malistar2012

Nomad
  • Content Count

    2,754
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by malistar2012

  1. Move the capital to Baidoa make Maay Maay second language I welcome that ........ Puntland is too dangerous Alshabaab have carried out successful missions killing Intellectuals sheikhs - Generals - Government workers and etc .....lol Mogadishu will be more stable And Rich it's time to move the capital To neutral ground .........
  2. We'll done this is significant success and long term stability and also economic progress
  3. DF oo midaynaysa Galmudug iyo G/gudud 26 Jul 26, 2014 - 3:01:36 AM Ra'iisul wasaraha DF Cabdiwali Shiikh Axmed oo la hadlayay warbaahintooda ayaa ka hadlay dhismaha mamul la doonayo in loo sameeyo gobaladda Galmudug iyo Galgaduud,xaalada ammaan ee Muqdisho iyo halka uu marayo wada hadalka DF & Somaliland. Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa sheegay inay socota dhismaha mamul KMG ah oo laga hirgalinayo Galgaduud iyo Galmudug si loo helo mamul dhamaystiran oo ka mid noqda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya isla markasna laga baxo marxaladda hadda ay gobalada qaarkood ku jiraan. ''Waxaa hadda socda Qorshe la iskugu darayo Mudug iyo Galgaduud,waa qaybta Koonfurta Mudug ma ahan dhanka Pntland waxa socda wadalo meel wanagsan marayo oo mamul KMG ah loogu sameeyo si looga gudbo in mamul dhameystiran''. Wasiirka koowaad ee DF ayaa sheegay in guddi wasiiro ah oo saaray midaynta Galmudug iyo Galgaduud iyadoona kooxdaasi madax looga dhigay wasiirka arrimaha gudaha Cabdilaahi Goodax Barre. Rajo wanagsan ayuu sidoo kale Cabdiwali Shiikh Axmed ka muujiyay dhismaha mamulka Koonfur galbeed oo hadda lagu heshiiyay in saddex laga dhigo inkastoo ay jiraan dhinacyo kale oo kasoo horjeeda balse masuulkan ayaa iftiimiyay in waxkasta oo mamulkan KMG ah ka hor imaan kara lagu dhamaynayo qaab wada hadal iyo is-dhagaysi. ''Mar dhow waxaan rajaynayaa sharciga federaalaynta inay Barlamaanku noo meelmariyay,waxaan dhisaynaa guddiga madaxa banaan ee federalaynta,waxana u gudbi doonaa sidii uu guddigaasi u howlgali lahaa'' Tayeynta ciidanka ayuu sheegay inay ku howlan yihiin si ay u hantaan ammaanka magalada Muqdisho oo waayadii danbe falal ammaanka kasoo horjeeda ay ka fuliyeen kooxda Alshabab ee xiriirka la leh Alqaacida. Cabdiwali Shiikh Axmed oo arrimo badan oo xaalada wadanka ah laga waraystay ayaa waxaa laga waydiiyay halka uu marayo wada hadalkii la dhaxeeyay mamulka Somaliland wuxuna sheegay inay meel wanagsan u marayo dibna ay u bilaabi doonaan wada hadalka si xa loo gaaro. Dhowaan ayay ahayd kolkii wasiirka arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis uu warbaahinta ka sheegay wada hadalkii socday inuu ka dhaqaaqi waayay dhanka DF ayna tahay masuuliyad daro muuqata.
  4. Sarkaal ka tirsan Wafdiga oo ka hadlay ujeedka safarkooda ayaa sheegay in socdaalkoodu uu kusoo dhamaaday natiijo fiican, ayna dowladda Federaalka ka filayaan inay jawaab cad ka bixiso dilka Marxuumad Saado Cali Warsame. Puntland admin are satisfied Mooge and Kennedy are you guys with enemy why ? Why boost Alshaabab morality by advocating hate separation between Somali people and regions? How come no one targets Puntland business mans and employees ? This is war between SFG and Alshaabab don't spin the facts. How many HAG have died in the Hands of Alshaabaab ? These MP's have sacrificed their life for Somalia they are National heroes and icons ...........
  5. Wafdigii Puntland ee Muqdisho oo sheegay inay DF ka filayaan natiijiyo jawaab cad dilkii Saado, una duulay Garoowe(SAWIRO) Jul 26, 2014 - jawaab Wafdigii ballaarnaa ee ka socday dolwad goboleedka Puntland u dirtay inay wax ka soo ogaadaan dilkii Fanaanaddii Qaranka Saado Cali Warsame loogu geystay magaalada Muqdisho taasoo sidoo kale kamid ahayd baarlamaanka Soomaaliya. Ujeedka socdaalkani oo ahaa mid ay ugu kuur-galayeen sababta rasmiga ah ee Saado Cali Muqdisho loogu dilay maadaama ay tahay xildhibaanad Puntland ah. Diyaarad gaara ayaa Wafdiga kasoo qaaday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho,waxaana saacadaha soo socda ay gaarayaan Garoowe, hadduu EEBE raali ka noqdo. Sarkaal ka tirsan Wafdiga oo ka hadlay ujeedka safarkooda ayaa sheegay in socdaalkoodu uu kusoo dhamaaday natiijo fiican, ayna dowladda Federaalka ka filayaan inay jawaab cad ka bixiso dilka Marxuumad Saado Cali Warsame.
  6. <cite> @Barwaaqo said:</cite> Khibradu ma waxay noqotay sida loo daadiyo dhiiga reer Somaliland. Waaw, soo doonta shaqooyinka ugu sareeya xukuumadda hadaad khibrad u leedahay jid- dilka iyo xasuuqa dadka Somalidda. Somaliland was made and build sustained by members of Siyad barre regime That's why it has been stable for decades lets not fool each other From the opposition to the gov to the Army are leaders from Siyad barre regime ? Man like Dahir riyal a former ruthless NSS officer had the pleasure to be the Prsident of Somaliland ? Faisal Ali waarab loyal officer Warabe was an informer who collaborated with the regime during 1980 is head of the largest opposition party in Somaliland . Maxamed Cabdillaahi Cirro now Speaker of the Parliament of Somalialand ? In 1991, he was re-appointed as Somalia's acting Ambassador to the Soviet Union ? NSS officer in 1980:s, responsible for interrogating and torturing innocent people loyal member until 1991 The list goes on ..............
  7. Puntland has out played Hargeysa by labeling them terrorist now the IC have closed all doors DAAWO: Faysal Waraabe oo Hargeisa ku Noqday “Waxaan soo arkay Inaynu nahay Argagixiso & shabaab go’doon ah (Video) Jul 21, 2014 - 54 Aragtiyood Hargeisa (Kalshaale) Waxaa magaalada hargeisa dib ugu soo laabtay gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee uciday Faysal cali waraabe kaasi oo mudo bil ah ka maqnaa. Faysal waraabe ayaa warbaahinta la hadlay ayaa dabooolka ka qaaday xaqiiqda dhabta ah ee uu soo arkay iyo beenta ay usheegayaan Bulshada ku dhaqan Burco iyo Hargeisa. “Waxaan Soo ogaaday inaynu aasan nahay, oo aynu aduunka ka go’anahay, aynu noqonay meel ay ka buuxaan Argagixis iyo Al-shabaab, dhulkeenana la qaybiyey” ayuu yidhi.
  8. What I don't get is why is he attacking The Ambassador and Somalia ? He should have not accepted the interview since he claims not to be part of Somalia ? Somalia is dead - it's finished lol , And so on will not bring recognition someone tell this sor looser Samater . God bless the strong people of Somalia Somalia never dies kkkkkk
  9. you are second class citizen in the north while you are first class citizen in mogadishu . Prof Samatar has lost his reputation among Somalis, and now he is losing it again internationally. Two years ago, he was competing to be the president of Somalia, and after he lost, he could not take it. Its really shame to such personality to not be able to take a lost , you are second class citizen in the north while you are first class citizen in mogadishu .
  10. Col Tuur Yare qofkii shabaabnimadiisa cadaato ma nagu daahayo waa dil toogasho ah DAAWO VIDEO:- Dhagar Qabayaashii Dilay Nafisa Oo Xukun Dil Ah Lagu Fuliyay Published on July 15, 2014 by Feysal Muse · 10 Comments · 2,338 views Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka toogatay labo gacan ku dhiigle oo ka dambeeyay dilkii loo geystay Nafisa Cismaan Salaad oo eheyd gabar arday ah. Labada gacan ku dhiigle ayaa lagu toogtay barxadda iskool boliisiya ee Magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay hore maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida dil toogasho ugu xukuntay. Goobta lagu toogtay labada gacan ku dhiigle ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yaroow oo ku dhawaaqay in la toogtay Xasan Maxamed Cabdi (Salmaan) iyo Shaafici Cabdi Xersi (Shaataa) oo ay ku cadaatay iney ka dambeeyeen dilkii Allaha u naxariistee Nafisa Cismaan. Raggan oo Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ay horay u xukuntay, ayaa Racfaan ka qaatay xukunkaasi, waxaana markale xukuntay Maxkamadda Sare ee ciidamada Qalabka sida oo ku raacday Xukunkii Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidanka, kaasi oo ahaa xukun dil toogasho ah. http://allkalshaale.com/daawo-video-dilka-lagu-fuliyey-dhagar-qabayaashii-diley-nafisa/
  11. Congrats to our first ambassador to America in 25 years cumar cabdirashiid sharmarke well educated man studied and worked in United State . This is a significant step towards political stability now that the Somali Gov are accepted around the world and are supported by supper Powers like USA - China and etc . More news on Somalia connecting with world again in decades ....... Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Dhiggiisa Spain Kula Kulmay Madrid ,Kana Wada Hadlay Xiriirka Iyo Arrimaha Ammaanka Jul 15, 2014 - jawaab Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa shalay kula kulmay Magaalada Madrid ee caasimadda dalka Spain dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga H.E. José Manuel García-Margallo oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal . Kulanka labada Wasiir oo looga hadlay arrimo muhiim u ah danaha wadaagga ah ee labada dal , ayaa waxaa ka mid ahaa taageeridda hey’adaha kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya , iskaashi dhinacyo badan oo labada dowladood ay sameeyaan iyo la dagaalanka argagaxisada. Mudada uu kulanka socday , labada Wasiir Arrima Dibadeed , waxa ay is dhaafsadeen aragtiyadooda ku aadan xaaladaha iyo isbadalada Soomaaliya , gobolka iyo caalamka . Dhinaca kale , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Mr. Alberto Virella oo ah Agaasimaha Africa, Asia iyo Yurubta galbeed ee Wakaaladda Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowladda Spain (AECID) oo ay ka wada hadleen fulinta mashaariic horumarin, la dagaalanka saboolnimada iyo dejinta siyaasad cusub oo diiradda lagu saarayo horumarinta iyo wax wadaagga labada dal . Wasiir Abdirahman D. Beileh , waxa uu sidoo kale kaga qeybgalay Magaalada Madrid kulan dood wadaag ah oo su’aalo lagu weydiiayay , kaasoo ay qaban-qaabisay Xarunta Cilmi baarista Spain ee Think Tank . Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa xoojisay siyaasadeeda dibadda, iyadoo sidoo kale balaarisay xiriirka kala duwan ee kala dhaxeeya dowladaha , Urur goboleedyada iyo kuwa caalamiga , si indhaha caalamka ay u arkaan hanaanka qurxoon ee isbadalada ammaan iyo hiigsiga barwaaqo ee shacabka Soomaaliyeed ay naawilayaan , taasoo kordhisay in dowladaha iyo ururada caalamiga ay dib uga furtaan Safaarado iyo Xafiisyo Caasimadda dalka ee Muqdisho.
  12. faysal waraabe puntland baa naga horaysa nagana diblamaasi badan no Recognition ictiraaf raadintii-way baabaday Reality check
  13. Most of the opposition have join the Gov the heavy weight candidates to watch for are The former TFG President Sharif Sheikh Ahmed and Federal Republic of Somalia President Hassan Sheikh Mohamud.
  14. Former Somali PM named new Ambassador to US 209 4 Google +0 0 Ambassador Omar Abdirashid A. Sharmarke, new Somali Ambassador to the United States Hiiraan Online Friday, July 11, 2014 Mogadishu (HOL) - The Federal Government of Somalia has named former Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmake as the new Somali Ambassador to the United States of America. The U.S government welcomed his appointment. The newly appointed Ambassador met with the State Department officials today in Washington and is scheduled to meet with the President Barack Obama at the White House on Monday. The Ambassador will be accompanied to the credentialing ceremony by his wife and children. This is the first time in 25 years that the Somali government has officially named an Ambassador to America and this coincides with the recent American government announcement that they will also appoint an Ambassador to Somalia soon. The future American ambassador to Somalia will be based in the capital Mogadishu, and the appointment of both ambassadors is a symbolic of the growing and strengthening ties between the two nations. It must be highlighted that the United States was the first western government to fully recognize the legitimacy of the current federal government of Somalia. Although the Somali government has not officially and publicly issued an official statement about the appointment, HOL was the first news organization to be notified by a condifidential source. The appointment of the first officially recognized Somali ambassador to the US comes a month before the President’s official visit to Washington to participate in the US-Africa Leaders Summit in August. Ambassador Sharmake is the son of Somalia's second president and first prime minister of the Somali Republic. The new Ambassador served as Prime Minister of Somalia in the last transitional federal government and stepped down that time amid conflict between him and the then President Sheikh Sharif Ahmed. HOL English News Desk
  15. Sida aan Wararka ku heleyno Ciidamada Sirdoonka Dowlada Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay Imaamkii Masjidka Madaxtooyada Soomaaliya kadib weerarkii lagu qaaday habeeno kahor Xarunta Madaxtooyada. Sheekh Muxudiin Xasan (Bustoolad Wayne) oo ahaa Imaamkii Masaajidka Madaxtooyada ayaa xabsiga la dhigay kadib markii Weerar uu gacan weyn ku lahaa Wiilkiisa lagu qaaday Xarunta Villa Soomaaliya. Imaamka Masjidka Madaxtooyada ayaa dhalay Xasan Muxudiin oo ahaa ninkii ka dambeeyay in ay gudaha u galaan Xarunta Madaxtooyada Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab kuwaa oo dagaal ku galay gudaha Madaxtooyada. Xasan Muxudiin oo naftiisa ka shaqeenayay Gudaha Madaxtooyada Soomaaliya wakiilna uga ahaa mid kamid ah Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka ,ninkan waxa uu si cad u qirtay inuu isagu fududeeyay weerarkii Madaxtooyada lagu qaaday. Ciidamada Sirdoonka Soomaaliya ayaa su’aalo weediinaya Imaamka Masjidka Madaxtooyada waxaana wax laga weediinayaa waxyaabaha uu kala socdo in wiilkiisa uu Al-Shabaab ahaa uuna ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya. Waxaa sidoo kale xiran Saraakiil iyo xubno kale oo iyagana wax laga weediinayo qaabkii uu u dhacay Weerarkii habeeno kahor lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com Muqdisho Somalia Allbanaadir@live.com
  16. <cite> @DoctorKenney said:</cite> Why is this man's head still on his shoulders? You know, there's a time to be brutal when it comes to punishment. And this is one of those times The Head of Security should immediately execute this man and fired those responsible for hiring him. Definitely he will be executed with out doubt seems like killing them is not stoping them , this man lost two brother they are ready to die I believe torture - labour for life they should be property of the state for life .
  17. SFG arrested the terrorist responsible for Vila Somalia attack and others How did they manage to hire man who's entire family are Alshabaab .Lost two brothers fighting along side Alshabaab also His sister is on active Alshaabab member his cousin high ranking Alshaabab leader ? DAAWO: Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay Alshabaabkii maleegay weerarkii madaxtooyada(XOG RASMI AH) Jul 10, 2014 - 1 Jawaab 8eedii bishaan oo ku beegan habeen hore waxay ahayd markii koox abaabulan oo Al-shabaab ka tirsan uuna hogaaminayay Horjooge Xasan ay isku dayeen inay gudaha Madaxtooyadda Soomaaliya ka fuliyaan weerar Argagaxisanimo waxaana weerarkaasi ay ku sheegteen inay doonayeen inay ku dilaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, C/wali Sheekh Axmed Maxamed laakin iyagoon gaarin hadafkoodii ayaa waxaa fashiliyay Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada oo lagu magacaabo Muqtaar kaas oo intii aysan gaarin bartilmaameedkoodii ka shakiyayhalkaana waxaa ka bilowday is rasaasayn sababtay in markiiba laga soo saaro halkii ay joogeen oo u dhaxaysay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Maaliyadda halka ay sida kmg ah u degantahay, Maleeshiyadan Al-Shabaab ka tirsan waxay gaarayeen 4,3ka mid ah waxay wateen dharka ciidanka waxayna ku hubaysnaayeen Qoryaha AK 47 iyo Bam Gacmeedyo. Halka kan 4 aadna uu ahaa horjooge iyo fududeeye, waxaana ninka 4-aad oo isagoo nool la qabtay uu ahaa shaqsi laga yaqaano Madaxtooyada iyo aageeda taas oo u fududaysay inuu awood u yeesho inuu ka gudbiyo baraha wax lagu hubiyo Maleeshiyaadka uu waday ee Al-Shabaab ka tirsanaa Kadibna waxa uu dhagar-qabahan geeyay 3da Maleeshiyaadka ah ee hubaysan meel aan ka fogayn Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda, Xasan waa Xubin muhiim u ahayd Kooxda Al-Shabaab waxaan maanta kula kulanay Xarunta Hogaanka Baarista ee Hay’adda Nabadsugidda Qaranka Waxaana Xasan uu daaha ka qaaday lugtii uu ku lahaa Weerarkii Madaxtoooyo ee habeen hore, Weerarkii kan ka horeeyay ee isna sidan oo kale Madaxtooyo lagu soo qaaday’ Weeraro Qaraxyo loo adeegsaday oo ka dhacay Hoteelada Makah Al-Mukarama, Oriental, iyo sidoo kale Weerarkii baarlamaanka. Xasan oo aan marnaba laga shakin waxa uu qirtay in ku dhawaad 2 sano uu dhagrayay Ummadda Soomaaliyeed, Isla markaana uu wax badan ka qorsheeyay weeraro dhiig badan ku daatay, waxaana uu u muuqdaa inuu ahaa Farsamayaqaan u carbisnaa sahminta meelaha ay Shabaab wax ka fulinayaan, waxa u dheerayd oo Xasan qirtay inuu sidoo kale marka ay wax dhacaan kadib uga warbixin jiray Al-Shabaab khasaaraha ka dhasha qaraxyadda ay gaystaan. Xasan oo ah Nin Dhalinyaro ah waxa uu si joogta sheegay inuu u siin jiray Al-Shabaab warbixinadda Madaxtooyadda Waxaana ka mida waxyaabaha uu sheegay inuu gudbin jiray Waqtiyadda Salaadaha lagu tukado Masaajidka Madaxtooyadda, meelaha ay dhigtaan Baabuurta Wasiiradda, Dhaq dhaqaaqa Wasiirka Gaashaandhiga, iyo arrimo kale oo muhiim ah. Xassan waxa uu ka soo jeedaa Qoys intooda badan ka mid noqday Kooxda Al-Shabaab, 2 ka mid ah walaalihiis waxay dhinteen iyagoo u dagaalamaya Al-Shabaab, Walaashiis ka yar Najmo waxay ka mid tahay Al-Shabaab, waxaana u dhaxa C/risaaq oo ah Horjooge ka tirsan Sirdoonka Al-Shabaab, isla markaana ah Shaqsiga uu ku xirnaa Xasan, Xasan waxa uu watay Gaari Noha ah waxaana gaarigaasi u gaday Kooxda Al-Shabaab iyagoo sidoo kale Bil walba siin jiray lacag dhan 200U$. Taasoo ahayd waxa uu ku badalanayay dhagarta uu u maleegayay Ummadda Soomaaliyeed, Waxaana Xasan hadda la xiran aabihii oo isna su’aalo laga waydiinayo waxa uu ka ogaa Ilmihiisu waxay qaban jireen, Xasan oo aan waqti ku wada qaadanay maanta hogaanka Baarista Nabadsugidda waxaan waydiiyay bal inuu isku arko inuu Dambi wayn galay maadaama uu soo maleegay weerar lagu soo qaado Aqalka Dalka looga arrimiyo ee Madaxtooyo. Wuxuuna ku jawaabay “Qalad weyn ayaan galay waxaana dhahayaa qof kasta mabdi’iisa haku adkeysto” Ugu dambayntii waxa Xassan weli ku socda baaritaano ku aadan qaabka falkan loo abaabulay iyo dadka kale ee la shaqeynayay.
  18. Xukuumadda Soomaaliya oo 24 saac isbaddello waa weyn ku sameysay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabeysa rabbitaanka shacabka Soomaaliyeed, ayaa qaaday tallaabbo geesinimo leh oo ku aaddan dhanka ammaanka, iyadoo kooxaha argagixisada Al-Shabaab ay maalmihii la soo dhaafay wadeen qorshe ay isaga horkeenayaan dowladda iyo shacabka, hasa yeeshee arrintaasi ayaa meesha ka baxday kaddib markii ay sooo baxeen isbaddello amni oo waa weyn. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa xalay markii uu fashilmay weerar ay Al-Shabaab la damacsanayeen madaxtooyada Soomaaliya shir deg deg ah isugu yeeray golaha wasiirrada iyo laamaha ammaanka dowladda, shirkaas waxaa looga arrinsaday sidii loo qaadi lahaa jawaab u dhiganta isku dayga malleeshiyaadka Al-Shabaab. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo latashi la sameeyey golahiisa wasiirrada ayaa isla xalay ka soo saaray faah-faahin weerarkii Al-Shabaab ku doonayeen in ay ammaanka madaxtootada qal-qal ku geliyaan. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo la hadlayey Warbaahinta ayaa yiri xalay “Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxey u hambalyeyneysaa ciidammada Qalabka Sida ee sida geesinimada leh u uga hortay dhagarta Al-Shabaab, weerar ay koox tiradooda afar tahay la doonayeen madaxtooyada ayeey ciidammadu fashiliyeen, waxaana halkaasi lagu khaarijiyey seddex ka mid ah kuwii cadowga ahaa ee weerarka soo qaaday, halka mid ka mid ahna ay ciidammadu nolosha ku qabteen, hadana ay baaritaanno ku hayaan hey’adaha ammaanka”. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shirar isdaba joog ah ka lahayd arrimihii dhacay ayaa maanta Xillalkii ka qaaday taliyihii Ciidammada Booliska Soomaaliya, General Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid) iyo agaasimihii hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoon S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac, waxaana sidoo kale wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya loo magcaabay General Khaliif Axmed Ereg, waana isbaddelkii ugu ballaarnaa ee ay Xukuumadda sameysay, taasi oo wax badan kusoo kordhin karta dardargelinta ammaanka, sida ay qabaan khubarrada dhinaca ammaanka ku taqasuusay. Caawa ayaa mar kale Agaasimihii hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka loo magcaabay C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo horey u ahaa Danijirii Soomaaliya ee dalka Uk, waxaana arrintaan si weyn u soo dhoweeyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo Xukuumadda ku bogaadiyey isbadellada deg degga ah ee ay dhanka ammaanka ka sameysay. Haddaba isbaddellaan ayaa muujinaya sida ballan-qaadkii Xukuumadda ee ku aaddanaa in dalka dhowaan uu geli doono isbadel muhiim ah u fulay, waxaana la rajeynayaa in ay soo baxaan natiijooyin wax ku Awl ah.
  19. We'll done Somalia is moving on with China - Turks- America - Arab countries all competing for Somalia resource ..... Mogadishu 10 to 20 years Lol
  20. Sawirro: Qorshaha China ee Muqdisho JULY 2, 2014 10:50 PM0 COMMENTSVIEWS: 1631 Muqdisho (Caasimada Online) - Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray wafdi uu hogagaminaayo safiirka cusub ee dowladda Shiinaha u soo magacowday dalka Soomaaliya. Wafdiga oo ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay madax ka tirsan dowladda waxaana markii dambe loo galbiyay xarunta madaxtooyada halkaasoo ay kulamo kula yeesheen madaxda DF. Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdiraxmaan Bayleh ayaa maanta ka gudoomay Siihayaha Safaaradda China ee Soomaaliya Mr. Wei Hongtian warqada magacaabistiisa , waxaana munaasabadaasi oo ka dhacday Xarunta Wasaaradda goob joog ka kala ahaa agaasinka guud ee habmaamuuska qaranka iyo agaasimaha waaxda Asia ee Wasaaradda. Siihayaha Safaaradda China ee Soomaaliya Mr. Wei Hongtian oo warbaahinta kula hadlay Xarunta Wasaaradda , ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo China uu ka dhaxeeyo Xiriir fog , waxa uuna yiri “dowladda China waxa ay garwaaqsatay waxqabadka dowladda Federaalka Soomaaliya ay la soo ban-baxday labadii sano ee ugu dambeysay , waxa ayna go’aansatay inay dib u furto Safaaraddii ay ku laheyd Caasimadda Muqdisho oo la xiray bilowgii sanadkii 1991-kii oo dalka uu ka qarxay xilligaasi dagaal sokeeye”. Mr. Wei Hongtian, waxa uu balan-qaaday inuu xoojinayo, sare u qaadi doono Xiriirka iyo Iskaashiga dowladdiisa kala dhaxeeya Soomaaliya, isagoo u rajeeyay Shacabka Soomaaliyeed nabad,xasilooni,horumar , barwaaqo iyo nolol wanaagsan. Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho ayaa la xiray wax yer uun Kaddib markii dagaallada sokeeye ka qarxeen magaalada Muqdisho sannadku marka uu ahaa 1991-dii. China ayaa hadda waxa uu qorshaheedu yahay inay dib usoo celiso xiriirkeedii Soomaaliya, ayada oo la sheegay in mashaariic dib u dhis ah ay ka sameyn doonto Muqdisho, taasna ay u ballan qaaday dowladda. Dowladda Shiinaha ayaa horeysdhistay dhismooyin caan ah oo ku yaalla caasimada sidda golaha murtida iyo madadaalada ee Tiyaatarka qaranka, garoonka cayaaraha ee Muqdisho Stadium iyo waddooyin muhiim ah oo ku yaalla caasimada. Shiinaha ayaa hadda xiriir dhow la yeelanaya dalalka ku yaalla geeska Afirka, isagoona doonaya in uu ka faa’ideestay shidaal la sheegay in ay ka buuxaan waddamadaas. Sidoo kale Shiinaha ayaa lacago deymo ah siiyay dowladda soo koraya ee ku yaalla qaaradda. Sawirrada waftiga China
  21. Puntland (Sawirro) Dowladda Puntland oo si balaaran u xustay sanad guuradii 54-aad ee xoriyadii gobolada koonfurta iyo israacii labada gobol.
  22. Ra’isul wasaare Cabdiweli oo ka qayb qaatay banaabax lagu soo afmeerayey Todobaadka xoriyadda “SAWIRRO” Published on July 1, 2014 by Mohamed White-ka · No Comments · 885 views Muqdisho, 1, Luuliyo, 2014…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa maanta Ubax dhigay xarrumo taariikhi ah oo ku yaala magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, wuxuuna sidoo kale ka qeyb galay banaanbax lagu weynaynayey Munaasabadda 1-da Luuliyo. Goobahaan ayaa qaarkood waxaa dayactir ku sameeyey maamulka gobolka Banaadir, waxaana RW salaan ka qaatay Ciidamada Bambayda, wuxuuna Ubax dhigay Taallooyinka Sayidka, Xaawo Taako, Dhagax-tuur , SYL, Daljirka Dahsoon, kuwaas oo caalamad u ah gobanimadoonkii Soomaaliya. Banaanabaxa ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdullahi Godex Bare, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, Xildhibaano, iyo dadweyne farabadan oo ruxayay calanka Jamhuuriyada iyo sawirrada Madaxda qaranka ayaa socod lug ah uga soo baxay Taalada Sayidka, waxaana ay ku tageen Daljirka Dahsoon oo lagu qabanayay banaanaxa, iyadoo intii ay madaxdu socodka ku jireen ay salaan iyo Hambalyo is weydaarsanayeen dadweyne faro badan oo taagnaa wadada hareeraheeda. Fanaaniinta Qaranka oo ay kamid ahaayeen Abwaanka Sangub, Maxamed Axmed Qoomaal, iyo kooxaha kala duwan ee Fanaaniinta ayaa ka qaaday heeso wadani ah, sidoo kale waxaa lagu soo bandhigey goobta majaajilo, gabayo iyo waliba Shirib guud ahaanba ka turjumaya maalmaha taariikhiga u ah Soomaalida meel ay joogtaba. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo ugu horreyn banaanbaxa ka hadlay ayaa sheegay ujeedka banaanbaxani inuu yahay soo dhaweynta maalmaha xoriyada. “Mudane Ra’iisul Wasaare halkaan waxaan kusoo gabo-gabeyneynaa usbuucii Xoriyadda oo maalmahaan ka socday Muqdisho, waxaan u mahadcelinayaa guddigii qaban-qaabada iyo dadweynaha ka-kala yimid xaafadaha Muqdisho” ayuu yiri Guddoomiye Muun-gaab. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed oo boqolaal dadweyne ah kula hadlayay Taalada daljirka Dahsoon ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay 1-da Luuliyo iyo halgankii loo soo maray Xorriyada, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ku booriyay inay qaataan mid lamid ah go’aankii dhalinyaradii SYL. “Waxaa alle mahad-dii ah inaan maanta ku ciideyno xarruntii caanka ahayd ee daljirka Dahsoon oo mudadii bur-burrku socday aan lagu ciidin, maantana aad u jeedaan bilicda iyo quruxda ka muuqata, Sidaa daraadeed waa in aan geed dheer iyo geed gaaban u fuulnaa si aan u adkeynlaheyn midnimadeena iyo wadajirkeena, maanta cadowga naga hortaagan in aan xuriyadeena ku naaloono waa argagaxiso isticmaalaya Soomaali iyo shisheeyaba, hadaba waa inaan si wada jir ah ula dagaalannaa cadowga argagaxisada, waan hubaa haddii aan wadajirno inaan ka guulaysanayno” ayuu yiri Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sidoo kale ka hadlayey holwgaladda lagu siffaynayo Nabad-diidka Al-Shabaab oo dhibaato ku haya diinta Islaamka, dhaqanka Soomaaliyeed iyo in ay bulshado ku talaabsato horumarada uu u baahan tahay, waxaana uu yiri: ” Magaalooyin badan ayaan ka saarnay Nabad-diidka Al-shabaab, waxaa naga go’an in aan soo afjarno dhibaatada ay ku hayaan umadda Soomaaliyeed. Waxaan idiin xaqiijinayaa in dalku uu ku socdo dariiqii saxda ahaa, lagana gudbi doono dhamaan caqabadaha yar yare ee na haysta. Ugu danbtayntii RW Cabdiwali ayaa sheegay in Xukuumaddu ku howlan tahay sidii adeegyada bulshada loo gaarsiin lahaa dhamaan gobolada Dalka, sidoo kalana goobaha ay ka taliyaan nabad diidka uga xorayn lahayn, si wadaniyiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan goobahaas ay ugu dabaal dageen hadii Eebe Idmo maalmaha xoriyada sanadka soo socda.
  23. Daawo: C/WALI GAAS “Waxaan la yaabay Marada Hargeisa Laga taagay ee Calankii Wadanka Somaliya Lagu Badalay (Video) Jun 28, 2014 - 1 Aragtiyood Hogaamiyaha maamulka puntland C/wali maxamed Cali gaas oo maanta dib ugu noqday magaalada garoowe ayaa wuxuu ka hadlay arimo dhowr ah. HALKAN KA DAAWO VIDEO Gaas ayaa bulshada somalida ugu hanbalyeeyay maalmaha xoriyada, Wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay MARADA laga taagay Hargeisa ee Lagu badalay Calankii Soomaliya. Wuxuu Tusaale usoo qaatay Hadalkii alle Ha unaxariisteen Abwaan C/laahi Suldaan Timacade, Wuxuuna ugu danbayn ka hadlay Munaasibada 1 luulyo.