malistar2012

Nomad
  • Content Count

    2,754
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by malistar2012

  1. Dowlada oo Muqdisho ka billowday hub ka dhigis ka dhan ah siyaasiyiinta H""ya Aug 11, 2014 - jawaab ​ Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah hoggaamiye kooxeedyada iyo siyaasiyiinta beelaha ee Muqdisho ku heystahubka iyo ciidamada. Arrintan ayaa waxaa fikradeeda lahaa wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya, Khaliif Axmed Irig, waxaana qorshaas la qaatay ra’iisal wasaaraha oo soo dhaweeyay. Tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah hoggaamiye kooxeedyada iyo shaqsiyaadka hubka Muqdisho ku heysto waxaa dhacay seddax howgal, waxaana kii ugu dambeeyay xaley lagu qaaday gurri uu deggan yahay Cabdi Nuur SIyaad oo ka mid ahaa kooxdii la dagaallanka argagixisada ee maxkamadihii Islaamiga ka itaal roonaadeen. Arrintan waxay billowday in ay isbaheysi sameystaan shaqsiyaadka hubka Muqdisho ku heysto waxaana ay ku dhawaaqeyn in ay diyaar u yihiin in ay iska celiyaan dowladda.; Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare waxaa dhalay hoggaamiye kooxeed hore Maxamed Qanyare Faarax waxaa xaley gurigiisa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugida, waxaana la sheegay in dhowr daqiiqo ay xabad ka socotay gurigiisa. Waxaa la sheegay in gurigiisa uu ku dhuuntay hoggaamiye kooxeed Cabdiwaal balse wuxuu isaga lee yahay waxaa la rabay in la ikhaarajiyo arrintaas mana dhaafi dooni cidda soo weerartay gurigeyga oo waxaan la tagayaa sharciga. Maxaa keenay arrintan? Arrintan waxaa keentay markii labo howgallo oo ka dhacay Muqdisho lagu soo qabqabtay hub loo waday Al-Shabaab kuwaasoo lagu qariyay guryo ay lahaayeen hoggaamiyaal kooxeedyo. Golaha wasiiradda xukuumadda ayaa meel mariyay sharciga xakameynta hubka, waxaana hadda sharcigaas la rabaa in ay meel mariyaan xildhibaannda baarlamaanka. Si kastaba siyaasiyiinta ayaa dareemaya inaysan caddaalad ahayn in ayaga kaliya iyo magaaladooda hub ka dhigis laga sammeeyo, ayada oo aysan jirin qorshe guud oo dalka dhan hubka looga dhigayo.
  2. Somali Government has started campaign to disarm Mogadishu , former warlords - politiance and Arms dealer are being targeted . Last night a former warlords who still armed and causing trouble was target along with Somali MP Ciidamo katirsan Hay’ada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya ayaa xalay ku fashilmay qorshe ay doonayeen in ay ku qabtaan Cabdi Nuure Siyaad oo kamid ah Siyaasiyiinta kusugan Magaalada Muqdisho. Xogo lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Cabdi Nuure Siyaad kahor inta aysan soo weerarin Ciidamada Nabad Sugida in uu kusugnaa Hoteelka Jaziira halkaana uu shaah kula cabay Xubno Siyaasiyiin ah iyo Saraakiil katirsan Dowlada. Hotelka Jaziira waxaa sidoo kale kusugnaa sida aan Warar ku helnay Saraakiil katirsan Hay’ada Nabad Sugida qaranka kuwaa oo la tuhmayo in iyagu ay wax badan ka ogaayeen Qorshaha la doonayay in lagu qabto Cabdi Nuure Ciidamo gaar ah oo katisan Hay’ada Nabad Sugida Qaranka ayaa la sheegay in banaanka Hotelka ay kusugayeen Cabdi Nuure ay xog ka hayeen in uu ku jiro Hotelka , waxa ayna Ciidamada markii uu soo baxay Siyaasigan durba gacanta ku dhigay Sargaal katirsan Ciidanka Nabad Sugida oo markii dambe la dilay. Goob jooge kusugnaa Hotelka Jaziira ayaa noo xaqiijiyay in Cabdi Nuure iyo Sargaal katirsan Ciidanka Nabad Sugida ay gacanta iskula tageen , waxaana xiligaa kadib Rasaas soo riday ciidamo ilaalo u ahaa Cabdi Nuure oo kusugnaa meel aan ka fogeyn Hotelka Jaziira. Xaalada ayaa mar qura is badashay waxaana halkaasi ka bilowday Rasaas Culus ay is dhaafsadeen Ciidamada Nabad Sugida iyo ilaalo yar uu watay Cabdi Nuure , waxaana la sheegay markii ay Rasaastu bilaabatay in Siyaasigan ay u suurto gashay in goobta uu ka baxsado. Ciidamada Nabad Sughida oo tuhmay in Siyaasigan ka baxsaday uu galay Guriga Xildhibaan Cabdi Wali Qanyare ayaa durba rasaas ku bilaabay Guriga Xildhibaanka , waxaan halkaasi ka dhacay Dagaal dhax maray ilaalada Guriga Xildhibaanka iyo Ciidamadii Nabad Sugida. Cabdi Nuure Siyaad oo xalay ka bad baaday qorshe ay doonayeen Ciidanka Nabad Sugida in ay ku qabtaan ayaan ilaa hada la ogeyn halka uu ku dambeeyo , mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Siyaasigan dowladu dooneysay in ay xirto. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com Nairobi-Kenya Allbanaadir@live.com Xog ku aadan Qaabkii uu xalay Cabdi Nuure Siyaad uga baxsaday Ciidanka Nabad Sugida Qaranka Ciidamo katirsan Hay’ada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya ayaa xalay ku fashilmay qorshe ay doonayeen in ay ku qabtaan Cabdi Nuure Siyaad oo kamid ah Siyaasiyiinta kusugan Magaalada Muqdisho. Xogo lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Cabdi Nuure Siyaad kahor inta aysan soo weerarin Ciidamada Nabad Sugida in uu kusugnaa Hoteelka Jaziira halkaana uu shaah kula cabay Xubno Siyaasiyiin ah iyo Saraakiil katirsan Dowlada. Hotelka Jaziira waxaa sidoo kale kusugnaa sida aan Warar ku helnay Saraakiil katirsan Hay’ada Nabad Sugida qaranka kuwaa oo la tuhmayo in iyagu ay wax badan ka ogaayeen Qorshaha la doonayay in lagu qabto Cabdi Nuure Ciidamo gaar ah oo katisan Hay’ada Nabad Sugida Qaranka ayaa la sheegay in banaanka Hotelka ay kusugayeen Cabdi Nuure ay xog ka hayeen in uu ku jiro Hotelka , waxa ayna Ciidamada markii uu soo baxay Siyaasigan durba gacanta ku dhigay Sargaal katirsan Ciidanka Nabad Sugida oo markii dambe la dilay. Goob jooge kusugnaa Hotelka Jaziira ayaa noo xaqiijiyay in Cabdi Nuure iyo Sargaal katirsan Ciidanka Nabad Sugida ay gacanta iskula tageen , waxaana xiligaa kadib Rasaas soo riday ciidamo ilaalo u ahaa Cabdi Nuure oo kusugnaa meel aan ka fogeyn Hotelka Jaziira. Xaalada ayaa mar qura is badashay waxaana halkaasi ka bilowday Rasaas Culus ay is dhaafsadeen Ciidamada Nabad Sugida iyo ilaalo yar uu watay Cabdi Nuure , waxaana la sheegay markii ay Rasaastu bilaabatay in Siyaasigan ay u suurto gashay in goobta uu ka baxsado. Ciidamada Nabad Sughida oo tuhmay in Siyaasigan ka baxsaday uu galay Guriga Xildhibaan Cabdi Wali Qanyare ayaa durba rasaas ku bilaabay Guriga Xildhibaanka , waxaan halkaasi ka dhacay Dagaal dhax maray ilaalada Guriga Xildhibaanka iyo Ciidamadii Nabad Sugida. Cabdi Nuure Siyaad oo xalay ka bad baaday qorshe ay doonayeen Ciidanka Nabad Sugida in ay ku qabtaan ayaan ilaa hada la ogeyn halka uu ku dambeeyo , mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Siyaasigan dowladu dooneysay in ay xirto. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com Nairobi-Kenya Allbanaadir@live.com
  3. Barre is a lone shark who has confident he can take back kismaayo , Blacky is too weak and foreign to the city . last week Madoobe faction attacked Barre hirrle militias out skirt of kismaayo suffered devastated defeat forced to retreat . Soon heavily armed Gov force will reach Barawa Barre and blacky are gonna disarm and reach solution ......
  4. Xoosh Jibril oo sheegay in Puntland ay cadaalad darro ku sameysay **** kuna biirayaan MAAMULKA G/DHEXE MP xoosh from Puntland Mudug will join Galgaaduud MP xoosh from Puntland Mudug will joining Galgaaduud Aug 10, 2014 - 7 Jawaabood Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil, ayaa ka hadlay caddaalad darrada Puntland ay ku sammeysay beesha **** oo ka mid ah beelaha laf dhabarka ah ee dega Puntland, ee uu kasoo jeedo. Cabdiraxmaan Xoosh, ayaa bartiisa Facebook ku xardhay erayo lagu tilmaami karo kuwa ka turjumaya qadiyada beesha ****, ee ku aaddan siyaasadda dalka. Waxa uu is-bar bar dhig ku sammeeyey tirada xildhibaannada **** ay ku lee yihiin baarlamanka Puntland oo ah 3 iyo tan ay ku lee yihiin baarlamanka federaalka oo ah 5 xubnood. Waxa is-weydiiyey sababta beelaha Dhulbahante (17) iyo (9 Xildhibaan) ay baarlamanka Puntland uga badan yihiin , ayada oo xaqiiqda ay tahay in labadaas beeloodba aysan daacad u wada ahayn Puntland sida, oo ay sidoo kale ku jiraan baarlamanka Somaliland. Ayada oo uu eegayo arrimahaas oo idil, ayuu Xoosh Jabriil is-weydiiyey waxa diidi kara in ku biiraan maamulka cusub ee Central Somalia State ee gobollada Mudug iyo Gal-Gaduud? Xildhibaan Xoosh oo looga bartay inuu si dhab ka hadal ah u cabiro waxa uu aaminsan yahay ayaa yiri:- “Dad baa waxey leeyihiin, Xubno ka mid ah beesha kama qaybgali karaan maamul u sameeynta Central Somalia State. War waalidaan arka. Mar haddii oo 9 Xildhibaan ku leh Baarlamaanka Puntland iyo oo ku leh 17 xubnood Baarlamaanka Puntland, ay Somaliland madaxna ka yihiin, Baarlamaanka Somaliland-na Ku jiraan, maxaa laga rabaa. Ka warran oo ah qabiilka labaad ee Puntland dega wixii ka dambeeya ayaa laga siiyay Puntland seddex (3) Xildhibaan, Federaalkana Shan ( 5). Bal arka Proportionality-gan. . Bal ila eegooy aan taaganahay”.
  5. Cabdiweli Maxamed Qanyare ”Nabadsugida Dawlada Ayaa I Dili Rabtay” Aug 10, 2014 - jawaab Muqdisho (AGGM) Cabdiweli Maxamed Qanyare oo ah wiil uu dhalay Maxamed Qanyare Afrax ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa caawa waxa uu ka badbaaday isku Dil. Xildhibaanka ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dawlada gaar ahaan laanta nabadsugida ay soo wareerareen, iyagoo dili rabay. Cabdiweli Maxamed Qanyare ayaa yiri ”Nabadsugida Dawlada Ayaa I Dili Rabtay” Ma uusan sheegin sababta ka dambeysay in ay weeraraan ciidamadaas. Xildhibaanka ayaa sheegay in uusan garanayin cida bixisay amar ah in la soo weeraro.
  6. Somali Gov has started a campaign to disarm Mogadishu targeting warlords and Arm dealers. Tonight Huge battle in Mogadishu as gov force attacked warlord Abdi Wall House to disarm and arrest him ..... Intensive battle officer leading the offense has been killed sadly . Faahfaahin kasoo baxeysa dagaalki caawa ka dhacay Garoonka Muqdisho ayaa ku warrameysa inuu ku dhintay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Nabad sugidda ee dowladda Soomaaliya. Wararka ay heleyso shabakadda Calanka ayaa sheegaya in dagaalkii caawa ka dhacay Garoonka muqdisho uu ku dhintay Taliyihii Ciidamada Nabadsugida ee Hoggaaminaayay Ciidamadii dagaalka soo qaaday ka mid ahaa. Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Taliyaha oo lagu magacaabaayay Ceydiid uu ku dhintay Rasaastii ugu horeysay, waxaana la sheegayaa inay ka haleeshay rasaasta qeybta koro sida ay Calanka.com u xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya oo goordhow la hadlay. Meydka Taliyaha ayaa waxaa la Tilmaamayaa inuu iminka yaalo Isbitaalka Daarushifa ee Magaalada muqdisho, waxaana halkaasi ku sugan Ciidamo fara badan iyo Saraakiil ciidan. Dhanka kale, waxaa hadda degan Xaalada waxaana istaagay dagaalka iyadoona goobta uu dagaalka ka dhacay laga qaadayo Ciidamadii dagaalka ku waxyeeloobay,inkastoo ay dhici karto in markale uu dagaal halkaasi ka qarxo. Dagaalka caawa ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Nabad sugidda ay weerareen guri uu daganaa siyaasi Cabdi Nuur Siyaad oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii dalka soo maraty, kiyadoo ciidamadu ay doonayeen inay soo xiraan siyaasiga, balse siyaasiga ayaa goobta ka baxsaday. Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
  7. DEG DEG:- Muqdisho oo rasaas culus ka socoto iyo siyaasi la weeraray Aug 10, 2014 - jawaab Wararka haatan nasoo gaaraya ayaa waxay sheegayaan in rasaas aad u xoogan ay ka socoto nawaaxiga Garoonka Muqdisho, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ciidamada dowladda ay howlgalo ay wadaan. Wararkaa ayaa waxay sheegayaan in la weeraray hoyga Muqdisho uu ka degan yahay siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad, iyadoona rasaasta ay culustahay. Uljeedka dagaalkaan ilaa hadda ma cadda, waxaana xaaladda ay tahay mid kacsan, sidoo kale isku day aynu ku sameenay inaan kula xiriirno hay’adaha amaanka inooma suurta gelin. La soco wixii soo kordha.
  8. This mam is embarrassing coming to Garowe with empty hands , Hargeysa admin are to clever for seasonal workers . from what I heard Sl troops in SSC are mixed majority SNM tribes and rer borama boys. Can someone explain the benefit of xaabsada Any influence in terms of man power in LA ? Never the less interesting development Hargeysa admin are down playing And loosing grip on SSC ...
  9. Xaabsade S/land Waan kasoo daalay Shaqadaan uhayey” Daawo Ceebta: Xaabsade oo hadalkii ugu yaabka badnaa ka yidhi Garoowe, S/land Waan kasoo daalay Shaqadaan uhayey” Aug 10, 2014 - 4 Aragtiyood Axmed Cabdi xaabsade ayaa wuxuu soo gaadhay Magaalada Garoowe, wuxuuna sheegay in uu kasoo retire Garoobay maamulka Somaliland, hadana ay Shaqo ugu yeedheen Gaas iyo Numer Two giisa ina Camey. Sida la wada ogyahay Soomaalidu ogtahay waxaa jira Afka Dhilay, Guda ka dhilay, Maal Ka dhilay, IWM, had iyo jeerna waa qofka aan lahayn wax ka xaarsaansan isla markaana xuduud oo dhan ka gudba. waxaana jira weedho loo adeegsado qaab siyaasadeed caan ka ah dunida ,gaar ahaan waxaad arkaysaa qorayaal badan oo maqaalo qoraya oo adeegsanaya العهر السياسي في الوطن العربي , markaa ha la yaabin turjumaadeedu haday noqotay Dhilay-Siyaasadeed , waayo maanta Axmed Cabdi Xaabsade weedh kale oo lagu tilmaami karo ayaan muuqan maadaama uu isaga oo da’daa jooga hadba dhinaca u hayaamayo.
  10. Ciidamada Nabadsugidda Oo Kordhiyay Howlgallada Qorsheysan Ee Ka Dhanka Ah Alshabaab Published on August 10, 2014 by Mowliid · No Comments · 1,170 views Hay’adda Nabadsugida Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho, ku dhex ugaarsanaya dhagar qabayaasha ka tirsan Al Shabaab ee dhibaatada ku hayay shacabka. Malleeshiyaadka Shabaab ayaa si gaadmo ah Magaalada Muqdisho ugu dili jiray shaqaalaha dowladda, kuwa Hay’adaha, ciidamada, aqoon yahanada iyo waxgaradka kala duwan. Ciidamada Nabadsugidda Dowladda oo wata gaadiid yar yar ayaa xaafadaha Muqdisho ka wada, howlgallo qorsheysan oo lagu bartilmaameedsanayo malleeshiyaadka Shabaab, waxaana howlgaladaasi ay yihiin kuwa ay kaga horeyso xog la xiriirta halka bartilmaameedka uu yahay. Habeenkii Khamiista 07 Bishan ayaa ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya waxa ay Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ku dileen labo dhagar qabe oo ka tirsanaa Alshabaab, kuwaasi oo ay toogteen ciidamada. Labada dhagar qabe oo ay ciidamadu dileen ayaa mid ka mid ah, waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Yaxye, wuxuu ka tirsanaa maleeshiyaadka Shabaab qeybta bamboo tuurka, da’diisa waxa ay aheyd 17-sano jir, wuxuuna deganaa Xaafada Suuqa Xoolaha, xilliga ciidamada ay qabanayeen wuxuu ciyaarayay kubad. Sidoo kale ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ayaa shalay galabtii Magaalada Muqdisho ku toogtay nin magaciisa lagu sheegay Nuur Baraxoow oo Al Shabaab u qaabilsanaa dhanka macluumaad gudbinta, waxaana la soo bandhigay Video laga soo duubay ninkaasi, isaga oo qeybta sare ee jirkiisa ay kaga taalo rasaas ay ciidamada Nabadsugida ku rideen, xilli uu dagaalamayay. Nuur Baraxoow waxaa lagu toogtay Xaafada SOS ee Degmada Heliwaa, waxaana taasi ay muujinaysa in maleeshiyaadka ugu badan ee Al Shabaab ay ku sugan yihiin Degmada Heliwaa, gaar ahaan Xaafadaha SOS iyo Suuqa Xoolaha. Qorshahaan ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ay bilaabeen ayaa ah mid la mid ah sida ay Shabaab dilalka uga geystaan Magaalada Muqdisho, waxaa hada yaraaday dilalkii Kooxda ay ka geysan jirtay Muqdisho, maadaama hadda iyaga la bartilaameedsanayo Ciidamada .
  11. The good out numbered the bad great job by the Somali community in Minnesota
  12. Huge numbers the Hall was over populated Great Night War hoy isku xishood. Kkkkkkkkk Mooge and co kuwa ku mudaharaadayna 65 ruux oo inta badan xanuuno ay qabaan looga faa’iideystay. Kkkkkkk war isku xishooda
  13. Somalians in Minnesota came out in huge numbers to welcome Somali Gov Madaxwayne Xasan Sheekh oo Kumanaan Soomali ah qudbad ujeediyey Minneapolis (Kalshaale) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka, halkaasoo maalmahan isaga iyo xubno wasiiradiisa ka tirsan ay ku sugnaayeen. Madaxweynaha ayaasoo dhoweyn aan caadi ahayn loogu sammeeyey Minneapolis, ayada oo ay kumanaan qof yimaadeen hoolkii uu ka hadlayey. Dadka sharfay ee madaxweynaha u yimid waxaa ka mid ah Governor-ka Gobolka Minnesota Mark Dayton, Congressman Keith Elisson, iyo safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke. Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku soo qaatay dhinacyo badan waxaana uu si gaar ah uga hadlay labo arrimood oo kale wax yaabaha dowladiisa ay qabatay iyo in uu dhageysto cabashooyin iyo dhaliilo loo ay qabaan jaaliyadda Soomaalida ee Minnesota.
  14. FIIRSO Sawirkii ugu horeeyey iyo Hoolka lagu soo dhaweeyey Madaxweynaha oo sadaxdii dabaq buuxsameen iyo shacab banaanka taagan Taagerayaasha Dowlada fedraalka oo Tiradooda noqotay 6500 in ka badan iyo 1000 kun oo qof oo dibadda taagneyd oo boos ka waayey hoolka soo dhaweynta, iyadoo sadaxdii dabaq ee hoolkaba ay buuxsameen. kuwaasoo dhaweyey Madxweynaha Jamhuriyada fedraalka Somaliya mudane Xasan Sheekh maxamuud. kuwa ku mudaharaadayna 65 ruux oo inta badan xanuuno ay qabaan looga faa’iideystay. Dozen of tribal minded people are no much for the ten thousand nationalist who came out proud to listen to their President .
  15. Ciidamada Nabadsugidda Oo Galabta Toogasho Ku Dilay Horjeege Ka Tirsanaa Alshabaab (Dhageyso) Published on August 9, 2014 by Mowliid · No Comments · 1,068 views Ciidamada Nabadsugidda Qaranka ayaa galabta toogasho ku dilay, Horjooge ka tirsana Al shabaab, kadib howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen dagmada Huliwaa ee gobalka Banaadir. Horjoogahan ay ciidamadu ku dileen agagaarka cisbitaalka SOS ayaa magaciisa lagu sheegay Nuur Baraxoow, kaasoo dhinaca macluumaadka gobolka Banaadir u qaabilsanaa kooxda Shabaab. Ciidamada Nabadsugidda oo helay xogta horjoogahan, ayaa markii ay gaareen halkii uu ku dhuumaaleeysanany, waxa uu isku dayay inuu is difaaco, waxaana taasi ay sababtay in is rasaaseeyntii halkaasi ka dhacday uu ku dhinto horjoogahaasi. Horjoogahaan oo caan ka dhex ahaa kooxda Al Shabaab ayaa markii hore ka mid ahaa kooxdii Jabhal Islaamiya oo markii dambe u xuub siibatay Alshabaab, waxaa uuna horjoogahani u qaabilsanaa kooxda Shabaab qeybta macluumaadka iyo wardoonka.
  16. Alshabaab cell raided dozen arrested one high ranking killed after resisting . DF oo Muqdisho ka bilawday howlgalo dad badan ka yaabiyay & Al-shabaabkii ugu badnaa oo la qabtay (QAAB CUSUB) Aug 9, 2014 - jawaab Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika e AMISOM ayaa holgalo gaar ah waxa ay ka sameeyeen Xaafado katirsan Degmada Waabari oo la tuhmay in ay ku sugan yihiin Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab. Afhayeen u hadlay Wasaarada Amniga Qaranka Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada gacanta kusoo dhigeen hub iyo xubno la tuhmayo in ay katirsan yihiin Al-Shabaab kadib howlaglo Laga sameeyay Degmada Waaari. Howlgalka ay Ciidamada Huwanta ah ka sameeyeen Degmada Waabari xaafado katirsan ayaa ahaa mid gaar ah oo lagu bartilmaameedsanayay goobo la farmuuqay , waxa uuna sheegay AFhayeenka Wasaarada Amniga in howlgalkaasi lagu soo qabtay hub kala duwan iyo xubno Shabaabnimo lagu tuhmayo. Wasaarada Amniga Qaranka Xukuumada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Howlgalada gaarka ah ee kasocda Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka sii socon doonaan , waxa ayna Wasaarada ugu baaqday Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan oo usoo gudbiyaan xogaha ku saabsan Kooxda Shabaab.
  17. Abdi wali Gaas has offered better salary on his last speech to LA politicians who are pro Somaliland ...
  18. Last week Head of the Somali military court gave orders to arrest Alshabaab parents for not informing on their kids activity . Gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida Dowlada Soomaaliya Cabdi Raxmaan Tuur Yare ayaa sheegay in Laamaha amaanka Dowlada Soomaaliya ay xabsiga dhigeen Waalidiin dhalay Dhalinyaro lagu helay in ay katirsan yihiin Al-Shabaab. Mr Tuur yare ayaa xusay in Laamaha amaanka ay aqbaleen dalabkooda ku aadan hadii ay qabtaan dhalinyaro katirsan Al-Shabaab in ay lasoo xiraan waalidiintooda maadama ay qariyeen caruurtooda dambiyo ku hoolanaa. Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidanka Qalabka Sida ayaa sheegay in hada ay xira yihiin waalidiin dhalay Dhalinyaro Shabaabnimo lagu helay kuwaa uu tilmaamay in dhawaan Maxkamada ay xukuno ku ridi doonto. ‘’ Waa dhamaaay in lasoo xiro dhagar qabe katirsan Al-Shabaab iyada oona lala soo xirin waalidkooda , Waaliiinta waan u sheegnay in ay caruurtooda kala soo baxaan Al-Shabaab ama ay laamaha amaanka kusoo wargaliyaan in caruurtooda ay Shabaab yihiin ayna maaro u aayeen ‘ hada waxaa xiran oo xukun sugaya waaliiin dhalay Dhalinyaro Shabaab katirsan oo lala soo xiray Caruurtooda oo dambyo lagu hayo‘’ ayuu yiri Mr Tuur yare. Hadalka Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidanka Qalabka sida ayaa imaanaya xili ay dhawaan Maxkamada ugu baaqday waaliiinta dhalay dhalinyarada Shabaabka katirsan in ay kooxdaasi kasoo saaraan ama ay kuso wargaliyaan laamaha amaanka in caruurtooa ay Shabaab katirsan yihiin. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com Muqdisho Somalia Allbanaadir@live.com
  19. <cite> @Che -Guevara said:</cite> Is the Government serious about this or would it back down when they come against powerful interests? The Gov is serious arm dealing business are done, these raids are in connection with offense against Alshabaab that's due to start in days . Security in Mogadishu will improve the effort has doubled on security force side plus the Gov forces are due to attack Alshabaab bases . People in Mogadishu are cooperating with Gov security force the hate for Alshabaab has increased by 100 % . Dozen of Alshabaab have been executed within month in Mogadishu Parents have been warned to turned their kids in so to safe them from fire squad. Hooyo kasoo saartay wiilkeeda Al-Shabaab oo Lasoo Bandhigay, “Waxaan Arkay dad la dilayo Iyo Sir culus (
  20. Daawo Sawirada: Taliyihii hogaamin lahaa guutada kowaad ee ciidanka xooga dalka Somaliaoo kasoo dagay…. Aug 8, 2014 Maxamuud Maxamad Koronta taliyihii guutada kowaad ee ciidanka xooga dalka somaaliya ayaa maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha magalaada muqdisho waxaana halkaas si weeyn usoo dhaweeyay sarakiil ciidan bulshada rer muqdisho qaarkood iyo masuliyiin dowlada somaaliya ka tirsan. Sargaalkaan ayaa hugaaminaaya guutada kowaad ee ciidanka waxa uuna ahaa sargaalkii la wareegay degmada mahadaay ee gobolka shabeelada dhaxe iyadoona aysan la socon ciidamada amisom. Maxamuud maxamad koronta ayaa sheegay in madax weeynaha somaaliya xasan sheeq uu u wacay isagoo ku sugan wadanka mareey kanka isla markaa uu sidaas ku yimad magaalada muqdisho. Sargaalka ayaa carabka ku dhuftay in uu diyaar u yahay in uu dagaal la galo dhaq dhaqaaqa al shabaab isla markaana uu ku raja weeyn yahay in uu ka qeeyb qaato ololaha dagaal ee dowladu doneeyso in ay ala shabaab dalka kaga saarto|. Sargaalkaani ayaa waxaa uu ka mid yahay saraakiil guul usoo hooyay Dowladda Soomaaliya, magac iyo maamusna ku dhex leh Bulshada iyo Maadama guulo badan ka gaaray dagaalo uu la galay Dhaq dhaqaaqa al shabaab.
  21. Last week the The Gov raided Arms dealer huge stockpile of all type of weapons and Army uniforms were confiscated and suspect arrested . The week before the Gov targeted garage belonging to cusman Cato Police confiscated stockpile do all type of weapons Great job by the security city must be disarmed well done
  22. The disarmament of Mogadishu in full speed Gov has passed harsh weapon sentence Hay’adaha amniga dalka oo soo bandhigay hub fara badan Published on August 8, 2014 by Mohamed White-ka · No Comments · 667 views Hey’adaha Amaanka dalka ayaa soo bandhigay hub ay ku soo qabteen howlgallo laga sameeyay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho, iyada oo horjoogayaal ka mid ah kooxda Al-Shabaab ay howlgalkaasi ku geeriyoodeen kaddib markii ay ka dhega adeegeen in ay ciidamada isu dhiibaan. Hubkan ay maanta hay’adaha amniga u soo bandhigeen saxaafadda ayaa waxa ay ahaayeen kuwa laga soo uruuriyay xaafadaha magaalada Muqdisho kaddib howlgallo ay ciidamadu xaafadahaasi ka sameeyeen. Ciidamada amniga ayaa sidoo kale waxa ay howlgallo xalay ka sameeyeen xaafadda Suuqa Xoolaha ee dhanka degmada Yaaqshiid, halkaasi oo ay ku dileen labo ka tirsan Al-Shabaab oo isku dayay inay baxsadaan kaddib markii ay ka dhago adeegaan amarada ciidamada oo ay isku dhiibaan. Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in hubka ay hay’adaha amniga soo bandhigeen uu yahay mid ay ciidamadu ka soo uruuriyeen xaafado ka mid ah degmooyinka gobolka Benaadir, ayna sii wadayaan howlgallada nuucaani oo kale ah. “Howlgalladii ugu dambeeyay ayaa lagu soo qabtay guud ahaan degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa laga kala keenay hubkaan, waxaa ku jira rasaasta hoobiyeyaha ee loo yaqaan nuuca 60-Ml, xaafadda suuqa xoolaha waxaa lagu dilay labo ka tirsan Al-Shabaab oo ka dhago adeegay in ay isu dhiibaan ciidamada dowladda”ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga.
  23. Dr Kenny What Snm/ extremist are arguing for Are to prolong the Somali war by isolating new Gov take on Alshabaab - warlords and etc this war will take another decade . Cillsuldan and co are furious that Somalia is moving the right direction the Gov institution are getting stronger and the process are moving in fast paced .