malistar2012

Nomad
  • Content Count

    2,754
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by malistar2012

  1. Home » Wararka » Shabelle State oo guddoomiye cusub u magacaabay Marka + Fashilka C/Weli JUNE 28, 2014 7:51 PM0 COMMENTSVIEWS: 567 Marka (Caasimada Online) - Madaxweynaha Maamulka Shabelle State Abuukar Cabdi Cismaan (Mardaadi), ayaa wuxuu Gudoomiye cusub uu u magacaabay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose. Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha, ayaa wuxuu Gudoomiyaha Marka ugu soo magacaabay Maxamed Axmed Muuse, oo Deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Shabeellaha Hoose. Wareegtada, ayaa waxaa lagu sheegay in Maxamed Axmed Muuse uu ka hawlgali doono Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose maalmaha soo socdo, waxayna magacaabidiisa ku soo aadeysaa, xilli Ciidan taabacsan Maamulka Shabelle State ay la wareegeen barro kontoroolo, oo 9-kii bishaan ay Magaalada Marka ka sameysteen maleeshiyadii xiriirka la lahayd Al-Shabaab. Maxamed Axmed Muuse, ayaa aad ugu dhow Gudoomiyaha Xeer Ilaalinta Qaranka C/qaadir Maxamed Muuse, kaa oo uu adeerkii dhalay. Magacaabida Gudoomiyaha cusub ee Magaalada Marka, ayaa waxay sidoo kale ku soo aadeysaa, xilli Maamulka Shabelle State uu si weyn uga biyo diiday, in Gobolka Shabeellaha Hoose lagu biiriyo Maamulka loo dhisaayo Gobolada Baay iyo Bakool. Arrintan ayaa fashil ku noqoneysa ra’iisul wasaare Cabdi Weli, oo gobol dad ay gaacanta ku hayaa doonaya inuu dad kale u gacan geliyo. Caasimada Online Xafiiska Wararka Marka
  2. Shabelle State is older and has more legitimate on the ground , the two Governors and the MP of Lower and middle Shabbele have agreed to reconcile and form State . South west state only Exists in only Bay n Bakool ..... The two Shabelle have reconciled formed State elected leaders - ministers and etc ..... Qorshe Lagu Wado in Lagu Mideeyo SHabeelada Hoose iyo Shabeelada Dhexe iyo Kulan Lagu Qabtay Muqdisho Published on February 11, 2014 by Maamulka · 2 Comments Caasimada soomaliya ee muqdisho waxaa isugu yimid Waxgarad, Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda Gobolada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe ayaa maanta Kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho waxayna ka wada hadleyn Arrimo badan oo la xiriira sidii loo mideyn lahaa labadaasi Gobal, Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir siidii ayaa kulan xaadir ku ahaa waxayna ku heshiiyeen in la mideeyo labadaasi Gobol. Halkan Riix oo Dhagayso Warbixinta Xildhibaan daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Mudanyaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbaahinta la hadlay waxa uuna ka warbixiyay waxyaabihii kulanka ka soo baxay iyo Heshiiska lagu Mideynaayo labada Gobol oo ay isku af garteen Labada Gudoomiye.
  3. Kulanka ayaa waxa lagu falaynqeeyay Xuska Munaasabadda 1-da Luuliyo iyo sida shacabka Muqdisho uga qayb qaadan lahayeen, waxaana kulanka kaddib ayaa waxa laga soo saaray qodabadan. Kulanka ay maanta Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir Maamulka Gobolka Benaadir oo ay ka qayb galeen Guddoomiyayaasha degmooyinka, uuna shir Guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Mungaab” ayaa looga hadlay qodobo dhawr ah oo ay ugu muhiimsanayd Amniga Caasimada Muqdisho, munaasabada 1-da Luulyo, Bisha Ramadan iyo Nadaafada Caasimada. Kulanka ayaa waxa lagu falaynqeeyay Xuska Munaasabadda 1-da Luuliyo iyo sida shacabka Muqdisho uga qayb qaadan lahayeen, waxaana kulanka kaddib ayaa waxa laga soo saaray qodabadan. 1) Maamulka Gobolka Benaadir waxa uu ku wargalinayaa dhamaan shacabka ku nool 17-degmo ee Gobolka in ay Nalal galiyaan,Nadiif ay ka dhigaan islamarkaana ay ku xiraan calanka Jamhuuriyada Federaalka Sooomaaliyana Banaanka hore ee guryahooda si ay ugu diyaar garoobaan xuska Munaasabada Xoriyada Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya oo ku beegan 1-da Luulyo. 2) Maamulka Gobolku waxa uu ku wargalinayaa Dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho in ay si qiiro iyo wadaniyada ku dheehantahay ay u soo dhaweeyaan todobaadka xoriyadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya. 3) Sidoo kale Maamulka Gobolka Benaadir ayaa taaba galinaya tartan aqooneedka Bisha Ramadaan ee ay ku tartamidoonan Gobolada dalka, waxaana qabanaya tartan cilmiyeedkan Idaacadaha Hoos ku Xusan. 1-Radio Muqdisho 2-Radio Shabelle 3-Radio Kulmiye Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com Muqdisho Somalia Allbanaadir@live.com
  4. Muungaab oo markii ugu horeysay simay shacabka iyo xubnaha DF u shaqeeya Jun 28, 2014 Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa amar ku bixiyay in si iskumid ah loo baaro gaadiidka ay wataan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee Magaalada Muqdisho laga isticmaalo. Gaadiidka Dowladda ee ay saaran yihiin ciidamada Dowladda ayaan la baarin, waxaana ay si xoog ah ku maraan wadooyinka Magaalada Muqdisho, mana ilaaliyaan sharciga wadooyinka iyo midka hagida ee ciidamada ilaalada wadooyinka (Taraafikada). Muungaab wuxuu sheegay in Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku amrayo inay si isku mid ah u baaraan gaadiidka ay saaran yihiin ciidanka Dowladda iyo kuwa shacabka, maadaama uu sheegay in kuwa ciidanka qudhooda lagu soo dhex-dhuuman karo sida horay udhacdayba. “Waxaan ugu baaqayaa baabuurkasta nooca uu doono ha ahaadee Hay’adaha ammaanka waxaan farayaa oo amar ku bixinayaa in la baaro baabuurta dhan xitaa kuwa ciidanka ay saaran yihiin”Ayuu yiri Muungaab. Wuxuu hadalkiisa raaciyay “Gaariga hadii afar ciidan oo tuute saaran yihiin la arko ma la iska siideynaa mala baaraayo miyaa ma jirto sidaasi koontaroolada hada jira iyo kuwa Ramadaanka aan usameynay ee cusub intaba waa in lagu baaraa gaadiidka Dowladda xitaa Cabdi Bilaha waa in la baaraa sababtoo ah Cabdi bilaha rinji ayaa lasoo marin karaa kuwa meelaha lagu tuuray”Ayuu yiri Muungaab. Magaalada Muqdisho ayaa horay waxaa uga dhacay weeraro kala duwan oo ay geysteen Al-Shabaab, iyaga oo iska dhigaya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya watana gaadiid kamid ah kuwa gaarka loo leeyahay. Weeraradii lagu qaaday Xarumaha Maxkamada dalka, Weerarkii UNDP iyo weerarkii ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya intaba ragii fuliyay waxa ay wateen tuutaha ciidanka Dowladda, sidaasi ayeeyna ugu suuragashay fulinta weeraradaasi.
  5. Muqdisho oo maanta sidii hore ka bedalan, ciidamada DF oo wado walba taagan Jun 27, 2014 - jawaab Post Views = 217 Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya maanta oo Jimco ah aad ayeey uga duwan tahay maalmihii hore, waxaana magaalada ay u muuqataa mid xilligaan aad u amaan ah. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa magaalada kusoo daadisay ciidamo aad u badan, misane badi leh aqlaaq iyo soo jiidasho dhanka shacabka ah. Ciidamadaan ayaa isugu jira Booliis iyo nabad sugid, waana kuwo amaanka u sugaaya sidii loogu tala galay. Wariyaal ka mid ah Alldhacdo oo maanta socod ku aaday Xeebta Liido ayaa aad ula soo kulmay Ciidamadaan, iyaga oo waliba sheeko gaaban la yeeshay. “ Ciidamada waxay na dhaheen markii ay gaarigeena joojiyeen Walaalayaal waa ciidamada walaalahiina ee amaanka sugaaya, idinka oo dhib inoo arag wax aqoonsi ah maad wada tadaan, kaararka aqoonsiga ma aan tusin waayo waxaan rabnay inaan ogaano waxa ay sameenayaan, ka dib waxay nagu amreen in anaga dhan nala baarayo, gaarigana sidoo kale, sababtuna waxay ku sheegeen in amaankeena iyo amaanka dalka uu ku jiro” Mid ka mid ah wariyaasha Alldhacdo ayaa sidaasi ku sheegay. “Ciidamada si aan dhib lahayn ayeey baaritaanka u sameeyeen, waxaana ay nagu yiraahdeen naga raali noqda inta yare e aan waqtiga idiin ka luminay, mana jirin handadaan ama dhibaato dadka kale xitaa loo geysanaayo” Dhanka kale xeebta liido waxaa laga mamnuucay in gaadiidka iyo hubka lala galo, waxaana dhanka kale badda ku daadsan doomo badan oo ay lahaayeen ciidamada Mariiniska Soomaaliya, waxaana shacabka loo diidaayay inay meel dheer aadaan, waxaana dhanka kale ay soo qadayeen dhalinyarada meelaha dheer dabaasha ku aaday. Amaanka magaalada Muqdisho waxaa hadda laga dareemayaa Isbedal aan caadi ahayn, waxaana ciidamada dowladda ay lasoo baxeen wejiyo cusub oo soo dhaweyn ah, waxaana u riyaaqay shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in Maamulka Gobolka uu wado Qorshe Amaanka Caasimada lagu Xaqiijinayo islamarkaana uu ka mid yahay in Ciidamada Milatariga Soomaaliya aysan Hub la soo gali karin Magaalada,waa hadii aysan xiligaa Shaqo ku jirin. Gudoomiye Muungaab ayaa waxaa sidoo kale uu sheegay in Hay’asaha Amaanka Qaabilsan ee gaarkan loo leeyahay uu Maamulka Gobolka la Xisaabtami doono,oo aan loo ogalaan doonin in ay qaataan Hub aan Sharciyeesneeyn.
  6. “Nicolas key degnaan iyo nabad ayaa ka jirta gobolka Banaadir” +SAWIRRO “Nicolas key degnaan iyo nabad ayaa ka jirta gobolka Banaadir” +SAWIRRO Published on June 25, 2014 by Feysal Muse · No Comments · 2,022 views Guddoomiyaha G/banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Jeneral Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa maanta qado sharaf ugu Sameeyey Maqaayada Liid Sea Food ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Mr:Nicolas key kaas oo ay wehlinayeen Masuulyiin kale. Xafladdan qadada ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay Odoyaal dhaqameed, Siyaasiyiin, ganacsato iyo bulshada rayidka ah kaas ay Ujeedadeedu aheyd in ay Bulshada Soomaaliyeed loo cadeeyey in Muqdisho ay nabad ka jirto. munaasabaddii qadada aheyd markii soo idlaatay ayaa waxaa Socod lug ah lagu soo maray degmoooyinka C/casiis iyo kaaraan kuwaas oo ay sahcab sita caleemmo qoyan ay taagnaayeen Laamiga hareerihiisa, iyagoo ku dhawaaqayey erayo ay kamid yihiin Nicolas key soo dhawoow, Muungaab Guul iyo erayo kale. Intii Socodka lagu Jiray ayaa waxaa guddoomiye Muungaab iyo Nicolas key ay kasoo dukaameysteen carwoomiyin Ku yaalla suuqa degmada kaaraan iyagoona ka mahad celiyey sida wacan oo loo soo dhaweeeyey iyo sida ay bulshada reer kaaaraan ay isugu xiran yihiin. Ugu dambeyntii ayaa waxaa socdaalkii lagu so gabagabeeyey si nabad ah wuxuuna Guddoomiyaha Gobolka BulshadaSoomaaliyeed uga Baaqay in laga faa’iideyto Bisha Ramaadan, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay is caawiyaan, gaar ahaan dadka liita.
  7. Welcome to more obstacle's and problems the federal system has brought to Somalia,
  8. Munaasabad lagu taageerayay waxqabadka Maamulka Gobolka Benaadir oo lagu qabtay Garoowe “SAWIRRO” Published on June 24, 2014 by Mohamed White-ka · No Comments · 177 views Munaasabad lagu qabtay xarunta goobolka Nugaal ee magaalada Garoowe ayaa lagu soo dhaweynayey wax qabadka maamulka gobolka Benaadir ee uu ka wado magaalada Muqdisho, wax qabadkaas oo uu ka midyahay burburinta dhismayaasha sharci darrada ah iyo soo celinta hanti la kala haystay, Munaasabadda waxaa ka qeybgalay maamulka degmada, kan gobolka Nugaal, iyo sidoo kale dad ganacsiyo kala duwan ku lahaa magaalada Muqdisho, kuwaas oo amaan usoo jeediyey guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duwa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab. Dadkii halkaas ka hadlay waxaa kamid ahaa Yuusuf Jaamac Degel islamarkaana ah mulkiilaha iska la leh Hotel Ex-Degel oo ku yaallay KM 4 ee magaalada Muqdisho. Yuusuf ayaa sheegay in maamulka gobolka Benaadir uu qaaday tallaabo ay caddaaladi ku dheehantahay, islamarkaana ay ku faraxsanyihiin horumarka ka socda magaalada Muqdisho, isagoo ku dhiiri geliyay Mas’uuliyiinta Maamulka inay sii labo jibaaraan howlaha ay ugu adeegayaan bulshada. Dhammaan dadkii munaasabaddaas ka hadlay ayaa isku raacay in maamulka gobolka Benaadir uu muujiyey caddaalad iyo horumar, taasoo keenikarta in ay dib isugu soo laabtaan bulsho weyntii Soomaaliyeed ee ku kala carartay dagaaladii ahliga ahaa ee dalka ka dhacay.
  9. Every clan feels confidant they can bully this Gov by declaring to withdrawing their Support calling MP and Minister to quit their job if the gov will not support their state ? Case in point we seen in it in Puntland/Jubba Admin were the gov is forced to accept their demand or else ties are cut . HAG and the other clans who live in L Shabelle and middle shabbelle have formed state called Shabelle state and are confidant with admin. The Water Melons tribe and H.G have reconciled under the banner of Shabelle state further meeting and reconciliation will be Held in Afgooy the two side have accepted peace . Shabelle State will bring sustainable stability. <cite> @Che -Guevara said:</cite> Peace Action, I am not opposed to federalism per se. What I oppose is loose federation with little central government powers. I wholly agree Somalis in every region should be able to take care of local issues but their powers should not undermine the central government. Somalistar. Why is the Minister contradicting his President? Cadale. Everyone is armed to the teeth. Small tribes are no longer easily bullied.
  10. BOGA HORE WARARKASOMALI NEWS UPDATEARIMAHA BULSHADACIYAARAHAMAQAALORADIO ALLDHACDO Max’ed Cabdi Afey ma wakiil IGAD baa mise waa wakiil beeleed Somali ah? Jun 24, 2014 - 2 Jawaabood Maxamed Cabdi Afey oo IGAD sheegtay inuu wakiil uga yahay Soomaaliya ayaa noqday Wakiil Beeleed ku hadla afka Kooxda Raaskaanbooniyiinta ee haysta magaalada Kismaayo. Maxamed Cabdi Afey oo difaacaya ninka ay isku beesha yihiin ee Hogaamiya Jabhada Kaanbooniyiinta ayaa shalay sheegay in loo aqoonsanayo Shabaab cidii kasoo horjeesata Heshiis uu ku sheegay in lagu heshiisiiyey labo Kooxood oo isku heysatay Maamulka Koonfur Galbeed. Heshiiska uu sheegay Maxamed Cabdi Afey oo sheega inuu IGAD Matalo ayaa ah mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin, kadib markii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Madoobe Nuunoow iyo Ku xigeenkiisa Maxamud Sayid Aden ay sheegeen inaysan heshiiskaa waxba ka ogeyn. Maxamed Cabdi Afey magacaabistiisa ayaa noqotay mid sii murjisay dhibaatadii iyo dagaaladii ka jiray dalka Soomaaliya. Maxamed Cabdi Afey oo ka soo jeeda Soomaalida Kenya gaar ahaan Beesha OG ayaa noqday mid baasiin kusii shuba dagaalada Beelaha ee ka socda Gobolada Soomaaliya. Handadaada Maxamed Afey oo uu isticmaalaayo Magaca IGAD ayaan ahayn mid ku cusub Soomaaliya oo wax ka bedelaysa xaalada Taagan. Heshiiska Maxamed Cabdi Afey ayaa ah mid la mid ah Ruwaayadii maalin dhoweyd Kismaayo kusoo dhigeen Raisul Wasaare Cabdi Weli iyo Maxamed Cabdi Afey oo ay ku sheegeen inay soo heshiisiiyeen Kooxda Axmad Madoobe iyo Kooxda Col. Barre Hiiraale, Riwaayadaas oo Col Bare si Cad idaacadaha uga sheegay inaanay waxba ka jirin, Hanjabaadii Maxamed Cabdi Afeyna ay noqotay mid ku eg idaacadaha iyo afka Baarkiisa. Riwaayada Ra’iisul Wasaare Cabdi Wali iyo Wakiil ku sheega IGAD Maxamed Cabdi Afey ayaa dagaalo ka dhex dhalisay Beesha MX iyo sidoo kale Kooxdii ku wada socotay Magaca Beesha Kablalax iyo OG . Dagaalo culus oo dhowaan ka dhacay Kismaayo una dhaxeeyay Kooxda Kaanbooniyiinta iyo Beesha Harti ayaa la shegayaa in Beesha Harti Daarood looga soo saaray magaalada Kismaayo. Isku soo wada duube Maxamed Cabdi Afey oo ku hadla Magaca Kooxda Kaanbooniyiinta ayaa noqday mid ceebeeyay Magaca IGAD iyo dhamaan wadamada ku bahoobay, Baarlamaanka iyo waxgaradka Soomaaliya ayaa canbaareeyay qaabka foosha xun oo loo isticmaalayo Magaca IGAD. ISHA:- CAASIMADA ONLINE
  11. XOG:- Soomaaliya oo cagaha lasii galaysa dagaalo sokeeye & caalamka oo holcinaaya Dalka Soomaaliya oo colaad ay ka jirtay in ka badan 23-sano ayaa hadda faraha lasii galaaya dagaalo sokeeye oo laga yaabo in dhibaatooyin cusub horseed u noqoto. Shalay caalamka iyo DF waxay aqoonsadeen maamulka K/galbeed, waxaana maamulkaan uu maamuli doonaa sedax gobal oo Shabeelaha Hoose ka mid tahay. Siyaasiin, xildhibaano, wasiiro,Odayaal dhaqameed kasoo jeeda gobalka Shabeelaha Hoose ayaa si cad u sheegay in ay dagaal ka xigaan hadii maamulka K/galbeed kusoo xadgudbo Shabeelaha Hoose. Hadda iyo dhibaato ayaa dalkii kusoo wajahan, waxaana sidoo kale jira in Madoobe Nuunoow iyo rag kale oo ay ka mid yihiin Aadan Madoobe ay doonayaan in xoog ay ku maamulaan Lix gobal. Dhanka kale Shabelle State iyo DF ayaa hadda isku soo baxay dhanka ciyaarta siyaasadda, waxaana DF ay soo aragtay K/galbeed, Lix iyo Sedax gobal iyo Jubba State. Laakiinse hadii ay Labadaan Maamul ay meel soo saartay, mid walbana la siiyay wax uu ku qanacsanyahay, waxaana jirin weji cusub oo lagu qanciyo maamulka Shabelle State oo hadda xidideestay.
  12. XOG:- Soomaaliya oo cagaha lasii galaysa dagaalo sokeeye & caalamka oo holcinaaya Dalka Soomaaliya oo colaad ay ka jirtay in ka badan 23-sano ayaa hadda faraha lasii galaaya dagaalo sokeeye oo laga yaabo in dhibaatooyin cusub horseed u noqoto. Shalay caalamka iyo DF waxay aqoonsadeen maamulka K/galbeed, waxaana maamulkaan uu maamuli doonaa sedax gobal oo Shabeelaha Hoose ka mid tahay. Siyaasiin, xildhibaano, wasiiro,Odayaal dhaqameed kasoo jeeda gobalka Shabeelaha Hoose ayaa si cad u sheegay in ay dagaal ka xigaan hadii maamulka K/galbeed kusoo xadgudbo Shabeelaha Hoose. Hadda iyo dhibaato ayaa dalkii kusoo wajahan, waxaana sidoo kale jira in Madoobe Nuunoow iyo rag kale oo ay ka mid yihiin Aadan Madoobe ay doonayaan in xoog ay ku maamulaan Lix gobal. Dhanka kale Shabelle State iyo DF ayaa hadda isku soo baxay dhanka ciyaarta siyaasadda, waxaana DF ay soo aragtay K/galbeed, Lix iyo Sedax gobal iyo Jubba State. Laakiinse hadii ay Labadaan Maamul ay meel soo saartay, mid walbana la siiyay wax uu ku qanacsanyahay, waxaana jirin weji cusub oo lagu qanciyo maamulka Shabelle State oo hadda xidideestay.
  13. DHAGEYSO:- Madaxweynaha Maamulka Shabelle State oo ka hor yimid aqoonsiga dowladda ay siisay maamulka 3-da gobal ee Koonfur Galbeed Jun 24, 2014 - 1 Jawaab Madaxweynaha maamulka Shabeele State Abuukar Cabdi Cismaan “Mardaadi” oo la hadlay SAADAAL MEDIA ayaa ka hadlay aqoonsiga dowlada Soomaaliya ay dhalay aqoonsatay maamulka KMG ee koofur galbeed Soomaaliya. Madaxweyne Mardaadi ayaa aqoonsigaasi ku tilmaamay xad gudub lagu sameeyay maamulka Shabeele State oo sheegta inay ka taliyaan gobolada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe. Wuxuu sheegay madaxweynaha in arintaasi ay ka dambeeyay dad wata daro gaar ah, sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna cadeeyay inaysan aqbaleynin natiijada ku saleysan aqoonsigaasi. Abuukar Cabdi Cismaan Mardaadi, ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Soomaaliya iyo caalamka marka laga soot ago ay aqoonsi ka rabaan shacabka ku dhaqan deegaanada gobolka Shabeelaha Hoose. Mardaadi ayaa sheegay in shacabka Shabeelaha Hoose ay doorweyn ka qaateen dhismaha dowlada uu iminka madaxweynaha ka yahay Xasan Sheikh Maxamuud, iminkana sida uu sheegay la doonayo in la gumaado. Aqoonsigii dowlada Soomaaliya shalay ay siisay maamulka KMG ee Koofur Galbeed oo ka kooban dhinacyadii seddexda gobol oo lagu biiray lixda gobol ayaa keenay in dhinacyo badan ay ka horyimaadaan.
  14. TOP NEWS, DHAGEYSO:- Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya oo ka soo horjeestay aqoonsigii dowladu shalay siisay maamulka Sadaxda gobal ee Baydhabo looga dhawaaqay Jun 24, 2014 - jawaab Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdulaahi Goobax Bare ayaa ka soo horjeestay aqoonsigii dowladu shalay siisay maamulka Sadaxda gobal ee Baydhabo looga dhawaaqay. Wasiirka oo la hadlay BBC-da ayaa ku sheegay aqoonsigaasi inuu ahaa mid baadil ah oo lagu dag dagay haatana uu yahay mid waxba kama jiraan ahDEG DEG:- Wasiirka Arimaha Gudaha DF oo si cad uga soo horjeestay heshiiskii shalay ka dhacay Muqdisho ee maamulka K/galbeed Jun 24, 2014 - jawaab Post Views = 122 Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre oo goordhaw la hadlay Idaacada BBC-da ayaa kasoo horjeestay heshiiskii shalay lagu saxiixay Madaxtooyada Soomaaliya kaa oo lagu micneeyay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.. Cabdulaahi Goodax Barre ayaa sheegay in habkii loo maray Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee shalay Madaxda Dowlada aqoonsadeen uu yahay mid sharci daro ah , waxa uuna tilmaamay in Wasaaradiisa oo xaq u leh arimaha Maamul u sameynta aan lagala tashan. Wasiirka ayaa xusay in xiligan aysan habooneyn in Dowladu aqoonsato maamul Goboleed uu muran ka taagan yahay , waxa uuna tilmaamay in Maamulkii Jubba uu dood ka taagnaa hadana la aqoonsaday mid kale oo farqaha la heesto. ‘’ Waad ogtahay in Maamulkii Jubba dhib badan laga maray oo la isku qabsaday , hadana midkan ood lasocotaa in dad badan kasoo horjeedaan oo la isku heesto in la aqoonsado waa nasiib daro’’ ayuu yiri Wasiirka Arimaha Gudaha. Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in shaqadiisa ay dad kale faraha la galeyn kuwaa uu kala jeeday Madaxda sare ee Dowlada, waxa uuna tilmaamay in shaqada Dowlada ay iska noqotay nin walboo iskaa wax u qabso . Hadalka Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa imaanaya xili Maalintii shalay Madaxtooyada Soomaaliya uu ka dhacay Heshiis la sheegay in ay ku midoobeen Maamuladii Baydhabo looga dhawaaqay iyadoona Maamulkaasi ay aqoonsadeen Sadaxda Masuul ee ugu sareysa Dalka.
  15. <cite> @Dr_Osman said:</cite> Ciidan Puntland is comin for you, Qaab Ciiidan Thats just godad and siinay. Forget about the tanks in bursalax, the airport, xero darawish and so many more in mudug. These boys are packing around 20 operational tanks, airforce, f350 mining vehicles so u cant lay down any IEDS, they got heavy trucks and BMS....The only way to address you ciidan is to address with qaab ciidan <cite> @Dr_Osman said:</cite> Ciidan we have upgraded our soviet gear to newer weapons, we have an active airforce with armed helicopters and war planes. We have F350 mine detector armoured vehicles. All our technicals are all new also. The point I was making was we have the old soviet gear in abudance and also newer weaponry plus extended capabilities in the sky. Stop being a xasid, Puntland is a powerful state and you know it. You will deal with 1000 technicals, 200 of which are bullet proof. Heavy armoured trucks, BMS, Tanks as our ground force supported by a capable airforce with armed helicopters and warplanes which is guided from the command center in QAW with satellite guiding systems. On top of that we got an effective coast guard to invade u thru Berbera, while deploying ground forces into burco and striking hargeisa from the sky with our airforce. You have to admit we got the best armed forces in the Nation? Somaliland only has what we have as far as old soviet gear and technicals and a few BMS but it lacks in all the other aspects like bullet proof technicals, the airforce, the F350 mining vehicles, etc. You are in denial if your denying the power of puntland, your just being argumentative I think Dr Osman stop the chase beating accept defeat ........ Puntaland is all talk no action .......
  16. Maamulka Puntland ayaa ku dhowaaqay markii ugu horaysay Inaysan diyaar u ahayn dagaal ay lagalaan maamulka somaliland, Sidoo kalana aysan haatan duulaan ahayn oo ay difaac xidheen. HALKAN KA DAAWO VIDEO C/wali Xirsi Indho-guran Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Maamulka Puntland, ayaa Saxaafada u sheegay in Puntland aysan Cidna Duulaan ku aheyn. Dhowaan ayaa deegaanka Tukaraq waxaa soo gaadhay Xubno ushaqeeya maamulka Puntland kana soo jeeda maamulka khaatumo, Kuwaasi oo halkaasi ka sheegay inay Puntland dagaal gelayso. Arintaan ayaa Waxay u quus gooynaysaa Xubnaha Kasoo jeeda deeganada Khatumo ee Ku jira maamulkaasi ama Taageersanaa, kuwaasi oo ka filayey inay dagaal geli doonto Puntland.
  17. The Water Melons tribe and H.G have reconciled under the banner of Shabelle state further meeting and reconciliation will be Held in Afgooy the two side have accepted peace . Shabelle State will bring sustainable stability. Shabelle state are making significant Progress well done no more tribal conflict over nonsense sustainable stability will be reach by the two brotherly tribe H.G and the Watermelons .
  18. The Water Melons tribe and H.G have reconciled under the banner of Shabelle state further meeting and reconciliation will be Held in Afgooy the two side have accepted peace . Shabelle State will bring sustainable stability.
  19. Wararka aan ka heleyno Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu aqoonsaday Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ka kooan Sadax Gobol oo kala ah Baay , Bakool iyo Sh/Hoose. Madaxweynaha ,R/Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si isku mid ah u aqoonsaday Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka kooban sadax Gobol, Aqoonsiga ay madaxda sare Dowlada aqoonsadeen ayaa dhalisay Khilaaf xoogan oo Dowlada dhaxdeeda ah, waxaana arintan si weyn uga soo horjeeda xubno katirsan Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya iyo Xildhibaanada Baarlamaanka. Wasiirada iyo Xildhibaanada kasoo horjeeda aqoonsiga Maamulka Koonfur Galbeed ee ka kooban sadaxda Gobol ayaa ku doodaya in aan wax la tashi ah lagala sameyn Wasiirada iyo Xildhibaanada kasoo jeeda Deegaanadaasi, waxa ayna tilmaameen in dadka dagan Gobolka Sh/Hoose aysan waxba kala socon Qorshaha Maamulka Sadaxda Gobol. Waxaa sidoo kale arintan si weyn uga soo horjeeda Shirqoolna ku tilmaamay Xildhibaanada kasoo jeeda Beesha Hawiye oo ku eedeeyay Madaxda Dowlada Soomaaliya in ay abuurayaan colaad hor leh iyo in la kala fogaado. Maamulka Shabelle State ayaa dhankooda si weyn uga soo horjeeda qorshaha Dowlada Soomaaliya ay ku aqoonsatay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya , waxa ayna ku eedeeyeen in arintaasi uu ka dambeeyo R/Wasaaraha Soomaalya.
  20. Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Cabduqadiir Siidii oo qabiil ahaan u dhashay beesha Dig*+l and Mir**fl supports Shabbelle State Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir siidii ayaa kulan xaadir ku ahaa waxayna ku heshiiyeen in la mideeyo labadaasi Gobol.
  21. Diyaarad ka timid YURUB oo soo caga-dhigatay XAMAR+SAWIRO Jun 22, 2014 - Ka Dhiibo Fikirkaaga Diyaarad laga leeyahay Wadanka Gariiga oo si toos ah uga soo kicitintay magaalada Stockholm Wadanka Sweden ayaa maanta markii ugu horeysay waxa ay soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Mqudisho. Diyaaradan oo magaceeda uu yahay SKYGREECE ayaa waxa ay bilaabeysaa duulimaadyo toos oo isku xiri doono Soomaaliya iyo Yurub, iyadoo si gaar ah ay socdaal ku tegi doonto wadamada Greece,Britain, Sweden iyo Soomaaliya, waxaana iska kaashaday ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwa ka soo jeeda dalka Greece, taasi oo u jeedkuyahay in Jaaliyadaha Soomaaliyeed laga haqab tiro duulimaadyada ay ku doonayaan inay ku socdaalaan Soomaaliya iyo dunida inteeda kale. Munaasabad xarigga looga Jarayay duulimaadyadan cusub ayaa waxaa ka qeb galay Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, saraakiisha hay’adaha amniga iyo Madaxda diyaaradda cusub. mid ka mid ah Saraakiisha Diyaaraddan SKYGREECE oo saxaafadda kula hadlay gudaha garoonka ayaa sheegay in diyaaraddan ay isaga kala gooshi doonto Caasimadaha London oo Ingiriiska ah, Athens oo Gariiga ah, Stockholm oo ah Caasimadda Sweden iyo Caasimadda Muqdisho ee Soomaaliya. Waa horumar la taaban karo oo dalkeena kusoo kordhay in la helo duulimaadyo caalami ah oo ka howl bilaaba dalka waxaana diyaaradda SKYGREECE ee dalka maanta ka howl bilowday ka horeeyay diyaaradda Turkish Airline oo isku xirta magaalada Muqdisho iyo qaar ka tirsan Wadamada Yurub. Straight flight to Europe Great achievement Mogadishu once again back to claim
  22. Gaalbeed Shabelle state is led by the majority of residents even the current governor of Lower Shabelle Cabduqadiir Siidii oo qabiil ahaan u dhashay beesha Dig*+l and Mir**fl supports it ... Waxgarad, Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda Gobolada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe ayaa maanta Kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho waxayna ka wada hadleyn Arrimo badan oo la xiriira sidii loo mideyn lahaa labadaasi Gobal, Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir siidii ayaa kulan xaadir ku ahaa waxayna ku heshiiyeen in la mideeyo labadaasi Gobol. Xildhibaan daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Mudanyaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbaahinta la hadlay waxa uuna ka warbixiyay waxyaabihii kulanka ka soo baxay iyo Heshiiska lagu Mideynaayo labada Gobol oo ay isku af garteen Labada Gudoomiye. Kulan lagu mideynaayo Gobolada Sh/Hoose iyo Sh ... - Risaala.net www.risaala.net/view.php?id=18537 Only The mayor of Mark was the spoiler and continues to be trouble maker ... Dhagayso:- Gudoomiyaha Marka oo ku Gacan sayray Shirka Afgooye ee Maamul samaynta Labada shabeele. Mar 9, 2014 - Comments off Mar 9, 2014 @ 5:22 Gudoomiyaha Degmada marka gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Yariisoow ayaa sheegay in aanay ku qanacsaneyn shir lagaga dhawaaqay magaalada Afgooye ee gobolkaas kaas oo ay isugu yimaadeen odayaal iyo waxgarad badan oo ka kala tirsan labada gobol waa shabeelaha hoose iyo shabeelaha dhexe. Waxa u sheegay gudoomiyaha in shirkaasi u yahay mid aan loo baahneyn xiligan hadiise la sameynayo maamul goboleed laba gobol ah ay tahay in shacabka gobolka la weydiiyo donitaankooda . Maanta ayaa waxaa laga furay magaalada Afgooye shir weyne ku ku aadan Maamul u sameynta labada gobol ee kala ah Shabeelaha hoose iyo Shabeelaha dhexe, waxaana ka qeyb galaya odayaal iyo wax;
  23. Galbeed With all respect lower Shabbelle is also home to a large HAG community , The water mall are not the only settlers in the region and sure not the largest . There other communities living in peace with each other . Where did Water melons import the policy to expelle and kill HAG residents and business people , What are they fighting for they have been giving and granted the leadership of the region ? Amiin Amiin calacal will not grant them entire region sxb.... Gaalbeedi 1-As we are all aware, the Lower Shabelle conflicts started in small towns and farms close to number 50 town. Some Hag members have been killed in some area. earlier conflict at the end of last year and the beginning of this year was skirmishes and killings among some border districts in number 50 and Janaale. When I asked a friend of mine who is Hag, he says that the Water maal murdered innocent people inside their farms in order to expel the H.G community. tell us who is land grabbing and being aggressive you your self admit the water mall clans have initiated this conflict by killin H.G farmers and residents ....? The opposing militias have all defected from Somali arm force
  24. DHAGEYSO: jHowlgallo lagu furayo waddooyinka gala Buulo-burde oo ka billowday degmadaasi kadib markii Alshabaab… Jun 22, 2014 - jawaab Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobalka Hiiraan ayaa sheegay inuu billowday howlgal lagu furayo waddooyinka gala degmada Buulo-burde oo ay ALshabaab go’doomiyeen. Col. Cabdullaahi Cilmi Barre oo ah abaanduulaha ciidamada Buulo-burde ayaa sheegay in howlgalkani ay billaabeen kadib amar ka soo baxay dowladda Soomaaliya. Dhowaan shacabka ku dhaqan degmada Buulo-burde ayaa ka cabanayay maciishadda oo sare u kacday kadib markii waddooyinkii ay xireen Alshabaab. Halkan ka dhageyso:
  25. Rag ka mid ah Al-shabaab oo si aan la arag loogu laayay degmada Ceel-buur (XOG DAGAAL) Jun 22, 2014 - jawaab Post Views = 333 Saraakiisha Dowladda Federaalka ee Degmada Ceelbuur Gobalka Galgaduud ayaa sheegay inay dileen xalay saddex ka tirsan ciidamada Ururka Al-Shabaab oo dagaal kusoo qaaday Saldhiga Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Degmadaasi Ceelbuur. Axmed Kaariye Caraale oo ah Taliyaha Ciidamada Dowladda ee Degmada Ceelbuur oo la hadlay Idaacada Barkulan, ayaa sheegay in raga Shabaabka ka tirsan ay soo weerareen Saldhiga Degmada, balse khasaaro culus ay gaarsiiyeen. Wuxuu intaasi raaciyay Taliyaha in Shabaabkii hubaysnaa sidoo kale ay la carareen dhaawacyo, markii looga itaal roonaaday Dagaalka ay kusoo qaadeen Saldhiga, saddex Dagaalamayaashaasi ka tirsana la dilay. Taliyaha ciidamada Dowladda ee Degmada Ceelbuur ayaa intaasi raaciyay inay hayaan saddexda askari meydkooda ee Shabaabka ay ka dileen, isaga oo warkiisa sii daba dhigay in dhankooda wax khasaaro ah uusan dagaalkaasi kasoo gaarin. Axmed Kaariye Caraale oo ah Taliyaha Ciidamada Dowladda ee Degmada Ceelbuur ayaa tibaaxay inay hub ka furteen Al-Shabaabka soo weeraray Degmada Ceelbuur, inkastoo aanu sheegin tirada hubka ay Shabaab ka furteen. Saraakiisha Al-Shabaab ee Degmada Ceelbuur wax war ah kama soo bixin oo ku aadan Dagaalka xalay ka dhacay Degmada Ceelbuur ee Saraakiisha Dowladda ay sheegeen inay ku dileen askar Shabaab ka tirsan.