Cambuulo iyo bun

Nomads
  • Content Count

    2,223
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Cambuulo iyo bun

  1. Ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo la wareegay Degmada Bardaale ee Gobolka Bay iyo Baydhabo oo laga baxayo Arbaco, Feberaayo 22, 2012 (HOL) — Ciidamada DKMG ah oo ay kaabayaan kuwa Itoobiya ayaa saakay la wareegay gacan ku haynta degmada Bardaale ee gobolka Bay, kaddib dagaallo ka shalay gallinkii dambe ka dhacay duleedka degmadaas. Xoogaggii Al-shabaab ee ku sugnaa degmadaas ayaa la sheegay inay xalay isaga baxeen, iyadoo ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya ay la wareegeen saakay iyagoo aan wax iska-caabin ah la kulmin. Goobjoogayaal fara ku tiris ah oo ku sugan degmada Bardaale ayaa saxaafadda u sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo wata gaadiid ay taangiyo ka mid yihiin ay soo galeen saakay degmada iyadoo aanay wax dagaallo ah dhicin. "Degmada Bardaale waxaa si buuxda gacanta ugu haya ciidamada huwanta ah ee ka yimid dhinaca gobolka Gedo, xaaladduna waa mid daggan," ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku haray degmada Bardaale oo sababo dhinaca ammaanka ah u qariyay magaciisa. Xildhibaanno ka mid ah saraakiisha hoggaamiyaha ciidamada DKMG ah ayaa iyaguna sheegay in qorshahoodu yahay inay Al-shabaab ka saaraan toddobaadkan degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Wararka laga helayo degmada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamadii iyo saraakiishii Al-shabaab ay halkaas isaga baxayaan, waxayna dadka qaarkood sheegayaan inaysan garanayn halka ay u socdaan. "Baydhabo waxaa saakay ka baxaya ciidamadii iyo saraakiishii Al-shabaab, sidoo kale waxaa hawada laga saaray 7:00 aroornimo ee saakay idaacaddii Andulus oo ku hadlaysay afka Al-shabaab," ayuu yiri goobjooge ku sugan Baydhabo. Wasiirro iyo saraakiisha ciidamada DKMG ah oo Muqdisho kulan ku yeeshay gallinkii dambe ee shalay ayaa sheegay in qorshah dowladduu uu yahay in Baydhabo laga qabsado Al-shabaab maalinta Jimcaha ah ee soo socda. Dowladda KMG ah iyo ciidamada ay kaashanayso ayaa waxay tan iyo sannadkii hore wadeen dadaallo ay ku doonayaan inay xoogagga Al-shabaab uga saaraan gobollada ay ka taliso gaar ahaan kuwa ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha dalka. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  2. Rudy the ethiopian soldiers and the tfg soldiers are now in the outskirts of bardaale which is located 50 kms from Baydhabo.
  3. It look like Al shabaabs strategy now is to vacate every city in somalia and wage a hit and run strategy due to the military capacity of the government troops and their allies
  4. Barakac balaaran ayaa wuxuu ka soconayaa Magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay, kadib markii Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya ay si weyn ugu soo dhawaadeen Magaaladda Baydhabo. Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya oo ay hareer socdaan Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ayaa waxay soo buuxiyeen ilaa afar ka mid ah daafaha Degmada Bardaale, waxayna cagaha kula jiraan inta badan Degmada Bardaale. Waxay taasi dhalisay in Xoogaga Shabaab ay isaga baxaan qeybaha kala duwan ee Degmada Bardaale, isla-markaana waxaa laga cabsi qabaa in Xoogaga Shabaab ay miinooyin ku aaseyn qeybo ka mid ah Degmada Bardaale. Saraakiisha Dowladda ayaa waxay sheegeen inaysan gacanta ku dhigi doonin Xaruunta Degmada Bardaale, ilaama sida ay sheegeen ay ku sameynayaan baaritaano ka dhan ah, in walxaha qarxa, haddii ay Shabaabku ku aaseyn Degmada Bardaale. Waxaa soconeysa dadaalo balaaran oo ay Ciidamadda Dowladaha Somaliya iyo Itoobiya ay ku doonayaan, inay kula wareegaan Xaruunta Degmada Bardaale, waxaana jira ciidamo gaar ah oo la-sheegay in loo-diray. Dhanka kale barakac balaaran ayaa wuxuu ka soconayaan Magaaladda Baydhabo, halkaasoo qaar ka mid ah dadkii ku dhaqnayaa ay u kala hayaamayaan qeybaha kala duwan ee Gobolka Baay, kadib markii dareen xoog leh ay ka muujiyeen Ciidamadda Milatariga ee Itoobiya. Majirto wax war ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan ka bixistooda Degmada Bardaale, hase yeeshee waxaa laga cabsi qabaa in Xoogaga Shabaab ay soo qaadaan dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah
  5. if those people can claim banaadir i can claim boosaaso LOL, those people living in those government buildings and private houses migrated from Galgaduud/mudug area in the 90s ask anyone..
  6. Maadeey, widaayow ibrahim al muqdis aa saas hore uu yiri
  7. Hermet those people u r saying is the people of muqdisho is actually kooyto who lives more than 500 kms from the capital ee hadii diidan wareejinta guryaha xaaranta xamar in sii deg deg looga tarxiilo waaye nabadiidka xaramiyasha
  8. Miskiin abaa meeshaneeti maamulkeeda aa laga hadlooyaa kaliyaa
  9. Only cadcad,bantu and the subclan of the president can claim banaadir
  10. Garoowe anaa leh banaadir waakula leeyahii wax jiraayo ama socoheeso maha.. Xamar lama kala laho waase loo xigaa ma maqasheen yes indeed saas ee ahaanee,, ummado dhan waa leeyahiin caasimadda weena degi karaan but maamulkeeda haloo dhiiiiboo dadkeedi
  11. Boondheere hotel muna in xamarweyne is a good option
  12. lol yeah it was new bakaara these days but my question was how will they survive if they calling the people infidels shacabka waa la shukansadaa lee not calling them infidels lol
  13. Great though that the people are going back to their homes in xamar since 2007
  14. where is maadeey everyone?? another thing how the hell r they goin to get support by the people if they are being called infidels every day..
  15. “Seddex meelood oo laba dadkii degenaa dhulkaan aan hada joogno oo ceelasha biyaha ay ku jirto way guureen waxayna u guureen dhulka ay gaalladu xukunto waxa hada jooga ee inta ku harayna waa inyar oo soo hartay iyaguna cabsi ayey ku joogaan waxayna taasi daliil u tahay in dadku markii horeba gaallada jeclaayeen,anagana niyada naga nacaayeen”ayuu hadalkiisa si carro leh ugu yiri horjooge Fu’aad Shongole. http://radiomuqdisho.net/fuaad-shongoledadka-ka-barakacaya-deegaanadeenna-diinta-way-ka-bexeendhageyso/
  16. If even inajaad is saying boondheere xishod maleh then thats some serious business
  17. hahaha MMA odayashaas ne waxaas ee barteen yaah ,ani koo mininka laga burihaaye aa moodaaye