Daqane

Nomads
  • Content Count

    986
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Daqane

  1. Air Traffic controllers training in turkey, for the expanded Mogadishu airport...
  2. @ Oba, man thats the somali owned mug cafe with a couple of outlets in nairobi on a par if not better than the Java coffee shop chain mashallah, it is great to see them opening up a branch in Mogadishu and hope its a boost to others considering investing in Somalia!!
  3. oba hiloowlow;934013 wrote: Suuqa Malaayga Its going to be reconstructed and modernised soon by JICA [japan].
  4. loool hahah omega-3 kulaha, ok dont keep us waiting how much is camel going for then?
  5. Xaaji Xunjuf;926583 wrote: I know you are a farmer and have no cultural or historical attachment with nomadism, but keep in mind the Nomadic Somalis were the one who expanded the Somali territory as far as beyond the awash river as far as deep in the Afar land all the way down south to NFD. It was them who removed the gallas from Somali galbeed, Not some fara dhooqayaal oo faraha beer kula jira. Only farm produce I know of is in the supermarket, and agriculture is how great civilizations such as the habesha one you guys in hargeisa orgasm over came about, Rome, China e.t.c which one was solely dependent on rain fall?, nomadism is an inefficient way of life and as ridiculous as plains indians chasing down buffalos in this day and age, it is almost moronic to talk about what was an economic and lifestyle necessity as something spiritually grand were even in somali parlance reer-baadiyo denotes lack of manners and backwardness. But any way this will just degenerate into a pointless argument when we are meant to discuss things with the like of XX and his twin masters in sociology and Nomadism, the honorable Badal Kariye of SOL.
  6. "Turkey will never support a group that poses a threat to the territorial integrity of Somalia. There is nothing to make the Somali state uncomfortable,” said the diplomat, adding that Turkey has made important contributions to the improvement of the situation in the country. Thats pretty clear.
  7. Xaaji Xunjuf;926569 wrote: ^^ It maybe means nothing to you but its part of our history and heritage its what Somali is all about its the cultural and a way of life we cherish allot its how the prophets lived. By the way Nomads are real men know what life is all about and they are pious muslims. Do you know how many proverbs contains Camel geel in the Somali language we will uphold the nomadic way of life. Cool story bro
  8. Also Col. Saxardiid the commander of the SNA in the jubba's has been replaced with Col. Cabdi Cigaal. Both of them reer gedo if am right.
  9. Isla markiiba Jeneraal Indhaqarsho iyo Madax sare oo ka socota Wasaarada Gaashandhiga ayaa waxay u duuleen Magaalada Kismaayo, halkaas oo ay kusoo sameeyeen Kormeer Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee Kismaayo ku sugan, waxaana warkaan Keydmedia ka heshay ilo Xag ogaal ah oo Kismaayo ku sugan. Aqriste Halkaan ka Aqriso Taariikh Nololeedka Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed oo ay Keydmedia Online (KON) - kasoo xigatay Xildhibaan "Sandheere" oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya. Taariikh Nololeedka Taliyaha Xogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto - Dahir Adan Elmi (INDHOQARSHO) Dhalasho: Gobolka Mudug Magaalada Galkacyo 1948 Waxbarasho: Dugsiga Hoose (Sudan Interior Mission School) ee magaalada Buulo Burte, Dugsiga Dhexe ( American Minnenite Mission) oo la oran jiray Shabeelle Intermedite School ee magaaladda Jowhar, Dugsi Sare wuxuu ku soo qaatay Benadir Secondary School ee magalada Muqdisho, Waxuu aqoonta Jamacad ku soo qaatay USA University of Massachusetts Boston Wuxuu ku soo biiray Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed 1968, wuxune tababar ku soo qatay Kuliyadda Tababarka Ciidanka ee magaalada Odessa ee dalkii Midowga Soofiyeeti. Sidoo kale wuxuu tababarro guud iyo kuwo khaas ku qaatay dalka gudihiisa (Tababar Abbanduul) iyo dibeddiisa (Command General Staff College, Kansas, USA). Wuxuu ka soo shaqeeyay qeybo badan ee Ciidanka Xogga Soomaliyeed (Qeybta 60-aad, Qeybta 21-add, Qeybta 26-add), isagoo ka qabtay xilal howlgal iyo mid hogaamiyeed. Sidoo kale wuxuu jagooyin kala duwan ka qabtay Taliska Guud ee Wasaaradda Gashandhigga iyo Kuliyadihii waxbarashada ee Xogga Dalka Soomaaliyeed. S/Guuto Dahir Adan Elmi wuxuu mudadii Ciidanka uu ka tirsanaa muujiyay Hawlkarnimo, Hoggamin, Mamul Hufan iyo Geesinnimo. Sifooyinkaas awgeed wuxuu ku muteystay Billadda Dhabka ee Geesinnimada.
  10. Xaaji Xunjuf;926564 wrote: Can some one tell us whos general indho qarsho i heard he was a member of the SNA back in the days what is his background. SNA commander 77 war, born in galkacayo, grew up in Jowhar and Xamar, studied in Oddessa military academy... Reactions already rolling in... http://horufadhi.com/2013/03/13/maxaad-ka-ogtahay-khiyaanada-qaran-ee-ku-duugan-kala-bedelka-saraakiisha-xooga-dalka-soomaaliyeed/
  11. Xooga Soomaaliyeed mudooyinkii ugu dambeeyayna ku noolaa Dalka Dibadiisa, iyada oo lasheegay Indhaqarsho in uu yahay sarkaalkii ugu horeeyay ee katirsan meleteriga Afrika ee qaata bilad dahab ah. Jen. C/Kariin Yuusuf Aadan Dhaga Badan Abaanduulihii Ciidanka Xooga Soomaaliyeed ayaa isna lagu badalay Jen. C/Risaaq Qaliif Cilmi oo kamid ahaa Saraakiishii hore ee Ciidanka Xooga Soomaaliyeed mudo badana uu kusoo dhax jiray. Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ayaa lagu qabtay xaflad Xilka ay ku warejinayen labadaasi sarkaal oo in badan halgan ugu soo jiray kor u qaadida ciidamada Soomaaliyeed. Xilk ka qaadista labadaan masuul ayaa waxa ay kutimid dhinaca awood qeybsiga ee Dowlada Soomaaliya ku dhisan tahay taa ay meesha uga baxeen kuwa kale oo bandanna ay sida iyaga oo kale ay uga bixi doonaan
  12. Iyadoo maalmihii u dambeeyay ay jireen hadal heynta ku aadan is bedelka lagu sameynayo hogaanada ciidamada qalabka sida ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda la shaaciyo, iyadoo Madaxda ugu sareysa dowladda ay arrintan kulamo ka lahaayeen saacadihii u dambeeyay. Sida ay sheegayaan wararka qorshaha is bedelka hogaanada ciidamada qalabka sida ayaa heer gabo gabo maraya, iyadoo uu durba noqday guux si weyn u hareeyay qeybaha kala duwan ee Talisyada ciidamada. Maalinimadii Jimcihii oo saadaasha aheyd in lagu dhawaaqo is bedelkan ayaa arrimo farsamo dib ugu dhacday, iyadoo ay qabyo ahaayeen kulamadii arrimaha loogu gogol xaarayay, kaasoo ku aadan in Taliyeyaasha seefta qaadi doonta inay aqbalaan marka ugu horeysa, talaabada koowaadna ay xilalkooda ku wareejiyaan Taliyeyaasha lagu bedelay. Inkastoo uu soo jiitamayay is bedelkan tan iyo markii Xukuumada cusub la soo dhisay, hadana Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka go’an in is bedelkan si guud u saameeyo laamaha amniga ee dowladda, waxaana uu la mid noqonaya is bedelkan mid horay sidan oo kale u sameeyay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed sanadkii 2011, xilligaasoo dhamaan Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida uu xilalka ka xayuubiyay. Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha cusub ee Ciidamada xooga dalka loo magacaabi doono Jen. Dahir Aadan Cilmi oo loo yaqaano Indho-Qarsho, kaasoo ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidamada ee lagu soo tababaray dalka Ruushka. Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo in muddo ah la hadal hayay in xilka laga qaadi doono ayaa aqbalay, maadaama xilkiisa saameeyay habka awood qeybsiga dowladda Soomaaliya, ayna isku heyb yihiin Ra’iisul Wasaaraha. Sidoo kale Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Jen. Dhegabadan ayaa la saadaalinaya saraakiisha ay seefta qaadi doonto, maadaama Taliyaha cusub uu dalbaday in xilkaas loo magacaabo shaqsi kale oo ay si dhow horay isula soo shaqeeyeen. Is bedelkan waxaa uu horay u saameeyay Taliyaha Booliska Soomaaliya Shariif Sheekhuna Maye iyo Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida Axmed Macalin Fiqi, kuwaasoo horay loogu wargeliyay in xilka laga qaadi doono, balse intaan ay soo jiitameysa. Waxaana lagu wadaa in is bedelkan uu noqdo mid guud ah oo isku mar wada saameeya Taliyayaasha ciidamada qalabka sida Cabdi Faarax Muqdisho/Soomaaliya Allgedo News Media Network allgedo@allgedo.com
  13. Taliyihii ciidamada milateriga dowlada Somalia iyo abaanduulihii ciidankaas oo xilalkii wareejiyey Taliyihii Ciidamada XDS dowlada dowlada Somalia Jen. C/qaadir Shiikh Cali Diini iyo abaanduulihii ciidankaasi Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhegabadan) ayaa maanta xilalkii ku wareejiyey saraakiil kale oo lagu bedelay ka dib munaasabad arintaas ku saabsan oo lagu qabtay xarunta wasaarada difaaca ee magaalada Muqdisho. Munaasabadan ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiro iyo xubno ka tirsan xukuumada Somalia oo uu ka mid ahaa wasiirka difaaca C/xakiin Xaaji Fiqqi iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM. Taliyihii iyo abaanduulihii hore ayaa xilka ku wareejiyey taliyaha cusub ee ciidanka XDS Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indho-Qarsho) iyo abaanduullaha cusub ee loo magacaabay ciidankaas Jen. C/risaaq Khaliif Xuseen. Wasiirka difaaca xukuumada Somalia iyo wasiiru dowlaha wasaaradaasi ayaa u mahad celiyey saraakiisha laga bedelay ee ciidamada milaterig oo ay sheegeen iney shaqo adag soo qabteen, iyagoo kula dardaarmay saraakiisha cusub iney ka shaqeeyaan horumarinta iyo dib u dhiska ciidamada dowlada. Jen. Dhegabadan iyo Jen.Diini ayaa xilka ka qaadistooda waxaa soo jeediyey madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana loo soo gudbiyey iskuna raacay golaha wasiirada Khamiistii ina dhaaftay, waxaana saraakiishan oo xilalka hayey muddo sadex ka badan ay si weyn uga qeyb qaateen dagaaladii Al-shabaab looga saaray magaalada Muqdisho iyo degano ka mid ah gobolada Sh/hoose iyo Sh/dhexe.
  14. Nomadism is a reaction to the enviroment, nothing romantic about trekking for miles to get a sip of water for yourself or camels, and suffering a great drought every couple of years, I am with Haatu!
  15. http://www.youtube.com/watch?feature=player_detailpage&v=qgS3Eoo8N1Q" frameborder="0" allowfullscreen>
  16. Alpha Blondy;925837 wrote: this is an excellent thread. i really enjoy seeing new pictures of xamar and stuff. but.....................all these flashy buildings are probably owed by a small minority of elite. the messy concrete jungle that is xamar is really lacking in terms of human creativity. these interesting buildings are only made of bricks and mortar....and now reinforced steel thanks to the turks.... isn't really anything impressive. i think someone ought to start a new thread dedicated to the social and cultural happenings in xamar too. you know, something like: Xamar: A Cultural Renaissance Thread.....or similar. it'd be really interesting to learn about the latest developments in arimaha bulshada and iyo waxyaabaha ku saabsan dhaqanka & suugaanta....... thanks.. Al. Its early days for a cultural revival still..
  17. Norf it is kind of obvious isnt it? But the federal parliament will clarify... Baarlamaanka Federaalka Somalia oo maalinta beri ah guda galaya arrimaha wax ka bedelka dastuurka Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalinnimada berri ah si rasmi ah u daah furaya dib u eegista ay ku sameynayaan Dastuurka Dalka kaasi oo ay horey si KMG ahaan ugu ansixiyeen ergo gaareysay 750 xubnood. Furitaanka kulankan daah furka u ah dib u eegista Dastuurka Dalka ayaa waxaa lagu casuumay dhammaan gudiyadii madaxa banaanaa kuwaasi oo marti ku noqon doona madasha islamarkaana Xildhibaannada kalasoo qeybgali doona kulanka oo si rasmi ah u bilaaban doona 9ka subaxnimo ee maalinnimada sabtida berri ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 9ka bisha March 2013. Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa yiri :- “dib u eegista uu Golaha Shacabku ku sameynayo Dastuurka Dalka waa mid inoogu fadhiga muhiimad weyn waayo qeybihii kala duwanaa ee Shacabka Soomaaliyeed oo aynu la kulannay intii uu xirnaa kal fadhigii Koobaad ee Baarlamaanka talooyinkii ugu badnaa ee ay soo jeediyeen waxaa ugu muhiimsanaa inaan sida ugu dhaqsiyaha badan dib u eegis ugu sameyno Dastuurka Dalka hadaba inaga oo fulineyna codsigii shacabka ayeynu maalinnimada berri ah si rasmi ah u daah furi doonnaa dib u eegista Dastuurka” Ugu dambeyntii Mudane Maxamed Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka waxa uu ku booriyey shacbiga Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iney si toos ah isha ugu hayaan qaabka ay u socdaan howlaha Baarlamaanka islamarkaasina aysan shacabku hada iyo goor ka leexan iney talooyinkooda sidan oo kale toos ugusoo gudbiyaan Gudoonka Baarlamaanka ayadoo Golaha shacabkana uu had iyo goor u taaganyahay inuu sidan oo kale ugu shaqeeyo talooyinka qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. Dib u eegista lagu sameynayo Dastuurka Dalka ayaa waxey socon doontaa in mudo ah waxaana mudadaasi ay socoto laga doonayaa dadweynaha Soomaaliyeed iney joogti ula socdaan qodobada uu Baarlamaanku uu had iyo goor ka doodayo si ay ugasoo dhiibtaan talooyinkooda ayadoo sidoo kalena ay jiri doonaan kulammo dhexmari doona Gudoonka Golaha Shacabka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaasi oo aragtida iyo talooyinka shacabka lagu dhageysan doono.