kingofkings
Nomads-
Content Count
2,894 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by kingofkings
-
Xarunta madaxtoyada Puntland ayaa lagu qabtey xafalad xilka si rasmi ah loogu wareejinayey agaasimaha guud ee hayada daryeelka bulshada Puntland PASWE Ismaaciil Aadan Diiriye oo dhowaan digreeto ku magacaabey madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Farole. Wasiiro ka tirsan xukuumada sida Caafimaadka Dr.Cali Cabdulaahi Warsame ,Cadaalada iyo Dhaqan-celinta Dr.Cabdikhaliif Xaaji Xasan Ajaayo ,wasiiru dowladda maamul wanaaga madxtoyada Maxamed Faarax Ciise Gaashaan ,xildhibaano ka tirsan aqalka barlamanka ,gudoomiyaasha ururada iyo hayadaha ka shaqeeya aqoomaha iyo danyarta ayaa ka soo qaybgalay xafladan. Wasiir Gaashaan oo horey xilkani uu si hayey ayaa ku wareejiyey Ismaaciil oo loo soo magacabey ,waxana ay labaduba ka so jeediyeen hadalo kooban . Gaashaan waxa uu wax ka taabety fikradii asaaska hayadan oo uu Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ku galay ololihiisa doorashada,waxana muddo saddex sanno hayay maamulka Cabdishukur Maxamuud Gurey oo Muqdisho u wareegey iyo xafiiska Raysal wasaaraha. Ismaciil Aadan Diiriye oo la wareegey xilka ayaa mahad u soo jeediyey Dr.Cabdiraxman Farole oo u doortey maareynta hayada PSWE,waxana uu ka codsadey ka soo qaybagalayaasha iyo bulshada reer Puntland inay gacan ka siiyaan sidii waxqabad muuqda hayadiisu ugu talaabsan lahayd. Hayada Daryeelka Bulshada Puntland PASWE ayaa la sameeyey May 2009 ,waxana ay qaabilsan tahay daryeelka danyarta iyo aqoomaha iyadoona dhowaan la hirgeliyey barnaamijka Zakooyinka lagu aruurinayo islamarkaasina loogu qaybinayo dadka ay waajibtay siintoodu.
-
Puntland Makes Me So Proud. Agents Of Change. Video
kingofkings replied to Dr_Osman's topic in Politics
Mukulaalow;821731 wrote: caawa xaafada pl aa qabsatay yaah. -
Puntland Makes Me So Proud. Agents Of Change. Video
kingofkings replied to Dr_Osman's topic in Politics
God Bless PL Women. :cool: -
SKA mogadishu 7:35 min.
-
Minister Abdi Jimcaale for President.
-
God Bless Minister of Constitution Minister Abdi Jimcaale. I pray you are doing well. Aamiin.
-
Puntland Makes Me So Proud. Agents Of Change. Video
kingofkings replied to Dr_Osman's topic in Politics
PL people :cool: -
a true democracy in Somalia shaping in front of our very own eyes.
-
Hargeisa Vs Galkayo. Whos More Developed? DOOD FURAN
kingofkings replied to Dr_Osman's topic in Politics
Dr_Osman;821702 wrote: why is king hiding, galkayo is media black out is over. Plus there needs to be a debate on who is more developed galkayo or hargeisa and please assess the video Galkacyo, the heart land of PL. :cool: -
Puntland minister of sea transportation receives equipment
kingofkings replied to kingofkings's topic in Politics
Dr_Osman;821695 wrote: king forget about this, Galkayo video has just been released. Go check my thread. The city is booming thanks bro. i will check it now. :cool: -
as you may know already, there is SKA Mogadishu
-
We urged the UN to stop the "toothless afweyne" before he ruins SL. What happen to SL democracy:confused: Do the people of SL not have rights:confused: Why are the SL folks on sol quite on the issue of their people's right be limited by "toothless afweyne":confused:
-
Hargeysa(RBC):- Xukuumadda Somaliland ayaa is-hortaagtay qabsoomidda muddaharaad ay siddeed Urur oo ku hadhay qiimaynta wejiga labaad ee Guddiga diiwaangelinta ay taageerayaashooda shalay ugu baaqeen inay isugu soo baxaan, si ay u muujiyaan diidmadooda la xidhiidha inaanay ku qanacsanayn natiijada Guddiga diiwaangelintu shaaciyeen Jimcihii. Hase-yeeshe, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ka hadlay Idaacadda afka dawladda ku hadasha ee Radio Hargeysa, ayaa sheegay inaanay Xukuumaddu oggolaannin wax bannaan-bax ah oo ay sameeyaan Ururrada ku-meel-gaadhka ahaa ee ku hadhay qiimaynta wejiga labaad ee Ururrada, sidaa daraaddeedna uu shacabka ugu baaqayo inaanay ka qaybqaadan muddaharaadyo sharci-darro ah oo ay aanay Wasaaraddu oggolaannin, cid soo weydiisatayna aanay jirin. Inkasta oo aanay taa ku waaban Ururrada ku baaqay muddaharaadku, haddanay ma noqon mid sidii la filayey u bilaabma muddaharaadkaasi, ka dib markii Taageerayaasha iyo hoggaanka Ururka UDHIS isku dayeen inay xafiiskooda Hargeysa ka bilaabaan muddaharaadka loo ballansanaa, ka dib markii Ciidammada ammaanka ee loo yaqaanno RRU iyo SPU ee Booliska Somaliland la dhoobay xarunta bannaanbaxa laga bilaabayey, isla markaana ay rasaas nool ku kala kexeeyeen Taageerayaasha iyo hoggaanka UDHIS ee bilaabay muddaharaadka, kaasoo halkaa ku hakaday. Arrintan ayaa ka dambaysay markii Guddiga diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda Somaliland iyo ansixinta kuwa Xisbiyada u soo gudbaa ay Jimcihii dorraad ku dhawaaqeen Natiijada ururrada soo gubay ee ka qaybgeli doona doorashada dawladaha hoose oo sannadkan qabsoomaysa iyo kuwa ku hadhay wejiga labaad ee shuruudaha ururrada laga doonayey, taasoo ay Sagaal Urur oo hadhay qaaddeceen, isla markaana siddeed ka tirsani Ururrada hadhay taageerayaashooda ugu baaqeen inay isugu soo baxaan muddaharaadyo saddex cisho socda oo ay ku muujinayaan siday uga soo horjeedaan natiijada Guddigu soo saartay oo ay ku tilmaameen mid caddaalad-darro ah.
-
Puntland minister of sea transportation receives equipment
kingofkings replied to kingofkings's topic in Politics
-
Puntland minister of sea transportation receives equipment
kingofkings replied to kingofkings's topic in Politics
-
Puntland minister of sea transportation receives equipment
kingofkings replied to kingofkings's topic in Politics
-
Puntland minister of sea transportation receives equipment
kingofkings replied to kingofkings's topic in Politics
-
Boosaaso [RBC Radio] Wasaaradda Dekeddaha ,Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ee Puntland ayaa lagu wareejiyey laba Matoor oo ah kuwa dabka korantada dhaliya kaaso oo ay ugu deeqday hay’adda dhuuniga aduunka u qaabilsan ee WFP. Wasiir kuxigeenka Dekeddaha ,Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ee Puntland Abshir Siciid Saalax oo kala wareegay labada Matoor ee koranto dhaliyaasha ah kala wareegay Shirkadda SKY Bosaso Shipping Agency oo iyada loo soo wakiishay in hawshaas fuliso. Mahdi Xaaji Ciise oo kamid ah mas’uuliyiinta Shirkadda SKY Bosaso Shipping Agency ku wareejiyey Wasiir kuxigeenka Dekeddaha ,Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ee Puntland labada Matoor ayaa sheegay in Shirkadiisu ay qandaraaska Matoorada ay ka qaadatay WFP isla markaana ay usoo wakiilatay hay’adda WFP in labada Matoor ku wareejiyaan Wasaaradda isla markaana maanta taas ay ku dhamaatay guul. …”"”Halkan waxan ku wareejinaynaa Matooro laba ah oo hay’adad WFP ay ku wareejinayso Wasaaradda Dekeddaha ,Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ee Puntland, aniga oo ah Companay Transporter ah oo fulinaya hawsha WFP in aan ku wareejiyo waxan gacanta u gelinayaa Wasiir kuxigeenka Dekeddaha ,Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ee Puntland Abshir Siciid Saalax Documantiskii lagu keenay Matoorada ka dib markii aan dhignay meelihii loogu talagalay Matoorada…”"”ayuu yiri Mahdi Xaaji Ciise. Abshir Siciid Saalax oo ah Wasiir kuxigeenka Dekeddaha ,Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ee Puntland oo la arkaayey isaga oo ka qeybqaadanaya soo dejinta iyo dhigida labada Matoor oo ka dib la hadlay Warbaahinta ayaa ku amaanay hay’adda WFP qalabka ay ugu deeqday Wasaaradda Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda ee Puntland,wuxuuna xusay in hawlo badan ay hay’adu kala shaqeysay Wasaaradda oo ay kamid yihiin hagaajinta jenbiyada dekedda iyo balaarinta dekedda iyo arrimo kale oo badan. Sidoo kale waxa uu sheegay in Labada Matoor looga faa’idaysan doono hawlaha kala duwan ee ka socota Dekedda siiba maaliintii iyo habeenii iyadoona taas looga gol-leeyahay buu yiri dardar gelinta Isha halbowlaha dhaqaale ee Puntland …..”"”Waxaan aad iyo aad u bogaadinayaa hay’ada WFP oo runtii mashaariic aad u farabadan u fulisay Wasaaradda Dekeddaha ,Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ee Puntland taas oo ilaa muddo socotay oo ay kamid tahay hagaajinta jenbiyada dekedda iyo balaarinta dekedda, maanta waxan halka ku gudoonay laba Matoor oo aad iyo aad u anfacaya Insha allaahu watacalaa in wadashaqeyntayaduna ay sii socoto…”"“ayuu yiri. Labada Matoor oo ah kuwa dabka dhaliya ayaa wax weyn ka badeli doonaa habsami u socodka shaqada dekedda weyn ee Boosaaso,waxaana hadda ka soconaysa dib u balaarin ay wado wasaaradu iyadoo kaashaneysay hay’adda WFP.
-
Italian Ambassador Visits Eyl, Promises Road To Garowe (Pictures)
kingofkings replied to Somalia's topic in Politics
osman, put on your PL jacket. -
Italian Ambassador Visits Eyl, Promises Road To Garowe (Pictures)
kingofkings replied to Somalia's topic in Politics
Dr_Osman;821568 wrote: KING DHIBKA JOJJI GET YOUR PUNTLAND HAT ON i like the hat. -
Italian Ambassador Visits Eyl, Promises Road To Garowe (Pictures)
kingofkings replied to Somalia's topic in Politics
Audio