Cambuulo iyo bun
Nomads-
Content Count
2,223 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Cambuulo iyo bun
-
Breaking News: Big explosions going on right now in Xamar
Cambuulo iyo bun replied to Cambuulo iyo bun's topic in Politics
Ciidamada gaarka ah ee dowladda ee loo yaqaano Gaashaan ayaa gudaha u galay xarunta, kadib iska hor imaad saacado socday, oo gudaha xarunta UN-ka ka socda. Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa sheegay inay dib ula wareegeen xarunta, ayna ka sifeeyeen kooxihii weerarka ka dambeeyay. Qaraxyo dhowr ah ayaa gudaha xarunta ka dhacay, kuwaasoo ahaa kooxihii hubeysnaa oo gudaha isku qarxiyay. Gaari yar oo qarax laga soo buuxiyay ayaa markii hore lagu furtay albaabka xarunta UNDP, iyadoo kadib raga hubeysan oo watay Tuutaha ay galeen xarunta. Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa xarunta gudaha ugu jira, kuwaasoo ammaanka xaqiijinaya, sidoo kale waxaa xiran wadada isku xirta KM4 iyo Air Porka. Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa gaaray xarunta UNDP, waxaana ka mid ah Taliyaha Booliska Jen, Saacid iyo Taliyaha nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Ereg. Ma jirto wax rasaas ah oo haatan ka socota Xarunta UNDP, iyadoo la qaadayo dhaawacyo dadkii weerarka ismiidaaminta ku waxyeeloobay. Ilaa iyo hada waxaa la xaqiijiyay ilaa saddex ruux, inkastoo qasaaraha uu intaa ka badan tahay, dadka dhintay ayaa ka mid ahaa dad banaanka marayay markii qaraxa dhacayay. Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe -
Breaking News: Big explosions going on right now in Xamar
Cambuulo iyo bun replied to Cambuulo iyo bun's topic in Politics
its over now.. -
Breaking News: Big explosions going on right now in Xamar
Cambuulo iyo bun replied to Cambuulo iyo bun's topic in Politics
Alpha group just entered the building -
Breaking News: Big explosions going on right now in Xamar
Cambuulo iyo bun replied to Cambuulo iyo bun's topic in Politics
Nabad sugidda just got sent to the scene the police couldnt do shid -
Breaking News: Big explosions going on right now in Xamar
Cambuulo iyo bun replied to Cambuulo iyo bun's topic in Politics
explosion nr 9 just happened.. walahi its so sick they are blowing up themselves one by one what the hell are amisom and government soldiers doing? -
Breaking News: Big explosions going on right now in Xamar
Cambuulo iyo bun replied to Cambuulo iyo bun's topic in Politics
explosion nr 8 now :eek: -
Breaking News: Big explosions going on right now in Xamar
Cambuulo iyo bun replied to Cambuulo iyo bun's topic in Politics
6th explosion now the al shabaabs are blowing up eachother one by one -
Breaking News: Big explosions going on right now in Xamar
Cambuulo iyo bun replied to Cambuulo iyo bun's topic in Politics
the 5th explosion now.... -
Breaking News: Big explosions going on right now in Xamar
Cambuulo iyo bun replied to Cambuulo iyo bun's topic in Politics
Khadafi;962801 wrote: cambuulo xaa nogu nixinee? meeshaas 2 week kadib aan u socona, mana rabo in lii qarxiyo:D -
Breaking News: Big explosions going on right now in Xamar
Cambuulo iyo bun replied to Cambuulo iyo bun's topic in Politics
Weerar ismiidaamin oo xoog leh ayaa goor dhow ka dhacay Xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho, kadib markii baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu isku qarxiyay afaafka hore ee Xarunta. Sida ay sheegayaan wararka qaraxan oo dhacay abaarihii 11-30 xilliga Muqdisho ayaa la sheegay in markii qaraxa dhacay rag hubeysan ay gudaha u galeen. Rasaas ayaa laga maqlayaa gudaha xarunta, iyadoo raga hubeysan ay u suura gashay markii qaraxa lagu furtay albaabka ay gudaha u galeen. Qarax kale ayaa isla gudaha laga maqlay, kaasoo loo maleynayo inuu ahaa ruux xirnaa waxyaabaha qarxa. Weerarkan ayaa u muuqaal eg kii 14-kii bishii April lagu qaaday Xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir, halkaasoo weerar is qarxin iyo toogasho ka dhacday. Wadada isku xirta Isgoyska KM4 iyo Garoonka diyaaradaha ayaa ah mid xiran, iyadoo ciidamo fara badan ay goobta buuxiyeen. Jowhar.com -
Breaking News: Big explosions going on right now in Xamar
Cambuulo iyo bun replied to Cambuulo iyo bun's topic in Politics
Update: Al shabaab members attacked a UNDP office near the airport and they are inside the building right now but my sources are not sure wether they are inside the building or not, heavy gun fighting right now -
-
-
Interesting debate between Dr Culusow and Dr Faisal Rooble
Cambuulo iyo bun replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
xiinfaniin;962763 wrote: Put this way: in the SOL context it was like Ilyria vs Malistar2012 and Daqane -
so sad
-
Alpha's Troll and Cantarbaqash Corner LOL
Cambuulo iyo bun replied to Alpha Blondy's topic in General
thats the spirit inaar :cool: -
Kulan ay ka qeybgaleen maamulka gobolka Sh/dhexe iyo nabadoonada beesha Walamooy ayaa lagu gaaray heshiis kadib markii dagaal uu dhex maray dhowaan ciidamada dowlada iyo maleeshiyo beeleed ka soo jeeda beesha Walamoy oo ka mid ah Lixda Shiidle. Guddoomiyaah maamulka gobolka Sh/dhexe Cabdi Jiinow uu sheegay in falalkii ka dhacay degmada Jowhar ay ahaayeen kuwo fool xun isagoo ku tilmaamay fal maangaabnimo ah dil loogu geystay deegaano ka mid ah degmada Jowhar maalmihii la soo dhaafay. Hadal uu ka jeediyay shir jaraa’id oo lagu qabtay xalay xarunta maamulka gobolka Sh.dhexe ayaa waxa uu guddoomiyaah gobolka Sh/dhexe Inj Cabdi Jiinow Calasow uu ka hadlay hadalo uu sheegay Suldaanka beesha Shiidle Suldaan Axmed Rashiid Shiikh Shuceyb, “Nin suldaan ah oo bulshada sharaf ku leh inuu ka hadlo qalabka warbaahinta isla markaana ku faanay inuu wax dilaayo ma aqaano sida ay wax ka noqdeen balse annaga maamul ahaan,gobol ahaan,degmo ahaan,beel ahaan waxaan leenahay ilaahay ha ka cafiyo.” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Sh.dhexe Cabdi Jiinow “Wuxuu dusha u dhigtay falkii xumaa ee ka dhacay Jowhar sababteedana isagaa qaatay.”ayuu sii raaciyay guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe. Nabadoon Maxamed Muude oo loo yaqaan Xaaji Qaroofow kana mid ah nabadoonada beesha Lixda Shiidle ayaa ka tacsiyeeyay guud ahaan dadkii ku dhintay khilaafkii ka dhex jiray toddobaadyadii la soo dhaafay beesha Walamooy iyo beesha Maxamed Muuse. “Anigoo ku hadlaaya magaca nabadoonada beesha Shiidle waxaan leenahay in dadka dhintay lagu dilay dad badan ayna ku jireen haweenka iyo carruurta dad odayaal ah kama imaan maskaxdooda waana ka xunahay.”ayuu yiri nabadoon Qaroofow. Nabadoonka beesha Walamooy ayaa waxa uu sheegay in nabada diyaar ay u yihiin dadkana la wadaagayaan sidii ammaan loo heli lahaa isagoo xusay inaysan la qabin beesha Walamooy warka ka soo yeeray Suldaan Axmed Rashiid ee ahaa iclaaminta dagaal. Mid kamid ah saraakiisha beesha Walamoy oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Muuse ayaa waxaa uu beeniyay eedeynta loo soo jeediyay ee ahaa in ay ka mid yihiin ururka Alshabaab waxaana uu sheegay inay taageersan yihiin dowlada ayna ku leeyihin xildhibaano marnanaba aysan la safan doonin. Guddoomiyaha maamulka degmada Jowhar Maxamedamiin Cismaan ayaa cambaareeyay falkii lagu dilay dadkii xoolo dhaqatada ahaa. Waxana uu guddoomiyaha maamulka degmada Jowhar uu sheegay in aysan ka hari doonin dadkii ka dambeeyay dilkii loo geystay xoolo dhaqato lagu diley subaxnimadii sabtida. “Howlgal ay doonayeen in ay ku baacsadaan dadkii ka dambeeyay falka dilka ah ee ka dhacay Jowhar ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ka horyimid iska horimaad yar hal askarina uu ku dhintay kadibna ciidamadii xoogga dalka oo uu horkacayay General Caanood ay go’aansadeen in ay dib ugaga soo laabtaaan deegaankaas.”ayuu yiri guddoomiyaha degmada Jowhar Maxamed Amiin Cismaan. Guddoomiyaha degmada Jowhar waxa uu sheegay in ay cadeysay beesha Walamooy in aysan ka mid ahayn Alshabaab dowladana ay taageersan tahay. Waxana uu nasiib darro ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray suldaanka beesha Shiidle kaasoo markii uu yiri suldaanka inay tallaabo qaadayaan ay dad ku dhinteen. Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa ka jiray magaalada deegaano ka tirsan degmada Jowhar dilal kala gaar gaar ah kuwaasoo la tilmaamay inay ahaayeen falal aargoosi ah oo u dhexeeya beesha Walamooy oo kamid ah Lixda Shiidle iyo beesha Maxamed Muuse oo ka mid ah beelaha Ab,gaal Cismaan. Falalkan aargoosiga ah ayaa waxaa ku dhintay 7 ruux ayna ku dhaawacmeen afar kale iyadoo dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba ay ku jireen carruur iyo haween. Waxayna dadkaasi ay ahaayeen dhamaantood dad isugu jira xoogsato iyo xoolo dhaqato.
-
Nairobi: Xildhibaanno ka badbaaday weerar kooxo hubeysan
Cambuulo iyo bun replied to Daqane's topic in Politics
ceeb baa dhacdey jubbalanders use to say kenya aint involved politically why are their police trying to steal documents from our mps desperate much? -
Alpha's Troll and Cantarbaqash Corner LOL
Cambuulo iyo bun replied to Alpha Blondy's topic in General
Alpha Blondy;962381 wrote: ^ you is mad homez ee soo ma aragtid. you think i'm shaxaading you? :D sxb ma fiyoobi beryahaan wataad uu jeedid ma garatay? -
Alpha's Troll and Cantarbaqash Corner LOL
Cambuulo iyo bun replied to Alpha Blondy's topic in General
eeboow shaxaadka sii fiican baad baratey well done :rolleyes: -
Alpha's Troll and Cantarbaqash Corner LOL
Cambuulo iyo bun replied to Alpha Blondy's topic in General
Alpha Blondy;962373 wrote: i've tried walahi. but i can't seem to find anything to my 'aesthetic' liking...... this is a bachelors pad, ma garatay? waar isku xishood inaar that looks hideous I recommend this one saas ula sooco nooh eebow -
Alpha's Troll and Cantarbaqash Corner LOL
Cambuulo iyo bun replied to Alpha Blondy's topic in General
^^ Inaar Ilaahay ka baq and buy a tv table wtf ;) -
Kulan ay ka qeybgaleen maamulka gobolka Sh/dhexe iyo nabadoonada beesha Walamooy ayaa lagu gaaray heshiis kadib markii dagaal uu dhex maray dhowaan ciidamada dowlada iyo maleeshiyo beeleed ka soo jeeda beesha Walamoy oo ka mid ah Lixda Shiidle. Guddoomiyaah maamulka gobolka Sh/dhexe Cabdi Jiinow uu sheegay in falalkii ka dhacay degmada Jowhar ay ahaayeen kuwo fool xun isagoo ku tilmaamay fal maangaabnimo ah dil loogu geystay deegaano ka mid ah degmada Jowhar maalmihii la soo dhaafay. Hadal uu ka jeediyay shir jaraa’id oo lagu qabtay xalay xarunta maamulka gobolka Sh.dhexe ayaa waxa uu guddoomiyaah gobolka Sh/dhexe Inj Cabdi Jiinow Calasow uu ka hadlay hadalo uu sheegay Suldaanka beesha Shiidle Suldaan Axmed Rashiid Shiikh Shuceyb, “Nin suldaan ah oo bulshada sharaf ku leh inuu ka hadlo qalabka warbaahinta isla markaana ku faanay inuu wax dilaayo ma aqaano sida ay wax ka noqdeen balse annaga maamul ahaan,gobol ahaan,degmo ahaan,beel ahaan waxaan leenahay ilaahay ka ha ka cafiyo.” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Sh.dhexe Cabdi Jiinow “Wuxuu dusha u dhigtay falkii xumaa ee ka dhacay Jowhar sababteedana isagaa qaatay.”ayuu sii raaciyay guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe. Nabadoon Maxamed Muude oo loo yaqaan Xaaji Qaroofow kana mid ah nabadoonada beesha Lixda Shiidle ayaa ka tacsiyeeyay guud ahaan dadkii ku dhintay khilaafkii ka dhex jiray toddobaadyadii la soo dhaafay beesha Walamooy iyo beesha Maxamed Muuse. “Anigoo ku hadlaaya magaca nabadoonada beesha Shiidle waxaan leenahay in dadka dhintay lagu dilay dad badan ayna ku jireen haweenka iyo carruurta dad odayaal ah kama imaan maskaxdooda waana ka xunahay.”ayuu yiri nabadoon Qaroofow. Nabadoonka beesha Walamooy ayaa waxa uu sheegay in nabada diyaar ay u yihiin dadkana la wadaagayaan sidii ammaan loo heli lahaa isagoo xusay inaysan la qabin beesha Walamooy warka ka soo yeeray Suldaan Axmed Rashiid ee ahaa iclaaminta dagaal. Mid kamid ah saraakiisha beesha Walamoy oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Muuse ayaa waxaa uu beeniyay eedeynta loo soo jeediyay ee ahaa in ay ka mid yihiin ururka Alshabaab waxaana uu sheegay inay taageersan yihiin dowlada ayna ku leeyihin xildhibaano marnanaba aysan la safan doonin. Guddoomiyaha maamulka degmada Jowhar Maxamedamiin Cismaan ayaa cambaareeyay falkii lagu dilay dadkii xoolo dhaqatada ahaa. Waxana uu guddoomiyaha maamulka degmada Jowhar uu sheegay in aysan ka hari doonin dadkii ka dambeeyay dilkii loo geystay xoolo dhaqato lagu diley subaxnimadii sabtida. “Howlgal ay doonayeen in ay ku baacsadaan dadkii ka dambeeyay falka dilka ah ee ka dhacay Jowhar ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ka horyimid iska horimaad yar hal askarina uu ku dhintay kadibna ciidamadii xoogga dalka oo uu horkacayay General Caanood ay go’aansadeen in ay dib ugaga soo laabtaaan deegaankaas.”ayuu yiri guddoomiyaha degmada Jowhar Maxamed Amiin Cismaan. Guddoomiyaha degmada Jowhar waxa uu sheegay in ay cadeysay beesha Walamooy in aysan ka mid ahayn Alshabaab dowladana ay taageersan tahay. Waxana uu nasiib darro ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray suldaanka beesha Shiidle kaasoo markii uu yiri suldaanka inay tallaabo qaadayaan ay dad ku dhinteen. Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa ka jiray magaalada deegaano ka tirsan degmada Jowhar dilal kala gaar gaar ah kuwaasoo la tilmaamay inay ahaayeen falal aargoosi ah oo u dhexeeya beesha Walamooy oo kamid ah Lixda Shiidle iyo beesha Maxamed Muuse oo ka mid ah beelaha ****** Cismaan. Falalkan aargoosiga ah ayaa waxaa ku dhintay 7 ruux ayna ku dhaawacmeen afar kale iyadoo dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba ay ku jireen carruur iyo haween. Waxayna dadkaasi ay ahaayeen dhamaantood dad isugu jira xoogsato iyo xoolo dhaqato.