Macallinka
Nomads-
Content Count
1,044 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Macallinka
-
Musharax Dr, Maxamed Farmaajo oo la kulmay Xildhibaanada Bay iyo Bakool maanta. Maxaase kasoo baxay kulankaasi. Musharaxa madaxweyne ee Dr, Maxamed Abdilaahi Farmaajo oo baryahanba waday kulamada uu la qaadanayo qeybaha kala duwan ee xildhibaanada ayaa maanta waxaa uu kulan gaar ah la qaatay xildhibaanada iyo odayaasha dhaqanka beelaha Digil iyo Mirifle . Shirkan oo ka dhacay garonka diyaaraha Aden Cade ee Muqdisho ayaa waxaa diirada lagu saarayey ka hadalka marxalada uu dalka iminka marayo,taasi oo ay ugu horeyso arrimaha doorashooyinka madaxweynaha ee 10 bishan ka dhici doonta Muqdisho. Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr, Maxamed Abdilaahi Farmaajo ayaa waxaa uu xildhibaanada u jeediyey fikirkiisa siyaasiga ah iyo inuu diyaar u yahay haddii loo doorto madaxweynaha dalka Soomaaliya inuu soo dhiso xukuumad dalka ka saartay burburka iyo nidaam la’aanta ragaadisay. Waxaana uu sidoo kale xildhibaanada ka socday Farmaajo inay codkiisa ku taageeraan si uu ugu guuleysto xilka Madaxweynenimada,isagoona aad uga mahadceliyey kulanka ay maanta la qaadteen isaga iyo odayaasha dhaqanka beelaha Digil iyo Mirifle. Waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyey kartida xildhibaanada hadda Soomaaliya loo doortay badidooda. ” Waxaan ku faraxsanahay in aan maanta kulan idin la qaato sababtoo ah waxay tani qeyb ka tahay wadahadaladeyda aan ugu gogol-xaarayo tartankeyga dhinaca doorashada. Waa la socdaa rag badan ayaa ku jira orad dhinaca tartankaasi ah,haddana markii aan fiiriyo waxqabadkeygii “lixdii bilood” ee aan xukuumadii TAYO hogaaminayey waxaa ii muuqata in aan ahay qofka mudan in dalka waqtiga soo socda hoggaamintiisa lagu aamini karo” ayuu yiri Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Musharaxa u taagan doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya Dr, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. Xildhibaanada iyo odayaasha dhaqanka beelaha Digil iyo Mirifle ee kulankaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyey musharaxnimada Dr, Farmaajo waxaana ay dhinaca kale sheegeen inay taageersan yihiin dadaalkiisa uu ku doonayo xilkaasi. Waxaana sidoo kale ay sheegeen inuu Farmaajo qeyb ka yahay rajada Soomaalida. “Farmaajo la soco waxaa tahay rajada dib usoo nooleynta dalkii oran jiray Soomaaliya ee xilli awood muuqata ku lahaa geeska Africa, haddaba si taasi loo helo waxaan kuugu hambalyeyneynaa inaad haddii alle garto noqon doonto Madaxweynaha Soomaaliya. Ciddii taqaan taariikhdaada iyo waxqabadkaagii intii aad xafiiska xukuumadda joogtay, ma fileyno inay ka laba-labeynayaan doorashadaada” ayuu yiri mid ka md ah odayaasha dhaqanka beelaha Digil iyo Mirifle ee shirka joogay. Kulankan oo ahaa mid ammaankiisa aad loo adkeeyey islamarkaana ka dhacay garoonka diyaaraha ee Aden Cade International ee Muqdisho ayaa waxaa uu kusoo dhamaaday inay isla fahmeen Dr, Farmaajo iyo xildhibaanadii iyo odayaasha Digil iyo Mirifle in la doorto musharax dalka ka samatabixin kara xaalada adeg ee uu ku jiro. Xildhibaanada la shiray ee Digil iyo Mirifle ka tirsan waxaan la socon oo ku jirin Shariif Xasan Shiikh Aden oo isaga xilli siyaasad dagaal adeg ku dhisan la galay Dr, Maxamed Farmaajo,inkastoo wararka iminka xamar ka imaanaya ay sheegayaan inuu jiro xiriiro hoose oo laga dhex bilaabay Farmaajo iyo Shariif Xasan kuwaasi oo ku aadan in codka Shariif Xasan ee ku leeyahay Baarlamaanka inuu ku taageero Farmaajo si uu ugu badsado codadka uu ka helo doono xilliga doorashada. Kulankaan Farmaajo uu la qatay Beesha Bay iyo Bakool ayaa waxaa uu daba socday Kulamo aan kala jogsi lahayn oo uu musharax Farmaajo la qatay Beelaha
-
@Somalia , Mogee iyo CO It looks like Abdiwali and his boyz runout the steam lol See wax u jiraan nowadays . My source from Mogadishu telling me even SAKIN refused to meet Abdiwali at Airport when he went back to Mogadishu? Kenya iyo Bada saxiixeeda ayaa odayga ladagay ayan filayaa, he put all his eggs in one basket .....he thought Kenya will make him a president lol There is alwayz next four yrs u knw :cool:
-
Farmajo on Good Governance
-
Some other MPs and their elders
-
Farmaajo meeting with top Military officer, they came to his place to give their respect.
-
Farmaajo is working very hard, while others are making empty noises , he is busy building his support at the grassroots level i.e. meeting Odaayl dhaqameedka and their chosen MPs. In this PIC you can see him sitting between two prominent Ugaases . One from Dayniile the other from Gedo. Farmaajo meeting elders from Bay iyo Bakool today in which they endorsed him.
-
I feel sorry for these ppl . They all look young and dangerous.
-
Farmaajo's chance is looking great, he has been busy meeting with new MPs and Odayaasha qabiilada for the last few days. He is quietly acquiring more votes while the other candidates are busy flying in and out of Mogadishu.
-
Musharax Maxéd Cabdullaahi Farmaajo & Guddoomiyaha baarlamaanka oo kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Villa Somalia Waxaa Galabtay Magaalada Muqdisho ku kulmay R/wasaarihi hore ee Somalia Dr Maxamed Cabdilahi Farmaajo iyo Afhayeenka Barlamanka Somalia Prof Maxamed Cisman Jawaari. Kulankaan ayaa waxaa uu ka dhacay Hoyga u Magaalada Muqdisho ka dagan yahay afhayeenka Barlamanka Somalia Prof Maxamed Cisman Jawaari R.wasaarihi hore ee Somalia ayaaa waaxaa hoygiisi ka waday Cutub ka mid ah Ciidamada Amisom oo ayagu qabilsan Amanka Musharax Farmaajo marka uu Magaalada u baxaayo Amisom aya waxaa si nabad ah ku geyeen Mudane Farmaajo Villa Somalia halkaa oo uu kulan sacado badan qatay kula yeeshay Gudomiyaha Baralamanka Somalia Jawaari. inti uu Farmaajo galin hoyga jawaari waxaa la arkayay Shaqalaha Villa Somalia oo si farxad ay ku jirto u gacan qadayay Mudane Farmaajo oo mar R/wasaare ka soo noqday Somalia shaqalaha soo dhaweyay Farmaajo ayaa waxaay iskugu jireen kuwa Gudomiyaha Barlanka iyo kuwa Madaxweynaha . Ila xog ogaal ah ayaa waxaay ino shegeen in Kulanki dhexmaray Labada masuul loga wada hadlay Xaalada Wadanka Somalia iyo Isbadalada Cusub ee Somalia ka socda masuliyinta waxaay isku soo qadeen in Doorashada Madaxweynaha Somalia ay u dhacdo si cadaalad ah oo la mid ah midi horay logu dortay Gudomiyaha Barlamanka. Maxamed Cabdilahi Farmaajo ayaa waxaa uu qayb libaax ku laha soo bixintaanka Maxamed Jawaari sida aan xogta ku hayno Farmaajo waxaa uu 85 ka mid ah Taagereyaasha ugu jira Barlamnaka Somalia ku wargaliyay in ay codkooda siyaan Prof Jawaari oo uu markaasi u arkayay in uu yahay Aqonyahan wax ka badali karan qabdhismeedka Barlamanka Somalia. Prof Jawaari ayaa hada waxaa uu gacanta ku haya labo qaybood qayb codka beelaha digil iyo mirifle waxaana uu si weyn tartan culus ugu jira Shariif Xasan oo asagana haysta qayb ahayn Xubnaha barlamanka Digil iyo mirifle. Xiriirka Farmaajo iyo jawaari ayaa waxaa uu maraya meeshi ugu saraysay waxaana dhawaan Prof jawaari wareysi u siyay Wargays ka soo baxaa wadanka Taliyaaniga u ku shegay in asaga iyo Xildhibaanda Cusub ee Barlamanka SOmalia ay doraan doonan qofka ay Shacabka Somaliyeed rabaan waxaan ku codeyn doona rabitaanka Shacabka Somaliyeed ayu ku yiri wareysigaas Prof Jawaari. Isku soo wada duubo Shacabka Somaliyeed ayaa horay u sadaaliyay in Musharax Jawaari u ku gulaysan doono Afhayeenka Barlamanka halka hada Shacabka Somaliyeed ay saadalinayaan in Farmaajo uu ku gulaysan doono Dorashada heerka madaxweyne ah ee ka dhacayasa Somalia.
-
A tale of two leaders; Abdiweli Shari's arrival at Mogadishu....
Macallinka replied to General Duke's topic in Politics
Carafaat;864112 wrote: Duke, where is Farmaajo. Isnt he in the race. Farmaajo is busy meeting the new MPs while these other guyz are busy mourning for Melez;) Farmaajo is the real deal compare this two guyz . -
lool @ Fak iyo fak soo dheh
-
I like to see Kenyan been taught some lesson here even though i don't support Al-shabaab. Media in Kenya have been feeding their audience false news and pure propaganda since they invaded Somalia. News coming from Kismaayo is saying they have been hit hard which I welcome. I don't understand those who shading crocodile tears for some dead soldiers ? Do u know they have been bombarding civilians since they have invaded Somalia ? they have killed some of my relatives(young girls ) and their news portal reported it as a success hit by the KDF in which they have killed scores of Alshabaab fighters at the time.
-
Mooge;862960 wrote: dharki ba tuurtay maanta macallinka. your calm reasonable guy veil is coming off. how can you accuse someone of "having intentions" looool ninyoow sida isu dhaan nin weyn ba tahaye. I guarantee you Abdiwweli is right now working hard to get Sakiin's votes . ka naxoo nafta waa. loooool i pray the guy who sold the sea Shariif Ahmed never comes back. Mooge sxb siyaasada inad taqaan baan modi jiray see wax u jiraan . Do you think Sharif Sakin will give up his votes without any deal loool ? All am saying is there a meeting going on and you have agreed with me the existance of such meeting between Abdiwali (the good guy lol), Sakiin and Kenya . Now, that deal is not good for our country do concur ? Forget about Abdiwali now think big?
-
Mooge;862946 wrote: 1. Who was the president when the sea was sold: Sheikh Shariif 2. Who was the Prime Minister when the deal was stopped and put on hold: Abdiweli. 3. Who posted this topic: Macallinka from Gedo 4. Who does Macallinka Support: Farmaajo and Shariif. lool. 5. Where did he get this rumor: fadhikudirir clannish websites supporting Shariif and farmajo. 6. Why is macllinka attacking Abdiweli: desperate times call for desperate measures 7. Are there rumors about Farmaajo: Yes. Bad ones. 8. What are the intentions of these rumors: to stop Abdiweli from getting Sakiin's supporters 9. Will this work: nooo because the rumors want to bring back the guy who sold the sea to begin with (Shariif ahmed). Why would Somalis suspect someone else who is not even president yet who already stopped the bad deal. Nice try sxb. Fact : Abdiwali, sakiin and kenya are meeting - We know the nature of Sakiin , can you tell us why Abdiwali(the good guy) will be meeting with someone that we all know is a traitor and works for foreign interest at crucial moment ? Abdiwali is so desperate he is willing to do anything to become president and that is a danger move for our country. Hopefully though, this time we have competent MPs who will stop this happening .......and u know what that means. It means they won't be voting for Abdiwalli
-
Did she do this when she was attacked ?
-
I remember those cassete recordings vividly . I also remeber a stroy that happened to a reer xamar guy , he moved to Hargaysa and got married to one of the local girls , stayed there for years until his accent changed, one day he decided to record a cassate for his family back in Hamar. So the family gathered around the dirin to listen up what their son was saying, the father was about to pray and he heard a reer waqooyi accent from distance and he said war BBC-da naga damiya aan tukanee not knowing that person talking was his son I remember that too .
-
The rumour is turning into reality , the news of the un-holly deal is coming out rapidly . Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo shaaciyey inuu jiro heshiis dhexmaray Cabdiweli Gaas & Kenya (Warbixin) Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey inuu jiro heshiis dhexmaray dowladda Kenya & musharaxa madaxweynenimada Soomaaliya Cabdiweli Gaas, heshiiskaasoo ku saabsan in Kenya ay kala shaqeyso Cabdiweli inuu doorashada ku guuleysato, Cabdiwelina uu Kenya ugu deeqo qeyb ka mid ah badda Soomaaliya. Xildhibaan Max'ed Cali oo ka mid ah xildhibaanadaasi wuxuu sheegay in saacadaha soo socda ay saxaafadda u soo bandhigi doonaan nuqulo ka mid ah heshiiskaasi, wuxuuna tilmaamay in dowladda Kenya ay waqtiga lugaheeda ku walaaqeyso sidii ay Soomaaliya uga xaroobi laheyd xilliga KMG ah, looguna guuleysan lahaa in Soomaaliya ay yeelato dowladnino taam ah, si loo soo celiyo sharcigii & kala dambeyntii. "Safarkii Shariif Xassan uu ku tegay Kenya wuxuu ahaa mid ay u yeertay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, waxaana shirar is-daba joog ah la galay madaxda Kenya oo ay ugu horreeyaan hay'adaha sirdoonka, arrimaha dibedda & arrimaha gudaha, waxaana Shariif Xassan oo ka mid ah siyaasiyiinta xiriirka wanaagsan la leh madaxda Kenya lagu caddaadiyey inuu dowladda Kenya kala shaqeeyo sidii Cabdiweli Gaas ugu guuleysan lahaa xilka madaxweynenimada Soomaaliya, Shariif Xassanna wuxuu codsaday in la siiyo waqti uu kaga soo fikiro oo 3 cisho ah, balse waa laga diiday, waxaana culeys heer kasta ah lagu saaray inuu heshiiskaasi la saxiixdo Kenya, isagana la siiyo wasiir aan dhicin mar walba, & dhaqaale intii uu doono gaaraya, Shariif Xassan ilaa hadda heshiiska ma saxiixin, waayo wuxuu nin aad u yaqaan halka ay siyaasadu u gar-naqsaneyso, wuxuuna ogyahay xittaa haddii uu xildhibaanada Digil & Mirifle oo ah kuwa keliya ee uu isku haleyn karo marka laga reebo 10 xildhibaan in haddii uu yiraa codadkiina Cabdiweli siiya in aysan siineyn, sababtoo ah Cabdiweli ma ahan nin lagu aamini karo xil madaxweyne, tan kale ee in la ogaado ay tahay waa, in Cabdiweli loo doorto R/wasaare dad badan ayey (suprise) ku noqotay waana arrin xaqiiqo ah, dadkaasi 2 arrimood ayey ku sababeynayaan in Cabdiweli aanu istaahilin xittaa xil wasiir: (1) Ma ahan shaqsi caafimaadkiisu wanaagsan yahay, labbo sano ka hor Cabdiweli dadkii aqoonta u lahaa ma rumeysan karaan in lagu aamini jago wasaaradeed, ilaa haddana wuxuu qaataa daawooyin kaalmaati ah. ninka ceynkaas ah oo la yiraa madaxweyne ayaad dal u tahay waa GEEL CALOOSHA LAGA RARAY! (2) Cabdiweli waa nin qabali ah, oo xittaa cidda uu ka dhashay ee ********** laflaf & jilib jilib u kala ficlaya, taasna dad badan ayaa marqaati ka ah, imisa jeer ayaa la arkay isagoo meel fagaare ah ku aflagaadeynaya xildhibaano ********** ah oo uu leeyahay, adigu inan gumeed baad tahay, adigu laan-gaab baa tahay, waa nin mustawahiisu aad u hooseeyo, in qof ceynkaas ah laga dhigo madaxweyne waxey ka dhigan tahay Soomaaliya oo qabrigii loo raadinayey la helay, laguna aasay" ayuu yiri Xildhibaan Max'ed Cali, wuxuuna xusay in baarlamaanka federaalka loo qeybin doono heshiiska uu saxiixay Cabdiweli, ayna shirarkooda ugu soo horreeya looga doodi doono arrima la xiriira heshiiskaas.
-
Tacsi: Hooyo Faadumo Khaliif Oo Ku Geeriyootay Laascaanood-
Macallinka replied to Aaliyyah's topic in General
Allah yarxam , qabriga ilaahay ha u waasiciyo aamiin -
6-year-old Somali girl missing in southern Sweden
Macallinka replied to oba hiloowlow's topic in General
Alhamdullaih am so relieved .!
-
Popular Contributors