malistar2012

Nomad
  • Content Count

    2,754
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by malistar2012


  1. Some fadhikudirir rumors are saying Shariif is now working to distablize Mogadishu and ruin the new team's planned progress. This will be tragic.

    ceeeb

     

    why would sharif destroy the unuklah dynsity , They president and they Mayor of the capital , Give it break kid .

     

    Sharif Ahmed is busy forming Party sxb


  2. Xogg Ah.

     

    Xili Maanta Magaalada Muqdisho lagu caleemo Saaray Madaxwaynaha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa ka maqnaaday Caleema Saarka Madaxwaynaha Qaar kamid ah Wadamadii iyo Maamuladii ugu Muhiimsanaa ee la islahaa waa imaan doonaan Caleema Saarka Madaxwaynaha.

     

    Dowlada Kenya oo Saaxiib Dhow la ah Dowlada Soomaliya sanadihii ugu danbeeyay isla markaana Ciidamo ka joogaan Qaybo kamid ah Gobolada Dalka Soomaaliya ayaan Maanta iman Xafladii caleema saarka Madaxwaynaha Cusub Xaflada kasoo qayb galeen Madax ka kala socotay Caalamka iyo wadamada Dariska la ah Somaliya sida Ethiopia Jabuti Sudan Uganda Urur goboleedka Igad Wadamada Carabta.

     

    Dowlada Kenya ayaan usoo dirin Caleema Saarka Xassan Sheekh Maxamuud Wax wakiil iyo masuul matalaya, waxaana ay dad badan shaki xoogan ku dhalisay imaanshiiyo la’aanta Dowlada Kenya ee caleema Saarka Xassan Sheekh Maxamuud.

     

    Wasiirka ka socda Dowlada Kenya ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho Maalmo yar kadib marki Muqdisho lagu doortay Madaxwayne Xassan Sheekh waxaana uu kulan la qaatay Madaxwaynaha Cusub Xassan Sheekh, Dowlada Kenya ayaa warar hoose oo malintaas aan ka helnay Shirka waxay sheegayeen inay ka dalbatay in lo magacaabo Raizul Wasare C/welli Gaas oo markaas u aragtay inuu yahay Mid fulinkara danta ay ka leedahay Soomaliya.

     

    Dowlada Kenya ayaa ku hungowday Madaxwaynaha Cusub danihii ay ka lahayd waxaana warar soo baxaya sheegayaan in Xalay loo diyaarshay ka qayb galka caleema saarka Madaxwaynaha Cusub ee Soomaliya Wasiirka arimaha Dibada Kenya Musas Watangulla laakiin dib udhaca ku yimid Wasiirka imaanshihiisa lama shaacin waxa sababay.

     

    Dowlada Itoobiya oo dhawaan tacsi gashay ayaa Maanta timid Calema saarka xasan Sheekh, waxaana ay usoo dirtay Raizul Wasaaraha dalkaasi Hailemariam Desilgn, waxaana ay taasi marqaati cad ka noqnaysaa in far ku gudantahay Dowlada Kenya.

     

    Dhanka kale Maamul Goboleedka Soomaliyeed ee Puntland oo Maalmahan warar soo baxayay sheegayeen inay ka qayb galayaan Caleema saarka Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa isna uunan iman goobta.

     

    Warar hoose oo warbaahintu heshay ayaa sheegaya in Madaxwayne Faroole baaqashada Safarkiisa iyo Baaqashada Dowlada Kenya ay isku waji yihiin, waxaana la sheegay inay labaduba Madaxwaynaha Cusub ka waayeen Ujeedooyinkoodii oo kala ahaa, Midna in loo fuliy danaha gaarka ah ee uu ka leyahay Somaliya midna Hab qabiil uu ku helo Raizul Wasaaraha Cusub.

     

    Qaar ka mid ah Howadeenada Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa waxaay shegeen in Madaxweyne Faroole iyo Madaxweyne Xasan ay kala tageen ka dib marki Madaxweyne Xasan uu Faroole u shegay in R-wasaaraha Somalia uu ka soo xulidoono Gobolada Konfurta iyo Bartamaha Somalia qaas ahaan Beesha ******** oo ah Beesha kaliyah ee ****** ah ee wada dagta Gobolada Bartamaha iyo Konfurta Somalia.

     

    Sikastaba Dadka Daraasaadka ku sameeya siyaasada Somalida ee is bad badalka Badan ayaa sheegay inay Dowlada Kenya iyo Maamulka Puntland si toosa ugu fashil meen danihii ay ka lahaayeen Xassan Sheekh Maxamuud.


  3. Saacadaha dhow ayaa waxaa lagu wadaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu soo gaaro wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland C/rixmaan Faroole.

     

    Haatan ayaa waxaa garoonka ku sugan masuuliyiin iyo waliba dad badan kuwaasi oo isku diyaarinayo soo dhowaynta wafdigaan ka imaanaya Puntland.

     

    Madaxweynaha Maamulka Puntland C/rixmaan Faroole iyo waliba wafdigaasi ayaa waxay ka qayb gali doonaan munaasaba balaaran oo maalinta barito ah ka dhici doonta magaalada Muqdisho taasi oo lagu caleemo saari doono madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

     

    Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo qulqulaya masuuliyiin badan kuwaasi oo doonaya in ay ka qayb galaan caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ee la doortay.

     

    Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa maalinta barito ah wuxuu si rasmi ah ula wareegi doonaa xilkiisa, waxaana la doortay 10-kii bishaan September

    http://www.allpuntland.com

     

    Allpuntlan seen by Puntlanders as a credible news outlet , pretty sure it has good connection In the puntland admin .


  4. Major Points

     

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Dhawaan Cod aqlabiyad leh ku doorteen Xildhibaanada Cusub ee Soomaaliya ayaa Maanta ka dhawaajiyay in uu dhamaaday khilaafkii soo kala dhaxgalijiray mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayna bilaabatay wadashaqeyn iyo iskaashibuuxo ka dib shir jariad oo ay si wada jir ah u qabteen isaga iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka.

     

     

    Shabaab waa labo qeybood, qeyb waa wiilal soomaaliyed iyo gabdho Soomaaliyed, waa wadaniyiin dalkan ayay wax ka leeyihiin, laakiin waxaa loo baahan yahay inay ku noolaadaan waxa dalkan iyo dadkan maslaxada u ah oo ay qaadaan oo ka shaqeeyaan, fariin maslaxada dalkan ku jirto, waxaan ognahay Shabaab in sababo badan wiilashaas iyo gabdhahaas ugu biireen, kuwaa ugu biiray sababo dhaqaale awgood, kuwaa ugu biiray amni darada dalka ka jirta awgeed, kuwaa ugu biiray ciil ay qabaan oo la baday inay aarsadaan rabaan, kuwaa ugu biiray caqiido ahaan inay aamisan yihiin mabaa’diida Shabaab ay wataan, waxaas oo dhan ayay isugu jiraan, anaga waxaa dooneynaa in la kala qaado, intaas oo dhan mid walba sababta uu Shabaab u galay inaan baabi’ino rabnaa, kii intaas ay anfici weydo, oo ku qanci waayo fursad kale ma lahan in lala dagaalamo mooyee”ayuu si kulul u yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo aheyd fariintiisa u horeysay oo uu Al-Shabaab u diray tan iyo markii Madaxweynenimada loo dhaariyay.

     

    Madaxweynaha ayaa mar uu soo hadal qaaday kuwa aan Soomaalida aheyn, gaar ahaan Ajaaniibta ka bar bar-dagaalanta ayuu sheegay in aanay jirin wax ka dhaceeya, ilaa ay dalka ka tagaan, isagoo ku eedeeyay inay yihiin kuwo caqiiqadada qaldan dalka keenay.

     

    “Waxaa soo haray kuwa aan Soomaalida aheyn, waxa naga dhaxeeya ma jiraan, dalkan inay ka tagaan, dalal ayay leeyihiin dalalkooda ha aadaan, wax naga dhaxeeyo ma lahan, caqiido qaldan dadkii keenay waaye, farsamada dadka Soomaaliyed ku leynayaan kuwii keenay waaye ajnabiga cilaaqaad nagama dhaxeeyo aan aheyn, dalka inay ka baxaan, ninkii Shabaab ka tirsan hadii go’aan ku gaaro inuu ka soo noqdo aad iyo aad ayaa u soo dhoweyneynaa, waa la ixtiraamaa, lama xirayo lama ciqaabayo, waa la soo dhoweynaa mujtamiciisa ayuu karaamo uga dhex noolaanayaan”ayuu mar kale sii raaciyay hadalkiisa.


  5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Dhawaan Cod aqlabiyad leh ku doorteen Xildhibaanada Cusub ee Soomaaliya ayaa Maanta ka dhawaajiyay in uu dhamaaday khilaafkii soo kala dhaxgalijiray mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayna bilaabatay wadashaqeyn iyo iskaashibuuxo ka dib shir jariad oo ay si wada jir ah u qabteen isaga iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka.

     

    Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo hadalka ugu horeyn qaatay ayaa waraabhinta u sheegay in dowladan cusub ay tahay mid uu ka dhaxeeyo wadashaeyn ayna tahay mid ku adeegeysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

     

    Afhayeenka Baarlamanka ayaa intaa ku daray in aan loo dulqaadan doonin waxyaabaha sharcidarada ah maadaama hay’adda sharcidajinta ah ay yihiin baarlamanka Soomaaliya.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sidoo kale la hadlay warbaahinta ayaa carabka ku dhuftay in haatan ay bilaabatay wadashaqeynti mas’uuliyiinta dowladda qof walibana lagu ixtiraamayo shaqadaasi si looga fogaado khilaaf dalkana uu u helo dowladda dhameystiran.

     

    Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa ku daray in ahmiyada koobaad ay siinayaan amaanka dalka si dadka ay u heleen nabadda iyo kala dambeyn lana dhisayo hay’adihii garsoorka si shacabka loogu dhaqo cadaalad.

     

    Waxaa uu Madaxweynaha u sheegay Ciidamada Amniga ku Mashquulsan iyagoo aan haysan waxyaabahii ay u baahnaayeen in hadii ay soo qabtaan qof ay ku tumayaan in amniga uu carqalad ku yahay in aan la soo daba kici karin.

     

    " Qofka la tuhmo oo ay ciidamado soo qabtaan Wasiir Xildhibaan Agaasime Xitaa Madaxweyne ma damiinan karo waxaa uu sugayaa oo kaliya inta maxkamad ay ka xukumeyso dambi hadii uu leeyahay iyo hadii uu yahay qof aan dambi laheen qofkii rabo in uu badbaadiyo qofka walaalkiis waxaan farayaa in uu Qareen Qabsado intuu uu waqti iyo dhaqaale faro badan uu ku bixin lahaa Laaluush inta aan xafiiska joogo qofna uusan rajo ka qabin in dambi uu galay cafis loga fidiyo hadii la xukuom hal bil ama boqol sano waa uu dhameesanayaa waqtiga ay maxkamadu xukuntay"

     

    Madaxweynaha ayaa shacabka ugu baaqay in ciidamada ay yihiin kuwo had iyo jeer u taagan sugida amnigooda ayna naftooda u hureen sidii ay nabad ugu noolaan lahaayeen shacabka sidaa dareedeedna shacabka ay gacan ka geystaan in ay farmuuqaan shaqsiyaadka wado carqalad.


  6. Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkiisii jaraa’id ugu horeeyay galabta ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, maalin ka hor caleema saarkiisa, isagoo shirkiisa jaraa’id uga hadlay arrimo badan oo la xiriira waxyaabaha hor-yaala dowladdiisa.

     

    Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn sheegay inuu 30-maalmood gudahood ku soo magacaabayo Ra’iisul Wasaare, isagoo ka dhawaajiyay inay dhamaatay is qab qabsigii iyo khilaafaadkii soo kala dhex geli jira Madaxda dowladda.

     

    “Nidaam iyo qawaaniina jirta ayaa tilmaameysa, 30-maalmood ayaan heystaa inaan ku soo magacaabo Ra’iisul Wasaare, ilaa sodonka maalmood sina igama dhaafi doonto hadii alle yiraahdo”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir jaraa’id la qabtay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Prof, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

     

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya lagu ixtiraami doono hey’ad kasta mas’uuliyadeeda, isagoo ka dhawaajiya in loo baahan yahay in Baarlamaanka doorkiisa qaato.

     

    “Is qab qabsiga waa dhamaaday waxaa bilowday axdigii wada shaqeynta, iyo is ixtiraamka, in mas’uuliyad walba la isku ixtiraamo, aniga iyo Gudoomiyaha waxaa nahay labo qof oo saaxibo ku ah Soomaaliya inay Dowladnimo ka dhaqan gasho”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

     

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirkiisa jaraa’id ku soo hadal qaaday waxa ay dowladdiisa ka yeeleyso, isagoo fariin adag u diray, waxaana uu xusay in Shabaab ka kooban yihiin labo qeybood.

     

    “Shabaab waa labo qeybood, qeyb waa wiilal soomaaliyed iyo gabdho Soomaaliyed, waa wadaniyiin dalkan ayay wax ka leeyihiin, laakiin waxaa loo baahan yahay inay ku noolaadaan waxa dalkan iyo dadkan maslaxada u ah oo ay qaadaan oo ka shaqeeyaan, fariin maslaxada dalkan ku jirto, waxaan ognahay Shabaab in sababo badan wiilashaas iyo gabdhahaas ugu biireen, kuwaa ugu biiray sababo dhaqaale awgood, kuwaa ugu biiray amni darada dalka ka jirta awgeed, kuwaa ugu biiray ciil ay qabaan oo la baday inay aarsadaan rabaan, kuwaa ugu biiray caqiido ahaan inay aamisan yihiin mabaa’diida Shabaab ay wataan, waxaas oo dhan ayay isugu jiraan, anaga waxaa dooneynaa in la kala qaado, intaas oo dhan mid walba sababta uu Shabaab u galay inaan baabi’ino rabnaa, kii intaas ay anfici weydo, oo ku qanci waayo fursad kale ma lahan in lala dagaalamo mooyee”ayuu si kulul u yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo aheyd fariintiisa u horeysay oo uu Al-Shabaab u diray tan iyo markii Madaxweynenimada loo dhaariyay.

     

    Madaxweynaha ayaa mar uu soo hadal qaaday kuwa aan Soomaalida aheyn, gaar ahaan Ajaaniibta ka bar bar-dagaalanta ayuu sheegay in aanay jirin wax ka dhaceeya, ilaa ay dalka ka tagaan, isagoo ku eedeeyay inay yihiin kuwo caqiiqadada qaldan dalka keenay.

     

    “Waxaa soo haray kuwa aan Soomaalida aheyn, waxa naga dhaxeeya ma jiraan, dalkan inay ka tagaan, dalal ayay leeyihiin dalalkooda ha aadaan, wax naga dhaxeeyo ma lahan, caqiido qaldan dadkii keenay waaye, farsamada dadka Soomaaliyed ku leynayaan kuwii keenay waaye ajnabiga cilaaqaad nagama dhaxeeyo aan aheyn, dalka inay ka baxaan, ninkii Shabaab ka tirsan hadii go’aan ku gaaro inuu ka soo noqdo aad iyo aad ayaa u soo dhoweyneynaa, waa la ixtiraamaa, lama xirayo lama ciqaabayo, waa la soo dhoweynaa mujtamiciisa ayuu karaamo uga dhex noolaanayaan”ayuu mar kale sii raaciyay hadalkiisa.

     

    Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo hadal qaaday Maxaabiista la sii daayo xilliyada munaasabadaha Ciidaha, iyo maalmaha Xornimada, isagoo xusay in hada iyo wixii ka dambeeya aanay dhici doonin in qof dambi leh in cafis Madaxweyne lagu sii daayo.

     

    “Xilligan soo socda meesha waa ka baxday ama munaasabad qaran ha ahaato, hadii ay timaado daruufo rasmi ah oo qofka ama xanuun ama sabab kale awgeed ama xabsi aan ku sii jiri karin, kiis gooni waaye, qof fiyow oo dambigiisa qabo oo sidii shalay uu ku galay wali ah, qabiil hebel ama koox hebel la yiraahdo waxaan dhaceyn waayo, lama sii deynayo, Munaasabad ciidaha ama kowda luulyo waaye guud ahaan waa dhamaatay ninkii Maxkamada ay berri dil toogasho ku xukunto waa sideena aniga waa saxiixayaa, warkaas inuu cad yahay ayaa la rabaa in la ogaado”ayuu yiri Madaxweynaha cusub.

     

    Shirkan jaraa’id ee uu qabtay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqonaya kii u horeeyay ee uu fariin adag ugu diro Al-Shabaab oo dhowaan sheegay in aysan waxba ku kala duwaneyn Madaxweynihii hore iyo Madaxweynahan cusub oo ay ku tilmaameen in dowladdo shisheeye ay wataan.


  7. Omar and Prof Samater both will get high position in the new admin better than representing regional governor .

    Somalia needs Samater because of his experience and intellectual , it will be very disappointment if his not member of the new admin.

     

    Strongly urge Pro Samater to join the new admin


  8. They are Patriot , Nationalist , they would rep Somalia in the international world , they will get high position in the new admin . Position far more influence than any Snm admin ever held .

     

    Soon Snm Admin will listen to them follow their order , its over Jb its over my friend ,