kingofkings

Nomads
  • Content Count

    2,894
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by kingofkings

  1. Che -Guevara;799043 wrote: ^You need help and fast! if that's your way of responding when corned, then the correct procedure is to apologize and move on.
  2. Che -Guevara;799035 wrote: What gives then, no one provoked you unless you have the propensity for asinine actions. what do you mean "beautiful beaches"? Are you blind or something. The thread covers the coast of Jariiban and unless i'm mistaken and i'm not, there's only one beach and that's that coast of Jariiban. so, it doesn't take one to figure the vulgar intentions of you and the other clown the meaning behind your euphemism choice of "beautiful beaches".
  3. Che -Guevara;799029 wrote: loool as kid maa lagu baadi jirey? ha. kulaha as kid ma lagu baadi jirey as if?
  4. Carafaat;799024 wrote: Why the name calling sxb? don't play innocent card now.
  5. Waxaa soo gaba gaboobey kormeer ay mas’uuliyiin ka tirsan golaha wasiirada ee Puntland iyo maamulka gobolka Mudug ku marayeen deegaano hoos taga degmada Jiriiban ee gobolka Mudug. Wefdigaas oo uu horkacayey wasiirka dekedaha gaadiidka badda iyo la dagaalanka Buracad-badeeda ee Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa intii ay Jiriiban ku sugnaayeen kulamo la qaatay maamulka degmadaas iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxayna ujeedada socdaalkoodu ahayd sidii bulshada deegaankaas loogu dhiiri gelin lahaa dadaalada ay ka sameeyeen dhanka la dagaalanka Burcad-badeeda maadaama ay Jiriiban iyo agagaarkeeda dadka deegaanku ka sifeeyeen. Wefdigan ayaa dhinaca kale intii ay degmada Jiriiban ku sugnaayeen la kulmay hogaanka sare ee ciidamada NATO ee howlgalka la dagaalanka Burcad-badeeda u jooga xeebaha dalka Soomaaliya. Waxayna ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Burcad-badeeda loona sameyn lahaa qorshe meel mar ah oo Burcadda badaha dhinaca beriga loogala dagaalamayo maadaama uu berrigu yahay halka ay weeraradooda kasoo abaabulaan. Bilo kahor ayey ahayd markii waxgaradka iyo Isimada deegaankaas iyo maamulka degmada Jiriiban oo is kaashanayaa ay ku guuleysteen inay eryeen kooxo Burcad-badeed ah oo fariisimo ku lahaa Garacad oo hoos tagta degmada Jiriiban. Waxaana xusid mudan in howgaladaas oo ay fuliyeen ciidamada madaniga ah ee deegaanku lagu soo qaqabatay in badan oo kamid ah Burcadda badaha iyo qalabkoodii, waxaana talaabadan si weyn usoo dhoweeyey bulshada gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland.
  6. Warbaahinta puntlandi waxay idiin soo gudbinaysaa qaybo badan oo ka mid ah muuqaaladii Degmada Jariiban iyo wafdigii puntland ee dhawaan deegaankaasi gaaray kadib codsiyo farabadan oo akhristayaasha puntlandi ee daafaaha caalamka ay noo soo gudbiyeen.
  7. Timur;798927 wrote: What an insane secessionist. Does he think Saudi Arabia or Qatar had pipelines and roads and ports before oil was discovered? don't mind the troll. he thinks by ranting on SOL will change reality on the ground.
  8. Somalia;798913 wrote: It's referenced work, sources get it from other sources, that website has not been wrong yet, one of the most watched regarding oil news, Hermet. the most trusted somali site.
  9. Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa habeenimadii xalay ka qaybgalay xaflad si weyn loo soo agaasimey oo ka dhacdey dalka Holland magaalada Den Haag. Xafladda oo ahayd mid daaha looga rogaayo xisbi cusub oo u tartami doona siyaasadda Soomaaliya ayaa waxaa kamid ahaa dadka xisbigan kula mideysan Farmaajo Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Maxamed Cabdullaahi Oomaar, Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Xuseen Xalane iyo xubno kale oo ka soo shaqeeyey siyaasadda Soomaaliya. Xafladdii ka dhacdey magaalada Den Haag ayaa Raysalwasaarihii hore uga dhawaaqey xisbiga cusub oo loogu magacdaray Tayo Party, waxaana ku mideysan siyaasiyiin hore uga soo shaqeeyey Soomaaliya. Farmaajo ayaa muddooyinkii danbe wedey dedaal siyaasadeed kaas oo ku doonaayo in isbedelka cusub ee bisha August 2012 uu mar kale ka soo muuqdo miiska siyaasadda. Raysalwasaare Farmaajo ayaa xilka iska casiley Bishii Juun 2011 isaga oo xilka hayey muddo 8 bilood ah, kadib markii heshiis sidaas lagu gaarey magaalada Kampala ee dalka Uganda. Hoseed Media
  10. Wing Wizard;798651 wrote: Somali Galbeed and Woqooyi Galbeed are different, King. Woqooyi Galbeed is the province where Hargaisa is located.
  11. read the full article here http://dunidaonline.com/index.php?id=6414
  12. London(PI) Waftigii Puntland uga qayb galay shirkii London intii ay joogeen London waxay kulamo aryar la qaateen Hay’ado Dowlæi ah iyo kuwo gaaraa, warbixintaan waa kulan ay la qaateen Hay’ad aan Dowli ahayn oo lagu magacaabo Reed Horn of Afrika UK. Qaar ka mid ah gudiga Hayada Reed Horn Of Africa UK, ayaa la kulmey Madaxweynaha Puntland DR C/rixmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyagoo ugu tagay salaan sharafeed. xubnahan ayaa ka mid ah Gudiga hayada Reed Horn Of Africa ee UK, oo ah hayad ka shaqaysa arimaha horumarka sida wacyigalinta bulshada, waxbarashada, caafimaadka, biyo galinta, dhowrista deegaanka IWM. Xubnahan ayaa sidoo kale la kulmey, Wasiirada arimaha gudiga, Waxbarashada, Caafimaadka, iyo Wasiiru dowlaha wasaarada qorsheynta iyo xiriirka caalamiga. Lakulanka gudiga ee wasiirada ayaa isugu jirey isbarasho iyo kala warqaadasho. Gudiga ayaa guud ahaan uga mahadnoqey madaxdan, isbedelka ka muuqda deegaanada Puntland, iyagoo isla markaana si gooni gooni ah u weydiiyey suaalo ku wajahan wasiirwalba wasaaradiisa. Wasiirka arimaha gudaha General Cabdilaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir ) oo la hadlayey gudigan ayaa u sheegey in mudadii uu xilka hayey wasaaradiisa uu ku sameeyey isbedel muuqda, isagoo isla markaana xusey in ay gacanta ku hayaan isbedela kale oo ay doonayaan in ay ku hormariyaan waxqabadlka wadanka, sida dhismaha goloyaasha degmooyinka iyo hirgelinta maamul wanaaga. Wasiirka caafimaadka Dr Cali Cabdulaahi Warsame ayaa uga mahadnoqey hayadan howlaha ay ka wadaan deegaana ka mid ah Puntland, isagoo dhanka kalena ku bogaadiyey in aysan marna ka daalin howlaha waxtarka leh ee ay u hayaan shacabka, ayna sii laba jubaaraan dadaalkooda, waxuu sidoo kale sheegay in ay xiriir wanaagsan leeyihiin Wasaarada Caafimaadka iyo Hayadan, isagoo balan qaadey inay sii horumarin doonaan xiriirka ay la leeyihiin kuna taageeri doonaan waxqabadkooda. Dhanka kale gudigan ayaa uga mahadnaqey Wasiirka horumarka uu gaarsiiyey wasaaradan inta uu ahaa wasiirka, waxeyna tusaaleeyeen waxqabadka muuqda ee ay wasaarada ku talaabsatey inta uu Wasiirka ka ahaa. Gudiga Reed Horn of Africa ayaa sidoo kalan la qaatey kulan wasiirka Waxbarashada, Cabdi Faarax Siciid Juxa isagoo si diiran u soo dhaweeyey aadna ugu amaaney waxqabadkii ay hayadaa ka geesatey deegaanada Puntland ” aadbey ula dhacsantahay wasaarada Waxbarasha Hayadan, siiba waxyaabaha ay ka qabteen arimaha waxbarasha waa wax muuqda, marwalbana masuuliyiinta Puntland, guud ahaan gaarahaana wasaarada waxbarashada tusaale ayeey usoo qaataan, iyagoo ku booriya shacabka reer Puntland inay ku daydaan hayadan waxanna gudoonsiiney shahaado sharaf rasmiya oo aan ku icriraafeyno waxqabadkooda” wasiirku waxuu balanqaadey in mustaqbalka ay si wacan ula shaqeynayaan hayadan Reed Horn of Africa, ayna waxqabad muuqda ka qabandoonaan deegaanada ay ka howlgasho hayadan. Wasiiru-dowlaha Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa isna qaabiley gudigan, isagoo si diiran u soo dhaweeyey, kuna amaaney dowrka waxqabad ee hayadan ka fulisey deegaanada Puntland. Gudiga ayaa uga mahadnoqey wasiirka waqtiga uu u hurey la kulankooda, iyagoo weydiiyey suaalo la xiriirka wadashaqeynta Hayadan iyo wasaaradiisa, Wasiirku waxa uu sheegey in Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ay qirsantahay dowrka wax qabad ee hayadan ka wado deegaanada Puntland, isagoo balanqaadey in Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga sii hormarin doonto xiriirkeeda ay la leedahay deeganada ay ka howlfuliso hayadan.
  13. Dr_Osman;798641 wrote: Even the animals are drug addicts. What a disgrace
  14. Max'ed C/laahi Farmaajo ra'iisul-wasaarihii hore ee Somalia ayaa gaashaanka ku dhuftay eedeyn ka soo baxday ergayga gaarka ah ee QM, Augustine Mahiga oo sheegaysa inuu qas ka wado baarlamaanka KMG ee Somalia. Farmaajo wuxuu sheegay in hadalka Mahiga uusan ahayn hadal qof mas'uul ah uu jeediyo. Farmaajo wuxuu kaloo xusay in Mahiga uu shaqadiisii ka baxay oo uu faragelin sameynayo isla markaana uusan dhex-dhexaad ahayn siyaasadda Soomaaliya. Audio http://www.voanews.com/somali/news/Wareysi-Maxamed-Cabdulahi-Farmajo--141268353.html