malistar2012

Nomad
  • Content Count

    2,754
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by malistar2012

  1. WARARKASOMALI NEWS UPDATEARIMAHA BULSHADACIYAARAHAMAQAALORADIO ALLDHACDO TOP NEWS:- DF oo si rasmi ah ula wareegtay maamulka Hawada Soomaaliya Post Views = 179 Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay la soo wareegtay maamulka hawada Soomaaliya, waana markii ugu horreysay oo muddo ku dhow 25-sanno. Wasiirka gaadidka iyo hawada sare ee xukuumadda Soomaaliya Saciid Qorsheel oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah ula soo wareegtay maamulka hawada Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya maamulka hawada Soomaaliya lagu maamuli doono magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isagoona intaas ku daray in ay awood u lee yihiin in maamuli karaan maamulka hawada. Mar la weydiiyay wasiirka in ay hayaan shaqaalo diyaar u ah in ay qabtaan howsha maamulka hawada Soomaaliya, wuxuu tilmaamay in ay hayaan shaqaale badan isla markaana ay joogaan shaqaalihii hore ee ka shaqeen jiray hawada Soomaaliya. “Markasta waxay noogu jawaabaan ma heli kartaan shaqaale iyo injineero qaban kara howsha, laakin arrintaas waxaan u sheegnay in aan heyno shaqaale nagu filan” ayuu yiri wasiir Qorsheel. Waxaa la weydiiyay sidda ay awood ugu yeelan karaan in ay maamulaan hawada Soomaaliya, maadama maamulo iskood u madax banaan ay ka dhisan yihiin dalka sidda Somaliland iyo Puntlan, wuxuu xusay in Soomaaliya Air Space-keeda uu yahay mid qura isla markaana hal meel laga maamuli doono. Ugu dambeyn wasiirka oo hadda ku sugan dalka Canada ayaa carabka ku adkeeyay in uu la kulmay madaxda Qaramada Midoobay ee gacanta ku haya maamulka hawada Soomaaliya isla markaana laga soo wareejin doono dalka Kenya oo hadda laga maamulo. “Madaxda QM waxaan u sheegnay in aan diyaar u nahay in maamulka hawada Soomaalida dib loo soo celiyo oo dowladda gacanta loo galiyo” ayuu yiri wasiir qorsheel. Dowladda Soomaaliya oo aqoonsi rasmi ah ka helashay dowladdaha caalamka ayaa xiriir fiican la sameesaneysa dowladda caalamka.
  2. Cillsultan Haven't you seen how Mogadishu has developed in two years no one is waiting for EU or the international community . Enjoy these pic don't kill your self after all it is your Capital that these HAG community are building ..... The success reaching the entire south new university camps opening up are sign that these people are no waiting for no one and are . Madaxweynaha Somaliya, ayaa wuxuu si diiran u soo dhoweeyay dadaalka Maamulka Jaamacada Banaadir ku bixinayaan, sidii xilligaan Jaamacad lagu barto Kulliyada Beeraha kaga hirgelin lahaayeen Buurane. Jaamacadaan oo lala mataaneynaayo Jaamacada Banaadir ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu wadaa in lagu barto Kulliyada Beeraha, iyadoo markaasi looga faa'iideynaayo dhalinta Somaliyeed, gaar ahaan kuwa Gobolka Shabeellaha Dhexe.
  3. Somalia iyo Midowga Yurub oo saxiixday heshiiska kamid noqoshada dalalka loo yaqaano ACP, Looguna deeqay lacag dhan 400 Milyan oo Doolar Warsaxaafadeed: 19/6/2014 — Dawladda Soomaaliya ayaa maanta magaaladda Nairobi ku saxiixday kamid noqoshada dawladdaha ku bohoobay Africa, Caribbean and Pacific iyadoo Midowga Yurub uu qayb firfircoon uga jiro kaalmada dalalka (ACP) oo kulankoodii 99-aad maanta lagusoo gaba gabeeyay xarunta KICC ee magaaladda Nairobi iyadoo ay kulankan goob joog ka ahaayeen inta badan xubnaha ACP iyo Midawga Yurub. Ra’iiusl Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Madaxda EU ee Horumarinta Gargaarka Mudane Andris Piebalgs ay kala saxiixdeen heshiiska kamid noqoshada dalalka ACP. Dalka Soomaaliya ayaa ka maqanaa muddo 25 sano ah xubin kamid noqoshada iyo ka shaqaysiinta heshiiskii Cotonou Agreement oo ay ku wada jiraan dalalka ACP. dhanka kale Midawga Yurub ayaa maanta ugu deeqay Soomaaliya lacag dhan 400 Milyan oo doolar oo ah lacaga lagu caawiyo dalalka ku jira ACP oo EU ay qayb ka tahay. Kaalmada Midowga Yurub waxaa ka faa’iidaysta dalalka xubnaha ka ah Africa, Caribbean and Pacific Group of State (ACP) iyadoo loogu tala galay in lagu fuliyaa dhismaha nabadda, xasiloonida , kobcinta dhaqaalaha, yaraynta faqriga, iyo horumarinta maaliyadda. “Heshiiska Soomaaliya ay maanta ku gashay Nairobi waa mid taariikhi ah, sababta keentay in aan saxiixno waa in aan dib uga soo muuqanno caalamka isla markaana aan wax la qaybsanno dalalka ACP oo aan kamid noqonay. Waxaan rajaynayaa in ay arrintan qayb ka qaadato dhismaha dawlad Soomaaliyeed oo xiriir iyo wada-dhowaansho la leh caalamka.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo ka hadlay heshiiska “ Waa farxad in Soomaaliya oo muddo dheer ka maqnayd xubinnimada (ACP) ay maanta saxiixday heshiiskan, waxaa ay ka dhigantahay in awood naloo siiyo in aan maamulanno lacagahaasi naloogu deeqo. Waxaan fursad u helaynaa in EU au deeqaha iyo lacagaha horumarineed si toos ah ugu gudbiso Soomaaliya maadaama aan kamid nahay dalalka ku bohoobay ACP.” Ayuu yiri Prof Cabdulaahi Sheekh Cali “Qaloocoow” Wasiir ku-xigeenka Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga Soomaaliya. Readers Comments (0) Name (required) Email Address (required)
  4. WAR CULUS: DHAGEYSO – Muxudiin Xasan Afrax “Shabelle State ayaa gobalka ka maamula, dowladdana annaga ayay marti inoo tahay” Jun 19, 2014 - 1 Jawaab Muxudiin Xasan Afrax madaxweyne ku xigeenka maamulka Shabelle State ayaa waraysi xasaasi ah oo uu bixiyay kaga hadlay arrimo dhowr ah. Waxa uu sheegay Afrax in goballada Shabeellooyinka ay xaqiijin doonaan amnigooda iyo hormarkooda isla markaana waxqabad cad oo muuqda ay u soo bandhigi doonaan shacabka ku dhaqan goballadaasi. Waxa uu tilmaamay inay maamul u dhiseen magaalada Marko isla markaana iminka ay ku sugan yihiin Marko isaga iyo madaxweyne Mardaadi. “Magaalada Marko iyo deegaano kale oo gobalka Shabeellaha Hoose ka tirsan annaga ayaa xukunna, oo gacanta ku haya, marka adeer maamul ayaan u dhisnay magaalada gobalka iyo degmooyinkiisa kalena waan u dhisaynaa” sidaasi waxaa yiri Muxudiin Xasan Afrax. Muxudiin oo hadalkiisa sii wata ayaa la weydiiyay su’aal ahayd: “Mudane Muxudiin Xasan Afrax gobalka Shabeellaha Hoose, ma dowladda ayaa marti ugu tihiin mise adinka ayaa marti la idin yahay”? “Dowladda iyada ayaa marti inoo ah oo hadda magaalada annaga ayaa gacanta ku heyna” sidaasi waxaa mar kale yiri Afrax.
  5. 7 new wasiir have been named by Shabelle state Wixii ka dambeeyay markii magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha hoose ay gaareen wafdi sare oo ka socda maamulka Shabeelle State labo maalmood ka hor ayaa waxaa la magacaabay ilaa iyo dhowr wasiir oo uu maamulkaasi yeelanayo. Madaxweynaha maamulkaasi Abuukar Mardaadi ayaa sheegay in isaga oo ku taagan dastuurka maamullada iyo qodobada u degsan maamulkaasi Shabelle State uu magacaabay todobo wasiir iyo hal gudoomiye oo loo magacaabay degmada Marka. Wasiirada uu lahaan doono maamulka Shabelle State waxaa la sheegay in ay ka koobnaan doonaan ilaa iyo 15 wasiir waxaana sida hour dhaca ah uu u magacaabay madaxweyne Mardaadi todobo wasiir iyo guddoomiyaha magaalada Marka. Jagooyinka wasiirada ee magacaabay waxaa kamid ah wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee maamulka Shabelle State oo loo magacaabay Maxamed Abuukar Cali(Jacfar) oo ahaa guddoomiyihii hore ee degmada Howl wadaag. Madaxweynaha Maamul Goboleedka Shabelle State oo ku dhawaaqay qaar ka tirsan Golihiisa Wasiirada. Mogadishuonline 19.06.2014: Madaxweynaha Maamul Goboleedka Shabelle State ayaa ku dhawaaqay qaar ka tirsan Golihiisa Wasiirada. Wasiirada uu shaaciyay Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Shabelle State ayaa waxaa ka mid ah. 1:Dr Cismaan Max’ed Max’ud Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Diinta. 2: Dr Cismaan Axmed Macallin Ibraahim Wasiirka Waxbarashada , Isbortiga iyo dhalinyarada. 3: Cali Nuur Max’ed Wasiirka Maaliyadda iyo Lacagta. 4:Max’ed Abuukar Jacfar Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga. 5:Dahabo Zuuse Max’ed Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka. 6: Xaawo Luul Aadan Buulle Wasiiradda Haweenka iyo Daryeelka Caruurta. 7: Yuusuf Muuse Guure Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha. Si kastaba Maamulka Shabelle State ayaa si rasmi ah uga howl billaabay gudaha Gobollada Shabeelooyinka gaar ahaan Shabeelaha Hoose. http://mogadishuonline.com/madaxweynaha-maamul-goboleedka-shabelle-state-oo-ku-dhawaaqay-qaar-ka-tirsan-golihiisa-wasiirada/
  6. Intaasi ka dib ayaa Madaxweynaha waxa uu u gudbay deegaanka Buurane ee Degmadda Mahadaay ee Gobolka Sh/Dhexe. Madaxweynaha ayaa dhagax-dhigay Xarun Jamacadeed oo cusub oo ay Jaamacadda Banaadir dhawaan dhismaheedu bilaabi doonto isaga oo u mahad-celiyey Maamulka Jamaacadda Banaadir. Madaxweynaha ayaa si kalsooni leh u gacan qaaday shacabkiisa xaaladoodana ka wareystay, wuxuuna kulan gaar ah xarunta Maamulka Gobolka kula qaatay masuuliyiinta Gobolka waxayna sheegeen in Madaxweyne Xasan Sheekh uu yahay madaxweynihii ugu horeeyey ee booqasho ku yimaada Gobolka tan iyo bur-burkii Dowladdii Dhexe. “Magaaladu inay sidan u camirnaato waxaa lagu gaaray dadkeeda adkeesigooda iyo dadnimadooda. Sida la og-yahay dadka reer Xudur waa dad aad geesiyiin u ah oo aan dhaqso baqan dhaqsina rajo dhigin. Sidoo kale, Taliska Ciidamadda Xoogga ayaa warbixin igu siiyey in ciidamadda Xoogga ee halkaan joogana ka mid yihiin kuwa ugu aqlaaqda wanaagsan Ciidankeena” ayuu yiri Madaxweynuhu.
  7. Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta booqday Jowhar, Mahadaay, Xudur iyo Waajid ee Gobollada Sh/Dhexe iyo Bakool “SAWIRRO” Published on June 19, 2014 by Cilmi Waare · No Comments · 717 views Muqdisho. 18.Juun.2014-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay la socdeen Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Aadan Maxamed Nur (Saransoor) iyo Xildhibaano ayaa maanta booqasho ku tegey magaallooyinka Jowhar, Mahadaay, Xudur iyo Bakool oo ka mid ah Gobolladda Shabellaha Dhexe iyo Bakool. Madaxweynaha ayaa booqashadiisa ku bilaabay Degmada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe, Waxaana garoonka diyaaradaha ee magaaladda Jowhar ku soo dhaweeyey masuuliyiinta Maamulka Degmada Jowhar, kan Gobollka, Siyaasiyiin iyo Qaar ka mid ah Shacabka magaallada Jowhar. Intaasi ka dib ayaa Madaxweynaha waxa uu u gudbay deegaanka Buurane ee Degmadda Mahadaay ee Gobolka Sh/Dhexe. Madaxweynaha ayaa dhagax-dhigay Xarun Jamacadeed oo cusub oo ay Jaamacadda Banaadir dhawaan dhismaheedu bilaabi doonto isaga oo u mahad-celiyey Maamulka Jamaacadda Banaadir. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u dhaqaaqay dhanka Gobollka Bakool gaar ahaan magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka. Waxaa halkaasui ku soo dhaweeyey maamulka Degmada Xudur iyo kan Gobolka Bakool. Madaxweynaha ayaa salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamadda Xooga Dalka oo halkaasu ku sugan iyada oo Madaxweynuhu maamulka ka wareystay xaaladihii ugu dambeyey iyo deeq dhawaan la gaarsiiyey dadka degaanka, wuxuuna Madaxweynahuhu u mahad-celiyey Dowladda Turkiga iyo ganacsatada Soomaaliyeed oo deeqda qeyb xoog leh ka qaatay isla-markaana Maamulka Gobolka Bay ku ammaanay sida ay uga shaqeeyeen in deeqdaas magaalada Xudur gaarto. Madaxweynaha oo meel fagaaraha kula hadlay kumanaan dadweyne ah oo u soo baxay soo dhaweynta ayaa u sheegay marka hore in ujeeddada booqashadiisu tahay u kuur-gelida xaaladda dhabta ah ee dadka gobollka degan. Sidoo kale, wuxuu u sheegay in dadka gobolka Bakool lagu yaqaano dhiiranaan iyo cadow iska celin isaga oo ku ammaanay Dadka Degaanka, Ciidamadda Xoogga Dalka iyo kuwa Itoobiya sida ay uga adkaadeen kooxaha Nabad Diidka ah. “Magaaladu inay sidan u camirnaato waxaa lagu gaaray dadkeeda adkeesigooda iyo dadnimadooda. Sida la og-yahay dadka reer Xudur waa dad aad geesiyiin u ah oo aan dhaqso baqan dhaqsina rajo dhigin. Sidoo kale, Taliska Ciidamadda Xoogga ayaa warbixin igu siiyey in ciidamadda Xoogga ee halkaan joogana ka mid yihiin kuwa ugu aqlaaqda wanaagsan Ciidankeena” ayuu yiri Madaxweynuhu. Madaxweynaha ayaa yiri.” Maamulka waxa uu Dowladda Dhexe mar walba la soo socodsiiyaa xaalad walba oo idin la soo gudboonaato, waana idinka warqabtaa. Dowladda Federaalka ah wax walba ay kari karto waay idin qaban doontaa. Kaalmo hadda waa idin soo gaartay kuwa ka badanna waa idin soo gaari doonaan dhawaan. Dadka degaankaan degan maahayn kuwa kaalmo u baahan ee kuwa ka maarmo ayey ahaayeen oo wax soo saarta xoolo lahoo dhaqan, daruufaha Nabad Diidku keeneen ayaa sababay Ilaahey Idinkii qof walba isku filnaansho ayuu gaari doonaa magaaladda horumar weyn ayey ku tallaabsan doontaa dhawaan” Madaxweynaha ayaa si kalsooni leh u gacan qaaday shacabkiisa xaaladoodana ka wareystay, wuxuuna kulan gaar ah xarunta Maamulka Gobolka kula qaatay masuuliyiinta Gobolka waxayna sheegeen in Madaxweyne Xasan Sheekh uu yahay madaxweynihii ugu horeeyey ee booqasho ku yimaada Gobolka tan iyo bur-burkii Dowladdii Dhexe. Madaxweynaha ayaabooqashadiisa maanta ku soo gaba-gabeeyey magaalada Waajid ee Gobolka Bakool. Waxaa ku soo dhaweyey Maamulka degmadda iyo dadweynaha oo isugu soo baxay fagaaro ku yaala bartamaha magaalada. Madaxweynaha ayaa ka wareystay xaaladooda nololeed. ” Reer Waajid Dowladdiina waa idinka warqabtaa waana idinka warqabi doontaa marar badanna halkaan waan ku soo laaban doonaa” ayuu yiri Madaxweynahu. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa gabal dhicii maanta soo gaba-gabeeyey booqashadiisa ku wajahaneyd u kuur-gelida xaaladda Dadkiisa isaga oo dib ugu soo laabtay caawa fiidkii magaaladda Muqidsho. Waxaana xusud mudan in Madaxweynuhu dhammaan magaalooyinka uu tegay uusan u wadan wax ilaaladiisa gaarka ah taasi oo cadeyneysa kalsoonida Madaxweynuhu ku qabo Shacabkiisa.
  8. Mogadishu is Booming the city is populated - Apartment buildings and House market are skyrocketing . Nairobi will be history ....... The Banking sector is also booming Mogadishu will soon be the Commercial hub Of East Africa Within Two years of achievement still at war with Alshabaab imagine next Five years or ten what the future holds for Xamar ...................
  9. who needs Nairobi when we you can live in Mogadishu the paradise of Africa ........ More than 50 governments sent their ambassadors to Somalia for the past two years.
  10. Mr Arr estimates that at least 20,000 businesses have either relocated or are in the process of moving to Dubai, Tanzania, Somalia, Malawi and Mozambique. As an indication of the slump in business, sources say the more than 10 banks in the area have been hit hard in the aftermath of the security dragnet. A bank manager who did not want to be named, complained that the Eastleigh branch alone used to transact an average of Sh260 million a day, but after Usalama that began in April, it now does less than Sh4.3 million a day. Remittances from Somalis in the diaspora are also said to have dropped significantly, although no figures were available. Kenya Bankers Association Chairman Habil Olaka admitted that banks have suffered from the slow business. “These people are businessmen. They are investors who believe that the environment in Kenya is now not conducive for their investment. Some say they were being offered land in those countries to restart their lives,” said businessman Hassan Arr. - Sources in banking said a group of departing investors intending to relocate to other countries recently withdrew billions of shillings from banks and hawalas — informal funds transfers based on trust — within a few days, attracting the attention of industry regulators and the National Intelligence Service. -
  11. Eastleigh traders relocate with billions in crackdown aftermath Investors in Nairobi’s Eastleigh are moving billions of shillings to neighbouring countries in the aftermath of a security swoop that may have far-reaching implications for Kenya’s economy. Weeks after Operation Usalama Watch meant to flush out illegal immigrants and suspected Al- Shabaab terrorists was scaled down, the Sunday Nation returned to Eastleigh and uncovered stories of job losses, businesses on the verge of collapse, vacant houses and a population on tenterhooks. It is so bad in the once bustling business hub that some of the biggest investors have opted to move their money to Uganda and Rwanda which may have wide-ranging effects on Kenya. “These people are businessmen. They are investors who believe that the environment in Kenya is now not conducive for their investment. Some say they were being offered land in those countries to restart their lives,” said businessman Hassan Arr. He says some neighbouring countries are quietly trying to attract investors from Eastleigh. The impact is huge as some businessmen we spoke to were either clearing stock before closing shop or were leaving because there is little or no business. Mr Arr estimates that at least 20,000 businesses have either relocated or are in the process of moving to Dubai, Tanzania, Somalia, Malawi and Mozambique. As an indication of the slump in business, sources say the more than 10 banks in the area have been hit hard in the aftermath of the security dragnet. A bank manager who did not want to be named, complained that the Eastleigh branch alone used to transact an average of Sh260 million a day, but after Usalama that began in April, it now does less than Sh4.3 million a day. Remittances from Somalis in the diaspora are also said to have dropped significantly, although no figures were available. Kenya Bankers Association Chairman Habil Olaka admitted that banks have suffered from the slow business. “Although no bank accounts have been closed, branches in Eastleigh have seen transactions going down,” he said. Sources in banking said a group of departing investors intending to relocate to other countries recently withdrew billions of shillings from banks and hawalas — informal funds transfers based on trust — within a few days, attracting the attention of industry regulators and the National Intelligence Service. GRIM PICTURE Treasury Secretary Henry Rotich did not respond to our inquiries on the claims. Yesterday, politician Ibrahim Ahmed alias Johnny painted a grim picture of Eastleigh. “Hotel occupancy is down by 50 per cent. There is joblessness in slums like Mathare (next to Eastleigh) and Kiambiu (adjacent to Buru Buru estate) that depended on Eastleigh residents. The swoop has affected the economy and the social pillars,” says Mr Ahmed. That drastic changes are taking place in Eastleigh is evident right on the once-crowded streets. It is clear the number of residents and visitors has shrunk, easing the formerly notorious traffic congestion. What has increased is the number of notices pasted on the gates of high-rise buildings seeking potential tenants with offers of slashed rates. Previously, finding a flat to rent was difficult due to the brisk business in the area. “A few months ago, a two-bedroom house in some areas cost between Sh30,000 and Sh32,000, but now new tenants are being offered the same for as low as Sh12,000,” said a businessman who did not want to be named. Our survey indicated that there were days when goodwill for a rental shop in Eastleigh could cost Sh8.7 million, but this has now gone down to as little as Sh700,000 for shops located in prime spots. Eastleigh Business District Association officials accuse the government of turning a blind eye to the effects of the security swoop on the economy. “What the government did was to wage an economic war on the people of Eastleigh. It has caused a lot of agony here; how else do you explain the fact that no one from this area has been successfully prosecuted for terror?” said the association’s vice-chairman Hussein Mohamed. He confirmed that the property market is in free fall and pleaded with city residents not to shun the area. There is palpable desolation among traders who are not sure when the next customer will come. In the past, Eastleigh was a popular shopping destination for its affordable prices and variety, but this appears to have changed. “Some residents have relocated to other estates, and customers who frequented this place for their weekly shopping rarely come,” said Mr James Kimani who runs a wholesale shop. He says if the current situation persists, he will have no option but to relocate. Even the small-scale traders who used to travel from other parts of the country to replenish their stocks no longer come to Eastleigh as frequently. “I have lost most of my customers from the countryside because they do not consider this place safe any more,” said Mr Kassam Hassan, a shoe dealer in Eastleigh Section One. Taxis are also feeling the heat as the number of customers has gone down considerably. “The raid in Eastleigh has badly hit business. We used to do four to five trips to Eastleigh daily in addition to our regular customers. That has just evaporated. Now, very few people come to Eastleigh, and our Somali customers are nowhere to be seen,” said a taxi driver who identified himself only as Macharia. TARGETING SOMALIS Mr Ahmed, who ran for the Nairobi deputy governor’s seat in the last election, argued that the way the operation, thought to be targeting Somalis, was conducted was against the Constitution and human rights. “Property has been stolen, lives have been shattered and families scattered. Children have been removed from schools. People have run away to start lives elsewhere. But the government has not found what it was looking for,” he said. Halima Abdi, a mother of four, who was sceptical about the effects of the crackdown, said that in the last two weeks, police have come to her house twice. “If the police are honest in the way they carry out the crackdowns, I fully support them,” she said, standing behind a half-open door. “But if it is a matter of coming to ask for money like what they are doing, they should stop disrupting our sleep. They are leaving terrorists to walk free and harassing innocent people.” The security swoop led to the arrest and locking up of hundreds of people, most of them ethnic Somalis, at Kasarani Stadium. Those who could not show proof of Kenyan citizenship were either deported or sent to refugee camps. For now, pockets of police officers who remain in the area remind the residents of the dragnet. Police were back again in droves last Thursday on the opening day of the World Cup to secure bars, restaurants and clubs. Canadian ambassador arrives in Somalia - HOL - See more at: http://hiiraan.com/news4/2014/Jun/55208/eastleigh_
  12. Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar” Dulqaadki Waa Naga Dhamaaday, Somaliland Iyo Beesha Caalamka Jawaab Deg Deg Ah Ayay Naga Heleyaan”. Jun 15, 2014 - 1 Jawaab Garoowe (AGGM):Madaxweyne ku xigeenka Mamulka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in beesha caalamku ay ku guuldarreysatay wax ka qabashada xaaladda deegaannada lagu muransan yahay ee gobollada Sool iyo Sanaag. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar oo ka jawaabayey war saxaafadeed ay shalay si wada jir ah u soo saareen wakiillada Mareykanka, Midowga Yurub iyo Britain ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in deegaannada lagu dirirayo ay ka tirsan yihiin Puntland ayna ahayn dhul lagu muransan yahay. Cameey oo sii wata hadalka ayaa waxa uu sheegay in uu ugu baaqayo beesha caalamka inay bartaan dhulka iyo dadka inta aysan war saxaafadeed soo saarin. Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Neil Wigan, Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u Qaabilsan arrimaha Soomaaliya James P. McAnulty iyoWakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervoned’Urso, ayaa ku baaqay in dhammaanba ciidamada hubaysan ay dib uga baxaan deegaannada lagu muransan yahay ee gobollada Sool iyo Sanaag. Wakiillada ayaa ku boorrinaya maamullada Somaliland iyo Puntland in ay kaashadaan bulshada deegaanka, ayna nidaam wax dhisayo helaan, si qaab wadajir ah wax looga qabto tabashada dhaqaalaha, horumarka iyo bini’aadanimo ee dadka ku nool gobollada la isku haysto, iyada oo aan la eegeynin sheegashada labada dhinac ee goobahaas. Gobolladan waxaa ku muransan maamullada Somaliland iyo Puntland, iyadoo dhinacyadu ay ciidamo xoog badan geliyeen dhawaan.
  13. TOP: AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA – Puntland oo u jawaabtay beesha caalamka ”Sool iyo Sanaag waxay hoostagaan Puntland” Jun 15, 2014 - jawaab Shir Jaraa’id oo uu madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland maanta saxaafadda u qabtay ayuu ku sheegay in beesha caalamka ay ku qaldan tahay qaabka ay uga hadashay dagaalada goballada Sool iyo Sanaag. HALKAN HOOSE KA AKHRISO:
  14. Canadian ambassador arrives in Somalia 0 0 Google +0 0 Hiiraan Online Sunday, June 15, 2014 Mogadishu (HOL) -- Somali president Hassan Sheik Mahmoud has received credential letters from Canada’s new ambassador to the country Mr David Angel during a meeting at the presidential palace on Sunday. “Mr President, I am very grateful to you for accepting my credential letters today” said Ambassador David who also delivered to the president a letter of greetings and goodwill from the prime minister of Canada. He promised to work hard towards strengthening the diplomatic relations between Canada and Somalia. Somalia’s foreign minister Abdirahman Duale said that the arrival of Canada’s ambassador in Somalia was a clear indication that the country was emerging from decades of conflicts and hardships. For his part, the Somali president praised Canadian government and its people for welcoming Somali refugees adding that some of them who recently returned home and are currently playing a key role in the reconstruction of Somalia. “The federal government of Somalia is ready to help the Canadian ambassador accomplish his diplomatic role in the country and we will facilitate everything for him” said president Mahmoud who wished the newly appointed ambassador to develop bilateral ties between the two nations. More than 50 governments sent their ambassadors to Somalia for the past two years. HOL English News Desk
  15. Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirka cusub ee Canada “Sawirro” Muqdisho-15-Juun-2014- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waraqadahii aqoonsiga ee safiirnimo ka gudoomay Safiir Cusuboo ay Dowladda Canada u soo magacaawday Dalkeenna Soomaaliya. Mr. David Angel oo ah Safiirka cusub ee Dowladda Canadda u soo magcaawday Soomaaliya ayaa Madaxweynaha u gudbiyey fariiin uu uga waday Madaxweynaha Dowladda Canada. Sidoo kale Safiirka ayaa Madaxweynaha uga mahad-celiyey sida looga aqabalay warqadahiisa safiirnimo, wuxuuna ballan-qaaday xoojinta xiriirka labadda Dowladood. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweyey safiirka cusub. ” Waxaan ka fileeynaa Mr David inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka labada Dowladood, Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay u fududeyso howlahiisa” ayuu yiri Madaxweynaha. Ugu dambeyn, Madaxeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey Dowladda Canada sid ay u soo dhaweysay Soomaalida faraha badan ee ku nool dalkaasi kuwaasi oo kaalin muhiim ah ka qaata dib-u dhiska Dalkood Soomaaliya. DHAMMAAD
  16. Somaliland’s invasion on our territory is unacceptable: Puntland president . 1 1 Google +0 0 Puntland President Abdiweli Mohamed Ali Gas Hiiraan Online Saturday, June 14, 2014 Mogadishu, Somalia (HOL) -- The president of the semiautonomous Somali regional state of Puntland Abdiweli Mohamed Ali Gaas has accused the Somaliland administration of massacring and displacing innocent people in the town of Taleex this week. He termed the capture of Taleex district by Somaliland forces as an aggression saying his administration will not accept what he termed as an ‘unacceptable’ provocation. “Puntland will not tolerate such provocative attacks on its territories” said Mr Abdiweli Gaas although he didn’t mention what kind of step his administration will take. The eastern parts of Sanag and Sool regions are all claimed by Somaliland, Khaatumo State and as well as the Puntland state, although most of the regions are currently controlled by the Somaliland administration. Mr. Gaas was speaking to journalists at Bosaso airport before his delegation flew to the United Arab Emirates on Saturday. “Our trip to UAE is mainly based on strengthening the bilateral relations between Puntland and the UAE” Mr Abdiweli Gaas told journalists. HOL English .
  17. Mr malistar, why don't you keep us updated with the progress your uncles are making in looting the properties of the peace-loving Somali people of lower shabeele? Surely neither professor Galaydh nor his khaatumo ragtag militia have lost any of their land or homes as a result of our army taking control of Taleex. Hargeysa admin Are forcing people to adopt Secession agenda using violance forcing the people of SSC to abandon Somalia . A entire clan elders and politicians have been humiliated and chased out of their homeland .. This naked aggression to robe people nationality and identity cannot be compared to the lower shabbelle trouble. Jun 13, 2014 - 58 Jawaabood Waxaa dagaal xoogan uu qaraxay deegaanka saaxdheer ee Gobolka Sool gaar ahaan goob lagu magacaabo geel-boob wuxuuna sidoo kale kusii fiday aagag hor leh. Dagaalkan ayaa u dhaxeeyaa maleeshiyaadka maamulka Somaliland iyo Ciidamada maamulka khaatumo ee ku sugnaa deegaankaasi oo garab ka helaya Shacabka deegaanka. Dhinaca kale maleeshiyaadka Somaliland ayaa maanta gelinkii hore waxay goobo ka baxsan Gobolka sool kula dagaalameen Ciidamo beeleedyo kasoo Jeeda Beesha Gaas waxaana la sheegay in labada dhinac uu soo kala gaadhay Khasaare dhimasho iyo dhaawac. dagaalka haatan ka socda Duleedka deegaanka Saaxdheer ayaa wali la haynin Khasaaraha dhabta ee ka dashay kaasi oo u dhaxeeya Maleeshiyaadka Somaliland iyo ciidamada Mamaulka Khaatumo.
  18. CAASIGA Ali khalif galaydh No Respond from Puntland admin ????? \ While Hargeysa admin are sending Troops and capturing Talex doing as it pleased ?
  19. malistar, we know who is in las anod, it is the same tribe, it aint snm. There isnt a genocide happening there, ppl homes aint being looted in broad daylight. The ppl of shabelle are united and fighting a moryan on a land grab who refuses to live peacefully as a resident in the region but rather wants to fight the locals. Have u ever seen IDPS do such things in the north, of course not. They are crazy nutts galgaduud folks. Dr Khatuum foks are screaming genocide everywhere from buhodle to Laas anod so it depends who you ask in regards to Genocide in SSC regions . Ps Who are you refereeing to as IDPS I'm sure not HAG in L Shabbelle , L Shabbelle has always in history or present been dominated by HAG. the people of L shabbelle have always lived peacfully and harmony through out the civil war The Di**r clan was always on ally of HG / USC /SNA ... The two militias and who ever else responsible for the fight will face justice ....
  20. The pirates busy with south politics lol worry about punt land under siege by Sillaanyo admin ........ L shabbelle governor and Mayores are the water boys and May speaking Hag has transferred power and power sharing agreement has been reached . This conflict was started by the the water boys ( Bi..mls)they targetted HG residents . Then a HG took up arms to save their people, both BMLS and HG militia have defected from SNA. HAG has always lived in L shabbelle and dominated for centuries lets not get into lies and fabricate history , This is all politics. Why didn't this happen when Alshabaab was in power in lower shabbelle bot clan lived happily with each other .
  21. Warbixino Ka Soo Baxaya Ceerigaabo, Hargeysa , Laascaanood , Taleex Iyo Weerarka Ku Jihaysan Taleex. Jun 11, 2014 – 12 Jawaabood Ilaa shalay iyo ilaa saaka waxaa soo baxayey xogo isa soo taraya oo sheegaya in Ciidamo ka soo kala socda dhinacyo kala duwani ay ku soo jeedaan magaalada Taleex, kuwaas oo ka soo kala baxayey deegaanada Holhol iyo Ceerigaabo. Ciidamadan ayaa la sheegayaa in ay u badan yihiin laba dhinacba kuwa ka soo jeeda deegaanada Taleex iyo Fiqifuliye garabna ka helaya Maamulka Somaliland, iyada oo maamulka Somaliland uu ku guul daraystay in ay malayshiyadii hore ee ka soo jeeday Burco iyo Hargeysa ku negaadaan Taleex, haatana wada qorshe ay doonayaan in ay isu adeegsadaan isuna hubeeyaan beelaha Khaatumo, iyaga oo muddooyinkii ugu danbeeyey malayshiyooyin ka soo jeeda deegaanka Taleex ku ururinayey deegaanka Holhol arrintaas oo uu qayb ka qaatay Saleebaan Cali Koore oo dhawr jeer oo hore ku hanjabay in uu weerarayo Taleex. Dhinaca Ceerigaabo ayaa Malayshiyada haatan dhaqdhaqaaqa ka wadaa waxay u badan yihiin kuwa ka soo jeeda deegaanka Fiqifuliye, waxaana lagu soo waramayaa in ay haatan ku sugan yihiin gooba aan ka fogayn Xingalool qorshahooduna yahay in ay dhinaca Taleex u soo dhaqaaqaan xilliyada inagu soo socda. Shirka Taleex oo ay aad uga soo horjeedaan Maamulka Somaliland ayaa waxa uu muddooyinkii ugu danbeeyey codsiyo ka helayey dad ka soo jeeda deegaanka Khaatumo oo iyagu aad ugu hamiyaya in shirkaasi lagu kala tago isla markaana uu baaqdo , cid kasta oo loo adeegsadana aanu shirkaasi qabsoomin iyaga oo farriimo u diray labada maamul ee Somaliland iyo Puntland. Garaad Saleebaan iyo Cuqaal kale oo ku sugan magaalada Xuddun oo lagu wado in ay Somaliland wadahadal ku yeeshaan magaalada Xuddun oo ay Somaliland Gacanta ku hayso ayaa arrimaha ugu waaweyn ee laga wada hadlayo ay salka ku hayaan sidii Shirka Taleex loo baajin lahaa wada kasta oo loo maro, maamulka Somaliland ayaa la sheegay in uu ogolaaday in uu hubeeyo malayshiyo ka soo jeeda deegaanka si ay u carqaladeeyaan shirka Taleex oo haatan ka furmay magaalada Taleex, isku soo wada duuboo, waxaa jira qorshayaal badan oo haatan socda una dhaxeeya Garaado , Cuqaal iyo maamulka Somaliland kaas oo la doonayo in lagaga hortago shirka Taleex haatan ka furmay. Jidbaale.com
  22. President Xasan Sheekh Maxamuud has done and achieved a lot in 20 month - The International community are optimistic and see hope for Somalia for first time in 25 years . The President has isolated Alshabaab and are near defeat as high ranking extremist are deserting . This is first President to battle intertnaional terrorist / Warlords / Nighberouring countries . Let's give the President a credit and his respect ..... President Xasan Sheekh Maxamuud has created political stability for firs time in 25 years , From punt land to Kenyan border SFG are visible . The federate states will soon be completed CONSTITUTIONAL REVIEW COMMITEE Has been set up and is supported by all stakeholders. Faarool was spoiler a man full of Cuqdad lost even 40 % of punt land to Hargeysa admin sad reality . faro ole made Punland depend on NGO .
  23. Dowladda oo soo dhaweysay isi soo dhiibista Maxamed Saciid Atom (Dhageyso) Mogadishu, 07 June 2014: Anigoo ku hadlaya magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Dowladda Soomaaliya, Waxaaradda Warfaafintu waxey ammaaneysaa doorka Sheekh Maxamed Saciid Atom oo uu iska diiday ka mid noqoshada Al-Shabaab, annagoo rajeyneyna in go’aanka geesinimada leh uu dhiiri gelin doono kuwal Al-Shabaab la jooga inay tusaale ka dhigtaan oo midnimada iyo nabadda dalka ka qeybqaataan. Seekh Atom waxaa kashifay xaqiiqada dhabta ah ee Al-Shabaab oo ficilkoodu uusan aheyn mid Islaamka iyo Soomaalinimada aaminsan oo ay kooxo ajaanib ah ay ku amarku taagleeyaan oo ay dhexdooda isku diraan. Macluumaadka hoose ee uu ka bixiyey ku hoos noolaanshaha kooxaha Al-Shabaab ayaa si buuxda uga soo horjeeda beenta iyo mala-awaalka ay warbaahinta ka sheegan jireen, shacabka Soomaaliyeedna aad bey uga mahadcelinayaan Sheekh Atom inuu ka shifay beentii ay dhoodhoobi jireen kooxahan argagaxisada ah. Diidmada ay dadka u diideen in gar-gaarka bani’aadanimo la gaarsiiyo ayaa ah dembi laga galay shacabka Soomaaliyeed, Sheekh Atom cabirkiisa ku wajahan arrinkan ayaaba dhameystiraya fikirkan qaldan oo uu yiri “Kama naxaan shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatadu heysato, sida kuwa barakacayaasha ah oo ay ka hor-istaageen in la gaarsiiyo gar-gaarka bani’aadanimo ee ka kala imaanayey dhammaan beesha caalamka. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya dhowr jeer bey ku celcelisay in cid allaale iyo cidii fahamta khaladka ay ku jirto oo caddeysa inay qoryaha iska dhigeen in la siinayo fursad ay shacabka uga mid noqdaan oo la badbaadinayo. Sida uu sheegay Sheekh Atom, fikir kala duwanaanshaheena waxaan ku dhameyn karnaa si nabad ah “Waxaan jeclaan lahaa inaan halkan ka caddeeyo laga bilaabo maanta inaan go’aansaday inaan ku xaliyo arrimaheyga diinta iyo siyaasaddaba is nabad ah iyo is faham.” Sheikh Atom ayaa sidaas yiri. —DHAMAAD— Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya
  24. Horjoogihii Al-Shabaab ee Buuraleyda Gal Gala oo isu soo dhiibay dowladda (Dhageyso) Shir-Jaraa’id – Sabti 07 June 2014 Anigoo ah Sheikh Maxamed Siciid Maxamed (Atom), waxaan u hayaa shacabka Soomaaliyeed farriin muhiim ah. Waxaan in muddo ah u dulqaadanayey qaladka Axmed Cabdi Godane iyo shabakadiisa ay ku hayaan shareecada Islaamka iyo dadka muslimiinta ah. Waxaan maanta go’aansaday inaan iskaga tago Xarakada Al-Shabaab arrimo badan awgood. Waxaa dhalinyarada loo sheegay in loo dagaalamayo iskuxirka shareecada islaamka, dadkana waxbay ka xukumaan, haddana Axmed iyo shabakadiisu shareecada ma qabato umana hogaansamaan. Waxey baneysteen dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ah, sidaas darteed waxey ku laayaan suuqyada, jidadka ilaa masaajidka. Waxey baneysteen dhiiga Culumada Muslimiinta iyo qof kast oo muhiim ah oo ay mas’alo isku khilaafaan, ilaa culumada ku dhex laayaan masaajida dhexdeeda. Jihaadku waa Cibaado Allaah baa iska leh, waa wax laga doonaayo muslimiinta oo dhan, weliba iyagoo isku duuban. Axmed Cabdi waxa uu ka dhigtay wax uu isaga iska leeyahay, sidaas daraadeed, waxuu amar ku bixiyey in la laayo, hubkana laga qaato cidii kale ee hub qaadata, waxeyna ka dhigaan mid ay dilaan, mid ay xiraan, mid ay duleeyaan iyo mid iskaga carara. Xagga shacabka qaxa iyo rafaadka ay ku jiraan wax naxariis ah uma hayaan, waxeyna ku sameeyaan, cunaqabateyn dad maato ah oo muslimiin ah oo tabaaleysan. Waxaan u sheegayaa dhalinyarada qofka shabaab ka tagay, ma aha qof islaanimada ka tagay, qofkii fikirkooda dhaliilana ma aha qof diinta islaamka wax ka sheegay. Maxaa yeelay, islaanimadu waa diin ee ma aha dad gaar ah fikirkood. Dadka muslimiinta ah waa ay is khilaafi karaan, laakin ilaahay waxuu amray inay kitaabka iskula noqdaan iyaguna midoobaan, labadaas arrimood Axmed iyo shabakadiisa waa lagala quustay. Midnimo umadeed iyo marjac kitaab midna ma rabaan, Sidaas daraadeed, waxaan tuhunsanahay inaanay ka marnayn dano shisheeye. Haddaba waxaan cadaynayaa inaan maanta waxii ka danbeeya aan mabaadiidayda iyo fikirkeyga aan ku gudbisan doono qaab nabadeed iyo Isfaham, arrinkaasna waxaan isla garanay dowladda Soomaaliyeed. Waxaanan uga mahadcelinayaa sida la ii soo dhoweeyey. Halkaan ka dhageyso Shirka Jaraa’id Maxamed Saciid Atam
  25. Somali FM in china for talks with his Chinese counterpart Somali Minister of foreign affairs and investment Abdirahman Duale Beyleh met with his Chinese counterpart in Beijing on Tuesday to brief on the latest developments in the country in the fields of security, reconstruction and as well as key other programs, but asked China for the implementation of a number of development projects it previously pledged for Somalia. The visiting Somali minister told the media that China was ready to extend their support to Somalia by creating jobs for thousands of unemployed young professionals in the country. He said the job creation program will play a great role in the hunt for a lasting peace and solution for the long-running violence in the country. For his part the Chinese foreign minister Wang Yi praised the federal government’s efforts to establish law and order into the country adding that China and Somalia have very close relations which existed for ages. He said that China was planning to increase its assistance to Somalia. China recognized Somalia’s sovereignty on 14th of December 1960 and in return for that Somalia became a key ally that campaigned for China’s inclusion into the five super power countries of the United Nations. HOL English News Desk - See more at: http://hiiraan.com/news4/2014/Jun/55058/somali_fm_in_china_for_talks_with_his_chinese_counterpart.aspx#sthash.hrfudH6A.dpuf