kingofkings

Nomads
  • Content Count

    2,894
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by kingofkings

  1. Gaalkacyo(puntlandi.com):- Shirkada biyaha Gaalkacyo ee GALWA ayaa maanta soo gabgabaysay qodida Ceelkii 6aad ee ka mid ah Ceelasha ay Magaalada Gaalkacyo biyaha ka siiso. Maareeyaha Shirkada Biyaha Gaalkacyo ee GALWA Fu’aad Abshir Xasan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dadaal badan ay ku bixiyeen qodida Ceelkan si uu u buuxiyo Baahida Biyaha ee Magaaladan gaalkacyo ka jirta, iyadoo horay ay Celado kala duwan u soo gaareen Ceelashii ay shirkadu Magaalada biyaha ka siin jirtay. Maareeyuhu wuxuu tilmaamay in ay dareen weyn u leeyihiin Cabashooyinka Bulshada uga iimanaya ee la xiriira baahida biyaha ee Magaalada ka taagan, wuxuuna ka dhawaajiyay in ay dadaal walba u galayaan sidii ay Magaalada qaybaheeda kala duwan biyo nadiif ah oo ku filan u gaarsiin lahaayeen. Maxamuud Cabdi Yare oo ah Maamulaha Shirkada Qodida iyo Dayactirka Ceelasha ee Soomaaliya ayaa isna ka warbixiyay dadaalka ay qodida Ceelkan ku bixiyeen iyo mudada ay ku qaadatay, wuxuuse tilmaamay in Ceelkani uu wax badan ka tari doono Baahida Biyo ee Magaalada ka jirta. Maxamuud wuxuu tilmaamay in ay shirkadiisu mudo kooban 15 maalmood ah ku soo gabagabaysay qodida Ceelkan oo ka mid ah Ceelasha ugu dhaadheer ee Soomaaliya laga qodo, wuxuuna sheegay in Ujeedadooda ay tahay in Bulshada Soomaaliyeed ee biyaha u baahan ay u hirgaliyaan ceelal ay si waafi ah uga cabaan. Arrintani waxay ku soo aadaysaa xilli Qaybo badan oo ka mid ah Magaalada Gaalkacyo laga dareemayo biyo la’aan xilliyada qaarkood iyadoo taasi inta badan loo sababeeyo Cilado ku yimaada Ceelasha Shirkada iyo Xilliyada qaarkood oo ay ceelashu biyo yareeyaan. Cumaryare, Gaalkacyo. www.puntlandi.com.
  2. Sensei;788751 wrote: Make-believe warlords, I guess. But, my point here :it is futile to have any reasonable discussion with anyone that seeks your destruction. Desperation is the mother of all-frustrations. Fallacies and false prophesies will not not destroy PL. These fellows masquerade hate with three year old articles, and still stand by it today to justify. in case you can't see and no puns intended, i'm standing and clapping for the best response to those who believe that their opinion alone will cause puntland to come undone.
  3. Sensei;788753 wrote: Well done! Atom, and his deputies proton & neutron, need to be apprehended as well.
  4. Carafaat;788693 wrote: Marine forces building schools funded by UAE. The school is funded and built by the puntland government, if that was your initial concern.
  5. Bosaso,Feb 13 -Ciidamada badda ee Puntland ayaa mashruuc waxbarasho ka hirgaliyay deegaanka Bandarsiyaada oo masaafo 15 km dhinaca galbeed ka xigta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Munsaabad balaaran oo ay ka qaybgaleen wasiiro,wasiiro xigeeno,saraakiisha ciidamada badda Puntland iyo hogaamiye dhaqameed ayaa maanta lagu qabtay deegaanka Banadersiyaada,waxaana munaasabadda loogu wareejiyay dadka deegaanka dugsi waxbarasho oo ay ciidamada Puntland ka hirgaliyeen deegaanka Banadarsiyaada. Wasiir kuxigeenka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Eng.Maxamed Ciise Lacle oo munaasabadda ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay ciidamada badda Puntland inay ka shaqeeyaan danta guud ee dadwaynaha. Waxaa uu sidoo kale tilmaamay,ciidamada inay sanadkii lasoo dhaafay biyo dhaamin ka sameeyeen deeganada Puntland oo ay abaaraha ku dhufatay,waxaana sidoo kale intaasi raaciyay inay ka qaybqaateen dayactirka ceelasha,dugsiyada waxbarasho,iyo dayactirka matoorada. Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka deegaanka Banadirsiyaada inay ciidamadu kala shaqeeyaan arimaha nabadgalyada,wasiirka ayaa sidoo kale u mahadceliyay dowladda imaaraatka Carabta oo maalgalisa ciidamada badda ee Puntland. Caaqil Ciise Maxamed Ciise oo ka mid ah waxgaradka deegaanka Bandarsiyaada ayaa dhankiisa soo dhoweeyay mashruuca waxbarasho deegaanka ka fuliyeen ciidamada badda ee Puntland. Taliyaha ciidamada badda Puntland Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa isaguna sheegay mashruuca waxbarsho oo ay ka fuliyeen deegaanka Banadrsiyaada inuu yahay mid ay ugu talla galeen inay dadwaynaha deegaanka Bandarsiyaada ka caawiyeen arimaha banii'aadanimada. Deegaanka Bendersiyaada oo ka mid ah degmooyinka hoosyimaada magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku yaala xarunta ugu wayn oo ay ka howlgalaan ciidamada ilaalada xeebaha Puntland. Diiwaanka Wararka Daljir Bosaso.
  6. Ciidamada badda ee Puntland ayaa dayactir ku sameeyey Dugsiga H/Dhexe ee degmada Bender-Ziada (Qaw) oo 25km dhinaca galbeed magaalada Boosaaso kaga beegan isalamarkaana maamulka degmadaas ku wareejiyey agab xafiiseed iyo qalab waxbarasho oo badan. Munaasabadii dugsigaas xarigga looga jarayey, maamulka degmadaasina qalabka kula wareegayeen oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin dowlada ka tirsan, Isimo iyo waxgarad deegaankaas kasoo jeeda, iyo marti sharaf kale oo badan. Ugu horeyn waxaa munaasabadaas furay Caaqil Ciise Maxamed Ciise, wuxuuna ka warbixiyey taariikhda degmada Bener-Ziada (Qaw) isagoo sheegay inay tahay magaalo qadiimi ah oo la asaasay bartamaha qarnigii 16-aad haseyeeshee gumeysteyaashii talyaaniga iyo Ingiriisku ay amar ku bixiyeen in laga guuro maadaama ay ku taal goobtii xiligaas ay xuduudka ka lahaayeen dhulkii Soomaaliyeed ee Ingiriisku haystey iyo kii Talyaanigu ka ariminayey. Duqa degmada Bender-Ziada Rashiid Xabiib Jaamac oo intaas kadib hadalka qaatay ayaa u mahad celiyey ciidamada badda ee Puntland oo uu sheegay inay waxqabad fiican degmada ka sameeyeen, wuxuuna dowlada ugu baaqay in maamulka degmada laga taageero sidii ay wax uga qaban lahaayeen jidka isku xira Boosaaso iyo Qaw oo meelaha qaar ka burbursan iyo sidii dhanka biyaha looga haqab tiri lahaa loona balaarin lahaa dugsiga hoose ee maanta xarigga laga jaray. Taliyaha ciidamada ilaalada badaha ee Puntland Col. Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa isna goobta ka hadlay, wuxuuna sheegay in markii la arkay baahiyaha degmada Bender-Ziada qabto ay ciidamada baddu garowsadeen inay qabtaan wixii ay awoodaan, wuxuuna intaas raaciyey in ciidanka baddu uu yahay mid mar walba u taagan horumarinta danta guud ee bulshada. Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud (Xidig) oo ah xiriiriyaha ciidamada badda iyo Puntland kana mid ahaa mas’uuliyiintii maanta kasoo qayb galay xafladii xariga looga jarayey dugsiga H/Dhexe ee degmada Bender-Ziada ayaa isna ka warbixiyey ujeedooyinka loo asaasay ciidamada badda ee Puntland kuwaas oo uu tilmaamay inay ugu muhiimsan yihiin: - La dagaalanka Burcad-badeeda. - La dagaalanka tahriibta iyo dhoofinta dadka. - Iyo la dagaalanka (Jiriifka) Maraakiibta sharci darada badaha uga kaluumaysta. Mr Xidig wuxuu dhinaca kale mahad balaaran usoo jeediyey dowladda Imaaraadka Carabta oo iyadu Puntland ku tageertay sidii ay ciidan badeed u yeelan lahayd islamarkaana bixisa kharashka iyo qalabka ay ciidamadaas oo ah kuwi si heer sare ah u tababarani ku howl galaan. Wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka badda, dekedaha, iyo la dagaalanka Burcad-badeeda ee Puntland Eng. Maxamed Ciise Cali (Lacle) oo isagu munaasabadaas soo xiray ayaa ugu baaqay bulshada deegaanka Bender-Ziada inay ciidamada badda la shaqeeyaan maadaama ay iyaguba horumarkooda ka shaqeynayaan. Eng. Lacle wuxuu isaga oo hadalkiisa sii wata sheegay in ciidamada badda ee Puntland ay yihiin kuwo aan ku koobnayn ilaalinta xeebaha balse ay howshoodu tahay sidii ay u ilaalin lahaayeen danta guud ee bulshada isagoo xusay inay kasoo qayb qaateen adeegyo badan oo bulshada wax ku ool u ah. Si kastaba ha ahaatee dugsiga maanta xarigga laga jaray oo ahaa mid burbursan kadib markii ay dabaysha xagaagu saqafka kala tagtay ayaa waxaa dayactir balaaran ku sameeyey ciidamada badda ee Puntland oo iyaga xaruntooda ugu weyni ay ku taal meel u dhow degmada Bender-Ziada. Bender-Ziada oo dadka qaarna ay u yaqaaniin magaca Qaw waa deegaan qadiim ah oo la asaasay qarnigii 16-aad, waxayna 25km dhinaca galbeedka kaga beegan tahay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.