malistar2012

Nomad
  • Content Count

    2,754
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by malistar2012


  1. Xaamud “Bisha Janaayo waxaa la qaban doonaa shirweyne qaran oo looga arinsanayo isku dhafka Ciidamada”

    by A M | Tuesday, Dec 23, 2014 | 443 views

     

    IB0A6933-515x343.jpg

     

     

    Sii hayaha xilka Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in bisha Janaayo ee sanadka 2015 Muqdisho lagu qaban doono shirweyne qaran looga arinsanayo mideynta iyo isku dhafka Ciidamada Soomaaliya.

    Jen, Maxamed Sheekh oo la hadlayay Idaacada VOA, isagoo ku sugnaa degmada Tiyeeglow ayaa sheegay in shirkan ay ka soo qeyb geli doonaan maamul goboleedyada dalka, isla markaana qorshaha uu yahay sidii loo dhisi lahaa ciidamo gaaraya 28-kun askari.

     

    “Waxaa qorshaha noogu jirta in bisha Janaayo ee soo socota inaan qabano shirweyne qaran looga hadlayo mideynta iyo isku dhafka Ciidamada, waxaan rajeyneynaa markaa shirkaas ka soo qeyb galaan Maamul goboleedyada”ayuu yiri Jen. Maxamed Sheekh Xaamud.

     

    Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in shirka lagu qarameyn doono dhamaan ciidamada ku sugan Gobolada dalka, gaar ahaan kuwa maamul goboleedyada, isagoo tilmaamay in dib u habeyn lagu sameyn doono howl gelintooda.

     

    Sii hayaha Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in ujeedkooda yahay sidii looga bixi lahaa ku tiirsanaanta Ciidamada shisheeye, isla markaana muhiim tahay in la helo ciidamo tayo leh oo ku filan ammaanka iyo xasiloonida dalka.

     

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan war uu ka soo saaray Xafiiskiisa ku sheegay sida ay muhiim u tahay in la isku dhafo Ciidamada Soomaalida ee ku dhaqan Gobolada, isla markaana la qarameeyo.

     

    Dowladda Soomaaliya oo uu Caalamka taageero ayaa dagaal kula jirta Ururka Al-Shabaab, waxaana xooga ugu badan ee dhanka milateriga ay ka heshaa Ciidamo ka socda Midowga Afrika oo ka socda ilaa shan dal.


  2. Turmoil in Somaliland violent uprise in the west & east

     

     

     

     

    Awadal uprise the shooting in Burco the never ending conflict in SSC

     

     

    AXMED-GACMOYARE.jpg

     

     

    Somali land is loosing the one thing it was proud for which is stability , the house of SNM is crumbling the faith is in the Hands of rer awdal and Khatuum ....

     

    On entire Goverment of one tribe will not work disturbed the power or let everyone walk away self rule ......

     

     

     

     

     

     


  3. Waxaa maantanTababar xerada Jaziira ee duleedka Magaalada Muqdisho loogu soo xirayay dufcaddii labaad ee ciidamada gaarka ah Komaandooska ee Danab iyo saraakiil dhameysatay tababar layli sarkaal.

     

    IB0A6732-515x343.jpg

     

    Madaxweynaha oo maanta tababar u soo xiray dufcadii labaad Ciidamo Kumaandoos ah (S

     

     

     

     

     

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar u soo xiray dufcadii labaad Ciidamo Kumaandos ah oo tababar u socday muddo 10-bilood ah, iyadoo Madaxweynaha uu shahaado gudoonsiiyay askartii dhameysatay Tababarka.

     

    Munaasabada tababarka lagu soo xirayay oo uu Madaxweynuhu khudbad ka jeediyay ayaa waxaa ka qeyb galay Sii hayaha xilka Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliyaha Ciidanka Xooga dalka, saraakiil ka tirsan AMISOM iyo Midowga Yurub.

     

    Taliyaha Ciidanka xooga dalka Soomaaliya Jen, Dahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe ayaa sheegay in ciidamadan ay yihiin dufcadii labaad Ciidamo Kumaandoos ah oo ay yeelaneyso dowladda Soomaaliya, isagoo ku amaanay ciidamadan sida ay ugu dhabar adeegeen tababarkan heerkiisu sareeyo, kuna booriyay inay dalka is bedel ka sameeyaan.

     

    Sii hayaha xilka wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Sheekh xasan Xaamud ayaa sheegay in Soomaaliya ay dagaal kula jirto aragagixiso caalami ah, sidaas darteedna ciidamada xooga dalka uu ka saaran yahay waajib sidii ay dalka nabad ugu soo dabaali lahaayeen.

     

    “Waxaa tihiin Mustaqbalkii dalka, kuwii bad baadin lahaa, waxaa la idinta rabaa inaad dalka nabad ka dhigtaan oo aad cadawga ka xoreysaan”ayuu yiri Sii hayaha xilka Wasiirka Gaashaandhiga.

     

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku amaanay ciidamadan dadaalkooda iyo sida ay ugu dhabar adeegeen tababarkan, waxaana uu kula dar daarmay in tababarada ay qaateen ay dadkooda iyo dalkooda ugu shaqeeyaa, ayna qeyb lixaad leh ka qaataan howl galada socda.

     

    “Tababarka aad dhameysateen waa mid sare, waxaana dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay idin ka sugayaan waxqabad muuqda, waayo waxaa socda dagaal lagula jiro kooxo nabadda diiddan, idinka ayaana la doonayaa in dalkan nabad aad ka dhigtaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

     

    Ugu dambeyn, ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa saldhigga xafladdu ka dhacaysay ku soo bandhigay gaaddo-ka-ciyaar ay ku muujinayeen tababarkii ay qaateen, kaasi oo ay mas’uuliyiintii goobjoogga ka ahaa ay aad ula yaabeen.

     


  4. Taliyaha Hay’adda NISA Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare ayaa baarlamaanka ka hor sheegay in hay’addu ay bur burisay labo shabakadood oo ay Shabaabku ku lahaayeen Muqdisho, kuwaasi oo geysan jiray dilalka Xildhibaannada iyo dadka kale ee bulshada wax galka u ah.

    Taliye-Tuuryare.jpg

     

     

    Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida Qaranka Korneyl C/raxmaan Maxamed Tuuryare, ayaa wuxuu maanta hortagey Baarlamaanka Somaliya, ka gadaal markii Guddoonka Sare ee Baarlamaanka uu ugu yeeray in Xildhibaanada uu horyimaado.

    Taliyaha, ayaa marka hore waxa uu ka warbixiyay hawlgalada ay ka wadaan Magaalada Muqdisho, isagoo soo hadalqaaday inay cagta mariyeen shabakad ka tirsan Al Shabaab, oo fulin jirtay weerarada qorsheysan.

     

    Waxa uu intaa ku daray in shabakadaasi ay ka dambeysay dilalka tiro Xildhibaano ah, isl-markaana ay gacanta ku soo dhigeen 8 ka mid ah, 11 xubnood oo ay ka kooban tahay shabakadaasi. 3-da nin ee kale ee aan gacanta lagu soo dhigin, ayuu sheegay inaanay joogin dhulka ay gacanta ku heyso Dowladda.

    Sidoo kale wuxuu iftiimiyay in xubnahaasi ay ku hawlgeli jirayn ilaa afar gawaari ah, ayna suurta geliyeen inay gacanta ku soo dhigaan laba ka mid ah gawaaridaaasi, halka labada kalana sida uu sheegay ay weli ku raad jooggaan.

    C/raxmaan Tuuryare, ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka u shiday muuqaal video oo Project ah, kaasoo muujinaayay qaabka ay Shabaabku u dilaan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

    Xildhibaanada, ayaa waxaa baqdin geliyay muuqaalkaasi, iyadoo la arkaayay Xildhibaanada oo isu jeed jeedsaaaya, mudadii uu daawashada u soconaayay.

    Tuuryare, ayaa intaas ka dib waxa uu codsaday in Suxufiyiinta laga saaro Xarunta Golaha Shacabka, isagoo u cuskaday inay la socdaan xubno khuburo ah, isla-markaana uu doonaayo in Baarlamaanka ay tallooyin ka siiyaan arrimaha ammaanka.

    Si kastaba ha-ahaatee waa markii ugu horeysay oo muuqaal ceynkani oo kala ah loo shido Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, iyadoo la rumeysan yahay inay u nugul yihiin weerarada ay ku hayaan Shabaabku


  5. Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Somaliland

     

     

    xs5.jpg

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan dalka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa halkaasi kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Somaliland.

     

    Madaxweyne Xasan Sheekh casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ugu horeyn labada mas’uul waxa ay kaga hadleen xaaladda dalka iyo horumarka ay dowladda ku talaabsatay.

     

    Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Jabuuti Sagal Saciid Faarax ayaa sheegay in kulanka labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Jabuuti intii uu socday uu ku soo biiray Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, kaasi oo horudhac u ah kulanka beri ka furmayo Jabuuti ee ku saabsan wadahadaladii u dhexeeyay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland, kaasi oo horey hakad u gelay.

     

    Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Siilaanyo ayaa sanadkii hore ku kulmay dalka Turkiga, iyadoo kulanka dhex maray uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaarihii Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo hadda ah Madaxweynaha Turkiga.`


  6. Mogadishu- puntland- Galmudug- jubba all celebrating the appointment of Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharma’ark such huge support is good sign for the stability of the country .

     

     

    Galmudug Oo Soo soo dhaweeyey ra’iisul wasaaraha

     

    Cumar C/rashiid has a huge opportunity to lead Somalia in the right direction deliver sustainable stability......


  7. Ciidamada dowladda oo si nabad kula wareegay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud

    by A M | Monday, Dec 15, 2014 | 8132 views

     

    hibocidan8.JPG

     

    Ciidamo fara badan oo ka tirssan dowladda Soomaaliya ayaa goor dhoweyd la wareegay degmada Guriceel, iyadoo ciidankii kale ee ka tirsanaa Ahlusuna ay isaga baxaan.

     

    Xaalada degmada Guriceel ayaa ah mid degan, iyadoo aanay wax dagaal ahi ka dhicin, waxaana dadka deegaanka ay isugu soo baxeen wadooyinka, si ay u arkaan ciidanka dowladda ee qabsaday Guriceel.

     

    Ciidamada dowladda ayaa jimcihii laga saaray degmada Guriceel, markii uu dagaal kooban uu halkaas ku dhex maray qeyb ka mid ah ciidanka Ahlusuna.

     

    Wararka laga helayo Guriceel ayaa sheegaya in ciidankii ka tirsanaa Ahlusuna ay labo dhinac kala aadeen, waxaana qeyb ka mid ah ay u baxeen dhanka Xeraale,.

     

    Sidoo kale ciidamo kale oo uu watay Cabdi Waal ayaa iyana u baxay deegaanka Geri-Jire oo 60-KM galbeed ka xigta Guriceel, halkaasoo u dhow dhinaca xuduuda Itoobiya.

    Xaalada degmooyinka Guriceel iyo Dhuusa Mareeb ayaa ah mid degan, waxaana labadaas degmo si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda Federaalka.

     

    Dagaalo labadii maalmood u dambeeyay ka dhacayay Guriceel iyo Dhuusa Mareeb ayaa waxaa uu salka ku haya maamulka deegaanka iyo qorshaha maamul u sameynta Gobolada Dhexe.


  8. Ciidamada dowladda oo si nabad kula wareegay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud

    by A M | Monday, Dec 15, 2014 | 8132 views

     

    hibocidan8.JPG

     

    Ciidamo fara badan oo ka tirssan dowladda Soomaaliya ayaa goor dhoweyd la wareegay degmada Guriceel, iyadoo ciidankii kale ee ka tirsanaa Ahlusuna ay isaga baxaan.

     

    Xaalada degmada Guriceel ayaa ah mid degan, iyadoo aanay wax dagaal ahi ka dhicin, waxaana dadka deegaanka ay isugu soo baxeen wadooyinka, si ay u arkaan ciidanka dowladda ee qabsaday Guriceel.

     

    Ciidamada dowladda ayaa jimcihii laga saaray degmada Guriceel, markii uu dagaal kooban uu halkaas ku dhex maray qeyb ka mid ah ciidanka Ahlusuna.

     

    Wararka laga helayo Guriceel ayaa sheegaya in ciidankii ka tirsanaa Ahlusuna ay labo dhinac kala aadeen, waxaana qeyb ka mid ah ay u baxeen dhanka Xeraale,.

     

    Sidoo kale ciidamo kale oo uu watay Cabdi Waal ayaa iyana u baxay deegaanka Geri-Jire oo 60-KM galbeed ka xigta Guriceel, halkaasoo u dhow dhinaca xuduuda Itoobiya.

     

    Xaalada degmooyinka Guriceel iyo Dhuusa Mareeb ayaa ah mid degan, waxaana labadaas degmo si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda Federaalka.

     

    Dagaalo labadii maalmood u dambeeyay ka dhacayay Guriceel iyo Dhuusa Mareeb ayaa waxaa uu salka ku haya maamulka deegaanka iyo qorshaha maamul u sameynta Gobolada Dhexe.


  9. Tababar loo soo gabagabeeyay guddiga maamul u samaynta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya (Sawiro)

    by mahad | Monday, Dec 15, 2014 | 1687 views

     

    tababar-gfarsamo-6.jpg

     

    Guddiga farsamada dhismaha maamulka gobolada dhexe ayaa maanta loo soo gabagabeeyay tababar socday muddo toddobaad ah kaasoo ay ku baranayeen qaabka doorashada loo jiheyn lahaa.

     

    Munaasabadda soo gaba-gabeynta tababarkan ayaa waxaa ka qayb-galay xubnaha gudigaas iyo saraakiil ka socotay wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda dhawaan kalsoonidii lagala laabtay.

     

    Tababarkan oo socday muddo toddobaad ah ayaa waxaa soo qaban-qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha Somalia, waxaana fududdeysay xarunta CRD iyo hay’ad lagu magacaabo FCA oo fadhigeedu yahay dalka Finland.

     

    Xafladda ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Iimaan Xasan oo ku hadlay magaca ka qayb-galayaasha tababarka, isagoo sheegey in mudadii uu socday tababarka ay aad u la-fagureen sidii maamul loogu sameyn lahaa gobollada dhexe ee Soomaaliya.

     

    “Annagu waxaan nahay guddi farsamo oo ujeedkiisu yahay sidii bulshada gobollada dhexe ku nool ay u heli lahaayeen maamul loo dhan yahay,“ ayuu yiri Iimaan Xasan.

     

    Ismaaciil Jimcaale oo ka mid ahaa xubnihii ka socday wasaarada arrimaha gudaha Somalia oo isaguna munaasabadda ka hadlay ayaa in wasaaradu ay ku faraxsan tahay in guddiga maamul u sameynta gobollada dhexe loo qabto siminnaar, isagoo tilmaamay inuu yahay mid u fududeynaya howsha adag ee sugeysa, wuxuuna kula dardaarmay guddiga farsamo inay dadaal muujiyaan ayna ka miro-dhaliyaan howshan maadaama muddo dheer lasoo waday.

     

    Ugu dambeyn, waxaa tababarka soo xiray sii-hayaha xilka wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre, isagoo xusay inay hay’adaha CRD iyo FCA qabteen howl loo baahnaa oo waqtigeeda lagu soo beegay. Isagoo guddiga farsamo u soo jeediyay in howsha baaxada leh ee ay u hayaan bulshada gobollada dhexe ka gaaraan natiijo wax ku-ool ah

    “Muddo afar bilood ah ayaad howshan soo waddeen waana idin kaga mahad-celinayaa sida aad ugu dhabar-adaygteen howsha oo ah mid adag,“ ayuu yiri Goodax oo ku boorriyay guddiga in ay howshooda si cadaaladi ay ku jirto u dhameystiraan, casharradii ay tababarka ku qaateen ku dabaqaan howshooda.

     

    Tababarkan ayaa waxaa kasoo baxay baaq ah in la dadajiyo howsha maamul u sameynta gobollada dhexe ee dalka, waxaa kaloo baaqan ka mid ah in la joojiyo dhamaan colaadaha ka taagan gobollada dhexe. In bulshada kasoo jeeda gobolladaas ee dalka dibadiisa iyo gudihiisaba jooga ay qayb weyn ka qaataan dhameystirka maamulka loo sameynayo gobolladooda iyo inay dar-dar-geliso dowladda federaalka Soomaaliya sugida amniga goobta u shirku ka dhacayo.

     

     


  10. Mooge

     

    President Xasan Sheekh has exceeded your expectations give credit to The man.....

     

    Politically the South is stable, State building is almost completed No more headaches .,,

     

    In south we got

     

    Jubba state - SW state - centre state - HIIRAAN- shabelle dhex

     

    Expect one centre command for the security force the. Army and police

     

    Xasan Sheekh Political genius the man don't Smile for no reason expect more achievement.....


  11. DSC05572.jpg

     

    Beesha Muddulood oo ku qabatay Muqdisho shirweyne loogaga dhawaaqay dhismaha jidka isku xira Muqdisho-Hobyo

    Shirweyne ay ka soo qey galeen in ka badan 200 ruux oo isugu jira, Siyaasiyiinta, Dhaqanka, Culimada, Dhalinayarada iyo Haweenka beesha Muddulood ayaa maanta 11 December lagu qabtay magaalada Muqdisho.

    DSC05645.jpg

    Shirkaas oo ay qabanqaabiyeen siyaasiyiinta beeshaasi ayna gogoshiisa dhigeen hogaamiyeyaasha dhaqanka ayaa looga dhawaaqay mashruuc muddo dheer soo socday oo lagu dhisayo wadada xeebta ee isku xirta Muqdisho iyo Hobyo, waxaana ugu horeyn shirka furay Imaamka Beelaha Mudulood Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo sheegay in dhismaha jidka isku xirta Muqdisho iyo Hobyo uu yahay mashruuc baahi weyn loo qabo oo dan u ah dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

     

    “Anigu waan bilaabeynaa, cid uun ayaa bilaabi lahayd, laakiin jidku waa jid Soomaaliyeed, waxaana qof waliba laga rabaa inay gacan ka geysato” ayuu yiri Imaamka oo ugu duceeyay mashruuca iyo dadka kasoo shaqeeyay inay guuleystaan, howshaasina Alle la garab galo.

     

    Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo isna shirweynaha ka hadlay ayaa sheegay in dhismaha jidka isku xira Muqdisho-Hobyo uu yahay mid ka mida mashaariicda lagu horumarinayo umadda, lagana helayo ajar fara badan,. “Fekerka arrintan waxay ka timid salaadiinta beesha, kadibna waxay u yeereen siyaasiyiinta, aqoonyahanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada maanta ayay suuragashay inaan isla helno” ayuu yiri ugaaska.

     

    Sidoo kale Ugaas Maxamuud Cali Ugaas wuxa uu sheegay in dhibaato weyn ka taagan tahay jidka, dadkuna ku cadiban yhiin maritaankiisa, “Jidkaan waxaa mara oo kaliya baabuur la yiraahdo TM oo qof xanuunsan, haween foolaneysa, xamuul iyo qof kasta lagu soo qaado, wuxuuna hadda jidku halis ugu jiraa inuu gebi ahaanba xirmo lana mari waayo” ayuu markale yiri Ugaaska oo u mahad celiyay Injineeradii soo qiimeeyay ee waqtigooda u huray inay keenaan qaabka dhismaha jidka.

     

    Ugaasku wuxuu caddeeyay in la furi doono Xisaab Bankiyeed dadka oo dhan lacagta dhismaha jidka ku soo shubi karaan, lana sameyn doono guddi lagu kalsoon yahay oo maamula howshaasi, wuxuuna ugu baaqay dadka ku abtirsada beesha iyo Soomaalida kale ee gudaha iyo dibadda ku nool inay wixii ay heli karaan ugu deeqaan dhismaha jidkaasi, iyadoo la balan qaadayo in shilin kasta oo lagu deeqo la soo bandhigi doono laguna bixin doono sidii loogu talogalay.

     

    Ugaas C/llaahi Ugaas Saalax, Suldaan Maxamed Cabdi Shido, Ugaas Cusmaan Ugaas Cilmi iyo Claahi Geedi Shadoor oo iyaguna ku hadlay magaca dhaqanka beesha ayaa tilmaamay in dhismaha jidkaasi uu yahay mid Soomaali weyn ka dhaxeeya, laakiin beesha Mudulood ay bilaabeyso oo kaliya, wuxuuna u furan yahay ayay yiraaheen cid kasta oo Soomaaliyeed, dowladda oo kaalinteeda laga rabo, beesha caalamka iyo cid kasta oo wax tari karta dhismaha jidka.

     

    Imaan Maxamed Cali oo ku hadlayay magaca ganacsatada Beesha Muddulood ayaa isna shirweynaha ka balanqaaday inay kaalin weyn ka geysan doonaan dhismaha jidka isku xira Muqdisho-Hobyo ee mara xeebta oo dhibaatadiisu wax badan soo taagneyd; wuxuuna intaas ku daray in jidkaasi uu anfici doono cid kasta oo marta. “Waxaan aaminsahahay inaan dhisi karno jidka haddii aan is kaashano, cid kasta meesha ay ka degto haddii ay dhisto jidkaas waa dhismayaa” ayuu yiri Ganacsade Imaan Maxamed Cali.

     

    Guddoomiyaha Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka Ismaaciil Macalin Muuse oo isna ereyo ka jeediyay shirka ayaa sheegay in dhismaha jidka isku xira Muqisho-Hobyo ku dhismi karo oo kaliya haddii la is kaashado, qof waliba oo beesha ka midana ayu dhiibto 100-200 doolar. “Dhulka Muqdisho-Hobyo ma dheera, madaxweynaha ayaa ku baaqay in la dhiso , dowladda waxaan ugu baaqeynaa inay doorkeeda qaadato” ayuu yiri Ismaaciil Macalin Muuse oo intaas sii raaciyay in dhismaha jidka dhaqaalaha ku baxaya laga rabo Soomaali oo dhan, wuxuuna soo jeediyay in dadka aan lacag caddaan ah heli Karin, laga soo ururiyo xoolo.

     

    Culimaa’udiin ay ka mid yihiin Sheekh Cali Wajiis, Sheekh Cali Maxamuud Sheekh Cali Dheer, Sheekh Xasan Sheekh Axmed Siyaar, Sheekh Daa’uud Sheekh ayaa iyaguna ka hadlay shirka oo faahfaahiyay faa’iidada aduun iyo aakhiro laga helayo dhismaha jidadka, waxayna sheegeen inay tahay nafci adduunyo iyo sadaqo socota ah ilaa qiyaamaha, waxayna dadka gaar ahaan jaaliyadda dibadda ugu baaqeen inay ka qeyb qaataan dhismaha jidkaasi.

     

    Dhinaca haweenka beesha waxaa shirk aka hadlay Caasha Omar Geesdiir oo ka socotay Sweden,Shamso Cali Macalin, Nadiifo Sheekh Cali Tuur iyo xubno kale oo dhinacooda balanqaaday inay gacan weyn ka geysan doonaan dhismaha jidka isku xira Muqdisho-Hobyo, isla markaana ay ragga uga hormari doonaan dhaqaale ururinta.

     

    Dhinaca siyaasiyiinta waxaa shirka ka hadlay xildhibaan Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), Xildhibaan C/raxmaan Ibraahim Shiiraar oo sheegay in ay daraasad ku sameeyeen jidkaasi, kadib markii ay arkeen dhibaatada ka taaganna ay u istaageen sidii wax looga qaban lahaa, waxayna balanqaadeen inay hormuud u noqon doonaan dhismaha jidka.

    KULANKA-MUDOLOD-2.jpg

    Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa ku dhawaaqay in dhismaha jidka isku xira Muqdisho-ilaa Hobyo uu yahay mashruuc Qaran oo bilow ka ah horumarka dalka, oo salkiisu yahay nabadgelyada la helay.

     

    Cali Geedi wuxuu intaas ku daray in qomiyada Muddulood oo ah gogoshii dowladnimada ay mashruucan bilowday, “Waan hubaa inay Soomaali oo dhan ugu hanbalyeyn doonto, kuna soo biiri doonto dhismaha jidkan, anaga bilowgiisa ayaan leenahay, laakiin jidku waa jid Qaran, kamana hareyno ilaa uu ka dhismo” ayuuna sii raaciyay.

     

    Wuxuu baaq u jeediyay dadweynaha Muddulood ee ku nool dalalka dibadda isagoo ugu baaqay inay dhaqaale ugu yaboohaan mashruucan balaaran ee muhiimka ah, wuxuuna kula dardaarmay in baaqan la gaarsiiyo guri kasta iyo qoys kasta si loogu guuleysto dhismaha jidka baahida weyn loo qabo. Cali Maxamed Geedi wuxuu kaloo beesha caalamka ugu baaqay inay taageero ka geysato dhismaha jidka, wuxuu sidoo kale dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inay kaalintooda ka qaataan dhismaha jidkan.

    Intii uu shirka socday waxay Injineerada soo qiimeeyay dhismaha wadadda isku xirta Muqdisho-Hobyo ee dhinaca xeebta soo jeediyaan daraasad ku saabsan xaaladda jidka iyo baahida dhaqaale ee la doonayo si loo dhiso. Waxay soo bandhigeen qorshe lagu dhisayo wejiga koowaad 300KM oo carro kaawo ah, waxayna sheegeen in dhisma jidka halkii KM ay ku baxeyso dhaqaale dhan $250,000. Waxay Injineeradu caddeeeyeen in caadiyaan 1km oo jid ah lagu dhiso Hal Milyan oo doolar, balse ay iyagu isku tashanayaan wax faa’iido ahna aysan ka rabin.

     

    Intii uu shirka socday waxaa la soo xiriiray jaaliyada beesha Muddulood ee dalalka Koonfurta Suudaan, Koonfur Afrika, Kenya, Mareykanka iyo kuwo kale oo balanqaaday inay gacan weyn ka geysan doonaan dhismaha jidka.

     

    Xildhibaan C/rashiid Xiddig ayaa shirka u yimid inuu ka sheego farriin uu ka siday Beeshiisa oo ahayd inay ka qeyb qaadanayaan dhismaha jidka isku xira Muqdisho iyo Hobyo, wuxuuna balanqaaday inay dhinacooda ay diyaar u yihiin taageerada jidkaasi.

     

    Xaaji Cabdi Iimaan ayaa isna shirka uga dhawaaqay in Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo ku yaboobay dhaqaale dhan 20,000 Doolar oo dhismaha jidka uu ku darsaday, taasoo noqoneysa dhaqaalihii ugu horeeyay ee dhismaha jidka u soo xerooda.

     

    Waxaa shirka mar kk


  12. Too much protesting the president has shown from now on Somalians can resolve internal crisis without IC intervention .....

     

    Next two years expect strong Government. Federalism completed in south. Strong constitution. Strong All inclusive Arm force. Multiple political parties.

     

    President Hassan has delivered


  13. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ka mid tahay Dowladda Federaalka: VIDEO

     

    (Calanka.com) - Posted at 07/12/2014 By Webmaster

    Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde ayaa si cad u sheegay in Somaliland xaqiiq ahaan ay la mid tahay maamulada dalka ka jira sida Puntland iyo Galmudug ee hoostaga Dowladda Federaalka Somalia isla markaana Axmed Siilaanyo beesha caalamka u aqoonsan yihiin Guddoomiye Gobol.

     

     

    Wasiirka oo wareysi bixinayay ayaa wuxuu sheegay in beesha caalamka ay ula dhaqanto sida maamulada kala ee dalka ka jira, isla markaana ay ka mid yihiin Dowladda Federaalka Somalia.

     

    "Beesha caalamka aqoonsi ay Somaliland u aqoonsan yihiin ma jirto, waxay noola dhaqmaan inaan nahay qeyb ka mid ah Dowladda Federaalka Somalia sida ay ula dhaqmaan maamulada kale ee Puntland iyo Galmudug" ayuu yiri Wasiir Waran Cadde.

     

    "Waxaanu nahay qeyb ka mid ah Dowladda federaalka Somalia, Madaxweynaha Somaliland-na waxaa loo aqoonsan yahay inuu yahay Guddoomiye gobol"ayuu sii raaciyay Wasiirka arrimaha gudaha.

     

    HALKAN KA DAAWO WAREYSIGA WASIIR

     

     

     

     

    Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda


  14.  

    Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ka mid tahay Dowladda Federaalka: VIDEO

     

    (Calanka.com) - Posted at 07/12/2014 By Webmaster

    Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde ayaa si cad u sheegay in Somaliland xaqiiq ahaan ay la mid tahay maamulada dalka ka jira sida Puntland iyo Galmudug ee hoostaga Dowladda Federaalka Somalia isla markaana Axmed Siilaanyo beesha caalamka u aqoonsan yihiin Guddoomiye Gobol.

     

     

    Wasiirka oo wareysi bixinayay ayaa wuxuu sheegay in beesha caalamka ay ula dhaqanto sida maamulada kala ee dalka ka jira, isla markaana ay ka mid yihiin Dowladda Federaalka Somalia.

     

    "Beesha caalamka aqoonsi ay Somaliland u aqoonsan yihiin ma jirto, waxay noola dhaqmaan inaan nahay qeyb ka mid ah Dowladda Federaalka Somalia sida ay ula dhaqmaan maamulada kale ee Puntland iyo Galmudug" ayuu yiri Wasiir Waran Cadde.

     

    "Waxaanu nahay qeyb ka mid ah Dowladda federaalka Somalia, Madaxweynaha Somaliland-na waxaa loo aqoonsan yahay inuu yahay Guddoomiye gobol"ayuu sii raaciyay Wasiirka arrimaha gudaha.

     

    HALKAN KA DAAWO WAREYSIGA WASIIR

     

     

     

     

    Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda

     

     

     

     

     

     

     

     

     


  15. xasan-bay-11.jpg

     

    mudane Xasan Sheekh Maxamuud has delivered next federal state Inauguration ceremony will be most likely center State then Hiiraan & shabelle Hoose + Mogadishu possibility ..

     

     

    The Next two years priority and focus will be The The Arm force - Police - NISA unified one center command Great Job .....

     

     

    Madaxweynuhu wuxuu kula dardaarmay Madaxweyne Shariif Xasan in uu dadka uu matalo uu kala qeyb qaato nidaamka siyaasadeed ee dalka dib loogu shidayo asaga oo ka hadlay waxyaabaha ay tahay in muhiimadda la siiyo bilaha soo socda “Dowladda Federaalka waxaa laga rabaa in ay qabato howlo muhuum ah ka hor inta aanuu dhammaan Kalfadhiga Baarlamaanka ee soo socda. Waa in aan xaqiijinnaa in uu Baarlamaanku ansixiyo Guddiga Soohdimaha iyo Federaalka iyo Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka. Shuruuc muhiim ah waa in la sameeyaa. Waa in aan si deg deg ah wax uga qabannaa ku soo daridda ciidammada Gobollada si loo xoojiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loona helo faa’iidada Federaalism-ka. Kaalinta ay Koofur Galbeed ku leedahay in howlahaasi ay guuleystaan waa mid muhiim ah.

     


  16. Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galay caleema-saarka Madaxweynaha Koofur Galbeed

     

    xasan-bay-10.jpg

     

    xasan-bay-2.jpg

     

    xasan-bay-11.jpg

     

    xasan-bay-11.jpg

     

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baydhaba uga qeyb galay caleema saarka Madaxweynaha maamulka ku meel gaarka ah ee Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaasoo bishii hore xilkaas loo doortay.

     

    Khudbad uu Madaxweynuhu jeediyay wuxuu ka hadlay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay labadii sano ee la soo dhaafay ee dhinacyada dhigidda asaaska Qaran shaqeynaya, hirgelinta unugyada asaaska u ah dib u habeynta Qaranka, horumarinta qaanuunno muhiim u ah oo kaaba shaqooyinka iyo nidaamka Qaranka, sameynta heykal dowladnimo, rasmiyeynta xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya, xoojinta xiriirka aan la leennahay dalalka deriska ah, dib u habaynta hey’ado muhiim ah, hirgelinta Golayaal lagu wadahadlo, iyo in la meelmariyo hindisaha ah in la is waafajiyo kaalmada caalamiga ah ayada oo loo marayo Heshiiska cusub ee Somali Compact.

     

    Madaxweynaha ayaa ku adkeeyay Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed in looga baahan yahay in uu ku hoggaamiyo maamulkiisa qaab muuqda oo aan bulshada Soomaaliyeed daah ka saarneyn. Iyo in uu xaqiijiyo in ay Hey’adaha Soomaalidu ay waajibkooda gutaan si loo xaqiijiyo in muwaaddinka iyo kooxuhuba ay sharciga u siman yihiin. Isla markaana ay hey’aduhu ku shaqeeyaan sida ay dantu ugu jirto shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay shakhsiyaadka iyo kooxuhuba ay wixii ay isku khilaafsan yihiin ay ku xalliyaan si nabad ah.

     

    Madaxweynuhu wuxuu kula dardaarmay Madaxweyne Shariif Xasan in uu dadka uu matalo uu kala qeyb qaato nidaamka siyaasadeed ee dalka dib loogu shidayo asaga oo ka hadlay waxyaabaha ay tahay in muhiimadda la siiyo bilaha soo socda “Dowladda Federaalka waxaa laga rabaa in ay qabato howlo muhuum ah ka hor inta aanuu dhammaan Kalfadhiga Baarlamaanka ee soo socda. Waa in aan xaqiijinnaa in uu Baarlamaanku ansixiyo Guddiga Soohdimaha iyo Federaalka iyo Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka. Shuruuc muhiim ah waa in la sameeyaa. Waa in aan si deg deg ah wax uga qabannaa ku soo daridda ciidammada Gobollada si loo xoojiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loona helo faa’iidada Federaalism-ka. Kaalinta ay Koofur Galbeed ku leedahay in howlahaasi ay guuleystaan waa mid muhiim ah.


  17.  

    ADAM

    for third and last time , Do you support the continued African Troops being deployed in Somalia without any saying of the local somalis and no exit plan. The are many different troops in Somalia in different cities and many of them are there not to help but to inforce their own policy of colonization.

     

     

    i'm totally against any African or foreign troops deployment to continue Today- The Army and the security force can secure the country. The Arms embargo is the only obstacle to the Arm force that will change


  18. Every community in Somalia had their bad share of the civil war some were fortune enough to pull them self faster then other - some had more resource and capital city to fight over - history proves that when civil war breaks the Capital city n surrounding are devastated ...

     

     

    the elite are educated today young hence why the achievement are in full speed No turning gone are war lord terrorist era

     

     

     

    mudane Xasan Sheekh Maxamuud is building strong and discipline security force zero tolerance on Nabadiid elements

    http://www.youtube.com/watch?v=W35q7tWAKY8

     

    security is 100 % Amisom and The Somali Arm force have started to evacuating Mogadishu