Mukulaalow
Nomads-
Content Count
899 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Mukulaalow
-
Martini isbitaalka dadka waalan lagu daaweenjiray soo ma aha ? lool. Maya sxb, Maana koobiyo maa ku khaldeysaa? maybe Martini had a mental illness section as well.
-
If you look the pic carefully, the crowd are raising their hands to say "Allahu Akbar", but Mahiga is just standing there, he is not praying, but he does not want to offend the crowd and just waits them to finish their prayer. Shawqi: You know Somalis, we aint good with planning.
-
NO, Banaadir Hospital ayaan ku dhashay 11 July 198*. Yeah in the 80s Banadir was becoming the favorite for pregnant women.
-
Martini Hospital Martini Hospital in Mogadishu, named after a famous Italian general, was founded by Italian colonisers in 1912. A former military hospital, it played a huge role in the 1977 war between Somalia and Ethiopia. Since the fall of the Siyad Barre regime in 1991, Martini Hospital has ceased to function as a hospital. Rather now it is a place of residence to over 1000 families. The last twenty years of conflict have decimated the building. Much of its infrastructure has been destroyed and the place runs now almost like a refugee camp. Most families here have disabled members and attending to their needs means their day to day lives are difficult.
-
I was born in Martini Hospital in Mogadishu. I realize almost half of Muqdishanis born in the 60s, 70s and 80s were born in that Hospital. are you one of them????
-
The is the weirdest place to take a constitution referendum. it seems the Puntland guys smuggled into a shop, bought some Sprite and Jeema from the keeper, got some photos shots, then job done. Referendum in Boocame..
-
Galkacyu: Somlia top leaders spending the night in Capital of Mudug
Mukulaalow replied to General Duke's topic in Politics
Where was Caalin from the burial, I did not see him. -
-
We Had Egal airport, Adan Adde Airport, and now Galkacyo airport has been named after the ex president, A/Lahi Yusuf. Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo ayaa maanta si rasmi ah loogu magac daray madaxweynihii hore ee Soomaaliya AHN Cabdilaahi Yuusuf Axmed. Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo munaasabadii aaskia qaran ee marxuumkaas loo sameeyey ka hadlay ayaa arintaas shaaca ka qaaday. Wuxuuna intaas ku daray in uu go’aankaas kala tashaday madaxda DKG ah ee Soomaaliya gaar ahaan madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo oo horay magac la’aan u ahaa ayaa noqonaya (Abdalla Yusuf Airport), magacaas oo xusuus ku reebi doona maanka bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland. Alle ha u naxariistee Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya islamarkaana ahaa asaasihii dowladda Puntland waxaa maanta aas qaran loogu sameeyey magaalada Gaalkacayo. Waxaana talaabadan uu madaxweyne Faroole qaaday ee ah in uu garoonka diyaaradaha ee Gaalkacayo marxuumkaas geeriyoodey ugu magac daray ay noqonaysaa mid lagu weyneynayao sumcaddii uu Cabdilaahi Yuusuf lahaa iyo taariikhda lama ilaawaanka ah ee uu reebay.
-
DEG DEG: Diyaaradii siday Meydka Madaxweynihii hore Soomaaliya oo goor dhow soo caga dhigatay Garoonka diyaaradaha Diyaaradii siday Meydka Madaxweynihii hore Soomaaliya ayaa goor dhow soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo naxashka lagu sido Meydkiisa laga soo dejiyay diyaarada, waxaa hareer socda Saraakiil ka tirsan dowladda, waxaa ku xardhan Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya. Waxaa Garoonka ku sugan Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra'iisul Wasaaraha, Gudoomiyaha Maxkamada sare, Gudiga qaban qaabada aaska qaran, Safiirada dalalka deriska u fadhiya Soomaaliya, qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo ay socoto qaban qaabada baroor diiqda ama aaska qaran ee loo sameynayo Marxuum C/llaahi Yuusuf. Meydka Madaxweynihii hore waxaa wehliya qoyskiisa iyo mas'uuliyiin kale, iyadoo garoonka ay ku sugan yihiin Cutubyo ka tirsan dowladda oo isugu jira kooxda Baambeyda Muusikada iyo Ciidamada salaanta sharafta u saareysa. Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf oo ku geeriyooday maalin ka hor Magaalada Abu Dubai ayaa lagu aasayaa Magaalada Galkacyo, waxaana Galkacyo ku sugan Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo Mas'uuliyiin kale. Janaaso ayaa la filayaa in goor dhow lagu dukado Meydka Madaxweynihii hore, waxaana hada garoonka khudbad ka jeedinaya Wasiirka Garsoorka, diinta iyo awqaafta Axmed Xasan Gaboobe oo sharaxaya qaabka loogu dukanayo salaada janaasada Meydka, sida Muslimiinta waajib ku tahay. Salaada Janaasada ayaa lagula dukan doonaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho, kadibna waxaa loo sii gudbinayaa Magaalada Galkacyo oo qorshuhu yahay in lagu aaso. Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa tujinaya salaada janaasada ee lagu dukanayo Meydka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf. Wixii ku soo kordha kala soco daqiiqad kasta Munaasabada aaska qaran ee loo sameynayo Madaxweynihii hore Soomaaliya.
-
http://www.nytimes.com/2012/03/24/world/africa/abdullahi-yusuf-ahmed-ex-strongman-of-somalia-dies-at-77.html?_r=1
-
TAARIIKH KOOBAN C/LAAHI YUUSUF AXMED C/Lahi Yuusuf Axmed waxa uu ku dhashay magaalada Gaalkacyo December sanadkii 1934. Markii uu waxbarashadiisa dugsiga dhexe iyo sare ku dhamaystay soomaaliya, wuxuuna galay kuliyada sharciga ciidamada, markaas kadib ayaa laba sano oo waxbarasho gaaban ah loogu diray talyaaniga sanadadii 1954-1956. Sanadkii 1957 dii ayaa loomagacaabay ku xigeenka taliyaha booliiska ee gobolka Benaadir, isagoo jagadaas hayay mudo sanad ah. jagadiisii labaad waxaa 1958 kii uu noqday taliyaha qaybta booliiska ee gobolada Jubada sare iyo jubada hoose. 1960 bilawgiisii ayaa sanad waxbarasho militery ah loogu diray talyaaniga. Markii uu talyaaniga kasoo laabtay ayuu qabtay jagadii ugu horaysay ee militariga isagoo noqday taliyaha policemilitaryga ee qaybta 26 aad ee fadhigeedu ahaa gobolada Woqooyiga soomaaliya. Sanadkii 1964tii ayaa loo Dalacsiiyay darajada Gaashaanle dhexe "Lieutenant Colonel" waxaa uuna isla markaasi u soo gudbay maamulka dhexe ee wasaarada gaashaandhiga soomaaliya. Markale ayaa waxbarasho loogu diray dalka Ruushka (midawga soviet) isagoo galay kuliyadda dagaalka ee militariga (Military war college) sanadkii 1965-66. Markii uu halkaas ka soo noqdayna waxaa laga dhigay taliyaha hogaanka tababarka ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed biishii may ee sanadkii 1968dii. Markale ayaa lagu celiyay gobolada woqooyiga soomaaliya sanadkii 1969kii isagoo halkaas looga dhigay abbaanduulaha ciidankii looyaqaanay "ciiidanka koobaad" ee fadhigooda woqooyiga soomaaliya. Waxaa maalmihii curashada kacaanka sanadkii 1969kii loo taxaabay xabsiga asagoo lagu eedeeyey in uu ka caga jiidayey kanaackii uu hogaaminayey Siyaad Barre. waxaana uu xidhnaa muddo lix-sano ah iyadoo la soo daayay sanadkii 1975tii. Maxamed siyaad barre oo madaxa u salaaxaaya ayaa waxaa uu ka dhigay taliyaha hogaanka gaadiidka iyo dayactirka ee xoogga dalka sanadadii 1975-1977dii. Dagaalkii xoraynta ee soomaalida Galbeed ayaa waxaa loo magacaabay in uu hogaamiyo ciidamada Dagaalka, wuxuuna noqday taliyaha qaybtii kadagaalamaysay koonfur Galbeed soomaaliya, wuxuuna ciidamadii itoobiyaanka cabdulaahi kaga adkaaday dhankaas isagoo ka qabtay dhamaan aaggii isaga ku aadanaa,illaa uu gaadhay magaala madaxda gobolka Nagaylle1978dii. Sannadkii 1978 waxaa dhacay inqilaabka loo yaqaan 'Inqilaabkii dhicisoobey', Waxa uu u galay dalka Itoobiya. Bishii September 1978dii ayuu asaasay mucaaradkii ugu horeeyay ee taariikhda dalka soomaaliya (SSF). Sannadkii 1985 ayuu Mingiste Xayle maryama xabsi ay leeyihiin ciidamadu oo kuyaal Itoobiya u taxaabay C/llaahi Yusuf. Lix-sano oo kale ayuu xirnaa, wuxuuna xabsigii Itoobiya ka soo baxay 1991 kadib markii uu dhacay maamulkii Mengistu, xilligaas oo dawladii Soomaaliyana ay dhacday. Waxa uu tegey Gobolada Waqooyi Bari ee Soomaaliya, halkaas oo uu madaxweyne ka noqday Dawlad Goboleedkii la asaasay bartamahii sannadkii 1998. Waxana uu halkaas madaxweyne ka ahaa ilaa uu ka aadey Eldoret/Nairobi Kenya oo lagu soo dhisayey DFKMG. ISREEB-REEBKII DOORASHADII DFKMG ee 2004 Markey taariikhdu tahay October 10, 2004 ayuu C/Laahi Yuusuf noqday madaxweynaha FKMG ee Dawlada Dhexe ee Soomaaliya. Jagadaas oo uu muddo ku taamayey in uu gaaro. Waxana uu dhawr jeer intii uu shirka Kenya socdey ku celceliyey in uu asagu bilaabay dhibka Soomaaliya uuna asagu dhamayn karo. December 24, 2008 ayaa waxaa soo shaac baxay in C/laahi Yuusuf uu iska casilayo madaxweynaha DFKMG. Isniin December 29, 2008 (oo ku beegnayd 1dii bisha Koowaad ee Muxarram ee sannadka cusub ee Hijrada 1430) ayaa C/laahi Yuusuf iska casiley xilka madaxweynaha DFKMG, kaddib markii uu cadaadis kaga yimid beesha Caalamka, sida uu ka sheegay hadal uu ka jeediyey baarlamaanka Baydhabo oo uu warqaddii is casilaadda ku wareejiyey guddoomiyaha baarlamaanka DFKMG sida uu dhigayo dastuurka FKMG. Cabdulaahi Yuusuf Axmad waxaa uu leeyahay afar caruur ah (Laba wiil iyo Laba Gabdhood) oo ku noolyihiin dalka Kanada iyo marwo. [DGPL waxaa madaxweyna ka soo noqday C/laahi Yusuf Axmed (1998-2004), Maxamed Cabdi Xaashi (2004-2005), Maxamuud Muuse Xirsi Gen. Cadde (2005-2009), C/Raxmaan Faroole (2009- ilaa iyo hadda)]. Dhacdooyin Kooban ee Soomaaliya: * June 2006- ayaa Maxkamaduha Islaamigu waxay si rasmi ah gacanta ugu dhigeen Muqdisho. * December 28, 2006 - ayaa maxkamaduhu ka baxeen Muqdisho, maarkaas oo Itoobiya gashay caasimada Soomaaliya markii ugu horeysey taariikhda Soomaalida oo muddo dheer colaadi ka dhaxaysey. * January 8, 2007- ayaa C/laahi Yuusuf waxa uu markii ugu horeysey Muqdisho ka degey ilaa marki la doortay October 2004. * August 30, 2007 - ayaa Muqdisho waxaa lagu qabtay kulkan ballaaran oo ay ka soo qayb galeen beelo badan Soomaaliyeed, kulaankaas oo loogu yeeray dib u heshiisiin beeleed ayaan dhalin maxsuul. * March 26, 2008 - ayaa markale dagaalyahano ka tirsanaa Maxkamaduhu ay qabsadeen Jawhar oo la ollog ah Muqdisho. * August 18, 2008 - ayaa Jabuuti waxaa heshiis ku dhex maray qaar ka tirsan maxkamadihii iyo DFKMG, in kasta oo qaar kale ku gacan sayreen heshiiskaas.. * August 22, 2008 - ayaa Koox ka tirsanaa Maxkamadihii ama/iyo Al-Shabaab ay qabsadeen magaalada dekedda ah ee Kismaayo, kaddib markii uu halkaas ka dhacay dagaal dad badani ku dhinteen. * November 12, 2008 - ayaa magaalada Marka waxay ka baxday gacanta DFKMG.. * November 14, 2008- ayaa Al-Shabaab waxay la wareegeen Siinka-Dheer iyo Ceelasha oo Muqdisho u jira 15 Km. Markaasna C/laahi Yuusuf waxa uu qiray in kooxaha ka soo horjeeda ay gacanta ku hayaan badanaa Soomaaliya, isagoo muujiyey in ay dsuurtagal tahay in xukuumaada DFKMG ay afka ciida la geli karto. * November 28, 2008 - ayaa Itoobiya sheegtay in ay la baxayso Ciidamadeeda ku jira Soomaaliya. * December 10, 2008 - ayaa markii ugu horeyey (ilaa markii laga cayriyey) waxaa Muqdisho ku laabtay Sh. Shariif Sh. Axmed oo warbaahintu ugu yeraan Islaamiyiinta aan mayalka adkayn. (Waxaana la sheegay in wixii ka dambeeyey cayrintii Maxkamadaha ee Muqdisho ay Soomaaliya ku dhinteen dad tiradoodu gaareyso ilaa 16,210 qof, sida ay werisey Reuters.) * December 14, 2008- ayaa C/laahi Yuusuf waxa uu sheegay in uu xilka ka qaaday ra'iisul wasaaraha DFKMG, Nuur Cadde, isaga oo u cuskaday in xukuumaddiisu ku guul daraysatay wax ka qabashada ammaanka dalka. Maalintii xigtey ayaa waxaa la sheegay in barlamaanka DFKMG ee Baydhabo ay xilka ku celiyeen Nuur Cadde, in kasta oo filim laga duubay muujinayey buuq iyo sawaxan in uu kulankaasi ku dhammaaday (daawo....) * December 16, 2008 - ayaa C/laahi Yuusuf waxa uu ra'iisul wasaare u magacaabay Gacma Dheere. * December 24, 2008 - ayaa Gacma Dheere waxa uu shir jaraa'id (Baydhabo) ka shegay in uu iska casiley xilkii ra'iisul wasaare. Isla markaas waxaa soo baxay in C/laahi Yusuf afhayeenkiisu uu sheegay in madaxweynaha DFKMG uu is casilayo December 27, 2008.
-
I would like to know when Eritrea pushed us to fight with Ethiopia. Nune you know everything. They support every group who would oppose a system of governance so that Ethiopia would be bogged down on its eastern frontier while they wave the white flag. Somalis don't realise but Eretria and Egypt are not better than Ethiopia. And some will wail Walaaleheen Eletareeyo.
-
They always push us to fight Ethiopia while they don't even when their country is invaded. cowards.
-
http://www.bbc.co.uk/news/world-africa-17397091
-
http://www.bbc.co.uk/news/world-africa-17413626
-
Baraanbar see 'fiican' ku noqonee? Alaalaxna qooq ku sheegtay. Aloore Makulaaloow adigaa u baahan in laguu sharxo marka. Siisoow iyo siteeymanoogto yaa weyn soo sheegba. MMA, aniga koleey reer waaberi aan ahaa marka kaas waa alaalaxay waxey badanaa u isticmaali jireen kind of "horny" camal. Siteey & Siisow maxaa iska galay, siisow badanaa waa flatbed truck, siteey laakiin waa gadaal wee u wentahay, siteeydaa dhaqso badan oo dagdag badan.
-
Welldone Atirisho, afkaaga caana lagu qabay.
-
1) Baashaal.. 2) Bajaq, 3) Baliil. 4) Buufis. 5) Bilaash. 6) Bilcaan. 7) Baxar. 8) Buxuur. 9) Bakar. 10) Bilaayo.
-
1. Caasho Carab dheer = xariiqda dheer ee cirka qaaca diyaaradaha hawada sare & inan afka ka falan. 2. Isbartiibo = Stadium 3. Aalbiitare = Refree 4. Banooni = Ball 5. Salax = flat 6. Dhooqo = mud, dhoobo 7. Kaambiyo = half time 8. Fooro = hand throw 9. Rigooro = penalty 10. Foorfeed =?????????? 11. Aalamiinto = exercise & training. 12. Maano = hand ball. 13. Abuu Cirbad = type of ball pressure?????? 14. Kamal = ?????????????? 15. Moolo = ball on air not touching ground?? 16. Rooso = Red card. 17. Jaalle = Yellow card 18. Aalto = over the bar. 19. Shaati siib = substitute???? 20. Cub iyo Cir = Head or tails.
-
5) Laga roone. = Qawmu luud 6) Maskiin seefle.= Namiim, diradiraalow. 7) Shariif sakiin. = khaa'in. 8) Baac. = Doqon. 9) Boolo. = Wax matarto. 10) eeyaa cuni. = Waa lagu kala kacay. 11) Baraanbar. = Fiican. 12) Daash. = Barandada????? 13) Bareejo. = Barbar dhac 15) Boolaboolo. = Duck.
-
Bannad: gaw ii gash maleh I like that;)
-
Popular Contributors