo ka howl-galaya degmooyinka gobolka Banaadir, isla markaana ammaanka ka qeyb qaadanaya, waa arrin ugub ku ah waddanka, maadaama looga qeyb qaadanayo amniga iyo xasilinta caasimadda, Bulshada Soomaaliyeed ayaa siyaabbo kala duwan uga hadleysa arrintan, balse waxa ka muuqanaya waa in dadka iyo dowladdu isku xermaan oo ay wada Shaqeyaan. Gobolka Banaadir waa 17, degmo, degma walba waxaa wakiil looga dhigay in maamulka ka jira uu kala shaqeeyo amniga iyo horumarinta Bulshada wasiir, Xildhibaanno iyo saraakiil amniga ka shaqeysa, hadal heynta Bulshadu waa in qorshan haddii uu raaggo oo uu muddo dheer socdo lagu guuleysan karo xasilinta amniga Muqdisho, si loogu gudbo gobollada kale ee dalka oo hadda ay ka bilowdeen howllo Al-Shabaab loogu saarayo. 22-kii bishii la soo dhaafay ayuu soo baxay go’aanka Xukuumadda ee wasiirrada ay uga qeyb qaadanayaan amniga Muqdisho, illaa hadda waxaa muuqaneysa in sidii loogu talagalay ay u socdaan howlahaasi, shacabka Soomaaliyeed waxaa ku dhashay dareyn ku aaddan in dowladdu ay diyaar u tahay in si toos ah ay uga wada shaqeeyaan la dagaallan argagixisada Al-Shabaab. Degmooyin badan ayaa laga dareemayaa is dhexgalka Bulshada iyo madaxda dowladda Soomaaliya, wasiirro badan ayaa wada ololle ballaaran oo ku saabsan sidii Bulshada looga dhaadhicin lahaa in ay taageeraan dowladda, isla markaana ay Kalsooni ku qabaan ciidammada ammaanka, iyagoo si toos ah ula shaqeynaya. Fikirka uu soo kordhiyey in wasiirrada Xukuumadda ay amiga Muqdisho ka qeyb-qaataan waa in Kalsooni ay dhexmarto Bulshada iyo dowladda, dhacdooyinka amni darada keenaya ee Al-Shabaab la damacsan yihiin mar walba Muqdisho waa mid ku saleysan in ay iska hor keenaan dowladda iyo ummadda Soomaaliyeed ee waddniyadda ay ku dheertay. Masuuliyadda saaran maamullada degmooyinka gobolka Banaadir iyo shacabkooda, waa in ay gacan siiyaan masuuliyiinta sarre ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taasi waxa ay keeni doontaa in laga guuleysto kooxaha sida baqdinta leh ugu dhex dhuumanaya Muqdisho ee Al-Shabaab ka tirsan. “Hal ku dhigga Nabadda waa la dagaallan argagixisada, gacan siinta ciidammada ammaanka Qaranka, ka shaqeynta horumarka caasimadda iyo guud ahaan dalkeenna” ereyadaas oo dhan waxaa laga dhabbeyn karaa haddii lagu dhabar adeeggo qorshaha Xukuumadda ay waddo ee amiga lagu dardargalinayo sidii loo sugi lahaa. Shacabka Soomaaliyeed waa ay la socodaan in Al-Shabaab aysan ka sirdoon wanaagsaneyd dowladdeena, ciidanka Qaranka waxa ay u baahan yihiin waa in lagu gacan siiyaa sidii ay dhabarka uga jabin lahaayeen Al-Qaacidda. Dhanka kale waxaa bilowday howl-gallada dib u xoreynta gobollada dalka Soomaaliya gaar ahaan meelaha ay Al-Shabaab ku dhuumaaleysanayaan, ciidammada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa la wareegay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, taas waxa ay cadeneysaa in dalka Nabaddiisa sii baaheyso.
-
Alshabab loosing ground to SFG and Amisom Force the game ends Here
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo qabsaday Degmada Xudur Jimco, Maarso 07, 2014 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya ayaa gellinkii dambe ee maanta la wareegay gacan ku aynta degmada Xudur ee gobolka Bakool oo ay ka talinaysay Al-shabab. Dagaal xooggan oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay ayaa ka dhacay dibadda degmada Xudur, iyadoo dagaalka kaddib ay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen degmada Xudur. Taliska AMISOM ayaa xaqiijiyay in Xudur ay gashay gacanta ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo iskaashanaya, iyadoo aysan bixin faahfaahin intaas ka badan oo ay bixisay AMISOM. “Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia ayaa qabsaday degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool,” ayaa lagu yiri warbixin kooban oo lasoo dhigay bogga ay AMISOM ku leedahay shabakadda Twitter-ka. Ma cadda khasaare nafeed oo ka dhashay dagaalka oo ahaa mid culus, waxayna ku soo beegmaysaa qabsashada degmada Xudur iyadoo xoogagga Al-shabaab ay xalay dib ugu laabteen degmada Rabdhuurre ee gobolka Bakool oo maalin ka hor ay kala wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ka socda. “Degmada Xudur waxaa la wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, mana arag wax khasaare ah oo dagaalkii dhexmaray ka dhashay,” ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool. Al-shabaab ayaa iyaduna xaqiijisay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ay si naf-la-caarinimo ah kula wareegeen gellinkii dambe ee maanta degmada Xudur ee gobolka Bakool. Iyagoo sheegay inay ciidamada Itoobiya gudaha degmadaas kula beegsadeen qaraxyo khasaare geystay. Itoobiya iyo dalal kale oo Afrikaan ah ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan ciidammo gacan ka siinaya dowladda Soomaaliya dagaallada ay kula jirto Al-shabaab, iyadoo howlgalladan oo ah kuwo cusub lagu sheegay in dalka oo dhan ay ku qabsadaan. Tan iyo sannadkii 2011 ayaa waxaa Al-shabaab laga qabsaday degmooyin badan oo ay ka talinayeen, iyadoo howlgallada ay horkacayaan ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ay ka wadaan Koonfurta Soomaaliya ay yihiin kuwo kusoo beegmay xilli madaxda dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqeen in sannadkan uu noqonayo sannadkii Al-shabaab laga saari lahaa Soomaaliya oo dhan. Dhanka kale, ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMSIOM ka socda dalka Itoobiya ayaa ku wajahan degmada Waajid oo ka tirsan gobolka Bakool, iyadoo Al-shabaabna ay isku dayayso inay difaacan doonto. Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya -
Alshabab loosing ground to SFG and Amisom Force the game ends Here
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
Kenya oo shegtay in ay Dileen Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere (Warbixin) Emmanuel Chirchir oo ka mid ah afhayeenadda ciidamada Kenya ayaa bogga uu Tweetterka ku leeyahay waxaa uu ku sheegay in maalintii Arbacada uu geeriyooday Sh, Cali Max’ud Raage oo Cali dheere ku magac dheer ahna afhayeenka Xarakadda Al-Shabab. Emmanuel Chirchir waxaa uu sheegay in Cali Dheere oo waayahaan qabay dhaawac culus oo kasoo gaaray duqeyn muddo 2 bilood ka hor ka ah ka dhacday Soomaaliya uu geeriyooday maalintii Arbacada ee na dhaaftay sida uu yiri waxaana sidoo kale qoraalkaan kasoo baxay afhayeenka ciidamada Kenya lagu qoray wargeyska Daily Nation oo Kenya kasoo baxa iyo wakaaladda wararka AFP. Chichir waxaa uu qoraalkiisa ku yiri “Waxaan xaqiijinayaa inb Cali Dheere afhayeenkii Al-Shabab Arbacadii ayuu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray duqeyn 10 bishii January ee sanadkaan ka dhacday degaanka Birta dheer ee koofurta Soomaaliya” waxaana uu intaa ku daray in duqeyntaas oo ay geysteen diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa bartilmaameedkoodu waxaa uu ahaa hogaamiyaha Al-Shabab Axmed Cabdi Godane laakiin looguu yeero Sh, Abuu Zubeyr hase ahaatee uu ka bad baaday. Duqeyntaas sidoo kale afhayeenkaan Kenya u hadlay waxaa uu sheegay inay ku dileen illaa 30 ruux oo hogaamiyaal Al-Shabab iyo Al-Qacida ka tirsan. Al-Shabab willi kama aysan hadlin hadalkaan dawlada Kenya kasoo baxay hase ahaatee Sh, Cali Dheere ayaa maalmo ka hor la hadlay warbaahintooda sidoo kalena dhawaana mar ayuu kasoo muuqday Tv,g -
Alshabab loosing ground to SFG and Amisom Force the game ends Here
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ka midka ah howl galka AMISOM ayaa kaabiga ku haya degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, kadib markii ay isaga baxeen Xoogaga Al-Shabaab ee halkaas ka talinayay. Sida ay sheegayaan wararka ciidamada huwanta ayaa ku sugan duleedka degmada, kuwaasoo aanay wali gudaha u gelin degmada, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen. Dagaalo culus ayaa labada dhinac ku dhex maray duleedka degmadaas, kaasoo dhaliyay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dadkii deegaanka ee ku dhaqnaa degmada Xudur ay isaga barakaceen. Madaafiic ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaceen qeybo ka mid ah degmada Xudur, intii uu dagaalka socday, waxaana si dhab ah loo ogeyn qasaaraha ka dhashay. Gudoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed ayaa sheegay inay la wareegeen gacan ku heynta deegaano badan oo u dhaxeeya Ceel Barde iyo Xudur. Dhinaca kale Ciidamada Itoobiya ee la wareegay degmada Rabdhuure ayaa ka baxay, iyagoo u ruuqaansaday degmada Waajid. -
Dhagayso Ciidamada Ahlusunna iyo kuwa dowlada iyo Amisom oo la wareegay Buudhuubo Isla markana Baardheere ku wajahan. Faafaahin March 7, 2014 - Written by admin - Edited byadmin Ciidamadda Ahlusunna kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ee dhawaan ku biiray Howlgalka AMISOM ayaa saakay waabarigii hore la wareegay degmada Muhiimka ah ee Buurdhuubo halkaasi oo Shabaab ay gacanta ku hayeen mudo ka badan 5 sano. Ciidamadda Al-shabaab ayaa iskaga baxay degmada ka hor intii aysan gudaha u galin Ciidanka Dowladda iyo AMISOM magaalada Buurdhuubo. Col, Xuseen Deeroow Ismaaciil oo kamid ah saraakiisha dowladda ee la wareegay degmada Buurdhuubo ayaa u sheegay Warbaahinta Caalamiga ah ee K24 Ciidamadda inay si rasmi ah ula wareegeen degmada Abaare 8-dii subaxnimo xiliga geeska Africa, iyado aysan jirin wax dagaal ah oo ka dhacay. “baryahaan waxaa socday howlgal sida aad la socoto lagu xoraynayay deeganada ay Shabaab uga suganyihiin deegaanada gobolada dalka gaar ahaan gobolka Gedo, waxaana saakay aan la wareegnay degmada Buurdhuubo iyadoo wax dagaal ah uusan ka dhicin, si wanaagsan ayayna dadku usoo dhaweeyeen, waxaana imika socda dhaq dhaqaaqyo la doonayo in lagu xoreeyo goobaha kale ee Shabaab uga suganyihiin deegaanka” ayuu yiri. Ciidamada Itoobiya oo dhawaan ku biiray howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxay horay u sheegeen inay dagaal adag la geli doonaan Al-shabaab oo weli gacanta ku haysa deegaanno badan oo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ku yaalla. Sidoo kale, Al-shabaab ayaa iyaduna sheegtay inay ka hortagayso duulaanka lagu soo qaaday deegaannada ay ka taliso, iyagoo shacabka ugu baaqay inay dagaalka ka qaybgalaan ayna ka hortagaan ciidamada Itoobiya. Gobolka Gedo ayaa waxaa intiisa badan ka talisa dowladda Soomaaliya, marka laga reebo degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo oo manta Ciidamadda Huwanta kala Wareegeen Al-shabaab ay gacanta ku hayay muddo badan, lamana oga sida uu xaalku isku bedeli doono maalmaha soo socda.
-
<cite> @Dr_Osman said:</cite> Mooge, What's the deal with HAG loving foreigners so much? I mean I understand sure hate Puntland or other tribe soldiers in hamar, but why wlc foreigners in their place? isn't there a local that can do the job? do they just have some inferiority complex? I don't know. But what I do know is there isn't one hag owned and runned govt in Somalia, the closest they come to one is galmudug and that is just a laughing joke notice how no foreign delegations ever go there? Somalia govt is the effort of somali wayn, amisom, unosom, turks. If thry all left tomorow what do you think hamar will become? straight back to warlord days eating each other. For god sakes they can't even go baraxley and dhusomareeb without three different mamuls. I think Halima Soofe was right what she said about HAG being nasab among sahal, don't you? I sense too much frustration and disappointment envy and Hate why ? is it that Puntland is broke and under siege by Alshabaab/ and Somaliland ? the latest Breaking News Puntland once again requesting Amisom assistance ? Madaxweynaha Puntland Cabdiweil Gaas oo Ciidamo AMISOM Ah Dalbaday </strong> Puntland economy bank robbed - Abdi wali Gass reduced to begging SFG for Handout Promises . Madaxweyne C/weli Gaas ” Somalia intaas oo lacag ah ayaa lagu cuna wax naga soo garana Majiraan Isku xishood oo calacalka meesha kala taga. ..
-
Guddoonka cusub ee gobolka Benaadir oo wacad ku maray ciribtira Al-Shabaab Guddoomiyaha cusub ee gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa maanta xariga ka jaray xarunta degmada Boondheere kaddib dib u dayactir iyo qalabeyn lagu sameeyay, isagoo wacad ku maray in guud ahaan degmooyinka gobolka laga sifeyn doono haraadiga Al-Shabaab. Munaasabad lagu furayay xarunta degmada Boondheere oo dib u dayactir lagu sameeyay, islamarkaana lagu qalabeynayay xafiisyada degmadaasi ayaa waxaa ka qeyb galay guddoomiyaha cusub ee gobolka Benadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, qaar ka mid ah ku-xigeenadiisa, guddoomiyeyaasha degmooyinka qaarkood, ururrada haweenka Qaranka iyo kan gobolka, saraakiil ka tirsan ciidanka qalabka sida, faanaaniin iyo qeybaha bulshada ee degmada Boondheere. Guddoomiyaha degmada Boondheere Cabdullaahi Xirsi Wardheere Istakiin oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in xarunta dib u dayactirka iyo qalabeyntiisa ay gacan ka geysteen mashruuca Danguud oo kaashanaya gobolka, waxaana uu xusay in shacabka degmada ay diyaar u yihiin la shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamulka Gobolka. Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo ugu horeyn xarigga ka jaray xarunta degmada Boondheere oo dib loo dayactiray ayaa uga mahadceliyay intii gacanta ka geysatay howlahaasi, isagoo xusay in maamulkiisa uu dhiiri gelinayo ka shaqeynta horumarinta degmooyinka gobolka benaadir. Sidoo kale Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa hoosta ka xariiqay in hadafka maamulka gobolka uu yahay sidii ay wada shaqeyn buuxdo u dhexmari lahayd, hay’adaha amniga, maamullada degmooyinka iyo shacabka gobolka ku dhaqan, isagoo xusay in dhagar qabayaasha Al-Shabaab laga ciribtiri doono degmooyinka ay ku dhuumaaleysanayaan. Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho ayaa tani u noqoneysa kormeerkiisii ugu horeeyay ee uu ku tego degmada Boondheere tan iyo markii uu shalay xilka si rasmi ah ula wareegay.
-
Popular Contributors