kingofkings

Nomads
  • Content Count

    2,894
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by kingofkings

  1. PL is making a progress. However, there's a long way to go. nevertheless, this is a good start.
  2. Students at East Africa University in the port city of Bosaso are currently holding a Somali heritage week, one of the rarest events of its kind in post-war Somalia. Traditional Somali dress, dances, food, nomadic dwellings, camels, horses, and dramatic plays are among the Somali cultural staples that are being showcased. The city has come out in huge numbers to participate in the many activities hosted by the University’s students. Other guests at the cultural event include officials from the Puntland government such as the governor of the Bari region and the mayor of Bosaso, as well as traditional elders and representatives from the Puntland Chamber of Commerce. A large number of female hosts and representatives from the university and community were present at the events. Last May, Puntland hosted Somalia’s first-ever all-inclusive trade show, with many Somali regional enterprises and over seven nations represented. Events like this that can bring all Somalis together for common themes are the best way forward. DissidentNation.com
  3. London(Pi) Wasiir u Dowlaha Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Mudane Cabdulqadir Cabdi Xaashi oo ka mid ah Waftiga Puntland uga qayb galay shirka London ayaa shaaca ka qaaday in shidaalka laga qodoyo Puntland oo banaanka imaanayo mudo bil ka dib ah. Waftiga Dowlada Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Faroole kana mid yihiin Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Ilka Jiir iyo Mudane Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa si gaara kulamo ula yeeshay qaar kamid ah Masuuliyiinta Dowlada Ingiriiska waxayna kaloo la kulmeen shirkadaha shidaalka ku shaqada leh ayna kamid tahay shirkada BP. Wasiiru Dowlaha Xiriirka caalamiga Puntland Cabdulqadir Cabdi ayaa yiri sidan “Waxaan la kulanay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Ingiriiska waxayna noo sheegeen inay naga caawinayaan maaraynta Shidaalka, waxaan kaloo ka wadahadalnay sidey nooga caawin lahaayeen dhinaca dhismaha iyo qalabaynta”. Wasiirku wuxuu hadalkiisa sii raacshey “Soomaaliya waxay doonaysaa inay la heshiiso shirkada Shidaalka Ingiriiska BP, waxayna diyaar noola yihiin inay naga caawiyaan Arimaha shidaalka yaga, Waan u baahanay Qalabka Casriga ah iyana diyaarbay noola yihiin”. Shidaalkii ugu horeeyey ee Soomaaliya laga helo ayaa lasugayaa in lasoo saaro bil ka dib. Warbixintaan waxaa maanta Daabacay wargeyska The Guardian halkaan ka akhriso iyadoo English ah
  4. Shirkan oo ahaa kii ugu horeeyey oo ah mid noociisa lagu qabto dalkan Britain, waxaa sidoo kale kasoo qayb galay hay’addo faro badan oo daneeya dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalagashiga geeska Africa. Soomalia ah oo dal sabool ah, dhaqaalihiisuna uu bur-bursan yahay, hadana rajada laga qabo koboca dhaqaale ee dalka Soomalia ayaa ah mid ay indhaha ku hayaan shisheeyuhu, waxaana gacan weyn ka geysan doona in sare u kaco dhaqaalaha Somalia shidaalka dhowaantan qodistiisa laga bilaabay dalka Somalia.
  5. Garoowe (RBC) Dawladda Puntland ayaa shaaca ka qaaday in ay sii laba Jibaareyso dagaalka ay kula jirto Xarakada Al-Shabaab iyo kooxda Buuraleyda Galgala ee dhawaan sheegay in ay la midoobeen Al-Shabaab. Wasiirka Amniga Dawladda Puntland Khaliif Ciise Mudan oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in ay si wadayaan dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al-shabaab iyo kooxda Buuralayda Galgala isagoona ka codsaday beesha Caalamka in ay ka gacan siiyaan la dagaalanka kooxahaas. Khaliif Ciise Mudan ayaa intaasi ku daray mar uu ka hadlay midowga Al-Shabaab iyo kooxda Buuralayda Galgala in aysan ahayn mid hadda weyn kusoo kor dhinaysa deegaanka koodna Attamna ay awalba ka mid ahayd Al- Shabaab. “Ciidamada Puntland kama daali doonaan kamana caajisi doonaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al- Shabaab iyo Xulafadooda,kuwa Buuraha saaran iyo Al- Shabaab Al-qaacida waligood waa is raacsanaayeen…..”ayuu yiri wasiirka. Sidoo kale Khaliif ayaa xusay in ay jiraan xogooyin badan oo ay ka hayaan raga ka tirsan kooxda Buuralayda Galgala iyo Al-Shabaab kuwaas oo qaarkood ku xiran yihiin Xabiyada Puntland isagoona tusaale ahaan usoo qaatay Axmedkheyr Siciid Maxamed oo la dhashay Hogaamiyiha kooxda Buuraleyda Galgala Maxamed Siciid Attam. Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Shiikh Cali Maxamed Raage ayaa isaguna si weyn usoo dhaweeyey midowga kooxda Buurlayda Galagala kuna tilmaamay in midnimadu ay timid wakhti muhiim ah oo loo baahnaa. Hadalkan kasoo baxay Puntland ayaa imanaya xili ay shaaca ka qaadeen Al-Shabaab iyo Kooxdii Buuralayda Galgala in ay midoobeen kuna dhawaaqay dagaal ka dhan ah Xukuumada Puntland,waxaana jira ilaa hadda in aan la xaqiijin karin ninka sheegtay in uu yahay Hoggaamiyaha kooxdii Galgala iyadoo kooxda lagu yaqaanay Maxamed Siciid Atam.
  6. Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta looga dhawaaqay urur ay ku bahoobeen wershedaha ka jira Puntland. Munaasabadii ururkan lagu daah furayey oo ka dhacday xarunta rugta ganacsiga iyo wershedaha Puntland ee Boosaaso ayaa waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, maamulka rugta, iyo ganacsato badan. Madaxdii munaasabadaas kasoo qayb galayna waxaa kamid ahaa wasiiru dowlaha ganacsiga ee Puntland Maxamuud Faarax Beeldaaje, gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo wershedaha Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim, ku-xigeenadiisa Siciid Xuseen Ciid, Maxamed Caydiid Jaamac, iyo xoghayaha guud ee rugta Axmed Ciise Maxamuud. Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay xoghayaha guud ee rugta ganacsiga Axmed Ciise Maxamuud wuxuuna ka warbixiyey qaabkii lagu soo doortay gudoonka sare ee ay dalladaasi yeelanayso iyo inta xubnoond ee ay ka kooban yihiin. Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo wershedaha ee Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim oo intaas kadib hadalka qaatay ayaa sheegay inay wax lagu farxo tahay in wershadaha Puntland ay yeeshaan dallad ay ku bahoobeen taasina ay horseedi doonto in Puntland ay hurmar dhanka dhaqaalaha ah oo weyn ku talaabsato. Cabdifataax Jaamac Nuur oo isaga loo doortay gudoomiyaha dallada ganacsatada wershedaha ee Puntland ayaa isna sheegay in dalladan cusub ee al sameeyey ay noqonayso mid wax badan tarta maadaama laga soo bilaabo xiligii ay dowladdii dhexe burburtay uusan jiran nidaam mideysan oo isku xira wershedaha dalka ka jira. Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee rugta ganacsiga Puntland Siciid Xuseen Ciid oo kamid ahaa mas’uuliyiintii munaasabadaas ka hadlay wuxuu ka warbixiyey faa’iidada ay wershaduhu leeyihiin maadaama ay kaalin weyn ka qaataan wax soo saarka dalka arintaas oo uu mudane Ciid tilmaamay inay tahay midda ay dunidu ku kala hor martay. Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee rugta ganacsiga Puntland Siciid Xuseen Ciid oo kamid ahaa mas’uuliyiintii munaasabadaas ka hadlay wuxuu ka warbixiyey faa’iidada ay wershaduhu leeyihiin maadaama ay kaalin weyn ka qaataan wax soo saarka dalka arintaas oo uu mudane Ciid tilmaamay inay tahay midda ay dunidu ku kala hor martay. Cabdiladiif Yuusf Barre oo kamid ah asaasayaashii rugta ganacsiga kuna jira ganacsatada ugu waaweyn Puntland ayaa isna ku booriyey gudoonka cusub ee ururka wershedaha inay ku dadaalaan sidii ay xilka la saaray uga soo dhalaali lahaayeen, isagoo intaas raaciyey in ganacsatada ay tahay inay qayb weyn ka qaataan horumarka guud ee bulshada. Wasiiru dowlaha ganacsiga ee Puntland Maxamuud Faarax Beeldaaje oo gaba gabadii hadalka qaatay ayaa ku dheeraaday sida ay dowladdu dadaalka dheeriga ah ugu bixiso harumarinta dhaqaalaha, isagoo intaas raaciyey in inta badan ganacsatadu ay cashuurta ka cawdaan, cashuurtuna ay tahay waxa keliya ee horumarka dalku ku imaan karo. Waa markii ugu horeysey ee Puntland laga sameeyo dallada ay wershaduhu ku mideysan yihiin, waxaana gudoonka sare ee maamulka ururkaas loo doortay ay kala yihiin sidan:
  7. Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay inysan waxba ka soo kordhin doonin midoowga Al-Shabaab Al-Qaacidda iyo malleeshiyaadka uu hooggaamiyo Maxamed Saciid Atam, iyadoo uu Wasiirku wacad ku maray inay bur burin doonaan malleeshiyaadkaasi. Wasiirka amniga maamulka Puntland ayaa hadalkiisa sii raaciyay in ay la socdaan dhaq dhaqaaqa malleeshiyaadka ku sugan buuraha Galgala, isla markaana aysan waxba ka soo kordhin doonin in ay Al-Qaacidda ay ku biiraan. Sidoo kale wasiirka amniga Puntland ayaa tilmaamay in malleeshiyaadka Galgala ay markii horeyba ka tirsanaayeen malleeshiyaadka Al-Shabab Al-Qaacidda, waxa uu intaa raaciyay in shacabka iyo maamulka Puntland ay si wadajir ah uga soo horjeedaan kooxahaasi. Dhinac kale wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in maamulka Puntland uu bur burin doono kooxahaasi argagixisada ah ee doonaya in ay dhibaato ka dhex abuurraan ummada nabdoon, arrintaasi aysan indhaha ka qabsan doonin oo ay ka hortagi doonaan. Haddalka wasiirka amniga Puntland ayaa ku soo aadaya kadib markii afhayeenka Kooxda Buuraha Galgala uu sheegay in ay la midoobeen Xarakada Al-Shabaab iyo weliba alqaacida Al-Qaacidda.
  8. It was a historic day for Puntland as it launched its new constitution. On the 8th February, the President of Puntland, H.E. Abdurahman Mohamed Mohamoud (Farole), welcomed local and international delegations to witness the ceremonial launch of the revised constitution. PDRC’s conference hall was packed with more than 200 participants attending the launch of Puntland’s constitution. Photo Credit: PDRC Speaking at the event, Ms Valentina Auricchio, representing the European Union (EU), hailed the constitution as a “Constitution for Peace.” She went on to say: “We appreciate the constitution-making process that Puntland has undertaken through a charter, then a provisional constitution…and now, a revised constitution based on democratic principles.” Further describing the process she stated “it is a demonstration of broad-based representation and inclusivity principles.” The EU has been supporting the review process of the constitution, along with Sweden and Denmark, through a donor coordination body known as the ‘Democratization Steering Committee’ and has been working through Interpeace. The United Nations Political Office for Somalia (UNPOS), and representatives from Italy, Denmark, Norway and the ‘Democratization Steering Committee’ joined the international delegations along with the Chairman of the Independent Federal Constitutional Commission, the State Minister for the Constitution and Federal Affairs of Puntland Dr. Abdi Hassan Jimale, all the Ministers of the Puntland cabinet, the Speaker of the Puntland Parliament Hon. Abdirashid Mohammed Hersi, the chairman of the Transitional Puntland Electoral Commission (TPEC), Mohamed Hassan Barre, and the members of the Interim Federal Constitution Committee(IFCC), at the Conference Hall of Puntland Development Research Center (PDRC). PDRC is Interpeace’s local partner in the region and has been working in Puntland to enable lasting peace since 1998. All participants agreed that the event represented a milestone in the democratization process in Somalia. The international and national representatives were joined by more than 200 participants from all levels and sectors of society such as traditional elders (known as Isimo in Puntland), prominent religious leaders, women and youth organizations, minority groups, representatives of the diaspora and the business community. President Abdulrahman Mohamed Mohamoud (Farole), during his speech, emphasized his commitment to the constitutional and democratization process, the establishment of a permanent Puntland Electoral Commission (PEC), the distribution of the constitution into the rural areas and the opening of a multi-party system.
  9. Tababarkana ayaa ahaa mid ay xildhibaanada golaha deegaanka degmada Bosaso ay ku baranayee xirfadaha maamulka iyo hogaaminta wanaagsan waxaana aqoon is waydaarsigan fulinaysay hay,ad UN Habitaad. Ugu horaynta waxa furitaanka Tababarka kahadlay Cismaan Maxamuud Aw Cismaan oo ah madaxa Hay,ad UN Habitat ee Puntland wuxuuna sheegay in Tababarkani uu yahay mid loogu talagalay in lasiiyo xildhibaanada golaha deegaanka ee ka jira degmooyinka Puntlan waana tababar lagu baranayo Hogaaminta wanaagsan . Cismaan ayaa xildhibaanda kula dar daarmay in ay siwanaagsan uga faa,idaystaan tababarkan oo uu sheegay in uu socon doono muda laba sabooc ah . Gudoomiyaha golaha shacbka ahna duqa degmada Bosaso Mudane Xasan Cabdalle Xasan ayaa si rasmiya u faray tababarka isagoo sheegay in tababarkani uu yahay mid muhim u ah xildhibaa nda madaama uu ku saabsan yahay maamul wanaag . Gudoomiyaha ayaa ugu danbeyntii xildhibaanada kula dar daarmay in ay siwanaagsan uga faa,idaystaan tababarkan mudada uu socdo . Tababarkan ku aadan xirfadaha maamulka iyo Hogaaminta ayaa ah mid loogu tala falay in laga fuliyo deegaanda ay kajiranaa golaha deegaanka .
  10. Waxaa magaalada London gaar ahaan hoteelka caanka ah ee Hilton lagu qabtay kulan muhiim ah oo lagu soo bandhigayey habka dhaqaalaha Soomalia, iyo maraxaladihii uu soo maray mudadii burburka uu ka jiray dalka Somalia. Waxaa shirkan horumarinta dhaqaalaha Soomalia looga hadlayey soo qaban qaabiyey ururka Somali Economic Forum {SEF} oo ah urur xaruntiisu tahay London, laamana ku leh qaybo kamida Somalia. Waxaa shirkan lagu soo casumay oo kasoo qayb galay aqoonyahano, Soomaali iyo Ajnabi ah iyo xeel dheerayaal takhasus u leh Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo baayac-mushtarka. Sida laga warqabo dhaqaalaha Soomalidu wuxuu ku tiirsan yahay laf-dhabarna u ah xoolaha, mudadkii burburka lagu jirayna waxaa dhaqaalaha Somalida si weyn ugu soo kordhay xawaaladaha iyo shirkadaha isgaarsiinta. Waxaa kulanka lagu sharaxay sida Urururka SEF uu ahmiyad weyn ugu leeyahay ganacsatada Soomaaliyeed iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaalia.
  11. Wafdi balaaran oo uu horkacayo gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed yuusf Jaamac ayaa socdaal shaqo iyo kurmeer ku jooga Degmada Jariiban ee gobolka Mudug Wafdigan oo ka kooban maamulka gobolka Mudug, isimo iyo Aqoonyaho ayaa waxay maalintii labaad kormeer hawleed ku joogaan degaan xeebeedyo hoostaga degmada jariiban ee gobolma Mudug Godoomiyaha gobolka Mudug maxamed yuusuf Jaamac oo horkacaya wafdigan ayaa khadka teleefoonka aanu kula xariirnay waxaana uu ugu horaytii inooga warbixiyay socdaalka wafdiga uu hogaaminayo iyo meelaha ay ka soo amba baxeen markii hore. Godoomiyaha ayaa sidoo kale ka warbixiyay shirar ay la la qaateen wafdigiisu maamulka degmada Jariiban iyo shacabka ku nool deegaan waxaana ay kawada hadleen horumarinta deegaanka iyo kor u qaadida adeegyada bulshada sida waxbarshada iyo caafimaadka . Mr Tigey ayaa dhanka kale ka hadlay hawlgaladii la dagaalanka burcad-badeeda ee looga sifeeyay kooxii burcadbadeeda ee deegaankaas dhibaatada ba’an ku hayay waxaana uu sheegay in haatan ay tahay degmada Jariiban meel aysan ka jirin burcad-badeednimo. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusf Jaamac ayaa sidoo kale ka warbixiyay Kormeero ay ku tageen deegaanada Garacad,Kulub ,Dhinawda oo dhamaantoodba ka tirsan degmada jariiban ee gobolka Mudug . Waxaana uu cadeeyay godoomiye Tigey in dhamaan deegaanadas ay soo mareen uusan ku arag falal la xariira burcad-badeednimo iyo dhibaatooyinkii horay uga jiray ee la xariiray Aafada burcabadeednimada . Godoomiyaha gobolka mar uu ka hadlayay garoonka diyaaradaha Garacad ayaa waxa uu sheegay in garoonka Garacad uu ka dhisme wanaagsan yahay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo isla markaana ay cajab galisay qaab dhismeedka garoonka iyo goobta istiraatijiyada ah ee uu ku yaalo waxaana mustaqbalka uu noqon doonaa garoon lagu faa’iido. Gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa ugu danbaytii ugu baaqay aqoonyahanada ,ganacastada gobolka Mudug in ay u istaagaan hormarinta deeganka isla markaana ay ka faaiideystaan kheyraadka dabiiciga ah ee degmada Jariiban .
  12. Somalia;794661 wrote: they won't publish you
  13. Range Resources (Oil & Gas, Australia) :cool:
  14. somali women are taking their proper place in somalia; equally contributing to the development of somalia.
  15. walaalkis;795093 wrote: finally is not a thread about regional matters. no, this is still about PL, it's just you can't see.
  16. walaalkis;795123 wrote: I will let you keep the pennies. Make it out of something instead of turning this into my clan has more camels than you . what's wrong with a little competition:confused:
  17. local investment is the key to economic prosperity. Qardho.
  18. " frameborder="0" allowfullscreen> it's your enclave that is in despair. how sad.