Jabhad

Nomads
  • Content Count

    1,351
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Jabhad

  1. Ciidamada ku sugan Madaxtooyada Soomaaliya oo xalay xilli Dambe la dhacay Magaalada Muqdisho Madaafiicda waa weyn Xalay 3:30 Daqiiqo xilli ay soo dhawdahay Saaladda Subax ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay arrin aad loola yaabay waxaa loola jeeday kadib markii Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Madaxtooyada hub marka la rido sidii Diyaarad oo kale u guuxayo la beegsadeen qeybo ka mid ah Caasimadda Soomaaliya. Madaafiicdaan oo ay is weydaarsadeen kooxo aan heybtooda la garaneyn iyo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday labo ruux halka 4 kalena uu dhaawac ka soo gaaray. Labada ruux ee geeriyootay ayaa waxa ay ahaayeen wiil iyo aabihii oo madfac uu kula dhacay xaafadda Juungale ee degmada Yaaqshiid, iyadoo madfacaasi aan la garaneyn halka uu ka soo dhacay balse sida dad badan rumeysan yihiin Madfaca ayaa waxaa uu ka soo dhacay dhinaca Madaxtooyada. Madaafiicdaan ayaa mar qura bilaabatay abaarihii 3 dii habeenimo ee saqdhii dhexe ee xalay taasoo mar kaliya daryankeeda si weyn u ruxday magaalada Muqdisho, lama oga ujeedada ay ka lahaayeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya in dad Shacab ah oo hurdaya lala beegsado hub culus. www.midnimo.com Madaafiicda Qoryaha BM-ka Oo Habeenkii Xalay Ahaa Gil-giley Caasimada Soomaaliya Ee Muqdisho... Xalay habeenimadii goor dambe ayaa daryanka Madaafiic cul culus ay gil-gileen guud ahaan caasimada muqdisho, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Rasaasta Qoryaha Lidka diyaaradaha iyo kuwa madaafiicda ayaa is weydaarsadeen kooxo aad u hubaysanaa oo aan la garanayn halka ay ka amar qaataan iyo ciidamada dowlada kmg oo garabsanaya kuwa ethiopia iyadoo ay ku dhinteen labo ruux halka afar kalena ku dhaawacmeen. Dib u dhac ku yimid ciidammadii Afrikaanka ahaa ee Soomaaliya la keeni lahaa Waxaa dib u dhac uu ku yimid ciidammadii Afrikaanka ahaa ee lagu waday inay Soomaaliya yimaadaan bishan Feberaayo gudaheeda, kuwaasoo ka kala imaan lahaa dalalka Yugaandha iyo Nayjeeriya. Uganda oo noqon lahayd dowladdii ugu horreysay oo Soomaaliya keenta ciidammo ka socda Afrika ayaa waxaa caqabad ku noqday baarlamaanka dalkaas oo shuruudo sharciyadeed ku xiray in la soo mariyo mooshinka dowladdu wadato ee ku saabsan ciidammada Soomaaliya loo dirayo. muslimamuslimamuslimamuslimamuslima Dib u dhaca ciidammada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya loo soo diri lahaa (AMISOM) ayaa culeys kale ku sii kordhisay ka bixitaanka dalka ee ciidammada Ethiopia oo mugdi badan ku jiro. Ciidammadan ayaa waxaa lagu waday inay dalka soo gaaraan toddobaadkaan waxaana dowladda Uganda saraakiil u hadlay ay sheegeen inay wadaan qorshayaal ay ciidammadooda ugu soo dirayaan Soomaaliya, balse tani ay caqabad weyn ku noqon karta. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.co Tel:002521-5573321
  2. ^You should embrace your masters way of living instead of trying to make fun of it yaa daba-dhilif.
  3. lol. Abdulahi-Axmaar has no shame. If he thinks he will get a support from the Jewish, he will say his clan was a jewish before they become africanized. And expect his clown followers to embrace that new idea. Cajiib.
  4. Midnimo was very close to Geedi-Axmaar and pro-Mbagathi mafia group and always used to write pro-mafia garbage articles. Today the talk is different. Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo Beesha H-clan ka ilaaliyay Taliyaasha Ciidamada Dowladda Soomaaliya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf ayaa u muuqda nin si weyn isaga ilaalinaya Beesha H-clan[southern clan] oo ka mid ah Beelaha waa weyn ee Soomaaliya, isagoo beeshan ka ilaaliyay inay qabtaan Jagada Wasaaradda Gaashandhigga, Taliyaasha Ciidamada. Wasiirka Gaashandhigga Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu ka soo jeeda Beesha D-clan Taliyaha Nabad sugidda Qaranka ayaa waxaa uu isna ka soo jeeda Beesha D-clan, Taliyaha Ciidamada Booliska ayaa isna waxaa uu ka soo jeeda beesha D-clan,Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyed ayaa isna waxaa uu ka soo jeeda beesha D-clan in kastoo la sheego inuu yahay Carab Maxamed Saleebaan haddana si kale ayaa loogu riixa Beesha D-clan. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa uu ku dadaalay in aysan beesha H-clan shaqsi ka soo jeeda qaban hoggaanka Ciidamada kala duwan in kastoo Taliyaha Ciidamada Asluubta uu yahay nin ka soo jeeda H-clan. Lama oga waxaa ay ka yeeli doonaan Siyaasiyiinta H-clan qorshahan qalafsan ee Madaxweynaha Soomaaliya wato, walow uusan jirin Wasiir ama Xildhibaan la doodi karo Madaxweynaha oo Beesha H-clan ka mid ah. Tallaabadn uu qaaday Madaxweynaha ayaa la ogeyn sida uu raali uga yahay Ra’iisal Wasaare Geeddi. Marka laga soo tago Beesha H-clan haddana beelaha kale ee Soomaalida ayaa ka muuqan hoggaanka Ciidamada Soomaaliya, Beesha Diyo M ayaa laga soomiyay hoggaanka Sare ee Ciidamada Qalabka sida ama ciidamada kala duwan. Tani waxay muujinaysaa in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uusan ku kalsooneyn beelaha kale ee Soomaaliya, sidoo kale qorshaha Madaxweynaha ayaa waxaa uu astaan u yahay in laga tagay awood qeybsigii lagu soo heshiiyay ee ahayd 4.5. Arrinta kale oo farta lagu taagayo ayaa waxay tahay sida uu Madaxweynuhu u Maamulay ama maareeyay Safiirada Dibadda, Beesha uu Madaxweynuhu ka dhashay ayaa u badan Safiirada Dibadda.
  5. Ibtisam, what is more better than becoming a wife and breeding as many Hargaisawi kids as possible.
  6. ^Very disappointing if the dabadhilifs and their Ethiopian masters leave the city alive. Now it looks like Abdulahi-Axmaar is already moving to plan-B. "Dhanka kale, warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxweyne Yuusuf uu si xowli ah ku wado dardar gelinta sidii ay u deggi lahaayeen dad badan oo ka tirsan beeshiisa inta qaska ka jiro magaalada Muqdisho. Warka ayaa intaasi ku daraya in ay jiraan doomo badan iyo gawaari waaweyn oo ka immaanaya Puntland kuna sii qul qulaya magaalada Kismaayo. Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu damacsan yahay in uu saldhig ka dhigto Kismaayo haddii uu ammaanka Xamar sii xumaado." http://www.ruunkinet.com/
  7. Ethiopia/Somalia: a new Black Hawk Down. 02/10/07 Permalink 18:35:44, Categories: Ethiopia, 443 words English (EU) Ethiopia/Somalia: a new Black Hawk Down. According to Legesse ‘the name thief’ Zenawi, Crime Minister of Ethiopia, the Union of Islamic Courts does not exist. They have disbanded themselves when they left Mogadishu, he said. But the United States Ambassador in Kenia, Michael Ranneberger is negotiating with Sheik Sharif Sheik Ahmed, who is residing in a first class Nairobi hotel room, about the release of 11 American Marines that were captured in the South of Somalia. If these militia are capable of keeping 11 marines as prisoners of war, it seems that their role is not finished at all. As many observers already noticed, many of the militia members just went back to their clans and will be available any time in the future. With the POW’s the Union of Islamic Courts militia hold a powerful stake. One of the demands of Sheik Sharif Sheik Ahmed is that the Ethiopian troops should leave Somalia immediately and that he can leave for another country where his safety will be guaranteed. Also he forced the Americans to make the capturing of the POW’s public. So while the butcher of Addis Ababa crows victory, his allies from Washington have yet created themselves a new disaster in Somalia. A new Black Hawk Down you might say. As usual the Ethiopian government does not publish anything about their casualties. They never published who and from which state was killed or missed in action during the war with Eritrea. And up until now they didn’t report on what happened to the soldiers in Somalia. Are there Ethiopians hold as prisoners of war? How many soldiers died during the fights? These are questions that should be answered. We have a right to know. But as with so many rights the ruling gang even does not obey their own rules. We can predict that Somalia is not at all over and done with. And that with the unlawful and ****** interference of the Ethiopian army, the Somali won’t hesitate to revenge what was done to them. Thanks to the war mongers of the gang the region has become less peaceful and stable. On Ethiopian television "Information was attained prior to the African Union summit that senior Eritrean government officials were involved in secretly placing explosives in Addis Ababa," Zemedkun Tekle a government spokesman said. No names no further information. A device that might have been a bomb was shown. These type of reports we remember too well from last year and before. All we know is that prior to the summit security officers arrested, tortured and murdered supporters of the opposition. Probably this is just another scam to hide the crimes committed by the rulers.
  8. Geele oo ka hadley xaalada Somaliya 10 Feb 10, 2007 - 4:51:02 AM I smaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha dalka Jabuuti oo u waramayey talafeshinka Carbeed ee Al-Jaziira ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya aysan soo kordhineyn xasilooni ka dhalata guud ahaan dalka Soomaalia. Madaxweynaha dalka Jabuuti waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in dowladda howlaheeda aysan adeegsan awood milateri balse wax walba lagu xaliyo wada hadal iyo dib u heshiisiin. Mar uu Madaxweynaha ka hadlayey xubnaha Baarlamaanka ee dalkiisa ku sugan ee uu hoggaaminayo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayuu sheegay oo wax ka qaban karta xaaladda dalka uu soo dhoweynayo isagoo ka gaabsaday in uu ka jawaabo su’aal la weydiiyay oo u saabsaneyd sida uu u arko xilka laga qaaday Shariif Xasan. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in hadii madaxdii Maxkamadaha Islaamiga ay dalkiisa weydiistaan magan gelyo uu dalkiisa siin doono magangelyo siyaasadeed. Cali Muxayadiin Cali,GO
  9. Dowlada oo ka jawaabtey weerarada Muqdisho 10 Feb 10, 2007 - 3:52:35 PM Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele ayaa maalintii sabtida ahayd ka hadlay qaraxyadii isdaba jooga ahaa ee shalay harqiyey Magaalada Muqdisho oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad badan, waxa uuna wasiir ku xigeenku sheegay in Dowladdu iska difaacday kooxahaasi oo uu sheegay inay doonayeen in ay carqaladeeyaan Magaalada. Wasiir ku xigeenku waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ah u caddaatay in Magaalada Muqdisho ay ku soo bateen wax uu ugu yeeray kooxaha argagixisada ah, waxa uuna sheegay in Dowladdu ay dagaal xoog leh la geli doonto kooxhaasi, kaddib markii ay la tashiyo la sameeyeen waxgaradka ku dhaqan Magaalada muqdisho. Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa haatan u muuqda kuwi ku sii uruuraya xarumahoodii iyagoo ka cabsanaya in ay weeraro kaga yimaadaan kooxaha muqaawada-mada ah. Somalitalk+Garowe Online
  10. Mareykanka iyo Qaramada midoobay Waxay Ciidamada Ethiopia Garab ku siiyeen Weerarka Iyo Danbiyada Caalmigaa Ee Soomaaliya. Muqdisho , Sabti, Febr , 10 ,2007, Waagacusub.com Sida Uu Qoray Wariye Jon Snow oo ka Tirsan Chanal 4 Kadib 6 june kolkiii Midowgii Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliya ay ku Guulaysteen in ay Dalka ka Saaraan Is Bahaysigii Garbka Ka helayay Dowladda Mareykanka ee la, magac Baxay Is bahysiga Ladaagaalanka Argagaxisada iyo soo Celinta Nabada ayaa waxaa isa soo tarayay hadal Haynta Mareykankaiyo QM Ee ku Eedan Arimaha Soomaaliya. Mareykanku waxa Uu Bilaabay in uu Ku Dadaalo sidii Looga Taqalusi lahaa Xoogagag Islaamiyiinta ah Ee Sida Xoogan Mar Qura Ula Wareegay Kalsoonidii Shacabka Taa Oo U fududaysay in ay Gacnta Ku dhigaan Inta Badan k/Soomaaliya. Hadaba Hadal Haynata Mareykanka ayaa waxa ay ku bilaabatay in Uu maraykanka Ku dacwiyo in Maxaakiimta Islaamigaa ah ay Ku Jiraan Rag Xariir la Leh ururka Al-Qaacida oo uu si ba,n ugu Raad Joogo. Jon Snow wax uu yiri “Mareykanku waxa u Fursad Weyn U helay Kolkii u Qudbad Uu Jeediyay Meles Sanwi u Cadeeyay in uu Soomaaliya Ka Qaban Doono Oo kaliya Ajandaha ay Ka Damacsanyihiin Xukuumada Weshington” Kuurgalay Arintaa waxaa si Weyn Riyaaqay Soona Dhaweeysay Kaaliyaha Xogayaaha Arimaha Dibadda U Qaabilsan Afrika Jendayi E. Frazier Iyadoo Bilaawday in ay Kulamo Xiriir ah La Sameeyso Meles Senawi. Meles Sanawi ayaa La sheegay in uu Balan Qaad Ka hElay Mareykanka Kadibna Wax uu Horey kaga howla galay Dhaqan Galinta Qorshaha Mareykanka Isagoo Tilaabadii ugu Horeysay Uu Qaadayna ay ahay In u Isugu Yeero Baarlamankiisa Si Uu Uga Ansixiyo Howl Galadiisa Qaldan. Maqaalka Uu qoray Wariyaahan oo dheer ayaa wax uu ku soo afmeeray ( At the risk of repeating myself, the UIC was never a threat to international peace and security, but rather, the threat we now face is the result of the crisis in Somalia that Meles Zenawi and Jendayi E. Frazier have created and are advancing in the Horn of Africa.) “Qatartu Ma,ahan In ay Soo laabtaam Midowgii Maxaakiimta Islaamiga ah Ee Qatartu waa tan Meles Sanawi iyo Jendayi.
  11. Shariif Xasan oo ku sii jeeda dalka Yaman .. Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku sii jeeda dalka Yemen, halkaas oo la filayo in uu kulamo kula yeesho guddoomiyaha golaha fulinta ee Maxaakiimta Sheekh Shariif. Shariif Xasan ayaa la filayaa in uu Sheekh Shariif la soo qaado sida xal loogu heli karo xaaladda Soomaaliya, iyadoo Shariif Xasan uu horey u ballanqaaday in uusan marnaba ka caajisi doonin dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in uu weli yahay guddoomiyaha rasmiga ah ee Golaha Baarlamaanka. Shariif Xasan ayaa waxaa dhawaan xilka ka qaaday baarla-maanka waxaa lagu bedelay Sheekh Aadan Madoobe, iyadoo marka uu tago Shariif Xasan Magaalada Sanca iyo dalka Yemen uu Dowladdaasi la soo qaadi doono sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya. Gudoomiyaha ayaa waxaa horey u sii raaci doona toban xubnood oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka oo weli ku sugan dalka Jabuuti.
  12. Melez Zenawi oo walwal ka muujisay qaraxyada iyo… Wararka naga soo gaaraya magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in Dowladda Itoobiya ay si weyn walwal uga muujisay qaraxyada iyo weerarada ka soo cusboonaaday dalka Soomaaliya xili ay ciidamada Itoobiya xoogooda ka sii baxayaan. Mucaaradka dalka Itoobiya ayaa maalmahan waxaa ka soo yeerayey hadalo kulul oo Dowladda Meles Zenawi loogu sheegayo in markii hore ku qaldamay in Ciidamada Itoobiya ay galaan gudaha dalka Soomaaliyaa, waxay kaloo sheegeen in Dowladdu ay mas’uul ka noqon doonto askarta ku dhimaneysa gudaha dalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in Meles uu garab siiyey mid ka mid ah garabyada isaga soo horejeedda Soomaaliya. Mucaaradku waxa uu Dowladda Itoobiya ka codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamada Itoobiya looga soo saaro Soomaaliya. “Waan ogeyn in Maxaakiimtu aysan halis ku aheyn dalka Itoobiya, balse Meles waxa uu fuliyey danaha dalka Mareykanka oo uu ku helay malaayiin Doolar oo aan weli gaarin ciidamada Itoobiya” ayey yiraahdeen qaar ka mid ah mucaaradka dalka Itoobiya oo sidoo kale aad uga xumaaday dad u dhashay Oromo lagu xasuuqay dalka Soomaaliya, kuwaas oo mudo 30 sano ah xaqooti ku ahaa dalka Soomaaliya, kuwaas oo horey uga cararay taliskii Mingiste. Dowladda Itoobiya ayaa haatan qorsheyneysa sidii ay u bedeli lahaa siyaasadda Dalka Soomaaliya, waxaana soo gaaraya cadaadis. Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay in ciidamadiisu aysan sugi doonin ciidamada nabad ilaalinta ah ee imaanaya dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in Ciidamada Itoobiya ay gebi ahaanba ka bixin doonaan dalka Soomaaliya. Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Meles ayaa waxaa maalin walba gaaraya fariimo la xiriira dagaalada ka soo cusboonaaday gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo maalin walba lagu weerarayo Ciidamada Itoobiya, iyadoo Dowladda Federaalka ahna ay dib ugu guraneyso Magaalada Baydhabo ee gobalka Baay.
  13. http://www.qorahay.com/difaaca.ram http://www.qorahay.com/somisrac.ram http://www.qorahay.com/Diinlaawoyaasha.ram
  14. Ciidamo Ethiopian ah oo soo gaaray gobolka Sh/hoose Baraawe 08, Feb.07 ( Sh.M.Network) Ciidamo badan oo Ethiopian ah oo ku hubeysan dabaabado ayaa maanta gaaray deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose, iyagoo ka yimid dhinaca deegaanada Jubooyinka. Ciidamadan Ethiopianka ah oo ku hubeysan gawaari dagaal oo aad u fara badan ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen dhinaca xarunta gobolka J/hoose ee Kismaayo. Ciidamadan ayaa soo maraya deegaanada Buulo Mareer iyo Baraawe, iyagoo ku soo wajahan dhanka magaalada Muqdisho, inkastoo ciidamada dowladda Ethiopia ay horey u sheegeen in ay ka baxayaan gudaha Somalia. Xuseen Nuur Geeseey Shabelle Media Network Sh/hoose E-mail us: info@shabelle.net
  15. Sii deynta Sheekh Shariif oo ku timid wada hadal ay yeesheen GMIS iyo Mareykanka Mogadishu 08, Feb.07 ( Sh.M.Network) Ilo lagu kalsoon yahay oo ku dhaw dhaw Guddoomiyaha golaha Fulinta maxaakimta Islaamka Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sh.Axmed ayaa u sheegay wargeyska lagu magacaabo al-nidaa oo kasoo baxa waddanka yaman in sii deysmada mareykanku uu sii daayay Sheekha in ay ku timid heshiis maxaakimta iyo mareykanku ay ku galeen waddanka kenya kaaso ku aadanaa sidii maxaakiimtu ay iyaguna ku sii deyn lahaayeen askar ka tirsan mariniska mareykan ah oo ay tiradoodu gaareyso 15 Askari . Heshiiskaan ayaa waxaa dhexdhexaadinayay urur islaami ah oo ka jira waddamada khliijka carabta kaasoo la sheegay inuu xiriir la lahaa golaha maxaakiimta islaamka . Ilahaasi ayaa waxa ay u xaqiijiyeen wargeyska in heshiiskaasi ay wada galeen mareykanka iyo Sh.Shariif .Sh.Axmed uu qeexayay in ay maxaakimtu mareykanka ku soo wareejiyaan 15kan askari ee Mareykanka ah si markaasi uu mareykanku Sh.Shariif xorriyaddiisa ugu soo celiyo isla markaana uu ugu ogolaado inuu sheekhu u socdaalo waddanka yaman. Askartaasi Mareykanka ah ayaa lagu soo warramayaa in lagu soo daadiyay goobihii uu mareykanku duqeynta ka geystay si ay u daba galaan oo ay cagta u mariyaan cidii ka badbaadday weerarkii dhinaca cirka ahaa ee uu mareykanku ka fuliyay k/Soomaliya hase yeeshee waxaa lagu soo warramayaa in Askartaasi ay iska caabin xoogan kala kulmeen xoogagga maxaakimta ee halkaasi ku sugan taasoo ugu dambeyntiina sababtay in gacanta lagu dhigo 15kan askari . waxaa kaloo uu wargeysku intaasi ku darayaa in afar ka mid ah 15kaasi askari la soo qabtay iyagoo dhaawac qaba haatanna lagu dabiibayo waddan kamid ah sida uu wargeysku sheegay waddamada Soomaaliya dariska la'ah oo isagu diidday in raggaasi ay Mareykanka u gacan galiso ka hor inta heshiis maxaabiista leyku dhaafsanayo uu ka dhex dhalanayo maxaakimta iyo mareykanka . Ilahaasi oo la sheegay in ay si aad ah ugu dhaw yihiin sheekh shariif ayaa sheegay in heshiiskaasi uu dhaqan gali doono todobaadka soo socda . waxaa kaloo mareykanka shardi looga dhigay in ay hogaamiyayaasha maxaakimtu awood u yeeshaan in ay waddanka dib ugu soo laabtaan si ay uga qeyb qaataan howlaha dib u heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed isla markaana ay qeyb uga noqdaan dowlad salballaaran oo Soomaaliya loo dhisayo wararku waxa ay intaasi ku darayaan in kadib markii uu Mareykanku ogaaday in Askar looga qafaashay Soomaaliya uu miciin biday urur islaami ah oo ka jira waddan ka mid ah waddamada Khaliijka carabta oo xiriir dhow la leh maxaakimta islaamka si uu maxaakiimta ugu qanciyo in ay sii daayaan askartaasi mareykanka ah si mareykankuna uu u fasaxo Sh.Shariif Sh.Axmed oo ay muddo gacanta ku hayeen. waxaa kaloo la sheegayaa in Yaman ay Mareykanka heshiis kula gashay in ay Sh.Shariif Sh.Axmed ku soo celiso gacanta mareykanka haddii ay maxkamaduhu ka baxaan heshiiska ay la galeen mareykanka oo ku aaddan in ay sii daayaan askarta ay mariiiniska mareykanka ka heystaan Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net
  16. Sh. Shariif Oo Maanta Magaalada Sanca Gaaray Gudoomiyaha gudiga fulinta ee Golaha Maxkamadaha Islaamiga ah Sh. Shariif Sheekh Axmad ayaa maanta ka degey magaalada Sanca ee dalka Yemen. Shariifka ayaa warar la isdhexmarayo sheegayaan in safarkiisa ay ka danbaysay kadib ay soo baxeen warar horay u socday oo haatan isi soo taraya kuwaasoo sheegaya in jiraan dhexdhexaadin u socota Maxkamadaha iyo Maraykanka oo la xariirta sii daynta 10 askari oo Maraykan ah kuwaasoo ay maxkamaduhu haystaan. Wararka qaar ayaa sheegay in dawlado Carbeed ay dhexdhexaadintaas qayb ka yihiin kuwaaso isku deyaya in ay Maxkamadaha iyo Maraykanka danahooda u kala debqaadaan.
  17. If I'm not mistaken, the good Sheikh asked the American imperialist to stop bombing Somalia.
  18. Sheekh Shariif oo sheegay in Mareykanka iyo Maxkamadaha ay is dhaafsanayaan Maxaabiistii ay kala qabsadeen Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 08/02/07 Guddoomiyihii hore ee Golaha Fulinta Maxkamadihii la eryay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa u sheegay wargeys ka soo baxa dalka Yemen in Maxkamadaha iyo Mareykanka iyo ay ku heshiiyeen inay is dhaafsadaan labada dhinac, waxanaa wareysigaas uu ku sheegay Sheekh Shariif in heshiiskaan uu ka mid yahay midka isaga lagu sii daayay. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa u sheegay wargeyska Yemen ka soo baxa in arrintaan heshiiska ah ee dhex martay Maxkamadaha iyo Mareykanka Madax ka tirsan kuwa dalalka Khaliijka oo uu sheegay inay xiriir la lahaayeen Maxkamadaha. muslimamuslimamuslimamuslimamuslima Hoteellada Laf-weyn iyo sidoo kale Hotelka Kaah ayaa iyagana lagu weeraray qoriga Baasuukaha loo yaqaan, balse waxba ma sababin kuwii ku dhacay labada hoteel, wax burbur ahna uma geysan Hoteellada Laf-weyn iyo Kaah dhismayaashooda. Mid ka mid ah Baasuukayaashii lagu riday Hotel Laf-weyn ayaa ku dhacay guri ku dhow Hotelka, isagoo aan sababin wax dhibaato ah oo dhimasho iyo dhaawac leh, balse waxaa la sheegay inuu burburiyay guriga uu ku dhacay intiisa badan. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.co Tel:002521-5573321 http://www.somaliweyn.com/pages/news/Feb_07/8Feb21.html
  19. Posted on Wednesday, February 07, 2007 - 12:19 AM Beesha ***Cumar Xaashi** oo ka qeyla dhaamisay weerarada sida gaarka ah loola bar tilmaameedsanayo Hoteeladeeda Iyadoo Hoteelada Ambassador iyo Lafweyn oo ka mid ah Hoteelada ugu waaweyn magaalada Muqdisho ay noqdeen hoteelada maleeshiyooyinka abaabulan ay sida gaarka ah weerarada ula beegsadaan xilliyada habeenkii ayaa Iyadoo Hoteelada Ambassador iyo Lafweyn oo ka mid ah Hoteelada ugu waaweyn magaalada Muqdisho ay noqdeen hoteelada maleeshiyooyinka abaabulan ay sida gaarka ah weerarada ula beegsadaan xilliyada habeenkii ayaa waxgarad, oday dhaqameedyo iyo dhammaan qeybaha kala duwan eek u abtirsada beesha X***waadle waxay soo saareen war murtiyeed cabasho ah oo ay qeyla dhaan kaga muujiyeen weerarada sida gaarka ah loola beegsado hoteeladooda. Hoteeladan ayaa waxaa labadaba iska leh Ganacsade lagu magacaabo Xaaji Daa’uud oo lagu yaqaano fidinta Diinta Islaamka iyo sadaqada, marnaba kuma lug yeelan dhammaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo qabyaaladeed ee dalka soo maray wixii ka dambeeyay sanadkii 1991-kii, lamana garanayo sababta keentay in si gaar ah hoteeladaasi loo bartilmaameedsado. Xaaji Daau’uud ayaa weerarada Hoteeladiisa lala beegsanayo oo ay soo qaadaan maleeshiyooyin ku heyb ah Jaalle Yuusuf Indhacadde waxaa loo aaneynayaa laba waxyaabood oo kala ah: 1. In beeshiisu aysan awood muuqata ku lahayn Muqdisho isla markaana Xaajiga Hotelka iska leh uu yahay hoggaamiye sare oo ka tirsan Culumada Ahlu Sunna Waljameeca oo aysan is jecleyn kooxda Al-Itixaad ee Sheekh Xasan Daahir Aweys. Xafiiska war qabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho Mogadishu University.
  20. "Walee qumayooyinku hore uma dhintaan " When qumaya dies another qumayo is born.
  21. US to have Africa military command The US airforce has recently been in action in Somalia [Getty Images] The US president has approved plans to create a US military command for Africa, a move that reflects increasing US strategic interests in the continent. George Bush said in a statement on Tuesday that he had asked Robert Gates, his defence secretary, to get the new "Africom" unit up and running by the end of September 2008. The United States would work closely with African allies to choose a location for the new command in Africa, he said. "This new command will strengthen our security cooperation with Africa and create new opportunities to bolster the capabilities of our partners in Africa," Bush said. "Africa Command will enhance our efforts to bring peace and security to the people of Africa and promote our common goals of development, health, education, democracy and economic growth in Africa." 'Following the oil' Bush's decision comes as Washington grows increasingly concerned about growing "Islamist militancy" in parts of Africa. The US is also concerned at Chinese attempts to gain greater control over the continent's natural resources. US military in Africa Djibouti - More than 1,500 US troops have been based in Camp Lemonier, in Djibouti, a tiny Horn of Africa nation since 2002. In 2006 the military said it would expand Camp Lemonier from its present 88 acres to more than 600. Djibouti is the centre of US operations in the Horn of Africa. Ethiopia - US troops and diplomats are believed have worked closely with the Ethiopian army which recently helped the Somali government defeat the Islamic Courts Union in early 2007. Egypt - The US supplies the Egyptian army with over $1 billion of military equipment annually. Two US battalions are also stationed in Egypt's Sinai peninsula as a part of a peace agreement between Egypt and Israel. Somaliland - In 2005 a detachment of US troops reportedly landed in Somaliland, a break-away region of Somalia, to search for members of Al-Qaeda. Elsewhere in Africa - US troops have also helped train anti-terrorism forces of Algeria, Chad, Kenya, Mali, Mauritania, Niger, Nigeria, Tanzania and Uganda amongst others. Hu Jintao, the Chinese president has been on a seven country tour of the continent, during which he has pledged to write off $70 million worth of Sudanese debt. Josh Rushing, Al Jazeera's military analyst, told the Inside Story programme that Africa Command came down to simply "following the oil". Meanwhile on the same programme Salim Lone an international affairs analyst and a former UN spokesman, lamented the planned US military intervention. "Finally an engagement has been made with Africa but a military one," he said. Referring to the growing Chinese presence in the continetn, Lone said: "If the Chinese giving aid [to Africa] is 'colonisation' then what is Africa Command?" Long-term plans However Gates said that the creation of Africom would allow the US to focus it's resources more closely on Africa. "This command will enable us to have a more effective and integrated approach than the current arrangement of dividing Africa between Central Command and European Command - an outdated arrangement left over from the Cold War," Gates told the US Senate's armed services committee. At present, the US military's deployments to Africa are handled by Central Command, which handles the Middle East and Horn of Africa, European Command which covers northern Africa and Pacific Command which has responsibility for Madagascar and some smaller islands. The commands are unified, meaning they control assets from different armed services. Involvement in Africa The US is already extensively involved in Africa, working closely with several Arab nations in north Africa as well as with other countries further south. The US army began working in west and central Africa in 2002, teaching local armies basic techniques to help them locate and destroy militant groups in the region. "If the Chinese giving aid is 'colonisation' then what is Africa Command?" Salim Lone US forces also carried out at least two air strikes in Somalia last month, targeting al-Qaeda fighters. Al-Qaeda carried out near simultaneous car bombings at the US embassies in Nairobi, Kenya, and Dar es Salaam, Tanzania, in 1998, killing more than 250 people. The US, the world's biggest energy consumer, also hopes the Gulf of Guinea region in West Africa will provide up to a quarter of its oil imports within a decade. Bryan Whitman, a Pentagon spokesman, said that Pentagon officials would flesh out plans for the new command at a briefing on Wednesday. http://english.aljazeera.net/NR/exeres/92686A3A-D5F0-478D-B622-20B1C6120EB8.htm
  22. ^Occupation forces shelling civilian houses.
  23. Madaafiic Caawa ku dhaceysa Xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho Arbaco, February 07, 2007(HOL): Caawa Xaaladda Magaalada Muqdisho aad ayay u kacsan tahay, dadka ku noolna aad ayay u cabsanayaan, sababtoo ah waxaa Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho ku dhacaya Madaafiic waa weyn oo aan la ogeyn meel laga soo ganay. Madfac aad u culus ayaa wuxuu ku dhacay guri ku yaala Xaafadda Al-Baraka ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna halkaasi ku dilay haweeney, halka uu dhaawacay haweeney kale iyo gabar ay dhashay oo meel ku wada sheekeysanayay. Waa madfacii labaad oo xaafadda Al-Baraka ku dhaca, wuxuuna todobaadkii hore uu guri ku dhow guriga uu Caawa ku dhacay uu ku dilay labo ruux, waxayna dadka xaafaddaas ku dhacay ay muujinayaan wel wel ku saabsan sida ay xaaladdooda noqon doonto haddii ay sii socoto tuur-tuurista Madaafiicda. Dadka Xaafaddaas ku dhaqan ayaa waxay aaminsan yihiin in madaafiicdaas ay ku soo rideen Ciidamada Itoobiyaanka ah ee magaalada Muqdisho ku sugan, bacdamaa sida ay yiraahdeen uu madfaca uga imaanayo jihooyinka ay ka xigaan Ciidamadaas. Dadka Xaafaddaas ku dhaqan ayaa waxay aaminsan yihiin in madaafiicdaas ay ku soo rideen Ciidamada Itoobiyaanka ah ee magaalada Muqdisho ku sugan, bacdamaa sida ay yiraahdeen uu madfaca uga imaanayo jihooyinka ay ka xigaan Ciidamadaas. Waa Muqdisho iyo Madfac dhacaya xiliga habeenkii!!, Allow Magantaa, ma taqaanid meel ay wax kaaga soo dhacayaan, waxaaba kaaga sii daran magaalada Isbitaallada ku yaala ma ahan kuwo qalab iyo dawo fiican heysta, waxayna ku tiirsan yihiin Hay'ado Samafal oo markii ay ayaan joogaanba u keena wax xoogaa dawo ah, inkastoo ay jiraan Isbitaallo si gaar ah loo leeyahay oo lacag looga qaato dadka dabiibka loo geeyo. Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid oo u dhow Hotelka Kaah ayaa waxaa ku dhacay Madaafiic, waxaana jiray warar sheegayay in madaafiicdaas loola dan lahaa Hotelka, inkastoo Milkilaha Hotelka Kaah Ibraahim Macallin Kaah uu beeniyay in ay Hotelkiisa madaafiic ku dhaceen amaba loola dan lahaa. Wixii Warar ah ee ku soo kordha Madaafiicda ku dhaceysa Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho kala soco Hiiraan Online Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  24. Biriijkan cusub ee Burco oo dhimahiisa la bilaabay 10/6/2004 loona bixiye DEERO BIRIIJ ayna ku baxday lacag dhan 504,900$ isla markaana ay u hadhsan tahay $ 50,000 sida ENG Faarax Xuseen Axmed oo ah maskaxda maamulaysay biriijkn dhimahiisa ku sheegay war bixino uu u qaybiyey martida uuna dhererkiisu yahay 82m halka balaciicu yahay 9.5m iyadoo wadada gaadhigu marayo ay ku qiyaaseen 7.10m ayna mari karaan baabuur culayskooda gaadhayo ilaa 100ton ah. Sidoo kale gudoomiyaha gudida fulisay dhismaha Biriijkan Yaasiin Maxamuud Cabdi ayaa isaguna munaasibadaas ka sheegay in baahida rasmiga ah ee loo aasaasay biriijkani ay tahay mid ka dhalatay dhibaatootinka wqadooyinka ka haysta shacbiga burco , gaar ahaan daweynaha degan daanta bari ee toga togdheer oo mara badhtamaha magaalada Burco, kuwaasi oo kharaae joogta ah kala kulma xiliyada ay roobab da;aan iyo weliba waqtiyada kulaylaha. Gudoomiyaha biriijku waxa kale oo uu xusay shirkadaha iyo dadka ugu culu culus ee gacanta ka gastay dhismaha biriijkan oo ay hormuud u ahaayeen Xkuumada Soomaali oo bixiay $ 200,000, shirkadaha Indheero oo ku deeqsay 62,000, Dahab shiil oo iyadan ku maalgelisay 72,000 Dolar iyo weliba dadweynaha ( hargaysa iyo burco oo bixiyey 62,000 Dolar, halka ay qurba jooga soomaaliland ku deeqeen lacago kale oo badan, gaar haana jaaliyada UK oo ku deeqday 92,000 Dolar. Ugu danbayntiina masuuliyiinta kale ee ka hadashay munaasibadan waxa ka mid ahaa Gudoo miyaha Xibiga Ucid En. Faysal Cali Waraabe oo shahaado sharaf gudoonsiiyey gudiga biriijka, suldaan maxmed xasan Ibraahim oo iasaga oo ku hadlaya magaca shirkada Telesom ugu yaboohay biriijka $ 5000, masuuliyii ka socda xibiga kulmiye, gudoomiyaha gobolka togdheer oo isaguna shegtay inuu dhagax dhigay Biriijkan iyo weliba sheikh maxamed Cumar Dirir oo isaguna soo dhaweeyey dadaalka gudida horumarintana Burco, isla markaana cadeeyey in Biriijka Hargeys a la bixin doono maalinya berito ah qandaraaskiisa http://qarannews.com/show/12593.html