malistar2012

Nomad
  • Content Count

    2,754
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by malistar2012


  1. Puntland and forole the game has changed , the Federal admin is not transition it has all rights to name temporary admins for the newly captured regions. Soon puntland will also taste changes. Puntland administration should worry about deteriorating security situations

    we have free Parliament cable of handling regional elections.


  2. Taliyaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini oo howl shaqo u jooga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka.

    If he can tour Baydhaba he should also be able tour Puntland and Galmudug Army base’s as Somali commander in chief of arm force

    General is working hard , since shabab is losing ground and as fighting capacity , but the country security is getting worsening we need unified Somali national arm force and security personal . we need to get guns of the hands of militias across the country . recruit militias in to the Arm force , We need to see chain of command .


  3. Taliyaha ciidamada XDS oo sheegay in ay meel wanaagsan marayaan howlgallada dalka looga xoreeynayo argagixisada Shabaab

    Published on February 19, 2013 by Mowliid · 2 Comments · 1,344 views

    Taliska ciidamada XDS ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan howlgallada ay ciidamadu dalka kaga xoreynayaan malleeshiyaadka argagixisada ah ee Shabaab.

     

    Taliyaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini oo howl shaqo u jooga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegay in guulaha ay ka gaareen ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed howlgallada ay ka wadaan gobollada dalka in yihiin kuwi qorshaha ugu jiray, isla markaana ay sii socon doono si dalka oo dhan loogu soo celiyo amni.

     

    SIdoo kale taliyaha ciidammada Xoogga dalka ayaa ka hadlay halka uu marayo qorshaha dib loogu hagaajinayo xeryaha ciidammada ee ku yaalla caasimadda, isagoo tilmaamay in dowladda ay ka go’antahay in dib loo dayactiro dhammaan xeryaha ciidammada ee ku kala yaalla gobollada waddanka oo idil, isla markaana uu rajeynayo in lagu guuleysto.

     

    Taliyaha ciidamada XDS C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa mar kale ugu baaqay dhallinyarada haraadiga ku ah malleeshiyaadka Al-Shabaab in ay isaga soo laabtaan go’doonka ay galeen kooxahaasu dhagar qabayaasha ah, isagoo intaa ku daray in dowladda ay fursad u siineyso in hadii ay ka faa’ideystaan la soo dhaweyndoono.

     

    Hadalka Taliyaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa soo baxay iyadoo ay meel sare marayaan qorshayaha ciidammada lagu dhisayo, xeryahoodana lagu hagaajinayo, si loo sii xoojiyo howlgalada ciidammadu ay ka wadaan deegaannada kooban ee ay Al-Shabaab ku dhuumaleysanayaan.


  4. Saraakiil ka tirsan ciidamada XDS oo tababar loo furay

    Published on February 20, 2013 by Canab · No Comments · 1,021 views

    Taliska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta tababar kor loogu qaadayo aqoontooda lagubna baranayao ilaalinta xuquuqda aadanaha u furay saraakiil ka tirsan xoogga dalka..

     

    Tababarkan oo maanta ka furmay xarunta taliska ciidamada xoogga dalka Somaaliyeed ee Villa Baydhaba ayaa waxaa ka faa’iideysanaya saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyadoo ujedada tababarkani uu yahay Ilaalinta xuquuqda aadanaha xilliyada dagaalka iyo xilli kasta oo ay howl ciidan ku jiraan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

     

    Taliyaha ciidamada xogga dalka Sareeye gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini oo furay tababarkani ayaa ugu baaqay saraakiisha ka qeyb qaadaneysa in ay ka faa’iideystan mudada uu socdo una gudbiyaan qeybaha kale ee ciidamada waxa ay ka kororsadeen, taliyaha ayaa sidoo kale ka codsaday Qeybaha bulshada in ay saraakiisha kusoo wargeliyaan askarigii ku xadgudba naftooda iyo hantidooda maadaama uu sharci adag ka yaalo laguna qaadi doono.

     

    Tababarkan ayaa socon doono muddo sadex maalmood ah waxa uuna qeyb ka yahay dedaallada uu Taliska xooga dalka ku bixinayo in ciidamada ay ku kasbadaan bulshadooda kuna difaacaan xuuquuqda Muwaadinka Soomaaliyeed.


  5. No I don’t support dismembering Somalia into what colonial power boundaries .

     

    Since there are no argument of legitimize of this government and the parliament regional administration are ought hand over their arm force under the federal institution.

     

    The Government Priority should be from puntland to Kenyan borders , since those regions and their leaders where part of reconciliation that created the federal government .

    Those regions mention ought to get chain of command when it comes to arm force , since Federal institution is legitimate.

    With respect to North west Somalia (Somali land ) should be dealt with unity and peace in due time.


  6. Sxb colonial powers ruled Somalia with less man power and resources. Somali national army needs reform and leader.

    Since we had reconciliation for 12 years , I believe the government can reconcile regional arm force across country namely from puntland to xamar . Organise meeting in the capital inviting puntland , Galmudug , Raskamboni and ahlu sunna arm force commanders and create chain of command .

    Since there are no argument of legitimize of this government and the parliament regional administration are ought hand over their arm force under the federal institution.


  7. Local state governments, officially recognized as Federal Member States, have a degree of autonomy over regional affairs and maintain their own police and security forces. However, they are constitutionally subject to the authority of the Government of the Federal Republic of Somalia. The national parliament is tasked with selecting the ultimate number and boundaries of the Federal Member States within the Federal Republic of Somalia.

     

    With time and effort the government plan is to exercise authority over all Somali land ( defiant border)

     

     

     

    Somalia Federal President Hassan Sheikh Mohamud Government Number one priority should be the Arm force.

     

    1. Recruit soldiers from every regions

    2. All regional arm force namely Puntland , Galmudug Raskkamboni and Ahlu sunna have to come under one chain of command ..

     

     

    The army has to function in depended we need to see a chain of command from Puntland to Xamar .

     

    This post transition Government should use the opportunity in front of them ,

     

    DF minister and the commander of arm force are to hold reconciliation between Regional force`s create Viable National Army.


  8. With time and effort the government plan is to exercise authority over all Somali land ( defiant border)

    What is the government's plan for instance to recruit from regions it has no authority (practically speaking)?

    There are 2 regions namely Puntland and Somaliland where by the Government has no authority over. Other than 2 regions mentioned the government has influence or direct authority over Somali territories.

    Puntland is well represented in the Federal government , I don’t see the problem to why the Puntland Arm force cannot be incorporated with newly trained Somali Arm force,Puntland soldiers will get training they need.

    Arm Force will be one, no region or clan will be armed …… Army will be mixed in every level and regions.

    Time for mistrust is over once we get strong Somali national army. We cannot effort to miss this opportunity.

     

     


  9. We had reconciliation for decade starting 2000 – 2012 , for more than 12 years Somali factions , clan leaders gathered around to establish a viable, competent and inclusive national Government.

     

    The processes ended up direct presidential elections were held in Somalia on 10 September 2012. The newly-appointed Federal Parliament elected Hassan Sheikh Mohamud as the president of Somalia .

    Here we have Somali FM who hells from Somaliland advocating for lifting of Arms Embargo.

    It is the best interest in terms of security and the government confidence to lift the arms embargo.

    It will allow the government to exercise Authority over Somali territories, without that the government cannot win over internal spoilers.


  10. Wasiiradda Arrimaha Dibadda Somalia oo ka warbixisay shir Golaha Amaanka uu ka yeeshay Arrimaha Soomaaliya

    Arbaco, Feberaayo 20, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo dib ugu soo laabatay maanta Muqdisho ayaa ka warbixisay shirkii uu golaha ammaanka ee Soomaaliya ka yeeshay arrimaha Soomaaliya.

     

    Wasiirradda oo warbaahinta kula hadashay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa sheegtay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka dalbatay in la qaado cunnoqabateynta hubka ee Soomaaliya si dib loogu dhiso ciidamada Soomaaliya.

     

    “Intii aan ku sugnaa New York waxaan kulammo gooni-gooni ah la yeeshay xubnaha golaha ammaanka iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moo, waxaana kala hadlay sidii cunnoqabateynta hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya, rajo weyn ayaana ka qabaa in la ogolaado,” ayay ku tiri wasiiraddu shir jaraa’id oo ay qabatay.

     

    Sidoo kale, waxay sheegtay in golaha ammaanka ay wadahadaladooda sii socon doonaan illaa horraanta bisha Maarso ee sannadkan oo ay go’aan ka gaari doonaan arrinta cunnoqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo sidii loo kordhin lahaa muddada howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

     

    Wasiirradda oo la weydiiyay go’aankeeda ku aaddan in ciidamada Kenya loo sharciyeeyo inay ka howlgalaan xeebaha Soomaaliya ayay kaga jawaabtay: “Go’aankaas waxba u dhimayo xiriirka Kenya iyo Soomaaliya, waayo Kenya waa daris ah oo abaal aan uga hayno sida ay u ogolaadeen inay dhiiggooda u daadiyaan sidii Soomaaliya ay nabad u heli lahayd.”

     

    Iyadoo hadlkeeda sii wadata ayay sheegtay in golaha ammaanka ay ka dal-badeen in la dhiso ciidamada badda Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan inay adkeeyaan ammaanka xeebaha Soomaaliya. Iyaodo dhinaca kalena sheegtay in dalabkooda uu ku jiray in la dhiso ciidamada guud ee dalka si ay ammaanka u adkeeyaan.

     

    Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

    maxuseen@hiiraan.com

    Muqdisho, Soomaaliya


  11. Kulan looga hadlayay maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka oo Muqdisho lagu qabtay

    Published on February 20, 2013 by Canab · No Comments · 455 views

    Kulankaan looga hadlayay doorka ay dowladda Soomaaliya ka qaadaneyso maamul u sameynta gobollada jubbooyinka oo ay ka qeybgaleen mudaneyaal ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda gobollada jubbooyinka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

     

    Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa laga soo saaray baaq ku aadan in dib loo dhigo shir ay iclaamiyeen masuuliyinta mamaulka KMG- ah ee Kismaayo iyo in dowladda Soomaaliya ay qaadato hogaanka maamul mideysan loogu sameynayuo gobollada jubbooyinka sida uu sharaxayo C/qaadir Cusmaan Cali Shiddo oo kamid ah kaqeybgaleyaasha kulanka.

     

    Sidoo kale C/qaadir Xaaji Maxamed Suldaan oo isna ka hadlay kulanka ayaa ka codsaday dowladaha caalamka in ay dowladda Soomaaliya usoo maraan dedaal kasto oo ay ku tageerayaan maamul u sameynta jubboyinka si loo helo maamul cadaalada ah oo ay u simayihiin beelaha deegaanka ku wada nool.

     

    Ka qeybngaleyaasha kulanka ayaa sidoo kale soo jeediyay in Maamul ay dadka deegaanka raali ka wada yihiin loo sameyo jubbooyinka iyadoo dowladda Soomaaliya ay horay u shaacisay in maamul ay dadku soo doorteen u sameyn doonto Gobollada jubooyinka iyo guud ahaan gobollada kale ee dalka


  12. The Government was democratically Elected by Somali Parliament consist of all Somali clan .

     

     

    I support the lifting of the arms embargo , region militias are to join Somali Army in order to create a viable, competent and inclusive national army recruited from all corners of the country.

     

    All regions in Somalia are fairly represented in all level of Government admin .

     

    The Army leadership and structure is based on 4.5 formula.

    who is the defence minister, who is the armed forces chief of staff, who is the chairman of the parliamentary defence committee??

     

    our sovereignty lays in the hand of Strong Somali National Army


  13. Maxamed-Cali-Ameeriko-Keydmedia-620x330.

     

     

    Safaaradda Soomaliya ee dalka Kenya ayaa sheegtay in ay dacwad ka dhan ah wasiirka arrimaha dibadda Kenya u gudbiyeen dowladda dalkaasi.

     

    Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko oo la hadlay Radio Muqdisho isagoo ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in Safaaraddu ay dacwad ka dhan ah wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi u gudbisay dowladda dalkaasi, kadib markii sida ay qoreen warbaahinta dalkaasi uu wasiirku ku eedeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya in uu ka dambeeyay qaraxii 13-kii bishan ka dhacay Hotelka Jazeera ee Muqdisho xilligaas oo ay ku sugnaayeen Madaxweynaha J.F.Soomaaliya iyo wafdi ka socday dowladda Kenya oo uu hoggaaminayay wasiirkaasi.

     

    Danjiraha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in mas’uuliyiinta dowladda Kenya ay u sheegeen in hadalkaasi uu raaligeli n ka bixindoono Wasiirku, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay warkaasi ka soo yeeray Wasiirka arrimaha dibada dalkaasi Kenya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in qef iyo sharaf dhac weyn ay ku tahay madaxda Qaranka.

     

    Hadalka Danjire Ameeriko ayaa imaanaya xilli sida la sheegay wargeyska Daily Naition ee ka soo baxa dalkaasi uu daabacay hadal uu ka soo xigtay Wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo ku eedeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya in uu ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Hotelka Jazeera 13-kii bishan kaas oo ay ku nafwaayeen dad rayid ah, iyadoo mas’uuliyadda qaraxaasi ay sheegatay kooxda argagixisada ah ee Shabaab.


  14. mudane.jpeg

     

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay eedeynta loo soo jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed kaas oo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Hotelka Jasiira ee magaalada Muqdisho.

     

    Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxrooyada Qaranka ayaa waxa uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in ay tahay nasiib daro eedeyntii loo soo jeediyay Madaxweynihii hore waxa uuna xusay in ay xiriir la sameeyeen qaar ka mid ah madaxda dowladda Kenya ayna u sheegeen in warkaasi uu yahay mid qalad ah kana bixin doonaan raaligen buuxdo.

     

    “Waa in ay cadeeyeen wararkii ay qoreen warbaahin dalka Kenya Sheekh Shariif waa shaqsi soo qabtay mas’uuliyada dalka waxa uu naga mudan yahay xushmad dowladda Soomaaliya waxaa ka saaran Mas’uuliyada in ay dhowrto sharafta Madaxweynihii hore umana dul qaadan doono in meel looga dhaco sharaftiisa shacabka iyo dowladda Soomaaliya waa uu ku weyn yahay Madaxweynihii hore” ayuu yiri Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya.

     

    Madaxweynaha mar wax laga weydiiday goorta uu soo magacaabayo R/wasaaraha ayaa waxa uu tilmaamay in haatan uu haysto waqti badan oo soo magacaabayo R/wasaare mas’uul ah sida ugu dhaqsiyaha badan.

     

    Mar uu ka hadlaya Madaxweyne Xasan Sheekh cafiska loo sameynayo dadka ay xukunto maxkada maalmaha xoriyada iyo munaasabada ayaa waxa uu tilmaamay in ay tahay in la cafiyo maxaabiista balse loo baahanyahay dowladda caadil ah taas oo lagu helikaro in la fuliyo go’aanka maxkada aana la cafindoonin ayna muhiimadiisu tahay in ay dhisanto dowladnimada


  15. Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ayaa iska beeniyay warar ay qoreen warbaahinta qaarkeed oo ay ka soo xigteen Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Sam Ongeri, kaasi oo ku saabsanaa qarax toddobaadkii la soo dhaafay uu ka badbaaday Madaxweynaha cusub ee Dowladda federaalka Soomaaliya.

    Waxa uu sheegay Shariif Sheekh Axmed in hadalada ay saxaafadu qortay kana soo yeeray Wasiirka arrimaha dibadda Kenya ay yihiin kuwo dhaawac ku ah shacabka labada wadan, isla markaana qaraxaasi uu ahaa mid uu si weyn uga xun yahay.

     

    "Mas'uuliyadda ammaanka Madaxweynaha cusub aniga ayay i saaran tahay ilaa inta uu xilka kala wareegayo" ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed oo dhinaca kale tilmaamay in wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah oo meel looga dhacayo mas'uuliyadda isaga ka saaran qaranka iyo Madaxda sare ee Dowladda.

     

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Kenya aanay dhexdhexaad ka ahayn doorashadii ka dhacday dalka gudihiisa, isagoona tilmaamay in Dowladda Kenya ay wadday olole isaga ka dhan ah, iyadoo Kenya u gudbisay wadamada caalamka warbixin ay isaga uga horjeedo.

     

    "Xilligii ay doorashada dhaceysay, madax ka tirsan Dowladda Kenya waxay wadeen dhaqdhaqaaqyo aniga la iiga soo horjeedo" ayuu yiri Madaxweynihii Shariif Sh. Axmed oo dhinaca kale xusay in dacaayadda beenta ah ee madaxda Kenya ka soo yeertay ay la xiriirto arrintaasi.

     

    Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in shacabka labada wadan uu uga tacsiyeynayo warka ka soo yeeray madaxda Kenya, isagoona sheegay in labada shacab ay ka dhaxeyso dano isku mid ah oo fara badan, sidaasi darteedna loo baahan yahay inay danahaasi wada ilaaliyaan.


  16. Sharif Ahmed does not want a position in the new admin; he will retire I believe and what the closes to him are saying.

    There is option , some people suggested he should setup party and come forward election 2016 . Sharif Ahmed has followers and mini party members like abdikarim jama and etc . they will remain Somali politics for long to come whether they get power back or not .