kingofkings

Nomads
  • Content Count

    2,894
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by kingofkings

  1. Relentless;815563 wrote: its side effect of being pirate...more hot air and nonesense. more like the side effect of being a state within state in somalia :cool:
  2. PL president arrested for pretending to real recognizd president in china,
  3. every city needs an official state park
  4. Mario B;816367 wrote: A President of a " Phantom Republic ". LOL
  5. AfricaOwn;816545 wrote: That's cool, as long as I'm able to slap around silly pirates at will. loooooooooooooool: wft
  6. say what you will, but you have to admit and admire their ability to take the world hostage.
  7. Somalia;816540 wrote: No need to, when Ethiopia tells you to leave it, you'll do as they say.
  8. Xaflad si heersare ah loo soo agaasimey oo shahadooyin lagu gudoonsiinayey arday dhameysay Barashada Qur’aanka Kariimka ah ayaa ka dhacday hoolka dugsiga hoose dhexe ee Umul Qura ee Magalada Bosaaso, Xafladaasi ayaa waxa ka soo qeybgalay dalada waxbarashada ahliga, Aqoonyahano, iyo walidiintii dhalay ardayada Dhameystay Barashada Qur’aanka ee dugsiga Umulqaraa iyo qeybaha kalagadisan ee bulashadada, Waxaa halkaasi hadalo ka jeediyay Masuuliyiinta Iskoolka iyo weliba Waalidiintii ka soo qeyb gashay Xaflada, Ujeedada xaflada ayaa waxaa sharaxay maamulaha guud ee dugsiga hoose dhexe ee umul quraa Mursal Cabdiqaadir Muuse oo umahad celiyeey dhamaan dadkii ka soo qeybgalay xaflada, Maamuulaha ayaa sidoo kale waxa uu waalidiinta ku guubaabiyey in ay kula dadaalaan ilmahooda waxbarashada Gaar ahaan Qur’aanka Kariimka ah. Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha dalada waxbarashada ahliga Puntland Maxamed Cali Faarax oo sheegay in uu ku faraxsanyahay ardayda intaan la eg oo dhameysay Qur’aanka kariimka ah, waxaa sidoo kale gudoomiyaha uu ardayada ugu baaqay in ay siiwataan dadaalkooda waxbarasho. Intii ay socotay xaflada waxa ardayda dugsiga hoose dhexe ee Umul quraa ay soo bandhigeen nashidooyiin, kalamado carabi ah iyo wax yaabo kale oo ay dadkii ka soo qeybgalay xaflada uriyaaqeen, Waxaa iyagana dareekooda ka dhiibtay waalidiintii dhalay ardayada dhigata dugsiga hoose dhexe ee Umul quraa, iyagoo sheegay in ay ku faraxsanyihiin caruurtooda dhameysatay Qur’aanka kariimka ah . Ma ahan markii ugu horeysay oo ay arday noocaan oo kale ay ka dhameeyaan dugsiga hoose dhexe ee Umul quraa Barashada Qur’aanka kariimka ah.
  9. keep up the awareness people, its starting to attract UN human right groups. Free the King NOW.
  10. Hargeysa (RBC) Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee waqooyiga dalka ayaa maanta markii ugu horeysay la soo tusay maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa kadib markii uu xabsiga ku jiray mudo ku dhow hal bil. Boqor Buurmadow waxaa la xiray 15-kii Maarso 2012 kadib markii uu ka soo degey garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa isagoo ka soo laabtay wadanka dibadiisa, waxaana xarigiisa oo aanay xukuumadda Somaliland rasmi ahaan uga hadlin loo badinayaa “ka horimaasho maamulka”. Waxaana tan iyo intii la xiray Buurmadow uu ku jiray xabsiga dhexe ee Hargeysa. Ururada xuquuqda aadanaha iyo saxaafadda madaxa banaan ayaa loo diiday in tan iyo markii la xiray Buurmadow ay xabsiga ugu tagaan ama wax ka ogaadaan kiiska dacwadiisa iyo sababta loo horkeeni waayey maxkamad si eeda loo heysto loo ogaado. Dhacdadii maxkamada ee maanta In maxkamada Hargeysa maanta la keeno Boqor Buurmadow ayaa ka dambeysay codsiyo isdabajoog ah oo maxkamada iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha soo jeediyeen, waxaana su’aal ay ka taagneyd in sida sharciga Somaliland u dhigan uu sheegayo aan xitaa Buurmadow la tusin garsoorayaasha qaadaya dacwadiisa si ay bal u ogadaan in ruuxa xiran uu yahay BUURMADOW iyo in uu shakhsi kale yahay . Arinta ugu yaabka badan waxay dhacday maanta ka dib markii garsooraha maxkamada Hargeysa ee dacwada qaadi lahaa uu cadeeyey inuusanba heyn wax kiis ah oo ka dhan ah Buurmadow oo xabsi ku jira 24 cisho kaliyana loo sheegay in Buurmadow nin la yiraahdo boolisku xireen..!! Garyaqaanka u doodaya Boqor Buurmadow oo lagu magacaabo Abuukaato C/raxmaan Maxamed ayaa sheegay in uu aad ula yaabay in garsooraha maxkamada uu heyn kiiska dacwada taasoo muujineysa in hay’adaha garsoorka ee Somaliland aysan u madax banaaneyn shaqadooda. Wuxuu sheegay in garsoorayaasha maxkamada Hargeysa aysan waxba ka duwaneyn shaqaalaha xafiiska madaxweyne Siilaanyo oo sida uu ku amro yeela. Ilo wareedyo ku dhow booliska Hargeysa ayaa laga soo xigtay in maalintii ay xirayeen Buurmadow laga soo amray madaxtooyada Hargeysa iyagoon waxba kala socon sababta loo xiray iyo nooca dacwadiisa toona. Markii maanta maxkamada la geeyey Boqor Buurmadow looma ogolaan inuu la hadlo wariyaasha oo joogay bannaanka hore ee maxkamada mana jirin cid ehelkisa ka mid ah oo loo ogolaaday inay arkaan, waxaana dib loogu celiyey xabsiga dhexe ee Hargeysa. Hadalheynta reer Hargeysa Shacabka magaalada Hargeysa ayaa su’aalo badan iska weydiinaya hannaanka garsoorka ee ay Somaliland ku faani jirtay mar haddii maxkamada iyo booliskuba aysan wax go’aan ku lahayn xukunada dadka la soo edeeyo. Waxaana dadka kuu sheegayaan in booliska iyo garsoorayaasha maxkamadaha ay akhriyaan go’aan madaxtooyada laga soo qoray oo kaliya. Arinta kale ee dadweynuhu aadka u hadalhayaan ayaa ah in dastuurka Somaliland uusan dhigeyn in shakhsi uu xirnaado mudo ka badan 24 saac iyadoon wax xukun maxkamadeed ah lagu ridin. Illaa hadda masuuliyiinta amniga iyo xukuumadda Somaliland kama hadlin kiiska Boqor Buurmadow oo xitaa warbaahinta gudaha ee Hargeysa ay si toos uga hadli karin.
  11. Thanks Minister Asha Geelle for welcoming the PL Diaspora community to PL:cool:
  12. Kulan ay soo qabanqaabisay Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Arimaha Qoyska Puntland ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaaradda waxaana lagu soo dhaweeyay qaar ka mid ah qurbajoogta Puntland oo ka Yimid UK , waxaana halkaasi laga soo jeediyay hadalo ku aadan sida qurbajoogtu ay lafdhabar uga yihiin horumarka ka jira Puntland. Cabdiqaadir Yuusuf Nuur Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska ayaa waxa uu sheegay in ay aad u soo dhawaynayaan qurbajoogta oo ay ku faraxsan yihiin sida ay uga qaybqataan horumarka Puntland, waxaana uu sheegay in Wasaaraddu ay u taagan tahay dib u soo celinta waxyaalihii dhaqanka ahaa oo ka muuqday Wasaaradda sida haamaha iyo aqal Soomaali. Agaasimuhu, waxa uu sheegay in ay doonayaan in markasta ay bulshada u soo bandhigaan waxa waajibka ah ay Ummadda u qabteen si xriirku u ahaado mid joogto ah. Caasho Geelle Diiriye Wasiirka Wasaaaradda Haweenka ayaa waxay sheegtay in ay doonayso in ay Qurbajoogta u soo bandhigto waxyaalihii u qabsoomay sanadkii tagay, waxayna sheegtay in aad ugu faraxsan tahay xafladan ay samaysay. Dhawr qof oo ka socday Qurbajoogta oo ka hadlay casho-sharaf ayaa waxa ay sheegeen in ay ka warqabaan waxqabadka ballaaran ee Wasaaraddu qabatay waxayna ku tilmaameen hormuudka Wasaaraddaha Puntland. Abwaan Cabdirashiid oo sheegay in uu dalka ka maqnaa muddo 23 sano ah ayaa waxa uu sheegay in uu aad iyo aad ula dhacay horumarka ballaaran ee dhanka ammaanka ah ee ka jira Puntland, waxaana uu mahadnaq ballaaran u jeediyay Wasaaradda Haweenka oo uu sheegay in looga soo dhaweeyay si aan Wasaaradaha kale looga soo dhawayn. Sikastaba, casho-sharaftan ayaa ahayd mid Wasaaraddu ay ku muujinayso sida qurbajoogta iyo dadka gudaha aysan u kala maarmin oo qolo kastaaba markeeda la soo dhaweeyo.
  13. Mukulaalow;816517 wrote: Hey Kingkong, what happened to ETN? it was pretty good tv. sadly the people that run the company either lack funds to go global, i.e. put few videos on youtube each week (a bit of sense of humor if you didn't get the joke) or fail to utilize the numerous social media networks. either way if was a share holder, i would fire the idi@t or idi@ts in charge of the company. but as you alluded, thank god PL is getting its own TV station. Get ready SOL, it's about to hit the ceiling.
  14. Mukulaalow;816514 wrote: Now Mr Somalia and his buddy Kingkong will have their mouth piece. mr. yaanyur/bisad hit the nail on the head.
  15. Shirkadda Golis oo Biyo Dhaamis Ka Samaysay Deegaanada Abaartu Ka Jirto ee Gobolka Karkaar Qardho: shirkadda Golis Telecom Somalia ayaa biyo dhaan ka sameeysay goobo ay abaaro ka jireen ee ka mid ah deegaanada gobolka Karkaar. Deeqda biyood ay shirkadu ku deeqday ayaa dhan 2500 Barmiil oo biyo ah. Abaarahaas ayaa ah kuwo dhawaanahaan laga soo sheegtay oo ka jira qaar ka mid gobolka Bari iyo sidoo kale gobolka Karkaar. Maamulaha shirkadda Golis Mudane Axmed Cawaale Gaare ayaa maanta mar uu la hadlaayey qaar ka mid ah gudiyadii kala shaqaynaysay shirkadda in la gaarsiiyo dadka dhibaateysan deeqda biyaha ah ayaa sheegay in shikadda Golis had iyo jeer ay u taagan tahay waxtarka bulshada dhibaateysan iyadoo kaalin libaax ka ciyaarto had iyo jeer wax tarka dadka tabaaleysan. Wuxuu mudane cawaale ku daray in talaabadaas ay shirkadu ku dhaqaaqday uu ka tarjumayo sida dhabta ay shirkadu uga fakareyso horumarka bulshada adeegyadeeda isticmaala. Biyo dhaankaas ayaa lagu soo waramayaa in uu gaarey dhamman goobihii loogu tala galay in la gaarsiiyo, dadka meelaha biyaha la gaarsiiyana waxay soo gudbiyeen in biyihii soo gaareen waxayna muujiyeen ixtiraamka ay u hayaan shirkadda Golis Telecom Somalia. Goobihii biyaha la gaarsiiyey ayaa kala ah sidaan hoos ku xusan: No: Magaca goobta biyaha la gaarsiiyey Tirade biyaha la gaarsiiyey 1. Karkaar Zones 400 Barmiil 2. Sheerbi 400 Barmiil 3. Baargaal 500 Barmiil 4. Dhaxamo 150 Barmiil 5. Shaxda 200 Barmiil 6. Xeeradaa Muudal 100 Barmiil 7. Geri-hel 400 Barmiil 8. Carmo 100 Barmiil 9. Sanjilbo 100 Barmiil 10. Tuulada Xabaal reer 50 Barmiil 11. Misir 100 Barmiil
  16. excellent work PL Denfense Force/ Police Force.