kingofkings

Nomads
  • Content Count

    2,894
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by kingofkings

  1. GAROWE ONLINE Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa maanta 23,March 2012 tacsi tiiranyo leh ka direy geeridii ku timid Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Somalia Col.Cabddulaahi Yuusuf Axmed oo saaka ku dhintey isbital ku yaal Dubai. Madaxweyne Farole waxa uu samir Alle inuu ka siiyo Marxuumka u baryey eheladiisi isagoona Janadii Fordowsana ugu duceeyey Col.Yuusuf. Aas Qaran ayuu shaaca ka qaadey Dr.Cabdiraxman Farole in loo samayn doono ,iyadoona sidoo kale hoos loo dajiyey calamadii Puntland iyo Somalia xarunta madaxtoyada muddo saddex maalmood ahna baroor diiq lagu dhawaaqey. Taariikh nololeedkiisa iyo halgankii madaxweynihi hore ee Somalia iyo asaasihii Puntland ayuu wax ka taabtey Dr.Farole oo in badan ku tilmaamey dhidibadda Puntland inuu adkeeyey haatan uu sii wado isagu hawshii uu bilaabey. Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin ayaa haddana goobta lagu aasayo la sheegey Puntland inay tahay meel ka mida,waxana laga dareemayey geerida madaxweynaha guud ahaan gobolada dalka. Xarunta madaxtoyada ayaa maanta waxa isugu yimid madaxweyne ku xigeenka ,gudoomiyaha barlamanka ,wasiirada xukuumada ,mudanayaasha barlamanka,odayaasha dhaqanka,culimada iyo saxaafada waxana dhamaan Alle uga baryeen inuu raxmadiisa ku maneysto marxuumka. Maamulka ,madaxda iyo shaqaalaha Radio Garowe & Garowe Online ayaa tacsi u diraya dhankooda eheladii uu gaeeriyoodey madaxweyne Cabdulahi Yusuf waxana Alle uga baryayaan inuu raxmadiisa ku galadaysto. INAA LI LAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.
  2. geerida AHN madxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo xalay ku geeriyoodey wadanka Imaaraatka Carabta. Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo goor dhow magaalada Garoowe Saxaafadda shir ugu qabtay ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan umadda Soomaalyeed. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Cabdilaahi Yuusuf uu ahaa halyey Soomaaliyeed islamarkaana uu ka tegey taariikh lama ilaawaan ah oo ku dhigan maanka qof kasta oo Soomaali ah. Dr. Faroole waxa kale oo uu sheegay in marxuumka lagu aasi doono Puntland loona sameyn doono aas qaran isaga oo amar ku bixiyey in calanka mudo sadex maalmood ah hoos loo dhigo. Dhegeyso codka madaxweynaha Puntland Audio Ugu danbeyntii madaxweynaha Puntland waxa uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in dowladdu ay dhowaan Saxaafadda usoo bandhigi doonto taariikh nololeedkii marxuumka geeriyoodey. Cabdilaahi Yuusuf Axmed AHN wuxuu xalay saqdii dhexe ku geeriyoodey Isbitaal ku yaal magaalada Abu-Dhabi ee wadanka Imaaraadka carabta kaasoo uu in mudo ah ku jirey.
  3. Madaxweynaha Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee kutimid Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Soomaaliya Marxuum, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Waxaana Madaxweyne Dr.Faroole Sheegey in ay ka naxeen markii ay maqleen Warka naxdinta leh ee ku saabsan inuu ifka ka tagay Halyey Cabdullaahi Yuusuf. Isagoo Maanta Xarunta Madaxtooyada kula hadlayey Dhamaan Xubnaha kaladuwan ee dawlada Puntland, Golayaasha Wasiirada iyo Wakiilada, Gudiga doorashooyinka Puntland, isimada Puntland, Siyaasiyiin, Saraakiisha ciidamada kaladuwan ee Puntland oo Maanta isugu tagay Aqalka Madaxtooyada ayuu Madaxweyne Cabdiraxmaan Si murugu ka muuqato u jeediyey hadalo kooban oo qiro iyo naxdini ka muuqatay Isagoona sheegey in Dawladiisu ay ka tacsiyeynayso geeridaas naxdinta leh, wuxuuna tacsi u diray Dhamaan Shacabkiisa gaar ahaana Ehelada iyo Asxaabtii Madaxweynihii hore ee Qaranka. Dhanka kale Madaxweyne Cabdiraxmaan Wuxuu sheegey in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya lagu aasi doono Dhulka Puntland ayna u diyaargaroobi doonaan Aaska qaran ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed Loo samayn doonaan, Wuxuu Sheegey Madaxweynuhu in Calanka la dajin doono, Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa Halkaas iyana ka muujiyey sida ay u dareemeen Geerida naxdinta leh. Xafiiska Wararka Allpuntland, Garoowe.
  4. Puntland oo tacsi ka dirtey geerida madaxweynihii hore Somalia 23 Mar 23, 2012 - 4:09:23 AM GAROWE ONLINE Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa maanta 23,March 2012 tacsi tiiranyo leh ka direy geeridii ku timid Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Somalia Col.Cabddulaahi Yuusuf Axmed oo saaka ku dhintey isbital ku yaal Dubai. Madaxweyne Farole waxa uu samir Alle inuu ka siiyo Marxuumka u baryey eheladiisi isagoona Janadii Fordowsana ugu duceeyey Col.Yuusuf. Aas Qaran ayuu shaaca ka qaadey Dr.Cabdiraxman Farole in loo samayn doono ,iyadoona sidoo kale hoos loo dajiyey calamadii Puntland iyo Somalia xarunta madaxtoyada muddo saddex maalmood ahna baroor diiq lagu dhawaaqey. Taariikh nololeedkiisa iyo halgankii madaxweynihi hore ee Somalia iyo asaasihii Puntland ayuu wax ka taabtey Dr.Farole oo in badan ku tilmaamey dhidibadda Puntland inuu adkeeyey haatan uu sii wado isagu hawshii uu bilaabey. Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin ayaa haddana goobta lagu aasayo la sheegey Puntland inay tahay meel ka mida,waxana laga dareemayey geerida madaxweynaha guud ahaan gobolada dalka. Xarunta madaxtoyada ayaa maanta waxa isugu yimid madaxweyne ku xigeenka ,gudoomiyaha barlamanka ,wasiirada xukuumada ,mudanayaasha barlamanka,odayaasha dhaqanka,culimada iyo saxaafada waxana dhamaan Alle uga baryeen inuu raxmadiisa ku maneysto marxuumka. Maamulka ,madaxda iyo shaqaalaha Radio Garowe & Garowe Online ayaa tacsi u diraya dhankooda eheladii uu gaeeriyoodey madaxweyne Cabdulahi Yusuf waxana Alle uga baryayaan inuu raxmadiisa ku galadaysto. INAA LI LAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.
  5. It would be unkind to the path of peace and development that Somalia is walking on today if we were to ignore the man who made it possible. The modern history of Somalia post-2000 would paint much worse image if Abdullahi Yusuf Ahmed did not sacrifice his last years to making Somalia a respectable nation. The history of Somalia’s late president goes back over half a century in service of his country. Abdullahi Yusuf joined the military at the age of 23, volunteering for a young Somali military that was due to take over control of the nation in just a few short years following the end of the UN Trusteeship of the 1950s. Yusuf’s first great call to duty came in 1964 when the young Somali Republic went to war with neighboring Ethiopia to regain control of its lost territories in what is now the Somali Region of Ethiopia. Following the conflict, which ended in stalemate, he received a medal for bravery. Upon completion of his wartime duties, he was sent to the Soviet Union to serve as a military attaché to Moscow. In 1969, Somalia’s president Abdirashid Sharmarke was assassinated, leading to a power vacuum that was filled by Marxist opportunists. Yusuf didn’t support the timely coup, and for that he was sentenced to six years in prison. Two years ahead of Somalia’s 1977 war with Ethiopia, Yusuf was released from prison, and regained his rank in the military to lead a Somali National Army division into the southern front against Ethiopia. After the war, ending in another stalemate, Yusuf was given a second medal for bravery, but would retain his title of colonel. Fed up with dictator Siad Barre’s rule and ineffectiveness in the war with Ethiopia, Yusuf and a group of young army officers attempted a coup in 1978 to restore the democracy Somalia had before Barre’s 1969 coup. The plot failed when a small group of Yusuf’s comrades led a premature attack on the president’s compound in the capital Mogadishu. The officers were caught or killed following the botched coup, and Barre went the additional length of rounding up more officers associated with the event and carried out a full purge of suspected elements. The following year, Barre unleashed the military on Yusuf’s clan, killing 2,000 civilians in central Somalia in the ensuing massacres that went on between May and June of 1979. This was the boiling point for Yusuf, and led to the creation of the Somali Salvation Democratic Front (SSDF), an organization dedicated to restoring Somalia’s pre-Marxist democracy. The SSDF led various assaults on Barre’s forces along the border, using radio communication to coordinate support inside Somalia. This went on for years, with Yusuf high up in the leadership, until 1985 when he was imprisoned for refusing nearby Ethiopian soldiers to hoist their flag on the sovereign territory of the Somali Republic. Yusuf would remain imprisoned until the fall of Ethiopian dictator Haile Mariam Mengistu’s Derg regime in 1990. He returned to Somalia in 1992 to lead a triumphant liberation of the northeastern regions against Al-Itihad, a designated terrorist organization made up of many of today’s high-ranking Al-Shabaab figureheads that once occupied all of the provinces that make up today’s Puntland State. He would remain a leading man in the region, working feverishly to organize SSDF militias into proper security forces, culminating in the August 1998 declaration of Puntland State of Somalia, the first semi-autonomous state within Somalia that espoused the vision of a united and strong Somali republic. Abdullahi Yusuf Ahmed was declared the first president of the state. In 2000, a cabal of Somali warlords and drug traffickers announced the formation of the Transitional National Government (TNG) in Arta, Djibouti, simultaneously coordinating with anti-Yusuf opposition in Puntland to balance elections in their favor. Yusuf stepped down peacefully after an election loss in 2001 to TNG puppet Jama Ali Jama. After months of carefully watching the growing criminal conspiracy in his home region, Yusuf stepped up once again to correct the wrongs in his midst. He took up arms in 2002 and overthrow Jama Ali Jama. But Yusuf wasn’t in it for himself, he wanted to organize the people of Puntland and convince them to help form a working Somali government alongside their countrymen in the remainder of the nation. In 2004, Yusuf spearheaded the Transitional Federal Government (TFG) alongside Somali politicians and intellectuals from around the nation, and from within the diaspora. This regime was hailed as a milestone by Somali and non-Somali observers, and as a genuine opportunity for Somalia’s revival. A few months later and this new government was already operating fully inside Somalia, from the temporary seat of government in the town of Jowhar, later moving to Baidoa. Halfway through his TFG presidency in 2006, another roadblock reared its head. This time, the same terrorists who occupied Puntland in 1992 were now in full control of the Somali capital Mogadishu, looking to seek revenge against Yusuf for ousting them from his home region. At the closing of 2006, the militants attempted to seize Baidoa but were repelled, and within just two months they were completely cleansed from Somalia’s major cities, just as they were from Puntland in the early 1990s. By early 2007, the young TFG had its base in Mogadishu and was fully running the show, giving a broken Somali nation the first ray of hope in nearly twenty years. Along the way, roadblocks came in and out, but were crushed every time they attempted to obstruct progress. Finally, at the end of 2008 Abdullahi Yusuf Ahmed, President and Hero of the Somali Republic many times over, stepped down and went into retirement. Over the years, the former president’s health deteriorated in front of our eyes, only for us to lose him in a long-standing battle against pneumonia. May Allah have mercy on Somalia’s former president. He has served his nation with dignity, and we will defend his legacy and continue to build on his successes. We see the fruits of his labor with every brick that is laid in Mogadishu today. DissidentNation
  6. Muqdisho(Pi) War hada naga soo gaaray Xarunta Villa Soomaaliya ee Madaxtooyada Soomaaliy Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheikh axmed oo shacabka Soomaaliyeed uga tacsideeyey Geerida ku timid Alla ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullahi yusuf, Madaxweyne Shariif wuxuu kaloo sheegey inuu magacaabay Gudi heer qaran ah oo ka shaqeeya qaban qaabada aaska Marxuum Madaxweyne Cabdullaahi yusuf. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullahi Yusuf Axmed wuxuu Xalay goor dambe ku geeriyooday Isbitaal ku yaal Dubai, Madaxweynaha ayaa mudooyinkii Dambe Xanuunsanaa.
  7. Muqdisho(Puntlandi.com) Raysal wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo xafiiskiisu nalasoo xireerey(Puntlandi.com) ayaa tacsi u direy shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Raysal wasaare Gaas wuxuu ku bilaabay tacsida “Waxaa inaka tagay Geesi Wadani ah, halgamaa lama ilaawaan ah, Waxaan Tacsi u dirayaa dhamaan qoyska Reer Yusuf , Caruurtiisii, Xaaskiisa , shacabka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, Waxaan Illaahay uga baryayaa Jano waarta, Dambi dhaaf “. Raysal wasaare Gaas wuxuu kaloo Tacsi aan lasoo koobi karin u direy Xooga Dalka Soomaaliyeed oo Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf kamid ahaa geesiyaashooda. Illaahoow Dambigiisa dhaaf, janadii Fardowsana ka waraabi…. AAAAAAmmmiiiiiiiin
  8. Madaxweynaha Puntland oo qiiro ka muuqato ayaa u tacsideeyey Shacabka Soomaaliyeed Posted by Pi on March 23rd, 2012 Garowe(Pi) Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan sh. Maxamed Faroole oo ku hadlaya magaca Dowlada,Isimada labada Gole iyo kan shacabka ayaa tacsi u direy Umada Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii Alla ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullahi Yusuf Axmed ee Xalay ku Geeriyoodey Dubai. Madaxweyne Faroole oo qiiro ka muuqato wajigiisa iyo hadalkiisa ayaa khudbad uu kaga hadlayo Marxuumka u jeediyey kulan Deg deg ah oo Madaxtooyada ka dhacay, wuxuuna Madaxweyne Faroole sheegey in Alla ha unaxariistee Marxuumku uu ka dhintey shacabka Soomaaliyeed, Qoyskiisii iyo Umada reer Puntland, wuxuu ahaa buu yiri geesi halgaama ah, wuxuu kaloo ahaa ninkii bilaabay Puntland, isla markaasna noqdey Madaxweyneheenii ugu horeeyey, wuxuu kaloo ahaa Marxuum Cabdullahi Yusuf ninkii soo ceshay magaca iyo rajada Dowlada kumeelgarka ah ee Soomaaliya. Madaxweyne Faroole wuxuu Tacsi aan lasoo koobi karin u direy qoyskii iyo eheladii Marxuumka gaar ahaan Caruurtii iyo Xaaskii uu ka tagay, wuxuu kaloo Tacsi aanlasoo koobi karin u direy Umada Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Puntland.
  9. Dubai(Puntlandi)- Former president of TFG , and founder of Puntland , Abdullahi Yusuf Ahmed , passed away on Friday in Dubai, at the age of 78 ,Puntlandi.com reports The veteran Politician and military personal, Abdullahi Yusuf Ahemd had been ailing for several weeks in Dubai , and international doctors were busy for his treatment As Puntlandi learns former President would be flown to Mogadishu to make for him a national burial , participated by international leaders and dignitaries , but finally he might be buried in Galkayo, central Somalia were he hailed from Born in “Birta Dheer” near Puntland’s capital , Garowe in 1934 , Abdullahi Yusuf was well known policitican since 1960s.. He was one of the founders of the Somali Salvation Democratic Front(SSDF), as well as the Puntland State of Somalia, where he served as the autonomous region’s first President. In 2004, he also helped establish the Transitional Federal Government, which he led as President of Somalia from 2004 until 2008. In 2004 he become the president of Somali Transition Federal Government after a long time running conference brokered by Kenyan Government, but he resigned later . As news spread of the death of former President Abdullahi Yusuf Ahmed, Somali citizens mainly in Puntland stared their mourning and offering prayers to veteran politician Abdullahi Yusuf is considered the father and founder of Puntland, a peaceful semi-autonomous region until now
  10. Ugu horayn Waxaan Tacsi tiiraanyo xambaarsan u diraynaa Xaaskii iyo Caruurtii Ilmo Cabdullahi Yusuf, Waxaan kaloo Tacsi u diraynaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed Geeridu waa xaq, Halyey Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmed Wuxuu Xalay 23.03.2012 ku geeriyoodey Isbitaal Malatari oo ku yaal Dubai. Marxuum Halyeey Cabdullahi Yusuf oo bilihii ugu dambeeyey Xanuunsanaa wuxuu xalay ku geeriyooday Isbitaalka Sheekh Zaaid ee Dubai, waxaana goobjoog ahaa qoyskiisa. Madaxtooyada Villa Somalia iyo Garowe waxaa ka socda abaabulka Tacsida Madaxweyne Cabdullahi yusuf. Illaahay Janadii haka waraabiyo. Amiiiin.
  11. What a legend. What a leader. What a politician. What a state's man. What a general. The founding father of the great state of PL and federal Somalia. You will be missed. AUN Mudane Madaxwayne Abdullahi Yusuf.
  12. a sad day for all of us. may Allah shower him with is mercy and all the muslim that passed away. Ameen.
  13. General Duke;808417 wrote: Great words from Minister Abdulkadir Ali Hashi.... agreed. thanks for sharing.
  14. Abwaan;808405 wrote: Iska hadal iyo nacnac....waa midda adiga iyo waxa kula midka ah ee qabyaaladda la gubtay aad meesha ku haysaan....******** aan adiga iyo noocaaga ahayn miyaaba jira? Shariifna fad amase ha fadin isagaa Madaxweyne kuu ah ee nin dhintay kuuma ahan. fadlan save yourself from your ignorance.
  15. Dubai(puntlandi.com):- Wararka aanu ka helayno wadanka Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa sheegaya in Caawa halkaasi uu ku geeriyooday Madexweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed. Allaha u raxmadee Madexweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa la tilmaamayaa in uu ku geeriyooday Isbitaal milatiry oo ku yaala magaalada Dubai islamarkaana uu xilliyadii ugu dambeeyay xanuunsanaa. Warkan ayaa soo baxay maqribnimadii xalay, waxaase dubadiiba iayana soo baxay warar beeninaya in madexweynuhu uu geeriyooday. Xiriiro badan oo aanu samaynay kadib waxaa noo xaqiiqoobay in Madexweynuhu uu geeriyooday Allaha u raxmadee.
  16. inna lillahi wa ilayhi rajioon . AUN to President Abdullahi Yusuf. He will be missed.
  17. Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdrixman Maxamed Maxamuud Farole ayaa caawa 22,March 2012 casho sharaf ku martiqaadey xarunta madaxtoyada Garowe isimada iyo odayaasha dhaqanka Puntland. Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ,gudoomiyaha barlamanka Cabdirashiid Maxamed Xirsi ,gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Maxamed Xasan Barre iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda ayaa dhinaca qayb ka ahaa cashadan. Ujeedka ayaa saraakiil ka tirsan madaxtoyada Garowe Online u sheegey in xog weydaarsi , kala war qaadasho iyo xaaladaha guud in ay tahay martiqaadkan madaxweynuhu u fidiyey isimadda Puntland.
  18. Naxar Nugaaleed;808157 wrote: Can we get bosaso 2012 i'm working on it. so far, no new video of Bosaso as of 3/33/12. however, there are many videos of bosaso since jan. 2012.
  19. Garowe(puntlandi.com):- Wafdi balaaran oo ka socda dawlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray deegaanada Puntland. Wafdigan oo uu hogaaminayay wasiirka maaliyada dawlada federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyaha bangiga iyo xubno kale oo ka socday labadan qaybood. Wafdigan oo duhurnimadii maanta ka soo degay gagida diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa magaalada ku soo dhaweeyay wafuud balaaran oo ka kala socotay maamullada Puntland iyo Galmudug, waxayna saacado kooban kulamo la qaateen Masuuliyiinta maamulka Galmudug iyo kuwa Puntland ee Gaalkacyo ku sugan waxayna kala hadleen arrimo la xiriira lacag cusub oo dhawaan la filayo in loo soo daabaco wadanka Soomaaliya. Wafdigu waxay intaasi kadib u soo gudbeen magaalada Garowe ee caasimada Puntland, waxayna hada ku sugan yihiin magaalada garowe halkaas oo la filayo saacadaha inagu soo aadan ay madexda sare ee puntland la yeeshaan kulamo wada tashi ah oo ku saabsan lacagaha cusub ee la filayo in dhawaan la soo daabaco. Socdaalka wafdigani wuxuu ku soo aadayaa xilli gobollada wadanka Soomaaliya aad looga hadalhayo lacagahan cusub ee la soo daabacayo oo bulshadu ay tilmaantay in ay dhalin karaan isbadelo dhinaca nolosha a
  20. ^^^ best hd video of Bosaso in 2007.