Shinbir Majabe
Nomads-
Content Count
1,055 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Shinbir Majabe
-
If you look the pic carefully, the crowd are raising their hands to say "Allahu Akbar", but Mahiga is just standing there, he is not praying, but he does not want to offend the crowd and just waits them to finish their prayer. Yaanyuurow, he is not only standing there, but he is raising his hands too for every Takbiir.. . @4:32 until 5:43
-
Showqi;809380 wrote: soowtii aaska marxuumka guddiga loo xil saaray ma'aha. Miyaanay minute by minute plane-gareynin siday wax u dhici doonaan. Waa maxay he was caught off guard... Maybe in la plan gareeyay, balse Af-soomaali ayaa wax laysugu sheegayay.. Odaygana xisaabka laguma darin koleey!
-
Sawiro laga soo qaaday booqashada PM Gaas ku tagay Martiini 24 August 2011 Raysul wasaaraha oo ku sugan Isbitaal Martiini Raysul wasaaraha oo la jooga naafada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee jooga Isbitaal Martiini
-
Laakiin Isbitaalka Martiini hadda dib ayaa loo howlgaliyay wuuna shaqeeyaa, Xukuumaddi Farmaajo ayaa dib u furtay taariikhda marki ay ahayd 1-di February 2011. http://www.bar-kulan.com/2011/02/15/isbitaal-martiini-oo-20-sano-kaddib-la-howlgeliyay/
-
NO, Banaadir Hospital ayaan ku dhashay 11 July 198*.
-
Odayga waa la gaaday! Sidi loo fadhiyay meesha, loona dhagaysanayay khudbadaha madaxda ayaa mar qura la yiri "hala istaago" si loogu dukado salaadda Janaasada, asigoo u heysta in salaanta calanka la qaadayo, ayuu dhankiisa ka istaagay, laakiin markii uu arkay Shiikh Shariifoo xiranaya Salaadda "Allahu Akbar" ayay dani baday inuu dhankiisa kaga daysado dadka waxa ay sameenayaan, asigoo raacaya maahmaada ah "meel sida loo yaal ayaa loola yaalaa". F.G: haddii uu Muslim yahay gacanta midig ayuu soo kormarsiin lahaa.
-
We need Somali National Goverment Institutions
Shinbir Majabe replied to Carafaat's topic in Politics
Somali Football Federation -
Madaxweyne Shariif oo ku dhawaaqay in Garoonka diyaaradaha Galkacyo loogu magac daray Col. C/llaahi Yuusuf Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ku dhawaaqay in garoonka diyaaradaha Muqdisho loogu magac daro Madaxweynihii hore Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta lagu aasay Waqooyiga Galkacyo. Khudbad uu gaba gabadii ka jeediyay aaska kadib markii Marxuum C/llaahi Yuusuf iilka loo dhigay qabriga ayaa sheegay Maamuus qaran darteed Garoonka diyaaradaha Galkacyo loogu magac daro Madaxweynihii hore. Ugu horeyn Madaxweynaha ayaa codsaday in aan culeys la saarin reerka Madaxweynihii hore, ayna wax dab ah shidan, isagoo kale waxaa uu ku dar daarmay in aan la dhisin qabriga. "Waxaan rabaa inaan ka dhawaajiyo sharciga sida uu inoo sheegayo waxa waaye reerka inaan culeys la saarin oo dab la shidan, waxaa rabnaa boorka inaan iska jafno oo Sunada uga faa'ideysano sida ay ina fareyso, mar kale waa ku celinayaa marka geeri dhacdo 3-maalmood inaan dab la shidi karin, raashinka isagoo bisil loo keeno reerkana aan culeys la saarin waa sida waafaqsan Sunada sida kutubta yar yar ee Fiqiga inoo sheegeyso" "Sidoo kale Qabriga lama dhiso, waxaa jirta in marka qof la aaso in dhagxaan lala boodo, oo wax la dhiso, Sunada ma waafaqsana, taas ayaan isu dar daarmeynaa"ayuu sii raaciyay Madaxweynaha hadalkiisa. Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in intii uu ka bartay Madaxweynihii hore uu ahaa shaqsi saameyn badan ku reebay, Soomaalinimada uu ahaa mid saameyn uu ku lahaa, taasoo uu xusay in la xusuusnaado. "Ninkii wax gaar ah u tabanaya iyo wax guud inuu iska cafiyo, aan ka faa'ideysano oo camal wanaagsan aan la nimaado, waxaan codsanayaa in garoonka diyaaradaha loogu magac daro maamuus aan maamuseyno darteed, howsha qaran uu soo gutay darteed loogu magac daro garoonka diyaaradaha Galkacyo"ayuu yiri Madaxweyne Shariif. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inay isla garteen in Marwadii uu ka geeriyooday Madaxweynihii hore la gudoonsiiyo Calanka Soomaaliya, inkastoo aanay qabuuraha lagu aasayay Marxuumka aanay goob joog ka aheyn. Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf ayaa ku dhashay magaalada Galkacyo sanadkii 1934-tii, siyaasada ayaa waxaa uu ku soo jiray in ka badan 40-sano, isagoo ahaa ninkii u horeeyay ee Jabhad mucaarad sameeya oo ka soo horjeeda Dowladii keli taliska aheyd. Source
-
Somaliland should send Police security forces to Somalia
Shinbir Majabe replied to Carafaat's topic in Politics
^^ haddii ay Uniform ka Somalia qaadanayaan waanu ogolnahay.. -
Abdullahi Yusuf Ahmed: Somalia's Misunderstood Political Icon
Shinbir Majabe replied to Abtigiis's topic in General
money;808865 wrote: http://www.wardheernews.com/Articles_12/March/Muktar/23_Colonel_Ahmed_Waiting_for_Historys_Rehabilitation.html isn't this the same article? Maybe Abitigiis real name is Mukhtar M. Omer. -
^^ oo hadda ma waxaad leedahay jinniyadu netka ayay isticmaalaan? Waawareey!
-
Abdullahi Yusuf Ahmed: Somalia's Misunderstood Political Icon
Shinbir Majabe replied to Abtigiis's topic in General
Abtigiis;808751 wrote: Data loss aa? War ilaahay maad ka yaabtid? Post yada budhcad badeedu qortaba ma lumaane, maxaa kuwa ONLF ta uun ku beega data looska? :D :D :D -
Sh. Sharif Sets a Committe for Abdillahi Yusuf's Burial in Galkayo
Shinbir Majabe replied to Jacaylbaro's topic in Politics
^^ Gartay.. -
Sh. Sharif Sets a Committe for Abdillahi Yusuf's Burial in Galkayo
Shinbir Majabe replied to Jacaylbaro's topic in Politics
^^ then read this or listen this. -
Breaking News: Legend Abdullahi Yusuf Ahmed has passed away....
Shinbir Majabe replied to General Duke's topic in Politics
Xukuumada KMG oo ku dhawaaqday 7-maalmood baroor diiq ah geerida Madaxweynihii hore Soomaaliya Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday 7-maalmood oo baroor diiq ah, iyadoo Calanka Soomaaliya hoos loo dhigayo, geerida Madaxweynihii hore Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo salaadii subax ka hor ku geeriyooday Magaalada Abu Dubai. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Madaxweynihii hore, gaar ahaan waxaa uu u tacsiyadeeyay Xaaskiisa iyo caruurtiisa. "Geerida waa xaq, Allaha u naxariisto C/llaahi Yuusuf Madxaweynihii hore, wuxuu geeriyooday salaadii subax ka hor, Sheekh Zaa'id Hospital"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare C/wali Gaas. Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Gudi heer qaran ah loo magacaabay aaska Madaxweynihii hore Soomaaliya, waxaana Gudigaas gudoomiye u ah Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Meydka Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore Soomaaliya la keeni doono Caasimada Muqdisho oo lagu dukan doono Salaada Janaasada, kadibna loo duulin doono Magaalada Galkacyo, halkaas oo lagu aasi doono. Hadaba Gudiga qaran ee Dowladda u magacawday Hab maamuuska aaska qaran Madaxweynihii hore ayaa waxaa ka mid ah. 1-Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif. 2-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan. 3-Wasiirka Warfaafinta C/qaadir Xuseen Maxamed Jahweyn 4-Wasiirka Arrimaha Dibada C/llaahi Xaaji Xasan 5-Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta Axmed Xasan Gaboobe 6-Wasiiru Dowlahada xiriirka Baarlamaanka iyo Xukuumada Axmed Yaaqshiid -
Life and Legacy of President Abdullahi Yusuf (Pictures)
Shinbir Majabe replied to Somalia's topic in Politics
Sawirkan waxaa la qaaday 1954, waxaana ku kulansan Saraakiishii ugu caansaneyd Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed. (Ka biloow Midig Safka Danbe): Gen Xarbi, Gen Caydiid, Col Abdullahi Yusuf (AUN), Gen Nuur Caddow, Gen Salaad Gabeyre, Col Doonyaale, Col Xassan Gaamuur, Gen Cabdalla Faadil, Col Cilmi Nuur, Gen Samatar, Col Baarqab, Col Abuukar Gacal, Col Abuukar Suulaley and Gen Sharmaan. -
Breaking News: Legend Abdullahi Yusuf Ahmed has passed away....
Shinbir Majabe replied to General Duke's topic in Politics
DEG DEG: Madaxweyne Shariif Oo Ka Hadlay Geeriyada Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Aaskiisana Gudi u Saaray Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa hadal kooban uu saxaafada sii yayay goor dhow wuxuu kaga hadlay geerada ku timid madaxweynihii hore ee wadanka Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu sheegay in uu ilaahay kaga baryayo in uu janadii fardowso ka waraabiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi yuusuf Axmed. Sidoo kale madaxweynaha ayaa wuxuu tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii iyo waliba shacabka Soomaaliyeed oo uu ka geeriyooday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Madaxweyne Shariif wuxuu magacaabay gudi heer qaran ah oo qaba qaabiya aaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi yuusuf Axmed waxaana gudigaasi ka mid ah wasiirka ganacsiga iyo wasiirka dekadaha ee Soomaaliya. Alaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi yuusuf Axmed ayaa saaka aroortii hore wuxuu ku geeriyooday isbital ku yaala magaalada Dubai ee xarunta isku taga imaaraadka carabta. Source -
Breaking News: Legend Abdullahi Yusuf Ahmed has passed away....
Shinbir Majabe replied to General Duke's topic in Politics
^^ Wuxuu ahaa Halyeey Soomaaliyeed, Madaxweyne Soomaaliyeed, waxaana wanaagsan in lagu aaso Caasimadda Qaranka.. Muhiim ma ahan in laga hadlo siyaasadiisa iyo taarikhdiisa. Allaha u naxariisto, ehelkiisa iyo Soomaali oo dhan sabar iyo iimaan Allaha siiyo. AAMIIN. -
Breaking News: Legend Abdullahi Yusuf Ahmed has passed away....
Shinbir Majabe replied to General Duke's topic in Politics
AUN. Qof dhintay in la siyaasadeeyo ayay maree maanta!!! -
Arab culture is truly astonishing. See this -->
Shinbir Majabe replied to Paragon's topic in General
-
Horta dadka qaar ayaad moodaa ineysan Banooniga waxba ka aqoon, midaa kuleh "he passes the ball Sideways or backwards"... Banooniga barta! every position waxaa laga doonayaa howl gaar ah inuu qabto mise sida Chelsea ayaad rabtaa inaan isku dhaxyaacno oo Rightback goal-doon ah teamka dhan wada noqdaan.. Lucas waa Defensive Midfielder, shaqadiisa ugu wayn waa to break up the opposition's attacks and to keep the possession, waadna aragtaan inuu shaqadaas si wanaagsan u guto. Liverpool season kaan waxa ay la dhutineyso waa dhaawaciisa oo Qadka dhexe ka dhigtay mid jilicsan.
-
Ragga qaar iney bixin waayaan Meherka in advance waxaa u sabab ah Dumarka qaar. Waxaa caado noqotay in Meherka la siiyo xilliga furiinka, Dumarka qaarna ceeb ayay u arkaan in Meherkeeda loo qadimo, sida ku dhacday nin aan garanaayo oo Xaaskiisa marki uu siiyay Meherkeeda habeenkii ugu horreeyay ka naxday oo u malaysay in uu furi rabo.
-
(Jokes Section; me thinks)