malistar2012

Nomad
  • Content Count

    2,754
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by malistar2012

  1. Somali Gov state building mission moving in a good paced lasting a agreement reach in Jubba state . Wakiilada beesha caalamka ee joogo Soomaaliya oo soo dhaweeyay horumarka laga gaaray dib-u-heshiisiinta Kismaayo Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka IGAD iyo Ururka Midowga Yurub ayaa si wadajir ah u soo dhoweeyay heshiiskii uu galay Korneel Barre Aadan Shire Hiiraale, heshiiskaas oo uu uga qeyb gelayo geedi socodka dib-u-heshiisiinta iyo ogolaanshaha ay ogolaadeen qaar kamid ah ciidamadiisa aan caadiga ahayn in la baaro si ay ugu suurto gasho in ay kamid noqdaan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, ayagoo kaalmo ka helaya Dowladda Federaalka ee Soomaaliya. “Waxaan soo dhoweyneynaa heshiiskaan ka dhex dhacay Korneel Barre Hiiraale iyo Maamulka KMG ah ee Jubba, heshiiskaas oo ay dhexdhexaadisay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca nabad-sameynta iyo qaran-dhisidda Soomaaliya. Waxaan diyaar u nahay in aan taageerno shirka dib-u-heshiisiinta ee la filayo in uu qabsoomo usbuucyada soo socda, sidoo kalane waxaan ugu baaqeynaa dhamaan dhinacyada ay arrintu khuseeyso in ay la xariiraan dadka ay arrimaha khuseeyaan oo dhan, isla markaana loola xariiro dadkaasi si wax-dhisid iyo dib-u-heshiisiin ku dheehantahay. Waana in la xaqiijiyo sidii lagu dhowri lahaa dhamaan masaalixda iyo danaha umadahaas oo dhan (dadka ku nool Jubbooyinka). Saaxiibada Soomaaliya ee ka socdo Caalamka waxaa ka go’an in ay sii wadaan taageerada ay u fidinayaan habka nabad sameynta iyo qaran dhisidda Ummadda Soomaaliyeed”. ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen Wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya.
  2. Gruesome images of dead Alshabaab , Alshabaab leaders are careless sending mislead youth to suicide mission sad. Alshabaab militant with grenades and suicide belts attack Godka Jili'ow prison all terrorist are dead . Congrats to the security for folding Terrorist attack .
  3. Alshabaab desperately attacks Godka Jili'ow prison all terrorist are dead Weerarakii gaadmada ahaa ee Al-shabaab ku qaaday xabsiga Jilicow oo guuldaro ku dhamaaday War-saxaafadeed Published on August 31, 2014 by Mohamed White-ka · No Comments · 506 views wasiirka warfaafintaAgosto 31, 2014….Ciidamada amniga ayaa gaashaanka u daruuray weerar gaadmo ah oo ay xarunta xabsiga Jilocow ku qaadeen kooxada nabad diidka Al-shabaab abaarro 11:30 gelinkii hore ee maanta. Weerarka kooxda nabad diinka oo socday mudo 45 daqiiqo ah ayaa ciidanka dowladdu waxay ku dileen dhamaan xubnihii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday. Ciidamada amniga ayaa xaqiijiyay inay weerarkan ka qeyb qaateen 7 xubnood oo dhamaantood lagu dilay isla goobtii dagaalku ka dhacay. Sidoo kale, waxay ciidamada amniga iyo ilaalada xabisga Jilicow cadeeyeen in weerarkan fashilmay uu ahaa mid ay nabadiidku ku doonayeen inay xabsiga ugala baxaan qaar kamid ah Al-Shabaab oo maxkamadi xukun ku riday kuna jira xabsiga. Kooxda Al-Shabaab ee weerarka fashilmay soo qaaday ayaa 5 kamid ah ku labisnayd tuutaha ciidanka nabadsugida. Waxayna xabsiga ku soo weerareen labo gaari oo qaraxyo ku xiran yihiin oo la gubay. Weerarkan argagixiso ayaa waxaa ku dhintay 3 kamid ah ciidanka nabadsugida iyo 2 qof oo rayid ah. Dowladda Federaalka Soomaaliyeed waxay ugu horeyn bogaadinaysaa ciidanka amniga dalka oo sameeyay horumar wax-ku ool ah. Waxay dhanka kale u tacsiyaynaysaa qoysaskii ay ka dhinteen naftood hurayaasha ka tirsan ciidanka aminiga iyo dadkii rayidka ahaa ee halkaasi ku geeriyooday. Waxayna si weyn u dhaleecaynaysaa falalka argagixiso ee ay soo abaabulaan kooxaha nabad-diidka ee Al-shabaab oo ah kuwo diidan nabad iyo horumar ka taabo gala Soomaaliya. DHAMMAAD Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Soomaaliya
  4. Amin Art playing dirty politics lol Sillanyo cutting his Leg you see the different ... Hargeysa admin are loosing PR the IC are pushing recognizing Ali Khalif making khatuum reality , Somaliland are not in shape to dispute with IC we have seen the return of Nichols Kay submition first hand .
  5. For Galyadh it's win win situation khatuum admin are a recognized faction all He Needs now is abase a strong hold . If things continue in cat and mouse game whereby Gaylery is seen as Hero among his clan - a man who is fighting for his clan ambitions and self rule things can work out for khatuum faction. We have seen the demos in Laascasno in favor of Ali Khaliif Election we are also witnessing large defection of leaders from SSC from Hargeysa . Let's see what Robin Hood does Next
  6. DEG DEG:- Beesha caalamka oo canbaaray kala duldhacday dagaalada Saaxdheer Aug 29, 2014 - jawaab Wakiilka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty, Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michel Cervoned’Urso ayaa walaac weyn ka muujiyey ciidamada hubaysan ee la geeyey Saaxdheer gobolka Sool iyo khilaafka ka dhashay. “Waxaan ku baaqeynaa in si degdeg ah dib looga saaro ciidamada hubaysan Saaxdheer, iyo in si degdeg ah loo sii daayo maxaabiista la haysto. Waxaan ku boorineynaa dhammaan qaybaha in ay ka waantoobaan rabshado iyo in ay sameeyaan dedaal wadajir ah si loo dajiyo, looguna xalliyo khilaafka nidaam wadahadal oo nabadeed. Dhammaan qaybaha waa in ay si degdeg ah u sameeyaan dedaalo muujinayo doonis dhab oo ku aadan abuuritaanka xaalad muhiim u ah daganaansho waarto oo ka dhacda gobolka.” Wakiilka gaarka ah ee dowladda Mareykanka, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay iyo safiirka Midowga Yurub waxa ay ku boorinayaan maamulka Soomaaliland iyo dadka dagan gobolka xaaladahaan ay saameysay in ay isku howlaan waddo nabadeed oo wax dhisaysa si qaab wadajir ah meesha looga saaro khilaafka. Waxay muujinayaan sida ay uga go’an tahay in ay gacan ka siiyaan dhammaan qaybaha in ay raadiyaan xeer-jajab iyo in laga shaqeeyo nabad iyo daganaansho waarta oo ka hirgasha gobolka.
  7. Kenyans are dreaming well done by the Somali Gov no .......
  8. BURAHADEER NO Mogadishu gov’t was heavily arming Galayr lately, there were 3 planes with arms from Mogadishu yesterday Ali needs to stop wasting money on inagaruation and invest on khatuum militias third time strike out this the second time he got away .... I am sure a store owner in Jowhar can Arm Galayer better let alone The Somali Gov , Nevertheless they put up fight .
  9. Somaliland army invades khatuum Inauguration ceremony canceled Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii ka dhacay Deegaanka Saaxdheer iyo Qasaaro Xoogan oo ka dhashay Dagaalka Subaxnimadii hore ee Khamiista ayaa ciidamada Somaliland weerar qorsheysan ku qaadeen tuulada Saaxdheer oo ahayd halkii lagu doortey Cali Khaliif Galayr in uu noqdo Madaxweynaha maamulka Khaatumo. Waxaa Saaxdheer ka socdey todobaadkan qabanqaabada caleema saarka Madaxweyne Cali Khaliif Galaydh iyada oo maalintii shalay diyaarado sida ergoyin ka qaybgalaysa caleema saarka ay ka dageen magaalada Buuhoodle, waxaana caleema saarka lagu wadey in uu maanta ka qabsoomo halkaas. Warar madax banaan ayaa sheegaya in dagaalku ahaa mid aad u culus oo ciidamada Khaatumo ay markii hore muujiyeen iska caabin xoog leh laakiin looga itaalroonaadey dagaalka, kadibna ay isaga baxeen isla subanimadii hore ee maanta. Ugu yaraan 20 qof oo u badnaa dhinacyadii dagaalamayey ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen halkaas iyada oo dhaawacu intaas ka badan yahay. Daahir Maxamed Maxamuud oo ka mid ahaa qaban qaabiyaashii xafladda caleema saarka Madaxweynaha Khaatumo ayaa sheegey in caleema saarkii Cali Khaliif uu dhacay iyada oo xabadi socoto, waxaa dagaal gardaro ah nagu soo qaadey laba maamul Somaliland iyo Puntland ayuu yiri kuwaas oo iska kaashadey dagaalka Khaatumo lagu soo qaadey!. Khasaaraha dhankooda soo gaarey ayuu Daahir ku sheegey in hal gaari laga gubey laakiin iyaguna ay afar gaari gubeen, Dagaalka waxay ku dileen dad masaakiin ah caruur iyo haween ayuu yiri ninkaan u hadlaayey Khaatumo. Taliyaha ciidanka Somaliland Gen. Ismaaciil Shaqalle ayaa BBC u sheegey sunbaxnimadii hore ee saakey in ay la wareegeen Saaxdheer waxaana uu sheegtey in lagu soo xadgudbey Somaliland kadib markii diyaarado hib sida ay shalayu soo degeen maamulka Khaatumo. Shaqale wuxuu sheegey in aysan 10 daqiiqo ku qaadan dagaalku oo markiiba kuwii uu isku halaynaayey Cali Khaliif ay meesha isaga baxsadeen. Shaqale wuxuu sheegey in Galaydh ay ugu danbeysey isaga uu gudaha Itoobiya marayaa 30km. Warar Madaxbanaan ayaa sheegaya in Madaxweynaha Khaatumo u baxsadey dhanka Itoobiya, halka qaar kale oo ergooyinka ahaa ay u baxsadeen dhanka Hawdka. Cali Khaliif Galaydh ayaa horey Somaliland ugu weerartey degmada Taleex ee gobolka Sool xili uu socdey qaban-qaabada shirkii Khaatumo, waxaana weerarkaasi sababey in Taleex gacanta u gasho Somaliland inkasta oo ay iskood uga baxeen. Sidaan mid la mid ahaa Somaliland Saax-dheer ugu weerareen Cali Khaliif Galaydh iyo ergooyin kale, waxaana uu galay gudaha Itoobiya iyada oo ciidamada Somaliland si iskood ah dib uga noqdeen Saaxdheer bishii Maajo ee isla sandakn 2014. Saaxdheer ayaa ku taala xadka Itoobiya sheegato waxaana ay Laascaanood u jirtaa fogaan dhan 70km. Ciidamada Somaliland ayaa todobaadkanba ku sugnaa meel aan wax badan ka fogeyn Saaxdheer, waxaana muuqatey saan-saan colaadeed, taas oo dad badan ay caalamaad su’aal saareen sida Caleema saar loogu qaban karo magaalo ciidamada Somaliland dul fadhiyaan. Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa horey wacad ugu marey in xoreynta dhulka Khaatumo uu dhiig u daadin doono dagaalna ay qaadayaan. W/Q Hanad Askar Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com Muqdisho Somalia Allbanaadir@live.com
  10. Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga halkaasoo uu uga qeybgeli doono caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Turkiga Racep Tayip Erdogan. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay mas'uulkii ka tirsan Dowladda Turkiga, Safiirka Somalia iyo diblumaasiyiin kale. Caleema saarka Madaxweynaha cusub ayaa waxaa ka qeybgeli doona Madax badan oo dunida ka kala socda, kuwaasi oo lagu casuumay. Ka qeybgalka caleema saarka Madaxweynaha cusub, ka sokow Madaxweynaha Somalia wuxuu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa Madaxweynaha cusub iyo Ra'iisul Wasaaraha Turkiga, iyagoo ka wada hadli doono arrimo badan. Madaxweynaha cusub ee Turkiga, intii uu ahaa Ra'isul wasaaraha, wuxuu door muuqda ka qaatay horumarka dalka Somalia, isagoo indhaha caalamka kusoo jeediyay somalia, markii uu booqasho taariikhi ah ku yimid Muqdisho.
  11. Mogadishu (HOL) - A delegation lead by the Somali president Hassan Sheikh Mohamud left Mogadishu airport today to attend the inauguration of the newly elected Turkish President, Recep Tayyip Erdogan in Ankara tomorrow. President elect Erdogan’s ruling Justice and Development Party’s (AKP) managed to secure almost 52 percent of the votes cast in the first round of Turkey’s first ever presidential election. President Hassan Sheikh Mohamud was accompanied on his trip to Turkey by the Minister of Foreign Affairs and Investment Dr. Abdirahman Beileh and senior members of the civil service. The president and his key Ministers have always stipulated the importance of the strengthening diplomatic bonds between the two nations and their hopes for a closer cooperation on development in Somalia. The Presidential delegation was accompanied to the airport and seen off by the Speaker of Parliament, Mohamed Osman Jawari, as well as many key Ministers and MP’s. It is anticipated that the Somali President and his delegation will be joined at the inauguration ceremony by senior officials from 65 countries and Representatives from a number of international organizations.
  12. The only people who ever brought peace to somalia were the Islamist Majority of the Gov are Islamist groups you Do Know that ICU which brought peace make majority of the security force and other Key Government position Today. Somalia is Heading the Right direction
  13. Yet you sing the praises of a semi handicap man, who smiles for no reason, who has no control over anything, who continues to steal millions, who has increased tribalism, who is using the same formula for failure as the last 15 so called governments. The handicap man who smile is not so bad under his watch We have seen on going reconstruction of the country Free university - elementary - high school Free and better health care Stronger institution Nothing but Good aside from Alshabaab attacks Gudiga sare ee Jaamacadda ummadda ayaa maalinimadii shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay furitaanka Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed oo xitnayd dhowr iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafay ee dalka Somalia ay ka jireen colaaduhu. Kulan ka dhacy Madaxtooyadda Soomaaliya oo uu shir-gudoominayay Maxadaweynaha Somalia ahna gudoomiyaha gudiga sare ee Jamacadda Xasan Shiikh Maxamuud ayaa looga dooday qodobo ay ka mid yihiin Manhajka Jamacada, kuliyadaha lagu furayo, miisaaniyadda jaamcadda, iyo qodoba kale oo muhiim ah. Wasiirka Wasaarada tcaliinta Sare ayaa sheegay inay tahay guul weyn oo Soomaaliya usoo hooyatay in dib loo furo Jaamacadii umadda Soomaaliyeed oo taariiq dheer dalka ku leh. Wuxuu sheegay in Dadka Soomaaliyeed ay ka faa’iideysan doonaan baahida ay u qabaan waxbarasho, iyadoo waxbarashada jaamacada lagu bilaabayo ay noqon doonaan lix kulyadood, waxaana Saldhig u ah oo lagu baranayaa Af-ka Englishka. Nothing but positive news sxb we are good with Smiling guy
  14. isku xishooda you live in christen country ..lol The people are Happy and better off Latest demo against Alshabaab two days ago Alshabaab has killed more somali people then Amisom sxb , Alshabaab has caused man made Famine and continues to block Food from reaching Drought hit Regions starving millions of people . Alshabaab continues to extort somali people for money and livestock .
  15. Gov ministers and IGAD delegates reach Goobweeyn meet Bare Hiraale Wafdiga Dowladda Ee Ku Sugan Kismaayo Oo Guul Ka Gaaray Nabadeynta Deegaannada Jubooyinka Published on August 27, 2014 by Mowliid · No Comments · 232 views Waxaa maanta Deegaanka Goobweyn oo 30 km dhanka Waqooyi ka Xigta magaalada kismaayo gaaray Wafdigii maal mahanba Dawlada soomaaliya ka socday islamarkaana Joogay magaalada kismaayo Mas’uuliyiinta deegaankaasi tagay ayaa Waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax barre, Wasiirka Maaliyada Xuseen cabdi xalane, iyo wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Garsoorka Faarax sheekh cabduqaadir oo maalinimadii shalay magaalada kismaayo yimid. Wafdiga ayaa waxaa kale oo Wehelinayay Xubno ka socda Ururka IGAD iyo Ciidamo ka tirsan AMISOM, waxaana Markii ay gaareen Deegaanka Goobweyn ay kulamo la Qateen Korneel Barre Aadan Shire Barre (Hiirale) oo Halkaas ku sugan. Waxaana Waxyaabaha kulanka la isla soo qaaday ka mid ah sidii Ciidamada Goobweyn Jooga loogu soo xarayn lahaa Kismaayo isla markaana looga Wada qeyb qaadan lahaa Qabsoomida shirka nabadaynta Jubooyinka oo 21 bisha soo socota magaalada kismaayo ka Furmaya . Galabta ayaa Wafdigani dib ugu soo laabten magaalada kismaayo iyaga oo Ay Wehlinayaan Sadex sargaal oo ka mid ahaa saraakiisha Halkaas ku sugnaa, Waxaana lagu wadaa oo la isku raacay in maalinimada Barito ah la soo xareeyo Ciidamada Qaybta hartay iyo Bare Hiiraal. Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan nabadeynta iyo hirgalinta maamulo loo dhanyahay oo laga dhiso dalka, taa oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.
  16. Somali military court chief : Gov workers Treason is a death penalty Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida oo Shaqaalaha Dowlada Digniin u dirtay iyo baaris xoogan oo ku socoto Shaqaalaha!! Maxkamada sare ee ciidamada qalabka Sida ee dowlada Somalia oo Digniin adag u dirtay Qaar kamid ah Shaqaalaha rayidka iyo Ciidanka dowlada Soomalaiya Gudoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada qalabka Sida Col,C/raxmaan Tuuryare ayaa Ugu Digay qaar ka mid ah shaqaalaha dowlada iyo Ciidankaba in ay macluumaad u gudbiyaan saraakiisha Al-shabaab taasoo uu xusay iney tahay wax aan la aqbali Karin. “Shaqaalaha dowlada ee ay ku cadaato iney Al-Shabaab u gudbiyaan macluumaad cadowga waa ka daran yihiin waana ka ciqaab kulul yihiin maxaa yeelay qarankii aaminay ayey qiyaameen talaabo adag ayaana ka qaadi doonaa” ayuu intaa ku daray Tuuryare. Waxaa uu intaa ku daray in seefta maxkamada ciidamada qalabka sida aysan laheyn gal iyo nasasho midna, ayna haatan dulsaaran tahay shaqaalaha dowlada ee sida hoose ula shaqeeya Al-Shabaab. “Kuwa shaqaalaha dowlada ka tirsan ee la shaqeeya Al-shabaab yeysan ismoodin inaan lala soconin ama ay isqarin karaan baaritaan badan ayaa socda qaarkoodna dusha ayaa lagala socdaa arimahooda” ayuu yiri C/raxmaan Tuur-yare. Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida ayaa dardar gelisay howlaheeda iyadoo riday xukuno dil iyo xarigba iskugu jira oo lagu qaaday shaqsiyaad fara badan oo lagu eedeeyey iney ka tirsan yihiin xoogaga Al-Shabaab iyo askar ka tirsan ciidamada oo dembiyo kala duwan geystay. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com Muqdisho Somalia Allbanaadir@live.com
  17. Ciilsuldane Your khawarij friends are on the Run they will be killed or captured their time have expired in Somalia , give credit to the Somali Government within few years they are defeating African largest terror group . Amisom are slow we all know that and have no apatite to fight , The Gov has passed that trained thousand of troops who are on the move Amisom was forced to come along nowadays times have change the result are great . Today its crime to be Alshabaab harsh sentence How times has change
  18. <cite> @nuune said:</cite> How close, since 2011 they have being getting closer to Baraawe, we know that Barawe is only 2 hours away from Mogadishu, or even less. There are 1,460 days in 4 years, so we can conclude that each year government force(AMISOM) were doing half an hour drive towards Barawe per year. The question is, are they there yet if they are doing half an hour drive per year to Baraawe. Meesha sheikh waxba ma yaalaan ee ha lagu kala cararo. The fact is, AMISOM gets paid because of these guys in Baraawe, and no one wants to touch their lifelines. Soomaaliya waxey noqotey dhuuqoo dharag or buffet! 2011 Alshabaab controlled 90 % of the south including 80 % of of the capital , Today less then three years they are on the run control less then 5 district . Barawe the last town in sh/ hoose held by alshabab will be liberate ....
  19. Taliska ciidanka xooga dalka iyo AMISOM oo ku dhawaaqay howl gal cusub loogu magac daray Indian Ocean by A M | Tuesday, Aug 26, 2014 | 941 views Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa ku dhawaaqay inuu bilowdag howl gal cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasoo loogu magac daray Indian Ocean (Badweynta Hindiya), kaasoo qorshihiisa yahay in Al-Shabaab looga saaro dalka oo dhan. Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi iyo Taliyaha ciidamada AMISOM Lt. Gen Silas Ntigurirwa ayaa waxay sheegeen in howl galkan cusub uu furayo wadooyinkii ay Al-Shabaab xireen, isla markaana qorshaha uu yahay in magaalooyin inta ay ku hareen laga saaro. “Howl galka Badweynta Hindia (Indian Ocean) waa bilowday, isagoo wada jir ah oo ay iska kaashanayaan AMISOM iyo Ciidanka xooga dalka, waxaa rajeyneynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan magaalooyin waa weyn looga saaro iyo meelaha ay ku hareen”ayuu yiri Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi. Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa sheegay in howl galkan uu bilowday 24-kii bishan qaban qaabadiisa iyo abaabulkiisa, isla markaana lagu bilaabay degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool, halkaasoo shalay ciidamada dowladda iyo AMISOM la wareegeen. “Howl galkan waxaa uu abaabulkiisa iyo qorshihiisa bilowday 24-kii bishan, Tiyeeglow ayaa lagu bilaabay shalay, aaga Bakool ciidanka xooga dalka iyo AMISOM ayaana ka howl galayay”ayuu yiri Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka. Mar la weydiiyay howl galkan waxa uu kaga duwan yahay howl galkii horaantii sanadkan, maadaama magaalooyinkii ay la wareegeen ay al-Shabaab go’doomiyeen ayuu sheegay in howl galkan cusub uu furayo wadooyinkii, isla markaana qaladaadkii ay ka galeen kii hore ay dib u saxayaan, isla markaana uu xal u yahay mid ka soo baxay howl galkii hore. Dhinaca kale Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Lt. Gen Silas Ntigurirwa ayaa sheegay inay ka go’an tahay in howl galkan Indian Ocean in Al-Shabaab ugaga saaraan dalka oo dhan, ayna AMISOM diyaar u tahay inay soo celiso xasiloonida. Howl galkan ayaa saameyn doona gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya oo qeybo badan ay maamusho Al-Shabaab, waxaana laga dhur-sugayaa natiijada ka soo baxda howl galkan wajiga labaad, maadaama howl galkii koowaad uu sababay in Al-shabaab ay weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ku qaadaan meelihii lagala wareegay, isla markaana ay go’doomiyeen.
  20. Xaalada Buulo Mareer Oo Caawa Kacsan, Xilli Ay Ku Sii Siqayaan Ciidamada Dowladda Iyo Amisom 1 Waxaa caawa kacsan xaalada Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose, xilli Ciidamada Xooga Dalka iyo Ciidanka Midowga Afrika ay ku sii jeedaan. Ciidamada Dowladda iyo Amisom oo saakay ka dhaqaaqay Degmada Qoryooley, ayaa waxaa caawa la soo sheegayaa in ay kaabiga u saaran yihiin deegaanka Buulo Mareer, oo ay ku xoogan tahay Al Shabaab. Dadka deegaanka, ayaa soo sheegaaya in Shabaabku ay bilaabeen in ay gaadiidkooda dagaalka iyo dagaal-yahanadooduba ay kala baxaan Buulo Mareer, isla-markaana ay u muuqdaan inaanay ku dagaalami doonin gacan ku haynta deegaankaasi. Dadka deegaanka, ayaa TV-ga Universal u sheegay in ay ka walaacsan yihiin waxyeelo ka soo gaarto, suurta galnimada labada dhinac oo madaafiic isu weydaarsan kara Buulo Mareer. Gudoomiyaha Degmada Qoryooley Maxamed Xaaji Cismaan (Gaagaale), ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in saacadaha soo socda ay xoog ama xeelad kula wareegi doonaan gacan ku haynta deegaanka Buulo Mareer.
  21. Sarkaal ka tirsan Al Shabaab oo la sheegay in Gobalka Shabeellaha hoose lagu dilay Aug 26, 2014 - jawaab Saraakiisha ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Gobalka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay inay dileen Sarkaal kamid ah Ururka Al Shabaab iyo ciidamo ka bar-bar dagaalamayay. Maxamed Axmed Cabdi oo kamid ah Saraakiisha ciidamada Dowladda ee Gobalka Shabeellaha Hoose, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, xalay dagaal ay ku dileen sarkaal ka tirsan Shabaab. Dilka sarkaalkaan iyo saddex Askari oo kale ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii dagaal uu dhexmaray ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya iyo kuwa Shabaab, markii ciidamada Milateriga ay weerar ku qaadeen ciidamo Shabaab ka tirsan oo ku sugnaa inta udhaxeysa Mubaarak iyo Janaale ee Gobalka Shabeelaha hoose. Dagaalka ragaan lagu dilay ayuu sheegay Sarkaalkaan ka tirsan ciidamada Milateriga Soomaaliya inay qaadeen, iyaga markii ay ka warheleen in Al Shabaab halkaasi ku sugan yihiin. Sarkaalkii ugu sareeyay ciidamada Shabaab ee ku dhuumaaleysanayay inta udhaxeysa Janaale iyo Mubaarak, ayuu sheegay inay halkaasi ku dileen saddex kale oo askarta kamid aheydna ay dileen, halka intii kale ay ka carareen goobta dagaalka uu ka dhacay. Majirto ilo kamadaxbanaan Sarkaalkaan ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Gobalka Shabeelaha hoose oo xaqiijinaya in sarkaal ka tirsan Shabaab lagu dilay Gobalka Shabeelaha hoose. Al Shabaab dhankooda weli wax war ah kama soo bixin oo ku aadan hadalkaan kasoo baxay Saraakiisha iyo dagaalka ka dhacay Gobalka Shabeelaha hoose. SHARE-GAREEY QORAALKAAN
  22. Gov force are getting close to Barawe Alshabaab retreating ordering evacuation Weerarkii oo soo dhowaaday iyo Al-Shabaab oo aamartay in laga baxo magaalada… AUGUST 26, 2014 10:00 PM0 COMMENTSVIEWS: 1789 Buulo-Mareer (Caasimada Online) - Maleeshiyada Al-shabaab ayaa ku amray dadka ku nool magaalada Buula-Mareer ee gobolka Shabellaha Hoose in ay magaalada baneeyaan, xilli weerar culus uu kusoo wajahn yahay. Wararka aan caawa ka heleyno magaalada Buula-Mareer ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in kooxda al-shabaab ay dadka ku amreen in magaalada ay ka barakacaan, kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ay magaalada usoo dhawaadeen, lagana cabsi qabo inay gudaha u galaan, oo ay qabsadaan. Gudoomiyaha Qoryooleey Maxamed Cismaan Xaaji ayaa caawa xaqiijiyay in Shabaabka Buula-Mareer ay arrintan ku ciqaabayaan shacabka magaalada. Gudoomiyaha Qoryooleey ayaa sheegay in Al-shabaab ay makarafoono ku soo xireen gaadiidka, islamarkaana ay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid yihiin dadka magaalada ha baneeyaan, waxaa soo galaya magaalada cadaw. Lama oga ujeedka Al-Shabaab ay ka lee yihiin arrintan, waxaase ay ka mid tahay ficillada arxan darrada ah ee argagixsadan. Dagaal culus, ayaa la filayaa in gobolka Shabeelaha Hoose ay dhowaan ka qarxaan, ayada oo dowladda Soomaaliya ay dooneyso inay ka saarto Al-Shabaab gobolka, waxaana goobaha weerarka uu ku socdo ka mid ah degmada Baraawe.
  23. Maxkamada ciidamada qalabka sida oo lix bilood ku xukuntay aabe dhalay wiil dhalinyaro ka tirsanaa Al-Shabaab by A M | Tuesday, Aug 26, 2014 | 155 views Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa shalay lix bilood ku xukuntay aabe dhalay wiil la sheegay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab, kaasoo dilal ka geystay magaalada Muqdisho, iyadoo Maxkamadu wiilkaas ku xukuntay dil toogasho ah. Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida Col. C/raxmaan Maxamuud Tuuryare ayaa sheegay in qofka dilka geystay iyo kii qariya ay isku dambi yihiin, isla markaana uu ka yaalo xeerka ciqaabta soomaaliyeed. “Qodobka 283 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed wuxuu qeexayaa in muwaadinkii qariya xog amniga qatar ku ah waa dambiile ciqaab ayuu muteysanaa, waliba ciqaab qeybo ayay leedahay, inkastoo aan ku xukumin ciqaabtaas, hadana ciqaab kale ayaa ku xukunay, waalidka waa la xukumayaa, hadii marka caruurtiisa oo da’ yar aad ogtahay inay alshabaab yihiin aad qariso oo aan dowladda u soo sheegin waa qarin xog amni”ayuu yiri Col. Tuur Yare “Qofkii dambi gala ee wax dila iyo kii qariya waa isku dambi, kitaabkeena ayaa inoo sheegay, xeerkeena ciqaabta Soomaaliyeed ayay ku qoran tahay oo afti dadweyne loo qaaday”ayuu yiri Col. Tuur Yare oo ka hadlayay goobtii xukunka Maxkamada ku riday. Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa lix bilood ku xukuntay Cusmaan Cali Maalin oo ah aabaha dhalay wiil lagu soo eedeeyay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana dilay mid ka mid ah ciidamada nabadgelyada wadooyinka, kaasoo ay Maxkamadu dil toogasho ku xukuntay. Sidoo kale Maxkamada ayaa ruux kale oo la sheegay inuu ka dambeeyay dilka Wariye Maxamed Maxamuud Timacade oo bishii hore lagu dilay degmada Wadajir ku xukuntay dil toogasho ah. Dhinaca kale Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa digniin u jeediyay shaqaalaha ka tirsna dowladda inay xogta la wadaagaan kooxaha ka soo horjeeda, ama ay u gudbiyaan sirta dowladda. “Cadawgu wuxuu mar walba isku dayayaa inuu dad ku yeesho shaqaalaha dowladda xogo ka helo, waxaa uga digeynaa shaqaalaha dowladda inay xog siiyaan ama la wadaagaan cadawga, waa dhamaatay xilligii la dhihi jiray dowlad waa daciif, ama laguma ogaanayo gacan bir ah ayaa ku qabaneynaa”ayuu yiri Gudoomiye Tuur Yare. Maxkamada sare ee Ciidamada qalabka sida ayaa dhowaan ugu baaqday waalidiinta inay soo sheegaan wiilashooda ka midka ah Al-Shabaab, cidii qarisa oo Maxkamadu ay tallaabo ka qaadeyso.
  24. Coming soon The port also seeing great development