malistar2012
Nomad-
Content Count
2,754 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by malistar2012
-
<cite> @DoctorKenney said:</cite> :D I laughed my as* off Madaxweyne Xasan Sheekh supports a Somali Gov led state building initiative - reconciliation sustainable peace and stable all inclusive Jubba admin he has won brought end to jubba dispute . Today jubba State building and reconciliation are led by Somali Federal Gov “Dowladda Federaalk waa idinla joogeysaa oo waa fududeyneysaa shirka waxaana ka go’an in meeshaani maamul ka dhismo kaas oo u adeega dadka degan gobollada Jubbooyinka gacana ka geysta dib u dhis guud ee dalka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. “Maanta waxaa halkaan ka furmay shir dib u heshiisiin, dib u heshiisiintu waxay ku timaadaa dadka oo quluubtooda la isku xiro. Wado dheer ayaa la soo maray, waxaa lagu soo jiray howlo dhib-badan, waxaase mahad ilaahey ah inaan maanta halkaan nimid. Sidaad ogtihiin maamul oo dhan waxuu ku soo dhamaadaa talada dadka meesha ay ka go’do, sidaan waxay ku suurowday in maamul jiro, intaan iyo in ka sii qurux badanna waan rajeyneynaa” ayuu yiri Madaxweynaha
-
Kenya picks foreign lawyers in Somalia oil border dispute 0 0 Google +0 0 By GERALD ANDAE Thursday, September 18, 2014 Kenya's Attorney-General Githu Muigai has assembled a team of international maritime lawyers to defend Kenya in a long-running border dispute with Somalia as Kenya prepares for a meeting with the UN’s top court next week. Somalia on August 28 asked the International Court of Justice in The Hague to determine the maritime boundary between the two nations in a row that could decide the fate of potentially lucrative oil and gas reserves off the East African coast. Prof Muigai said Wednesday Kenya has formed a team of both local and foreign lawyers to defend the case after Somalia’s parliament rejected a deal reached between Kenya and the internationally backed government in Mogadishu. “Kenya has put together a team of local and international maritime lawyers and other experts ahead of filing documents in response to Somalia’s claim in coming weeks,” said the Attorney-General. “A preliminary meeting at the International Court of Justice is expected by the end of the month. But we are flying out next week on Wednesday for consultations with our international experts.” At stake are legal claims by the two nations to sell rights for exploration and collect revenue from any discovery. Somalia wants the maritime border to continue along the line of the land border, to the southeast diagonally and says a horizontal border would be unfair. Kenya, however, wants the sea border to go in a straight line east, giving it more sea territory. If the suit goes the Somalia way, Kenya would be left with a small triangle in the Indian Ocean for mineral rights, losing at least seven oil blocks it has offered explorers. The dispute has been running for years, keeping investors away because of the lack of legal clarity over who owns potential offshore oil and gas reserves. The Attorney-General said the legal suit at the ICJ would run alongside diplomatic efforts to settle the dispute outside court. “An out-of-court settlement will be preferred, but we must respond to the suit,” said Prof Githu . He added that an agreement reached and deposited with the Law of the Sea Commission in New York in 2011 following similar diplomatic negotiations was scuttled by Somalia’s parliament, setting the stage for the suit at the UN’s highest judicial body. “Diplomatic talks are aimed at reverting to the 2011 agreement,” said Prof Githu. Kenya recently identified eight new offshore exploration blocks available for licensing, and all but one of them are located in the contested area. Somalia has said the dispute risks deterring multinational oil companies from exploring for oil and gas offshore East Africa. The agreement between Kenya and Somalia stated that the border would run east along the line of latitude, but Mogadishu, which has lacked an effective central government since 1991, then rejected the agreement in parliament.
-
International Conference on developing Somali National Army in UK
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
Congrats to the Somali Gov for securing funds and training for 5 to 10 years vision on developing Somali Arm Forces . 5 to 10 years Vision on building SNA are significant step towards sustainable Peace and stability in future Somalia . -
International Conference on developing Somali National Army in UK
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
Wasiirka Warfaafinta oo Ammaanay doorka hoggaamineed ee UK Published on September 18, 2014 by Mowliid · No Comments · 490 views London, 18 September 2014 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheikh Ali Duhulow, ayaa maanta ammaanay doorka hoggaamineed ee UK ee Somalia iyadoo uu maanta London ka socdo Shirka Amniga oo ay UK iyo Somalia wada shir-guddoominayaan. Wafdi uu Hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Abdiweli Sheikh Ahmed ayaa ka qeybgalaya shirka London oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashandhiga Mudane Mohamed Shiekh Hassan, Wasiirka Warfaafinta Mustafa Sheikh Ali Duhulow iyo mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Dahir Adan Elmi (Indho Qarshe). Kulankan oo ka dhacaya xarunta Lancaster House ee London ayaa looga hadlayaa sidii loo taageeri lahaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS). Wasiirka Warfaafinta ayaa yiri “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan shirkan muhiimka u ah Somalia u nimaadno London oo looga hadlayo sidii dalka loogu soo dabaali lahaa amni iyo kala danbeyn. UK ayaa in muddo ahba aheyd saaxiibkeena qaaliga ah oo ay marwalba nala garab taagnaayeen taageero joogta ah, iyagoo door hoggaamineed qaatay. Shirarkii hore ee London loogu qabtay Somalia ayaa waxey isu keeneen caalamka oo ay diiradda u saareen arrimaha Somalia, tanoo ah mid ay Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeedba ay aad ugu faraxsanyihiin. Kulankan looga hadlayo arrimaha amniga Somalia ayaa imanaya waqti xasaasi ah oo ciidanka XDS iyagoo kaashanaya AMISOM ay ku guda jiraan howlgalka Badweynta Hindiya oo lagu baacsanayo kooxaha argagaxisada ah kuwaas oo guulo waaweyn laga soo hoyey, ayna ka mid tahay dilkii hoggaamiyahii Al-Shabaab Ahmed Godane.” Wasiirka Warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa yiiri “Ujeedooyinka kulanka Amniga Somalia ee lagu qabanayo London maanta ayaa waxaa ka mid ah in la hubiyo in waddamada deeqaha siiya Somalia ay kordhiyaan taageeradooda ciidanka XDS si ay u hantaan soo celinta amniga Dalka. Dowladda Federaalka ayaa maanta shirka hor-dhigi doonto qorsheyaasheeda ku aadan sidii ciidanka XDS dib loogu dhisi lahaa, isla markaana ciidamada kala duwan loo mideyn lahaa, iyadoo la dhowrayo nidaamka cunaqabateynta hubka, iyo ilaalinta xaquuqul insaanka. Kulankan ayaa waxaa laga filayaa inay ka soo baxaan go’aano muhiim ah oo ay ka mid yihiin in la isku raaco qorshaha horumarinta ciidanka XDS tan iyo 2019ka, in deeq bixiyeyaasha ay caddeeyaan dadaalkooda taageerada ciidanka XDS, iyo in Somalia iyo UK ay ka wada shaqeeyaan sidii loo dabo gali lahaa ballanqaadyada la sameeyo. Waxaa kaloo ka fileynaa kulankan in wadamada deeq bixiyeyaasha ah ay goobta kulanka ka sheegaan deeqaha ay u qoondeeyeen ama u ballanqaadeen dhismaha iyo tayeynta ciidanka XDS.” Wasiirka Warfaafinta ayaa ku soo gabogabeeyey hadalkiisa “Dowladda Federaalka ee Somalia waxey si hagar la’aan ah ugu mahadcelineysaa Dowladda UK oo uu hoggaamiyo David Cameron oo ah Ra’iisul Wasaaraha UK oo runtii muujiyey door hoggaamineed ee arrimaha Somalia, oo aan aheyn oo kaliya in shirar joogta ah Somalia loogu qabtay London, laakin ay teegeerada UK ka muuqato dalka gudihiisa, sida inay safaarad shaqeyneysa ka furteen Somalia (oo ah tii ugu horreysey ee waddamada Galbeedka), taageeradooda mashruuca Xasilinta Dalka, ka qeybqaadashada horumarka Xaquuqul Insaanka, taageeradooda ku aadan sidii loo soo afjari lahaa tacadiyada loo geysto dumarka, taageeradooda dhanka istraatejiyada warbaahinta, dib u habeynta garsoorka iyo arrimo kale oo fara badan. Ma hilmaami doono taageerada UK, waana naga go’tantahay inaan fursadan ka faa’iideysano si aan u soo celino amnigii iyo kala danbeyntii Somalia iyo inaan xaqiijino hamigeena ah inaan aragno Somalia oo ka xasiloon dhanka amniga, siyaasada iyo dhaqaalaha oo aan ka mid noqono waddan muhiiim u ah caalamka oo kaalintiisa ka soo dhalaala.” -
International Conference on developing Somali National Army in UK
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
His Excellency the Prime Minister of Somalia, Abdiweli Sheikh Ahmed, today opened an international meeting focussed on Support to the Somali National Army (SNA), at Lancaster House. A senior Somali delegation led by the Prime Minister and including the Minister of Defence, National Security Advisor, Chief of the National Army, Minister of Information and senior Somali military and security officers met with senior political and military representatives from the UK, UNSOM, AMISOM, EU, IGAD, Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Uganda, Italy, UAE, Turkey and USA. The meeting focussed on ensuring there is a Somali solution to a Somali problem with donor support to the SNA optimised to ensure Somalia has an adequate and professional security sector. Opening the meeting the Prime Minister reminded representatives of the unique window of opportunity there is in the fight against Al-Shabaab: “ Today’s meeting comes at a time where we have real momentum, militarily and politically. Al-Shabab have been dealt some crushing blows, both through the force of the current joint operations with AMISOM and through the death of Godane. This presents a unique window of opportunity. “To ensure we keep this hard-won momentum, you will hear today a realistic and pragmatic look at what support is needed now, focusing on the UN mandated 10,900 SNA troops. You will also hear a medium to longer-term vision for the SNA, and the institutions and security sector around it – we must prioritise, but it is vital that we do not lose sight of the wider support needed. Partial support is divisive and a source of instability in itself." The Prime Minister also spoke of the need for continued political reconciliation, saying: “we are also mindful that political progress can only be made if there is real reconciliation amongst Somalis. Continued political settlement is essential. Not just for the long term peace and security but for the here and now. The integration of forces is one of our top priorities and we intend to deliver concrete outcomes over the next twelve months.” -
Boqor Buur-madoow oo si kulul u Cambaareeyey dilka Hoggaamiyihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane Boqor Buur-madoow oo si kulul u Cambaareeyey dilka Hoggaamiyihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane! “Axmed Godane waa wuxu ahaa Nin ISAAQA, nin aaXasuuqa Al-Shabaab ka waddo Soomaaliyan Odaygiisii ahay weeye geeridiisana waan..” Boqor Buur-madoow oo Soomaalida Koonfurtana eedayn culus u jeediyey.. Hargeysa:-Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow), ayaa ka hadlay dilka Hoggaamiyihii Kooxda AL-Shabaab Axmed Cabdi Godane oo kawdii bishan aynu ku jirno Maraykanku duqayn diyaaradeed ku dilay deegaanka Shabeellada hoose ee dalka Soomaaliiya, isla markaana uu ka xun yahay geeridiisa. Waxaanu ku dooday in la qabyaaladeeyey dilkiisa oo Isaaqu ka xun yihiin inay sida Soomaalida Koonfurtu uga hadashay uga hadlo, sida uu ku sheegay Waraysi uu la yeeshay Wargeyska Ogaal oo ka soo baxa magaalada Hargeysa. image Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Wargeyska Ogaal kaga hadlay arrimo la xidhiidha, tabashadii Salaadiinta reer Awdal u soo gudbiyeen Madaxweynaha iyo saluugii ay ka muujiyeen saami qeybsiga talada dalka. Isla markaana waxa kale oo uu boqor Buurmadow uu kaga hadlay arrimo la xidhiidha dilkii hogaamiyihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane iyo Warar la xidhiidha oo ka soo yeedhay dhinaca maamulka Muqdisho,kuwaas oo Somaliland ku tilmaamay inaanay soo dhawayn falkaa. Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan: S: Boqor Cismaan Sideed u aragtaa tabashada Saami-qeybsiga ee Salaadiinta reer Awdal u qadimeen Madaxweynaha, guddidana loo saaray? J: Somaliland beelaha badan ee ku wada nool, beesha ISAAQ iyo beesha reer Awdal ee Samaroon, ayaa ugu baddan wixii manfaca ee dalka dalka soo galay, waayo,si dhamaystiran ayay Somaliland uga mid noqdeen, manfaceedana iyagaa ugu badsaday. Waxaan odhan karaa Saami qaybiga ay reer Awdal ka hadlayaan mid gar uma laha, waxay ka hadlayaan uun mindida daabkeeda aan qabano, waxaan qabaa inay qabteen oo ay madaxweyne yeesheen, oo ay dadka iyagu wax u qeybiyeen oo ay kursiga joogeen. inay Kuraasida hoose ku soo dhacaan iyagaa damacoodii iyo hankoodii siiyay, inay Madaxweynahoodii ridaan, oo ay ku xigeen doontaan, markaa waxay raali ku noqdeen, inay cid ku canaantaan taa gar uma laha. Markaan anigu taageerayay Daahir Rayaale Kaahin, meesha aan taageerada ka waynay ee lanagala dagaalamay waxay ahayd Awdal. Madaxweyne Daahir Rayaale waxa uu ka dhacay Boorame,halkaasaa lagala dagaalamay, Ilaa iyo imikana waxay u tartamayaan madaxweyne ku xigeen, meel tallo Isaaq iyo beel ahaanba aanu ku nidhi madaxweyne ma doonan kartaan ma jirto, iyaga hankoodaa raba, madaxweyne ku xigeenka ayay rabaan ee ha iimsadaan. Ta labaad markii aanu odayaasha (Salaadiinta) is-waraysanay, meesha ugu wayn ee cabashadu ka jirtay, waxay ahayd Wasaarada Maaliyadda oo ay lahaayeen waxa la qoray shaqaale gaadhaya 1500 (Kun Iyo shan boqol), intuba dhinac ayay ka raran yihiin. S- Markaa ma shaqaalaha wasaaradda maaliyadda wax ha nalaga siiyo, ayaa qorshahooda ugu wayni ahaa? J- wasaaradda maaliyadda kun iyo shan boqol oo shaqaale la qoray ah, shan baa nalaga siiyay ayay odayaashu markaanu iswaraysanay igu yidhaahdeen. Dee waxaan ku idhi anaguba shantaa ma hayno hadaanu beelahayaga kale nahaye, ninka Wasiirka ka ah Wasaaraduna madaxweyne ayuu doonayaa dabadeedna kalsoonida reerkiisa inuu marka hore bineeyo, dee intaa yar ugu dul-qaadano, waa nin madaxweyne doonayoo beeshii buu ka soo bilaabayaa baan ku idhi. Cabatinkaa anaba waa idinla qabnaa baan ku idhi, laakiin kursiga sare dee idinkaa diiday, inaad idinku wax qaybisaan, oo idinkaa madaxweynii riday ee iimaansada wixii nasiibku idin siiyo. Waxaanan qabaa madaxda sare ee dalkan soo martay, Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan Tuur),Cigaal iyo Siilaanyo oo ugu danbeeyay, anaga intaa beeshayada ka soo jeeda nin cariish ka samaystay intii uu dawlada joogay ma jiro. Guryaha ugu waawayna waxa ka dhistay Daahir Rayaale Iyo Saylici baa ka dhistay dawladatan. Waxa qudha ee ka maqani waa waxaa ay iyagu diideen, inay dadka wax u qaybiyaan, ee cabatin kale meesha kuma jiro’e, waxaan leeyahay, beeshu way geydaa inay dalka xukunto doorashada gala, annaguna waanu idinku taageeraynaa. Xukuumadana waxaan leeyahay mar haddii hadalba yimi oo odayaashu hadleen, fool-xumooyinku waxay ka dhashaan cid wax tabanaysa oo la dhaahin waayay,waana ta ugu liidata, markaa waa in tabashadaa hoos loo eego. hadal taagtaaganina waxba ma tarayo, qaran cadaawad fara baddan iyo rabshad ayaa inagu furan haddii aynu nahay Somailand ee aynu waxeena hoos u eegano. Odayaashana runtii masuuliyad ayaa iga muuqatay oo cabasho ha keenaane, may ahayn niman ku talax tegaya. S: Boqor Cismaan, marka la eego saami qaybsiga Awooda talada waddanka miyaanay kula ahayn in dib loogu noqdo?, haday tahay beesha dhexe iyo haday noqoto beelaha darafyadaba? J: Madaxweyne Kasta oo soo maray Somaliland gobol kasta ha ka yimaadee wuxu sidan ayay u jiitamaysay, meesha ugu daranina waxa weeyaan awoodaha, ayaa waxay siinaysaa awooda in madaxweynuhu leeyahay, isagu siduu doono marka ha u dhigo, taasina waa arrin Dastuur. Anigu mar walba waxaan leeyahay, oo aan anigu qabaa inmar walba beelaha darafyada la raali-geliyo. S: laakiin, Boqor Cismaan markaad eegto saddexdii waaxood ee ay dawladdu ka koobnaydba, waxay Salaadiinta AWDAL iyo beelaha kale ee darafyaduba ku doodayaan in saddexdiiba beesha dhexe (ISAAQ) gacantoodii ku uruureen oo Xitaa Wasaaradihii waaweynaa ee awooda lagu qaybsan jirayna ay Isaaq gacanta ugu wada-jiraan, markaa miyaanay daw ahayn cabashadu? J: Anigu Madaxweynahana dhawr jeer baan u soo jeediyay, xukuumadana waan u soo jeediyay, wixii tabasho ah ee wasaaradaha ah dawladda Madaxweyne Siilaanyo ah, kuwii horena sidaas ayay ahayd, tana budushii wadadii horay raacday, markaa tana ha la saxo ayaanu leenahay, laakin markii uu Daahir Rayaale joogayba sidaas uun bay ahayd ee wax dawladan cusubi keentay maaha. laakin anigu waxaan leeyahay taa ha la saxo oo si wanaagsan ha la isugu qeybiyo, oo weliba haday cidi cabanayso beelaha harti iyo abtiyaday ayay xagooda ka jirtaa, oo qoladani marna madaxweyne ku xigeen kamay dhicin, wasaaradaha waawayna mar walba waxooday ka qabanayeen, markaa waxaan soo jeedin lahaa marka hore inaynu labadeenan beelood ee xukunka u badsaday xagan bariga wax isu dhaafino. S: Boqor Cismaan dhawaan waxa la dilay amiirkii al shabaab, dawlada somalilandna way ka hadashay, hase yeeshee waxaad moodaa maamulka Muqdisho iyo warbaahinta koonfurta soomaaliya inay xoog carabka ugu hayaan Somaliland, oo ay leeyihiin si fiican ugamay hadlin, iyagoo ujeeda in marxuumku ka soo jeedo halkan, maxaad ka odhanaysaa taa? J: Horta, Walaalaheenna Koonfureed waa dad aanay aqoontoodu siinin inay xisaabtamaan, oo ay ku darsadaan xisaab waxay ka hadlayaan ama gar iyo cadaalad wax u eegaan. Axmed Godane waa nin ISAAQA, nin aan odaygiisii ahay weeye oo ma diidani oo nin Isaaq weeye, laakiin camalka iyo hawshaa uu waday kumaanu raacsanayn, kala mabda’ baanu ahayn, raalina kamaan ahayn dagaalka uu waday. Laakiin, waxa weeye, aammuska aanu ka aamusnay anagu intay ka hadlayaan, anaga (Somaliland) dhaqan ahaan qabyaalada dawlada Koonfureed ka shaqaynayso ama walaalaheena Koonfureed ka shaqaynayaan, ayaan noo ogolaanayn in aanu amaano oo soo dhawayno geerida Axmed Godane, sababtoo ah Shariif Axmed Iyo Axmed Cabdi Godane wax ayay wada aaminsanaayeen. Koonfuri waxay ogolaatay inay Sheekh Axmed u doorato Madaxweyne halkii uu denbiile ka ahaa oo uu hogaaminayay dagaalkii Maxkamadaha Islaamiga, Sheekh Axmed Madoobe oo Jubbaland hadda haystaana, waa ninkii ay isku fikirka ahaayeen Axmed Cabdi Godane, ee ay Diinsoor ka wada dagaalamayeen, ee maxbuuska dagaal loo qabtay, intay Beeshiisii argagixisadii ka saartay, inay durbaanka u tunto oo ay madaxweyne ka dhigto, Xasan Daahir Aweys oo waxan oo dhan abuuray oo xitaa loo diiday in la xidho oo ay ka dagaalameen, oo uu ku casuuman yahay Madaxtooyada Soomaaliya, inaanu markaa dilkii Axmed Cabdi Godane soo dhawayno dhaqan ahaan ayaan noo saamaxayn. Laakiin Fikirka uu waday Axmed Cabdi Godane maaha fikir aanu aaminsanayn, laakin waxaanu cambaareynaynaa marka ay beelaha kale kuwooda cambaareeyaan, markay kuwooda madaxweynayaal iyo lama taabtaan ka dhigaan, anagu kaayaga maxaanu u sheeganaynaa, waa nin dhintaye Alle ha u naxariisto, waanu tacsiyaynaynaa. Waraysigan uu Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madoow) Waraysigan uu siiyey Wargeyska Madaxa-bannaan ee OGAAL inta uu kaga hadlay dilka Amiirkii Al-Shabaab, ayaa noqonaya hadalkii ugu horreyeyey ee noociisa ah ee si toosa ama rasmi ah uu Warbaahinta uga yidhaahdo mid ka mid ah Madaxda Dhaqanka ee Somaliland, isla markaana ku difaaco hoggaamiyahaas uu qaabka looga hadlay dilkiisa sida weyn u cambaareeyey, waana arrin ay dad badani is-weydiin karaan ujeeddo ahaan iyo nuxur ahaanba. Hase-yeeshee, Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, oo Sabtidii inna dhaaftay Warbaahintu wax ka weydiisay dilka hoggaamiye Godane ee jimcihii la xaqiijiyey mawqifka ay Somaliland ka taagan tahay, ayaa sheegay inay Somaliland ka taagan tahay mawqif la mid ah ka ay beesha calaamku ka taagan tahay, una arkaan sida ay dunidu u aragto, isla markaana qof kasta oo daallin noqda ay habboon tahay in la dilaa sida uu ku dooday Wasiir Waran-adde. Xigasho: Aftahannews
-
Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay Xafiis ka furaneyso Kismaayo by A M | Wednesday, Sep 17, 2014 | 697 views Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasaaradiisa qorsheyneyso sidii ay Xafiis cusub uga furan laheyd magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka KMG ah ee Jubba. Mr Goodax oo ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada ee ka qeyb galaya shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka ayaa sheegay inuu go’aan ku gaaray in xafiiska wasaaradiisa ka furaneyso Kismaayo uu noqdo mid isku xira Maamulkaas iyo dowladda dhexe iyo sidii shacabka Jubooyinkana uga heli lahaayeen wixii adeeg ah ee ay wasaaradu heyso, iyagoo aanan u baahan doonin inay u soo safraan Caasimada Muqdisho. “Xafiiska cusub ee Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka dhowaan ka furan doonto Kismaayo wuxuu shacabka deegaanada u sahli doonaa in wixii howl ama adeeg uga baahdaan inuu u fuliyo, bedelkii ay magaalada Muqdisho u soo safri lahaayeen”ayuu yiri Mr Goodax Waxaa uu sheegay in 13-ruux oo howl wadeeno qibrad leh ay ka howl geli doonaan xafiiska cusub ee magaalada Kismaayo, isagoo cadeeyay in sida ugu dhaqsiyaha badana ay xafiis uga furan doonaan Gobolada Jubada Dhexe iyo Gedo. Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ugu baaqay Maamulka KMG ah ee Jubba inuu gacan ka geysto furitaanka xafiiska cusub iyo sidii uu uga shaqo bilaabi lahaa magaalada Kismaayo. Shirweynaha dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada Kismaayo ayaa galay maalintii labaad, iyadoo shirkan la filayo inay ka soo baxaan qodobo la xiriira sidii maamulka Jubba loo dhameystiri lahaa, isla markaana beelaha goboladaas ay mid uga noqon lahaayeen maamulkan.
-
A working Government in Action well done to The SFG Reconciliation and state building are moving in a significantly Good paced . Madaxweynaha ayaa ku baaqay in shirka lagu soo biiriyo cid walba oo tabasho qabta “Shirkaan waxaan ka rajeyneynaa in inta haatan fadhiisa laba jibaarkeeda in ay ku soo biiri doonaan inta uu socdo, maamulka KMG ee Jubbana waxaan ka rabnaa in ay dadka wax tabanaya la soo dhaweeyo laguna soo biiriyo shirkan, Guusha maamulka hadba waxay ku xiran tahay inta aan yareyo tabashada, waxaan ku amaanayaa masuuliyiinta maamulka Jubba dulqaadka iyo gaabiska badan ay u muujiyeen inta wax tabaneyso” “Dowladda Federaalk waa idinla joogeysaa oo waa fududeyneysaa shirka waxaana ka go’an in meeshaani maamul ka dhismo kaas oo u adeega dadka degan gobollada Jubbooyinka gacana ka geysta dib u dhis guud ee dalka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo isna dhankiisa khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa dadaalka faraha badan ee ay geliyeen sidii bulshadan is faham loo dhex dhigi lahaa waxaana uu dhanka kale ballan qaaday in Xukuumaddu ay si buuxda u garab taagan tahay qabashada shirkan oo natiijadiisu ay noqon doonto ugu dambeyn dhisidda maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo ay yeeshaan gobollada Baay,Bakool iyo Shabeelada Hoose. shirka maamul usameynt gobolada dhexe ee bartamaha Soomaaliya. Wufuuda oo isugu jiray masuuliyiin katirsan dowlada goboleedka Ximan iyo Xeeb saraakiil sar sare oo ka socota dowlada federaalka ee Soomaaliya iyo xubna katirsan masuuliyiin tii hore ee dowlad goboleedka Ximan iyo Xeeb Sida Maxamed Cumar Jimcaale Hagafey oo ahaa afhayeenkii hore ee Ximan iyo Xebe iyo C/raxmaan shaati cadde madaxweyne ku sigeenkii hore ee Ximan iyo Xeeb ayaa garoonka diyaarahada ee cadaado waxaa kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tisan Ximan iyo Xeeb iyo qeybaha kala duwan ee bulshada
-
A working Government in Action well done to The SFG Reconciliation and state building are moving in a significantly Good paced . Madaxweynaha ayaa ku baaqay in shirka lagu soo biiriyo cid walba oo tabasho qabta “Shirkaan waxaan ka rajeyneynaa in inta haatan fadhiisa laba jibaarkeeda in ay ku soo biiri doonaan inta uu socdo, maamulka KMG ee Jubbana waxaan ka rabnaa in ay dadka wax tabanaya la soo dhaweeyo laguna soo biiriyo shirkan, Guusha maamulka hadba waxay ku xiran tahay inta aan yareyo tabashada, waxaan ku amaanayaa masuuliyiinta maamulka Jubba dulqaadka iyo gaabiska badan ay u muujiyeen inta wax tabaneyso” “Dowladda Federaalk waa idinla joogeysaa oo waa fududeyneysaa shirka waxaana ka go’an in meeshaani maamul ka dhismo kaas oo u adeega dadka degan gobollada Jubbooyinka gacana ka geysta dib u dhis guud ee dalka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo isna dhankiisa khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa dadaalka faraha badan ee ay geliyeen sidii bulshadan is faham loo dhex dhigi lahaa waxaana uu dhanka kale ballan qaaday in Xukuumaddu ay si buuxda u garab taagan tahay qabashada shirkan oo natiijadiisu ay noqon doonto ugu dambeyn dhisidda maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo ay yeeshaan gobollada Baay,Bakool iyo Shabeelada Hoose. shirka maamul usameynt gobolada dhexe ee bartamaha Soomaaliya. Wufuuda oo isugu jiray masuuliyiin katirsan dowlada goboleedka Ximan iyo Xeeb saraakiil sar sare oo ka socota dowlada federaalka ee Soomaaliya iyo xubna katirsan masuuliyiin tii hore ee dowlad goboleedka Ximan iyo Xeeb Sida Maxamed Cumar Jimcaale Hagafey oo ahaa afhayeenkii hore ee Ximan iyo Xebe iyo C/raxmaan shaati cadde madaxweyne ku sigeenkii hore ee Ximan iyo Xeeb ayaa garoonka diyaarahada ee cadaado waxaa kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tisan Ximan iyo Xeeb iyo qeybaha kala duwan ee bulshada
-
Daawo Sawirada Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta furay shirweynaha dib u heshiisiinta Jubooyinka by A M | Tuesday, Sep 16, 2014 | 355 views Madxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay shirweynaha dib u heshiisiinta gobollada Jubbooyinka ee magaalada Kismaayo. Shirweynaha waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socday labada gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wakiilo ka socdey beesha caalamka. Shirkan oo ay hormood ka tahay Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Federaalka una matalayaan 13 xubnood oo isugu jira saraakiisha sarsare ee Wasaarada iyo Gudiga dib-u-heshiisiinta qaran. Xubnaha wasaaradda ka socda waxa uu waajibkoodu yahay in ay hubiyaan habsami u socodka shirwaynaha iyo in uu noqdo mid loo dhan yahay. Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay furitaanka shirweynaha dib u heshiisiinta gobolada Jubbooyinka ayaa marka hore u mahad-celiyey ergooyinkii shirka ka soo qeyb-galay iyo maamulka KMG. “Maanta waxaa halkaan ka furmay shir dib u heshiisiin, dib u heshiisiintu waxay ku timaadaa dadka oo quluubtooda la isku xiro. Wado dheer ayaa la soo maray, waxaa lagu soo jiray howlo dhib-badan, waxaase mahad ilaahey ah inaan maanta halkaan nimid. Sidaad ogtihiin maamul oo dhan waxuu ku soo dhamaadaa talada dadka meesha ay ka go’do, sidaan waxay ku suurowday in maamul jiro, intaan iyo in ka sii qurux badanna waan rajeyneynaa” ayuu yiri Madaxweynaha Madaxweynaha ayaa ku baaqay in shirka lagu soo biiriyo cid walba oo tabasho qabta “Shirkaan waxaan ka rajeyneynaa in inta haatan fadhiisa laba jibaarkeeda in ay ku soo biiri doonaan inta uu socdo, maamulka KMG ee Jubbana waxaan ka rabnaa in ay dadka wax tabanaya la soo dhaweeyo laguna soo biiriyo shirkan, Guusha maamulka hadba waxay ku xiran tahay inta aan yareyo tabashada, waxaan ku amaanayaa masuuliyiinta maamulka Jubba dulqaadka iyo gaabiska badan ay u muujiyeen inta wax tabaneyso” “Dowladda Federaalk waa idinla joogeysaa oo waa fududeyneysaa shirka waxaana ka go’an in meeshaani maamul ka dhismo kaas oo u adeega dadka degan gobollada Jubbooyinka gacana ka geysta dib u dhis guud ee dalka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa ka dalbaday dadka degan gobollada Jubbooyinka inay isku dulqaataan “Wax kasta oo bilaawmaa boqoliikaba boqol sax kuma bilaawdaan ee waa in la isku dulqaataa, waa inaan dhadhansanaa wax noo qabsoomay, xoogeena iyo xoolaheenna aan iskugu geyno sidii wax badan noogu qabsoomi lahaayeen” Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gabal dhicii maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
-
Mogadishu (HAN) September 16, 2014 – Public diplomacy and regional security news. A high level delegation of Federal government led by the Somali president arrived in Kismayo. Sources told Geeska Afrika Online to secure regional tensions. The purpose is to strengthen economic and political ties between Kismayo and Mogadishu. Somali president Hassan Sheikh Mohamoud is expected to officially open the reconciliation conference for Jubba communities in Kismayo, the provincial capital of Lower Jubba region on Tuesday. Somali government officials, representatives from IGAD, traditional elders and members of civil society groups in Lower Jubba, Middle Jubba and Gedo regions are all expected to attend the reconciliation conference. A delegation led by Somali president Hassan Sheikh Mohamud arrived in Kismayo, the provincial capital of Jubba region ahead of the opening of the Jubba reconciliation conference. The president and his delegation are expected to attend the opening ceremony of the reconciliation conference for Southern Somali communities conference. The president and his delegation were received at the airport by the leader of the Interim Jubba Administration Ahmed Mohamed Islam Madoobe, the Vice president Abdulqadir Lugadheere, AMISOM officers, Somali ministers, IGAD officials and Business leaders. Shortly after his arrival in Kismayo, the president and his delegation were escorted to the conference venue in Kismayo. The security of the city has been heightened by Interim Jubba Administration security forces with the help of African Union forces in Somalia. -
-
Mogadishu (HAN) September 16, 2014 – Public diplomacy and regional security news. A high level delegation of Federal government led by the Somali president arrived in Kismayo. Sources told Geeska Afrika Online to secure regional tensions. The purpose is to strengthen economic and political ties between Kismayo and Mogadishu. Somali president Hassan Sheikh Mohamoud is expected to officially open the reconciliation conference for Jubba communities in Kismayo, the provincial capital of Lower Jubba region on Tuesday. Somali government officials, representatives from IGAD, traditional elders and members of civil society groups in Lower Jubba, Middle Jubba and Gedo regions are all expected to attend the reconciliation conference. A delegation led by Somali president Hassan Sheikh Mohamud arrived in Kismayo, the provincial capital of Jubba region ahead of the opening of the Jubba reconciliation conference. The president and his delegation are expected to attend the opening ceremony of the reconciliation conference for Southern Somali communities conference. The president and his delegation were received at the airport by the leader of the Interim Jubba Administration Ahmed Mohamed Islam Madoobe, the Vice president Abdulqadir Lugadheere, AMISOM officers, Somali ministers, IGAD officials and Business leaders. Shortly after his arrival in Kismayo, the president and his delegation were escorted to the conference venue in Kismayo. The security of the city has been heightened by Interim Jubba Administration security forces with the help of African Union forces in Somalia. -
-
Madaxweyne Xasan Sheekh oo si rasmi ah u furay shirweynaha dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay shirka dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka ayaa sheegay in dowladdu ay soo dhaweyneyso xalinta cidkasta oo qabta cabasho ku aadan ka qeyb qaadashada maamulka KMG ah ee Jubba. Shirka oo ay ka qeyb galeen ergo ka kala socoto bulshada ku dhaqan gobolada Jubbooyinka, Wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya jooga iyo xubno kale. Ugu horeyn waxaa shirka ka hadlay Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa sheegay in shirka ay ku soo dhaweynayaan cidkasta oo dooneyso inay qeyb ka noqoto arrimaha dib-u-heshiisiinta. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in shirkan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay bulshada ku dhaqan gobolada Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubada Dhexe. Wakiilka urur goboleedka IGAD Maxamed Cabdi Afeey ayaa xusay in ay soo dhaweynayaan shirka loo qabanayo bulshada degta Gobolada Jubbooyinka, waxaana uu intaa ku daray in ay taageerayaan go’aanada ka soo baxa shirka. Madaxweyne Xasan oo khudbad ka jeediyay shirka dib-u-heshiisiinta, isla markaana si rasmi ah u furay shirka ayaa ku booriyay hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba uu dhageysto dadka daneynaya inay talooyin ku biiriyaan shirka dib-u-heshiisiinta iyo hanaanka ku aadan Maamul u sameynta bulshada ka soo jeeda saddexda gobol ee kala ah Gedo, Jubbada dhexe iyo Jubbada Hoose. “Soomaaliya guud haan dhibaatooyin ayay kala tirsanayaan laakiin waxaa wax lagu xalin karaa, waa Walaaloow aan wada hadalno, oo la is dhageysto, isla markaana la uruuriyo talooyinka wax galka ah ee qeyb ka qaadan kara dhismaha maamul loo dhanyahay” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa sheegay in guul wax ku ool ah laga soo saari doono shirka dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka, waxaana uu ku booriyay ka qeyb galayaasha shirka inay dar dargeliyaan waxkasta oo isu soo dhaweyn kara bulshada gobolladasi ku dhaqan, ayna ka fogaadaan wax keeni kara is qab qabsi. “Waxaan rabaa in aan soo jeediyo labo talo oo ah in tan koowaad shirkan dib-u-heshiisiinta lagu xaliyo waxkasta oo khilaaf ah ee jira, si tan xigta loogu gudbo wajiga labaad ee ah sameynta iyo dhameystirka Maamulka” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Madaxweynaha dalka. Madaxweynaha ayaa Wakiilada beesha caalamka ee shirka goob jooga ka ah ugu mahadceliyay fududeynta shirka, gaar ahaan Urur Goboleedka IGAD.
-
International Conference on developing Somali National Army in UK Somali PM heads to London for upcoming conference on Somalia A delegation led by Somali Prime Minister Abdiweli Sheikh Ahmed on Monday left Somali capital Mogadishu to attend an upcoming conference to discuss ways to enhance the capacity of Somalia’s armed forces which is expected to kick off tomorrow in London. The prime minister who briefed the media in Mogadishu before his departure expressed the importance of the conference for the capacity of Somalia’s armed forces saying he expects significant outcome from the meeting. International donors will attend the meeting and the prime minister is expected to meet with delegates from international community and the Somali diaspora community in London. The prime ministers returned from a recent visit to Baidoa town where he attended the opening ceremony of a reconciliation conference for south western communities which currently underway in the city.He is accompanied by senior government officials including ministers of defense and information. http://www.youtube.com/watch?v=k4LmXKtwQ6I
-
Aden Abdulle International Airport Reconstruction
malistar2012 replied to Che -Guevara's topic in Politics
Madaxweyne Xasan Oo Kormeeray Isbitaal Digfeer “DAAWO VIDEO” Published on September 15, 2014 by Mowliid · No Comments · 1,159 views Madaxweynaha oo ay wehliyaan wasiirada arrimaha gudaha iyo caafimaadka ayaa maanta kormeeray dhismaha isbitaalka digfeer oo dayactir iyo qalabeyn casri ah ay ku sameeyeen walaalaha Turkiga kaasi oo xiligan la soo gaba gaba gabeeyay qalabeyntiisa. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo wareegay qeybaha uu Isbitaalka ka koobanyahay sida saalada qaliinka, loogu talo galay, xarunta gargaarka deg dega, qololka iyo sariiraha bukaan jiifka ah, iyo qeyba kale oo muhiim ah, Isbtitalkani oo ka mid ah goobaha caafimaad ee ugu casrisan Afrika ayaa waxaa ku sugnaa dhaqaatiir iyo howl wadeeno caafimaad oo u dhashay wadanka Turkiga kuwaasi oo uu madaxweynuhu indha indheynta kadib kulan la qaatay isagoo ku amaanay howsha caawimaada ah ee ay dalkeena ka hayaan, Dr.Ugar Jonkoglu oo ah agaasimaha Isbitaalka ayaa madaxweynaha warbixin ka siiyay howshan caafimaad ee ay wadaan iyo halka ay mareyso. Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheeay in Isbitaalka dhawaan xariga laga jari doono isagoo u sheegay dhaqaatiirta Soomaliyeed inay ka faa’iideystaan aqoonta ay dhaqaatiirta Turkiga dalka ku soo kordhiyeen si ay bulshadooda wax ugu taraan. Caafimaadka oo muhiimad gaar ah u leh ummad waliba ayaa ka mid ah goobaha uu dalkeenu ka liitay mudooyinkii bur burka hase ahaatee furitaanka isbitaalka Digfeer ayaa dabooli doonta baahi badan oo dadka Soomaliyeed ay u aadi jireen dalka dibadiisa. The Most moderate Hospital in Africa sbitaal Digfeer Mogadishu , -
Wafdi Ka Socday Dalka Maraykanka oo maanta soo gaaray Muqdisho (Daawo-Video) http://www.youtube.com/watch?v=IifN7T1jOU8 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa si kala gooni gooni ah ula kulmay wefdi heer sarre ah oo ka socdey dalka Mareyknaka kuwaasoo soo gaaray magaalada Muqdisho.
-
September 16 shirkii Dib u heshisinta Beelaha Jubbooyinka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud will open shirkii Dib u heshisinta Beelaha Jubbooyinka Maamulka Axmed Madoobe oo sheegay inusan Dib dhacay shirkii Dib u heshisinta Beelaha Jubbooyinka Sep 14, 2014 - jawaab maamulka Jubba ayaa Shaaca ka qaaday in shirka dib u heshiisiinta ee ka furmi lahaa magaalada Kismaayo aanu dib ugaga dhici doonin xiligii la qaban lahaa xili ay dowlada federaalku sheegtay in dib loo dhigayo. Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubba Mr Fartaag oo lahadlayay warbaahinta ayaa sheegay in ergadii shirka ka qeyb gali laheyd ay gebi ahaantood ku soo qul qulayaan gudaha magaalda Kismaayo islamarkaana ay iman doonaan inta harsan sidaasi awgeedna ay 16ka bishan aanu ka dib dhici doonin shirka. Waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay magaalada kismaayo ka soconayay qaban qaabada shirweynahan, iyadoo wafuud farabadan oo ka kala yimid gobolada 3da ah ee Jubaland, iyo magaalada Muqdishoba ay soo galayeen magaalada, waxaana shirkaan sidoo kale iman doona oo lagu casuumay madaxda sar sare ee dalka. Madaxda maamulka Juba ayaan dooneyn in shirka uu noqdo mid beelaha keliya lagu heshiisiiyo waxaase la doonayaa in shirkan la isugu afgarto habka ugu weyn ee wax qeybsiga, iyadoo siyaasiyiin waaweyn oo horay u ahaa mucaarad balse iminka muxaafid ah ay ka qeyb gali doonaan kana warami doonaan ra’yigooda.
-
Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo isna dhankiisa khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa dadaalka faraha badan ee ay geliyeen sidii bulshadan is faham loo dhex dhigi lahaa waxaana uu dhanka kale ballan qaaday in Xukuumaddu ay si buuxda u garab taagan tahay qabashada shirkan oo natiijadiisu ay noqon doonto ugu dambeyn dhisidda maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo ay yeeshaan gobollada Baay,Bakool iyo Shabeelada Hoose.
-
Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Baydhabo Si Rasmi Ah Uga Furay Shir Weynaha Dib U Heshiisiinta Koonfur Galbeed,Kana Hadlay Been Abuur “SAWIRRO” Published on September 14, 2014 by Jayte · No Comments · 356 views Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaalada Baydhabo shir weynaha dib u heshiisiinta shacabka ku dhaqan gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliyeed. Munaasabadda furitaanka Shir weynaha dib u heshiisiinta gobollada Koonfur Galbeed waxaa kala qeybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed, Wasiirro,Xildhibaanno,Odayaasha Dhaqanka gobolladan,ururrada bulshada rayidka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayadoo furitaankana ay fanaaniin kusoo bandhigeen heeso wadani ah. Gudoomiyaha gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosoow oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa tilmaamay in shacabka gobolka Baay ay guul usoo hooyatay tahay in maanta Madaxda Dalka qaarkood,wasiirro,xildhibaanno iyo ergo farabadan shir ay ka qeybgalayaan marti geliso islamarkaana maamul ahaan iyo shacab ahaanba si aad ah u garab taagan yihiin natiijada shirkan iyo qabsoomidiisa. Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaarraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Khaalif Cumar Cali oo isna ku hadlay magaca gudiga farsamada ka socday Xukuumadda ee ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa uga mahad celiyey madaxda hortooda sida hagar la’aaneed ee Gudoomiyaha Baarlamaanka howshan ugu dhabar adeygay iyo kaalinta ay leeyihiin odayaasha dhaqanka. Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo isna dhankiisa khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa dadaalka faraha badan ee ay geliyeen sidii bulshadan is faham loo dhex dhigi lahaa waxaana uu dhanka kale ballan qaaday in Xukuumaddu ay si buuxda u garab taagan tahay qabashada shirkan oo natiijadiisu ay noqon doonto ugu dambeyn dhisidda maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo ay yeeshaan gobollada Baay,Bakool iyo Shabeelada Hoose. Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo khudbaddii ugu dambeysay ee shirka jeediyey ayaa ugu horeyn ka hadlay hadal si qaldan ay warbaahinta qaarkood u isticmaaleen oo isaga laga sameeyey kaasi oo ku saabsanaa Puntland waxaana uu xusay in hadalkaasi marka koobaad uusan sir aheyn oo uu ka sheegay bishii September 11keeda sanadkii 2013 xiligaasi oo Puntland ay howlgallo ka socdeen laakiin saxaafadda isticmaashay ay kala jartay oo ay ka jareen dhameystirkiisa oo ahaa in Puntland ay xaq u leedahay sugidda amniga deegaanadeeda,balse dhalinyarada ka tagtay gobolladan ee tagtay Puntland looga baahan yahay iney nabadda ka shaqeeyaan waxaase nasiib daro uu ku tilmaamay in sidaas saxaafadda qaarkood u dhaqanto welibana lagu soo beego marka la maqlay in shir weynahan dib u heshiisiinta uu furmayo. Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in shir weynahan uu furan yahay ayaa kula dardaarmay ergada ka qeybgalaysa in laga doonayo mudo 45 cisho gudahood iney ku gudagalaan ajandayaasha horyaala oo kala ah dib u heshiisiinta iyo is cafinta shacabka, mideynta aragtiyooyinka kala duwan ee la xiriira sameynta maamulka koonfur Galbeed kadibna la gudagalo dhismaha maamulka KMGka ah ee Koonfur Galbeed.
-
Wasiir ku-xigeenka Hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Axmed Kulane oo markii uu kulanka soo idlaaday kaddib lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in waxyaabah kulanka looga hadlay ay ka midtahay in Jaamacaddu ay tahay mid lacag la’aan ah oo aan jirin lacago ardayda laga qaadayo. “In Jaamacaddu ay noqoto mid aqoonteeda sareyso oo macalimiinteeda ay noqdaan kuwa leh aqoon sare, in Jaamacaddu ay noqoto Jaamacad u qalanta midda ummadda oo heer qaran ah, in ardayda ka soo baxdana ay noqdaan kuwa taayo leh oo wax ka qabta dhibta dalka ka taagan, in guddiga ardayda Jaamacadda ka qaadaya Imtixaanka ay noqdaan kuwa si cadaalad ah u qaada oo aysan sameynin wax eex ah” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka hidaha iyo Tacliinta sare. :- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta DF oo xarigga ka jaray dhismaha xarunta Wasaaradda Tacliinta sare. Waxaa Qoray mudane Xasan Sheekh Maxamuud well done more progress and Good news INSHALLAH
-
Madaxweyne Xasan oo la kulmay guddiga sare ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed “DAAWO VIDEO” Published on September 14, 2014 by Mohamed White-ka · No Comments · 339 views Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan Muqdisho kula yeeshay guddiga sare ee Jaamcadda Ummadda Soomaaliyeed, kaasi oo looga hadlay dhowr arrimood oo ay ka midtahay xoojinta iyo sare u qaadidda tacliinta sare ee dalka, gaar ahaan tan Jaamacadda Ummaadda. Kulanka oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha dalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayna ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradaha Tacliinta sare iyo waxbarashada, waxaana diiradda lagu saaray tayeynta kuliyada ay Jaamacaddu bixin doonto, maadaama 16-ka August-2014 uu rasmi ah xarriga uga jaray Madaxweynaha Soomaaliya. Wasiir ku-xigeenka Hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Axmed Kulane oo markii uu kulanka soo idlaaday kaddib lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in waxyaabah kulanka looga hadlay ay ka midtahay in Jaamacaddu ay tahay mid lacag la’aan ah oo aan jirin lacago ardayda laga qaadayo. “In Jaamacaddu ay noqoto mid aqoonteeda sareyso oo macalimiinteeda ay noqdaan kuwa leh aqoon sare, in Jaamacaddu ay noqoto Jaamacad u qalanta midda ummadda oo heer qaran ah, in ardayda ka soo baxdana ay noqdaan kuwa taayo leh oo wax ka qabta dhibta dalka ka taagan, in guddiga ardayda Jaamacadda ka qaadaya Imtixaanka ay noqdaan kuwa si cadaalad ah u qaada oo aysan sameynin wax eex ah” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka hidaha iyo Tacliinta sare. Wasiir ku-xigeenku waxa uu intaa ku daray in sidoo kale uu kulanka ka soo baxay in guddiga sare ee Jaamacaddu ay bil waliba yeeshaan kulan gaar ah oo looga hadlayo waxyaabaha qabsoomay iyo caqabadaha hortaagan, si wax looga qabto. Jaamcadda Ummadda Soomaaliyeedd oo dhawaan dib u dhis lagu sameeyey isla markaana uu xarigga ka jaray Madaxweynaha dalka ayaa wax weyn ku soo kordhin karta horumarka tacliinta sare ee dalka. DAAWO
-
Madaxweyne Xasan oo la kulmay guddiga sare ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed “DAAWO VIDEO” Published on September 14, 2014 by Mohamed White-ka · No Comments · 339 views Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan Muqdisho kula yeeshay guddiga sare ee Jaamcadda Ummadda Soomaaliyeed, kaasi oo looga hadlay dhowr arrimood oo ay ka midtahay xoojinta iyo sare u qaadidda tacliinta sare ee dalka, gaar ahaan tan Jaamacadda Ummaadda. Kulanka oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha dalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayna ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradaha Tacliinta sare iyo waxbarashada, waxaana diiradda lagu saaray tayeynta kuliyada ay Jaamacaddu bixin doonto, maadaama 16-ka August-2014 uu rasmi ah xarriga uga jaray Madaxweynaha Soomaaliya. Wasiir ku-xigeenka Hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Axmed Kulane oo markii uu kulanka soo idlaaday kaddib lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in waxyaabah kulanka looga hadlay ay ka midtahay in Jaamacaddu ay tahay mid lacag la’aan ah oo aan jirin lacago ardayda laga qaadayo. “In Jaamacaddu ay noqoto mid aqoonteeda sareyso oo macalimiinteeda ay noqdaan kuwa leh aqoon sare, in Jaamacaddu ay noqoto Jaamacad u qalanta midda ummadda oo heer qaran ah, in ardayda ka soo baxdana ay noqdaan kuwa taayo leh oo wax ka qabta dhibta dalka ka taagan, in guddiga ardayda Jaamacadda ka qaadaya Imtixaanka ay noqdaan kuwa si cadaalad ah u qaada oo aysan sameynin wax eex ah” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka hidaha iyo Tacliinta sare. Wasiir ku-xigeenku waxa uu intaa ku daray in sidoo kale uu kulanka ka soo baxay in guddiga sare ee Jaamacaddu ay bil waliba yeeshaan kulan gaar ah oo looga hadlayo waxyaabaha qabsoomay iyo caqabadaha hortaagan, si wax looga qabto. Jaamcadda Ummadda Soomaaliyeedd oo dhawaan dib u dhis lagu sameeyey isla markaana uu xarigga ka jaray Madaxweynaha dalka ayaa wax weyn ku soo kordhin karta horumarka tacliinta sare ee dalka. DAAWO
-
Ra’iisul Wasaare C/wali oo gaaray magaalada Baydhabo iyo shirka dib u heshiisiinta oo furmay by A M | Sunday, Sep 14, 2014 | 215 views Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, halkaasoo uu ka fumay shirka dib u heshiisiinta ee lagu dhisayo Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya. Shirkan oo uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galaya siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka, bulshada iyo maamulada iska soo horjeeda ee ku dhawaaqay Koofur Galbeed. Ra’iisul Wasaare C/wali ayaa la filayaa inuu shirkan furo, iyadoo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo muddo labo todobaad ku sugan Baydhabo uu dadaal ugu jiro, sidii uu lagu dhameyn lahaa kala aragti duwanaanshaha ka taagan Maamul u sameynta Koofur Galbeed. Lama oga inta uu socon doono shirkan dib u heshiisiinta ee lagu dhameynayo khilaafka xaga maamulka ee ka taagan Gobolada Koofureed. Xubnaha Maamulka Lixda Gobol ayaa ka biya diidanaa maamulka saddexda gobol ee dowladdu aqoonsatay, waxaana dhowaan uu natiijo la’aan ku dhamaaday kulan ay yeesheen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Maamulka lixda Gobol. Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo isugu jira Boolis, Milateri iyo Ciidamada AMISOM la dhigay wadooyinka.
-
Ra’iisul Wasaare C/wali oo gaaray magaalada Baydhabo iyo shirka dib u heshiisiinta oo furmay by A M | Sunday, Sep 14, 2014 | 215 views Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, halkaasoo uu ka fumay shirka dib u heshiisiinta ee lagu dhisayo Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya. Shirkan oo uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galaya siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka, bulshada iyo maamulada iska soo horjeeda ee ku dhawaaqay Koofur Galbeed. Ra’iisul Wasaare C/wali ayaa la filayaa inuu shirkan furo, iyadoo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo muddo labo todobaad ku sugan Baydhabo uu dadaal ugu jiro, sidii uu lagu dhameyn lahaa kala aragti duwanaanshaha ka taagan Maamul u sameynta Koofur Galbeed. Lama oga inta uu socon doono shirkan dib u heshiisiinta ee lagu dhameynayo khilaafka xaga maamulka ee ka taagan Gobolada Koofureed. Xubnaha Maamulka Lixda Gobol ayaa ka biya diidanaa maamulka saddexda gobol ee dowladdu aqoonsatay, waxaana dhowaan uu natiijo la’aan ku dhamaaday kulan ay yeesheen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Maamulka lixda Gobol. Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo isugu jira Boolis, Milateri iyo Ciidamada AMISOM la dhigay wadooyinka.
-
Madaxweynaha Maamulka Lixda Gobol ee fadhigiisa uu yahay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa soo dhaweeyay shirka maanta ka furmaya Magaaladaasi. Madoobe Nuunoow Maxamed oo la hadlayay warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in shirka maanta ka furmaayo Magaalada Baydhab uusan aheyn mid quseeya arimaha Siyaasada ee ka taagan Magaalada Baydhabo, isaga oo ku nuux-nuuxsaday inuu yahay shirkaasi mid lagu xalinaayo khilaafka ka dhex-taagan dadka dega Goboladaasi. Hogaanka Maamulka lixda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sidoo kale ku waramaayo inay soo dhaweynayaan shirkaasi hadii ay yihiin masuuliyiinta maamulka Lixda Gobol, wax fiicana ay tahay in shirkaasi la qabto. Inkastoo uusan kala cadeyn Madoobe Nuunoow Maxamed inay ka qaybgalayaan shirkaasi iyo inkale, ayaa wuxuu sheegay in wax muhiim ah ay tahay in Odayaasha Digil iyo Mirifle ee is khilaafsan in la xaliyo. Sidoo kale Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa taageeray dadaalada nabadeed ee Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ka wado Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay. “Waxaan soo dhaweynaynaa dadaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ka wado Magaalada Baydhabo, waa wax aad loogu farxo, Shirka Baydhabo ma’ahan mid quseeya Siyaasad iyo arimaha ku aadan Maamulada lixda Gobol iyo saddexda Gobol, sidoo kale ma’ahan shir saameyn ku yeelanaayo Hay’adaha Dastuuriga ee maamulkaasi”Ayuu yiri Madoobe Nuunoow Maxamed. Waxaa la dhowrayaa natiijada kasoo baxda shirkaan oo socon doono muddo bil iyo bar ah, waxaana maanta lagu wadaa inuu daah-furo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
-
Popular Contributors