Shinbir Majabe
Nomads-
Content Count
1,055 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Shinbir Majabe
-
" frameborder="0" allowfullscreen> Shiikh Shariif oo booskii 3aad buuxiyay, taloow ma siyaasad cusub ayay noqon doontaa oo gobolada ama qabaa'ilka ku tartamaan? mise waa dhaqankii wanaagsanaa ee Soomaalida oo la dabaqay? Haddase waxaa banaan booska 4aad, yaase ku xigi doona? Puntland? Khaatumo? Ximan iyo Xeeb? mise Azania?
-
^^ Maadeey waa sheegtay. Ciyaal Xamar inaa tahay shaki kuma jiro markaas. - Baakaati iyo Kulundi waa isaga soo daray, cayaar shaqo kuma lahan, waana sax Baakaati = reer baadiye. - Kulundi = Dhuuni, sab gaad. - Dhabal = acrobatic, (e.g. acrobatic goal). Aleel maxaa la dhahaa?
-
^^ lightning = Biriq, not wiriq:D
-
Shinbir Majabe;805316 wrote: 1.Antaleel 2. Bushkuleeti waa laga jawaabay 3. Waraf waa laga jawaabay 4. Aabiteey waa laga jawaabay 5. Weero wali maya! 6. Kulundi wali maya! 7. Baakaati wali maya! 8. Darbisaar waa laga jawaabay 9. Gacmo socod waa laga jawaabay 10. Samso wali maya! 11. Kalafooto waa laga jawaabay 12. Wiriq waa laga jawaabay 13. Dhabal wali maya! 14. Murtaayo wali maya! 15. Teestaanbo wali maya! Car yaa isku dayi karo! .
-
Xaaji Xunjuf;810113 wrote: Somalina Shimbir ma jabe wa kuma maanta baba igu horeysaaa:D oo kaalay dadka dhan ma wada taqaan? aniga ha igu mashquuline gabadha raali gali oo aad wax ka sheegtay, Sawirada Baladwayn iyo Baydhabo ayadaa soo galisay ayadaana ula jeeday hadalkaaga.
-
Samafal;810043 wrote: Oo kaalay Ceelbuur ma wabi bay leedahay? mise waa baliyo? Maya, wabi ma lahan ee waa balli oo magaalada ka dhigay sida Island, dhinac walba biya ka xigaan.
-
Dowladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay La Wareegidda Magaalooyinka Istiraatiijiga Ah Ee Ceelbuur Iyo Maxaas.WARSAXAAFADEED (Muqdisho, Marso 26, 2012) Ciidamada Soomaaliya oo garab ka helaya Ciidamada Itoobiya waxay ka xureeyeen Magaalada Ceel Buur(Gobolka Galgaduud) iyo Magaalada Maxaas(Gobolka Hiiraan) iyo deegaano hoos yimaad, maanta Maleeshiyaadka Al-shabab (Al-qaacida Soomaaliya) ee argagixisada ah iyadoon wax iska caabina aysan jirin. Waxaa farxad leh in Shacabka degan labada magaalo ay ku soo dhaweeyeen ciidamada xureynayay Alalaas, caleemo qoyan, iyo ubax , iyagoo muujinayay farxada ay u qabaan in sadax saneo ka dib ay ka xuroobeen, duleysigii, dhibaatadii iyo rafaadkii ay ku hayeen maleeshiyaadka Al-shabab. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn) oo wareysi uu siiyay Warbaahinta Qaranka- ayaa yiri “waxay u tahay farxad weyn dhamaan shacabka Soomaaliyeed, xukuumadda iyo gaar ahaan shacabka labada magaalo iyo degaanada kale ee ugu danbeyn laga xureeyay duleysigii iyo tacadigii ay ku hayeen argagixisadu, waxaa farxad ah in gacanta dowladda ay ku soo noqdeen” Wasiirka ayaa intaa ku daray “ Hore ayaa xukuumada Soomaaliya wacad ugu martay xureynta dhulka cadawgu haysto iyo in ay waajib ah a soo celinta nidaamka sharcigga goobaha xorooba, mana la ogola xad-gudub iyo aargoosi shaqsiyaadeed oo ku salaysan tuhun. Cidii danbe gashayna waa in sharciga la horkeeno si loogu cadeeyo sharciguna isagaa sarreeya, lana dhowro Cadaaladda, taasoo ah tilmaamnta ay Xukuumadda Soomaaliya uga duwan tahay Maleeshiyaadka Al-shabab ee Argagixisada ah” Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gunaanaday “waxaan ugu baaqaayaa dhalinyarada la marin habaabiyay ee da’ada yar ee weli ku harsan Al-shabab ee ku howlan waxan Diinta iyo caqliguba ogoleyn iney ka haraan danbiilayaasha baxsadka ah iyo Ajaanibta aan arxanka u hayn dadkeena iyo dalkeena, kana faaideystaan dhalinyaradu cafiska Xukuumadda Soomaaliya si ay uga baxaan dhibaatada ay ku dhex jiraan, tiiyoo waqtigu gabaabsi yahay”. Dhamaad
-
Che -Guevara;809963 wrote: Is that your excuse, If AS does it, foreigners who invaded my land can do it. Seriously, how do you ignore what they did in Xamar in 2006/07? I am just trying to figure your thought process! Kuma dhihin Itoobiyaanka ayaa wanaagsan, oo waa dal shisheeye, dhibaato wayn ayayna geesteen waagii 2006/07 di. Balse haddii aad maqashay maahmaahdii carabi ahayd "Ikhtar ahwana Sharayn" laba shar kii fudud dooro. maanta waxaan heysanaa Itoobiya oo leh Shabaab ayaan ka saaraynaa Magaalooyinka dibna waan idinkaga laabanaynaa, marka caqliga suuban wuxuu noo sheegaa inaan ka faaiideysano.
-
^^ waa sidaan filayay, wax kale oo Shabaab la isaga celin karo ma heysid. Waxaa ii cad inaadan aqoon u lahayn Maxkamadihi 2006, haddiiba ay kuula mid yihiin Shabaabka hadda jira. TFG du wali waa sideedii oo AY iyo Shariif wax farqi wayn uma dhaxeeyo, laakiin farqi wayn waxuu u dhaxeeyaa Maxkadamaha iyo Shabaab. Maxkamadaha waxaa ku jiray ururo diini ah oo kala fikir duwan, sida: Al Itixaad, Salafiyah, Al Ictisaam, Al Islaax, Suufi, Ganacsato, Aqoonyahanno iyo qeybaha bulshada ay ka kooban tahay. Hogaankooda waxay ahaayeen dad la yaqaan oo xushmad iyo wadaniyad labadaba lagu yaqaan, Halka Shabaab ay leeyihiin hal fikir oo ka siman, hogaankoodana aan la aqoon, maslaxadda Dalka iyo Dadkana aanan ka shaqayn. waagii 2006, Maxkamadaha hogaankooda waxay ogolaayeen wada hadal, waxaana ka go'need iney Dawlad Soomaaliyeed la sameeyo taasoo ku salaysan Sharciga Islaamka, Laakiin Shabaab marnaba ma doonayaan inay miiska wada hadalka soo fadhiistaan, dad aana ayaga ahayna waxay u yaqaanaan Murtadiin.
-
Che, bal foolxumada Shabaab daily u sameeyaan ayagana inoo sheeg?
-
XX, maxaa kale oo talo heysaa? waa diiday Itoobiyaan, Ciidan Soomaaliyeed oo awood lehna hadda ma jiro, marka sheeg bal alternative ka aad heyso oo Shabaab la isaga celin karo? mise waxaad leedahay Shabaab ha iska joogo meesha, ukumo badanne meesha haku yeesho? Bal inoo sheeg wax uun?:confused:
-
^^ waxaad rabtaa in aad isku meel dhigto Maxkamadahi Islaamiga iyo Shabaab. Adeer farqi weyn ayaa u dhaxeeya, Maxkamadaha waxay isugu jireen cid walba, laakiin Alqaacidada Soomaaliya waa danbiilayaal aanan arxan lahayn. Dhibka ay magaalada Ceelbuur ka geysteen 5 tii sano ay heysteen wax la soo koobi karo ma ahan, Ilaahey ayaa dadka ka kor qaaday, Itoobiyaanka cid jecel ma jirto, waana cadaw soo jireen ah laakiin xaaladda hadda la taagan yahay ayaa saamaxayso in aad kala doorato laba dhib kan fudud.
-
Che, Maxaad ku qoslee? maanta oo kale qosol kuuma banaana!
-
LOL, XX Tigree ma degno magaalada, waxaa dagan shacab xoog lagu heystay, Tigrey gana way baxayaan mar dhaw.
-
Degmada Ceelbuur waa magaalo qadiimi ah, oo istiraatiiji u ah deegaano badan, waxaa lagu tilmaamaa inay tahay degmada ugu faca weyn ee Gobolka Galgaduud. Waa meel aan biyaheeda go'in waxaa mara Balliyo weyn oo xilliga roobaadka ay biyo dhigaan, hadii aan roobab jirin waxay leedahay ceelal ku wareegsan degmada. Biyo la'aan kama dhacdo, ka sokow xoolaha inay ka cabaan biyaha, waxay degmada faa'ido gaar ah u tahay wax soo saarka, sida digirta iyo qaraha oo looga faa'ideysto Baliyada biyaha ee ku hareereysan degmada. Degmada Ceelbuur waxay dhacdaa Bariga Galgaduud, waxay xiriirisaa degmooyin badan, waxay muhiimad gaar ah u yeelan doontaa dhincii qabsaday Waxay leedahay qalcad weyn oo xilligii Gumeystaha ay sameysteen, xilligii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayaa lagu dilay Jeneraalkii u horeysay ee Gumeystihii Talyaaniga, kaasoo sababay dilkaas inay isaga baxaan, waana degmo marka loo eego taariikh u leh deegaanada Gobolada Dhexe ee Soomaaliya. Shabaab hadii laga qabsaday way ku adkaaneysa inay sii joogaan magaalooyinka kale sida degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan oo u dhow Ceelbuur, degmada Buulo Burde oo wado ka baxda Ceelbuur ay gasho, iyo degmada Xeebta ah ee Ceeldheer ee isla Gobolka Galgaduud. Qabsashada Ceelbuur waxay suura gelin doontaa in magaalooyin dhowr ah oo sidii silsilado isugu taxan inay Shabaabku ay waayaan, maadaama ay u aheyd magaalo xudun u ah. Joogitaanka Shabaab ee Ceelbuur waxay mar walba saameyn ku yeelan jirtay degmada Dhuusa Mareeb oo xilli walba dagaalo iyo weeraro lagu soo qaadi jiray, waana halka duulaanada looga abaabuli jiray, ha yeeshee, way adkaaneysa in la soo weeraro wixii hada ka dambeeya Dhuusa Mareeb iyo Guriceel. Sanadihii 2000 ilaa 2005-tii waxay soo martay degmada Ceelbuur dagaal beeleedyo u dhaxeeya labo beelood, ilaa aaqirkii Maxkamadihii Islaamiga oo ku guuleystay inay heshiis kala dhex dhigaan labada beelood, nabad lagu naaloodana ay ka dhacday, taasoo keentay in taageerada ugu badan ka helaan Saraakiisha Shabaabka ugu waa weyn ee ka soo kala jeedaa Ceel-Garas iyo Ceelbuur. Laakiin saameynta labaad ayaa iyana noqon doonta mid Xoogaga Ahlusuna ku reebi doonta, gaar ahaan dhanka Saraakiisha ama ciidamada oo aan deegaanka u dhalan, waana adkaan doontaa sida ay dadka deegaanka ula mucaamilaan, hadii aan la helin nin deegaanka ka soo jeeda oo u suura geliya kasbashada dadka deegaanka. Horay Ahlusuna waxaa Gudoomiyaha Gobolada dhexe u ahaa Sheekh Cumar Maxamed Faarax, hase ahaatee markii dambe waa laga qaaday xilka, iyadoo loo arkayay inuu soo dumi waayay dadka deegaanka ee Ceelbuur ka soo jeeda. Ciidamada Itoobiya oo kumanaan gaaraya ayaa qorsheynaya in deegaano hor leh ay sii kulaalaan, waxaa ka mid ah deegaanada xeebta dhaca ee gala ilaa Shabellaha Dhexe, wadada Laamiga ee Hiiraan ilaa Shabellaha Dhexe isku xirta. Degmada Ceelbuur ayaa aheyd halka xudunta u ah Shabaab oo Hogaamiyaasha sar sare ay ku dhaarteen waxaa ka soo jeeda Afhayeenka Shabaab Sheekh Cali Dheere iyo ninka Siyaasada iyo arrimaha Gobolada ugu qaabilsan Sheekh Xuseen Cali Fiidow iyo rag kale.
-
Ciidammada culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca oo garabsanaya kuwa Ethiopia ee ogolaanshaha DKMG dalka kusoo galay ayaa goor dhow siyaabo kala duwan ula wareegay degmooyinka Ceelbuur iyo Maxaas oo ku kala yaalla gobollada Galgaduud iyo Hiiraan, iyadoo firxadka malleeshiyaadka Al-Qaacidda ay ciidammada ku raad jooggaan. Howlgalladani ka kala dhacay degmooyin ku yaalla Galgaduud iyo Hiiraan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidammada Ahlu Sunna oo kaashanaya ciidammada Itoobiya, degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo ay maalmahan dulleedkeedu ku sugnaayeen ciidammada Qalabka Sida iyo ciidammada Itoobiya kaddib markii ay isaga carareen malleeshiyaadka Al-Qaacidda ayeey Galabta gudaha u galleen halkaasi ciidammada. Markii ay ciidammada gudaha u galleen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa halkaasi ay billaabeen howlgallo kale, iyagoo haatan ku raad joogga haraadiga malleeshiyaadka Al-Qaacidda, waxaana deggan xaaladda degmada, waxayna ciidammadu galleen iyadoo aysan wax dagaallo ah ka dhicin. Dhinaca ciidammada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Itoobiya ayaa isla galabta la wareegay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay saraakiisha dowladda horrey u sheegtay in saacaddaha soo socda ay gaari doonaan.
-
Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Khaatumo State ku wareejisay Idaacad taasi oo Wasaaraddu ugu talagashay in ay dhageystaan shacbiga Soomaaliyeed ee ku nool deegaannada uu maamulkaasi ka arimiyo. Munaasabad maanta xarunta Wasaaradda Warfaafinta gaar ahaan xafiiska Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya lagu qabtay ayaa Idaacadaasi lagu wareejiyey ayadoo munaasabadana ay kasoo qeybgaleen Wasiirka Warfaafinta,Boostada Iyo Isgaarsiinta,Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta Sarre iyo mas’uuliyiin ka socotay maamul goboleedka Khaatumo State oo uu horkacayey Madaxweynaha Maamulkaasi. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed Jahweyn oo ugu horeyn munaasbadda ka hadlay ayaa sheegay in talaabadani ay Wasaaraddu maamul goboleedka Khaatumo State ugu wareejineyso Idaacadda(FM) ay ka mid tahay waajibaadka shaqo ee Wasaaradda maadaama lagu gacan qabanayo mid ka mid ah maamullada dalka ka jira islamarkaana siyaasadda Dowladdu ay tahay in la gaarsiiyo dhageysiga Warbaahinta Qaranka. Wasiirka ayaa dhanka kale tilmaamay in Wasaaraddu qorsheyneyso iney xafiisyo ka furato dhammaanba deegaannada ay gacanta ku hayaan maamul goboleedyada dalka taasina ay qeyb ka tahay waajibaadka shaqo ee Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta. Sidoo kale Madaxweynaha maamul goboleedka Khaatumo State Mudane C/nuur Cilmi Qaaje oo munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahad celiyey Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Idaacadan ay ugu deeqeen waxaana uu tilmaamay in uu rajeynayo iney tani *****li doonto baahida warbaahineed ee shacabka Khaatumo State. Dhanka kale Mudane Xuseen Suleymaan (Dhegaweyne) Wasiirka Xiriirka Caalamiga ah iyo Jaaliyadaha maamulka Khaatumo oo isna Munaasabada ka hadlay ayaa tilmaamay in talaabadan ay ka turjumeyso sida Wasaaraddu ugu taagantahay *****lidda baahida shacabka ee dhanka Warbaahinta. Munaasabadda ayaa guud ahaanba kusoo idlaatay jawigii loogu talagalay balse Wasaaradda Warfaafinta ayaa sidan oo kale idaacado ugu deeqday maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayadoo dhammaan qorshaha idaacadaha lagu gudoonsiinayo Maamullada ay yihiin meel marinta Siyaasadda Dowladda ee lagu baahinayo dhageysiga Warbaahinta Qaranka. Source: Radio Muqdisho
-
We need Somali National Goverment Institutions
Shinbir Majabe replied to Carafaat's topic in Politics
One pays a goat if one has discriminated someone. :D -
Fresh and Hopeful faces for Next Somali Parliament
Shinbir Majabe replied to Somalina's topic in Politics
Talo wanaagsan. -
Fresh and Hopeful faces for Next Somali Parliament
Shinbir Majabe replied to Somalina's topic in Politics
Aniga ma is sharixi karaa? I mean chances keyga intee la agtahay? ayadoo ay wali joogaan the likes of Sharif Sakiin. -
Ciidamada Ahlu Suna iyo Kuwa Ethiopia Oo Kaabiga Ku Haaya Ceelbuur Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Faarax oo ka mid ah masuuliyiinta ururka Ahlu Suna waljamaaca oo la hadlay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in haatan ciidamada Ahlu Suna iyo kuwa Ethiopia ay ku suganyihiin meelo ku dhow degmada Ceel Buur ee gobalka Galgaduud isla markaana ay saacadaha dhow ay qorshaynayaan in howlgalka gobalka Galgaduud ay soo gaba gabeeyaan waa sida uu hadalka u dhigaye. Sidoo kale wuxuu sheegay Sheekh Cumar Sheekh Maxamed in haatan ay ku wajahan yihiin deegaano ka tirsan gobalada Mudug iyo Hiiraan oo ay haatan ku sugan yihiin ururka Al-Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada iyo Ahlu Suna. Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka ay bilaabeen in ay ka barakacaan degmada Ceelbuur iyo deegaanka Ceelgaras waxayna ka cabsi qabaan in deegaanadaasi ay dagaalo ka dhacaan isla markaana ay ku dagaalamaan ciidamada Ethiopia iyo kuwa Al-Shabaab. Ilaa iyo iminka ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan arintaan iyo waliba ciidamada Ethiopia iyo kuwa Ahlu Suna ee haatan gaaray deegaano ka tirsan gobalka Galgaduud oo ay horay u joogeen Al-Shabaab. Source
-
Atariisho, 4 xabo si sax eh ayaa uga jawaabtay. Laakiin Antaleel a bird? Antaleel = waa cayaar ayadoo hal lug kuu laabantahay laga boodboodaayo xariiqmo dhulka lagu qoray. Wiriq iyo Wariiq ma islaha, Wiriq or Kibili= an acute ankle injury generally results from a sudden turning outward of the foot while supporting the body's weight. Waraf = slingshot? maybe. laakiin Fargan ayaa ah ereyga la micnho ah slingshot. here is the difference: Waraf Fargan
-
Reports from Galgadud region in central Somalia indicate that Alshabab fighters deserted the strategic Ceelbuur district on Saturday afternoon, which was previously the largest Alshabab base in central Somalia. Residents in the Galgadud region confirmed to Somalia Report that hundreds of Alshabab fighters left the district along with their fighting vehicles, heading southwards. "I can confirm that Ceelbuur is empty and no one is in the district, but we have heard that ASWJ and Ethiopian troops are heading towards the district," Mohamed Osman, a local resident told to Somalia Report. Hundreds of Ethiopian troops with their military equipment have entered the region in the past day, and locals fear that they will suffer attacks if Alshabab insurgents are found in their area. ASWJ troops from the districts of Guriceel and Caabudwaaq, Xeraale, Balanballe and other districts have also reached Dhuusamareeb to reinforce the ASWJ forces already present. Abdiwali Siyad, an ASWJ senior official who spoke to the local media , vowed they will shortly attack the Ceelbuur district and other districts controlled by Alshabab, in an effort to end the hit and run attacks carried out by Alshabab. He also promised that they have planned to wipe out Alshabab from the whole Galgaduud region within a week. "our ASWJ fighters have captured large bases from Alshabab in Goddhurwaa and Ceelgaras. the militants have fled to Jacar and Bargaan, which are located in the eastern part of Galgaduud," he said. Alshabab has take off the air the pro Alshabab radio station in Ceelbuur, and have evacuated all their equipment. On Tuesday, Alshabab fighters briefly took control of Dhuusamareeb district after heavy fighting, and though it was recaptured from them, the fighting caused damaged morale amongst for ASWJ. Sheikh Aden Farey, an Alshabab commander in the Galgaduud region told a pro Alshabab radio station that their forces in the region are ready to confront the Ethiopian troops. "Those forces who come from Ethiopian Christian government have entered in the district of Dhuusamareeb. Although they entered and have prepared themselves, but we will defeat the," said Sheikh Farey. The Ethiopian forces inside Somalia have already captured the towns of Baydhabo, Baladwayne and Xudur, which were all previous Alshabab bases in southern and central Somalia. Abdiwali Siyad, the ASWJ official, said ASWJ had met with senior official of the Ethiopian troops and they were working hand in hand in the fight against Alshabab, whom he described as a threat to the security of the region. Source
-
LOL @Abu Daadirow al-Tanzani.