kingofkings

Nomads
  • Content Count

    2,894
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by kingofkings

  1. Magaalada Garowe ee xarunta Dawlada Puntland waxaa maanta abaare 8:00 subaxnimo ka furmay shirkii ansixinta dastuurka Puntland oo qaban qaabadiisu ay mudooyinkan dambe ka socotay deegaanada Puntland. Shirkan waxaa fadhiyay Madexda Dawlada Puntland oo uu horkacayo Madexweyne C/raxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole iyo sidoo kale Madexweyne ku xigeenka Puntland mudane C/samad Cali Shire, Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland, iyo dhanka kale Isidmada Puntland, Ergada anisixinta dastuurka, xubno farabadan oo ka socday xukuumada Puntland, xubno matalayay ururada bulshada rayidka ah, xubno ka socday hay’adaha Caalamiga ah ee ay ka midka yihiin UNDP, UNPUS, Interpeace, qaar ka mid ah hay’adaha maxaliga ah, Saxaafada iyo marti sharaf kale oo farabadan Aayadaha qur’aanka Kariimka ah kadib waxaa shirkan si rasmi ah u furay Madexweynaha Dawlada Puntland Mudane C/raxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole oo aad ugu dheeraaday dadaalka la doonayo in ergadu ay ku bixiso ansixinta dastuurkan iyo muhiimda uu u leeyahay bulshada iyo deegaanka Puntland ee Soomaaliyeed. Madexweynuhu wuxuu tilmaamay in Dastuurku uu Puntland u horseedayo hanaan dawladnimo oo dimoqraadi ah islamarkaana xukunku uu ku jiro gacanta dadweynaha oo dooranaya qofkii ay u arkaan in uu muhim u yahay horumarna gaarsiin karo wadanka. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland ayaa isna faahfaahin ka bixiyay dadaalkii dheeraa ee ay ku bixiyeen qabsoomida shirkan mudada uu socon doono iyo qorsha hawleedka ergadu ay ku shaqayn doonaan mudada uu shirku socdo. Waxaa iyaguna kulankan ka hadlay qaar ka mid ah Isimada Puntland oo sharahay muhiimda uu dastuurku u leeyahay umadaha iyo hufnaanta uu leeyahay dadaalkii lagu soo xulay ergada, waxayna bulshadii ka qaybgalaysay shirka kula dardaarmeen in ay si qoto dheer oo feejigan uga munaaqashoodaan qodobada dastuurka oo masiirka umadu uu ku xiran yahay. Qaar ka mid ah hay’adaha Caalamiga ah iyo xubno kaloo ka socday beesha Caalamka ayaa iyaguna hadanlo kooban jeediyay waxayna amaaneen dadaalkan dheer ee bulshada Puntland lagu horumarinayo, waxayse wax badan ka taabteen waaqiciga maanta ee Caalamka horumarka ka sameeyay dhinacyada Dimoqraadiyada iyo Siyaasada guud. Kulankan intii uu socday waxaa qayb ka ahaa bashigyo riwaayadeed iyo madadaalo ay soo bandhigayeen Fanaaniinta Soomaaliyeed, waxaaan goobtan laga qaaday heeso aad u qiiro badan, wadaniyadna ay ku dheehantahay oo aad uga hadlaya arrimaha dastuurka iyo siyaasada bulshada gacanta ugu jirta ee doorashooyinka xorta ah horseeda.
  2. Article 3 Article 3 states, Pending the completion of the Federal Constitution approved by a popular referendum, Puntland State shall have the status of an independent State.
  3. somalia, what did i told you about PL natural resources:confused: It belongs to the people of PL :cool::cool:
  4. Carafaat;818848 wrote: But why would anyone harm the PM. Unless someone wants to takeover his job? who wants to take a transitional federal position of all thing:confused::rolleyes:
  5. Dr_Osman;818839 wrote: Come in King, Somalia, its a historic day today for the nation-state. Where are you? osman, i'm waiting for the official photos/video. keep updating us on the historic day for PL and PLers.
  6. thanks osman for the update. job well done mayor Siciid Cabdi Farah
  7. Peacedoon;818826 wrote: King, becareful of breaking the forum's rule: Do not insult other Sol'ers. thanks.
  8. Peacedoon;818820 wrote: looooooool couldnt agree more doqondoon, what's soo funny:confused: have you seen the condition of your backyard before you comment on other people's home/backyard:confused: