malistar2012
Nomad-
Content Count
2,754 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by malistar2012
-
India oo Safiir Cusub usoo Magacwadya Soomaaliya iyo Safiirka Cusub oo Muqdisho yimid(Daawo Sawirada) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta kaga gudoomay Xafiiskiisa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda India u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ambassador Yogeshwar Varma. H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh, ayaa kulan la qaatay Safiirka cusub kadib markii uu gudoomay warqadaha aqoonsiga , isagoo ka sheekeeyay horumarka balaaran ee uu gaaray xiriirka diblomaasiyadeed iyo midka iskaashi ee labada dal ka dhaxeeya si gaar ah ganacsiga, wax soo saarka beeraha ,farsamada dharka ,kaluumeysiga , la dagaalanka burcad badeeda iyo argagaxisada. Wasiirku waxa uu muujiyay kaalinta dowladda India ay ka qaadato Arrimaha Soomaaliya, isagoo ka codsaday kordhinta deeqaha waxbarasho tooska ah ee dowladda ay ugu deeqaan si sanadle ah,tababaridda diblomaasiyiinta, tababaridda iyo qalabeynta ciidamada badda iyo maalgelinta mashruuc la xiriira kaluumeysiga, si kaluunka Soomaaliya loogu iib geeyo Suuqyada caalamka. Danjire Yogeshwar Varma ayaa gudbiyay salaan uu ka siday Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda India Mrs. Sushma Swaraj , isagoo xusay muhiimadda balaaran ee dalkiisu ugu fadhiyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda India uu si rasmi ah u bilowday bilowgii sanadkii 1961 , mudadaas kahor waxaa xiriir isdhaafsi ganacsi ka dhaxeeyay labada shacab oo doomaha shiraaca leh dhanka badweynta India isku weydaarsan jiray dharka,sokorta, xoolaha nool iyo dhirta laga sameeyo waxyaabaha udugga iyo carafta leh.
-
My spot we'll done congrats to the owner
-
Mogadishu celebrates peace n stability huge demo
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida oo xukunno kala duwan riday “ Published on August 24, 2014 by Mohamed White-ka · No Comments · 1,194 views Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukunno kala duwan ku riday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kaddib markii lagu helay dambiyadii loo haystay. Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo maanta u fadhiisatay dhageysiga dacwad ciqaabeed loo haystay shan eedeysane oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab dilka marxuum Ex-Dable boolis Yuusuf Xasan Macow (Yuusuf Taraafiko) oo ka tirsanaa ciidanka nabadgelyada waddooyinka ayaa xukunno isugu jira dil, xabsi daa’in iyo xukun lix bil oo ciidan ku riday maleeshiyaadkaas. Afhayeenka Maxkamadda ciidamada qalabka sida Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Maxamed Muuse (Keyse) ayaa xusay in mid ka mid ah shanta qof ee maanta maxkamadda la soo taagay lagu waayay dambigii loo haystay, isla markaana ay Maxkamaddu fasaxday. 00:0000:00 Gaashaanle dhexe Cabdullaahi Maxamed Muuse (Keyse) Afhayeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ugu baaqay dhamaan waalidiinta Soomaaliyeed ee carruurtooda ku jira maleeshiyada Al-Shabaab in ay ka soo saaraan, ayna ku soo wargeliyaan hay’adaha amniga haddii ay iyagu wax ka qaban waayaan. -
BOGGA HORE CAYAARAHA KEYDKA SAWIRRADA RADIO MOGADISHO TARTANKA RAMADAANKA TUBTA TOOSAN WARARKA XUSUUSTA RAADIYAHA Banaan bax lagu taageerayay howlgallada amniga lagu xaqiijinayo oo ka dhacay Muqdisho “DAAWO VIDEO” Published on August 24, 2014 by Mohamed White-ka · No Comments · 1,293 views Dibad bax lagu taageerayay howlgallada amniga lagu xaqiijinayo iyo guulaha ay gaartay Wasaaradda Amniga Qaranka ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo isu soo baxaasi ay ka qeyb galeen xubno ka socda maamulka gobolka, Culimaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca, ururka haweenka Qaranka iyo qeybaha bulshada ee gobolka ku dhaqan. Dadkii ka qeyb galay banaan baxaani nabadeed ee lagu taageerayay howlgallada hay’adaha amniga ayaa waxa ay wateen boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo lagu taageerayay howlgallada amni sugidda iyo tan Wasaaradda amniga Qaranka. Afhayeenka Culimaa’udiinka Ahlusuna Waljamaaca Sheekh Cabdiqaadir Maxamed Soomow ayaa ka codsaday in amniga ay ka wada shaqeeyaan, lana shaqeeyaan laamaha amniga, si horumar la mid ah kan ay maanta dareemeen loo gaaro wasaarada Amniga ugu fududaato hawsha loo igmaday. Xoghaya Ururka haweenka Qaranka Canab Maxamed ayaa sheegtay in amniga wax badan iska bedaleen hadana loo baahan yahay sidii loo dhiira gelin lahaa laamaha amniga ee ka shaqeeya howlaha lagu sugayo amniga dalka. Guddoomiyaha Degmada Boondheere Qaasim Cabdullaahi ayaa banaan baxa ku soo gunaanuday mahadcelin uu u jeediyay shacabka ku dhiiraday in ay muujiyaan dareenkooda amni, isagoo ku baaqay in shacabka ay ka wada shaqeeyaan sugidda nabad gelyada.
-
Puntland leaders a Rushes to the holy city Of addis ababa to complain no sham Aug 23, 2014 - 2 Jawaabood Madaxwaynaha Dowaladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaaran oo uu hogaaminayey maalintii shalay ahayd gaareen magaalo madaxda Dalka Ethopia ee Addis-Ababa ayaa waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha iyo weftigiisa masuuliyiin katirsan Dowladda Ethopia iyo Jaaliyada Puntland ee ku nool magaaldaasi. Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku weheliya wasiirka caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Saadiq Eenow, Xildhibaan Siciid Lugood iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Dowladda Puntaland. Madaxweyne Dr. Cabdiweli ayaa waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa masuuliyiinta Dawlada Ethiopia, Midowga Yurub, Urur goboleedka IGAD iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka. Madaxweynaha oo mudo saddex maalmood ah ku suganaan doona caasimada Dalka Ethiopia ee Addis-Ababa ayaa waxaa uu sidookale la kulmi doonaa Ha’yado caalami ah iyo Ururada Samafalka ee Saldhigoodu yahay Magaalada Addis-Ababa, kuwaasi oo uu kala hadli doono harumarinta arimaha bulshada iyo sidii wax loola qaban lahaa shacabka reer Puntland. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxaa uu la kulmi doonaa, Jaaliyada Puntland iyo masuuliyiinta Jaaliyada Puntland ee dalkaasi Ethiopa, kuwaasi oo uu uga xogwarami doono xaaldu guud ee Puntland. Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hidaha Iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Puntland
-
Somali Gov national committee on drought are doing excellent work
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
Guddiga Gurmadka Abaaraha Oo Maanta Qiimeyn Ku Soo Sameeyay Abaarta Ka Jirta Gedo Iyo Bakool “Sawirro” Published on August 22, 2014 by Feysal Muse · No Comments · 2,125 views Ujeedada socdaalkani guddiga gurmadka abaaraha ay u gaareen degmooyinka Doolow iyo Xudur oo ka kala tirsan gobolada Gedo iyo Bakool ayaa aheyd sidii ay u soo qiimeyn lahaayeen abaaraha qeybo ka mid ah dalka ku dhufatay, sida ay u saameysay dadka iyo duunyada halkaasi ku dhaqan, waxaana hogaaminayey wafdiga wasiirada ka koobnaa guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha ahna wasiirka beeraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Baafo, iyadoo qeyb ay ka ahaayeen wasiirka xanaanada xoolaha Saalim Caliyow Ibriow wasiir ku xigeenka biyaha iyo tamarta iyo wasiir ku xigeenka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah. Mas’uuliyiintani ayaa intii ay ku guda jireen booqashadooda waxaa ay la kulmeen qeybaha kale duwan ee bulshada iyo waxgaradka ku nool magaalooyinka, Doolow, iyo Xudur oo ka kala tirsan gobolada Bakool iyo Gedo, halkaasi oo mudooyin ay ka jireen xaalado bani’aadanimo, kuwaasi uu saameeyay nolosha dadka iyo duunyada, Iyadoo sidoo kale mas,uuliyiinta ay booqdeen goobo ceelbiyoodyo ahaa oo aan wax soo saar biyo laheyn halkaasi oo lagu arkayay xoolo abaar darteeda u dhintay. Guddoomiyaha degmada Doowlow iyo qaar ka mid ah dadka ay abaaruhu ay ka laayeen duunyadii ay dhaqan jireen ayaa guddiga gurmadka abaaraha uga mahadceliyay booqashadooda ay ugu yimaadeen, iyagoo si wada jir ah u tilmaamay abaarta xiligani in ay tahey tii ugu xumeyd ee abid soo marta gobolka Gedo. Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Saalim Caliyow Ibroow oo goobta xoolaha abaartu ay ku dhameysay kula hadlay warbahinta ayaa ka shakeeyay qorshaha Xukuumaddu ugu gurmaneyso dadka abaaruhu saameyeen. Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool oo wafdiga kula hadlayay kulan ay la qaadanayeen maamulka iyo bulshada Xudur ku dhaqan ayaa ka sheekeeyay abaaraha sida guud ahaan gobolka Bakool ay u saameeyeen iyo guulaha laga gaaray kooxaha xag jirka ah ee gobolkaasi ku dhuumaaleysan jiray. Guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha ahna wasiirka beeraha Cabdi Maxamed Baafo oo isna kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay socdaalkooda maanta in uu ahaa sidii xaaladaha abaaraha gobolada Gedo iyo bakool ka jirta ay u qiimeyn lahaayeen. Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya ee uu hogaamiyo Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa markii ay soo yeertey dhawaqa ah in abaaro ku soo wajahan yihiin gudaha Soomaaliya, waxay magacowday guddi ka kooban wasiiro kuwaasi oo isku howlaya sidii abaarahaasi dhibatooyinka dadka Soomaaliyeed ay u geysan lahaayen uga hortagi lahaa balse hadda gobolada dalka waxa ka dilaacay abaaro dad iyo duunyo saameysay. -
Somali Gov national committee on drought are doing excellent work visiting assessing sharing the struggle with people. Delegates from the federal parliament arrive Beledweyne Delegates from the federal parliament of Somalia arrived Beledweyne, the headquarters of Hiran region on Saturday. The delegation is headed by the vice chairman of of parliamentary interior and security committee Dahir Amin Jessow. The aim of their visit is to assess the situation of the areas hit by drought and shortage of water in the region, the delegation is also expected supervise the blocked roads in the region. Amin Jessow said that the federal members of the federal parliament came to evaluate the realties on the ground Hiran residents face and present the hardship and challenges of the people to the parliament. They are expected to take meeting with the administration of Hiran region. The cabinet ministers meeting chaired by Deputy prime minister and religious affairs minister Ridwan Hersi Ali stated that there are plans to deliver emergency support to the drought areas, committees to step up detailed assessment were formed. Share Goobjoog News
-
Most of Somali senior officer are not Hag predominantly others clan , rer Gedo dominate the Somali army when comes to senior officers everyone knows that ..... Somali army are being recruited from different regions across Somalia , to bad Puntland see itself a different country and do not want to join the effort on rebuilding Somali National. So tell me when will the Government of Somalia become all inclusive let me guess when Puntlad gets 50 % share lol Dad ba been isku shegayooo .... The legacy of SSdf destroyed Somalia the power hungry of rer Garowe .....
-
Xog: DFS oo diiday inay Puntland kula hadasho Addis-Ababa (Waa 13% kaliya) AUGUST 23, 2014 8:24 AM0 COMMENTSVIEWS: 3339 Muqdisho (Caasimada Online) - Dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa ku gacan seertay isku day ay Puntland ku dooneyso in wada hadallo u dhaxeeya labada dhinaca ay dhex dhexaadiso dowladda Ethiopia, Caasimada Online ayaa ogaatay. Sida wararku ay sheegayaan, Puntland ayaa dooneysa in khilaafka ay sheegtay inuu kala dhaxeeyo dowladda federaalka Soomaaliya ay ka dhigto mid aad u weyn, ayna hesho fursad ay kula gorgorton dowladda Soomaaliya, oo ay ku heshay waxyaabo badan oo maamulada kale ee dalka ka jira aysan xaq u lahayn. Ilo xog ogaal ah oo madaxtooyada Garoowe ku sugan ayaa Caasimada Online u sheegay in Puntland ay Ehiopia ka codsatay inay wada xaajood u furto labada dhinac, si loo dhammeeyo khilaafka, ayna usoo dhacsato wax ay ugu yeertay xaqeeda. Si kastaba, dowladda Soomaaliya waa ay diiday qorshaha ceynkaas ah, ayada oo ku adkeystay inuusan jirin khilaaf sidaas u weyn oo u baahan in dalal shisheeye ay kala dhex galaan labada dhinaca. “Dowladda Soomaaliya waxa aay aaminsan tahay inuusan jirin khilaaf weyn. Dastuurka ay Puntland sheegtay in la beddelay waxaa loo saaray guddi, arrinta maamulka gobollada dhexe-na waxa ay Puntland ku diiday waa gardarro, maxaa marka laga wada hadlayaa” ayuu yiri sarkaal ku dhow ra’iisul wasaare Cabdi Weli, oo codsaday inaan la magacaabin. Waxa uu intaas ku daray in dowladduu aysan diidaneyn inay dhageysto qofkii cabasho qaba, balse ay dooneyso in ciddii wax tabaneysa ay Muqdisho timaada, lana dhageysto. “Dowladda waxa ay u aragtaa baaqa wada hadalka Puntland ee Addis-Ababa arrin ay Puntland ku dooneyso inay isla meel dhigto dowladda, oo ay ku hesho ama uga saro marto maamullada kale ee dalka ka jira, taasna lama aqbali karo” ayuu sii raaciyey. “Puntland waxa ay maamushaa 2 gobol iyo bar ka mid ah 18-ka dal ee Soomaaliya, haddaan xisaab ahaan kuu sheego waa 13.8% gobollada Soomaaliya, balse waxay dooneysaa in loola macaamilo sida inay 50% maamusho Soomaaaliya, oo ay dowladda wax la qeybsato” ayuu yiri. “Dhibka ugu weyn ee haysta Puntland waxa uu yahay inaysan xaqiiqda ogeyn maqaamkeeda, ama ay ogtahay balse ay iska indho tireyso, waa inay ogaataa inay 2 gobol iyo qeyb ka mid ah Mudug maamusho, kadib ma dhici doonaan qeylo dhaantan tirade badan” ayuu yiri. Maamulka Puntland ayaa inta badan khilaaf iyo qeylo la daba taagan dowladda Soomaaliya, waxaana ay sidaan oo kale ay ku sameeyeen madaxweyne Shariif, waxaase ay degeen markii Farmaajo xilka laga qaaday loona dhiibay Cabdi Weli Gaas, taasi oo dad badan iminka ay aaminsan yihiin in waxa Puntland ay u qeylineyso ay jagada Ra’iisul wasaaraha tahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
<cite> @Samafal said:</cite> Malistar you speaking like the goverment is owned by your family. The Goverment was formed to serve all but if tried to dictate things you know the people you dealing with. Hassan is president by name, he will lose that too. So its better for you to come down from your high horse. Sxb cid cid u dawladaynkarta ma jirto. Dawlada ama waanu wada lahaan ama way ina wada dayn. The choice is yours. Puntland is owned by one family This all inclusive gov We all know that , Puntland appeasement are getting tired Garowe wants hold Somali Gov hostage on all level ... Today they are asking for mediation IC involvement no shame at all Ethiopia loo ordaa
-
Abdiweli says Puntland is playing ball. Yaan laga badin
malistar2012 replied to Mooge's topic in Politics
Keep playing game with General Abdi Qaybiid soon the matters will turn ugly Daawo Sawirada:-Ciidanka Milatariga Galmudug ee ku jira xerada Indhoqaris ee Duuleedka Magaalada Gaalkacyo Let's see who caalaac last , Abdi Qaybiid a is hothead he believes his in the right onside kkk .... Good luck Gaas you will no need more the Ethiopians to stop him -
C/ Qeybdiid: C/wali Gaas Carbkiisu waa Dab iyo Colaad Muqdisho (KON) - Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ka hadlay Eedeeyn uga timid Madaxweynaha Mamaulka Puntland C/wali Gaas oo aheyd in Cabdi Qeybdiid uu doonayo in si xoog ah loo dhiso Maamulka Gobolada dhexe ee Dalka. Cabdi Qeybdiid oo ka hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray C/wali Gaas uu yahay mid uu ula jeedo kicin Dagaal iyo sidoo kale in Bulshada Goboladda Dhexe ee Walaalahaa la dhex dhigo Fidno, Colaad iyo is qabqabsi aysan Cidna dani ugu jirin. “Maamulka Gobolada dhexe laga dhisayo waxaa Dhisanayay Bulsh weynta Dagan Gobolada dhexe waxaana Qorshahiisa wax ka wada Dawladda iyo Beesha Caalamka, ee maha mid aan anigu wax ku cadaadinayo. Saas ah u fahmo Walaalkey C/wali, hana joogiyo Erayada Dadka kicinaya oo kala fogeynaya,” Ayuu yiri Qeybdiid. Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa sheegay Dhawaan in Cabdi Qeybdiid uu doonayo in si Xoog ha loo dhiso Maamulka Gobolada dhexe ee Dalka Soomaaliya.
-
Home » Wararka » “Lama aqbali karo in maamul QABIIL ku dhisan uu handado DFS” Waxaa yiri…. AUGUST 22, 2014 3:00 AM0 COMMENTSVIEWS: 2038 Muqdisho (Caasimada Online) - Xildhibaan Cumar Xassan (Kabreeto), oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aanno ay Garowe ka soo saareen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda Puntland oo dhowaan gaaray halkaasi iyo Madaxweynaha maamulkaasi Cabdiweli Gaas, Xildhibaanka, ayaa sheegay in Guddoonka Baarlamaanka looga baahan yahay in tillaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadaan Xildhibaanada u dhaartay Qaranka difaaciisa ee beel la saftay, sida uu yiri Xildhibaanku. Xildhibaan Cumar wuxuu sheegay in Dowladdu sababaha ay uga jawaabi la’dahay farriimaha ka imaanaya Puntland; in ay sababtu tahay iyada oo loo arko qabiil ka mid ah qabaa’ilada Soomaaliya oo isaga haysta xuquuqdii uu Dowladda ku lahaa haddana doonaya inuu dowladdii handado si loogu sedburiyo, waxaana uu ku celiyey xildhibaanku in Guddoonka tillaabo ka qaado Xildhibaanada Garowe warka ka soo saaray ee Muqdisho ku soo wajahan. “Marka kursiga Xildhibaanimada laguu dhaariyo waa kaga dhamaatay inaad qabiil iyo Gobol difaacdo, Xildhibaanku wuxuu metelaa Qaran. Haddii Xildhibaanada Garowe tegay ay saluugsanaayeen heshiiskii Gobolada dhexe dowgoodu wuxuu ahaa, inta ay Baarlamaanka hor yimaadaan in ay ka sheegeen wixii cabashadooda ah” Ayuu yiri Xildhibaan Kabreeto, wuxuuna intaasi ku daray in go’aannada ay ka soo saareen Garowe markii uu dhageystay u fahmay kuwo aan macno weyn ku fadhiyin. “Puntland maadaama iyaga oo beel ah ay sheegeen in ay xiriirkii u jareen Dowladda, madaxda Dowladdu waa ka aamustay, Madaxweynaha markii la weydiiyey inuu wax ka ogyahay cabashada Puntland wuxuu ku jawaabay “iyagaa og waxa ay ka caroodeen, annaga ma ogin” fadeexadii ka raacday ayey hadda iska dhaqayaan, waxey la’yihiin si ay ku soo laabtaan; hadalkoodana waxaa laga dhadhansan karaa in ay soo hoydeen, balse shacabkooda ay maqashiinayaan waxyaabaha ay Garowe ka soo saareen, saxaafadduna in ay warkooda qaadqaado ma ahan” Ayuu yiri Xildhibaan Cumar, waxaana uu intaasi sii raaciyey in tiro ka yar 10 xubnood aysan ku takri fali karin xeerka & nidaamka u dagsan Baarlamaanka Soomaaliya. “Xubnaha Baarlamaanka ku jira ee Puntland aaday waa in Baarlamaanka laftiisa tillaabo cad ka qaadaa, Dowladdii ay wax ka soo dhiseen ayey wax ka sheegayaan, weliba iyaga oo af qabiil ku hadlaya” Ayuu yiri Xildhibaan Cumar, waxaana uu intaasi ku daray in haddii Baarlamaanku aanu tillaabo ka qaadin xubnahaasi in la arki doono Xildhibaanno inta tagaan deegaanadooda qabiilkooda ka difaacaan. “Meel ay adduunka ka dhacday ma leh maamul qabiil ku dhisan inuu dowladda handado wax loo dulqaadan karo ma ahan, iska daa in la dhageystee in qashinka lagu daro waaye hadaladooda, oo la yiraa edab yeesha, Puntland wax aysan aheyn ayey iska dhigtay” Ayuu yiri xildhibaan Cumar oo hadaladiisa ay caro ka muuqatay.
-
What Puntland don't understand there is a Gov in Somalia day by day getting stronger ... Never did Somali Gov have ties with Puntland other then Puntland admin asking for handouts and complaining undermining Somali Gov .... Let them stay longer in Growe sxb we got tired of motion in the parliament Waar meeshoda hanaga joogaan.kkkk
-
Ciidamada XDS Oo La Wareegay Deegaano Ka Tirsan G/Hiiraan Kuna Sii Wajahan Jalalaqsi (Sawirro) Published on August 20, 2014 by Mowliid · 1 Comment · 1,590 views Ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM, ayaa sii dar dargeliyay howlgallada maleeshiyaadka Shabaab looga xoreynayo gobolkaasi. Hawlgalada oo ka kala soconayaan Galbeedka iyo Bariga Gobolka Hiiraan, ayaa waxay ay ciidamadu kula wareegeen deegaano ka badan toban, oo ay horey ugu sugnaayeen Shabaabka. C/fataax Xasan Afrax gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo la socdo Ciidamada ayaa waxa uu dadka kula hadlay deegaanada ay kala wareegeen maleeshiyaaadka Shabaabka. Gudoomiyaha ayaa sheegaay in hawlgaladu ay si xowli ah uga soconayaan gobolka, isagoo xusay inaan la hakin doonin, ilaa iyo inta malleeshiyaadka Shabaab laga xoreeynayo deegaanada Gobolka Hiiraan oo idil. Sidoo kale gudoomiyaha ayaa tilmaamay in qorshahooda uu qayb ka yahay in Degmada Buulo Burde ay ka qaadan go’doominta ay ku hayeen maleeshiyaadka Shabaab. Ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM ayaa ku sii wajahan degmada Jalalaqsi oo ah meesha kaliya oo maleeeshiyaadka Shabaab ka joogaan gobolka Hiiraan.
-
DEG DEG:- Al-shabaab oo dagaal looga qabsaday deegaano ka mid ah Gedo Aug 20, 2014 - jawaab Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom, ayaa maanta Al Shabaab kala wareegay deegaan hoostaga Degmada Beladxaawo ee Gobalka Gedo. Dagaal qaatay wax ka yar hal saac ayeey ciidamada Kenya iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula wareegeen deegaanka Gadoon-dhawe oo 45-Km ujira Degmada Beladxaawo ee Gobalkaasi. Taliyaha ammaanka Degmada Beladxaawo Ismaaciil Koofi ayaa Barkulan u xaqiijiyay la wareegitaanka ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya deegaanka Gadoon-dhawe, waxaana uu sheegay in ciidamadii halkaasi ku sugnaa ee Shabaabka inay isaga carareen. Taliyaha ma uusan sheegin khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalkaasi, hayeeshe wuxuu si rasmi ah u xaqiijiyay in gacan ku haynta deegaankaasi ay hada maamulayaan kuwa Kenya iyo kuwa Dowladda. Koofi ayaa sheegay inay haatan degan tahay xaaladda Gadoon-dhawe, wuxuuna ugu baaqay dadka deegaanka inay la shaqeeyaan ciidanka Amisom ee deegaanka qabsaday. Ciidanka Amisom iyo Kuwa Dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waday abaabul ay ugu jiraan inay Al-Shabaab ka saaraan deegaannada ay uga sugan tahay Gobolka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay bilaabeyso wajiga labaad ee dagaalada ka dhanka ah Xoogag Al Shabaab si guud ahaan dalka Soomaaliya looga saaro Shabaab. Al Shabaab weli kama aysan hadlin hadalkaan kasoo baxay Saraakiisha ciidamada Dowladda ee Degmada Belad-xaawo kuna aadan in deegaano ay kala wareegeen Shabaabka hubaysan ee Gobalkaasi ku sugan.
-
Saudi Arabia's Grand Mufti: ISIS is the #1 enemy of Islam
malistar2012 replied to Holac's topic in Politics
Last week, Saudi Arabia donated $100 million to the UN Counter-Terrorism Centre (UNCTC) in its efforts to curb terrorism. Somalia / Afganstan /Libya / could used this money draught will be history ....... -
Mogadishu on fire as security continue to disarm HAG heavyweights
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
Howlgallo dad iyo hub lagu soo qabtay oo laga sameeyay Suuqa Bakaaraha “DAAWO” Published on August 19, 2014 by Mohamed White-ka · No Comments · 1,280 views Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay hub iyo ku dhawaad 30 qof oo la tuhunsanyahay inay ka tirsanyihiin kooxda Al-Shabaab Howlgalkaan ay ciidamadu ka sameeyeen gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha gaar ahaan goobo ay ciidamadu ku tuhmayeen in ay ku dhuumaaleysanayan maeleshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu guuleystay in lagu soo qabto hub iyo dhalinyaro kale oo maleeshiyaadkaasi lala xiriirinayo, kuwaasi oo saxaafadda loo soo bandhigay. Guddoomiyaha degmada Howlwadaag Axmed Nuur Siyaad ayaa sheegay in goobaha maanta howlgallada laga sameeyay ay ahaayeen goobo cayiman oo ay ciidamadu ka warhayeen inay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, waxaana uu intaa ku daray in dhalinyarada lagu soo qabtay ay ku socoto baaritaanno ku aadan ka mid ahaanshiyaha kooxda Al-Shabaab. “Baaritaannada ku socda dhalinyarada waxaa lagu kala saarayaa kuwa ka tirsan Shabaab iyo kuwa aan ka tirsaneyn, marka ay soo gabo gabowdana waa la sii deyn doonaa dadka lagu waayo kiisaska loo haysto” ayuu guddoomiyaha Degmada Howlwadaag hadalkiisa ku daray. Hay’adaha amniga ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay wadeen howlgallo lagu baacsanayo haraadiga maleeshiyada Al-Shabaab, iyagoo ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan hub iyo kooxo nabad diid ah. We'll done sweep the city Ban Guns and Alshabaab / mooryaans -
Gov force are closing in on Degmade Baraawe Alshabaab strong hold huge blow Ciidamada Dowladda oo la Wareegay Tuulooyin hoostaga Qoryooleey{DHAGEYSO} August 18, 2014 Qopryooleey–KNN-- Wararka ka imaanaya Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in kulan uu halkaasi uga soconayo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur “Siidii” iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa XDS. Gudoomiyaha Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabellaha Hoose Maxamed Xaaji Cismaan oo Radio Kulmiye la hadlaya ayaa sheegay in kulanka looga Arinsanayo sidii Weerar loogu qaadi lahaa Degmooyinka ay Al-shabaab haystaan ee Gobolka Shabellaha Hoose,kuwaas oo laga xusi karo Baraawe iyo Kuntawaareey. Dhanka kale Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Al-shabaab kala Wareegay Deegaano dhawr ah oo Degmada Qoryooleey hoostaga,waxaana kamid ah,Farxaanle,Gargaarka iyo Cabdi Cali,halkaa oo Shabaab ay hore u haysteen islamarkaana ay Weeraro ka geeysan jireen. Kulanka ayaa imaanaya Iyadoo Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose uu sheegayon in uu dajiyay Qorshe Al-shabaab Gobolka looga saarayo. Riix halkaan si aad Codka u dhageysato
-
Somali Gov force advance to eliminate Alshabaab remaining towns will be liberated Deg Deg:- Howlgallo Lagu Sifeeynayo Haraadiga Alshabaab Oo Saaka Ka Socda Gobollada Hiiraan Iyo Galgaduud. Ciidamada XDS oo ay wehlinayaan kuwa AMISOM ayaa lagu soo waramayaa ineey saaka howlgallo saf ballaaran ah oo ka dhan ah Shabaab ka bilaabeen deegaano ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Galgaduud. Howlgalkan oo ay horkacayaan saraakiisha ciidamada XDS ayaa la isugu furaya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, gaar ahaan magaalooyinka Buulo barde iyo Jowhar, iyadoo ciidamadu ay ka soo dhaqaaqeen Buulo barde, kuna wajahanyihiin dhinaca degmada Jowhar iyo Buurane. Sidoo kale cutubyo ka tirsan ciidanka XDS oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa howlgallo kale saaka ka wada deegaanno hoos yimaada degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaas oo laga sifeynayo haraadiga maleeshiyaadka Alshabaab. Howlgalkan ka soconaya gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa ka dambeeyay kadib markii dhawaan taliska ciidanka XDS uu ka dhawaajiyay inu billaaban doono howlgalkii ugu dambeeyay ee Shabaab looga xoreeynayo deegaannada ay dalka uga dhuumaaleeysanayaan. Wixii ku soo kordha kala soco halkan
-
Mogadishu on fire as security continue to disarm HAG heavyweights
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
Ciidamada Nabad Sugida oo Howlgal ay ka fuliyeen Muqdisho kusoo qabtay Hogaamiye Maxamed Gafaaje iyo hub uu lahaa Ciidamada Nabad Sugida Dowlada Soomaaliya ayaa howlgal ay ka fuliyeen Magaalada Muqdisho waxa ay kusoo qabteen Hogaamiye katirsanaa Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida iyo hub uu lahaa. Sida aan Wararka ku heleyno Ciidamada Nabad Sugida ayaa Howlgal waxa ay ka fuliyeen Guri kuyaala Xaafada Laba Dhagax ee Gobolka Banaadir waxa ayna howlgalkaasi kusoo qabteen Maxamed Cabdi Gafaaje oo ahaa Hogaamiye sare oo katirsanaa Kooxaha Burcad badeeda. Ciidamada Nabad Sugia ayaa guriga Hogaamiyahan katirsanaa Burcad Badeeda Soomaalida waxa ay kasoo qabteen hub badan oo nuuca yar yar iyo hub kale oo la sheegay in uu heestay Ninkan Burcad badeeda katirsanaa. Maxamed Cabdi Gafaaje iyo qaar kamid ah ilaaladiisa ayaa lagu xiray xarun ay Ciidamada Nabad Sugida ku leeyihiin Magaalada Muqdisho , mana jirin wax iska hor imaad ah oo dhax maray Ciidamada Nabad Sugida iyo ilaalada Hogaamiyahan katirsan Kooxda Burcad badeeda. Dowlada Soomaaliya ayaa maalmahan Magaalada Muqwdisho waxa ay ka waday howlgalo gaar ah o hubka looga dhigayo Hogaamiyaal iyo Siyaasiyiin hubeesan oo kusugan qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com Muqdisho Somalia Allbanaadir@live.com -
Mogadishu on fire as security continue to disarm HAG heavyweights
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
Wasaarada Amniga oo sheegtay in magaalada Baydhabo laga bilaabay howl galada hub ka dhigista by A M | Sunday, Aug 17, 2014 | 2042 views Wasaarada Amniga Qaranka ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay laga bilabay howl galka hub ka dhigista ee dhowaan ay ansixiyeen Golaha Wasiirada. Gudoomiye kuxigeenka dhinaca amniga iyo siyaasada magaalada Baydhabo C/qaadir Sheekh Cali ayaa sheegay inuu bilowday howl galka lagu uruurinayo hubka sharci darada, isagoo uga digay dadka si sharci darada hubka ugu dhex sida magaalada Baydhabo. Wasiir kuxigeenka Amniga Qaranka Ibraahim Isaaq Yarow oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa soo saaray awaamiir ku aadan dhinaca amniga, isagoo ciidamada dowladda faray inay qaadaan howl galo hub ka dhigis ah.
-
Popular Contributors