kingofkings

Nomads
  • Content Count

    2,894
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by kingofkings

  1. Madaxweynaha oo yimid Garowe xaruna kormeerey Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa galabta 28,March 2012 dib ugu soo laabtey caasimada Garowe kadib socdaal uu ku tagey gobolka Mudug kuna sugnaa halkaasi muddo dhan afar maalmood. Madaxweyne kuxigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire ,wasiirada xukuumada qaar sida arrimaha gudaha ,waxbarashada ,gaadiidka iyo hawlaha guud,beeraha,warfaafinta ,taliyaha ciidamada difaaca Puntland iyo saraakiil kale ayaa qayb ka ahaa wafdiga madaxweynaha Puntland uu horkacayey oo Garowe soo gaarey gabal dhicii. Madaxweynuhu waxa uu uga soo qaybgalay Galkacayo Alaha u naxariistee Aaskii Qaran ee loo sameeyey madaxweynihii hore Somalia Col.Cabdulaahi Yusuf Axmed iyo shir wadatashi ah oo dhinacyadii saxiixey Qorshaha Nabada Somalia ay galkacayo ku yeesheen. Ka hor inta uusan u gudbin dhinaca madaxtoyada Puntland ee Garowe ayuu madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisu kormeer ku tageen dhismaha hoolka aqalka barlamanka Puntland oo hawshiisu socoto ,waxana halkaasi warbixinadiisa iyo qorshaha ku siiyey gudoomiyaha barlamanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi. Hoolkan oo loo dhisayo qaab casriyeysan ayaa la mid noqon doona kuwa barlamanada caalamku kafadhiyada ku yeeshaan,waxana lagu wadaa in 15,April 2012 lagu qabtey shirweynaha Puntland dastuurkeeda lagu ansixin doono haddii Eebe idmo.
  2. Maamulka cusub ee degmada Buurtine ayaa kormeer ku sameeyey goobaha waxbarashada iyo kuwa caafimaadka ee degmadaas. Duqa cusub ee Buurtinle iyo xubo ka mid ah golaha deegaanka ee degmadaas ayaa tegey dugsiga sare, xarunta caafimaadka hooyada iyo dhalaanka MCH-ka iyo Isbitaalka guud. Kormeerkaas ayaa ahaa mid loogu kuurgelayey xaaladda waxbarasho iyo midda caafimaad ee degamda. Duqa Buurtinle waxaa kormeerkiisa ku weheliyey gudoomiyaha gudoonka waxbarashada ee degmada. Markii ay tageen Isbitaalka iyo dugsiga sare waxay mas’uuliyiintaasi warbixino ka dhegeysteen maamulka dugsiga iyo kan caafimaadka. Waxayna ballan qaadeen inay dowladda dhexe u gudbin doonaan baahiyo badan oo jira si loogu dadaalo sidii wax looga qaban lahaa. Isbitaalka degamda Buurtinle oo qayb kamid ahi aysan dhamistirneyn ayuu duqu sheegay in sida ugu dhaqsaha badan loo dhamaystiri doono si adeega uu bulshada u hayo loo balaariyo.
  3. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa goor dhow ka duulay garoonka Cabdilaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacayo. Mas’uuliyiintaas oo beryihii u danbeeyey magaalada Gaalkacyao ku sugnaa waxaa horkacayey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Prof. Gaas iyo wefdigiisu waxay qayb ka ahaayeen mas’uuliyiin tira badan oo uu hormuud u ahaa madaxweynaha dalka kuwaas oo labo beri kahor Gaalkacayo soo gaarey. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu sidoo kale kamid ahaa mas’uuliyiintii ka qayb galay aaskii qaran ee magaalada Gaalkacayo loogu sameeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya AHN Cabdilaahi Yuusuf Axmed. Wuxuu sidoo kale ka qayb galay shirkii ay magaalada Gaalkacayo ku yeesheen saxiixayaasha Road map-ku kaas oo ay go’aamo dhowr ahi kasoo baxeen. Madaxweyne Shiriif oo isna kamid ahaa mas’uuliyiintii shirkaas ka qayb galay ayaa shalay magaalada Gaalkacayo ka dhoofay dibna ugu laabtay magaalada Muqdisho. Si kastaba ha ahaatee ammaanka magaalada Gaalkacayo ayaa beryihii u danbeeyey ahaa mid si aad ah loo adkeeyey waxaana weli ku sugan madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.
  4. Guddiga KMG ah ee Doorashada Puntland oo Maanta Gaalkacyo Kulan Ku Qabtay Magaalada Gaalkacyo waxaa maanta ka dhacay kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen maamulka gobolka Mudug, Gudiga kmg ah ee doorashooyinka Puntland, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Gaalkacyo. Kulanka oo ka dhacay hoolka shirarka ee Hotelka Amal Plaza ayaa waxaa kasoo qayb galay Gudoomiyaha gobolka Mudug iyo ku xigeenkiisa , xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka ee Puntland, sidoo kale waxaa kulankaas kasoo qayb galay xubno metelayey qaybaha kala duwan ee bulshada sida: Isimada, Aqoonyahanka, Dhalinyarada, iyo Ururada haweenka. Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusf Jaamac ayaa kulanka furay, isagoo sheegay in maamulka gobolka Mudug iyo bulshadaba ay sharaf u tahay in gudiga doorashooyinku ay markii ugu horeysey la kulmaan, wuxuuna uu uga mahad celiyey mas’uuliyiinta guddigaas ka tirsan ee magaalada Gaalkacyo soo gaarey safarka dheer ee ay soo galeen iyo dadaalka ay ku bixinayaan danta guud ee bulshada. Gudoomiyaha gobolka Maxamed Yuusuf ayaa ku booriyey bulshada inay dowlada ku tageeraan talaabo walba oo ay qaado taas oo ay u arkaan inay dalka iyo dadkaba horumar u horseedi karto, Mudane Tigey wuxuu isaga oo hadalkiisa sii wata sheegay in bulshada laga rabo inay meel uga soo wada jeensato cid walba oo ay u aragto inay horumarkooda caqabad ku tahay, wuxuuna ku goodiyey in maamulka gobolku uu gacan bir ah ku qaban doono cid walba oo loo arko inay horumarka kasoo horjeedo. Intaas kadib waxaa hadalka qaatay Cabdi risaaq Shoole oo ah xubin ka tirsan guddiga kmg ah ee doorashooyinka Puntland wuxuuna ka warbixiyey ujeedada ay kulankan usoo qaban qaabiyeen, isagoo sheegay in ay tahay sidii bulshada loogu wacyi gelin lahaa ka qayb galka nidaamka doorashooyinka loona fahan siin lahaa qaabka ay doorashooyinka Puntland ka dhacayaa noqonayaan. Sidoo kale Shoole waxaa uu sharaxaad dheer ka siiyay bulshada dastuurka dawlada puntland ee dhawaan lagu ansixin doono magaalada Garoowe iyo qaabka loo soo xulay ergada ma talaysa gobolka Mudug ee ka qaybgalaysa afti u qaadidadastuurka . Sheekh Cumar Dheere oo isna ku hadlayey magaca Culimaa’uddiinka ayaa sheegay in Dastuurku uu yahay heshiis bulsho oo ku salaysan diintooda iyo dhaqamada gaarka ah ee ay leeyihiin, Sheekhu wuxuu xusay in qaadashada dastuurka aanay dhibi ku jirin hadii uu yahay mid aan diinta ka hor imaanayn, balse hadii uu yahay mid shareecada garab marsan aan sinaba loo ogolaan doonin. Maxamed Cabdulqadir Nuur ( Dirir) oo ah madaxa guddiga kmg ee doorashooyinka Puntland ayaa oo soo xiiray kulanka ayaa isna ku booriyay bulshada in ay ka qayb qataan barnaamijka hayaanka dimoqraadiyada ee ka socda puntland isagoo sheegay in loo baahan yahay bulshadu in ay ka guurto nidaamka qabiiliga ah ee haatan Puntland ay ku jirto. Kulanka ayaa ahaa mid balaaran waxaana ka hadlay mas’uuliyiin kale oo ay kamid ahaayeen ururka haweenka ee gobolka Mudug, ururka dhalinyarada ee gobolka , Nabadoono, iyo mas’uuliyiin kale oo badan, waana markii ugu horeysey tan iyo markii la asaasy guddiga kmg ee doorashooyinka Puntland 7/2011 oo ay kulan noocan oo kale ah la qaataan maamulka iyo bulshada magaalada gobolka Mudug.
  5. third video of AUN Mudane Madaxweyne Abdullahi Yusuf's state funeral
  6. Carafaat;810318 wrote: You are right Abwaan. If it were not for losers, there would be nothing for the enabler to do. Their sole purpose in life is making excuses for the losers. The enablers are amazing. They have a ready made excuse for everything.