malistar2012
Nomad-
Content Count
2,754 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by malistar2012
-
Goorma kugu dambeysay guuxa laga gariiro ee cidanka kamandoosta Somaliyeed kaas oo muudo ka badaan 23saano anan laga maqlin ciida dhulka hooyo. Bal aan dib u milicsaano xiligii aay xooga dalka somaliyeed marayey fiikta ugu sareeyo ee ciidan aay yeelato dowlad afrikaan ah kaas oo aha mid aad iyo aad loga baaqo ciidna aay ciida soomaliyeed ku riyoon in aay soo haweysato. Halkaan hoose ka daawo ciidan ka maanta u dabaldagay sanad guuradi 54aad ee xooga dalka somaliyeed baal ogoow hadoow goof walba madaxweyno sheegto in aay taalo toosi dooni awood iyo midnimona iska daa. S/Guuto Dahir Adan Elmi wuxuu mudadii Ciidanka uu ka tirsanaa muujiyay Hawlkarnimo, Hoggamin, Mamul Hufan iyo Geesinnimo. Sifooyinkaas awgeed wuxuu ku muteystay Billadda Dhabka ee Geesinnimada . Congrats to Taliyaha Ciidanka Xooga Gen. Daahir Aadan Cilmi keep up the good work. This was amazing show of force while at same time at war .
-
Daawo sawiro xul ah soo dhaweyntii RW Cabdiweli ee Kismaayo(sawirro)
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
Halkan waxaan idinkugu soo gudbineynaa muuqaalka booqashadii r/wasaaha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed uu ku tagay gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe halkaas oo uu kula khulmay wargaradka iyo odayaasha deegaanka oo runta ka hadlay. “Waxaan aad ugu faraxsanahay saaka in ay Buulo Burde nasiib u yeelatay in safarkii koowaad oo dalka gudihiisa meel ka baxsan Muqdisho aan ku tago inaan ku imaado Degmada Buulo Burde. Somali PM C/weli Sheekh Axmed will be visiting Many Provinces throughout the Country assessing the Needs of the people . -
<cite> @Hawdian said:</cite> Reeer baanjuu waa kaas cid jojin karta ma jiro. Malistar whats the price of donkies these on bakara. ? Much appriciated Don't hate on your Newly formed Somali Arm Force be proud - what day in Mogadishu The lions are back ................. e The Future looks good for the Somali Arm Force allot of Young Volunteers well done by SFG . The Troops are ready to take responsibility and the safety of our Country. More Pictures to come
-
Madaxweynaha oo khudbad taariikhi ah ka jeediyey xaflada ayaa yiri “Ugu horreyntii waxaan leeyahay HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO dhammaan ciidanka XDS iyo qoysaskooda oo ku aadan Sanadguurada 54aad ee aasaaskii ciidanka XDS. XDS waxuu leeyahay taariikh soo jireen ah oo ummadda Soomaaliyeed ay ku faani karaan. XDS waxey hormuud ka ahaayeen Afrika oo dalal badan ay ka xorreeyeen gumeystayaashii waagaas. XDS waxey nabad-illaalin u tageen dalal badan oo Afrika ka mid ah oo ay xasiliyeen oo ay nabad ka dhigeen.”
-
Xuska 54-guurada aas aaska ciidanka xoogga dalka oo lagu qabtay Muqdisho Xuska 54-guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka xoogga dalka 12-kii April ee sanadkii 1960-kii oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, Taliyeyaasha ciidamada xoogga dalka, Booliska, Nabad sugidda, badda, saraakiisha ciidamada qalabka sida, fanaaniinta kooxda Horseed ee ciidanka xoogga dalka, mas’uuliyiin ka socotay dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya, ururka haweenka qaranka iyo marti sharaf kale. Ugu horeyn Madaxweynuhu waxa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka, waxaana uu xariga ka jaray hool weyn oo shirarka loogu talagalay, kaasi oo laga hirgeliyay gudaha xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Intaasi kaddib Madaxweynaha iyo mas’uuliyiintii la socotay waxa ay u gudbeen goob ay ciidamada ku soo bandhigeen gaado ka cayaarka,waxaana socod ku soo maray qeybaha kala duwan ee ciidanka xoogga, iyaga oo wata gaadiiidka dagaalka, waxaana ciidamada kumandooska ay ee Dalab oo qalabkooda sita ay goobta ku soo bandhigeen farsamooyin casri ah. Markii ay dhamaatay bandhigaasi ayaa madaxda waxa ay fadhiisteen hoolka munaasabadda lagu qabtay, halkaasi oo ay fanaaniinta kooxda Horseed ee ciidanka xooga dalka ku soo bandhigeen ruwaayad ka loogu magac daray “Muruq wada jiraa midnimo ayaa u daawa ah” oo uu soo dirayay Abwaanka Soomaaliyeed Maxamuud Cabdullaahi Ciise Singub. Waxaa bilaabatay khudbadihii xafladda laga jeedinayay, waxaana ugu horeyn goobta hadal ka jedisay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe, iyadoo hambalyo u dirtay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, waxaana ay sheegtay in haweenka Qaranka ay garab taaganyihiin ciidamada. Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa ka hadlay ahmiyadda uu ciidanka Soonaaliyeed u leeyahay qaranka, isagoo xusay in ciidamada ay u taaganyihiin isku xiirka midnimada umada Soomaaliyeed. Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid ayaa u hambalyeeyay ciidanka xoogga dalka sanadguuradii 54aad ee ka soo wareegtay aas aaska ciidanka. Agasimaha hay’adda Nabab sugidda iyo sirdoonka Qaranka Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac oo isna hadal kooban ka jeediyay xafladda ayaa sheegay in ay marag ma doonta tahay in ciidanka xooga dalka uu soo laabtay, islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan. Taliyaha cidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi Indho qarsho ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay ciidanka xoogga dalka iyo guulaha ay gaareen, isagoo ku booriyay inay sii labo jibaaraan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Wasiirka Gaashaandigga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa ka hadlay isbadalada Wasaaraddu ay ka damacsantahay ciidanka, isagoo xusay in ciidamada lagu qiimeyn doono mushaaraadkooda darajooyinka, islamarkaana la kordhin doono mushaaradka la siinayo naadafada ciidanka xoogga dalka iyo kuwa agoonta ah.. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabadda soo xiray ayaa ugu horeyn hambalyo u diray ciidanka xoogga dalka, saraakiisha, saraakiil xigeennada, alifleyda, dableyda iyo xaasaskooda in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar. Madaxweynuhu waxa uu hoosta xariiqay in ciidamada xoogga dalka oo ku shaqeynaya xaalado adag ay ku guuleysteen inay dalka intiisa badan ka xoreeyaan maleeshiyada Al-Shabaab ee Al-Qaacidda, isagoo ku booriyay ciidamada qalabka sida ay sii dar dargeliyaan howlgalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo hadal qaaday dhibaatada lagu hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya, isagoo xusay in madaxda dalkaasi uu kala hadlay sidii loo joojin lahaa tacadiyada iyo dhibka lagu hayo Soomaalida. Xuska maalinta ciidamada xoogga dalka ee sanadkan ayaa kusoo aadeysa xilli ay ciidamadu horumar balaaran ka gaareen howlgallada ay dalka uga xoreynayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, waana sanadguuradii 54-aad ee ka soo wareegtay aas’aaska ciidanka xoogga dalka oo ku beegan maanta oo ay taariikhu tahay 12 April.
-
Somalians return to their Capital safe and Happy
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
<cite> @SomaliPhilosopher said:</cite> I spoke with the dear ambassador earlier today. I am not a fan of the way he his handling the situation. Though it appears he is just acting in accordance to the Government stance. Nevertheless Malistar if you don't realize the political and soon to be humanitarian damage caused by the way the Somali government has handled this I am sorry. What do you suggest ? The Kenyan Gov action are embarrassing and humiliation . They are arresting people with documents or not they arrested senior Senators like TANA River Senator Abdi Bule all you have to be is Somalian. ANA River Senator Abdi Bule has demanded an apology from Interior Secretary Joseph ole Lenku and Inspector General of Police David Kimaiyo. He said he was embarrassed by police during a security operation in Eastleigh. Bule said he was driving to Eastleigh on Monday afternoon with his children and a bodyguard when they were stopped by police. He said he produced his national ID and a card showing he is a senator but the police told him both documents are fake. “The police officer at the roadblock near Mlango Kubwa said my documents are fake and detained me for more than 30 minutes," Bule said -
Somalians return to their Capital safe and Happy
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
Somalians are requesting to go back Home - Back to Mogadishu Galkgacyo - Bosasso - Hargeysa . -
Somalians return to their Capital safe and Happy
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
Ali America is only fulfilling his duty my God bless him . my Allah Strength our Government ..... -
Dadweynaha Hargeysa oo Cambaareeyey xariga Qaar ka mid ah Fanaaniinta Jimco, Abriil 11, 2014 (HOL) — Ciidamadda Amniga Somaliland ayaa madaarka Hargeysa ku xidhay dhawr maalmood ka hor gudoomiyihii Fanaaniinta Xidigaha geeska iyo Fanaanad Ikraan Jaamac oo safar gaaban kaga soo noqday magaaladda Muqdisho. Ciidamadu ma sheegin sababta ay u xidheen labadan fanaan, haseyeeshee wararka aanu ka helayno ujeedada ka dambaysa xadhigoodda ayaa tilmaamaya inay Muqdisho u tageen inay Baasoboor ka soo qaataan taas oo hore xukuumaddu uga mamnuucday in Somaliland lala soo gallo. Ciidanka amniga oo aanu isku daynay in aanu arintan waxka waydiino nooma suurogalin, haseyeeshee xadhiga Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax iyo Fanaanadda Ikraan Jaamac ayaa noqday waxa maalmihii u damabeeyey lagu hadal hayey magaaladda Hargeysa, taas oo dadweynuhu la yaaban yihiin sababta loo xidhay maadaama oo maalin walba dadka shacabka ahi tagaan Muqdisho kana yimaadaan,isla markaana aanay dambi ahayn tagitaanka Soomaaliya maadaama oo aanay siyaasiyiin ahayn. Ururka Haweenka Somaliland ee Bariga magaalada London (Somaliland Assosition Women of East London), ayaa Xukuumadda Somaliland ugu baaqday inay Xorriyaddooda u soo celiso Abwaan Xasan Dhuxul (Laab-saalax) oo ah Guddoomiyaha Kooxda Fannaaniinta Xiddigaha Geeska iyo Fannaaniin Kooxdaas ka tirsan oo Salaasadii toddobaadkan lagu xidhay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa. Sidoo kale, dadweyne kala duwan ayaa cambaareeyey xadhiga fanaaniinta loo geystay, isla markaana ay afarta cisho ugu xidhan yihiin magaaladda Hargeysa. “Labadan fanaan ee la xidhay waxay ka mid yihiin kooxda Xidigaha geeska, sida magaca ka muuqda geesku maaha Somaliland oo kaliya sidda darteed meel kasta way tagi karaan waana fanaaniin soomaaliyeed ee waxa khalad ahaan lahayd inay Somaliland madaxa banaanideedda wax ka sheegaan ama ka hor yimaadaan, laakiin wadan ay ka mamnuuc yihiin ma jirto in wadan aynu jaarnahay tagaan dambi maaha ”ayuu yidhi Cali Jaamac oo ka mid dadka ka soo horjeeda xadhitaanka fanaaniintan. Si kastaba ha ahaatee, gudoomiyaha kooxdan fanka ee Xidigaha Geeska Xasan Saleebaan Dhuxul Laabsaalax ayey walaalo yihiin afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul,isla markaana uu qayb madax ka yahay Telefishanka Qaranka Somaliland, taas oo laga yaabo inay ku lug leedahay xadhigiisu. Qaar ka tirsan xidagaha Geeska ayaa casuumad ka helay wadamada Dibadda, kuwaas oo doonayey inay u baxaan dhowaan. Illaa hadda kama hadal kooxdan Fanaaniinta xidigaha Geeska xadhiga loo gaystay gudoomiyahoodda. Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online barkhadladiif@hiiraan.com Hargeysa, Somaliland
-
Somalians return to their Capital safe and Happy
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
<cite> @CidanSultan said:</cite> Malister when you can't control a sigle street for 23 years and you depend on other people's ten this is bound to happen. It's a Somalian tragedy somalilanders have their state they don't need to be refugees in African countries. You Sound ignorent sxb Their is a Tahriib epidemic in the the triangle state Hargeysa and Burco your leaders have made it national priority to combat Tahaariib . This tragedy will end up positive sxb....... These people are returning to booming economy and stability Mogadishu -Hargesysa - Bossaso etc ....... Kenyans can never put as down sxb they are our butlers in their own country - Our citizen enjoy life better then the Kenyan citizens lol ... -
Somalians return to their Capital safe and Happy
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
<cite> @CidanSultan said:</cite> Return or deportated? Going to a place through free will is one thing... Going to a place through force is another thing completely. Nice spin on it malister return sounds better... Hahaha... My Allah bless Maxamed Cali Nuur (AMeeriko), Safiirka Soomalaiya ufadhiya dalka Kenya Somali Gov has spin this great tragedy and shame sxb ........... Somali Government did a great job facilitating the safe return . I will not get into nonsense debate but the Kenyans see all Somali alike ..... Your and your lot are hurt that the Somali Gov and its people are handling this National tragedy well . in the end this will turn Positive ..... these are not refuges they where contributing to the Kenyan economy , Now they will spend and invest in their country . Kenyans will see the backlash soon they will bite dust they are nothing but house Negros. Ciilsuldan your nothing but habaash agenda learned Somali stop pretending . -
HARGEYSA;Somaliland Oo Xidhay Rag Laga Shakiyay Markii Dambena Noqday Sirdoonka Itoobiya Iyo Masuuliyiintii Xidhay Oo Xabsiga Lagu Guray 10-04-2014 (BNN) Saraakiil iyo masuuliyiin xilal ka haya Gabiley iyo xubno kale oo isugu jira askar iyo shaqaale dawladeed, ayaa xabsiga loo taxaabay 48-kii saac ee la soo dhaafay, kadib markii dawladda Itoobiya ashkato ka dhan masuuliyiintaas u gudbiyey xukuumadda Somaliland. Badhasaabka Gobolka Gabiley Md. Yuusuf Ibraahim Geeddi, ayaa Jamhuuriya khadka telefoonka ugu caddeeyey in la xidhay Taliye-ku-xigeenka Qaybta Booliska, Isuduwayaasha Wasaaradaha Beeraha iyo Waxbarashada ee gobolkiisa. Waxa kale oo uu xusay in dadka xidhan ay ka mid yihiin darawalka Maayirka iyo askariga ilaaliyaha, xubno shaqaale dawladeed ah iyo askari ciidanka booliska ka tirsan, kuwaasoo la sheegay in lagu eedeeyey inay tacadiyo kula kaceen, dukumantiyo sir ah iyo rasaasna kala hadheen saraakiil Itoobiyaan ah oo magaalada Gabiley lagu xidhay laba toddobaad ka hor. Faahfaahin intaa ka badan ma bixin Badhasaabku, hase ahaatee sida xogo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen, masuuliyiinta Gobolka Gabiley ee xabsiga lagu guray shalay, waxa loo haystaa inay rasaas iyo dukumantiyo sir ah kala hadheen saraakiil sirdoonka Itoobiya ah oo loogu xidhay gudaha magaalada Gabiley, kuwaas oo markii dambena loo dhaadhiciyey dhinaca caasimadda Hargeysa, kadib markii laga shakiyey baabuur taarikada dalka Soomaaliya watay oo ay la socdeen, waxana saraakiishaas oodda laga qaaday markii la ogaaday inay u shaqaynayaan dawladda Itoobiya, balse falka lagula kacay xubnahaas sirdoonka ka tirsan waxa aad uga cadhootay dawladda dhexe ee Addis Ababa a oo ashkato arrintaas ku saabsan u gudbisay Madaxtooyada Somaliland. Ragga lagu qabtay Gabiley waxay ahaayeen laba xubnood oo sirdoonka Itoobiya oo watay laba baabuur oo midkood lahaa taarikada Soomaaliya, iyadoo markii la xidhay, kuwaasoo ka ashkatootay in markii la qabtay lagula kacay tacadiyo iyo jidh-dil, isla markaana si xun loo baadhay, lagana qaatay hub ay wateen, iyadoo markii Hargeysa loo dhaadhiciyey la aqoonsaday inay yihiin saraakiil Itoobiyaan ah, loona celiyey xorriyadoodii, balse lagala hadhay qalab siro muhiim ah ugu jireen, dhacadadani ayaa galaafatay masuuliyiintii ku luglahaa qabashadooda.
-
Proffessar Yaxye Sheekh Caamir “Qaadka dalka Kenya laga keeno waa in la joojiyaa si Kenya xanuun ay udareento ? Proffessar Yaxye Sheekh Caamir oo kamid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho, ayaa ku baaqay in la joojiyo qaadka ka yimaada dalka Kenya ee Dowladaasi dhaqaalaha badan kasoo gala. Aqoonyahan Yaxye Shekh Caamir ayaa ku taliyay in hadii qaadka ka yimaadaa Dalka Kenya ee Soomaaliya la keeno la joojiyo, Kenya ay durba bilaabayso inay siideyso Soomaalida ay maxaabiista u haysato. Wuxuu sheegay in qaadka uu kasoo galo Dowladda Kenya dhaqaalo badan qeyb ahaan dhaqaalaha dalkaasi galana Soomaaliya ay ka helaan, maadaama lacag ku dhaw halmilyan oo doolar maalin waliba ay ka helaan qaadka Soomaaliya la keeno. “Waa in qaadka la joojiyaa oo Dowladda Kenya xanuunka la tusaa iyadaa markaasi joojin doontee dadkaan ay dhibaateynayso ee Sooomaalida”Ayuu yiri Aqoonyahan Yaxye Sheekh Caamir. Dhanka kale Aqoonyahanka ayaa wuxuu dhaliilay Dowladda Soomaaliya, waxaana uu ku dhaliilay in Wasiirka arimaha gudaha uu horay usheegay in dadka la xiray ay gaarayaan kaliya 70-ruux, xilli weli gacanta Kenya ay ku jiraan Soomaali gaaraysa 3,000. Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayuu ku dhaliilay hadal uu ka sheegay kulankii uu Jaaliyada la qaatay, hadalkaasi oo ahaa in Madaxweynaha uu usheegay Soomaalidii uu la kulmay in Shabaabka dadka dhexdooda ay ku dhuumanayaan, shacabkana laga rabo inay iska soo dhexsaaraan Shabaabka. Dowladda Soomaaliya ayaa ku fashilantay marka loo eego qaabka ay uga hadashay Dadka Soomaaliyeed ee sida arxandarada ah Kenyatiga ay ugu dhibaateeyaan dalkaasi.
-
Diyaaradii ugu Horaysay Abid ee kasoo degtay Garoonka Buhodle Garoonka diyaaradaha ee magaalada buuhoodle ayaa waxaa markii ugu horaysay soo caga dhigatay diyaarad ay la socdeen wafti balaadhan oo uu hogaaminayey madaxweyne maxamed yuusuf jaamac indho sheel. Waftigan oo ka koobnaa qaarkaimada goaha wasiirada khaatumo xildhibaano katirsan dawlada faderaalka somaliya gudoomiye kuxigeenka ururka haweenka somaliya iyo xubno kale ayaa waxa ay ka soo kicitimeen magaalada muqdisho waxaana manta sidiiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee ismaaciil mire international Buuhoodle. Waxaana guud ahaanba shacabka saaka subaxnimadii magaalada buuhodle laga dareemayey dhaq dhaqaaqa xoogan oo loogu diyaar garoobayey soo dhaweynta waftiga.
-
Somalians return to their Capital safe and Happy
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
Anigoo ku hadlaya Magaca Ra’iisul wasaaraha, guud ahaan Xukuumadda iyo Shacbiga Soomaaliyeed, waxaan ku soo dhoweynayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed dalkooda hooyo. Ra’iisul wasaaraha iyo Xukuumadiisa, waxa ay ku dadaalayaan inay u fududeeyaan muwaadiniinta dib loogu soo celiyay dalka wixii tas’hiilaad ah . Dowladda Federaalka Soomaaliya , kama gaabin doonto kaalinteeda ku aadan daryeelka dadkeeda excellent job by the Somali Gov - -
Mogadishu, April 09, 2014- Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa maanta ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha caasimadda Muqdisho 82 ruux oo muwaadiniin Soomaali ah oo qaxooti ku ahaa Magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya , kuwaasoo dalka dib loogu soo celiyay . Soo dhoweynta garoonka diyaaradaha loogu sameeyay qaxootigaasi dib loo soo celiyay ayaa waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah xubnaha golayaasha Wasiirada,baarlamaanka,talisyada hey’adaha amniga qaabilsan, agaasinada hab maamuuska iyo qurba jooga ee Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ,hey’adda qaxootiga qaranka iyo Mas’uuliyiin kale . Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho ,ayaa halkaasi ka akhriyay war – saxaafadeed u qornaa sidatan. Anigoo ku hadlaya Magaca Ra’iisul wasaaraha, guud ahaan Xukuumadda iyo Shacbiga Soomaaliyeed, waxaan ku soo dhoweynayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed dalkooda hooyo. Ra’iisul wasaaraha iyo Xukuumadiisa, waxa ay ku dadaalayaan inay u fududeeyaan muwaadiniinta dib loogu soo celiyay dalka wixii tas’hiilaad ah . Dowladda Federaalka Soomaaliya , kama gaabin doonto kaalinteeda ku aadan daryeelka dadkeeda . Dowladdu waxa ay u xilsaartay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka, H.E. Abdullahi Godah Barre iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Kenya , Ambassador Mohamed Ali Nur la tacaalidda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Kenya . Ra’iisul wasaare H.E. Abdiweli Sheikh Ahmed Mohamed wuxuu xiriir dhanka isgaarsiinta ah la sameeyay Wasiirka Arrimaha dibadda iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka Kenya , si xal waara loogu helo arrimaha Soomaalida ku nool wadanka Kenya . Dowladdu waxa ay ugu baaqeysaa hey’adaha caalamiga ee gargaarka iyo kuwa xuquuqul insaanka inay gacan kaalmo ah siiyaan dadka Soomaaliyeed ee dib loogu soo celinayo dalka , iyagoo la kaashanaya hey’adaha dowladda.
-
This is Humiliation its time for the Somali's who have no documents to return to their homeland safe .The Majority of Somali people are living from Money send from the West and spending it in Kenya renting houses etc . The Money can be spend in Mogadishu - Hargeysa- Bossaso and etc . The Somali Gov could only do so little as the Kenyan police are targeting illegal immigrants with no proper document this is common through out the world , The only option left for the Somali Ambassador is to make sure these people get Home safe .
-
Kumannaan Qof oo Somali ah oo weli lagu hayo Garoonka Kasarani ee Nairobi Talaado, Abriil 08, 2014 (HOL) — Kumannaan ruux oo Soomaali ah ayaa lagu hayaa garoonka kubadda cagta ee Kasarani oo ku yaalla magaalada Nairobi, kuwaasoo laga soo qabqabtay xaafadda Islii oo ay daggan yihiin Soomaalida. Dadkaas ay ciidamadu gacanta ku hayaan ayaa waxay isugu jiraan rag, dumar uur leh, caruur iyo dhallinyaro, kuwaasoo dhammaantood Soomaali ah, iyadoo lasoo sheegayo inay goobtaas ku haysato dhibaato. Howlgallada ay booliiska Kenya ka wadaan xaafadda Islii ayaa ah mid guri-guri ah oo ay ciidamadu kula soo baxayaan dadka gurigaas ku jira, iyadoo saraakiisha sare ee booliiska Kenya ay sheegeen in howlgalladan ay socon doonaan inta ammaanka Nairobi ay adkeynayaan. Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalkan uu yahay mid uu amarkiisa bixiyay Uhuru Kenyatta oo ah madaxweynaha dalka Kenya, kaasoo la sheegay in lagu doonayay in lagu qab-qabto Soomaalida sharci-darrada ah. “Dadka aan sharciga haysan waxaa dib loogu celinayaa xeryaha Qoxootiga, haddii ay doortaanna waxaa dib loogu celinayaa dalkoodii Soomaaliya, iyadoo aan taas u sii marayno safaaradda Soomaaliya ee Kenya,” ayaa laga soo xigtay xubno saraakiil ah oo ka tirsan dowladda Kenya. Xaafadda Islii oo ah goob ay ganacsi badan ku haystaan Soomaalida ayay booliiska Kenya gudaha u galaan markii ay qaraxyo ka dhacaan magaalada Nairobi, iyadoo lala xiriirinayo inay ku lug leeyihiin qaraxyadaas. Dhawaan ayay ahayd markii xildhibaannada baarlamaanka Kenya ay xukuumadda ka dalbadeen in wax laga qabto sida ay howlgallada uga socdaan Nairobi, iyagoo sheegay in Soomaalida marka lasoo xiro la iibsado, balse waxaa weli muuqata in howlgalladu ay Islii kasii socdaan. Magaalooyinka dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacayay falal ay ka mid yihiin qaraxyo geystay dhimashada iyo dhaawaca dad fara badan oo Kenya, Soomaali iyo ajaanib kale ah, kuwaasoo billowday markii ay Kenya ciidamadeeda u soo dirtay Somalia dhammaadkii 2011. Weerarradan ayaa waxay Kenya ku eedeynaysay Al-shabaab, inkastoo Al-shabaab ay sheegatay dhowr qaraxyo iyo weerarro ka dhacay Kenya oo uu ka mid ahaa kii lagu weeraray xarunta ganacsiga Westgate Mall oo ay ku dhinteen 67-qof. Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Hormuud Foundation oo beero u falayso 500 oo qoysas oo ku nool Jowhar Hay’ada samafalka Hormuud Foundation ayaa ka bilowday magaalada Jowhar ee xarunta Sh/dhexe barnaamij ay gargaar ugu fidineyso qoysas ay dhibaato ka soo gaartay fatahaada wabiga Shabelle. Qorshahan ayaa loogu falayaa beero shan boqol oo qoys oo ka mid ah qoysaskii ay fatahaaduhu saameeyeen. Madaxa Ururka samafalka Furqaan Cabdifatax Macalin Maxamuud ee ah ururka howsha gargaarkan fulinaya ayaa sheegay in qoysas aad u tabar daran loo soo xulay in loo falo beero ay ku abuuranayaan galley iyo dalagyo kale. Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cabdi Jiinow Calasow ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay cagafcagafyo howlaha fulinaya ayaa u mahadceliyay hay’ada Hormuud Foundation oo gargaar waqti wanaagsan ku soo beegmay u fidisay qoysaska ay dhibaatada ka soo gaartay fatahaada wabiga Shabelle. Madaxa shirkadda Hormuud ee gobolka Sh/dhexe Sh.Axmed Barrow Acraabi oo ka hadlayay munaasabadan ayaa sheegay in hay’ada Horumuud Foundation aysan ahayn markii ugu horeysay ee ay gargaar u filiso dadka ay fatahaaduhu saameeyeen, waxaana uu sheegay in haatan ay hay’ada Hormuud diyaar u tahay sidii gacan uga geysan lahayd qoysaska taagta daran ee ay fatahaaduhu saameyeen in ay beerahoodii dib u abuurtaan. Waa markii ugu horeysay barnaamij noocan oo kale ah laga fuliyo gobolka Sh/dhexe iyadoo haatan ay ka soo kabanayaan shacabka gobolka fatahaadihii saameeyey dhamaadkii sanadkii aynu ka soo gudubnay
-
Sooomaalida aan sharciga ku lahayn Kenya oo lagu soo celinayo Soomaaliya Isniin, Abriil 07, 2014 (HOL) — Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameerika, ayaa sheegay in Soomaalida aan haysan dhalashada dalka Kenya ama aan lahayn sharci ay ku deggen yihiin dalka Kenya, waxaa dib loogu celinayaan dalkoodii Soomaaliya. Safiirka ayaa sheegay in safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ay isha ku hayso sida loo baarayo dadweynaha Soomaaliyeed ee lagu qabqabtay howlgalladii Nairobi laga sameeyay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay. “Maalmihii lasoo dhaafay booliiska Kenya waxay sameeyeen howlgallo saf-ballaaran ah oo ay kusoo qabqabteen kumannaan Soomaali ah. Waxaan kala shaqeynaynaa sidii loo sii deyn lahaa dadka sharciga haysta, balse kuwa aan lahayn sharciga, waxaa loo duulin doonaa Soomaaliya,” ayuu yiri danjire Ameerika. Sabtidii lasoo dhaafay ayuu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmuud kala hadlay madaxweyaha Kenya Uhuru Kenyatta sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya. “Madaxweynaha Somalia wuxuu kala hadlay madaxweynaha Kenya sidii xuquuqda shacabka Soomaaliyeed loo ilaalin lahaa iyo sidii kuwa gacanta ciidamada ku jira ee aan dambiga lahaynna loo sii dayn lahaa,” ayuu yiri dajire Ameerika. Ciidamada Kenya ayaa howlgallo saf-ballaaran ah ka billaabay magaalada Nairobi gaar ahaan xaafadda ay Soomaalidu daggan tahay ee Islii maalmo ka hor, kaddib markii qaraxyo ay ka dhaceen xaafaddaas, kuwaasoo ay ku dhinteen lix qof. “Waxaan dadaal ugu jirnaa sidii loo sii dayn lahaa dadka sharciga leh ee ku jira gacanta ciidamada dowladda Kenya, waxaana arrintaas la kaashanaynaa xubno ka tirsan xukuumadda Kenya,” ayuu dajiraha Soomaaliya ee Nairobi ku daray hadalkiisa. Ugu dambeyn, danjiruhu wuxuu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay waddo qorshihii dib loogu celin lahaa dadka aan sharciga lahayn ee Kenya ku nool, si ay noloshooda mar kale uga billaabaan gudaha Soomaaliya. Dalka Kenya ayaa waxaa ku sugan kumannaan Soomaali ah oo aan wax sharci ah haysan, kuwaasoo siyaabo kala duwan ku tagay dalkaas, waxaana ka mid ah dad u tahay sidii ay uga dhoofi lahaayeen, kuwo doonaya inay ka shaqeystaan iyo kuwo kale oo doonaya inay wax-ka-bartaan. Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
These three stooges failed to combat alshabaab and criminal bandits in Mogadishu. Mujaahid Muungaab keep up the good work - The city of Mogadishu has found the Mesiah its been looking for . The New Mayor Muungaab now controls the security force in Mogadishu- Something I have been advocating for long time . The Mayor promised more target mission instead of rounding up entire district Males . The City will be secured from bandits and alshabaab foot soldiers . Xili dhowaan degmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho uu xafiis ka furtay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen(Muungaab) ayaa oday Axmed Diiriye Cali sheegay in mar hore looga baahnaa dowladda arrintani. “Muungaab tallaabo wanaagsan ayuu qaaday, kol hore ayaana masuuliyiinta dowladda looga baahnaa maadaama aysan waxba taraynin in wado kaliya lagu koobnaado(Makka Al-mukarrama)” sidaas waxaa yiri Nabadoon Axmed Diiriye Cali. No Hiding or hot sport for Alshabaab criminals ....... Gudoomiye Mungaab Promised.
-
Kooxo dhibaateyn jiray shacabka oo xalay lagu toogtay degmada Dharkiinley April 6, 2014 - Waxaa Qorey : Balcad Media - Wararka aan ka heleeno degmada Dhargiinley ee Gobalka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada booliska ee saldhiga galbeed ee degmada Dharkaynlayay toogasho ku dileen mid ka mid ah koox xirnayd dharka ciidamada DF Somalia kuwaas oo dhac ka gaysanayay degmadaasi. Sida uu inoo xaqiijiyay mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa waxa uu sheegay in ciidamada Booliisak degmada ay ka war heleen kooxo dhac ka geysanaayo degmada tiradoodana ay eheyd sadax ruux oo ku labisan dareeska Ciidanka kuwaas oo markii ay iska hor yimideen ciidanka diiday in ay is dhibaan isla markaana meesha lagu dilay mid ka mid ah halka mid kale la qabata balse waxaa baxsaday ruuxii sadaxaad. Tan iyo markii degmada Dhargiinley loo magacaabay gudoomiye cusub ayaa waxaa soo badanaayay howlgalo lagu ugaarsanaayo kooxaha nabad galyo darada ka wada degmadaas Dharkiinley. si kastaba halka uu falka ka dhacay ayaa waxa ayeheyd Xaafada Ceeldheere ee ka tirsan degmada Dharkiinley kooxahaan xalay ku dhax dagaalamay degmadaas ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen kooxihii horay uga talin jiray degmada.
-
Ciidamo gaar ah oo maanta la wareegay gacan ku heynta suuqa hubka lagu iibiyo ee Ciidamo ka tirsan kuwa DF Somalia ayaa maanta waxa ay howlgal aan horay loo qorsheyn ka sameeyeen suuqa lagu iibiyo hubka ee Cirtoogte kaas oo ku yaala degmada Hodan. Ciidamo si gaar ah u tababaray ayaa gabi ahaanba xabsiga u taxaabay ganacsatadii hubka ee Suuqa Cirtoogte kaas oo ku yaala meel u dhaw isgoyska Suube sidoo kale waxa ay ciidamada qaateen dhammaan hubkii yaalay halkaas oo lagu iibinaayay. Saraakiisha Ciidamada Howlgalkaas fulinaayay ayaa waxa ay amar ku bixiyeen in gabi ahaan la baaro goobaha ku yaala halka hubka lagu iibinaayay oo isugu jira goobo Ganacsi waxaana laga soo saaray hub badan meelihii baaritaanka lagu sameeyay. Si kastaba ciidamadaan ayaa waxa ay ku wargaliyeen dadkii meesha joogay in aan hub lagu iibin karin halkaas iyadoo goobta lagu iibinaayay ay ku taalo meelaha ugu socodka badan Muqdisho. Todobaadkii lasoo dhaafay ayay eheyd ka dib markii koox daba gasha cunaqabteynta hubka Somalia oo la magacbaxda Marqaati ay warbixin ka diyaariyeen suuqaan waxa ayna soo bandhigeen iyadoo hub iyo rasaas laga iibsanaayo ciidamada DF Somalia. Si kastaba waa markii ugu horeysay ee DF Somalia ay howlgal noocaan oo kale ah ka sameeyeengoobaha lagu iibiyo hubka ee magaalada kudhaxyaala.
-
Popular Contributors