malistar2012

Nomad
  • Content Count

    2,754
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by malistar2012


  1. safar-madaxweyne.jpg

     

    Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in Madaxweynaha uu tago magaalada Cadaado, halkaasoo horay loogu qorsheeyay inay ka dhacdo gogosha shirka maamul u sameynta Gobolada Dhexe.

     

    President Xasan Sheekh Maxamuud bbringing political stability to south Somalia after decades congrats.

    Centre state

    South west state

    Jubba state

    Hiiraan+ shabelle dhex

    Mogadishu

     

    End January there will be conference meeting in Mogadishu about uniting all the Arm forces across the country.....

     

     

     


  2. Madaxweyne Xasan Sheekh oo horaanta todobaadkan booqasho ku tagaya Dhuusa Mareeb

    by A M | Saturday, Jan 3, 2015 | 2708 views

     

    safar-madaxweyne.jpg

     

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inuu booqasho ku tago magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud, iyadoo qaban qaabada soo dhoweynta wafdiga Madaxweynaha ay ka socoto magaaladaas.

     

    Booqashadan ayaa noqoneysa tii u horeysay ee uu Madaxweynuhu ku tagi doono Dhuusa Mareeb, waxaana dhowr jeer dib u dhac ku yimid safar uu ku tagi lahaa magaaladaas, intii uu Madaxweynaha ku guda jiray soo magacaabistii Ra’iisul Wasaaraha.

     

    Gudoomiye kuxigeenka degmada Dhuusa Mareeb C/llaahi Macalin Axmed ayaa sheegay inay diyaar garow ballaaran ugu jiraan soo dhoweynta wafdiga Madaxweynaha, isagoo ugu baaqay qeybaha bulshada inay ka qeyb qaataan soo dhoweynta Madaxweynaha.

     

    Gudoomiye kuxigeenka ayaa sheegay in ammaanka magaalada aad loo adkeeyay, isla markaana ay ka socoto howlo nadaafadeed oo dib loogu soo celinayo bilicda magaalada, isagoo aan sheegin goorta Madaxweynuhu tagi doono Dhuusa Mareeb.

     

    “Diyaar garow ayaa ka socda Dhuusa mareeb oo lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha Soomaaliya, waxay dadweynaha magaalada iyo maamulka ay ku jiraan qaban qaabada sidii loo soo dhoweyn lahaa wafdiga Madaxweynaha”ayuu yiri Gudoomiye kuxigeenka degmada Dhuusa Mareeb.

     

    Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in Madaxweynaha uu tago magaalada Cadaado, halkaasoo horay loogu qorsheeyay inay ka dhacdo gogosha shirka maamul u sameynta Gobolada Dhexe.

     

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhiira gelin doona howlaha maamul u sameynta Gobolada Dhexe oo lagu wado in dhowaan ay dhacdo doorashada Madaxweynaha maamulkaas oo ay u taagan yihiin musharaxiin badan.

     

    Booqashada Madaxweynaha ee Dhuusa Mareeb ayaa ku soo aadeysa, iyadoo bishii la soo dhaafay ee December uu iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Ahlusuna uu ka dhacay Dhuusa Mareeb iyo Guriceel, waxaana markii dambe laga saaray ciidankii Ahlusuna.

     


  3. Somali president meets his Egyptian counterpart in Cairo

     

    xasan-iyo-sisi-3.jpg

     

    xasan-iyo-sisi-1.jpg

     

     

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo dhaweyn heerkeedu sareeyo loogu sameeyay xarunta madaxtooyada dalka Masar ee magaalada Qaahira kadib markii casuumaad rasmi ah uu ku yimid.

     

    Madaxweynaha ayaa ugu horeyn salaan sharaf ka qaatay ciidamada qalabka sida ee Masar cutubyo katirsan iyadoo uu wehliyo dhigiisa Masar Gen.C/Fataax Siisii waxaana madaxweynuhu uu gacan qaaday xubno katirsan golaha wasiirada Masar ee aqalka goobjooga ka ahaa.

     

    Soo dhaweynta kadib ayaa waxaa labada madaxweyne ay yeesheen kulan waqti qaatay oo ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka socday labada dowladood gaar ahaan dhanka golaha wasiirada.

     

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dowladda iyo Shacabka Masar uga mahadceliyay sida ay Soomaaliya isu garab taageen xilliyadii adkaa, Wuxuu yiri Madaxweynuhu “si weyn ayaan ugu xisaabtameynaa Masarta cusub ee uu hoggaamiyaha u yahay Madaxweyne Sisi in ay kaalin weyn ka qaadato dadaalka dib u dhiska Soomaaliya.”

     

    Labada Madaxweyne waxay si buuxda isugu af garteen in ay iska kaashadaan dhinacyada waxbarashada, beeraha, tababbarka ciidammada, dhaqaalaha, dhaqanka iyo arrimaha bulshada.

     

    Madaxweynaha dalka Masar, Abdel Fattah el-Sisi wuxuu ku dhawaaqay in la dhisi doono guddi laba geesood ah oo howshiisu ay tahay isku dubba ridka iskaashiga labada dal. Dowladda Masar waxay kulankaasi ku aqbashay casuumad uu Madaxweynaha Soomaaliya u fidiyay Ra’iisal Wasaaraha Masar in uu booqasho ku yimaado Soomaaliya.

     

    Labada Madaxweyne ka sokow, kulankan oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada dalka Masar, waxaa ka qeyb galay Ra’iisal Wasaaraha dalka Masar, Ibrahim Mahlab, iyo Wasiirro labada dal kala matalaya.

     

    Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Da,uud Aweys ayaa sheegay in madaxweyne Xassan Sheekh uu u gudbiyay dhigiisa in dhinacyo badan laga garab siiyo Soomaaliya si labada dal ay hore ugu sii wadaan Soomaaliyada cusub iyo Masarta Cusub.

     

    Dhinaca kale madaxweynaha dalka Masar C/fataax Siisii ayaa ballan qaaday inuu dhisayo gudi ka shaqeeya horumarinta xiriirka Masar iyo Soomaaliya isagoo dhanka kalena xusay inay Soomaaliya ka taageerayaan arrimaha tababarka ciidamada iyo dhinacyo kale,Soomaaliya oo xiligan isbedel muuqda oo dhanka amniga ah uu ka bidhaamay.

     

     


  4. Somalia opens first insurance company in over 20 years

     

    BhnA1dN.jpg

     

     

    MOGADISHU (Xinhua) -- The first insurance company of Somali in over 20 years opened in its capital Mogadishu on Monday, marking a shift in the business practice in the country, which has for a long time been prone to risks without cover.

    The company, First Takaful and Re-Takaful Insurance Company, aims at providing life, car and house insurance in line with the Islamic insurance principles in the Somali market.

     

    20141229635554414551995056DSC01635.jpg

    Mohamed Abdi Mohamed, general director of the company, told Xinhua that setting up of Takaful was informed by the need to provide businesses with cover from risks and promote business in Somalia.

     

    He said Takaful was going to develop customer-friendly insurance products to ensure that majority of the businesses in Somalia embrace insurance, not just for cover from risks but also as a form of investment for young people.

     

    "We are focusing on delivering Sharia compliant insurance products to any part of the country and across the world," said Mohamed, noting that Takaful was going to fill the gap left in the insurance industry which has been nonexistent for more than two decades.

     

    Somalia has been without any form of insurance since the collapse of central government in 1991, thus exposing businesses to risks which would otherwise have been shielded from such risks. The motor vehicles sector has been hardest hit since several vehicles have been destroyed through hand grenades, and the owners are left to bear the full cost of recovery.

     

    Source: Xinhua

     

     

     

     


  5. Maamulada K/galbeed iyo Jubbaland oo isla meeldhigay Qodobo muhiim u ah aayahooda

    sharifkis.JPG

    Wafdigii balaarnaa ee uu hogaaminayay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa markii si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo kadib waxaa loo gudbiyay xarunta madaxtooyada ee magaalada Kismaayo.Labada madaxweyne ayaa halkaas si wadajir ah ugula hadlay saxaafada waxayna sheegeen in si saraaxa leh labada dhinac u wadahadli doonaan xili waliba.

     

    Intaa kadib ayaa waxaa labada dhinac kulan isugu yimaadeen kaas oo ahaa isbarasho.

     

    Kulankan ayaa isbarashada ka sakoow waxaa la isku afgartay in gudiyo loo saaro wadahadalada dhexmari doona labad maamul waxaana la isku waafaqay in kulamada labada dhinac dhexmari doona loo kala saaro mid dhaqan iyo mid maamul iyadoo odayaasha dhaqanku ay si gooni ah uwada hadleen, halka siyaasiyiintuna ay kulan gaar ah yeeshen, waxaana la sameeyay gudi farsamo oo arimahan fududeeya.

     

    Wadhadaladii rasmiga ahaa ayaa waxaa laga soo saaray dhowr qodobo oo kala ah:-

     

    1) In xuduudaha u dhaxeeya labada maamul goboleed ay noqdaan xuduudihii la yaqiinay intii aysan burburin dowladii dhexe ee Somalia 1991.

     

    2) In la xoojiyo xiriirka labada maamul goboleed la iskana kaa shado arimaha amniga iyo la dagaalanka Alshabaab.

     

    3) In dadka ku kala nool deegaanada labada maamul goboleed si cadaalad ah looga qayb geliyo maamulka

     

    4) In Dowlada dhexe ay kala tashato maamul goboleedyada qaabkii hirgelinta nidaamka federaalaynta Somalia iyo qaabkii lagu gaari lahaa hiigsiga 2016.

     

    Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa in kulamada labada dhinac la soo saaro warmurtiyeed ka kooban qodobadii la isku afgartay.

     

    Wararka iyo Barnaamijyada Allbanaadir Live si aad u dhageysato garaac

    USA iyo Canada +17124322959

    UK 0330-332-6520

    Australia 1-300-230-739

    Sweden: 46840308867

    Norway: 021.984.528

    South Africa 01.05.90.46.02

     

    Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com

    Muqdisho Somalia

    Allbanaadir@live.com


  6.  

    shabaab-gowrac.jpg

     

    Warar dheeraad ah oo aan ka heleyno Ciidamada DF Somalia Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in Sheekh Sakariye Ismaaciil Xersi oo ka tirsan Saraakiisha sar sare ee Ururka Al Shabaab, uu maanta si rasmi ah isugu soo dhiibay Ciidamada DF Somalia ee ka hawlgala Gobolka Gedo.

     

    Sheekh Sakariye Ismaaciil Xersi oo ahaa ku xigeenkii Godane, waxaa la socday xiligii uu isa soo dhiibaayay mid kamid ah Xoghayntiisa, waxa uuna gacanta DF soo galay barqanimadii maanta xilli ay Ciidamadu ku sugnaayeen afaafka hore ee Degmada Ceelwaaq ee Gobolkaasi, sida uu kusoo waramaayo Taliyaha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo.

     

    Taliyaha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo Korneyl Cabaas Ibraahim Gurey, ayaa Hogaaminaayay Ciidamada Militariga Somalia ee uu isku soo dhiibay Sheekh Sakariye Ismaaciil Xersi.

     

    Sakariye Ismaaciil ayaa ahaa Madaxii Sirdoonka Maleeshiyada Al shabaab ee Geeska Afrika iyo ku xigeenkii Godane, wuxuu muddooyinkii ugu dambeysay la dagaalan kula jiray Amiirkii hore ee Ururka Al Shabaab Axmed Cabdi Aw Maxamed (Axmed Godane), oo beegsi ugu jiray Saraakiil uu ka mid ahaa Sheekh Sakariye.

     

    Dowladda Mareykanka, ayaa bishii June ee sanadkii 2012­ka saddex Milyan oo dollar dul dhigtay, cidii nolol iyo geeriba meel ku sheegta Sheekh Sakariye Ismaaciil Xersi.

     

     

     

     


  7. Ciidanka NISA oo soo afjaray howlgalkii Xalane

    Nabadsugid.jpg

     

    Published on December 26, 2014 by Ismaaciil Mukhtaar · No Comments · 893 views

    Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa goor dhow soo afjaray howlgalkii lagu nadiifinaayay maleeshiyaadkii weeraka ku soo qaaday Xerada Xalane ee saldhiga ugu weyn ee Amisom.

    Ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan Hay’adda Nabad sugid iyi Sirdoonka Soomaaliya gaar ahaan kuwo loo yaqaano Gaashaan ayaa gudaha u galay goob ay ku go’doonsanaayeen maleeshiyaadkii weerarka ku soo qaaday Saldhigga Xalane.

     

    Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidanka Gaashaan ee Nabad Sugiida iyo Sirdoonka Soomaaliya ay gacanta ku soo dhigeen labo ka tirsan kooxda Al-shabaab oo isku dayay in ay qal qalgeliyaan saldhigaasi, waxaana weerarkaasi ay soo qaadeen Al-Shabaab ku geeriyooday 5 ka tisan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM iyo mid kamid ah Shaqaalaha rayidka ah oo xerada la weeraray ka howlgali jiray.

     

    Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in saraakiisha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ay war-fidiyeenka u soo bandhigan maxaabiista laga qabtay Al-shabaab iyo sida ay u soo geba gebeeyeen howlgalkaasi.

     


  8. Ciidamada Gaashaan ee Dowlada Somalia oo maanta soo afjaray Weerarkii Al-Shabaab ku galeen Xarunta Xalane

     

     

    u1.jpg

     

    Ciidamo katirsan Hay’ada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa maanta soo afjaray Weerar rag hubeesan oo katirsanaa Al-Shabaab ku galeen xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

     

    Dagaalyahanada Al-Shabaab ee weerarka ku galay Xalane ayaa qaarkood la sheegay ilaa saakay in ay ka dagaalamayeen qeybo kamid ah xarunta xalane , waxaana saakay Howlgalka ku biiray Ciidamada Gaashaan ee Dowlada Soomaaliya kuwa oo dilay ragii Shabaab katirsanaa ee ku harsanaa xaruntaasi soona afjaray howlgalka.

     

    Xaalada Xarunta Xalane ayaa hada ah mid dagan , waxaan si buuxda amaanka xeradaasi gacanta ugu haya Ciidamo katirsan AMISOM , waxaana maanta banaanka usoo baxay dad badan oo shalay ku go’doomay qeybo kamid ah Xarunta Xalane.

     

    Dagaalyahanada Al-Shabaab ee weerarka ku galay Xarunta Xalane ayaa tiradooda lagu sheegay tobaneeyo, raga hubeesan qaarkood ayaa isku qarxiyay xarunta xalane halka kuwa kalana ay dagaalameen in mudo ah.

     

    Warar laga helayo Gudaha Xarunta Xalane ayaa sheegaya in raga hubeesan ay doonayeen in ay galaan Hoteelo iyo Xarumo ay dagan yihiin dad ajaaniib ah, waxaana xarunta Xalane lagu arkay ajaaniib hubeesan oo difaac adag ka galayay raga hubeesan.

     

    War saxaafadeedkaan taliska AMISOM kasoo baxay waxaa lagu cadeeyay in tirada dadka ku geeriyooday weerarkii shalay ay gaarayaan 9 ruux oo 5 ka mid ah ay ahaayeen dablaydii xerada weerartay, 3 askari oo AMISOM ka tirsanaa iyo ruux rayid ah oo kusugnaa Gudaha Xalane.

     

    Al-Shabaab oo sheegatay Masuuliyada weerarkan lagu qaaday xarunta Xalane ayaa tilmaantay in ay ka gaareen howlgalkaasi guulo la taaban karo ayna dileen ajaaniib iyo Ciidamo katirsan AMISOM oo ku sugnaa Xarunta Xalane.

     

    Dad badan ayaa isweediinaya sida fudud ay AL-Shabaab ku galeen xarunta Xalane oo aheed meel si weyn amaankeeda loo adkeeyo aheedna Saldhiga ugu weyn AMISOM ku leeyihiin Muqdisho, sidoo kale fariisin u ah Safaarado iyo Saraakiil Reer Galbeed ah iyo kuwa katirsan Qaramada Midoobay.


  9. <cite>
    said:</cite>

    Niyoow Qaybdiid tried to test the resolve of Puntland. Mudug Governor Hafidulah Tigey arrived Saaxo
    where the militia attacked on the orders of Qoslaye
    . They were chased away after suffering heavy casualties. Mudug Governor hoisting the Puntland flag proudly.

     

    39.jpg

     

    410.jpg

     

    Niyoow Qabdiid's militia have learned a historic lesson today. There is nothing better than peace. Puntland is doing great development there. Water wells are being digged and basic services created for the people of Saaxo. This city will be going through major changes in the coming years inshalah. Qabydiid accomplished nothing today. He murdered his own militia boys by taking to a war they could not win niyoow.

     

    416926cb371698fe960375edd64535dd_XL.jpg

     

    Mooge

     

    President Qooslaay cut your paycheck in Kenya or what why Is the president giving you Nightmare , Qooslaay will be in office for 20 Month and 90 % he get elected for second term .......

     

    Sleep with That tonight

     

     

     


  10. Dhagayso: Galmudug”Deegmada Saaxo Puntland Ma Hoostagto Ee Wuxuu Ka Midyahay Deegaanada Maamulka Loo Sameenayo

     

    Galmudug3.jpg

    Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta Galmudug Cilmi Kulan Geedi Oo Shirjaraa,id Ku Qabtay Magaalada Gaalkacyo Ee Xaruunta Galmudug Ayaa Ka Hadlay Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Degmada Saaxo Ee Gobolka Mudug .

    Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta Galmudug Ayaa Beeniyay Sheegashada Deegaanka Saaxo Ee Puntland Waxaana Uu Sheegay In Deegaankaas Uuka Mid Yahay Deegaanada Loo Sameenayo Maamulka Gobolada Dhexe.

    Waxa Uu Yiri Cilmi Kulan”Waanka Xunahay In Deegaan Puntland Aysan Daganeen Ama Maamulin Inay Tiraahdo Shacab Puntland Ah Ayaa Wax La Yeelay.

    Dhanka Kale Agaasimaha Ayaa Waxa uu Maamulka Puntland Uuga Digay Carqaladeenta Arimaha Maamul Usameenta Gobolada Dhexe iyo iska Horgeenta Walaalaha Mudug Ee Maamulka Loo Sameenayo

     


  11. Rag hubeysan oo ilaa shan ruux gaarayay, kuna hubeysnaa qoryaha fudud, bambaanooyin iyo jaakadaha qarxa ayaa maanta duhurkii galay xerada Xalane, halkaasoo dagaal saacado badan qaatay uu ka dhacay.

     

    Alshabaab are getting more desperate and extreme five young guys with suicide belts and AK 47 what where they Thinking .......

     

     

     

     


  12. Afhayeenka AMISOM “Xaalada Xerada waa degan tahay, gacanteena ayay ku jirtaa, isku day weerar ayuu ahaa”

    by A M | Thursday, Dec 25, 2014 | 2663 views

     

     

     

     

    Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay inay fashiliyeen isku day weerar oo Al-Shabaab ku soo qaaday Xerada Xalane oo ah taliska ugu weyn ee AMISOM.

     

    Col. Cali Aadan Xumad oo la hadlayay Idaacada VOA ayaa sheegay in xaalada ay iminka degan tahay, isla markaana ay gacanta ku hayaan ammaanka sida uu yiri.

     

    “Isku day weerar ayuu ahaa, xerada agagaarkeeda ayuu ka dhigay, waana la fashiliyay, xaalada waa degan tahay, gacanteena ayay ku jirtaa, khasaaraha dib ayaa ka soo sheegi doonaa”ayuu yiri Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xumad.

     

    Waxaa uu sheegay in foojignaanta ciidamada AMISOM ee ku hareereysan xerada ay keentay inay weerarka fashiliyaan, isagoo ka gaabsanayay inuu faah faahin rasmi ah ka bixiyo weerarkaas iyo sida uu ku dhacay.

     

    Rag hubeysan oo ilaa shan ruux gaarayay, kuna hubeysnaa qoryaha fudud, bambaanooyin iyo jaakadaha qarxa ayaa maanta duhurkii galay xerada Xalane, halkaasoo dagaal saacado badan qaatay uu ka dhacay.

     

    Rasaas iyo qaraxyo oo dhowr saacado socotay ayaa laga maqlayay xerada Xalane, waxaana weerarkaas uu hakiyay dhaq dhaqaaqii wadada aada Air Porka iyo duulimaadyadii diyaaradaha.

     

    Afhayeenka Ciidamada Milateriga Uganda Col. Paddy Ankuna ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in dhamaan AMISOM iyo shaqaalaha UN-ka ay bad qabaan, isla markaana ay iska caabiyeen Shabaabkii soo weeraray.

     

    Sidoo kale Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkan ay ku soo beegeen xilli ay xaflada ciida masiixiga ka socotay, waxaana ay sheegteen in tiro ka mid ah dagaalyahanadooda ay gudaha ugu jiraan xarunta Xalane.

     

    Weerarkan ayaa saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii howlaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo ku yaal xeyndaabka weyn ee Xarunta Xalane, halkaasoo ay ku yaalaan Xafiisyada hey’adaha Qaramada Midoobey iyo safaaradaha qaar ee reer galbeedka.

     

    Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe


  13. <cite>
    said:</cite>

    PL needs to take action ASAP. The only thing these people know is how to attack people at night while they are asleep. PL will not tolerate this and it will take action in the coming days. You just can't force people to join you or take their land by force. To the dumb guy named MaliStar why are you making it seem like CS is some kind of super power lol they aren't.

     

    P/L oo mushahar la’aan laga cabanayo

    Dec 25, 2014 - jawaab

     

     

    Qaar kamid ah shaqaalaha rayidka ah ee Puntland ayaa maanta magaalada Garowe ka dhigay diba-bax ay kaga cabanayaan mushahar la’aan iyo imitixaan dowladu sheegtay in laga qaadi doono shaqaalaha dowladda.

    Dibadbaxayaasha oo watey boorar ereyo dareenkooda ka cabirayaa ku qoran yihiin ayaa isugu soo ururay fagaaraha Barxadda, halkaasoo markii dambe ay warbaahinta kula hadleen.

    Agaasimaha waaxda maamulka ee Wasaarada Qorsheynta Caduur Aadan Caduur oo ku hadlayey afka shaqaalaha ayaa sheegay in dowladu wado qorshe la doonayo in shaqada looga fariisiyo qaar kamid ah shaqaalaha dowladda oo muddo dheer soo shaqeynayey iyadoo marmarsiinyo laga dhiganayo imtixaan lagu hubinayo tayada iyo aqoonta shaqaalaha, waa sida uu hadalka u dhigaye.

     

    Caduur ayaa dhanka kale sheegay in shaqaalaha dowladu dulman yihiin islamarkaana xuquuqdooda la siin isagoo ugu baaqay Madaxweyne Gaas inuu il gaar ah ku fiiriyo cabashada shaqaalaha.

    Dibadbaxan oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah wuxuu kusoo aadayaa xilli in badan oo kamid ah shaqaalaha dowladu muddo bilo ah wax mashaharaad ah qaadan.

    Shaqaalaha hay’adaha garsoorka ayaa maalintii sideedaad shaqo joojin ku jira waxayna sheegeen inaysan shaqada soo geli doonin ilaa iyo inta xuquuqda ka maqan laga siinayo.


  14. <cite>
    said:</cite>

    The Puntland plan is to start with Saaxo, and then Cabudwaaq and after that Balanbale. Basically take the borders of Puntland right next to Hiiraan. Anything that stands in the way of this must be opposed. This attack has permanently damaged the legitmacy of the so called "central state", and it means that it has lost any support it had among the people of west Mudug and west Galgadud.

     

    Kulan Lagu Taageerayay Maamulka Loo Sameynayo Gobolada Dhexe Oo Dedmada Balanbal Lagu QabtayK

    Published on December 24, 2014 by Musdafe xuseen · No Comments · 365 views

    kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay maamulka degmada iyo qeybaha bulshada ee ku nool deegaankaasi, waxaana u jeedada kulan ay aheyd taageerada ay u hayaan maamulka dhowaan lagu wado in loo sameeyo gobolada Mudug iyo Galgaduud kaas oo hadda qaban qaabadiisu ah ka socoto degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

     

    Waxgaradkii kulanka ka hadlay ayaa si isku mid ah u soo dhoweeyay maamulka loo sameyn doono gobolada Mudug iyo Galgaduud, waxaana ay sheegeen in dadka dega deegaanada Balanbale ay gacamo furan ku soo dhoweyn doonaan maamulkaasi.

     

    Guddoomiyaha degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud C/rashiid Cabdullaahi Diini oo ugu dambeyntii kulanka soo xiray ayaa sheegay in ay u jeedada kulankan ay tahay in dadka ku nool Balanbale ay dareenkooda muujiyaan isla markaana soo dhoweeyaan maamulka dhowaan loo soo yegleeli doono gobolada Mudug iyo Galgaduud

     

     


  15. Dowladda oo qorsheyneysa dhisidda ciidan gaaraya 28-kun oo askari

     

    xasan-tababar-7.jpg

     

    Sii hayaha xilka Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in bisha Janaayo ee sanadka 2015 Muqdisho lagu qaban doono shirweyne qaran looga arinsanayo mideynta iyo isku dhafka Ciidamada Soomaaliya.

     

    Jen, Maxamed Sheekh oo la hadlayay Idaacada VOA, isagoo ku sugnaa degmada Tiyeeglow ayaa sheegay in shirkan ay ka soo qeyb geli doonaan maamul goboleedyada dalka, isla markaana qorshaha uu yahay sidii loo dhisi lahaa ciidamo gaaraya 28-kun askari.

     

    “Waxaa qorshaha noogu jirta in bisha Janaayo ee soo socota inaan qabano shirweyne qaran looga hadlayo mideynta iyo isku dhafka Ciidamada, waxaan rajeyneynaa markaa shirkaas ka soo qeyb galaan Maamul goboleedyada”ayuu yiri Jen. Maxamed Sheekh Xaamud.

     

    Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in shirka lagu qarameyn doono dhamaan ciidamada ku sugan Gobolada dalka, gaar ahaan kuwa maamul goboleedyada, isagoo tilmaamay in dib u habeyn lagu sameyn doono howl gelintooda.

     

    Sii hayaha Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in ujeedkooda yahay sidii looga bixi lahaa ku tiirsanaanta Ciidamada shisheeye, isla markaana muhiim tahay in la helo ciidamo tayo leh oo ku filan ammaanka iyo xasiloonida dalka.

     

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan war uu ka soo saaray Xafiiskiisa ku sheegay sida ay muhiim u tahay in la isku dhafo Ciidamada Soomaalida ee ku dhaqan Gobolada, isla markaana la qarameeyo.

     

    Dowladda Soomaaliya oo uu Caalamka taageero ayaa dagaal kula jirta Ururka Al-Shabaab, waxaana xooga ugu badan ee dhanka milateriga ay ka heshaa Ciidamo ka socda Midowga Afrika oo ka socda ilaa shan dal.


  16. <cite>
    said:</cite>

    The Puntland plan is to start with Saaxo, and then Cabudwaaq and after that Balanbale. Basically take the borders of Puntland right next to Hiiraan. Anything that stands in the way of this must be opposed. This attack has permanently damaged the legitmacy of the so called "central state", and it means that it has lost any support it had among the people of west Mudug and west Galgadud.

     

     

    Centre state is reality nothing Puntland can do about it the process is in last stage, Centre state is well Armed and united Puntland should not waste their small resource on war to stop centre State .

     

     

    Galmudug militias teach Pirate lesson Nothing Has change since 90s HG have veto power centre State lets keep peace ans sustain stability ....

     

     

     

    Dhegayso: dagaal ka qarxay Saaxo, una dhexeeya ciidanka P/land & Galmudug & Puntland oo sheegtay in 20 uga dhinteen

     

     

    Dec 24, 2014 - 179 Aragtiyood

    Saaxo (Kalshaale) Dagagaal Aaad u Xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada kala taabacsan Puntland iyo Galmudug ayaa ka dacay deegaanka Saaxo ee Gobalka Mudug.

     

    Dagaalka waxuu ka dhashay Ceelbiyood halkaasi maamulka Puntland ay sheegeen inay uga qodayaan dadka ku dhaqan Tuulada Saaxo oo dhawaan maamulka Puntland u aqoonsadeen degmo ka tirsan Maamulkooda.

     

    Gudoomiyaha degmadadaasi Ugu magacaaban maamulka Puntland ayaa wuxuu sheegay inay Dagaalka maanta Dhankooda uga dhinteen 20 Ruux dhaawac badana uu jiro, Wuxuuna sidoo kale sheegay gaadiid dagaal oo ay kala gubeen labada dhinac.

     

    HALKAN KA DHEGAYSO DAGAALKA & WARAYSIGA GUDOOMIYAHA

    Tuulada la isku haysto ee Saaxo waxaa degan beesha Wagardhac mareexaan. dhinacyada dirirtu u dhaxeeysa ayaa waxaa soo gaarayaa gurmadyo.

     

     

     

     

     

     

     


  17.  

    3,929 views

     

    Kudhowaad 100 boqol saraakiil oo katirsan ciidanka XDS oo tababar loogu soo xiray

     

    Mooge

     

    no one is denying Puntlanders to join the Arm force in fact their part of it and am sure Puntland militias are welcome if they ready to integrate into the National Army .

     

     

    We'll done the Government are preparing for the evacuation of foreign troops 2016 , thousand of we'll trained troops are ready to secure the country .

     

    200 soldiers in Afisony Mogadishu are about to complete training for how To Handle or drive Tanks and Army vehicles & heavy Artilleries .....