kingofkings

Nomads
  • Content Count

    2,894
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by kingofkings

  1. Garowe(puntlandi.com):- Wafdi ka socda Midawga Yurub ayaa soo gaaray Deegaanada Puntland, waxayna manta kulan la qaateen Madexweynaha Dawlada Puntland Mudane C/raxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole. Wafdiga Midawga Yurub oo ay hogaaminayeen Mr Georges Marc Andre wakiilka EU-da u qaanbilsan Somalia iyo Agostino Miozzo agaasimaha guud maareynta xaaladaha deg dega iyo masiibooyinka Modowga Yurub ayaa ujeedadoodu tahayin wadanka Soomaaliya ay ka hirgaliyaan Mashaariic horumarineed oo la xiriirta Deegaanka iyo Biyaha waxayna horay cagta u soo mariyeen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya oo ay kula soo kulmeen Madexda Sare ee Dawlada Faderaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland oo ay kula soo kulmeen Madexda Maamulkaasi. Kulankan manta oo ka dhacay xarunta Madextooyada Dawlada Puntland ee magaalada Garowe ayaa waxaa koob jog ka ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Puntland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyada, Wasiirka arrimaha gudaha iyo dawladaha hoose, Wasiirka qorshaynta iyo xiriirka Caalmiga ah iyo Agaasimaha guud ee Madextooyada Puntland, waxaana aad la iskula soo qaadaty arrimaha la xiriira xaalufka deegaanka iyo badbaadinta deegaanka, gurmadka abaaraha iyo hagaajinta biyaha deegaanadda miyiga u badan ee Puntland. Madexweynaha Dawlada Puntland Mudane C/raxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole oo Saxaafada la hadlay gabagabdii shirkan ayaa sheegay in kulankoodu uu ku qotomay Mashaarcii horumarineed oo midawga Yurub Soomaaliya ku caawin doono oo la xiriira deegaanka iyo Biyaha. Mr Georges Marc Andre wakiilka EU-da u qaanbilsan Somalia oo wafdigan hogaaminayay oo isna hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in horay kulamo ula soo qaateen Madexda Dawlada Faderaalka Soomaaliya iyo Madexda Maamulka Soomaaliland islamarkaana ay kala soo hadleen arrimo la xiriira Mashaariicda horumarinta deegaanka iyo biyaha ee ay doonayaan in ay guud ahaan wadanka Soomaaliya ka fuliyaan, hadana ay madexda Puntland isku waafaqeen arrinkaasi. Kulankani ayaa imaanaya xilli Wadanka Soomaaliya ay ka jiraan dadaalo horumarineed oo Caalamku uu uga qaybqaadanayo arrimaha bulshada iyo horumarintooda.
  2. Kanada: Wasiiru dowlaha qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga Dowladda Puntland oo booqday Xarunta SCERDO Wasiiru Dowlaha Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ee dowlad goboleedka Puntland Dr.Abdulkadir Abdi Hashi ayaa maanta booqdey xarunta Hay’adda waxbarashada & horumarinta Reer miyiga ee SCERDO ee magaalada Edmonton ee dalka Canada. Wasiirka ayaa waxaa kusoo dhaweeyay dhamaan howlwadeenada Hay’adda iyo dhalinyarada tababarku uga socdo xarunta SCERDO, waxaana warbixin kooban oo ku saabsan howlaha ay qabato Hay’addu kusiiyay wasiirka gudoomiyaha gudiga fulinta Bashiir Haaji Cali (Jamaal) isagoo uga waramay mashaariicda Hay’addu ay ka fuliso Dalkan Canada gaar ahaan magaalada Edmonton iyo Somalia. Wasiirka ayaa ugu horrayntii la kulmay dhallinyaro Soomaaliyeed oo tababar xagga shaqada iyo hogaaminta toosan lagu barto uga socdo xarunta SCERDO, isagoo wasiirku u jeediyay dhallinyaradaas khudbad dheer oo ka hadlaysa qiimaha uu leeyahay maamul wanaaga, caddaaladda,wadajirka iyo isutanaasulku.Waxaa kale oo wasiirku uga warramay dhallinyarada horumarka uu gaadhay maamulka Puntland gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, maamulwanaaga, laddagaallanka budhcad-badeedka iyo argagixisada caalamiga ah. Wasiirka ayaa sidoo kale uga xogwarramay hawlwadeennada SCERDO iyo dhallinyarada tababarku u socdo geeddi-socodka nabadda soomaaliya gaar ahaan qaraarkii lagu gaadhay shirkii London kuwasoo uu wasiirku ku tilmaamay in haddii la dhaqangaliyo qodobaddaas noqonkara kuwo ka saara ummadda soomaaliyeed dhibaatada nabadgalyo xumo ee dalka ka jirtay 20 sano ee la soo dhaafay. Wasiiru dowlaha qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ee Dowladda Puntland Dr. Abdulkadir Abdi Hashi. ayaa ugu danbayntii ku adkeeyay dhallinyarada in ay ka faaiidaystaan fursaddan ay haystaan ee nabadgalyo, waxbarasho isla markaana kula dardaarmay in ay hamigooda tiigsadaan oo mustaqbalka noqdaan kuwii u barbaarilahaa dalkooda hooyo ee Soomaaliya. Wasiirka ayaa ku ammaanay hay’adda SCERDO sida hagarla’aanta ah ee ay u caawiso dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka ku cusub gaar ahaan mashruucan shaqo-qorista isagoo wasiirku u sheegay in aanay fursaddan oo kale helin dhallinyaradii iman jirtay dalkan Canada sannadihii hore. Dr. Abdulkadir ayaa kula dardaarmay dhallinyarada in ay ka qaybqaataan hawlaha hay’adda SCERDO fuliso wakhtiga ay firaaqada leeyihiinna ugu shaqeeyaan si tabaruc ah. Dhalinyarada ayaa khudbada kadib su’aalo ku saabsan xaalada Soomaaliya guud ahaan iyo gaar ahaan gobolada Dowladda Puntland ku weydiiyay isagoo wasiirku si fiican uga wada jawaabay. Gabagabadii shirka ayaa waxaa shahaado sharaf guddoonsiiyay wasiirka guddoomiyaha guddiga fulinta ee SCERDO Bashir Xaaji Cali (Jamaal). Wasiirka ayaa isagu ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Canada gaar ahaan magaaladaEdmonton ee gobolka Alberta.
  3. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada oo kormeeray qaar kamid ah goobaha Waxbarashada Gaalkacyo Madaxda wasaarada waxbarashada ee Puntland ayaa maanta kormeeray qaar kamid ah goobaha waxbarasho ee ku yaal magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug. Mas’uuliyiin uu horkacayo wasiirka wasaaradda waxbarashada ee Puntland Cabdi Faarax Juxa ayaa goor hore oo saaka ah kormeer ku tegey dhowr kamid ah dugsiyada sare iyo kuwa H/dhexe ee Gaalkacayo. Iskuulada uu saaka wasiirku booqdayna waxaa kamid ah dugsiyada sare ee Cumar Samantar iyo Xaaji Cali Biixi oo iyagu kamid ah dugsiyada sare ee ugu waaweyn gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland. Sidoo kale wasiirka waxbarashada Puntland iyo wefdigiisu waxay saaka soo kormeereen qaar kamid ah dugsiyada isugu jira H/Dh/Sare oo uu kamid ahaa dugisa Salaama Mudane Cabdi Faarax Juxa ayaa dhamaan goobihii waxbarasho ee uu maanta tegey wuxuu kula hadlay ardaydii wax ka baraneysey, wuxuna kula dardaarmay inay dadaalkooda sii laba jibbaaraan si ay mustaqbal fiican u higsadaan. Wasiirka waxbrashada ee Puntland ayaa dhinaca kale sheegay in qaar kamid ah dugsiyada sare ee dowladda hoos taga oo horay Imtixaanaadkooda dibadda loogu soo diyaarin jirey loguna sixi jirey qaabkaas isaga ah laga bedley. Laga bilaabo sanad dugsiyeedka hadda socda ee 2011-2012 wuxuu wasiirku tilmaamay inuusan jiri doonin Imtixaan dibadda ka yimaada balse dalka gudihiisa lagu diyaarin doono laguna sixi doono. Si kastaba ha ahaatee booqashada uu maanta wasiirka waxbarashada ee Puntland ku tegey qaar kamid ah goobaha waxbarashada ee magaalada Gaalkacayo ayaa kusoo beegmeysa xilli maanta ay magaalada Garoowe soo gaareen wefdi ka socda w.waxbarashada ee Sudan.
  4. Somalia;811378 wrote: Lol, I'm just playing with them They always bite the bait.
  5. OdaySomali;811375 wrote: You know what sxb. Recently I have been asked a number of profound questions, including this one you have posed here, where I have found myself unable to give a definitive answer either way. I will, at some point, need to sit down and seriously work through my 'life-philosophy'. I will let you know when I have done that insha Allah. i look forward to your answer. :cool:
  6. Somalia;811370 wrote: "Into every thread", on which planet? :rolleyes: And I am not talking about deals, I am talking about somalidiids what's with the sudden obsession AFTER 15th of January, I mean I am not asking for much here? Also, no deal has been signed regarding Nugaal Valley, so put that in your pipe and smoke it. i suspect a conspiracy going on here. apparently, this is not the only Somali owned forum that has the folks from the triangular state or better known as the snm enclave talking about oil. Don't they know, only PL is the forerunner in the oil business in Somalia. :cool:
  7. OdaySomali;811363 wrote: That is when the cold-war starts :cool: I agree with you. Well said. but as a parent, do you want to have a cold war with your kids. Apparently, as parents get older they want to have a more open relationship with their kids and depending on their health, a lot of them require a constant care. so, the cold war does not help anyone, especially, the parent. It's important for parents, and especially Somali ones, to have a open and honest relationship with their kids. i was heart broken when i saw a video of Somali youth in the UK that turned to gangs for support. Many of the Somali youth that ended in prison said that it was after being in prison that their father or mother talk to them and by then it was too late. Therefore, those of you here on SOL that are parents i implore you to keep an eye on your kids and play an active role as they get older. For those of you, including myself, look for a person who will be a better mother or father to your future kids and while doing so, improve yourself, because only a decent person can attract another decent person.
  8. OdaySomali;811323 wrote: Lol @ grounding and talking. And did it all work, was it effective ? hitting children only works for so long. what happens when they become adults:confused: clearly hitting an adult is way more difficult than hitting a child. i believe there's a better way to disciple children and it starts before they are conceived. be a better father, marry a decent woman, start having a relationship with the children the moment you bring them home, and finally, be active in your children lives. that's the best way to ensure your kids turnout decent just like you.
  9. Madaxweynaha Dowlada FKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hor boodayo ayaa maanta u amba baxay magaalada Baqdad ee dalka Iraq. Madaxweynaha oo safarkiisa ay ku wehliyaan wasiiro ka tirsan xukuumada iyo saraakiisha madaxtooyada qaarkood, ayaa uga qeybgalaya xarunta dalka Iraq shir madaxeedka Jaamacada Carabta oo birito halkaasi ka furmayo. Wasiiru dowlaha madaxtooyada C/raxiin Cabdi Abiikar ayaa warbaahinta uga warbixiyey safarka madaxweynaha. "Madaxweynaha waxa uu maanta u kicitimay dalka Iraq, safarkiisa waxaa ku wehliya wasiiro iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada, waxa uu halkaasi uga qeybgalayaa shir madaxeedka Jaamacada Carabta, waxa kale oo uu la kulmi doonaa madaxweynaha Ciraq oo ay is weydaarsan doonaa arimo ku saabsan laba dal," ayuu yiri C/raxiim Cabdi Abiikar Iraq waxay waaya arag u tahay xaalada ay iminka kusugantahay Soomaaliya, sidaasi daraadeed labada madaxweyne waxay is weydaarsan doonaan aragtiyo ku saabsan sidi Soomaaliya ay uga bixi laheyd xaaladaha amaan darri. Sheekh Shariif ayaa dalka dib ugu soo laaban doono 30-ka bisha March ee aan ku guda jirno. Dhanka kalana waxaa maanta magaalada Muqdisho kusoo laabtay Ra'isulwasaaraha Soomaaliya, C/wali Maxamed Cali kadib sadex cisho oo uu ku maqnaa magaalada Gaalkacyo.
  10. Somalia;811178 wrote: It's gigantic. :eek: i'm surprised, i beat Osman to this thread.
  11. Shariif oo u dhoofay Ciraaq Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka dhoofay maanta 28,March 2012 Muqdisho iyagoo kusii jeeda Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, halkaasoo ay uga qaybgalayaan shirka Jaamacada Carabta oo berri furmaya. Wasiir u dowlaha Madaxtooyada Somalia ayaa sheegay in Madaxweynaha ay la socdaan xubno isugu jira Wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan Villa Somalia, ayna uga qaybgalayaan dalka Ciraaq shirka Jaamacada Carabta. Shirka dalalka Carabta ay ku yeelanayaan Baqdaad ayaa waxaa looga hadli doonaa arimo ay ka mid yihiin: Xaalada Somalia, Rasbadhada Yemen iyo Kacdoonada dalka Syria, iyadoo xaaladaha dalalka go'aano laga soo saari doono. Madaxweyne Sh. Shariif ayaa lagu wadaa inuu hadal ka jeediyo shirka, iyadoo ay noqonayso markii ugu horeysay oo dalalka Carabta ay shir ku yeeshaan Ciraaq tan iyo markii la riday dowladii uu hogaaminayay Sadaam Xuseen. Safaarada Somalia ee Ciraaq ayaa waxay wadaan qorshayaal ay madaxweynaha iyo xubnaha la socda kusoo dhaweynayaan, waxaana ku sugan dalka Ciraaq qaar ka mid ah xubnaha dalalka Carabta uga qaybgalaya shirka. Amaanka Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo lagu daadiyay wadooyinka ciidamo ka badan 10,000 oo askari oo Ciraaqiyiin ah, waxaana ka dhaca Magaaladaas Qaraxyo waaweyn.
  12. Mudane Madaxweyne Faroole visited the construction site of the new PL government Building. :cool: