kingofkings

Nomads
  • Content Count

    2,894
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by kingofkings

  1. Carafaat;814298 wrote: Professor Farjac is an intellectual with experience, he is more educated and experieced then all leaders Puntland has seen so far. Why do oppose the man? i'm sorry, i'm afraid SOL is neither a cure nor is it a substitute for multiple personality syndrome. so, fadlan see to it that you exist the thread.
  2. seriously:confused: come on. this has to be the political equivalent of April Fool.
  3. Prof. Cumar Farjac oo mar kale isu sharaxay Madaxweynaha Puntland Iyadoo mudooyinkii ugu dambeyay gudaha iyo dibadda ay ka socdeen olole ay wadaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta Puntland oo ay ku doonayaan in ay kaga qeyb galaan doorshooyinka la filayo in ay dhacaan Bisha January,08,2013, ayaa waxaa ku soo biiray Musharax cusub. Musharaxa ku soo biiray ayaa lagu magacaabay Prof. Cumar Farjac oo horey uga tirsanaa musharaxiintii ka qeyb galay doorshooyinkii sanadkii 2009, ee uu kaga guuleystay Madaxweynaha hadda ee Puntland Dr. C/raxman Faroole. Musharaxa Farjac Wuxuu ku dhashay Degmadda Qandala sanadku markuu ahaa 1953. Wuxuuna noloshiisa qayb ka mid ku soo barbaaray miyiga iyo deegaanada u dhexaya Dhadaar, Shabaab, Gaatir Odan, Dandamaale, Ceel Gaal, Gurur, Balli Dhidhin, Siido iyo Dhabanna Caddo, Fira, Buq Catooti, iyo Aaga Xaafuun. WAXBARASHADA: Prof. Cumar waxbarashadiisa waxay ku baahsantahay meherado kala duwan sida dhaqaalaha, qorshaynta, demoqrafiyada, horuumarinta miyiga iyo magaalooyinka, dhaqaalaha iyo horuumarinta cududa shaqaalaha (Labor Market Economics), turxaan bixinta maamul xumida, beel daajinta qaran. Shahaadada PhD waxaan u dheer shahaadooyinka uu ku qaatay MS demographer, MS Sociologist, MS Statistician. MS Urban Planner, MS Transportation Planner. Waxbarasha jeceylkiisa waxay ku kalliftay in uu kala goosho wadama badan sida Egypt (Masar), Kenya, North Carolina, Maryland, Michigan, New York, Ghana, Florida, Washington DC, Wisconsin, Minnesota, Pennsylvania, Arkansas, Iowa, iyo kuwa badan. Farjac wuxuu kaloo ka soo shaqayey Kulliyada Dhaqaalaha ee Muqdisho, wuxuuna ka dhigay Microeconomia, Macroeconomia. Arday fara badan ee ka soo aflaxday dhaqaalaha ayaa badanaaba ku soo dhowaysa goobaha uu dadweynaha ku baraarujinayo si ay uga qayb galaan horuumarinta Puntland iyo Somaliya. SHAQADA Wuxuu Prof. Farjac kaloo ka soo shaqayey Wasaaradda Qorshaha Qaranka iyo Isku Duba Ridka (Planning and Coordination) isagoo adeegsanaya xirfadaha sahaminta dadka, tirakoobidda, dhalashada, dhimashada iyo hoyguurka ummadda. TAKHASUS: Prof. Cumar Farjac wuxuu ku xirfad dheeryahay Siyaasadda Dhaqaalaha Maalgelinta Shisheeye iyo Hantida u Soo gooshta Wadamada Soo Kobcaya, Dhaqaalaha Beeraha iyo tacabka jibaalka dhulka, hanyida iyo cududa shaqaale ee kala duwan. Dhaqaalaha Warshadaha iyo dhiiri gelinta tacabka warshadaha, Dhaqaalaha Canshuuraha, Maaliyadda iyo dhiiri gelinta tacab soo saarka. Prof. Farjac wuxuu xirfad dheeri ah iyo takhasus gooni ku leeyahay Qorshaynta Magaalooyinka (Urban Planning) dhanka jidadka, biyagelinta, gelinta qasabadaha bulaacadaha, korontada, waax-waaxaynta magaalooyinka, u abuuridda kaymaha iyo beeraha tahaniska, u kala qaybinta warshado iyo degaan, goobo shaqo iyo tahaanis, qorshaynta gaadiidka magaalda. Prof. Farjac wuxuu can ku yahay Culuunta Dadka, Sahanka iyo Tirakoobyada Dadka Guryaha iyo Duunyada (Population Studies, Surveys, Censuses of Population, Housing and Livestock). Prof. Farjac takhasus gaar ah wuxuu ku samayey Dhaqaalaha Gaadiidka Dhulka, Cirka, iyo Biyaha (Economics of Transportation: highways, Railways, Air and Water Transportation). Shahaadada ugu weyn ee Prof. Farjac ku faano waa shahaadada dugsiga sare, wuxuuna u arkaa in ay tahay furaa horuumarka qofka. Haduu qofku doonayao in uu ku shaqaysto waxbarashadiisa iyo in uu sii wato waxbarshadiisa, waxaa saldhig u ah shahaadada dugsiga sare. Hadafkiisa ugu weyn ee horuumarinta Puntland waa in uu gaarsiiyo ardayda iyo dadweynaha Puntland in qofwalba qaato shahaadada dugsiga sare. Shahaadadaas oo weliba ku salaysan xirfad farsamo. Waxbarashadu kuma koobnaaneyso ardayda da’da yar oo qura ee waxay ku baaheysa dadka waaweyn oo dhan miyo iyo magaalaba. LUQADA: Prof Cumar wuxuu ku hadlaa luuqadaha ay kamid yihiin Soomaali, Ingriisiga,T alyaaniga,Carabiga iyo IWM. Prof Cumar waa aqoonyahaan caan ku ah Somaliya iyo dalal farabadan oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Canada, Australia, New Zealand, Caribbean Island, Pakistan, iyo wadamo reer Yurub ah.. SIYASADA: Prof. Cumar waa musharaxaa madaxtinamada Puntland sanadka 2009. Cumar wuxuu aad ugu dhuundaloolaa siyaasada Soomaaliya gaar ahaan Puntland. Wuxuuna ka qayb qaatay shirar badan (Conferences) ee lagu falanqeenayo arimaha Soomaaliya. Prof. Farjac wuxuu aad u danayaa nabadda, cadaaladda iyo sinaanta ummadda Puntland iyo Somaliya, taas oo uu aaminsan yahay in ay saldhig u tahay horuumarinta dhaqan dhaqaale ee wadanka. Prof. Cumar waa nin aqoonyahan ah, waana shaqsi karti u leh in uu afgarto ama kasbado cid kasta oo ay hawlo u dhexeeyaan sokeeye iyo shisheeyeba, gaar ahaan dalalka reer galbeedka, wadamada Carabta, wadamada Afrika ee doonaya in ay kaalin wacan ka qaataan xasiloonida, dib u dhiska iyo horuumarinta Puntland iyo Soomaaliya. Waxaa dhawaan lagu wadaa in uu soo gaaro Magaaladda Bosaso, halkaas oo ay ka socto diyaargaroga soo dhaweynta Musharaxa Farjac.
  4. Golaha Murtida iyo Madaddaalada ee National Tiyaatarka Soomaaliyeed ayaa la sheegayaa inuu qarax aad u weyn oo ilaa 6 – qofood ay ku naf waayeen uu ka dhacay gudaha masraxa agtiisa iyadoo ay is miidaamisay gabar ku rakibnayd waxyaabaha qarxa. Marka qaraxu dhacayey ayaa waxaa khudbadiisu socotay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Md. Cabdiwali Maxamed Gaas. Waxaa goobta kusugnaa mas’uuliyiinta dowladda, Fanaaniinta hobolada Waaberi, Horseed, marti sharif fara badan, qeybaha bulshad Xamar iyo warbaahinta ka howlgasha Gobolka Banaadir. Ma cada in Ra’iisul Wasaaraha laftiisa ay wax soo gaareen iyo inkale, laakiin si deg deg ah ayaa ciidamada amaanka goobta uga saareen, iyadoo meeshii oo dhan ay isku bedeshay jahwareer. Qaraxaan ayaa fulisay gabar isku soo rakibtay waxyaabaha qarxa, iyadoo aanan la garanayn qaabkii ay kusoo gudubtay ilaalada albaabka iyadoo dadka qaar ay ku doodayaan inaay wax ka ogaayeen booliiska amaanka sugayey. Aadan Xaaji Yabrow Wiish oo ah gudoomiyaha Gudiga Olompikada Soomaaliyeed iyo Xoghayaha xiriirka Kubada Cagta Siciid Mungaabe ayaa lasheegay in uu dhaawac soo gaaray inkastoo aan la cadeyn inuu culus yahay iyo inkale. Warar aan hada heleyno oo hordhac ah ayaa sheegaya in qaraxan uu goor dambe dhaawac ahaan ugu geriyooday allaha u naxariistee Siciid Mugambe. Fananada Aamino C/lle Macow aayaa haatan u waramaysa saxaafaada iyadoo waliba ilmaynaysa inkastoo ay ka badbaaday qaraxaasi. Sidoo kale fanniita Axmed Cabdi Gaashaan iyo Faadumo Baajuuni ayaa igana sheegay in ay dhawacmeen sidoo kale Cabdi tahliil oo garbaha lagahayo ayaa laga soo saaray inkastoo aysan waxba gaarin. Halkaasi ayaa waxaa ka socotay Xaflad loogu dabaal dagayay sanad guuradii Koowaad ee ka soo wareegtay markii dib loo howlgeliyay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.
  5. Wararkii ugu dambeeyey Qaraxa Theaterka waxay sheegayaan in Alla ha unaxariitee ay dhinteen Prof. Dalxa iyo Wasiirkii Sportiga ee Dowlada Soomaaliya, waxaa kaloo jira xildhibaano ay kamid yihiin Mowliid macaane oo dhawacsoo gaaray, Dad badan oo marti iyo shacab isugu jira ayaa dhintey, Way adagtahay in wararka rasmiga ah laga helo xaalada Theaterka. Haweyney ayaa qaraxa fulisey sida wararku sheegayaan
  6. Alhamdulillah. PM Dr. Gaas is in good health. unfortunately, the brainwashed young lady killed several innocent people including herself. AUN to the deceased.
  7. Dr.Gaas oo Muqdisho qarax lagula beegsadey goor dhaweyd Qarax ayaa goor dhow ka dhacey tiyaatarka qaranka Muqdisho xili uu khudbad ka jeedinayey raysal wasaaraha dalka Dr.Cabdiweli Maxamed Cali oo uga qaybgalayey munaasabada sanadguurada koowad ee kazoo wareegtey dib u kicintii telefishinka SNTV. Ilaa iyo hadda ma jiraan warar lagu kalsoonyahay oo si dhab ah u qeexaya tirade khasaarhu gaarsiisanyahay balse waxa la sheegey inay jiraan dhaawacyo fudud oo soo gaarey qaar kamida wasiirada DF Somalia ,wariyaasha warbaahinta qaranka iyo weliba qaar kamid ah martisharafta kale. Sida la sheegey haweeney ayaa qaraxa fulisey taasi oo dooneysey inay isku qarxisey Dr.Cabdiweli inakastoo ay ka celiyeen ilaaladiisa gaarka ah. Alaha u naxariistee waxa warar horudhac sheegayaan in uu ku geeriyoodey isla goobta gudoomiyihii xiriirka kubada cagta Soomaliyeed Siciid Mugaanbe ,waxana bad qaba wasiirka koowaad ee DF Somalia Dr.Gaas oo lala beegsadey qaraxan. Magaalada Muqdisho ayaa amaankeda lagu kalsoonaa waayadan danbe iyadoona madaxdu kormeero sameyn jiren xitaa xiliyada habeenka waxana ilaa iyo hadda cidi sheega masuuliyada qaraxan maanta ka dhacey Muqdisho. Akhyaarta ku xiran Garowe Online warkan oo faahfaahsan ayaa ka daalacan donaan goor dhow hadii eebe idmo.
  8. Warar hordhac ah oo aan ka heklayno Theaterka qaranka oo maanta lagu xusayey maalintii dib loo furey TV-ga qaranka ayaa qarax lala eegtey xili uu raysal wasaare Gaas khudbaynayay, Wax dhawac ah oo soo gaaray Madaxda Dowlada ma jiraan, waxaase la xaqiijiyey inuu ku dhintey Masuul ka tirsanaa Xirrika Kubada cagta Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Saciid Mugaanbe , Tirada dhimashada ayaa aad u badan sida warar ku sheegayaan, Waxaa markiiba goobta gaaray Hay’adaha gargaarka iyo kuwa abniga, Waxaana si deg deg ah meesha looga saarey Madaxda Dowlada, Qaraxa ayaa ahaa mid ismiidaamin ah, inkastoo aan wali war rasmi ah laga hayn. Warar ku dhow dad ku sugnaa gudaha Theaterka ayaa Puntlandi.com u sheegey inuu qaruxu ahaa mid xoogan oo gudaha Theaterka markiiba ay isqabsatey qaac madow iyo diryaan xoogan….. Raysal wasaaraha ayaa la filayaa inuu shir jaraa’id qabto oo uu ka war bixiyo sida wax ud haceen isagoo u tacsiyeynaya dadka ku dhintey ehelkooda.
  9. Muqdisho (Puntlandi)—-Qarax ayaa goor dhow ka dhacay Tiyaatarka wayn ee magaalada Muqdisho oo dhawaan irdaha loo furay. Sida ay bahisay wakaaladda wararka ee reuters qarax dhimasho iyo dhaawac sababay ooay ku dhinteen dad aan wali tiradooda la shaacin ayaa gil gilay Tiyaatarka Muqdisho. Qof goob jooge ah ayaa reuters u sheegay inuu arkayay 4 qof oo dhintay iyo dad kaloo dhaawac soo gaaray. Warar horudhac ah ayaa sheegaya in loo malaynayo in qof natii hure ah uu isku qarxiyay tiyaatarka Muqdisho . Faahfaahinta kala soco qaybaha wararka danbe
  10. AUN to the deceased. How are these individuals keep getting pass the government check points:confused:
  11. Wasiirka Waxbarashada Puntland Juxa oo Deeq gaarsiiyay xarunta Agoonta Garowe Wasiirka Waxbarashada Puntland, Mudane Cabdi Farax (Juxa) ayaa maanta deeq gaarsiiyay xarunta Agoonta ee ku taala magaalada Garoowe, Wasiirka oo u dhurgalaya hab u socodka waxbarasho iyo nolosha ayaamaamulka xarunta Agoonta ku wareejiyay, dees isugu jirta raashin iyo xoolo nool. Wasiirka oo ay weheliyaan Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada, Mudane Gaashaan iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaarada Caafimaadka Puntland ayaa la hadlay maamulka, macalimiinta iyo caruurta Agoonta ah ee lagu daryeelo xaruntaasi, Sidoo kale waxa uu warbixin ka dhagaystay maamulha xarunta Agoonta, maamulka iyo Agoonta ayaa dhankooda gudoomay deeqdan ayaa si wayn ugu mahadceliyay Wasiirka Waxbarashada iyo wefdigii la socda.
  12. Dawlada Puntland oo xoolo nool ugu deeqday xarunta Xanaanada Agoonta ee Magaalada Garowe. Dawlada Puntland ayaa xoolo nool ugu deeqday xarunta Xanaanada Agoonta ee magaalada Garowe. Wafdi balaaran oo ka kooban Wasiirka Waxbarashada puntland Cabdi Faarax Juxa , Wasiiru dawlaha Maamul wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan), Masuuliyiin ka socotay Wasaarada Caafimaadka, iyo xubno kaloo farabadan ayaa kormeeray xarunta Xanaanada Agoonta ee Magaalada Garowe waxayna aad ugu kuurgaleen xaalada Nololeed, mida Caafimaad iyo mida waxbarasho ee Agoontaasi, waxayna warbixino kala duwan ka dhagaysteen Masuuliyiinta xaruntan xanaada Agoonta ee Magaalada Garowe oo tilmaamay in ay baahiyo farabadan oo dhinacyadan ah ay xarunta ka jiraan islamarkaana ay u baahan yihiin in la gacan qabto. Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxa oo hadal kooban u jeediyay ardayda agoonta ah ee xaruntani lagu xanaaneeyo ayaa u ku dhiirigaliyay in waxbarashada ku dadaalaan wuxuuna u muujiyay dawlad iyo shacabba in lagu garab taagnaan doono waxbarashadooda iyo noloshoodaba. Wasiirku wuxuu tilmaamay in dhawaan wasaaradiisu ay hirgalin doonta qorshe ay Qaar ka mid ah Macalimiinta xarunta ugu qorayso mushaarad sidoo kalana ay Caawimaad dhinacyo badan ugu muujinayso Xaruntan Xanaada Agoonta ee Magaalada Garowe. Wasiiru-dawlaha Maamul wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) oo ayaa isna aad u dhiirigaliyay Macalimiinta iyo ardaydan Agaoonta ah wuxuuna u sheegay in uu rajaynayo guul in ay ka gaaran dadaalkan ay wadaan , isagoo carabaabay in naf ahaantiisu uu wax ku soo bartay xaruntii xanaanada Agoonta ee Magaalada Muqdisho xilligii ay jirtay dawlada dhexe ee Dalka Soomaaliya. Intaasi kadib Masuuliyiintan Dawladu waxay xaruntan Xanaanada Agoonta ku wareejiyeen Xoolo ay dawladu ugu talagashay islamarkaana qayb ka ah Kaalmada Dawlada ee ay ku caawinayso Agoonta Magaalada Garowe.
  13. Best consistent Minister in Somalia. Also the most accomplished minister in Somalia. excellent work Asha Geelle. :cool:
  14. Tababar ayaa uga socda magaala madaxda Puntland ee Garoowe saraakiil ka tirsan laanta nabad gelyada wadooyinka ee ciidamada Booliska. Tababarka loo furay saraakiisha ciidamada Traafikada ayaa ah mid lagu baranayo arimo badan oo ay ku jiraan baarista shilalka khasaaraha geysta ee ka dhaca wadooyinka. Waxaana bixinaya saraakiil Jabuutiyaan ah kuwaas oo ay dowladda Jabuuti soo dirtay kadib markii ay mas’uuliyiin uu madaxweynuhu ka mid yahay dhowaan dalka Jabuuti booqasho ku tageen. Taraafikada oo kamid ah laamaha ugu muhiimsan ciidamada Booliska ayaan in mudo ah loo sameyn tababaro ku aadan sidii aqoontooda kor loogu qaadi lahaa si ay shaqadoodu u noqoto mid tayo leh. Dhinaca kale tirada Taraafikada ayaa ah mid aad ugu yar magaalooyinka waaweyn sida Garoowe, Gaalkacayo iyo Boosaaso oo iyadu ah magaalo aad u saxmad badan shilalka gaadiidkuna ay yihiin kuwo mar walba ka dhaca. Qaybo badan oo bulshada kamid ah ayaana aaminsan in hadii ciidamada Taraafikadu ay ahaan lahaayeen kuwo u shaqeeya si joogto ah islamarkaana haysta tasiilaadkii howshooda u fududeyn lahaa ay baajin lahaayeen shilal badan oo khasaare geysta. Si kastaba ha ahaatee tababarka Garoowe uga socda saraakiisha ciidamada Taraafikada ee Puntland ayaa imaanaya xilli mudooyinkii u danbeeyey aad loo dhaliilsanaa qaabka ay u shaqeeyaan.
  15. Che -Guevara;814202 wrote: meeshaan shaqo kale majirto miyaa. i don't know. for a second, i was when did che went to Garowe touring the country side. do you mind telling us your visit to Garowe, PL capital. be honest, are you also unemployed:confused:
  16. Mas’uuliyiin ka tirsan madaxda wasaaradaha waxbarashada, maamul wanaagga iyo caafimaadka ayaa booqday xarunta xanaanada agoonta ee magaalada Garoowe. Mas’uuliyiintaas oo ay kamid ahaayeen wasiirka waxbarasahda ee Puntland Cabdi Faarax Juxaa iyo Wasiiru dowlaha maamul wanaagga Maxamed Faarax Ciise(Gaashaan) ayaa kormeerkoodu ahaa mid salka ku haya sidi ay xaaladda nololeed ee caruurta agoonta ah ugu kuur geli lahaayeen. Wasiirka waxbarashada oo agoonta xeradaas ku jirta la hadlay ayaa sheegay in ay ugu yimaadeen sidii ay wax uga ogaan lahaayeen noloshooda islamarkaana ay ka go’an tahay inay ku taageeraan wixii ay u awoodaan. Mudane Cabdi Faarax Juxa ayaa sidoo kale sheegay in wasaarada waxbarashadu ay agoonta si aad ah uga warqabi doonto laga bilaabo bisha soo socotana loo qaban doono 2-macalin oo ay wasaaraddu mushaharkooda siiso. Wasiiru dowlaha maamul wanaagga ee Puntland Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) ayaa isna ku booriyey agoonta xeradaas ku jira inay dadaalaan isagoo xusay in qudhiisu uu mudo 8-sano ah ku jirey xeradii agoonta ee magaalada Muqdisho. Mudane Gaashaan wuxuu ugu danbeyntii tilmaamay in dhamaan wasaaraduhu ay ka mideysan yihiin sidii kor loogu qaadi lahaa nolosha agoomaha islamarkaana ay xog walba oo ku saabsan u gudbin doonaan madaxda sare ee dalka. Intaas kadib waxay Wasiiradu maamulka xaruntaas ku wareejiyeen xoolo nool iyo raashin loogu tala galay in lagu quudiyo agoonta xeradaas ku nool oo ah kuwo ay tiradoodu aad u badan tahay. Xaaladda nololeed ee xerada xanaanada agoonta ee magaalada Garoowe ayaa mudooyinkii u danbeeyey ahayd mid aad u liidata, waxayna noqoneysaa markii ugu horeysey in mudo ah oo ay tira intaas le’eg oo mas’uuliyiin dowladda ka tirsan ahi booqdaan.
  17. Recovering-Romantics;814150 wrote: You do not have to be a constitutional expert to know that this so-called constitution is a big joke. you're right. but why stop there. you don't have to go to medical school to be doctor. with mind set like RR, why would a sane person wonder the issues plaguing Somalia.
  18. Recovering-Romantics;814133 wrote: Currently, the tax collected from the people of Mogadishu, Mogadishu Port & Adan Abdulle Airport in Mogadishu is what sustains this government. Puntland contributes exactly ZERO Dollars to the current central Government.Farole wants to legalize this theft and present it as Somalia's new constitution. & Even though this so-called new constitution has not been presented publicly, those us of that actually spoke with members of the drafting committee know what is going to be in it, and it's not going to go down well with the Somali people. Ahmed Dirie knows what's coming & hence his outrage that's share by the people of Mogadishu. This thing will get ugly & the sooner it's killed, the better. Only certain Western countries give citizenship; almost no country in the developing world does that & for the obvious reasons. Somalia is one of the poorest countries in the world, if not the poorest, & it's very limited resources should go to the Somali people.* fadlan how did we go from constitution to other subjects. either find what you and this clan leader dislike about the constitution in paricular or do all of us a favor and exist the thread. this is not forum to dump your calacal. fadlan respect the forum as it is against to 12 - Spamming: no spamming. No commercial posts or flooding the forum with useless content.
  19. Recovering-Romantics;814116 wrote: It's not a matter of what's wrong with this so-called constitution but rather what's not wrong with it. Specifically, this idea that Farole & Puntland will unilaterally rule their regions enriching themselves of their ports & airports while asking the people of Mogadishu to share their revenues with Puntland is a lousy selfish attempt that will never see the light of day. Mogadishu will be ruled by its people & its revenue will be spent in Banadir & not Puntland. It seems folks that are asking us to read this pathetic collection of clan ambitions have themselves not fully read it. Under this so-called constitution all one has to do to be classified as Somali is to live in Somalia for 5 years or be born in Somalia. It's a joke & an insult to the Somali people.* fadlan stay on topic. how did we go from constitution to revenue sharing:confused: