kingofkings

Nomads
  • Content Count

    2,894
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by kingofkings

  1. Gudoomiyaha Degmada Jariiban C/kariim Kaytoon ayaa mahadcelin balaaran ujeediyey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cali C/laahi Warsame iyo waftiga balaaran ee la socda, waxa uu sheegay inay Wasaaradda Caafimaadku tahay Wasaaradda kaliya ee wax la taaban karo ka samaysay Jariiban waxuuse codsaday in intas laga badiyo lana furo Isbitaalkii degmada Jariiban. Gudoomiyaha gudiga Caafimaadka Degmada Jariiban kana mid ah Odayaasha degmada Jariiban Muuse Xuur ayaa isaguna dhankiisa mahad balaaran usoo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland iyo waliba xukuumada Madaxwayne C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole oo uu ku amaanay waxqabad balaaran oo ay xukuumadu ku talaabsanayso. Dadaalka Wasiirka caafimaadka ayuu sheegay inuu yahay mid ay bogaadinayaan oo ay uga mahadnaqayaan hawsha adag ee uu bulshada u hayo. Muuse waxa uu intaas ku daray inay ka shaqeynayaan qayb ahaan wixii uga soo aada sidii loo furi lahaa Isbitaalka Degmada Jariiban ee Gobalka Mudug isagoo ka codsaday wasaaradda caafimaadka inay sida ugu dhakhso badan hawshaas u gasho iyaguna ay diyaar la yihiin mar walba wixii lagu soo qaybo. Xaalada Guud ee Jariiban Jariiban waa degmo ka tirsan Gobalka Mudug waxayna dhacdaa bariga Gobalka iyadoo 180 KM u jirta Gaalkacyo, Degmadu waxay xuduud la leedahay Degmooyinka Gaalkacyo, Hobyo, Buurtinle, Garowe iyo Eyl oo ka kala tirsan Mudug iyo Nugaal. Degmadu waxay caan ku tahay oo dhaqaalaheedu uu ku xiran yahay Xoolaha nool iyo Kaluumaysiga. Sanadihii u danbeyeey degmadu waxay saldhig u noqotey kooxaha burcad badeeda waxaana ay dhibaato u geysteen deegaanka dhinacyada amaanka, dhaqaalaha, dhaqanka iyo deegaankaba iyadoo ay degmada xaalad adag galiyeen ayna ka dhigeen meel khatar ah. Sanadkii u danbeeyey waxaa kooxahaas dagaal adag la galay bulshada deegaanka oo dhibaatadii burcada u adkaysan waayay waxay la galeen dagaal adag iyadoo ay samaysteen ciidamo deegaanka ah kuwaas oo la dagaalamay burcadii kana sifeeyey Degmada Jariiban iyo Garacad oo degmada ka tirsan kuna taala xeebta badweynta Hindiya. Guushaas waxay suuragalisay in sumcadii degmadu soo yara noqoto inkastoo aysan wali kow joogin oo wali raadadkii burcadu u gaysteen degmada ee dib u dhaca ah ay ka muuqanayaan. Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland oo Todobaadkan tagay Degmada Jariiban ayaa u kuurgalay xaalada degmada iyadoo uu la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada sidoo kalana booqdey xarumaha waxbarashada, Saldhiga degmada isla markaasna socod waxa uu wasiirku ku maray gudaha magaalada oo uu indho indheeyey xaalada dhabta ah ee degmada Jariiban. Amaanka degmadu aad buu u wanaagsan yahay waqtigan hadana waxay maamulka iyo waxgaradka degmadu sheegeen in magaaladu aysan lahayn ciidan Boolis ah oo shaqeeya iyo saldhig wax lagu xiro iyadoo saldhigii hore ee dowladii horena uu baaba’ay (Dumay) cid ka danbeysa oo wax u dhisteyna aysan jirin marka laga reebo dadka deegaanka oo darbi wayn ku wareejiyey dhulkii Saldhigu uu ku fadhiyey. Taliyaha Saldhiga Degmada Jariiban waxa uu iisheegay in ciidan shaqeeya aysan jirin oo uu kaligiis yahay xafiis uusan lahayn meel dad lagu xirana uusan haysan markii wax dhacaana ay Odayaasha hawlgaliyaan sidaasna wax lagu xaliyo. Waxaa kale oo uu sheegay taliyuhu inaysan haysan gaadiid iyo agabkii ciidan lahaan jirey ee lagu shaqeyn lahaa wax walbana ay ugu horeeyaan meel dadka lagu xiro in la helo taas oo uu ka codsaday dowladda Puntland inay deg deg wax uga qabato hawlahaas. Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame waxa uu booqdey saldhigii hore halku uu ku yaalo, xabsigii hore meeshii uu ku yaaley iyo goobaha waxbarashada ee degmada wuxuuna ku soo arkey baahiyaha degmada ee jira ee u baahan in wax laga qabto, wasiirku waxa uu waxgaradka u balanqaadey inuu warkooda iyo cabashooyinkooda uu geyn doono Garowe uuna dowladda kala hadlayo. Wasiirka Caafimaadku waxa uu dadka deegaanka ku dhiirigaliyey inay isku tashadaan oo ay iskaa wax u qabso wax ku dhistaan iyadoo uu sheegay markii ay wax la yimadaan in wax loogu dari doono, waxa uu baaq u direy wasiirku jaaliayda dibadda ee degmada Jariiban oo ka mid ah jaaliyadaha dibada ee ugu badan isagoo ka codsaday inay deegaankooda soo eegaan waxna u qabtaan sidii wax looga qaban lahaa xaalada degmada Jariiban. Waxa uu ka codsaday wasiirku jaaliyada inay gacan ka gaystaan arimaha bulshada sida Caafimaadka iyo waxbarashada oo u baahan gacan weyn lagu qabto oo la taakuleeyo. Isbitaalka degmada ayuu ka codsaday inay gacan ka gaystaan jaaliyadu inay ka qaybqaataan dhismihiisa, qalabayntiisa iyo socodsiintiisa. Guud ahaan Degmada Jariiban ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey waxqabadka wasaaradda Caafimaadka Puntland iyadoo bulshadu ay aad ugu riyaaqeen xarunta cusub ee TB-da ee ay wasaaradda caafimaadku ka furtey Degmada Jariiban ee Gobalka Mudug iyo balan qaadka Wasiirka ee ku aadan inuu gacan ka gaysan doono sidii loo furi lahaa Isbitaalka degmada Jariiban iyadoo wasiirku uu shuruud ku xirey taas oo ah inay bulshadu wax la yimaadaan markaasna ay inta kale ku dari doonto Wasaaradda caafimaadku sida daawada oo joogto ah, Shaqaale loo tabobaro iyo wixii lagu socodsiin karayo Isbitaalka.
  2. Xarun Lagu Daweynayo TP-da oo degmada Jariiban Laga Furay Jariiban: Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa Maalintii Jimcada (6-Apr-2012) gaarey Degmada Jariiban ee Gobalka Mudug halkaas oo uu wasiirku xariga ka jaray Xarun lagu daaweynayo laguna baarayo dadka qaba xanuunka qaaxada (TB-da) waxaana waftiga Wasiirka ku waheliyey Gudoomiyaha Degmada Jariiban C/kariim Kaytoon, Madaxa qaybta la dagaalanka cudurka qaaxada ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cali Xasan Aw-Cusman, Shaqaale ka tirsan qaybtaas,Wakiilo ka socdey Hay’addaha DIAL iyo World Vision. Maamulka iyo Odayaasha Degmada Jariiban ee Gobalka Mudug ayaa si diiran waftiga wasiirka ugu soo dhaweeyey magaalada Jariiban iyo guud ahaan degmada iyadoo wasiirku isla galabka waftigiisu gaareen Jariiban uu kulamo la qaatey maamulka iyo waxgaradka Degmada Jariiban ee Gobalka Mudug iyadoo kulankaasina uu ahaa kala warqaadasho. Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa maamulka iyo odayaasha Jariiban uga mahadceliyey soodhweynta diiran ee ay u sameeyeen wuxuuna u sheegay inay u yimaadeen furitaanka Xarunta lagu daweeyo cudurka qaaxada ee Degmada Jariiban taas oo dhismaheedii horey loo dhameeyey, waxaa kale oo uu wasiirku reer Jariiban usheegay inay furitaanak xaruntaasi u waheliso inay helaan xogta rasmiga ah ee xaalada Caafimaadka Degmada Jariiban iyo guud ahaan baahiyaha deegaanka ka jira. Maamulka iyo Odayaasha Jariiban ayaa iyaguna ka mahadceliyey imaanshaha Wasiirka caafimaadka ee Degmada Jariiban waxayna sheegeen inay soo dhaweynayaan masuul kasta oo deegaanka yimaada islamarkaasna hormar iyo waxqabad u wada, waxay ka warbixiyeen xaalada Degmada Jariiban guud ahaan iyadoo ay sheegeen in amaanka degmadu uu sugan yahay bulshaduna ay iska kaashadeen inay amaankooda ka shaqeeyaan ayna iska saaraan kooxihii burcad badeeda ahaa ee deegaanka dhibaatada ku hayay kana dhigay meel aan la imaan Karin oo khatar ah. Gudoomiyaha Degmada Jariiban C/kariim Kaytoon waxa uu sheegay in degmada amaankeedu uu meeshii u fiicnayd marayo ayna usoo jeesteen waxqabad iyo hormar sidii ay ugu talaabsan lahaayeen iyadoo la dagaalamay sida uu gudoomiyuhu sheegay burcad badeedii deegaankooda lagu xaman jirey. Maalintii Sabtida ee bishu ahayd 07-Apr-2012 waxaa xaflad balaaran oo xariga looga jarayo xarunta qaaxada ee Jariiban ay ka dhacday Isbitaalka cusub eee TB-da loo dhisay kaas oo ku yaala dhinaca Bari ee degmada Jariiban kana soo horjeeda Dugsiga dhexe/sare ee Jariiban. Xafladan oo ahayd mid aad loosoo agaasimay waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cali C/laahi Warsame, Madaxa qaybta la dagaalanka TB-da ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cali Xasan Aw-Cusmaan, Wakiilka hay’adda DIAL ee gacanta ku haysa Xarunta TB-da C/naasir Shiikh Maxamuud, Gudoomiyaha Degmada Jariiban C/kariim Kaytoon iyo qaar ka mid ah Odayaasha Degmada Jariiban. Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame oo xaflada xariga ka jarayay waxa uu bulshada Jariiban ka codsaday inay ka faa’idaystaan xarunta TB-da ayna keenaan qof kasta oo looga shakiyo si loo baaro hadii lagana helana loo siiyo daawo iyo nafaqeyn lacag la’aan ah. “Dadweynaha Degmada Jariiban iyo guud ahaan waxgaradka waxaan u sheegayaa in xaruntan aan dadaal badan u galnay in la keeno Jariiban waxaan idin leeyahay halaga faa’idaysto qof kasta oo aad ka shakidaan keena xarunta waa la baarayaa dabadeed hadii laga helo daaweyn ayaa loo samayn, astaamaha xaruunku leeyahay dadka qaba way sheegtaan waxayna dhahaan Hargab ayaa igu xumaaday, Oof ayaa feeraha iiga taagan, Aydin baa i haysa iyo wax la mid ah marka qofkii intaas sheegtow xarunta imaaw lagu baaree, cudurkan waxa uu ka mid yahay cudurada khatarta ah ee la daaweyn karo marka caafimaadkeena iyo caafimaadka bulshadeena ama qayskeena waa inaynu ka shaqeynaa daawadan iyo raashinka nafaqada ah ee dadka la siinayo maahan wax cayaar cayaar lagu keenay halaga faa’idaysto ayaan leeyahay anagu cagta waa idinku badin doonaa waana ka shaqeyn doonaa sidii loo furi lahaa Isbitaalka Degmada Jariiban laakiin mid ogaada kaligayo kuma filnin inagoo iskaashana ayaa wax ka qaban kara “ ayuu yiri wasiirku. Madaxa qaybta la dagaalanka Cudurka TB-da Dr. Cali Xasan Aw-Cusmaan ayaa isaguna sharaxay astaamaha cudurku uu leeyahay, dhibaatada uu gaysanayo qofka hadii uusan daawo helin iyo dhibta uu bulshada u gaysanayo qofka cudurka qaba. Dhakhtarku waxa uu ka mahadceliyey kaalinta bulshada Jariiban ay ka gaysteen xarunta TB-da iyadoo ay bixiyeen dhismaha la dayactirey ee xarunta. Dr. Cali Xasan waxa uu sheegay in bulshada looga baahan yahay inay ka faa’idaystaan xarunta isla markaasna ay ilaashadaan oo ay tahay hanta ka wada dhaxaysa, waxa uu ka codsaday odayaasha iyo maamulkaba in bulshada wacyigalin loo sameeyo loona sheego dadka tuulooyinka degmada jooga si ay uga faa’idaystaan. Wakiilka hay’adda DIAL C/naasir Shiikh Maxamuud ayaa isaguna wasiirka caafimaadka uga mahadceliyey imaanshaha Jariiban iyo xarunta oo uu xariga ka jaro, waxa uu carabka ku dhuftey in Jariiban si diiran loogu soo dhaweyeey si wanaagsana loogala shaqeeyey hay’adooda martkii ay dayactirka ku wadeen xarunta TB-da, waxaa kale oo uu wakiilka hay’adda DIAL sheegay inay hay’adoodu masuul ka tahay hawlaha xarunta sida mushahaaraadka shaqaalaha ka shaqeynaya xarunta TB-da iyadoo uu ka codsaday shaqaalaha inay bulshada uga faa’ideeyaan wixii lasoo baray ayna ilaashaan nidaamka shaqo ee u yaala xarunta ee wasaaraddu ay masuulka ka tahay.
  3. Carafaat;817046 wrote: Wouldn't you say this is good news? bad news:confused: it depends who you ask. ask xaaji
  4. AsadSL;817035 wrote: Why are to concerned with Somaliland. Leave Somaliland for the Somalilanders and i'd advise you to stop fabricating false information about the republic. it's not false informationm, ask adeer siillaanyo.
  5. Somalia;817031 wrote: It's like Kansas coming to Washington DC for talks.
  6. so much for being self-made independent country. when will the folks like xx realizes their faith is control by mogadishu and more important their government in the last 10 years was working with the government of Somalia to communicate with world body.
  7. SL receives okay from the Somali government (behind close doors) in order to interact with the world.
  8. PL received 60 million from the UK government at the London Conference
  9. today PL is recognized and various government not only approach PL, but want to work with PL :cool:
  10. according to minister Hashi, Togdheer and Awdal wanted to be part of the Somali soccer tournament.
  11. two more PL ministers will visit the States in the coming months.
  12. Minister Abdukadir Hashi previous jobs former diplomat for the embassy in Canada and UK, foreign chief advisor for AUN Mudane Madaxweyne Abudllahi Yusuf, former president of PDF, and Professor of international relation at West. Virginia 29:00 - 31:00 min.
  13. the peace/safety of PL's capital from the mayor of Mogadishu 21:47 - 25:00 min.
  14. a young woman from the diaspora view of PL plus a call for action to Plers world wide 10:00 - 13:30 min.
  15. Wasiiru Dowlaha Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga Puntland oo soo dhawayn loogu sameeyey Mareykanka Minnesota(Pi) Wasiiru Dowlaha Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Puntland Mudane Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo Booqasho ku jooga Dalka Maraykanka ayaa soo dhawayn heer sare ah loogu sameeyey Minnesota, Jaaliyada Puntland ee Minnesota ayaa xaflad ay kusoo dhawaynayaan Wasiirka u sameeyey. Xaflada oo ay kasoo qayb galeen qaybaha kala duwan ee Jaaliyada ayaa Wasiirku uga warbixiyey Jaaliyada Xaalada guud ee Puntland, iyo waliba Soomaaliya, isagoo Wasiirku uga mahad celieyey Jaaliyada sida xilkasnimada ah ee ay usoo dhaweeyeen. Muadane Cabdulqaadir Cabdi Xaashi Wasiiru Dowlaha Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Puntland ayaa ka mid ah Wasiirada la tilmaamo inay ka mid yihiin Wasiirada ugu muhiimsan Dowlada Puntland ee qabta shaqooyin wax ku oolka u ah Bulshada iyo Dowlada Puntland, gaar ahaan siyaasada Dibada oo uu doorwayn ka ciyaaro.
  16. Sensei;816942 wrote: I hope they do find dinosaur & Lucy's cousin in the process too, in that way I lay claim to more than oil P.S I have no grievances against Mukulaalow, he is quite the cat
  17. kingofkings;816927 wrote: mr. fake wadani say AUN to poor people that were killed cowardly then exist the thread. thank you. for the tolka, mr. mukulaalow, is from xamar.
  18. Wadani;816925 wrote: Mukulaalow wats wit the double standards? Y u acting like only the Landers do this, when we both know that some of the Sol'ers from Puntland r notorious in wat ur accusing the Xaaji of. Either condemn it across the board or leave it be. mr. fake wadani say AUN to poor people that were killed cowardly then exist the thread.