malistar2012
Nomad-
Content Count
2,754 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by malistar2012
-
Khaatumo forms ties with Mogadishu and Ahlu sunna waljama'a
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
Caabudwaaq (AGGM): Madaxweynaha maamulka Khaatumo State mudane Maxamed Yusuf Jaamac Indhasheel iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa waxa ay booqasho gaaban kusoo gaareen magaalada Caabudwaaq oo ay isla maantana ka dhoofeen garoonka diyaaradaha magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud. Wafdiga Madaxweynaha Khaatumo state Maxamed Yusuf Jaamac Indhasheel ayaa waxaa magaalada Caabudwaaq kusoo dhaweeyay kana sagootiyay gudoomiyaha Sadexda Gole ee Ahlusunna Waljamaaca Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye. Madaxweyne Maxamed Yusuf Jaamac Indhasheel iyo wafdigiisa ayaa waxa ay u mahadnaqeen shacabka magaalda Caabudwaaq iyo maamuloka Ahlusunna Waljamaaca . Media iyagoo ku sugan gudaha garoonka magaalada Caabudwaaq iyagoo kusii jeeda magaalada Muqdisho. -
Caabudwaaq (Kalshaale.com) Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo State Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhosheel) oo Maanta Booqasho Ku Gaadhay magaalada Muqdisho Ayaa sidoo kale Wuxuu Kulamo kula Qaatay Magaalada Caabduwaaq Shacabka Deegaanka & Maamulka Ahlu Suna ee Halkaasi ka Arimiya. Waxaa Halkaasi Ka hadlay Masuuliyiinta Labada dhinac Waxayna Sheegeen waxyaabaha ay Iska Kaashan Doonaan iyo Waliba Xidhiidhka Soo Jireenk aah ee Ka Dhaxeeya. http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=j3uIB38nbKE Maamulka Khaatum state forming alliance in south will improve their chances in surviving in the North.
-
Somali farmers improve domestic food production
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
Now for the first time ever, Somali farmers are able sell 2-hunred tons of high quality maize grain to WFP. The amount will be used to supply areas that are deprived of enough food. Congrats to the Somali Farmers their hard work has Paid off - Now that The UN - SFG are Promoting agricultural Production for domestic market and exporting it . Somali Economy will improve significantly in a fast paced, SFG created Great opportunity for the Business community to invest in the country Agricultural and Fishing Industrial since Gov attract foreign Investment and Market ready to take . -
Somali farmers improve domestic food production
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
Wafdi Uu Hoggaaminayo Wasiirka Beeraha Oo U Ambabaxay Magaalada Jowhar Ee Xarunta G/Sh/Dhexe Wafdi uu horkacayo wasiirka Beeraha ayaa maanta u amababaxay degmada Jowhar si ay ugu kuurgalaan xaaladda ay ku suganyihiin beeraleyda gobolkaasi. Wasiirka Beeraha mudane Cabdi Axmed Baafe ayaa sheegay in ujeedada socdaalkiisa ay tahay u kuurgelidda xaaladda wax soo saar ee beeraleyda gobolka Sh/Dhexe maadaama lagu jiro xilligi beerashada Guga. Sidoo kale wasiirka ayaa intaa ku daray in ay qiimeyn kusoo sameyndoonaa baahida Beeraleyda iyo qasaaraha ay u geysatay fatahaaddi webiga si ay wasaaraaddu wax uga qabato, isagoo xusay in ay soo eegi doonaan meelaha uu webigu ka soo ka tafaho ama ka biyo keeno. Wasiirka ayaa tilmaamay in sidoo kale uu booqan doono gobolka Sh/Hoose kadib marka uu soo dhameysto booqashada uu maanta ugu ambabaxay gobolka Sh/Dhexe, maadaama labada gobolba ay qani ku yihiin wax soo saarka Beeraha. -
Somali farmers improve domestic food production Updated About:6 hours ago 0 Somali farmers improve domestic food production Somali farmers improve domestic food production For a long period of time the food crisis in Somalia has been a major concern in a country that possesses huge fields of rich agricultural land. Now the UN World Food program has decided to start up a plan that aims to empower Somali farmers. Now for the first time ever, Somali farmers are able sell 2-hunred tons of high quality maize grain to WFP. The amount will be used to supply areas that are deprived of enough food. Musa is a farmer from Afgooye. He says they have the capacity for massive production but they need support to market their product on an extensive level. Somalia’s Agriculture Minister says the revamping of the agriculture sector is a significant step aimed at reviving an economy strained by two decades of civil war. The new program can be a major breakthrough for the farmers of a country that was faced with severe famine less than three years ago. The initiative by the UN World Food Program that plans to buy grains from Somali farmers is meant to show the Somalis that they can be self-reliant and do away with food aids. Experts say Somalia owns rich agricultural lands that can produce high-quality food and fruits, with oranges such as this one exported from as far as the Persian Gulf countries.
-
Wararka hada soo dhacaya ayaa shegaya in la Dilay Taliyihii Ciidamada Daraawishta Puntland ee Aga Gal-Gala Gen jaamac Saciid Warsame Afgaduud kaas oo jidka loo galay inta an la gaarin Kantaroolka Boosaaso. Sido kale waxaa la dhawwacay Sadex kamid ah Ilaaladiisa ,waxaana meyda Taliyaha lasoo garsiyeey Boosaaso sido kale Dhaawaca ayaa lasoo garsiyeey Isbitaalka Guud ee Boosaaso. Taliayaha ayaa la weraray waxana la ogeyn cida werarkaas Geeysatay waxana soo gaaray Taliyaha dhaawac sida ay Saadaal Media u Xaqijiyeen Dad Gobjogayaal ah,waxaana loga shakisanyahay in Taliyaha ay dileen Al-Shabaab oo ku xoogan Buurta Gal-Gala. Fah faahin dhamaystiran lasoco insha allah
-
Taliyaha Ciidamada booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdixakiin Daahir Siciid Saacid ayaa xusay in u jeeddada socdaalkooda ay la xiriirtay sidii ay u soo indho indheyn lahaayeen xaaladda ka jirta saldhigyada booliska ee ku yaallada Gobollada Mudug, Bari iyo Garoowe, isagoo tilmaamay in socdaalkooda uu guul ku soo gabo gaboobay. Somalia is heading right direction - 2014 inshallah will be good year for Somalia People , Alshabaab will be defeated - A strong and healthy relationship between SFG and federal states will be restored. This years Somalia will also see huge economic boom as the country goes through reconstruction . Xaji Xanuf your worst nightmare sxb
-
aliyaha ciidanka booliska oo sheegay in socdaalkii ay ku tegeen Puntland ay guul ku soo dhamaatay Published on March 17, 2014 by Mohamed White-ka · No Comments · 319 views Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdixakiin Daahir Siciid saacid iyo wefdi uu hogaminayo oo maalmahanba safar shaqo ugu maqnaa deegaanada maamulka Puntland ayaa ku soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib kulamo ay la soo yeesheen mas’uuliyiinta iyo saraakiisha booliska Puntland. Taliyaha iyo xubnihiisa ayaa ugu oreyn ka tegay magalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen saraakiisha booliska, waxayna intaasi kaddib ay u gudbeen magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso waxaana ay halkaasi kula kulmeen mas’uuliyiinta iyo saraakiisha booliska mamaulka Puntland. Mudadii ay halkaasi ku sugnaayeen Taliyaha iyo wefdigiisa waxa ay kormeer ku tegeen xerada tababarka Carmo, halkaasi oo uu salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka booliska ee maamulka Putland, isagoo kormeerey qeybaha xeradaasi ay ka kooban tahay, goobaha saadka ciidamada, qeybaha tababarada, waxaana u jeedku ahaa sidii Taliska Booliska Soomaaliyeed uu xagga tababarada uga caawin lahaa ciidanka booliska ee Puntland. Maxamed Siciid Jaqanaf Taliyaha ciidamada boolsika Puntland ayaa hadal kooban ka jeediyeey kulan ay ku yeesheen xerada tababarka ciidanka booliska ee Carmo, ayadoo goobtaasina ay ku sugnaayeen saraakiil iyo saraakiil xigeenno oo qeyb ka ahaa wefdiga taliyaha, booliska iyo xubno kale oo booliska maamul goboleedka puntland. Taliyaha Ciidamada booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdixakiin Daahir Siciid Saacid ayaa xusay in u jeeddada socdaalkooda ay la xiriirtay sidii ay u soo indho indheyn lahaayeen xaaladda ka jirta saldhigyada booliska ee ku yaallada Gobollada Mudug, Bari iyo Garoowe, isagoo tilmaamay in socdaalkooda uu guul ku soo gabo gaboobay.
-
Casho sharafta kadib ayaa waxaa uu madaxweynuhu la qaatay kulan gaar ah Gen. Saacid iyo weftigii uu hogaaminayey, waxayna si adag uga arrinsadeen arrimo badan oo muhiim ah oo ay ugu weyntahay adkaynta ammaanka, xoojinta xiriirka ciidanka Soomaliyeed oo dhan, kala qaadashada xogaha kala duwan si difaac adag looga galo cid kasta oo isku dayi karta khal khal galinta amaanka iyo degenaanshaha waddanka. Saraakiisha ciidanka Puntland ayaa warbixin faah-faahsan ka bixiyay xaaladda amaan ee Puntland, qaabka ay u shaqeeyaan ciidanku, baahiyaha ciidan ee taagan iyo arrimo kale oo muhiim ah. Kulliyadda taba barada ciidanka ee CARMO ACCEDAMY oo ku taalla magaalada Carmo ee Gobolka Bari isla markaana ay kasoo bexeen ciidan aad u fara badan oo xiligan ka shaqeeya dalka Soomaaliya oo dhan ayaa waxaa la isku afgartay in loo baahan yahay in kor loo qaado tayada xaruntaasi si looga soo saaro ciidamo soomaaliyeed oo qaba tababaro casriya. Sidoo kalena waxay ku tiiq tiiqsadeen in dawlada Puntland ay diyaar u tahay adkaynta iyo kobcinta xiriir wada shaqayneed oo ay la yeelato Dowladda dhexe ee Soomaaliya gaar ahaana dhanka ciidanka iyo tallabooyinka lagu adkaynayo ammaanka gobolada Soomaaliya oo dhan. Gen. Saacid Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka mahad celiyay qaabilada wanaagsan ee masuuliyiinta Puntland ay u muujiyeen wafdiga uu hogaaminayo, wuxuuna sheegay in Puntland ay si adag uga dhisan tahay dhinaca ciidanka, balse loo baahan yahay in hore loo socdo. Gen. Saacid waxa uu tilmaamay in ay diyaar u yihiin wada shaqayn adag oo ay yeeshaan ciidanka dowladda dhexe ee Soomaaliyeed iyo ciidanka Dowladda Puntland, maadaama xiligan la gudagalay xaalado adag oo u baahan in si gaar ah loola socdo.
-
WAR-SAXAAFADEED 16, March 2014 :- Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Cabdixakiin C/llahi Cumar Camay ayaa aqalka madxtooyada Garowe kulan casho sharaf ah habeenimadii xalay ugu sameeyey saraakiil sar sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed General Saacid. Kulanka waxaa ka qayb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Puntland oo ay ka mid yihiin Wasiirka wasaaradda amniga Xasan Cismaan Alloore,Taliyaha Ciidanka Booliska Gen. Max’ed Siciid Jaqanaf, Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin iyo xubno iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada Boolika Puntland. Casho sharafta kadib ayaa waxaa uu madaxweynuhu la qaatay kulan gaar ah Gen. Saacid iyo weftigii uu hogaaminayey, waxayna si adag uga arrinsadeen arrimo badan oo muhiim ah oo ay ugu weyntahay adkaynta ammaanka, xoojinta xiriirka ciidanka Soomaliyeed oo dhan, kala qaadashada xogaha kala duwan si difaac adag looga galo cid kasta oo isku dayi karta khal khal galinta amaanka iyo degenaanshaha waddanka. Saraakiisha ciidanka Puntland ayaa warbixin faah-faahsan ka bixiyay xaaladda amaan ee Puntland, qaabka ay u shaqeeyaan ciidanku, baahiyaha ciidan ee taagan iyo arrimo kale oo muhiim ah. Dhinaca kale saraakiisha amaanka dawlada Puntland ayaa dhankooda waxay sheegeen in wada shaqaynta iyo kala war qadashada ciidanka dalka oo dhan ay tahay mid faa’iido weyn ay ugu labada dhinacba taasina ay muhiim tahay in la iska kaashado. Sidoo kalena waxay ku tiiq tiiqsadeen in dawlada Puntland ay diyaar u tahay adkaynta iyo kobcinta xiriir wada shaqayneed oo ay la yeelato Dowladda dhexe ee Soomaaliya gaar ahaana dhanka ciidanka iyo tallabooyinka lagu adkaynayo ammaanka gobolada Soomaaliya oo dhan. Waxyaabaha kale ee diirada la saarayna waxaa ka mid ahaa la dagalanka Al-shabab oo beryihii danbe dagaal adag lagu qaaday , deegano ay joogeena laga qabsaday, waxaana la qiray in kooxda Al-shabab ay la kulmayeen mudooyinkii danbe dhabar jab xoog leh, taasina ay kallifayso inay ku firxdaan dalka intiisa kale. waxaa iyadana isfahan lagayeeshay in wacyigelinta ay muhiimad gaara u leedahay xoojinta amniga, islmar ahaantaana loo baahan yahay in bulshada Puntland amuurtaasi si wanaagsan loogu iftiimiyo. Gen. Saacid Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka mahad celiyay qaabilada wanaagsan ee masuuliyiinta Puntland ay u muujiyeen wafdiga uu hogaaminayo, wuxuuna sheegay in Puntland ay si adag uga dhisan tahay dhinaca ciidanka, balse loo baahan yahay in hore loo socdo. Gen. Saacid waxa uu tilmaamay in ay diyaar u yihiin wada shaqayn adag oo ay yeeshaan ciidanka dowladda dhexe ee Soomaaliyeed iyo ciidanka Dowladda Puntland, maadaama xiligan la gudagalay xaalado adag oo u baahan in si gaar ah loola socdo. Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Gen. Saacid waxa uu arrin muhiim ah ku sheegay la dagaalanka Al-shabab iyo la socoshada firxadkooda maadaama looga guulaystay lagana qabsaday dhul badan oo ay haysteen oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya. Kulliyadda taba barada ciidanka ee CARMO ACCEDAMY oo ku taalla magaalada Carmo ee Gobolka Bari isla markaana ay kasoo bexeen ciidan aad u fara badan oo xiligan ka shaqeeya dalka Soomaaliya oo dhan ayaa waxaa la isku afgartay in loo baahan yahay in kor loo qaado tayada xaruntaasi si looga soo saaro ciidamo soomaaliyeed oo qaba tababaro casriya. Isla mar’ahaantaana ay lagama maarmaan tahay hir galinta iyo hagaajinta Kulliyaddaas si loogu diyaariyo inay noqoto Jaamacad Gaar u ah ciidanka Soomaliyeed lagan soo saaro ciidan kale oo dheeraad ah kuwaas oo tayo iyo aqoon u leh shaqadooda ciidan. Wafdiga General Saacid uu hogaaminayo ayaa waxay booqan doonaan xarunta tababarada ciidamada ee magaalada Carmso , si ay usoo arkaan dhismaha Kulliyadda taba barada ciidanka ee CARMO ACCEDAMY, welibana ay xogo dheerada uga helaan baahiyaha asaasiga ah ee halkaasi ka jira. DHAMAAD
-
http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=lVmE3wEqVK0 Mogadisho International Trade Show (MITS) Wil take place on 22 April 2014.
-
Alshabab loosing ground to SFG and Amisom Force the game ends Here
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in goordhaw Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Al-Shabaab kala wareegeen Deegaano dhoor ah oo kuyaala Gobolkaasi. Ciidamada Huwanta oo aad u Hubeesnaa ayaa saakay u dhaqaaqay lana wareegay Degmada Warshiikh ee Gobolka Sh/Dhaxe iyo Deegaano kale oo dhoor ah oo horey gacanta ugu hayeen Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab. Masuuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Sh/Dhaxe ayaa sheegay in goordhaw la waeegeen Degmada Warshiikh iyo Deegaano kale oo badan hadana ay kusii jeedaan Degmada Cadale iyo Deegaano kale oo wali gacanta ugu jira Al-Shabaab. Lama soo sheegin wax dagaalo ah oo ka dhacay Degmada Warshiikh iyo Deegaanada kale ee goordhaw la wareegeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Federaalka Soomaaliya. Howlgalka maanta ka bilowday Gobolka Sh/Dhaxe ayaa u muuqda mid lasocda Howlgalo kale oo kasocda Qaar kamid ah Gobolada Dalka oo AL-Shabaab looga qabsaday Degmooyin iyo Deegaano badan ay horey gacanta ugu hayeen. -
Somaliland President siilaanyo visits Laasqoray eastern sanaag
malistar2012 replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
booqashada madaxwayne siilaanyo waxa ay u ahayd jawaab caad - Puntland must refrain from Claiming SSC sheekada waa iska cadaahay ee ... Next Day Laasqorey welcomes Puntland delegates ? Dhinaca kale Wararka ka imaanaya laasqorey ayaa shegaya in Wafdi wasiira ah oo Puntland kasocda ay Saaka Tageen Lasqorey ,isla markana Boqolaal dadweynaha ah ay kula hadleen Magaalada Laasqorey. -
Maamulka Puntland ayaa si kulul uga hadlay socdaal dhuumasha ah oo uu Xalay ku Tagey Degmada Laasqorey Madaxweynaha Maamulka somaliland Axmed Silaanyo. Shir Jaraa”id oo uu maanta ku qabtay Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland Wasiirka Warfaafinta Cabdiwali Xirsi Cabdulle (Indhoguran) ayaa si kulul u weraaray Xukumada Silaanyo. Indhoguran ayaa ku tilmaamay Socdaalka Siilaanyo daandaansi hor leh oo lagu sameeyay dhulka Puntland,wuxuna ka digay wax kasta oo keeni kara colaad dhexmari karta Puntland iyo Somaliland. ”Puntland waxay diyaar u tahay inay difaacdo xaduudeeda waxayna ka digaysaa wax kasta oo keeni kara colaad dhexmarta dariskeeda iyo isku dhac maamuleed,waxan aad uga xun nahay dhacdaasi dhacday anagoo ka fakaraynay darisnimo iyo wanaagsan”. Wafdi uu hoggaaminayo madaxwaynaha Somaliland ayaa saakadii hore waxa ay socdaal dhuumaalaysi ah ku tageen degmada Laasqoray oo ka tirsan Puntland ,Siilaanyo ayaa booqday goobo muhiim ah oo degmadaasi ku yaala. Dhinaca kale Wararka ka imaanaya laasqorey ayaa shegaya in Wafdi wasiira ah oo Puntland kasocda ay Saaka Tageen Lasqorey ,isla markana Boqolaal dadweynaha ah ay kula hadleen Magaalada Laasqorey.
-
on March 14, 2014 by Maalik Som · 11 Comments Xdur (Sh M Network)–Wararka laga helayo Gobolka Bakool halkan ka sii Akhriso Sarkaal Ajnabi ah oo ka tirsan Al Shabab oo lagu qabtay Bakool Saraakiisha Maamulka Gobolka Bakool ee Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay gacanta ku soo dhigeen Sarkaal ka tirsan Al Shabaab oo wata Baasboor Kenyan ah kaasi oo lagu qabtay Gobolkaasi. Waxaa Saraakiisha ay sheegeen in howlgallo ballaaran oo laga sameeyay Gobolka Bakool ay suuro gashay in lagu soo qabto Sarkaal Ajnabi ah kana tirsan Al Shabaab iyagoona intaasi ku daray in 3 kale oo Ilaalo u ahaa Sarakaalka in lagu Dilay Howlgalka. “Sarkaal ka tirsan Al Shabaab oo wata Baasboor Kenyan ah ayaa ku qabanay Gobolka Bakool waxaana sidoo kale halkaasi ku Dilnay 3 ka mid ahaa Ilaaladiisa balse Sarkaalka Ajnabiga ah ayaa gacanta ku haynaa” sidaasi waxaa yiri Sarkaal ka tirsan DFS oo magaciisa ka qariyay. Howlgalladan lagu qabtay Sarkaal mid ah Al Shabab islamarkaana lagu Dilay Askar kale oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa waxuu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay halkaasi Al Shabaab ka saareen .
-
<cite> @Xaaji Xunjuf said:</cite> malistar Axmed Godane will die for his cause he will not run stop spreading propaganda and after Ahmed godane there will be another one and another one , The same way when Bin laden died Alqaeda is still far from defeated they are every where in iraq and syria now. By the way Godane could not be defeated by SNA lets not kid our selves godane would eat SNA alive and spit them out if it was shabaab versus sna. Ina Godane would rule the entire south easily if there were no 30.000 African union troops. i am still amazing how Shabaab still is effective despite the enormous troops they sure have a great strategy. But i know that Godane worked with the taliban in Afghanistan he using the same methods and tactics to make sure Shabaab survives the same way the taliban survived in Afghanistan surely very weakened on all front but not defeated. Keep wishing for Godane Survival , Barrawe will be captured he is surrounded let see how brave the Cross dresser is . Hargeysa cant help the Cross dresser In Godane he wont make it Past Gal-mudug inshallah .
-
DEG DEG:- Axmed Godane oo hadda naftiisa kala baxsaday degmada Warar kusoo dhacay xafiiska wararka Shabakada Alldhacdo ee degmada Afgooye ayaa waxay sheegayaan in hogaamiyaha Al-shabaab uu naftiisa kala baxsaday degmada Baraawe ee gobakla Shabeelaha Hoose. Axmed Godane ayaa habeenadaan waxa uu ku sugnaa degmadaasi, hase ahaatee xaaladda oo xumaatay awgeed wararka ayaa sheegaaya in naftiisa uu la cararay. Xaaladda degmada Baraawe waa mid aad u kacsan, waxaana laga baqaayaa in dagaalo halkaasi ay ka dhacaan, waxaana muuqanaysa in saraakiisha Al-shabaab ay naftooda la baxsanaayaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. The Coward Cross dresser - Axmed Godane is on the Run SNA will soon capture or kill him ...
-
DEG DEG:- Ciidamo iyo Taangiyo aad u badan oo hadda u gudbay dhanka Shabeelaha Hoose, iyo Baraawe oo lagu wajahan yahay Wararka haatan nasoo gaaraya ayaa waxay sheegayaan in magaalada Muqdisho ay ka gudbeen Taangiyo iyo ciidamo aad u badan kuwaa oo dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ay isugu jiraan, waxaana jirta xaalad aad u kacsan. Wararka aynu helnay waxay sheegayaan in ciidamadaan ay ku wajahan yihiin dhanka degmada Baraawe oo saldhig hadda u ah Al-shabaab, waxayna xoojin doonaan ciidanka kale ee dagaalka ka wada Shabeelaha Hoose. Saraakiisha dowladda Soomaaliya qaarkood waxay u sheegeen shabakada Alldhacdo in saacadaha soo aadan ay ku haminaayaan cagta inay saaraan degmada Baraawe oo Al-shabaab ay maamulaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.
-
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa maanta booqday Xarunta Hey’ada Japan u qaabilsan Badaha ( Nippon Foundation) isla-markaana kulan la qaatay Madaxda Hey’ada“Qorshaheennu wuxuu yahay in aan doorano meelaha aanu dooneyno in Dowladdu Japan naga caawiso, Soomaalia waxay leedahay xeebta ugu dheer Qaaradda Afrika waa ineynu baranaa sidii aanu uga faa’iideysan lahayn iyo sidii aanu u difaacan lahayn” ayuu yiri Madaxweynahu. The Somali Gov Xasan Sheekh Maxamuud concluded his working visit successfully in Japan . The Japanese Gov are interested in investing in Somalia in the Fishing Industrial - Marine time security - and Technology which Japan leads the World .
-
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe:-War-Saxaafadeed+Sawirro Published on March 13, 2014 by Cilmi Waare · No Comments · 757 views Maarso-13-2014—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hogaaminayo oo maalmahaan ku sugan dalka Japan ayaa maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan Mudane Shinzo Abe. Kulanka Madaxweynaha ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta Saciid Cabdullaahi Maxamed, Wasiiradda Howlaha Guud Nadiifa Maxamed Cusmaan iyo mas’uuliyiin Dowladda Soomaaliya ka tirsan. Ka dib kulan labo dhinac ah oo ay kaga hadleen xaaladda Soomaaliya iyo xirriirka labada dal ayaa si wada-jir ah shir jaraa’id u qabtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe. Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe ayaa ballan-qaaday in Dowladda Japan bixin doonto lacag dhan Afartan Milyan oo Dollar ah ($40 Million) “Dowladda Japan waxay diyaar la tahay mashaariic ay ka faa’iideysan doonaan shacabka Soomaaliyeed sida Gargaarka beni’adamnimadda, caafimaadka,tayeynta ciidamada boliiska iyo shaqo abuuris loo sameynayo dhalinyaradda iyo dumarka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey Dowladda Japan sida loogu soo dhoweyay Japan iyo taageerada Dowladda Japan ay la garab-taagan tahay shacabka Soomaaliyeed. “Ilaa sannadkii ugu dambeyey waxaa jiray mashaariic Dowladda Japan ku bixneysay Soomaaliya haddana sida uu ka dhawaajiyey Ra’iisul wasaaraha Japan ballan qaad ah inay sii kordhiyeen tageeradda Soomaaliya lana wajahayo muhiimadaha koowaad ee Dowladda Soomaaliya” Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka codsaday Dowladda Japan in laga saacido Soomaaliya mashaariicda horumarinta dalka sida Technology-da, kaluumeysiga iyo dib-udhiska dalka. Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Japan ayaa hooygiisa oo ku yaala dhismaha Xafiiskiisa casho sharaf caawa ugu sameeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa.
-
Somali President meets Japanese King The president of the federal republic of Somalia Hassan Sheik Mahmoud who is on an official tour to Japan has today met with the king Akihito of Japan as part of his efforts to attract a greater Japanese attention to Somalia. A Somali presidential press statement of which HOL obtained a copy on Thursday said that king Akihito of Japan told the visiting Somali leader that Japan was fully worried about the troubled situation in Somalia. King Akihito pledged that Japan will do its utmost to help Somalia regain its lost stability and become a strong and peaceful country. President Hassan Sheik Mahmoud thanked the Japanese King for the support that his government provides with Somalia and as well as the high profile welcome received since his arrival in Tokyo this week. The statement noted that on behalf of the Nation, president Hassan sent condolence to Japan for the loss of their beloved people who were killed by the fukushima cyclone that his Japan nearly three years ago. Japan, who recently sent its ambassador to Somalia, is one of the major donor nations who are currently involved in the world campaign to assist Somalia get back on its feet again after more than two decades of wars and lawlessness. Email:islow@hiiraan.com
-
COL. CABDI FAARAX LAQANYO The Governor of Hiiraan oo hor kacay ciidamo aad u badan maamulka gobolka hiiraan fariisimo ka sameesteen dhamaan gudaha iyo daafaha degmada Buulo-burte . Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo gudaha u galay Buulo-burte Khamiis, Maarso 13, 2014 (HOL) —a Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ayaa gudaha u galay degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan, halkaasoo ahayd goob ay Al-shabaabku ku xooggan yihiin. Iska-horimaad xooggan oo dhinaca galbeed ee magaalada ka dhacay kaddib ayaa waxaa ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee ka tirsan AMSIOM u suuro-gashay inay gudaha u galaan degmadaas. Degmada Buulo-burte oo ah degmada labaad ee ugu weyn gobolka Hiirana ayaa ku jirtay gacanta Al-shabaab dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo laga qabsado. Tan iyo saakay waxaa degmadaas ka jiray barakac ay sameynayaan dadka ku nool oo qaarkood sheegay in dagaalladu ay kusoo dhawaadeen. Iyadoo ciidamadan ay isla maanta qabsadeen deegaanka Buq-Aqable oo ku dhow Buulo-burte. Al-shabaab weli kama aysan hadlin qabsashada degmada Buulo-burte, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka oo ahaa mid xooggan oo ay ciidamadu isku adeegsanayeen hubka culus iyo midka fudud. Dhanka kale, lama oga illaa hadda halka ay ku sugan yihiin ciidamadii Itoobiya iyo kuwii dowladda Soomaaliya ee ku baxay dhinaca bari ee gobolka Hiiraan, kuwaaas oo qorshahoodu ahaa inay gaaraan degmada Buulo-burte oo bartilmaameedku ahaa. Wixii kusoo kordha wararkan kala soco Hiiraan Online…... Hiiraan Online, News Desk
-
Somali Gov are winning the war against Alshabab Terrorist in a fast paced - The Thousand newly trained Somali Arm Force with help of Amsiom troops are chasing out alshabaab from every district they control . Congrats to the Somali Arm Force for defeating the Terrorist in all these Provinces - Hiiraan - Gedo -- Shabelle Dhex Shabelle Hoose - Bay n Bakool - Galguduud
-
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo wada jir ah ayaa gelinkii dambe ee maanta la wareegay degmada Buulo Burde oo aheyd saldhigii ugu weynaa Al-Shabaab ku laheyd bartamaha Soomaaliya. Sida ay sheegayaan wararka ciidamada huwanta oo labo jiho ugu soo ruuqaansaday degmada ayaa iska hor imaad xoogan kala kulmay Xoogaga Al-Shabaab, waxaana iska hor imaadka uu ka dhacay dhinaca galbeed ee magaalda. Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab xalay ilaa saakay ka baxayeen degmada Buulo Burde, waxaana sidoo kale ka barakacay shacabkii ku dhaqnaa degmada oo u qaxay deegaanada miyiga. Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jabuuti oo labo jiho ku soo kala baxay ayaa ugu dambeyn u suura gashay inay qabsadaan degmada Buulo Burde oo noqoneysa degmadii u horeysay ee Gobolka Hiiraan laga saaro, iyadoo gelinkii hore ee maanta ay qabsadeen deegaanka Buq-aqable. Ilaa iyo hada lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalada ka dhacay inta u dhaxeysa Beledweyn iyo Buulo Burde oo ay ciidamada huwanta la kulmeen intii ay ku soo wajahnaayeen degmada Buulo Burde, Degmada Buulo Burde ayaa ah degmo muhiim ah oo istiraatiiji ah, waxaana ay isku xirtaa Gobolada dhexe, waxaa ka baxda wado muhiim ah oo aada dhinaca Ceelbuur oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, halkaasoo iyana ka mid ah meelaha Shabaabka ku xoogan yihiin.
-
Magaalada Xuddur ee xarunta gobalka Bakool waxaa galabta lagu soo bandhigay sarkaal sare ee oo la sheegay in uu ka soo goostay Al-Shabaab. Sarkaalka la soo bandhigay oo lagu magacaabo Sheekh Yaasiin Axmed Macallin (SheekhBismilaah) wuxuu Shabaabka u qaabilsanaa madaxa dacwadda ee gobalka Bakool.Wuxuu saxaafadda u sheegay markii uu in muddo ah ku jiray duurka in uu go’aansaday in uu isku soo dhiibo maamulka iyo ciidamada ammaanka gobalka, isagoona muujiyay gobalka ay deggan yihiin xaaskiisa iyo aabihiis. Wuxuu sheegay oo kale Sheekh Bismilaahi in uu maamulka gobalka uu ka codsanaayo in ay iska cafiyaan maadama uu isku soo dhiibay isla markaana aanu markale ku biiri doonin Al-Shabaab. Waa sarkaalkii ugu sareeyay ee dhinaca Al-Shabaab ka soo go’a tan iyo markii uu billowday labo toddobaad ka hor duulan culus oo ka dhan ah Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa laga qabsaday shan degmo oo mihiim waxaana ka mid ah, magaalo madaxdagobalka Bakool ee Xuddur. Caasimada Online Xafiiska Wararka Muqdisho
-
Popular Contributors