kingofkings

Nomads
  • Content Count

    2,894
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by kingofkings

  1. rudy-Diiriye;814112 wrote: may yeeya wali la isko qangiideneya!! Dee naga daaya ha daba....kuleey kaasi jano kalimaaye!! maxa idiin waaley. now we're claiming God's attributes. what's next, i'm God. seriously, say istaghfurallah.
  2. Somalia;814018 wrote: Bosaso is expanding fast, we should focus on urban planning. Also look at the difference a few trees make. somalia you have a point. more trees and urban planning. Long live Bosaso:cool:
  3. where is Dr. Osman:confused: Osmano, don't forget to add your two cents.
  4. Safaarada Turkiga ee Soomaaliya ayaa ka warbixisay shirka lagu wado in dhinacyada Soomaalida loogu qabto dhawaan magaalada qadiimiga ah ee Istanbul. Dowladda Turkiga oo iminka saameyn ku leh Dalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisey Shirka ay horey ugu balan qaadeen inay dalkeeda ugu qabanayaan qeybaha siyaasadda ee dalka Soomaaliya kaasi oo ay balan qaadeen intii lagu guda jirey Shirkii London ee dhacay bishii Febuary. Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Kamaludiin Turan oo wariyaasha kula hadlay xarunta saxaafada ayaa sheegay in dowladiisu ay rajo ka qabto in Shirka Turkiga ee Soomaaliya uu go,aan ka gaari doono xalki ugu danbeeyey ee dhibaatada Soomaaliya. Shirka oo ka dhici doono magaalada Istanbul ayaa lagu wadaa in lagu dhameystiro go,aanadi kasoo baxay shirki London ee bishi Febraury ee sanadkaan, waxaana lagu casuumayaa dhinacyada siyaasada iyo bulshada Soomaaliya. Sida uu Mr Turan sheegay shirkan kaliyah xooga ma saari doono ka qeybgalkiisa kooxaha siyaasada, ee waxaa door fiican ka ciyaari doona dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada. “Inagu waxaau diiradda saareynaa Ahmiyadda ka qeybgalayaasha shirka waxaana ka qeyb geli doona Haweenka,Dhalinyarada, Aqoonyahanada inta waxgaradka si arintu ay u noqoto mid ahmiyad gooni ah leh oo beesha caalamkuna si xushmad leh u aqbalayaan” ayuu raaciyey safiirka. Dowlada Turkiga ayaa saameyn weyn ku leh Soomaaliya, waxaana haatan ay ka wadaa mashaariic horumarineed oo ay ku dhiseyso qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya.
  5. b-boy;813991 wrote: The admin have taken steps to deal this just yesterday the mayor of Baargaal was touring the eastern Bari coast to assess the situation there. finally a good news. thanks for the update.
  6. Somalia;813981 wrote: I think 1.3 million was allocated to them this year, where did that money go? if the gov. allocated 1.3 million for these counties, then the idi@ts that missed placed the funds need to be brought to court for crimes against humanity. :mad:
  7. Gudoomiyaha Bari: ” Waa loo gurmanayaa Deegaanada ay abaaruhu ka jiraan” Maamulka gobolka Bari ayaa ka hadlay abaaraha dabada dheeraaday ee ka taagan qaar kamid ah deegaanada kulaala xeebaha labada badood ee Inida iyo gacanka cadmeed. Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxamed (Gallan) ayaa sheegay in maamulka gobolku uu dejiyey qorshe ku aadan sidii dhibaatooyinka ay abaaruhu keeneen wax looga qaban lahaa. Wuxuuna intaas ku daray in qaylo dhaanta ku aadan xaaladda abaaraha ay u gudbiyeen dowladda dhexe ee Puntland iyo hay’adaha samafalka ee maxalliga ah iyo kuwa kale ee caalamiga ah. Gudoomiyaha gobolka Bari ayaa dhinaca kale sheegay in maamulka gobolku uu sida ugu dhakhsaha badan ugu gurman doono deegaanada ay abaartu ka jirto islamarkaana la sameyn doono hawlo biyo dhaamis ah si looga hortago in xaaladdu ay kasii darto. Hadalka gudoomiyaha gobolka ayaa imaanaya xilli xaaladda abaartu ay tahay mid kasoo daraysa marba mark ka danbeysa, waxaana qaar kamid ah deegaanada abaareysan siyaabo kala duwan ugu geeriyoodey dhowr qof. Abaarta ka taagan deegaanada ku yaal bariga fog ayaa ah tii ugu ba’neyd ee la arko in mudo ah, waxaana dhulkaas ka jirta biyo’laan daran kadib markii ay qalaleen inta badan ceelashii ay dadku ka cabi jireen mudo 4-sano ka bandanna aysan wax roobab ahi ka di’in.
  8. How can PL stand idly by and do nothing while their precious citizens are dying of lack of basic necessities such as water and food. SHAME ON YOU PL GOV:confused::mad:
  9. Qaylo dhaan xooggan ayaa kasoo yeereysa deegaanada ay abaaruhu saameeyeen ee ku yaal bariga fog ee gobolka Bari. Dhulkaas oo mudo 5-sano ku dhow aan wax roob ah helin ayaa waxaa ka taagan biyo la’aan aad u daran. Abaarta oo ah tii ugu adkayd ee in mudo ah deegaanadaas ka dhacda ayaa sababtay dhimashada dhowr qof oo caruur u badan. Caruurtan oo ay tiradoodu 4-tahay ayaa u geeriyoodey nafaqo darro iyo cuduro uu shuban biyoodku kamid yahay kuwaas oo meelaha qaar ka dilaacay. Sidoo kale waxaa dadka geeriyoodey ku jira 2-dumar ah. Hooyooyinkaas ayaa dhintay kadib markii ay dhiig la’aani soo food saartay xiligii ay umuleen. Dhinaca kale waxaa meelaha qaar ka bilowday barakac baahsan kadib markii ay abaartu dishey in badan oo kamid ah xoolihii ay dadku dhaqanayeen. Inta u dhexeysa degmooyinka Qandala, Caluul iyo Baargaal ayaa ah deegaanada ugu daran ee ay abaartu sida ba’an u saameysey. Man jirto ilaa iyo hadda cid dadka ku dhaqan deegaanada abaareysan ee gobolka Bari taageero u fidisay marka laga reebo dowladda oo sheegtay inay u gurman doonto.
  10. Dr_Osman;813749 wrote: Where are you kingy and somalia development focused nutters!!! get in here and drop a comment excellent work PL. this is long over due. now PL has an agency that completely focuses on crimes. good news.
  11. Mario B;813671 wrote: Governor of Nuugal must have fetish for construction sites, how many times a week does he do these visits? Considering he's got so much time in his hand why doesn't just become the site manager. since you have the time and seem to follow the governor, why not this us his next visit to the site.
  12. Boosaaso, April 30 - Senator Mark Kirk oo ka tirsan aqalka odayaasha Maraykanka iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhawayd ka dhoofay maddaarka Bender Qaasim, kadib safar qaatay maalin oo uu ku joogay magaalada Boosaaso. Senator Mark Kirk ayaa intii uu joogay magaalada Boosaaso waxa uu shirar kala duwan la qaatay madaxwaynaha dawladda Puntland iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada. Odaygu waxa kale oo uu booqday goobaha muhiimka ah ee ku yaal magaalada Boosaaso, sida dekedda, wasaaradda maaliyadda, bankiga dhexe, maxjarka xoolaha iyo waliba xabsiga wayn ee magaalada Boosaaso. Shirarka iyo dhaq-dhaqaaqa wafdiga ee magaalada Boosaaso ayaa labadaba waxa laga mamnuucay saxaafadda, haseyeeshee ilo ku dhow madaxtooyada oo ay Daljir la hadashay ayaa noo sheegay in booqashada oday Mark Kirk nuxurkeedu ahaa laba qodob oo muhiim ah. Waa kan horee, in uu u dhabbo-galo xaaladda burcad-badeedda ka qowlaysata Puntland iyo sida ay dawladda Puntland uga go'antahay, guulana uga gaadhay la dagaalankeeda. Wafdiga ayaa loo sheegay in Puntland ay tahay meesha ugu badan adduunka ee ay ku xiran yihiin burcad-badeedda kuwaas oo kor u dhaafaya 300 oo maxbuus. Maxaabiistaa ayaa intooda badan waxa ay ku xiran yihiin xabsiga Boosaaso halkaa oo ka mid ahayd meelihii uu booqday Sanator Kirk. Ahamiyad labaad ee safarka Kirk ayaa ahayd sidii uu ugu kuur-gali lahaa daganaanshaha iyo horumarka ka jira Puntland isla markaana ay Puntland uga faa'idaysan lahays siyaasadda xukuumadda madaxwayne Barack Obama ee ku aaddan Soomaaliya ee loo yaqaano siyaasadda labo-itijjaaha ah ama "Dual Track policy". Wafdiga Senator Kirk oo Boosaaso soo gaaray saaka (Sabti) 7:30-kii subaxnimo ayaa shir-quraaceed ay ku qaateen aqalka madaxtooyada, goob-joogna ay ka ahaayeen madaxwaynaha dawladda Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada waxa si diirran loogu soo dhaweeyay Puntland, waxana halkaas loogu sharxay taariikhda Puntland, sababihii keenay asaaskeeda 1998-kii iyo waliba isbaddaladii dimuqraadiyadeed ee ay dhinaca maamulka ka soo martay tan iyo wixii ka dambeeyay muddadaas. Madaxwayne Faroole ayaa u sheegay wafdiga Senator Kirk in ay Puntland horumar la taaban karo ka gaartay barnaamijkeeda dimuqraadiyadaynta, waxana uu hoosta ka xariiqay in ay Puntland ka go'antahay, culayskasta oo jira, in ay hirgaliso nidaamka axsaabta badan iyo doorashooyinka casriga ah. Senator Kirk ayaa isna dhiniciisa sheegay sida uu ula dhacsanyahay horumarka iyo ammaanka ka jira Puntland, waxana uu qiray in Puntland tahay mandiqad istaahisha in gacan laga siiyo arimaha horumarinta iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha. Waxa uu sidoo kale ammaanay habka uu u shaqeeyo maamulka madaniga ah ee dhinacyada maaliyadda, canshuuraha iyo xisaabaaka. Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa aad loo adkeeyay, inkasta oo aan wax isbaddal ah laga dareemin hannaan-socoka nolol-maal-meedka caadiga ah, iyada oo uu wafdiga Kirk si habsami leh uga kala-dhex-gooshayay daafaha magaalada intii uu ku guda-jiray indha-indhaynta xarumaha maamulka dawladda iyo kaabayaasha dhaqaalaha Puntland. Waxa xusid mudan in Senator Mark Kirk uu yahay mas'uul la doorto oo Maraykan ah kii labaad ee ugu darajada sareeyay ee abid booqda Soomaaliya, marka laga soo tago booqashadii madaxwayne Goerge Bush-kii aabaha ahaa uu ku tagay magaalada Baydhabo sannadkii 1993-kii. Sanator Mark Kirk waa oday ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, waxana uu soo galay aqalka odayaasha Maraykanka bishii November ee sannadkii tagay ee 2010-kii. Waxa laga soo doortaa magaalada Chicago, ee gobolka Illinois, kursiga uu hadda fadhiyana waxa horay u lahaan jiray madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama. Waxa uu ka tirsan yahay guddiga dhaqaalaha ee aqalka odayaasha, waxana uu sidoo kale xubin ka yahay gole-hoosaadyada maaliyadda iyo ammaanka aqalka odayaasha Maraykanka. Ka hor, laga soo bilaabo sannadkii 2001-dii, waxa uu ahaa mudane ka tirsan aqalka wakiillada. Galabta 4:30 xilliga Afrikada bari ayuu Senator Mark Kirk iyo wafdigiisii oo ka koobnaa lix xubnood waxa ay dib ugu noqdeen magaalada Jabuuti, halkaas oo ay markii horeba kaga soo arooreen magaalada Boosaaso. Diiwaanka Wararka, Daljir --------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------- Boosaaso: Senator Kirk oo booqanaya Puntland; shir haatan ka socda xarunta madaxtooyada. Boosaaso, April 30 - Waxa maanta magaalada Boosaaso soo gaaray wafdi heer saro ah oo ka socda dalka Maraykanka. Wafdigan ayaa waxa hogaaminaya Senator Mark Kirk, waxana ay haatan shir albaabadu u xiran yahay ay la leeyihiin madaxwaynaha dawladda Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole. Wafdigan ayaa tobaadkii la soo dhaafay waxa uu booqanayay waddamo ku yaal gobolka Bariga Dhexe. Sanator Kirk oo laga soo doorto gobolka caanka ah ee Illinois waxa uu ka tirsan yahay guddiga dhaqaalaha ee Senate-ka Maraykanka. Wixii faahfaahin ah ee ka soo baxa shirka haatan ka socda madaxtooyada Puntland ee Boosaaso dib ayaan idinkala soo socodsiin doonnaa.
  13. Hay’adda horumarinta beeraha ee CEFA ayaa maanta beeraleyda deegaanka Karin-Boosaaso ku wareejisey labo Kanaal oo loogu tala galay sidii loo tayeyn lahaa waraabka Beeraha. Munaasabadii Kanaaladan lagula kala wareegayey oo ka dhacday xafiiska hay’adda Cefa ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaarada beeraha iyo waraabka, madaxda ugu sareysa CEFA iyo mas’uuliyiin ka socda Iskaashatada beeraleyda ee gobolka Bari. Ugu horeyn waxaa munaasabadaas ka hadlay Eng. Axmed Cabdiraxmaan Nuur (Dabagaale) oo isagu ah Engneerka dhinaca dhismaha Kanaalada u qaabilsan hay’adda CEFA, wuxuuna ka warbixiyey qaabkii uu dhismaha 2-daas kanaal kusoo bilowday iyo mudadii uu qaatay, isagoo sheegay in dadka deegaanku ay gacanweyn ka geysteen sidii uu mashruucaasi si habasami leh ugu fuli lahaa. Madaxa hay’adda CEFA Dr. Cabdilaahi Xuseen Samatar ayaa isna ku booriyey beeraleyda deegaanka Karin-Boosaaso inay ka faa’iideystaan Kanaalada loo dhisay, isagoo xusay in kormeer joogto ah lagu sameyn doono sida ay u adeegsadaan maadaama la geliyey dhaqaale xooggan ujeedada laga leeyahayna ay tahay sidii tayada beeraha iyo wax soo saarka dalka kor loogu qaadi lahaa. Khaliif Maxamuud Xasan oo kamid ah guddiga beeraleyda deegaanka Karin oo isna munaasabadaas si kooban uga hadlay ayaa u mahad celiyey hay’adda CEFA, wuxuuna tilmaamay in CEFA aysan hay’adaha kale ula mid ahayn madaama ay horay mashaariic waxtar leh ugu sameysey hadana u dhistey labo Kanaal oo *****li doono baahiyo badan oo ay dhinaca waraabka beeraha ka qabeen. Wasiir ku-xigeenka wasaaradda beeraha iyo waraabka ee Puntland Maxamuud Maxamed Sheekh oo ugu danbeyntii hadalka qaatay ayaa ku dheeraaday sida ay muhiimka u tahay in waxsoosaarka dalka ee ku aadan dhinaca beeraha xoogga loo saaro, wuxuuna mahad balaaran usoo jeediyey hay’adda CEFA, beeraleydana wuxuu ku booriyey in dadaalkooda sii laban laabaan. Labada Kanaal ee ay hay’adda CEFA u dhistay beeraleyda Karin-Boosaaso ayaa kala ah Kanaal dhererkiisu yahay 300m oo laga sameeyey beeraha (Cago) oo isla deegaankaas ka tirsan iyo beeraha Karin ee ku yaal dhianca laamiga xiga oo iyagana loo sameeyey biyo mareen dhererkiisu yahay 500m. Horay hay’adda CEFA waxay dhamaadka sanadkii tegey mashaariic kan lamid ah uga soo fulisey degmada isku-shuban iyo deegaanka (Riyi-heshay) oo qiyaastii 10km dhinaca koonfur-bari magaalada Boosaaso kaga beegan.
  14. Al-jabour ship of Lebanon was carried 4500 livestock including herds of cattle and flocks of sheep and goats after business men from Lebanon came in Puntland commercial city Bosaso to discuss with Puntland business men for exporting these livestock..