malistar2012

Nomad
  • Content Count

    2,754
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by malistar2012

  1. cuuqdad Prof Ahmed Ismail Samatar kaa buuxodo maanta lamana garnaayo meesha maa laga cayrsha odayga xanuunsan ee cudurka Qabilika faafinaya wali maa fahamin maax uu diida is-faham ino oo abuuro oo la iska qanciyo waxa la isku diiddan yahay Prof Ahmed Ismail Samatar you lost a election accept it , also you lost to Xasan shiekh maxamud who dedicate his life for Somalia opened schools and University - Hospitals and etc while you were living comfortable in America . Xasan Sh. Maxamuud waa nin aad u firfircoon oo gal gal ah, aadna u kala yaqaan bulshada Somalia ....
  2. The interviewer ask the right question the hypocrite Prof Ahmed Ismail Samatar waa isku xishooda he said it point blank The Habros have the right rule they fought for it and conquered waqooyi galbeed kkk clasic
  3. Daawo Wasiirka Amniga Qaranka “Digniin Culus ayaan ka jeedinayaa weerarro argagixisada damacsan yihiin” Published on September 5, 2014 by Feysal Muse · No Comments · 1,021 views Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa digniin ka soo saaray weerarro Al-Shabaab damacsan yihiin in ay ku gumaadaan Ummadda Soomaaliyeed kaddib shir ja’raaid oo uu caawa ku qabtay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed. Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Khaliif Axmed Ereg, ayaa hadalkiisa ku bilbaabay “Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynayaa nabarka ka haray oo waxaa la dilay horjoogihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Aw Godane, waxaa xog ku aaddan halka uu ku sugan yahay la helay, 1-adii bishan, arrintaas ayaana fududeysay in la qaarajiyo, dilkiisa waxaa iska kaashaday dowladda Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka, arrintaas waa guul dalkeenna uu gaaray”. Sidoo kale Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya, ayaa yiri ” hey’adaha Sirdoonka Soomaaliyeed waxa ay heleen ay heleen xog la xiriirta in Al-Shabaab ay doonayaan in ay weerarro ka geystaan, xarunaha Caafmaadka, Waxbarashada iyo meelo kale, dowladda Soomaaliya arrintaas waa ay u diyaar garowdey, waana laga hor tagayaa haddii Alle Idmo, waxaan heegan gelinay dhammaan ciidammada Qalabka Sida, waxaan ugu baaqayaa Shacabka Soomaaliyeed in ay gacan ka geystaan sidii gumaadkaasi looga hortagi lahaa, waan hubaa in gacan adag lagu qaban doonno dhammaan ficillada gurracan ee argagixisada”. Wasiirka Amniga Soomaaliya, Mudane Khaliif Axmed Ereg, ayaa xusay in Xukuumaddu ay ku celineyso baaqii loo diray dhallinyarada Al-Shabaab ku hartay in ay isaga soo baxaan muddo 45, cisho ah, si mustaqbalkooda loo badbaadiyo, waxaana lee yahay Shacabka Soomaaliyeed ha xoojiyaan taageerada dowladda, “dalka horumar ayuu gaaray nabadda gacan adag ayaa lagu qabanayaa, ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Halkan ka dhageyso Codka Wasiirka Amniga Qaranka.
  4. Soomaalida awalba ciidamada heegan lama galineen oo aduunku waa hurdee maxaa hada hurdada ka soo salaliyey? Ma la is waaydiiyey? Alshabaab Kawarijiy baa aduunka Keena Somalia si kale Maaha .... After decade of war and famine today Somalia is showing hope the future looks bright we are seeing state building , we are witnessing regions building and developing . - All Government institution are working and building expect the Gov to get stronger expect strong Constitution expect multi party system expect Huge Investment
  5. post-warlord/ Terrorist era The Rebirth of Stable Somali Nation May Allah Bless Us with long lasting development and sustainable peace in the future
  6. <cite> @CidanSultan said:</cite> African Union boots with American special forces and drones kill one man. Hate it or love it Alshabab commited many crimes and killed many innocent people. What surprises me is not Alshabab it's these people who take the credit for American special forces as drones and au forces. In reality the somali government can't control an inch without au forces. History shows us that organisations like Alshabab morf into something worse. The au and us cheerleaders on sol can continue with with the cheerleading hahaha... We await to see what life brings to us next... Who cares who killed The Coward who made it lawful to Kill innocent Muslims - caused man made famine . The revenge was a good one blown to Pieces how many innocent people did he kill by suicide bombs ..... The Killing of the Coward Gadone could not have come in better time , Alshabaab are on the run without a Leader .....
  7. Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in waqtiga Shabaab uu dhammaadey, kana hadlay geeridii Godane Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay maanta dilka hogaamiyihii Alshabaab ee Axmed Godane. War saxaafadeed luqada Englishka ku qornaa oo madaxweynuhu ka soo saaray arrintan ayaa waxa uu ku yiri: “Ciidamada Maraykanka waxa ay fuliyeen weeraro cirka ah ee ay ku qaadeen xarun tababar oo ku taal Koofurta Soomaaliya habeenimadii Isniinta 1da September,iyadoo lala beegsaday gaadiid iyo xubno Alshabaab ah. “Hogaamiyihii Alshabaab Axmed Godane waxaa lagu diley weerarkaa isago iyo dhammaan dadkii la socday. Waxaan leeyahay xubnaha Alshabaab Godane dhinteay hadda waa fursad aad nabad ku qaadan kartaan.”ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in dowlada ogeyd weerarka ayna heshiis ku ahaayeen dowlada Maraykanka. “Ciidamada Maraykanka waxa ay fuliyeen weerarka duqeynta ah iyadoo dowlada Soomaaliya ay ogeyd raalina ka ahayd weerarka. Waa dagaal caalami ah oo loogaga soo horjeeo argagaxisada, dowlada iyo shacabka Soomaaliyeedna aad ayay u qadarinayaan taageerada heer caalami ah ha noqoto mid si toos ah ugu leh wadanka ama taageero tababaro iyo qalabaynta ciidamada dalka Soomaaliyaba.” War saxaafadeedkan ayaa uu madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay xubanaha ka mid ah ururka Alshabaab inay ka faa’ideystaan fursada cafiska 45ka maalmood ah ee ay dowladu ku dhowaaqday, isagoo xusay inaysan oggolaan doonin kadib 45ka cisho in la cafiyo xubnaha ururka Alshabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay sifeynayaan inta ka hartay ururka Alshabaab isagoo amaanay howlgalka la magac baxay Indian Ocean. Hogaamiyihii Al-Shabaab ayaa ka mid ahaa raga loogu doon doonis badnaa, waxaana uu xilka hogaanka Shabaab uu qabtay sanadkii 2008-dii, Mareykanka ayaa madaxiisa dul saaray ilaa 7-milyan oo dollar.
  8. The Coward Axmed Godane was killed while fleeing from the Gov Assault , his convoy was spotted the terrorist died as coward shame on him .................... Mukhtar Robow, senior spokesman ‘Ali Mahamoud Rage (‘Ali Dheere), and preacher Fu’ad Muhammad Khalaf “Shongole” (from left) ISKOOL POLIZIA Tiirka sugayo Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka Good Friday
  9. Wasiirka Gaashaandhigga oo xaqiijiyay dilka hogaamiyihii Alshabaab Axmed Godane Wasiirka gaashaandhigga dowlada Federalka Soomaaliya Maxamed Sh. Xasan Xaamud oo ka hadlay weerarkii lagu qaaday meel u dhexeysa Baraawe iyo Sablaale ayaa ku tilmaamay weerarkaasii in uu guul ku dhamaaday uuna ka mid ahaa hogaamiyihii ururka Alshabaab Axmed Godane dadkii ku dhintey weerarkaas. “Ururka Alshabaab waa urur argagaxiso oo caalami ah dowladana waxa ay ka codsatay in laga caawiyo sidii loola dagaalami lahaa ururkaas oo dunida oo dhan halis ku ah.” Ayuu u sheegay wasiirka gaashaandhigga VOA laanteeda Afka Soomaaliga. Wasiirka gaashaandhiga dowlada Federalka Soomaaliya Maxamed Sh,Xasan Xaamud oo ka hadlayay howlgalka la magac baxay Badweynta Hindiya in ay sii wadi doonaan illaa iyo inta ururka Alshabaab guud ahaan dalka Soomaaliya loogaga saarayo. Ururka Alshabaab ayaan weli ka hadlin wararka sheegaya in la dilay hogaamiyahoodii Axmed Godane. Hase ahaatee ururka Alshabaab ayaa isaga baxay deegaano badan oo ay hore gacanta ugu hayeen.
  10. Som Air :Somali owned airline starts direct flights Airline industry booming Shirkadda duulimaadka ee SOM AIR oo bilowday duulimaadkii ugu horeeyay “SAWIRRO” Published on September 4, 2014 by Mohamed White-ka · No Comments · 3,832 views Waxaa sii kordhaya maalgeshiga dhanka duulimaadyada oo ay ganacsatada Soomaaliyeed ay ka sameynayaan dalka, gaar ahaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho., iyadoo Shirkada duulimaadka SOM AIR oo dhawaan ka howl bilowday gudaha dalka kana mid ah shirkadaha diyaradeed ee ka howlgala qaarka mid ah Wadamada caalamka ay maanta bilowaday duulimaadkeedii ugu horeeyay oo ay ku tageyso magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda. Axmed Shukri oo ah maamulaha Guud ee shirkada diyaradaha ee SOM AIR oo saxaafadda kula hadlay gudaha diyaarada ayaa sheegay in maanta ay sameynayaan duulimaadkii ugu horeeyay ee ay ku tegayaan dalka Uganda gaar ahaan magaalada Kampala. “Muddo dheer waxaan ka hadlaynay in 4-ta bisha aan bilaabeyno duulimaadkii ugu horeeyay, maantana way dhacda taas, waa Alle mahaddiis, marka waxaan shacabka u rajeynayaa in aan u qaban doono adeegyo ay ku qancaan oo xagga duulimaadka ah, waana soo dhaweyneynaa taageerada shacabka iyo baahiyaha ay u qabaan in ay helaan adeegyo kan la mid ah” ayuu yiri Axmed Shukri. Maxamed Cabdul-xaliim oo ka mid ah Maamulka shirkadda SOM AIR oo isna la hadlay Warbaahinta ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay noqdaan macamiisha shirkadda, maadaama ay u taaganyihiin qancinta macaamiisha daneyneysa inay isaga kala gooshaan dunida. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xasan Maxamed Jimcaale oo ka mid ah rikaabka diyaaradda oo la hadlay Warfidiyeenada ayaa sheegay in ay aad u soo dhaweynayaan shirakadaha cusub ee ku soo biiriya dalka, isagoo dhinaca kale umahadceliyay ganacsatada Soomaaliyeed ee gartay in shirkadan ay ka howlgasho gudaha dalka. “Waa talaabo horumar leh oo ganacsato Soomaaliyeed ay dalka ku keeneen Shirkadaan diyaaradeed ee SOM AIR, waana mid aan sugeynay, aad baan u soo dhaweyneynaa horumarka iyo maalgeshiga ay sameynayaan ganacsatada Soomaaliyeed, runtii waa talaabo ku dayasho mudan, anaguna farxad bay ii tahay in aan ka mid noqdo dadkii ugu horeeyay ee ku safra” ayuu yiri Mudane Xasan Maxamed Jimcaale Shirkadda diyaraadaha ee SOM AIR ayaa dhawaan ka mid noqotay diyaradaha ka howlgala gudaha dalka, iyadoo maanta bilowday dulimaadkeedii ugu horeeyay oo ay ku tageyso dalka Uganda, halkaasi oo ay rakaab kale ka soo qaadi doonto.
  11. <cite> @Ismahaan said:</cite> Nuune walaalkiis thanks you. I am fine Allhamdulilah waxaad sheegtay dhan waa run laakiin in aay traitors ka iyo inta daba ordaysa soomaali iska qabato iyagaay u taal oo maxkamad soo tagaan. Laakiin maxkamad meeday , ma maxkamad baan leenahay taas baa keenaysa in shaqsi kastaa waxuu doono iska sameeyo. Maxkamad xataa hadii la waayo kuwaan anigu ha la hang gareeyo oran lahaa waayo Dal dhan oo muslim baay Gaal xun oo awal dalkoodii qaar haaystey ka iibsadeen. Alle ha sahlo. Malister2012@ Walaal Madaxda soomaaliyeed ee baryahaan ashuunka ku adima oo Uhuru ,Yoweri Museveni,Hailemariam Desalegn iyo Mr Key u taliyaan iyo afartaan qof ee mad madoow ee aad na leedahay waa ciidan oo aan og nahay in cadowgu taba-baray oo shilimaadka siiyo ha nooga dhigin dad dalka, sharafta iyo diinta midna difaacaya.Hadaay dal difaaci karaan muqadisho baay ka difaaci lahaayeen wiilaasha soomaaliyeed. See nin 4-wiil oo soomaali ah iska difaaci waayey wadan power leh iskaga difaacayaa? Mida kale soomaaliya xuduud baay leedahay aan cidna ku soo xad gudbi karin, kaliya waxaa loo soo hoos gali karaa daba-dhilif u saxiixa dalka sida hada Dowladda hassan sameeysey, tii hore sameeysey. Dadka soomaaliyeed kuwaan difaac uguma baah kamana sugayaan ee kaliya waxaay leeyihiin fara faraanta ka daaya dastuurkeena iyo sharciyada aduunka noo yaal. d Somali maritime boundary are defined ..... Kenya waax nagma qaadayan Yes Kenyan tried using daba-dhilif u saxiixa such kooxda Abdirasheed sharmarke an Prof Gandi kooxda wey ku fashilmayn ........
  12. geerida ma diidaan Taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Daahir Khaliif Cilmi (Indho-Qarsho) ciida wax isku raceen talo geeri iyo nolol.... geeska afrika wee bee gonayeen Guusha Guusha guusha iyagaa leh This thread is Joke the lion never loose inch
  13. Abaanduulaha ciidanka XDS Gen. C/risaaq Qaliif Great Man Ciidanka Xoog Dalka Somaliya libaaxyada Welcome Back
  14. Kenyan stooge he is unhappy how event are folding Kenyan project has failed , SFG are running the show September 16 reconciliation fallows under SFG mandate .........
  15. BREAKING NEWS: Hiiraan and Middle Shabelle free of Alshabaab without resistance One District left in Shabelle hoose Barawe and one district in Galgaduud Ceeldheer. The Highwaeny Connecting Central states to Mogadishu are open . Mogadishu, Somalia (HOL) -Somali forces backed by AMISOM tanks have entered the central Somalia town of Jalalaqsi after Islamist militant, Al-Shabaab vacated it. Town retaken by AU and Somali forces would be the third one the insurgents use to have a strong force in the central Somalia region of Hiiraan. "Our forces didn't meet any resistance from Al-Shabaab fighters, they fled the area after we advanced," senior military commander with AMISOM said. A reporter with the AU & Somali forces confirmed to HOL that there were no clashes inside Jalalaqsi and as a result situation is calm. Civilians remained the town in the face of the alliance forces advance in the last couple of days and some of them told the local media that Al-Shabaab fighters pulled out from the town. Al-Shabaab didn't issue any statement about the capture of Jalalaqsi town which is the first place AMISOM and Somali forces captured in the Hiiraan region since second phase military offensive dubbed " Operation Indian ocean" begun.
  16. Galgaaduud Road linking Ceelbur opened up alshbaab on the run Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya, ayaa saaka oo tallaado ah ku dhaqaaqay Shabaabka ku sugan inta udhaxeysa Degmooyinka Dhuusa Mareeb iyo Degmada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud. Al Shabaab ayaa deeganadaan horay looga saaray, markii ciidamada xooga dalka iyo kuwa Itoobiya ay la wareegayeen gacan ku haynta Degmada Ceelbuur, inkastoo Al Shabaab markii dambe dib ay ugu soo noqdeen deeganadaan. Taliyaha ciidanka Xooga dalka Soomaaliya qeybta 21-aad Sulub Axmed Diiriye, ayaa sheegay in ciidamada ay ka ambabaxeen Degmada Dhuusa Mareeb, ujeedadana ay tahay sidii Shabaab looga saari lahaa dhulka udhaxeeya Ceelbuur iyo Dhuusa Mareeb. Sulub Axmed Diiriye oo u waramay Idaacada lagu magacaabo Barkulan, ayaa sheegay inay rajeynayaan in Shabaab ay ka saaraan dhulkaasi, maadaama dalka Soomaaliya uu ka biloowday howlgalka Badweynta Indiya. Xoogaga Shabaab ayaa waxa ay ku sugan yihiin tuulooyinka Ceel-la-helay, Ceel-qooxle, Ceel-garas, Xiin-dheer iyo Ood-weyne oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Galgaduud, una dhaxeeya Ceelbuur iyo Dhuusa Mareeb. Ciidamada qabsaday Degmada Ceelbuur ee isugu jira kuwa Dowladda iyo Ethiopia ayaa weeraro kala kulma dhalinyarada Shabaab ku jira ee ku sugan deeganada hoostaga Degmada Ceelbuur. Howlgalka lagu majoxaabinaayo Mintidiinta Al Shabaab ayaa ka socda Gobalada dalka Soomaaliya, gaar ahaan howlgalkaan wuxuu si dar-dar leh uga socdaa Gobalka Shabeelaha hoose oo goobo muhiim ah usoo gacan gashay Dowladda iyo Amisom.
  17. Somali Troops open roads connecting central states Aid reaches drought hit regions Ciidamo ka soo tegay Beladweyne oo raashin u sida shacabka Degmada Buulo Burde Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan ciidamada Jabuuti oo isgarab sanaya ayaa maanta ka soo dhaqaaqay dhanka magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo raashin gar gaar u sida shacabka ku sugan magaalada Buulo Burde ee isla gobolkaasi ka tirsan. Ciidamada oo galbinaya gaadiidka gar gaarka u sida shacabka ku dhaqan Buulo Burde ayaa waxa uu qorshahoodu yahay sidii ay isu furi lahaayeen waddooyinka Beladweyne iyo Buulo Burde, halkaasi oo ay si dhuumaaleysi ah u soo galaan maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. Raashinka gar gaarka ayaa ah kuwa Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ugu deeqay shacabka ku xaniban magaalada Buulo Burde ee xilligan u baahan inay helaan kaalmo deg deg ah, waxaana saraakiisha ciidamada ay xuseen in kaalmadaasi ay gaarsiinayaan bulshada degmadaasi ku dhaqan. Magaalada Buulo-burde ayaa ka mid ah goobaha kal hore laga qabsaday kooxaha nabad diidka ah, waxaana maamulka Gobolka uu qorsheynayaa in uu dib u soo celiyo adeegyada guud ee bulshada
  18. Nabadoon Xaad: Told to be silent no more Politics no more insinuating violence or Jail . Nabadoon Xaad: Waa la i Handaday Waxaana la iigu Hanjabay in la i Dilayo Muqdisho( Sh M Network)- Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada beeelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in Dawlada Soomaaliya ay ugu hanjabtay in la dilayo haddii uu ka hadlo Arimaha ka socda Magaalada Muqdisho, isaguna uu tilmaamay inuu qaatay amarkaasi oo uu iska aamusayo. Nabadoon Xaad oo hadlay ayaa sheegay in uu ku qancay Hanjabaada loo jeediyey, balse waxa uu farta ku fiiqay in Dadkii afka laga wada qabtay oo aanay ka hadli karin Arimaha Dawladda, Dalkiina lagu tilmaami karo Dal aan xor ahayn. Nabadoon Maxamed Xasan xaad ayaa sheegay in ay la soo hadleen Madaxweynaha, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Saraakiil kale iyagoo ku wargeliyey inuu ka aamuso hawlaha ka socda Magaalada Muqdisho. “Ma jirto Xornimo, Madax Banaani, Xoriyatul qawl sidaa awgeed waan iska gaabsanay, laakiin waxaasi wax lagu qanci karo inaysan ahayn qof walba waa u jeedaa“ ayuu hadalkiisa sii raaciyey Nabadoon Xaad. Nabadoon Maxamed Xasan Xaad waxa kale oo uu sheegay in hadda ay xiran yihiin Idaacado Xabsina ay ku jiraan Suxufiyiin ka tirsan shabelle iyo Sky FM, qalabkoodiina la qaatay, isagoo intaa raaciyey in markii ay arkeen waxa dhacay ay go`aansdeen inaysan ka hadlin, haddii aysan waxba is bedelinwaxaana jirta ayuu yiri Nabadoon Xaad i in Xabsiyada ay ku jiraan dad doonayey inay ka hadlaan arimaha socda oo aan wax kale samayn
  19. Mogadishu the Next five years will be interesting best Capital in Africa , The Future looks good the sky is limit with only two years of Somewhat stable look at the result.
  20. C/Qaadir Siidii oo sheegay in Saacadaha soo aadan uu Shir Jaraa’id ku qaban doono Magaalada Baraawe Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ugu Magacaaban Dowlada Federaalka Soomaaliya C/Qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa sheegay in saacadaha soo aadan ay ku wajahan yihiin Magaalada Baraawe oo hada ah xarunta ugu weyn ee Al-Shabaab gacanta ku hayaan. Mr-Siidii ayaa tilmaamay in Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay u dhaqaaqeen Magaalada Xeebta leh ee Baraawe waxa uuna xusay in saacadaha soo aadan ay rajeenayaan in gacantooda soo gasho Magaaladaasi. ‘’ Howlgalka Badweynta Hindiya waa uu socdaa qorshaheena hada waxaa waaye in aan la wareegno Magaalada Baraawe, Saacadaha soo aadan hadii rabi idmo waxaan shir jaraa’id ku qaban doonaa Magaalada Baraawe’’ Ayuu yiri Gudoomiye Siidii. Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose ayaa shaaciyay in howlgalka AL-shabaab looga saarayo Gobolka Sh/Hoose uu soconayo ilaa ay ka gaaraan Xadka Gobolada Jubada Dhaxe iyo Sh/Hoose, waxa uuna tilmaamay in waqtiyada soo aadan AL-Shabaab ka sifeen doonaan Gobolkaasi. Dhinaca Kale Gudoomiye Siidii ayaa beeniyay War kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadanaa in ay go’doomiyeen Magaalada Buulo Mareer ay gacanta hada ku hayaan Ciidamada Huwanta ah, waxa uuna intaa raaciyay in xaalka Buulo Mareer u hada caadi yahay wax go’doomin ahna aysan ka jirin. Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa gobolada Shabeelooyinka waxa ay ka bilaabeen Howlgal loogu magac daray Badweynta-Hindiya, waxa ayna Ciidamada is garabsanaya la wareegeen Deegaano dhoor ah oo horey gacanta ugu jiray Al-Shabaab. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com Muqdisho Somalia Allbanaadir@live.com
  21. Somali gov troops advance on Jalalaqsi the only district controlled by Alshabaab in Hiiraan . AU, Somali troops advance to Jalalaqsi in Hiiraan region 44 0 Google +1 0 Somali troops advancing - Photo HOL Hiiraan Online Monday, September 01, 2014 Mogadishu, Somalia (HOL) - Somali troops alongside AMISOM are on the brink of retaking the town of Jalalaqsi in Hiiraan region in central Somalia, army commander said. General Mohamud Mohammed Hassan AKA " Qaafoow" said AU and Somali troops are in final push of retaking the town which is controlled by Islamist militant, Al-Shabaab. General Qaafoow, the commander of the 12th April battalion of the Somali national army which is part of the operation " Indian ocean" told the VOA Somali service that AMISOM and Somali troops were on the brink of the town and its fall was imminent in the comming hours. "Our troops and equipments are well-prepared and cannot be defeated, our soldiers are well trained and familiar with the environment ," he said. Since the operation dubbed " Indian ocean" began , Al-Shabaab lost four towns and areas to AU and Somali troops. According to general Qaafow, the Al-Shabaab fighters from the liberated areas fled towards the north but he didn't mention the name of the places they fled to. The commander of the 12th April battalion, general Mohamuud Mohammed hassan also confirmed the operation which is now going on in the Shabelle regions will soon be expanded to other parts of the country where Al-Shabaab rules. " all the liberated areas are in good condition now but we are asking the national government to bring food and water to the drought-hit civilians in these areas," general Qaafow appealed to the government The general also added the government should bring special security police who will look after the peace and security of these recently liberated areas. AMISOM and Somali government officials declared operation Indian ocean will wipe out Al-Shabaab from its last held areas and strongholds in south and central Somalia. The first operation " eagle " earlier this year saw the militant lose many towns and strategic cities to AMISOM and the western-backed somali government forces. Somali government has been struggling to contain an Islamic insurgency since 2006 and with the support of a 22000-strong African Union troops, the weak government made territorial gains from militants in recent years and mostly secured the capital, Mogadishu.
  22. Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo la wareegay deegaanno hor leh oo ka tirsan labada Shabeelle iyo Hiiraan “SAWIRRO” Published on August 31, 2014 by Mohamed White-ka · No Comments · 4,457 views Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa gelinkii dambe ee maanta la wareegay gacan ku haynta Kilinka Shiinaha ee gobolka Shabeelaha Dhexe iyo deegaanka Fiidow ee gobolka Hiiraan. Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi oo ku sugan deegaanka Fiidow, isla markaana u Waramay Radio Muqdisho ayaa sheegay in howlgalkii maanta ay ciidamadu kula wareegeen Kilinka Shiinaha iyo Deegaanka Fiidow uu yahay qorshaha dib la isugu furayo waddooyinka gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Dhanka kale Abaanduulaha ayaa tilmaamay in ciidamadu ay sidoo kale la wareegeen degmada Kurtun-waareey ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay ka saareen maleeshiyada Al-Shabaab. “Degmada Kurtun-Waareey ciidamadeena oo gacan ka helaya AMISOM ayaa ku sugan oo ka eryay maleeshiyada Al-Shabaab, runtii wax iska caabin ah ma aysan la kulmin ciidamadu, oo maleeshiyaadka halkaasi ku sugnaa lix gaari ayay wateen waxayna u carareen dhanka degmada Baraawe” ayuu yiri Jeneraal Khaliif Cilmi. Abaanduulaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in howlgallada ay yihiin kuwa lagu furayo waddooyinka ay haraadiga ku yihiin kooxaha xagjirka ah, waxaana uu intaa ku daray in meelaha ay la wareegeen la gaarsiin doono ciidamo boolis ah si ay u xaqiijiyaan amniga deegaannada cusub ee laga fara maroojiyay kooxaha argagixisada Al-Shabaab. Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi ayaa uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed sida ay u garabtaaganyihiin ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo u taagan in ay dalka oo dhan ka xoreeyaan haraadiga Al-Shabaab.
  23. Moooge Jeneraal Maxamed Abshir Haamaan he owes the beesha big time after all Ali Mahadi safed him from Aidiid in Mogadishu and Kismaayo . <cite> @Mooge said:</cite> niyoow the bad news is that when qoslaye visited minneapolis few weeks ago, he went to General mohamed abshir's house in minneapolis and thanked the founding father for his service. little did we know that the family would think that it is ok to go to mogadishu and visit their old occupied home. niyoow how do you shoot an aging woman five times? it is miracle she is alive.
  24. Ciidanka Somaliland oo xabsiga dhigay duqii degmada Laascaanood iyo odayaal dhaqan Aug 31, 2014 - jawaab Ciidanka Somaliland ayaa xabsiga dhigay masuuliyiin ka tirsanaa maamulkii gobalka Sool ugu magacawnaa Somaliland. Wararka laga helayo gobalka Sool ayaa sheegaya masuuliyiintaasi oo ay ku jiraan odayaal dhaqameedyo ciidanka Somaliland ay gacanta ku dhigeen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Saaxdheer. Dhinaca kale, warar kala duwan ayaa ka soo baxaya xaaladda deegaanka Saaxdheer oo wararku ay sheegayaan in ciidanka Somaliland ay duuleedka kaga sugan yihiin. Wariye Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa soo kabaya xariga masuuliyiinta ee Somaliland ku